-
Content Count
214,329 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xarakada Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay dilka Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Shabelle oo saacadihii la soo dhaafay lagu toogtay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda dilkaan ayaa tilmaamtay inay fuliyeen Xoogag hubeysan, islamarkaana ay goobta isaga dhaqaaqeen. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in marxuumka uu wada shaqeyn la lahaa Mareykanka, gaar ahaan laatiisa CIA-da, sida ay hadalka u dhigtay Al-Shabaab. Toogashada loo geystay Nabadoon C/risaaq Shabeel ayaa ka dhacday xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan falkaasi. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo ka fuliya xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-27012020.mp3 View the full article
-
Shir u dhaxeeyay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Amniga, Cadaladda, Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo qaar kamid ah hay’adaha UN-ka ayaa maanta waxa uu ka qabsoomay Muqdisho. Shirka oo uu gudoominayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee dowladda Faderaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa looga dooday dhameystirka dastuurka iyo sidii xal-looga gaari lahaa qodobada masiiriga ah ee u baahan in wada-xaajood siyaasadeed laga gaaro. Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Subeyr ayaa waxaa uu ka qaybgalayaasha shirka u sameeyay soo jeedin ku saabsan qorshaha guud ee Wasaaradda ee ku aadan dhameystirka dastuurka bartamaha sanadkan 2020ka. Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ka go’antahay dhameystirka dastuurka iyada oo loo marayo hannaan wadatashi. “Waxaa naga go’an dhameeystirka dastuurka inaga oo kaashaneyna wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ay quseeyaan inay soo dharaadhiriyaan qodobada dastuurka ee u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro, sanadkan waxa aan dooneynaa inaga dowaladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo wadajira inaan dastuurka qabyo tirno” ayuu yiri Wasiir Saalax. Dhanka kale, waxaa shirka ka hadlay agaasimayaasha guud ee Wasaaradihii ka soo qaybgalay shirka iyo masuuliyiin ka socday UN-ka iyaga oo sheegay inay Wasaaradda Dastuurka kala shaqayn doonaan fulinta qorshaha u degsan sanadkan. Ugu dambayn, waxaa lagu ballamay in la dardargeliyo howlaha dhemeeystirka dastuurka iyada oo lagu shaqeeynayo hannaan wadatashi oo lala sameeynayo shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlay dhameystirka Dastuurka oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Asmara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Ereteriya kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka. Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku wehliya Agaasimaha Madaxtooyada, Amb. Cali Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo aan inta badan ka harin Madaxweynaha marka uu aadayo Asmara, iyo Wakiilkiisa gaarka ah ee u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo maanta uu ku tagay Asmar ayaa noqonaya kii 5aad oo uu muddo sanad iyo todobo bilood ah uu Eritrea ku tago, tan iyo safarkii u horeeyay ee uu ku tagay dalkaas bishii July ee sanadkii 2018-dii.
-
Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala Wararka ka imaanaya degaannada ku teedsan buuraleyda degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay dhaqdhaqaaqyo cusub ka wadaan malayshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda degmadaasi Qandala. Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa ku warramaya in malayshiyaad ka tirsan Daacish aad u hubaysan shalay lagu arkay tuulooyin hoos yimaada degmada Qandala , kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah. Dhaqdhaqaaqa ay Daacish bilowday ayaa ku soo beegmaya, xilli wefdi ka tirsan dowladda Puntland uu ku suganyahay degmada Qandala, islamarkaana ay halkaasi ka daah-fureen mashruuc Laydhka Cadceeda ku shaqeeya oo ay hirgelisay hay’adda TIS+/USAID. Kooxda Daacish ayaa horay mar u qabsatay degmada Qandala 26-kii October 2016, balse ciidamada Puntland ayaa Daacish dib ugala wareegay degmadaasi Qandala 7-dii December 2016. Kooxda ayaa wixii intaasi ka dambeeyay si dhuumaalaysi ah uga hawl gelayay buuraleyda Qandala, sidoo kalena waxay dilal qorshaysan ka fuliyaan Magaalada Boosaaso . Dilkii ugu dambeeyay ee Daacish ka fulisay magaalada Boosaaso 21-kii bishan January 2020, waxay ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe. Qaran News
-
Waxaa bayaan ay uga hadlayaan doorashada maamulka Galmudug maanta soo saaray odayaasha dhaqanka maamulkaasi iyaga oo dalbaday in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo, xilli laga cabsi qabo in uu dib u dhac ku yimaado doorashadaasi. Odayaashaan, ayaa warmurtiyeedkooda ku cadeeyay in aan loo baahnayn dib u dhac kale iyaga oo dowladda Federaalka ka codsaday in si dhow ay ula shaqeyso baarlamaanka cusub ee Galmudug. Sidoo kale waxgaradkan, ayaa baaq u diray beesha caalamka, waxa ayna ka dalbadeen in beesha caalamku taageerto dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Ugu dambeyn waxaa ay baaq u jeediyeen murashaxiinta xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkaba in ay ka qeyb qaataan doorashada, islamarkaana ay ka fogaadaan waxkasta oo carqalad ku keeni kara doorashada Galmudug. Halkaan ka akhriso warka ay soo saareen odayaasha dhaqanka Galmudug: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Baladweyn ee gobalka Hiiraan iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa waxaa faro ba’an ku haya xanuunka shuban biyoodka, kaas oo ka dilaacay maalinimadii Jimcada. Tan iyo markii xanuunka uu dilaacay ayaa Isbitaalka guud ee magalaada iyo MCH-da waxaa la dhigay 75 ruux kuuwaas oo uu soo ritay xanuunka halka 16 kalena ay u geeriyoodeen oo isugu jira caruur iyo waayeel. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cisamaan, oo maanta Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in xanuunka si aad ah uu u saameeyey dadka ku nool xeryaha baracayaasha ee ku yaalla xaafadaha kala duwan ee magaalada sida Howlwadaag, Kooshin, Buundoweyn, Xaawotaako. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xaalad daawo yari ay ka jirto Isbitaalka, waxaana uu xusay in ay filayaan in wasaaradaha caafimaadka federaalka iyo Hirshabeelle ay soo gaaraan magaalada si ay ugu kuurgalaan xaaladda. Dhinaca kale guddoomiye Xuseen Cismaan ayaa tilmaamey in maamulka uu sameeyey xarun lagu karaantiilo dadka uu xanuunka soo ritay si loo xakameeyo inuu faafo,maadaama saacad waliba uu xanuunka dad uu soo ridanaayo, ilaa iyo haddana ay 75 ruux uu soo ritay halka 16 ruuxna ay geeriyoodeen. Ugu dambeyn guddoomiyaha arrimaha bullshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan ayaa sheegay ilaa iyo hadda in kaliya maamulka iyo shacabka magaalada ay wadaan gurmadka, isaga oo xusay in xisbiga daljir oo kamid ah axsaabta ka jirta dalka uu soo gaarsiiyey xoogaa daawo ah laakiin aysan ku filneyn baahida doowo ee ka jirta xarumaha lagu haayo dadka uu soo ritay . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa meel wanaagsan maraya dayactirka & dhismaha Garoonka Ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho,Garoonkan oo ah midka ugu wayn dalkeena ayaa waxaa haatan u harsan waxyaabo yar yar oo ah dhameystirka dhismaha. Wax dhamaadkii sanadkii hore 2019 booqday madaxda Xiriirka Kubbadda cagta iyo dhallinyarada ka timid wadanka UK,iyagoo sanadkii labaad booqasho iyo indha indheyn ku tagay tuulada,waxayna Goobjoog u sheegeyn in wax badan oo la taaban karo laga badalay garoonka ugu weyn Soomaaliya. Guddoomiyaha Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay marka la dhameeyo holwaha ka socda Tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho uu xiriirka ku qaban-ddoono tartamada kala duwan ee kubbadda cagta,maadaama iminka ay jirto baahi badan oo garoomada. Garoonka Stadium Muqdisho oo la dhisay Sanaddii 1978-dii ayaa lagu qaban jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha sida kubbadda cagta, kolayga, miiska, dabaasha iyo kuwo kale oo badan,waaya joogii hore ayaa bogaadinaya holwaha dib u dhiska ee ka socda garoonka Stadium Muqdisho. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Horomarka Garoonka Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wafdi ka koobnaa macallimiin,ciyaartooyda oo ka kala socday wadamada Yurub ayaa dalka u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho sanadii 2019 waxayna badankooda u aheyd kolkii kowaad ay caga imaadaan dhulkooda hooyo ee Soomaaliya. 17 December 2019-Wafida kooxda Som Stars ayaa ka soo dagay garoonka Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana dhallinyarada iyo maamulkooda soo dhaweeyay madaxda ka socotay Gobolka Banaadir,iyagoo ugu mahad celiyay booqashooda imaatinka Soomaaliya. 18 December 2019-Dhallinyarada iyo wafdiga kooxda ayaa booqday tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho,iyagoo aad ugu faraxay markii ay gareen,dhallinyarada ayaa bogaadiyay howlaha dib u dhiska ee ka socda garoonka Stadium Muqdisho,iyagoo u u mahad celiyay Dowladda Soomaaliya. 19 December 2019-Kooxda Somali Stars UK ayaa kulan ciyaareedkoodii kowaad caasimada Muqdisho kula ciyaaray xidigaha naadiga ciidanka xooga dalka ee Horseed taageerayaal aad u badan ayaa kasoo qeyb galay kulankaa waxaana 1-0 ku badiyay xidigaha martida ahaa Somali Stars UK. 20-December 2019-Dhallinyarada iyo macallimiinta ayaa booqday goobaha dalxiisa ee magaalada,iyagoo waqti wanaagsan ku qaatay xeebta Liido ee degmada CabdiCasiis waxaana la kulanay qaar ka mid ah waxayna inoogu warbixiyeen dareenkooda ku aadan Liido Beach. “Way la yaabeen quruxda iyo jawiga dagan ee Xeebta Liido,uma aysan haysan in ay halka ay joogaan ay tahay dhulkooda.,balse waxay ka qaateen qibarad aad u wanaagsan” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa maamulka kooxda Somali Stars Uk. 21-December 2019-Kooxda Heegan iyo xidigaha Somali Stars ayaa wada dheelay ciyaar aad u xiiso badan waxaana kulankaa 4-3 ku badiyay wiilasha naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan,waxaana ciyaartaa kasoo qeyb galay taageerayaal aad u badan. 23-December 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhallinyarada iyo madaxda kooxda Somalia Stars ku qaabilay xafiiska duqa caasimada ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish”,dhallinyarada ayaa kormeer ku maray xafiisyada kala duwan ee Gobolka Banaadir,iyagoo bogaadiyay howlaha ka socda. 24-December 2019-Naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club iyo kooxda Somali Stars ayaa wada dheelay kulan ciyaareed aad u xiiso badan waxaana daawashada ciyaarta kasoo qeyb galay taageerayaal aad u badan,iyadoo kulanka uu ku dhamaaday barbaro 2-2. 25-December 2019-Dhallinyarada iyo macallimoontooda ayaa booqay xerada farsamada gacanta ee Xayle Bariise waxaana safarka kooxda qeyb ka ah labo wiil oo ka mid ah reer Xayle,iyagoo aad ugu farxay kolkii ay booqdeen Warshadooda iyo howlaha ay bulshada u hayso. 26-December 2019-Xidigaha Kooxda Somali Stars oo ka kala yimid wadamada UK,FInland,Sweden ayaa kulankii ugu danbeeyay caasimada xili habeen ah kula dheelay naadiga Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden waxayna aheyd ciyaar aad u xiiso badan,iyadoo Som United ay guusha ku qaateen 2-1 iyo koobka loogu dhigay macallimiiinta iyo ciyaartooyda Somali stars ayaa u hambaleeyay dhigooda Som United. “Wuxuu inoo ahaa safar cajiib ah waxaan u mahad celinaynaa dadkii nagu soo dhaweeyay dhulkeenii hooyo iyo kooxihii kala duwanaa ee aan kula ciyaarnay magaalada Muqdisho,ani ahaan iyo qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada waxay diyaar u yihiin in ay soo laabtaan sanadaha soo aadan” ayuu Goobjoog u sheegay macallin ku xigeenka kooxda Somali Stars Zakariye Cabdi Xasan. 28-December 2019-Waxaa soo idlaaday socdaalka dhul barasho is dhaxgalka bulshada iyo ciyaaraha saaxiibtinimo ay caasimada Muqdisho ku ciyaareen dhallinyarada qurbajoogta,iyagoo sheegay in aysan iloowidoonin waqtigii quruxda badnaa ay ku qaateen dalkooda hooyo waxayna balanqaadeen in ay joogteendoonaan sanad kasta. Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan Safarka Kooxda Somali Stars 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ankata)- Turkiga ayaa soo saaridoona sharci cusub oo u oggolaanaya ragga in ay ka badbaadaan in la maxkamadeeyo haddii ay guursadaan gabdhaha ay kufsadeen ama ay galmo aan caadi aheyn la sameeya. Sharcigan oo hal ku dhig u ah,” guurso gabadhada aad kufsatay.” ayaa loo gudbiyay barlamaanka dalka Turkiga dhamaadka bishii hore. Haweenka u ololeeya xuquuqda dumarka ayaa ka cadhooday sharcigan, iyagoo ku doodaya in uu jidka u xaarayo sii socoshada kufsiga isla markaana uu sharciyeyn doona guurka carruurta iyo kufsiga sharciga ah. Wadamo badan oo ay kamid yihiin, Egypt, Jordan, Lebanon, Morocco, Tunisia, iyo falastiin ayaa hore qaawiniintooda uga saaray sharcigaan. Sharci kan la mid ah ayaa fashilmay sanadkii 2016 kadib cadho caalami ah oo ka dhalatay. Xisbiga mucaaradka Turkiga ayaa ku baaqay in sharcigaan la jebiyo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 38% dumarka ku nool Turkiga ay la kulmaan gacan ka hadal ama xadgudubka galmada. Source
-
President of Somalia, Mohamed Abdulahi Mohamed, arrived in Asmara, Eritrea early today for Tripartite Summit between Ethiopia, Eritrea and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Tel Aviva)-Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in markii ugu horraysay ay muwaadiniinteeda u ogolaan doonto inay u safraan waddanka Sucuudi Carabiya, taas oo ah astaantii ugu dambeysay oo lagu hagaajinaayo xidhiidhka labada dal. Hasayeeshee Sucuudi Carabiya ayaanan weli ku dhawaaqin waxay dhinaceeda sameynayso. Israa’iil iyo Sucuudiga malaha wax xidhiidh ah oo diblumaasiyadeed balse cabsida ay labaduba ka qabaan Iiraan ayaa haatan isu soo dhaweyneysaa. Waxaa jiray xidhiidho hoose oo u dheexeyo Iiraan kaas oo ay kaga hadlayeen sidii looga hortagi lahaa saameynta Iiraan ay ku leedahay gobolka Bariga Dhexe. Israa’iil waxay ku rajo weyn tahay in muwaadiniinteeda ay u safraan Sucuudiga gaar ahaan kuwo doonayo in waajibaadka xajka ay gutaan ama howlo ganacsi. Sucuudiga kama hadlin hadalka kasoo baxay Israa’iil, waxay u muuqata in Sucuudiga uu isku dayayo in uu la yimaado siyaasado furfuran. Waxaa uu Sucuudiga bilaabay dal ku gal loogu talagalay dalxiisayaasha balse muwaadiniinta Israa’iil xaq uma laha dal ku galkaa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dil xalay fiidkii hore Dayniile loogu geystay Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Shabeel. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in marxuumka ay toogashu ku dileen Xoogagooda, kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay kooxa Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Marxuum Cabdirisaaq Shabeel uu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, islamarkaana uu ku lug lahaa culumo loo gacan galiyey Mareykanka, sida lagu yiri warka Al-Shabaab. “Mujaahidiinta ayaa howlgal qorshaysan ku dilay Cabdi Yuusuf Shabeel oo u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA kaalina ku lahaa raafkii ka dhankaa culimadii Mareykanka laga iibsan jiray xiligii dagaal oogeyaasha.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka, gaar ahaan laamaha amniga oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi oo ka dhacay xaafada Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxaana la toogtay xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan iyo weeraro gaadma ah ka fuliya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa saxiixayaasha Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa todobo qodob ka soo saaray doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Warsaxaafadeedka ka soo baxay odayaasha ayaa ugu horreyn waxaa dowladda federaalka loogu baaqay in ay taageerto xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana ay ku garab istaagto dhismaha maamul mid ah. Sidoo kale ayaa odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday baarlamaanka in aan dib loo dhigin waqtiga doorashada, islamarkaana la qabto waqtiga loo asteeyey. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu faray xubnaha 20-ka ee Ahlu Sunna ugu jira baarlamaanka Galmudug inay gutaan waajibaadka loo igmaday, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac ku yimaada doorashada maamulkaasi. Saxiixayaasha Galmudug ayaa dhinaca kale beesha caalamka ka dalbaday inay teegeerto dhismaha loogu jiro maamul mid ah oo ay u dhan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug. Ugu dambeyn waxa ay odayaashaan u soo jeediyeen musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay ka qeyb qaataan tartanka loogu jiro doorashada. Halkan hoose ka akhriso:
-
Warar lagasoo xigtey Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta Puntlandi.com u xaqiijiyey in Maleeshiyaadka Argagixisada ay Dhaqdhaqaqaaq Cabsi galiyey Shacabka ay ka wadaan Duleedka Degmada Qandala. Maleeshiyada [...] Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa 15 maalin gudaheed waxaa uu markii 2-aad safar ku tagayaa dalka Eritrea. Arrintan ayaa la dambeysay kadib markii uu shir isugu wacay ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, shirkan oo saddex geesood ah waa madaxweeyneyaasha Eritrea iyo Soomaaliya Isaias Afwerki, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Shirkan lama sheegin wax ajende ah sida la mid ah midkii ay 10-kii bishan ay Asmara ku yeesheen Isaias Afwerki iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Labada safar ee Asmara waxaa u dhaxeysay safar kale oo uu madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Cummaan halkaasi uu uga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus. Wararka safarkan, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Laascaanood)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Puntland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan. Madaxweyne ku-xigeenka oo Maanta hadal ka jeediyey Magaalada Garoowe ayaa isagoo daba socda hadal uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ku sheegay in Taariikhda Daraawiishta ay Somaliland leedahay, wuxuu sheegay in sheegashada Wasiirka Warfaafinta Somaliland aanay waxba ka jirin “Nin baa halkaa ka yidhi oo sheegtay Taariikhda Sayidka, Ninkaasi Afkaan ku ballaadhinayaaye wuxuu yidhi Taariikhda Sayid (Waxa leh) Hargeysa..” ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waxaanu intaa ku daray “Ninkaa waxaanu leenahay ‘Aa la tahay’ Iska hadlow ina igarre..” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa dhawaan sheegay in Somaliland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan. Halgankii Daraawiishta ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu xusay ee ku qoran Dastuurka Somaliland. Source
-
The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Mohamed Abdullahi Farmajo, to join H.E President Isaias Afwerki of Eritrea and H.E Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia, in Asmara, Eritrea for the joint trilateral summit involving the countries of the Horn of Africa. The summit seeks to strengthen the shared interest of regional cooperation between Somalia, Eritrea, and Ethiopia. Talks and discussions centered on the development and stability of the three partner states will feature prominently on the summit. The three leaders will use the summit to review and evaluate the effectiveness of existing efforts and measures to boost transparency in the region, discuss strengthening regional stability geared towards countering terrorism and address challenges surrounding regional Cooperation and integration. The delegation of the Federal Government of Somalia led by H.E President Mohamed Abdullahi Farmaajo will share with their Eritrean and Ethiopian counterparts in the summit on the commitments of the government and the people of Somalia especially on strengthening governance and prosperity, share the gains made in the past, while also emphasizing their vital role in the ambitious development process for the region. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Ereteriya kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka. Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo. View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Wasiirkii hore ee Cadaaladda ee Boqortooyada Sucuudiga Mohammed Bin Abdul-Karim Issa, ayaa sheegay in Dalkiisu joojinayo Maalgelinta Masaajidada ka dhisan Dalalka shisheeye ama dibedda. Sida laga soo xigtay Wargeyska Le Matin Dimanche oo ka soo baxa Switzerland, Sucuudiga ayaa qorshaynaya in Masaajiddadii dhaqaalaha ku Maalgelin jiray uu Maamulkooda ku wareejiyo Guddiyo ama Goleyaal Maxali oo ay dusha ka maamulaan Dawladaha Dalalka ay ka dhisan yihiin Masaajiddadaasi. Wargeysku wuxuu sheegay in Masaajid kasta loo samaynayo Guddi Maamusha, kuwaasi oo ka imanaya deegaanka uu Masaajid kastaaba ku yaallo, si Masaajiddada loogu wareejiyo Gacmo aamin ah. Wasiirka hore oo u warramay Wargeyska Le Matin Dimanche ayaa isagoo tusaale u soo qaadanaya Masaajid ku yaalla Magaalada Geneva wuxuu sheegay in la gaadhay xilligii Masaajidkaasi lagu wareejin lahaa Guddi Matalaya Muslimiinta ku dhaqan halkaasi. Wasiirku wuxuu sheegay in Tallaabooyin la mid ah kuwa Masaajidka Geneva ku yaalla laga qaadi doono Masaajiddada dunida ku yaalla oo dhan, iyadoo la tixgelinayo xagga amniga. Source
-
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in maanta ay ku ektahay isdiiwaangalinta murrashaxiinta u taagan qabashada xilka ugu sareeya maamulkaasi. Ilaa iyo haatan waxaa isdiiwaangalisay kaliya labo murrashax Axmed Shire Maxamed Falagle iyo Axmed Cabdullahi Samatar, kuwaas oo qaatay shahaadada cadeynaysa isdiiwangalintooda, waxaana jira guux ku aadan in murrashaxiinta qaar ay dalbadeen in waqti la siiyo si olole dheeraada ay u galaan, maadaama marrashaxiintaasi ay ka cabanayaan in dowladda Soomaaliya ay faragalin ku hayso doorashada maamulka Galmudug. Shalay ayay ahayd markii xubin u hadlay guddiga doorashada Galmudug uu sheegay in 24-saac oo kaliya ay uga darayaan murrashaxiinta dalbaday waqtiga dheeriga ah oo maanta ku ekaa. Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay khilaaf hor leh kaas oo salka ku haya dhismaha Galmudug, iyadoona haatan Guddigaan ay ku adkaysanayaan in doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkaba ay waqtigeeda ku qabsoomi doonto. Wixii ku soo kordha warkaan halkaan ayaad kala socon doontaa Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay cunaqabateynta ka qaadi doonin dalka Iiraan. Iyadoo wali ay ka taagan tahay gacanka Khaliijka xiisad dagaal ee u dhaxeysa Washington iyo Tehraan ayaa hadane Trump wuxuu meesha ka saaray talaabo kasta oo Iiraan lagaga qaadayo xayiraada Dhaqaale. Hogaamiyaha Mareykanka ayaa tilmaamay in Mareykanka aanu qaadi doonin xayiraada inta Iiraan ay wado bacriminta maadada Uranium-ka ee hubka Nuclearka taasi oo Iiraan ay dhowaan Shaacisay. Hadalka Trump ayaa jawaab u ahaa war ka soo baxay wasiirka arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif oo ahaa in wadahadal ay la galayaan Mareykanka. Mr Zarif ayaase ku xidhay shuruud ah in Washington ay saxdo qaladkii hore ayna ka qaado xayiraada dhaqaale ee saaran Dalkiisa. Diblumaasiga reer Iiraan ayaa dhankiisa sheegay in ayna ka soo dabci doonin Go’aankooda. Xiisada labada wadan ayaa cirka isku shareertay kadib dilkii 2-dii bishan Mareykanka uu ku qaarijiyay taliyihii ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Qaasim Suleymaani. Iiraan oo ka jawaabeysay ficilkaan ayaa dhankeeda laba mar weerartay saldhigyada ciidanka Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq. Source
