Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,329
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay soo buux dhaafiyeen dhulka buuraleyda Puntland, gaar ahaan tuulooyin ku teedsan degmada Qandala ee gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in kooxdu dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilowday halkaasi, iyadoona xaaladda deegaanadaasi ay tahay mid kacsan. Sidoo kale ilo deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalyahannada kooxda Daacish ay ka soo degteen dhanka dhulka buuraleyda ah. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhaq dhaqaaqyada Daacish ay ka bilowday degmadaasi oo ay haatan ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Qandala ayaa waxaa kooxdaan laga saaray 7-dii December ee sanadkii 2016-kii, kadib markii ay weerareen ciidamada sida gaarka ah u tababar ee maamulkaasi. Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo saraakiisha amniga gobolka Bari ay ka soo saareen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda deegaano ka mid ah gobolkaasi. Xaaladda ayaa si aad ah u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal qarxo. Inta badan Daacish ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulkaasi.
  2. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa saaka oo isniin ah wuxuu u duulay Dalka Eritrea halkasoo uu ka furmi doono kulan Sadex geesood [...] Source
  3. Barack Obama oo Tacsi Tiiranyo leh u diraya Nin Caan ah oo geeriyooday Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in ciyaaryahan ku caanbaxay Basketball-ka oo lagu magacaabo Kobe Bryant uu halkaasi ugu geeriyooday shir diyaaradeed oo nooca qumaatiga u kaca, shalay gelinkii dambe. Geerida Kobe ayaa waxaa xaqiijiyay daladda ciyaaraha Basketball-ka Mareykanka ee NBA. Wararku waxa ay sheegayaan in shilkaasi ay ciyaaryahanka kula geeriyootay gabashiisa curadda-xigeenka ah ee Gianna oo 13 jir aheyd. Kobe oo 41 jirsaday ayaa taariikh mug leh ka galay ciyaaraha basketball-ka, waxaana uu ka mid noqday ciyaaryahannada ugu mucjisada badan ee soo mara NBA-da. Booliska magaalada Los Angeles ayaa sheegay in shilkaasi ay ku geeriyoodeen 9 ruux oo uu ku jiro Kobe Bryant iyo gabar uu dhalay. Kobe ayaa ifka kaga tagay xaas iyo saddex gabdhood oo uu dhalay, waxaana tirada guud ee carruur oo uu dhalay ahaayeen 4 gabdhood oo ay midi la dhimatay. Dadka wax-galka ah ee ciyaaraha ku jira iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Kobey Bryant oo ay ku sheegeen mid naxdin badan. Kobe was a legend on the court and just getting started in what would have been just as meaningful a second act. To lose Gianna is even more heartbreaking to us as parents. Michelle and I send love and prayers to Vanessa and the entire Bryant family on an unthinkable day. — Barack Obama (@BarackObama) January 26, 2020 Ciyaaryahanka geeriyooday ayaa dhawaan ka fariistay ciyaaraha Basket-ka. Qaran News
  4. (SLT-Washington)-Kobe Bryant oo ahaa xidig dhanka kubadda kolayga ah oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa geeriyooday. Bryant ayaa ku dhintay shil diyaaradeed, kadib markii diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo uu la socday ay soo dhacday kadibna burburtay. Wuxuu ahaa 41-jir, wuxuuna u ciyaari jiray xulka kubadda kolayga ee Maraykanka. Wuxuu ku guulaystay 5 ka mid ah biladaha kubadda kolayga. Geeridiisa ayaa qabsatay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, iyadoo dalka Talyaaniga si gaar ah looga xusayo geeridiisa, maadaama uu wakhti kusoo qaatay yaraantisii. Source
  5. (SLT-Ciraaa)-Saddex madfac ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu weeraray dhismaha safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kusoo warrantay in mid kamid ah madaafiicdaas uu ku dhacay maqaaxi ku taala gudaha dhismaha safaaradda, halka labada kalena ay ku dhaceen meel aan sidaa uga fogeyn. Sidoo kale Reuters oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaankaa ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo shaqaale katirsan safaaradda Mareykanka ee dalkaas ay ku dhaawacmaan weerar noocan oo kale ah. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas, haseyeeshee Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay kooxaha taabacsan Iran ee ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq. Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in sii socoshada falalka noocan oo kale ay dalka Ciraaq ka dhigeyso goob dagaal. Dowladda Mareykanka ayaa dhiggeeda Ciraaq ugu baaqday in ay gudato waajibaadkeeda ah ilaalinta diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan dalka. Source
  6. (SLT-Muqdisho)-Maadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eratariya. Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee dalkaas ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka shirka saddex geesoodka ah ee Magaalada Asmara uga furmi doona Madaxweynaha Eratariya Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay halkaas gaadhay. War qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Abiy Axmed ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Asmara uu kulan kula yeelan doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Isaias Afwerki, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan. Shir Saddex geesoodka ayaa waxaa ay kaga wada hadli doonaan Arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya saddexda dal iyo arrimo kale oo ku aadan Gobolka. Safarka uu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Asmara ayaa waxaa shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Eratariya, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay halkaas gaadhaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii bishaan Jeeniwari ee 2020 socdaal ku tegay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya. Source
  7. Kooxo hubaysan ayaa toogasho ku dilay Nabadoon Cabdirsaaq Yuusuf Siidow oo ku Magac dheeraa Shabeel xili uu kasoo baxay Mashid. Qof ka agdhowaa xiliga Dilku [...] Source
  8. The Sikorsky-76 helicopter that crashed Sunday, killing basketball legend Kobe Bryant, his daughter and seven others was previously owned by the State of Illinois, according to online aircraft database Helis. Source: Hiiraan Online
  9. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkiina Faso ayaa waxaa uu la kulmey dhiggiisa dalkaas Alassane Baka Sadandé. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé ayaa si wadajir ah u sheegeen inay ka qeyb geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay. Gudomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Purkina Faso ALassane Bake sakande ayaa dhankiisa shegay in ka Dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi soomaaliya ka socda ay Dalkooda kusoo dhaweeyaan Maanta ayaa la filayaa in wadanka ku yaalla galbedka afrika ee Purkina Faso caasimadiisa ouagadougou(Wagadhugu) uu ka furmo kalfadhiga 15-aad ee midowga Baarlamaanada Dowladaha islaamka oo sanadkiiba mar la qabto. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  10. MOGADISHU (HOl) - President Mohamed Farmaajo left for Eritrea Monday morning to attend the trilateral summit bringing together the leaders of Somalia, Eritrea and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  11. Shirkad diyaarad oo ku xadgudubtay dad Muslimiin ah oo la ganaaxay Shirkadda la ganaaxay Waaxda gaadiidka ee dalka Mareykanka ayaa ganaax lacageed oo gaaraya $50 kun oo doolar, dul dhigtay shirkadda Delta, ka dib markii ay ku xadgudubtay qaar ka mid ah rakaab saarnaa diyaaraddeeda oo Muslimiin ah. Shirkadda Delta ayaa loo ganaaxay xadgudub ay ku sameysay saddex qof oo heysta diinta Islaamka oo si khasab ah looga saaray diyaarad ay doonayeen in ay ku safraan. Dadkan ayaa la sheegay in ay mareen goobaha la isku baaro ee shirkadda, Sidoo kalena in mas’uuliyiinta Delta ay u oggolaadeen in ay safraan, balse markii dambe laga dejiyay diyaaradda. War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Delta ayay ku beenisay in ay fuquuqday dadkaas Muslimiinta ah, balse waxaa ay qiratay in xaaladda si ka wanaagsan loo maareyn karay. Waaxda gaadiidka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaas ay ku xadgudubtay sharciga, waxayna ku amartay in Delta ay shaqaalaheeda siiso tababar la xiriira sida loola tacaalo waxyaabaha la xiriiro dhaqanka iyo diimaha kala duwan. Dhacdooyinka ay la kulmeen sadexda qof ayaa kala dhacay marar kala duwan, waxaa mid ka mid ah ay dhacday bishii Luulyo ee sannadkii 2016-kii, xilligaas oo qoys Muslimiin ah laga saaray duulimaadka shirkadda Delta. Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa sheegay in uu aad ula yaabay dabciga qoyskaas Muslimnimada ay ka muuqatay, wuxuuna intaa raaciyay in uu ka shakiyay. Rakaabka ayaa diyaaradda laga saaray Shaqaalahan katirsan Delta ayaa sheegay in uu arkay qof ka mid ah dadkaas oo taleefoonkiisa gacanta ku qoray farriin ay ka muuqato magaca Alle, taasina ay shaki badan ku beertay. Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa arrinti ku wargelisay kaptanka diyaaradda, wuxuu isna ku wargeliyay qeybta ammaanka qaabilsan. Haseyeeshee mas’uuliyiintii qaabilsanaa ammaanka shirkadda diyaaradda ayaa sheegya in dadkaas ay yihiin kuwa u dhashay Mareykanka, aysanna jirin sabab looga argagaxo, balse kaptankii ayaa diiday in ay raacaan diyaaradda, kana soo saaray gudaha diyaaradda laba qof oo Muslimiin ahaa ee wada socday. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kaptanka diyaaradda uu ka dhaga adeegay, una muuqday qof dadkaas rakaabka ahaa ku dhibaateeyay diinta ay heystaan aawadeed. Dembiga kale ee loo heysta Delta ayaa dhacay shan maalmood kahor go’aanka gudidga, wuxuuna ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands. Waaxda gaadiidka Mareykanka Qof ka mid ah shaqaalaha iyo qofkale oo ka mid ahaa dadlkii rakaabka ayaa ka dacwooday qof Islaam ah oo la saarnaa diyaaradda, haseyeeshee kaptankii diyaaradda ayaa bannaanka u saaray boorsooyinka qofka Muslimka ah, wuxuuna baaritaan ku bilaabay kursigii uu fadhiyay. Waaxda gaadiidka dadweynaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in qofkaas musaafurka ahaa ee heystay diinta Islaamka lagu la kacay xadgudub, ayna khalad ahayd in diyaaradda laga dejiyo.. Dowladda Mareykanka ma aanay faafaahin waxa lagu saleeyay xajmiga ganaaxa la saaray shirkadda diyaaradaha ee Delta, balse golaha Islaamka ee dalka Mareykanka ayaa su’aal geliyay ganaaxa la dul saaray shirkaddaas, iyagoona sheegay in uu aad u yar yahay marka la eego dhibaatada ay geysatay. Shirkadda Delta ayaa sannadkii sameysa dhaqaale dhan 4.8 bilyan oo doolar, $50 kun oo doolarna aanay waxba la ahayn Shrkadda Delta ayaa sheegtay in ay adkeysay ammaanka duulimaadyada wixii ka dmabeeyay sannadkii 2016-kii. Qaran News
  12. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay degmooyinka Guriceel, Matabaan iyo Gaalkacyo. Wareegto ka soo baxday xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa lagu faray taliyeyaasha Booliska ee loo magacaabay saldhigyada magaalooyinka inay si deg deg ah xilal ka ula wareegaan. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  13. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Saaka ka baxaya magaalada Muqdsiho, isaga oo kusii jeeda Magaalada Asmara ee dalka Eritariya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shir madaxdeedka iskaashiga dalalka geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Asmara, isaga oo ku sheegay qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka in wada hadalo ku yeelan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea. Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay Nabadoon caan ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Barwaaqo oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, iyadoona loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Shabeel). Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysanaa Bistoolado oo watay gaari ay toogasho ku dileen Marxuumka, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in dableyda dilka fulisay ay gaari ku hor jareen gaari kale oo uu watay marxumka, kadibna ay ku fureen rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, islamarkaana uu ku geeriyooday isla goobta. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in durbaba raggii ka dambeeyey dilka Nabadoonka oo caanka ahaa magaalada Muqdisho ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan Booliska ayaa falka kadib meesha tegay, waxaana xalay illaa saaka howlgallo ay ka wadeen xaafadaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, balse ma jirto illaa cid ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amnigu. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
  15. Wararka aan ka helayno degmada Deyniile ee gobalka Banaadir, ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dilka Nabadoonka, ayaa waxaa geysatay rag hubaysan, waxaana wararka ay sheegayaan in marxuumka dilkiisa uu yimid ka dib markii uu kasoo baxay masjid uu ku dukaday salaadda cishaha. Sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Marxuumka la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Siicoow, iyadoona si weyn looga garanayay degmada xalay lagu dilay Nabadoonkaasi. Kooxihii dilka geystay, ayaa isaga baxsaday goobta, iyadoona ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay halkaasi soo gaareen, waxa ayna goobta ka bilaabeen baaritaanno ku aaddan raggii falkaasi geystay, inkastoo aysan waxa natiijo ah kasoo bixin baaritaankooda. Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho, xilli ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlgalladooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala Wararka ka imaanaya degaannada ku teedsan buuraleyda degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay dhaqdhaqaaqyo cusub ka wadaan malayshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda degmadaasi Qandala. Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa ku warramaya in malayshiyaad ka tirsan Daacish aad u hubaysan shalay lagu arkay tuulooyin hoos yimaada degmada Qandala ee gobolka Bari, kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah. Dhaqdhaqaaqa ay Daacish bilowday ayaa ku soo beegmaya, xilli wefdi ka tirsan dowladda Puntland uu ku suganyahay degmada Qandala, islamarkaana ay halkaasi ka daah-fureen mashruuc Layrarka Cadceeda ku shaqeeya oo ay hirgelisay hay’adda TIS+/USAID. Kooxda Daacish ayaa horay mar u qabsatay degmada Qandala 26-kii October 2016, balse ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa Daacish dib ugala wareegay degmadaasi Qandala 7-dii December 2016. Kooxda ayaa wixii intaasi ka dambeeyay si dhuumaalaysi ah uga hawl gelayay buuraleyda Qandala, sidoo kalena waxay dilal qorshaysan ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilkii ugu dambeeyay ee Daacish ka fulisay magaalada Boosaaso 21-kii bishan January 2020, waxay ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe. PUNTLAND POST The post Daacish oo dhaqdhaqaaqyo horleh ka bilowday buuraleyda Qandala appeared first on Puntland Post.
  17. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli is jiid jiid siyaasadeed uu ka jiro magaaladaasi, kaas oo ku aadan arrimaha doorashada Galmudug. Musharraxiinta u taagan qabashada xilkaasi ayaan weli intooda badan is diiwaan gelinin iyada oo ay maanta ku egtahay muddada loo qabtay. Illaa iyo hadda waxaa shahaadada is-diiwaan gelinta qaatay musharraxiin kooban, balse kuma jiraan afarta musharrax ee ugu sameeynta badan doorashada ee kala ah: Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Gutaalle, Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye. Afartaan musharrax ayaa si weyn uga biyo diidan qaabka ay wax ku socdaan, waxaana ay xalay kulamo ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, iyaga oo eedeymo culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo iyana kulamo ka wada magaaladaasi ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada Galmudug. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore beeniyey in dowladda dhexe ay u afduuban tahay doorashada Madaxweynaha Galmudug, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in dhinacyada is haya ay muujiyaan tanaasul, si loo dhiso maamul mid ah oo loo dhan yahay. Dhankiisa guddoomiyaha guddiga doorashada baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, Xildhibaan Xuseen Maxamed Tahliil oo la hadlay BBC ayaa ka warbixiyey sida ay wax u socdaan, gaar ahaan arrimaha doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Xildhibaan Tahliil ayaa sheegay inay ka gudi ahaan qabin wax walaac ah, islamarkaana ay si wanaagsan ku socoto howsha loo igmaday ee doorashada. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta khilaaf u dhexeeya hoggaanka maamulkaasi iyo dowladda Soomaaliya. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-27012020.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Asmara ee Caasimada dalka Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ku sii sagootiyey mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Villa Soomaaliya ayaa ujeedka safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ku sheegtay inuu la xariiro kulamo uu Ereteriya kula leeyahay Madaxweynaha dalkaasi, Isaias Afwerki iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shirkaasi saddex geesoodka ah looga hadli doono xaaladda gobolka iyo dhammeystirka iskaashiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shalay shaaciyey qabsoomida kulankaan, wuxuuna tilmaamay inuu la shiri doono madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo sidoo kale kan dalka Eritrea Isaias Afwerki. Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku jira isbaheysi saddex geesood ah oo ay dhisteen, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax la taaban karo oo uu qabtay. Shirkaan ayaa sidoo kale imaanaya ayada oo 11-kii bishan uu Farmaajo ka soo laabtay Asmara, islamarkaana uu kula soo kulmay dhigiisa Afwerki, isagoona kalana soo hadlay arrimo dhowr ah.
  20. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, halkaas oo uu qayb-gelayo kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay, in Kulankan ay ka qayb-gelayaan madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, uuna ku saleysanyahay dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay, in mudada ay kulamadani socdaan Madaxdu ay qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka. Wefdiga madaxweyne Farmaajo ayaa sida qoraalka lagu sheegay la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Asmara appeared first on Puntland Post.
  21. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Burkina-faso ee Ouagadougou. Guddoomiyaha waxaa Garoonka diyaaradaha magaaladda Ouagadougou ee Caasimadda dalkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Purkina Faso iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamankooda. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ugu horrayn u mahadceliyay mas’uuliyiintii soo dhoweeyay ayaa sheegay in uu magaalada Ouagadougou kaga qeyb-galayo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso. Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkan Purkina Faso Alassane Baka Sakandé oo dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wefdigiisa kusoo dhoweeyay dalka Purkina faso ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wefdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan. Saaka oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in caasimadda dalkaas ku yaalla galbeedka Afrika ee Purkina Faso uu ka furmo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo kaga qeyb-galaysa shirka Midowga Baarlamaanada Islaamka appeared first on Puntland Post.
  22. Dableey hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon caan ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Shabeel). Kooxda oo bastoolado ku hubaysnaa ayaa xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ku weeraray Nabaddoonka xilli uu salaadda Cishe ka soo baxay sida laga soo xigtay laamaha Amniga Muqdisho. Dableeyda weerarka gaystay gaari nooca raaxada ah watay ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi markii dambe hawlgallo ka sameeyay ciidamada Amniga Muqdisho inkastoo aan weli gacanta lagu soo dhigin kooxdii dilka geystay. Ilaa iyo hadda lama soo werin cid sheegatay dilka nabadoonkaas balse malayshiyaadka Al-shabaab aya looga bartay in ay Muqdisho ka gaystaan dilalka noocaan oo kale ah. PUNTLAND POST The post Nabaddoon caana oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. The ill will of autocratic countries like China, and some worthy head-on competitors, should compel the Trudeau government to campaign harder for a seat on the United Nations Security Council, Source: Hiiraan Online
  24. The helicopter that crashed Sunday morning in Calabasas, killing Kobe Bryant, his daughter and seven others on board, had the feel of a limousine and boasted a strong safety record, said the basketball star’s former pilot. Source: Hiiraan Online
  25. Wth its ultra-modern infrastructure and hyper-connected services, the United Arab Emirates is an emerging technology power Source: Hiiraan Online