-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Moscow)-Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa xabsi gaadhay lix illaa iyo 10 sanno ku xukuntay todoba xubnood oo ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya xisbiga midigta ee mucaaradka ku ah dowladda. Waxaa lagu eedeeyay in ay maleegayeen weeraro ka dhaca ruushka intii lagu guda jiray koobkii Adduunka ee sannadkii 2018-kii. Xubnahaan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Network, ayaa doonayay in weerar ay ka geystaan magaalada Penza. Si kastaba ha ahaatee eedeysanayaasha oo da’dooda u dhaxeyso 23 ilaa 31 sano jir ayaa diiday danbiga lagu soo oogay. Iyaga oo hadal kooban ka jeedinayay Maxkamada ayaa waxay ku eedeeyeen maamulka Kremlin ka in uu ku xadgudbay intii ay xabsiga ku Jireen. Dalka Ruushka ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay weeraro argagixiso oo lagu qaaday xarumaha Dowlada. Source
-
Labo ka mid ah xukumanayaashii loo heystay Gabdhii dilka iyo kufsiga loogu geystay magaalaada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa saakay lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobalka Bari. Labada xukunsane ee la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka toogashadiisa dib loo dhigay Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame ka dib markii aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas uu sidaasi dalbaday waxaana dib loo dhigay muddo 10 cisho ah. 12-kii May sanadkii 2019 ayey maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal waxa ay raggaani ku xukuntay dil toogasho ah halka maxkamada racfaanka 30-kii Juun ee isla sanadkaas ay ku raacday xukunka maxkamadda darajada 1-aad. Dhanka kale 25-kii Augsust ee 2019-kii ayey sidoo kale maxkamada sare ee Puntland waxa ay ayiday xukunka toogashada ah ee lagu riday raggii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay Allaha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan. 25-kii Febaraayo ayaa Caa’isha Ilyaas oo maalin ka hor la weysanaa waxaa meydkeeda laga helay xaafad ka mid ah Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana markaas jirkeeda ka muuqday jirdil ba’an oo loo geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda kenya ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, dalkaasi. Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah gudaha magaalaaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhaq dhaqaaqyo cusub iyo howlgallo ciidamadu ay ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya xiisada ka taagan Mandera iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira halkaasi. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoona shalay sanatarada, xildhibaanada laga soo Mandera iyo maamulka degmadaasi ay dalbadeen inuu deegaanka isaga baxo wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo ay ku eedeeyeen qal qal gelin amni. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana tallaabada ay qaatay Kenya ay sare u sii qaadeysa xiisada ka taagan halkaasi.
-
(SLT-Boosaaso)-Ciidamada maamul gobolleedka Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey laba ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12- jir ahed, dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaalida. Raggaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ahna caasimada gobolka Bari. Labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Wararka ayaa sheegaya in sababta xukunsanaha toogashada looga reebay ay tahay inuu dalbaday Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan. Toogashada laga fuliyey ragaan ayaa hora loo sii ogaaa, waxaana 12-kii bishii hore shaaciyey xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland. Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyey in ay cadaaladda ay hesho Caaisho Yar oo bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika. “Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan. “Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.” Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin. View the full article
-
Puntland ayaa saaka xukunkii dilka toogashada ahaa ku fulisay labo ka mid ah raggii lagu helay kiiskii Caaisho Ilyaas Aadan oo ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa lagu toogtay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigay toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Sababta toogashada looga reebay C/salaan ayaa lagu sheegay inuu dalbaday Aabaha dhalay Caa’isho Ilyaas, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Caaisho oo 12 jir aheyd ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay Ummaddda Soomaaliyeed. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey labo ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12- jir ahed, dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed. Raggaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ahna caasimada gobolka Bari. Labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Wararka ayaa sheegaya in sababta xukunsanaha toogashada looga reebay ay tahay inuu dalbaday Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan. Toogashada laga fuliyey ragaan ayaa hora loo sii ogaaa, waxaana 12-kii bishii hore shaaciyey xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland. Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyey in ay cadaalad hesho Caaisho Yar oo bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-11022020.mp3 View the full article
-
Dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah qisaastay laba xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas. Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay. Xukmanaha saddexaad ayaa mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha. Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019. 24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray. Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay. Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo toogatay laba kamid ah Xukmanayaashii Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
The former Federal Minister for Interior, Mr Abdi Farah Said, has welcomed the high-level consultative conference to be held in Garowe in March. “The decision to hold a consultative conference to discuss the system of governance is timely though belated” Mr Said wrote in a Facebook post. “Puntland should contemplate the appropriate form of government for Somalia— centralised city state government of the past or federal or confederal system of government where powers are decentralised” he added. Said: Centralism poses a threat to federalism in Somalia On Friday President Said Abdullahi Deni held a press conference in which he criticised the Mogadishu-based Federal Government for centralism, destabilising federal member states and politicising educational rights of students. Withdrawal from federal institutions is the likely outcome of the impending conference. In 2019 President of the Federal Government Mohamed Abdullahi Mohamed claimed that his government was the real federalist entity in contrast to federal member states. As a pre-Federal autonomous state Puntland relations with the Federal Government remains strained. It is the first time Puntland State has summoned its MPs and Senators in Mogadishu for consultations. Puntland Senators did not show up for the Upper House session last week. © Puntland Post, 2020 The post Abdi F. Said: Puntland is at a Crossroads appeared first on Puntland Post.
-
Kuwait Deputy FM heads Somalia education support meeting Source: Hiiraan Online
-
Ghanaian coach Bashir Hayford has reportedly quit his job as head coach of the Somalia national football team. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL. Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Charles MICHEL ayaa waxaa looga hadlay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amnig iyo horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale inta uu socday kulanka labada Mas’uul ayaa qodobadii looga hadlay waxaan kmaid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo uu la qaadanayo Madaxda ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 33-aad ee Midowga Afrika, kaasi oo shalay lasoo Gaba-gabeeyay. Shirka 33-aad ee Midowga Afrika ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Xubno ka tirsan ayaa xalay kulan laqaatay, qaybaha bulshada, waxgaradka iyo maamulka Degmada Waaciya ee gobolka karkaar. Guddiga ayaa uga waramay masuuliyiinta iyo dhamaan bulshada reer waaciya qorshaha iyo barnaamijka ay wadaan ee ah Doorasho qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu kusoo doornaayaan golayaasha deegaanka Puntland. shacabka degmada Waaciya ayaa soo dhaweeyay nidaamka doorasho xor ah oo ka dhacda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Bulshada degmada Waaciye appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/BAr___Qubanaha-10022020.mp3 View the full article
-
Garowe ( PP) – Puntland Government fired Jamal Arab Yusuf, Director of Puntland Television and Radio, for airing National Independent Electoral Commission advertisement on Puntland State Television. Dahir Aflow was appointed as the Acting Director of Puntland Television and Radio. “Somalia will move away from the indirect, clan-based electoral system to one person, one vote elections in 2021” the advertisement said. Puntland State Television has removed the advertisement from its archives. Jamal: Fired for authorising an NIEC advertisement Puntland rejected the new electoral law passed by the Somali Federal Parliament in December. The unauthorised advertisement resulted in the closure of NIEC offices throughout Puntland. The advertisement called into the question the position of Puntland administration about the controversial election plans drawn up by the incumbent Federal Government of Somalia whose mandate ends in February 2021. Dahir Aflow: The Acting Director of Puntland State Television and Radio Jamal handed over to the Acting Director of Puntland Television and Radio yesterday. At an event for media professionals in Garowe, Puntland Information Minister, Ali Sabarey, alluded to Villa Somalia-sponsored social media campaign against Puntland. “We might come across as intolerant of media but we are aware of media war being waged against Puntland” Mr Sabarey said. The Federal Government of Somalia led by President Mohamed Abdullahi Mohamed commits funds to Twitter and Facebook campaigns against critics and rival administrations. A network of trolls runs the campaign. Trolls report to Ali Yare, a man who organised demonstrations for President Mohamed in 2011, when Ugandan President, Yuweri Museveni, forced President Mohamed, who was then a Prime Minister of the former Transitional Federal Government under President Sharif Ahmed, to resign. © Puntland Post, 2020 The post Puntland State TV Director Fired for Unauthorised Election Ad appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan wadatashi ah la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa la sheegay in uu kala hadlay odayaasha tabashooyinka ka dhashay doorashadiisa. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay in odayaasha ay midnimo u muujiyeen Qoor-qoor. “Waxa ay muujiyeen garab istaaga Maamulka cusub ee Galmudug si loo gaaro horumar iyo midnimo loo dhanyahay,” ayay tiri madaxtooyadda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqyadda ciidan ayaa laga sameeyay Waaxyadda koowaad iyo 2aad ee degmada Dharkeenley ee caasimadda waddanka. Inta la xaqiijiyey 14 qof ayaa lagu soo xiray howlgaladda. 13 kamid ah dadkaas waxaa lagu sheegay burcad dadka dhici jirtay. Midkood ayaa lagu tuhunsan yahay fal dil ah oo loo geystay wiil afar sano jir ahaa, sidda ay tilmaameen saraakiisha ammaanka. Howlgalka lagu soo qabtay burcadda ayaa noqonaya midkii ugu tiradda badnaa oo ciidamaddu ka sameeyaan qaybo kamida Muqdisho. View the full article
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online)-Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay in uusan ku sugneyn magaalada Mandhera ee dalka Kenya, balse uu joogo magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Janan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayo ay dhinac ka joogaan magaalada Beled-Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamadii dowladda federaalka ay dhawaan geysay degmooyinka gobolka Gedo. Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka Kenya markii uu doonana uu tagi doono xataa magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Janan ayaa carrabka ku adkeeyay in uusan hadda joogin meel ka tirsan Kenya ee uu ku suganyahay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo, sidoo kale waxa uu sheegay in uusan doonayn in dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ay madaxiisa iskula dhacaan, khilaafna uu ka dhex abuuro. Ugu dambeyntii wasiir Janan waxa uu sheegay in haatan ay isku meel ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo saraakiil dhowr ah oo reer Jubbland ah, hadafkooduna uu yahay in ay soo ceshadaan gacan ku heynta degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo ee dowladdu kala wareegtay. Hadalka wasiir Janan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta xildhibaanada dowladda dhexe ee Kenya ku matala iyo mas’uuliyiinta kale oo ka soo jeeda gobolka Mandhera ay ugu baaqeen madaxda dawladda Kenya in ay hubka ka dhigaan ama dalka laga saaro Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa.
-
(SLT-Addis Ababa)-Dalalka ku bahoobay urur goboleedka Midowga Afrika ayaa ka soo horjeestay qorshaha nabadda bariga ee madaxweyne Trump dhowaan shaaciyay. Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed ayaa qudbad uu ka jeediyay Shirweynaha 33-aad waxa uu ku sheegay in Midowga Afrika uu taageerayo qadiyada dadka Falastiin kana soo horjeedo qorshaha Trump ee siyaasadiisa Bariga Dhexe. “Qorshahan waa mid ayna ka wada tashan beesha caalamka waxana uu ku xadgudbayaa xuquuqda aasaasiga ee reer Falastiin.”ayuu yidhi Faki Axmed. Sidoo kale Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi, ahna Guddoomiyaha sannadlaha ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Alsisi ayaa sheegay in arrinta Falastiin mar kasta tahay mid ku xardhan Quluubta dhamaan dadka Afrikaanka. Sayral Ramafoosa Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika oo la wareegaya xilka Guddoomiyaha sannadkan ee AU-da ayaa la meel dhigay qorshaha Madaxweyne Trump soo bandhigay uu la mid yahay Nidaamkii Midab-takoorka ee ka jiray dalkkiisa. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen ayaa soo xiray shirka ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha iyo badqabka cuntada Shirkan oo socday muddo laba cisho ah ayaa waxa uu ku saabsanaa katashiga iyo ka doodida qodobada ku darista ama ka badalka u baahan ee ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha, dhirta iyo badqabka cuntada waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, xubno ka socday Wasaaradaha, beeraha, Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga, Ganacsiga, Aqoonyahano iyo xubno ka socday maamul goboleedyada. Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya oo kaashaneysa urur Goboleedka IGAD iyo USAID ayey ka qeyb galayaashu uga doodeyn qaabka looga wada shaqeyn karo ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha, dhirta iyo badqabka cuntada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, maadama sharcigan uu ka shaqeynayo In la helo xoolo iyo cuno caafimaad qabta oo tayo wanaagsan. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo shirka soo xiray ayaa sheegay in istiraatiijiyadan ay horseedi doonto inuu dalku gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo mid caafimaad, lagana kaaftooyo waxyaabo badan oo Soomaaliya uga imaan jiray dalka dibadiisa. View the full article
