Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,329
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. CNN)Three rockets struck the US Embassy compound in Baghdad on Sunday, leaving one person injured, a US official told CNN initial reports indicate. Source: Hiiraan Online
  2. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billawday qorshe cajiib ah oo ay ku suurta gelineyso doorashada Galmudug, islamarkaana ay dooneyso in ay ku qabato waqtigii ay ugu tala-galeen Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka. Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay 24-kii saac ee la soo dhaafay ilaa laba musharax, kuwaas oo lagu tilmaamay malxiisayaal maadaama ay diideen in ay is diiwaan geliyaan musharaxiintii kale ee tartanka Madaxweynaha. Sidoo kale xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in lacag dhan 60,000$ la siiyay Musharax Axmed Shire Falagle iyo Axmed Cabdullaahi Samatar oo xalay la diiwaan geliyay, waxaana la sheegayaa in qaar kamid ah lacagtaasi isku diiwaan geliyeen, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in loo balan qaaday lacago kale inta ay socoto doorashada iyo olalaheeda. “Waxaa la sameeyay laba musharax oo doorashad au camira Qoor-Qoor, mid waa kii shalay isdiiwaan geliyay ee Falagle iyo mid kale oo xalay la sameeyay, waxayna markii ay is diiwaan geliyaan kadib shahaadada la siinayaa Musharax Qoor-Qoor” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaaka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online. “Diiwaan gelintu lagama bilaabi karo Qoor-Qoor, kuwa kalane waa diideen si loo helo kuwa laga billaabo sidoo kalane tartanka u camira Qoor-Qoor ayaa lacagta laga shubay laba nin oo musharaxiin ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaankaan ka tirsan Galmudug ee la hadlay Caasimada Online. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay doorashada u qabato musharaxiintaan lacagta laga bixiyay ee is-diiwaan geliyay iyo Musharaxa ay wadato ee Qoor-Qoor. Ifi-faalo wanaagsan kama soo muuqato Galmudug, waxaana laga cabsi qabaa in ay halkaasi ka dhacdo doorasho ka darin midi Baydhabo ka dhacay dhamaadka sanadkii 2018.
  3. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay hamiga ay ka leeyihiin dhismaha Galmudug-ta cusub, ee lagu wado in loo yegleelo bulshada ku dhaqan Gobolada Dhexe. Ahlu Sunada Galmudug ayaa marar badan waxay Dowladda Federaalka ku eedeysay inay khariirad aan wanaagsanayn u mareyso dhismaha maamulka cusub, ee markii ugu horeysay lagu dhisayo Magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumada Galmudug oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa marka hore cadeeyay in Ahlu Sunna ay dooneyso in dadka reer Galmudug loo dhiso maamul loo dhan yahay. Madaxa Xukuumadda Galmudug oo wax laga weydiiyay yoolkooda ku aadan Galmudug iyo inay doonayan xilal sare oo Galmudug ay ka qabtaan ayaa sheegay inay horeyba xilal muhiim ah uga soo qabteen Galmudug, hadana ay doonayan inay xilal sare ka qabtaan. Sidoo kale waxaa uu iftiimiyay inay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwooda reer Galmudug ee hamiga ka leh inay wax ka hoggaamiyan Maamulka Galmudug. “Waxaan ka dooneynaa waxaa waaye umadda Soomaaliyeed ee Galmudug ku adkeysataa ee hamigana u leh inaan ka mid nahay, dadka ugu xaqa lahaa ka mid nahay. Waxaan rabnaa inaan deegaanka u ilaalino sidii aan u ilaalineynay, wixii mabaadii’ anaguna ka qabno waa midda aan umadda ku difaaceyno.” Ayuu yiri Madaxa Xukuumada Galmudug. Waxa kaloo uu yiri “Galmudug inaan jego ka qabano oo Madaxweyne aan ka noqono, oo Madaxweyne Kuxigeen aan ka noqono, Guddoon Baarlamaan ka noqono intaba waan ka soo heynay, munaasabad ayayna noo yihiin inaan ka qabano, hadana waan dooneynaa intii aan ka helno inaan ka qabano.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dadka kale ee Galmudug-na intii ay ka qaban karaan inay ka qabtaan, sidaasina lagu mideeyo Galmudug, waana midda aan u sabcineyno.” Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Ahlu Sunna ku sifeeyay mid u tureysa dadka reer Galmudug, marar badana ay tanaasul u sameysay, sidii loo dardar-gelin lahaa maamul u samaynta Galmudug, balse ay Dowladda Federaalka jujuubeyso masuuliyiintii ku soo dhaweeyay Gobolada Dhexe. Khilaafka xargaha goystay ee wiiqay Doorashada Madaxtinimada Galmudug ayaa waxaa sababteeda lagu eedeeyaa Villa Somalia, iyadoo aan doorashada ka dhigin mid daahfuran, isla-markaana taageereysa cid gaar ah, oo ay doorashadaasi ku gacansiineyso.
  4. Los Angeles (Caasimada Online) – Rugcadaaga kobadda kolyaga ka fariistay ee Mareykanka, Kobe Bryant, oo 5 jeer horaalka NBA kula guuleystay kooxda Los Angeles Lakers, ayaa Axadda ku geeriyooday diyaarad helicopter ah oo ku dhacday gobolka California. Afar qof oo kale oo Kobe la saarnaa, oo mid ay tahay gabadhiisa Gianna Bryant oo 13 jir ahayd, ayaa sidoo kale ku dhintay helicopter-ka oo ku burburtay magaalada Calabasas oo dhinaca waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Los Angeles. Cidna kama bad-baadin diyaaradda dhacday. Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa ku cararay goobta ay helicopter-ka ku dhacday, ayaga oo baahiyey muuqaallo muujinaya helicopter-ka oo holcaysa. Hay’adda duulista rayidka Mareykanka ee FAA ayaa nooca helicopter-ka dhacday ku magacowdy Sikorsky S-76, waxayna sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan. Bryant ayaa shan jeer horyalaka NBA kula guuleystay kooxda Los Angeles Lakers, waxaana 18 jeer uu ka mid noqday xiddigaha xulka NBA-da ee loo yaqaan All-Star, muddadii 20-ka sano ahayd ee uu cayaarayey. Waxa uu ahaa ninka saddexaad ee ugu dhibco dhaliska badan horyaalka NBA, isaga oo dhaliyey 33,643 dhibcood, waxayna ahayd xalay un markii Lebron James uu dhaafay Kobe, isaga oo galay kaalinta labaad. Kobe iyo xaaskiisa Venessa ayaa dhalay afar gabdhood oo lagu kala magacaabo Gianna, Natalia, Bianca iyo Capri, oo dhalatay bishii June 2019.
  5. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Afar Musharax oo kamid ah kuwa ugu saameynta badan tartanka Madaxweynaha Galmudug ayaa Caawa kulan xasaasi ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud sida ay noo xaqijiiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Musharaxiintaan ayaa kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, C/llaahi Faarax Wehliye, Kamaal Guutaale iyo Cabdi Dheere, waxayna dhamoontood ka hadlayaan mudada 24-ka saac ah ee loo qabtay dhamaan Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug. Xubnahaan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan War-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku cabirayaan sida ay u socoto doorashada Galmudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ay qaadici doonaan mudada lagu daray ee 24-ka saac ah iyo guud ahaan sida ay socoto shaqada guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Dhamana shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa Isha ku haayo sida ay ku socoto doorashada Galmudug waxaana dhamaan dadkaas ay dhowrayaan nuuca doorasho ee ka dhici doonto Galmudug.
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-Qumanha-Wararka-26012020.mp3 View the full article
  7. Baardheere (Caasimada Online)-Iyadoo muddooyinkii dambey ay xiisad u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ka taagneed gobolka Gedo ayaa waxaa galabta gaaray magaalada Baadheere wafdi ka socda dowladda dhexe, gaar ahaan saraakiil ka socota ciidanka xoogga dalka. Wafdigaas waxaa hoggaaminayey Taliyaha ciidamada dhulka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxaana safarka ku wehliyey guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS, Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka, Taliyaha qeybta 43aad ee CXD iyo saraakiil kale oo ka tirsan militeriga Soomaaliya. Saraakiishan ayaa garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere waxaa ku soo dhaweeyey Taliyaha guutada 10aad, qeybta 43aad ee CXD G/Sare Maxamed Cadow iyo cutubyo ka tirsan militeriga Soomaaliya ee ku sugan degmadaas. Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hadal kooban garoonka ka jeediyey waxa uu sheegay in ujeedka safarkooda Baardheere uu yahay u kuur-gelidda xaalada dhabta ah ee kajirta gobolka iyo kor meer ay ku sameyn doonaan ceryaha ciidamada xoogga ee gobolkaas. Socdaalka saraakiishan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii u dambeeyey ay dowladda federaalku ciidamo geysay magaalooyin ay ugu horeyso Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo. Loolanka ka taagan gobolka Gedo ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa salka ku haya hab maamulka degmooyinka gobolkaas, iyadoo ay jiraan guddoomiyaal ka kala amar qaata Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ku loolamaya maamulidda degmooyin ay ugu horeyso Baardheere.
  8. Waxaa isa soo taraayo saameyta xanuunka Shuban Biyoodka ee ka dilaacay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan iyo tuutooyinka hoosyimaada. Xanuunka ayaa ilaa hadda waxaa u geeriyooday 3 ruux kuwaas oo ku geeriyooday tuulooyinka ka dib markii lagala daahay in lageeyo xarumaha caafimaadka. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo caawa Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in maamulka uu diyaariyey xarun lagu karantiilo dadka xanuunka uu soo ritay, si loo xakameeyo inuu faafo. Guddoomiyaha ayaana xusay in maamulka uu diyaariyey gaadiid la doonayo in lagu gaaro tuulooyinka ka fog magaalada si dadka xanuunka loo soo gaarsiiyo xarumaha caafimaad. Maamulka gobalka ayaa dalbanaayo in lala soo gaaro daawo iyo agab caafimaad oo deg deg ah maadaama ay xaaladda sii adkaanayso saacadba saacadda ka danbeyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay Markabkeedii siday xariga Internet ee shalay celisay Somaliland, kaasi oo gebi ahaanba ay Xukuumada Biixi diiday in la mariyo badeeda, iyadoona sheegtay in maamulkooda wax ogolaansho ah la soo weydiisan. Jabuuti ayaa si cad u sheegtay in xarigaasi loo waday magaalada Muqdisho, oo aan loo wadin Badda Berbera, balse uu sii dhex-marayey, isla markaana loo sii jiidayey dhanka Muqdisho. Rudwaan Cabdilaahi, Wasiirka isgaadhsiinta ee Jabuuti ayaa sheegay in si khaldan loo fahmay arrinkaasi, isagoona xusay in Xarigaasi uu dhex-marayo badda Berbera, balse uusan si toos ah ugu dhaadhaceyn gudaha Somaliland. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in arrinkaasi ay xukuumada Biixi si kale u fahamtay, isla markaana ay ka wada-hadleen Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland. Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa shalay howl-galo ay sameeyeen kaga hortagay Markabkaasi oo ay sheegen in sifo sharci daro ah Xadhig ku marinayay Biyaha Somaliland, iyadoona loo sii jiidayo dhanka Soomaaliya. Arrinka Markabkaasi siday xariga Internet-ka, ayaa xiisad cusub ka dhex abuuray Somaliland iyo Jabuuti, iyadoona dhowaan la filayo in magaalada Hargeysa uu soo gaadho Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti.
  10. NBA Basketball icon Kobe Bryant, 41, has reportedly died in a helicopter crash in Calabasas, California, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  11. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo are in Eritrea for talks with President Isaias Afwerki aimed at strengthening ties in the Horn of African region. Source: Hiiraan Online
  12. RICHMOND, Va. (AP) - After the U.S. Supreme Court upheld President Donald Trump’s ban on travelers from several predominantly Muslim countries in 2018, the ruling appeared to shut down legal challenges that claimed the policy was rooted in anti-Muslim bias. Source: Hiiraan Online
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Puntland Pro. Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay hadalkii uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya aya Wareysi uu bixiyey maalin ka hor waxaa uu ku sheegay in Ardayda Puntland aan wax Shahaado ah la siin doonin ilaa iyo ay ka qeyb-galaan Imtixaanka ay qaadeyso Wasaaradiisa. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntaland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo tan Puntland ay heshiis ku yihiin geedi socodka iyo dib u dhiska hanaanka federaaliga ah ee Waxbarashada, iyada oo saldhig uu u yahay Dastuurka KM ah ee Soomaaliya iyo kan Puntland. Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in labada Wasaaradod ay dhowr mar ku heshiiyeen in Puntland ay si madax bannaan u qaadeyso imtixaanka Ardayda deegaannada Maamulkaas,,dejinta iyo sixida Imtixaanka,isla markaana deeqaha waxbarasho lagu bixiyo heerka kaal sareynta,waxaana uu soo bandhigey Heshiisyo dhowr ah oo kale ah. 1 – In Puntland u madax bannaan tahay qaadista imtixaanka Ardeyda deegaannada Puntland. 2 – In wasaaradda Waxbarashada federaalka ay imtixaanka ku leedahay talo, kormeer iyo taageero dhaqaale. 3 – In Waaaradda Waxbarashada Puntland ay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiso Imtixaankii ay qaadey. 4: In laga wada tashado sidii loo hormarin lahaa Imtixaanka guud ahaan Soomaaliya. 5 – In la isku waafaqo bixinta Shahaadada si ardayda Soomaaliyeed ay u helaan cadeynta aqoontooda taas oo ay xaq u leeyihiin. 5: In shahaadada Ardayda deegaanada Puntland laga bixiyo Xafiiska Imtixaanadka wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo qodobo kale. Wasiirka Waxbarashada Puntland, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Wasiir Goodax uu gebi ahaanba ka horjeedo, heshiisyadii dhanka Waxbarashada ee ay wada-galeen Puntland iyo Federaalka, ogaal la’aan iyo inkiraad mid ay ka tahayba. Hoos ka arag heshiiska labada dhinac
  14. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sagootisay ciidama ka tirsan xoogga dalka kuwaas oo lagu tababaray xerada General Golden ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa iney ku biiraan ciidamada xoogga ee howlgaladda kawada gobalada kala wada dalka . Ciidamaan oo aan la shaacin tiradooda ayaa dhawaanahaan waxaa ay ku sugnaayeen xerada ayaga oo qaanayaayey tababaro dhanka ciidanka intii ay ku sugnaayeen xerada tabarada ciidanka xoogga Generaal Goldan. Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ciidamada kula hadlay xaruntii ay ka baxaayeen ayaa kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan howlgalada ka duwan ee ka socda guud ahaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladda fedraalka ay dhammeystirayaan dhammaan agabka ciidanka ay u baahan yihiin sidoo kale waxaa uu saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka. Xerada Generaal Golden ayaa waxaa ay ka mid tahay xarumaha lagu tabaro ciidamada xoogga dalka waxaana ka soo baxa sanad waliba ciidamo cusub kuwaas oo qeyb ka noqda ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Sida lala socdo Dalka Shiinaha waxaa ka dilaacay Fayruus Hargab u eg laakiin Dilaa ah, Laba Gobol oo Shiinaha ka mid ah gabi ahaan waxaa [...] Source
  16. Ouagadougou (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Dalka Purkina Faso waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Purkina faso kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dalkan oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Burkina Faso iyo xubno kale oo Baarlamaanka Dalkan ka tirsan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé oo shir jaraa’id ku qabtay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa guud ahaan madaxda Dalka Purkina Faso gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka ee dalkan uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ,waxaana uu sheegay in mudada ay joogaan kaga geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Burkina Faso, sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay. Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalkan Burkina Faso, Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Dalka Purkina faso waxa uuna sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan. Maalinta beri haduu Alle idmo Waxaan Dalkan ku yaala galbeedka Afrika ee Purkina Faso Caasimadiisa Ouagadougou (Wagadhugu) ka furmi doona kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto. View the full article
  17. Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dowlad gobaleedka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliita sare ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaah Goodax barre oo ku saabsan manhajka iyo guud ahaan waxbarashada. Wasiirka Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobaleedka Puntland ay heshiis ku yihiin dib u dhiska hanaan faderaaliga ah ee waxbarashada uu saldhig u yahay Dastuurka dalka ee lagu heshiiyey Isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri. “Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladda federaalka ah waxaa ay heshiis ku yihiin geedi socodka iyo dib u dhiska hanaanka federaaliga ah ee waxbarashada dalka iyadaoo uu sal dhig uu u yahay Dastuurka KM ee federaalka iyo kan Puntland “. Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in ay jiraan qodobo lagu heshiiyey kuwaas oo labada dhinac ay isku raaceen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Puntland, waxaa uuna ka yiri. ” Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo wasaaradda waxbarashada federaalka waxaa ay in badan ku heshiiyeen umadaxbannaanida dajinta qaadista iyo sixiidda Imtixaanka Puntland sida ku cad heshiisyo dhowr ah oo ay wada galeen labada wasaaradood uuna ka mid yahay heshiiskii bishii 7-aad 2015-kii iyo heshiis kale oo ay wada galeen labada dhinac bishii 7-aad 2017-kii”. Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada dowlad gobaleedka Puntland ayaa warbaahinta ka hor aqriyey qodobadii labada dhic aya isku raaceen oo lagu balamay in lagu wada shaqeeyo. Halkaan ka Akhriso: 1: In Puntland u madax bannaan tahay qaadista imtixaanka Ardeyda deegaannada Puntland. 2: In wasaaradda Waxbarashada federaalka ay imtixaanka ku leedahay talo,kormeer iyo taageero dhaqaale. 3: In Waaaradda Waxbarashada Puntland ay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiso Imtixaankii ay qaadey. 4: In laga wada tashado sidii loo hormarin lahaa Imtixaanka guud ahaan Soomaaliya. 5:In la isku waafaqo bixinta Shahaadada waa qodob muhiim ah si ardayda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan u helaan cadeynta aqoontooda si ardayda Soomaaliyeed ay u helaan cadeynta aqoontooda taas oo ay xaq u leeyihiin waana mid arday kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay gobal kasto uu joogo dalka Soomaaliya. 6: In shahaadada Ardayda deegaanada Puntland laga bixiyo Xafiiska Imtixaanadka wasaaradda Waxbarashada Puntland sida uu dhigayo heshiiskii la gaaray 2015-kii 2017-kii iyo qodobo kale”. Ugu dambeyn muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo taagnaa khilaafka dhanka waxbarashada iyo bixinta Shahaadooyinka dugsiga sare ee u dhaxeeyo dowlad gobaleedka Puntland iyo wasaaradda waxbarasha Hidaha iyo Tacliita sare ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dhawaan wasiirka wasaaradda waxabarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu sheegay in dowlad gobaleedkii aan galin imtixaanka federaalka ama aysan korjoogto ka noqon uusan shahaado ku laheen wasaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. MOGADISHU (Halbeeg News) - Ethiopia's Prime Minister Dr. Abiy Ahmed arrived in Asmara in the late this afternoon. Source: Hiiraan Online
  19. Hoggaamiyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa maalmaha soo socda kulan ku yeelan doona magaalada Asmara. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu Asmara kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki. Abiy Ahmed ma faahfaahin u jeedada kulankaas, belse waxa uu si kooban u sheegay in looga hadli doono arrimo badan oo horey looga hadli jiray. “Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Ereteriya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan. Sida had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladayaga qaaliga ah ee soo dhaweynta leh ee Asmara joogitaankeedu farxad igalin doonto” ayuu ku yiri qoraalkiisa Abiy Ahmed. I will be meeting with my brothers, the leaders of Eritrea and Somalia. President Isaias Afwerki, President Mohammed Abdullahi and I will discuss on a wide range of issues. As always, I am certain our dear and welcoming city of Asmara will make our stay delightful. pic.twitter.com/R6cALsuGxc — Abiy Ahmed Ali (@AbiyAhmedAli) January 26, 2020 Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee xarunta Ereteriya, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu berri halkaas ka dego. Hoggaamiyaasha saddexda Dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa markii ugu horreysay kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Asmara, bishii December ee sanadkii 2018, waxayna heshiis horshac ah oo xiligaas ay kala saxiixdeen lagu qeexay in Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed. Sidoo kale saddexda hoggaamiye ayaa 9-10 November, 2018 shir ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, waxayna kulankoodaas labaad ee wadajirka ah ku sheegeen in uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika. Hoggaamiyaasha Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer oo kale yeeshay kulamo gaar gaar ah, waxaana kii ugu dambeeyey bishaan horraanteedii Asmara ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Afwerki. PUNTLAND POST The post Farmaajo, Abiy iyo Afwerki oo ku kulmaya Asmara appeared first on Puntland Post.
  20. Garowe (SMN) – Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiirka Tacliinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre. Isagoo warbaahinta kula hadlay Garowe, wasiir Xasan ayaa shaaca ka qaadey in hadalkaas uu mas’uuliyad darro yahay. Madaxda xukuumadda dhexe ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan erayadda dooda badan dhaliyey ee Goodax Bare. Goodax Bare ayaa tilmaamay in ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada heer Federaal, maadaama maamul goboleedkooda Puntland aysan ka qeyb-gelin Imtixaanaadka dowladda federaalka ah. View the full article
  21. Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliy James C.Swan ayaa Qoraal uu kasoo daarax Xaalada Galmudug wuxuu ku hoosta ka xariiqay in loobahan [...] Source
  22. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo ka hadlay Khilaafka uu ka sharqamiyry Wasiirka Waxbarashada Federaalka Goodax Bare ayaa wuxuu sheegay in Goodax uu gabi [...] Source
  23. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Dowladda Norway ee Soomaaliya Vebjorn Heines, waxayna ka wada hadleen horumarka dhinaca dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo dib u habeynta hey’adaha Maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahad celiyay Dowladda Norway Taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya si looga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in ay cadahay horumarka Soomaaliya ay ka sameynayso dib u habeynta hey’adaheeda Dhaqaalaha si loga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Shir aan caadi aheyn oo ay shalay ku yeesheen Muqdisho Golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ku meel mariyeen heshiiska kaalmo dhaqaale oo dowladda Norway Soomaaliya uga taageeraysa Barnaamijka deyn cafinta. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-26012020.mp3 View the full article
  25. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed,ayaa dikareeto ka soo baxday waxaa xilal cusub loogu magacaabay Taliyayaasha Booliska ee degmooyinka Guriceel, Matabaan iyo K/Gaalkacyo. Taliyaha booliska degmada Guriceel ayaa loo magacaabay Daahir Faarax Axmed halka taliyaha saldhiga booliska Matabaan ayaa sidoo kale loo magacaabay Cabdifataax Maxamed Jaamac, K/Gaalkacyo ayaana taliyaha cusub ee booliska looga dhigay Maxamed Axmed Shire. Taliiyaha Ciidanka Booliska ayaa dhamaan faray Taliyayaashaan cusub in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilkooda kula wareegeen islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda ku aadan shaqada ciidanka booliska. Dikareetadaan ayaa waxaa ku saxiixnaa Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, isagoona qeybaha kale ee Booliska ee dowladgobaleed Galmudug iyo Hirshabeelle ku wargaliyay inay la socdaan xilwareejinta Taliyayaashaan cusub. Halkaan ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com