Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Attackers believed to be Al-Shabaab militants on Sunday burned two construction vehicles in an attack near H Young & Co's camp at Milihoi in Lamu County. Source: Hiiraan Online
  2. (Hargeysa – PP) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalda Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Safarka Muuse Biixi ee Addis Ababa waxaa warbaahinta uga warbixiyey Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in madaxweynaha Somaliland uu halkaas kulamo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika. Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in magaalada Addis Ababa uu horey ugu sugnaa Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaas ka waday hawlo diblumaasiyadeed. Muuse Biixi waxaa safarka Addis Ababa ku wehelinaya qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne. Magaalda Addis Ababa ee tegay Muuse Biixi, waxaa shir ugu socdaa Urur Goboleedka IGAD, waxaana ku sugan Madaxweyne Farmaajo. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda Afrika ee Addis Ababa ku sugan ay kulan siin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo u duulay Addis Ababa, xili uu ku sugan yahay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi syaa maanta wuxuu sadat dalka Itoobiya halkasoo uu ku sugnaan doono Sadex Maalmood oo beri laga bilaabo. Madaxtooyada Soomaaliland [...] Source
  4. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau. Bayaan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau, ayaa imanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya sanadkii 2018, khilaaf Sacuudiga iyo Canada ay la safatay Sacuudiga. Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Justin Trudeau oo ku kulmay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale diiwaan gelin ku billawday ciidamada dowladda Soomaaliya oo hore loo diiwaan geliyay. Bishaan oo mareysa sagaal ayaa illaa hadda waxaa mushaar qaadan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in aysan bishaan qaadan doonin, iyadoo sababta lagu sheegay amar ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Amarkan ayaa lagu faray madaxda ciidamada in ay dib loo diiwaan geliyo ciidanka oo dhan, taas oo qaadan karta billooyin kale. 26-kii bishii hore ilaa hadda kaliya waxaa la diiwaan geliyay ciidanka ilaalada madaxtooyada, waxayna mushaar la qaadan doonaan ciidanka kale oo diiwaan gelintooda wali billaaban. Ciidanka ayaa laga qaadayaa faro, sawirro, taariikhda dhalashada iyo xogo kale, lamana oga sababta dib loogu celinayo tirakoobkaan. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ujeedku yahay in bishaan aanan mushaarin la siinin ciidanka xaquuqdoodana lagu dhaafiyo diiwaan gelin kale oo waqti lumis ah. “Diiwaan gelin cusub ayaa la billaabay waxbana kama badalna tii hore, ma naqaan sababta laakin waxaa maqalnay in aysan dowladda mushaar bixin rabin, warar kale ayaa sheegaya in laga dhax raadinayo ciidan iyo saraakiil da’da gabowga gaaray, si mushaarka looga hakiyo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Ciidanka Soomaaliya oo dhamaantood bishaan ku tashanayay mushaar kordhin ah 70% ayaa hadda maraya ” yaa mar na siiyaa intii hore.”
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Go’aankii uu safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ku taageeray doorashadii muranka dhalisay ee Axmed Cabdi Qoor Qoor loogu doortay hoggaanka maamulka Galmudug, ee garabka taageersan dowladda, ayaa dhaliyey carro xooggan. Yamamoto ayaa waxyar un kadib doorashada qoraal uu soo saaray, oo uu ugu hambalyeeyey Qoor Qoor, ku yiri “Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiin sal ballaaran. Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha.” Cabdalla Ibraahim oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka iyo Istaraatiijiadda Bariga Afrika ayaa sheegay in Mareykanka uu Soomaaliya ka leeyahay hal hadaf, islamarkaana uu doonayo inuu ku guuleysto, sidii ay doontaba ha ku timaado’e. “Mowqifka Mareykanka waa sidii ay isugu keeni lahaayeen maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ah, waxayna sameynayaan sidii ay taas ku dhici lahayd, ha noqoto doorashooyin fowdo wata ama awood ciidan. Wax macno uma lahan hanaanka, ee waxaa u leh natiijada,” ayuu yiri Cabdalla Ibraahim. Cabdalla ayaa sheegay in caalamka uu qaati ka taagan siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, taasna ay keeni karo in hab kasta xal lagu raadiyo. “Dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa deriska la ah waxay quus ka taagan yihiin siyaasadda Soomaaliya. Dhibaatada Soomaaliya waa mid dastuuri ah, ee ma ahan Al-Shabaab iyo qabyaalad. Haddii ay isku tagaan, masii jiri doono qaskan,” ayuu yiri Cabdalla. Cabdalla ayaa in siyaasadda Soomaaliya jahwareersan tahay tusaale ugu soo qootay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta diidan doorashada Qoor Qoor ee sharci-darrada ku sheegay ay yihiin isla kuwii u sacaba tumay doorashadii Axmed Madoobe. Kadib carradii ka dhalatay taageeradii Qoor Qoor, safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay qoraal u muuqday dejin kuna baaqay midnimada iyo dib-u-heshiisinta Soomaalida.
  7. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay muranka ka taagan guddiga doorashooyinka, hadal dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha golaha guurtida, waxaanu baaq u diray siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu galabta socdaal ugu baxo waddanka Ethiopia gaar ahaana Addis Ababa. Weli ma cadda ujeedka socdaalka madaxweynuhu ku tegayo Ethiopia. Addis Ababa oo madaxweyne Biixi, tegayo waxa ka socda shirka midowga Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxda dawladaha Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Laba oga in labada madaxweyne kulmayaan iyo in kale. Warka safarka madaxweynaha waxa Wariye Xasan Galaydh u xaqiijiyay saraakiil xukuumadda ka tirsan. Source
  9. Madaxweyne Ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay dhismeyaal Cusub oo lagu kordhiyay Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe. Madaxweyne ku xigeenka ayaa daah-furay dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay Guryaha Qoysaska Ciidanka Asluubta, waxaana sidoo kale uu xariga ka jiray qaybta dumarka ee Xabsiga Garoowe. Daah-furkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen, Cali Nuur Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Aamino Cismaan Xaaji ,Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo daah-furay qeyb lagu Kordhiyay Xabsiga Garoowe appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii Hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay, saddex sano kadib doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday 2017kii ee uu kusoo baxay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. War-saxaafadeedka oo ka kooban laba bog ayaa ku sheegay in dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran iyo falal amni darro oo ay geysanayaan Kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale waxaa uu baaq u direy xukuumadda Soomaaliya, maamul goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Calamka. Hoos ka Akhriso war-saxaafadeedka Guuleed
  11. Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Kulankii 36-aad ee Kalfadhiga 6-aad ayey goluhu ku meel mariyeen sharcigaasi, ayada uu shir guddomiyey guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullaahi. Sidoo kale waxaa kulanka ku-wehliyey guddomiye Ku-xigeenka 1aad Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Ku-xigeenka 2-aad Senatar Mowliid Xuseen Guhaad. Ajendaha kulanka ayaa ahaa: 1) Akhrinta 3-aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. 2) Akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Guddomiye Ku-xigeenka guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadaha, isgaarsiinta iyo dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay warbixinta Akhrinta 3-aad ee hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Waxaa sidoo kale hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). Waxaa ogaaladay ansixinta sharcigaan 25 Senatar, Waxaa diiday 4 mudane, wax ka aamusayna ma jirin. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  12. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxa ay ansixiyeen sharciga Hanti dhowrka guud ee Qaranka ka dib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, waxaana ku wehlinayay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Moowliid Xuseen Guhaad. Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Senatar Deqa Xasan Xuseen, ayaa xubnaha Aqalka Sare ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Sidoo kale, waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). Mudanayaasha Aqalka Sare oo ugu dambeyntii ansixiyay Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.Waxaana Ogaalada 25 Senatar, waxaa diiday 4 Senatar, cid ka aamustayna ma jirin. PUNTLAND POST The post Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan ayaa markii u horaysay ka warbixiyey Afduubkii loogu gaystay Muqdisho. Wasiirku wuxuu sigaara ugu mahadceliyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni [...] Source
  14. Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay war dhawaan ka soo yeeray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International, taas oo ku aadanaa wasiirka amniga Jubbaland oo mar tegay dalkaasi. Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau oo wareysi siinayey wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn arrinta ku aadan wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan. Sidoo kale Kamau ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ee dalka Kenya oo kaliya ay arrintaasi u furan tahay in ay ka falceliyaan, balse aysan iyagu ka hadli karin. Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo dowladda Soomaaliya ay doon dooneyso ayaa haatan isaga oo baxsad ah ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo. View the full article
  15. NAIROBI (HOL) - Authorities in Bulahawa have warned Kenya against what terms as hosting militias allied to embattled Jubbaland Security Minister Abdirashid Janan threatening reprisals should Nairobi continue shielding the wanted Minister. Source: Hiiraan Online
  16. Hoggaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa kulamo kala duwan ka wada gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galghaduud. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay madaxdu la qaateen odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha maamulkaasi. Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa Shabelle u sheegay in shirarkaan oo uu goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Cali Daahir Ciid diirada lagu saaray sidii loo dardar gelin howlaha shaqo ee ka socda Dhuusamareeb. Tan iyo markii Qoo-Qoor iyo ku xigeenkiisa loo doorto hoggaanka Galmudug ayaa waxa ay kulamo iyo shirar gooni gooni ka wadeen gudaha magaaladaasi. View the full article
  17. Beled Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo maalmahaan ku sugan duleedka degmada Beled-Xaawo ayaa maanta ka hadlay xaaladaha kusoo kordhey Gobolka Gedo, xarigii dowladda u geysatay arrimo kale. Wasiir Janan oo shir Jaraaid qabtey ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si sharci darro ah Ciidamo farabadan kusoo daaabushay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, islamarkaana degmooyinkii amniga ahaa ay haatan amni darro ay ka abuurtay. Waxaa uu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca Gobolka Gedo ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay in degmooyin amni ah ay kusoo duushay. Waxaa uu soo hadal qaadey kiiskii dowladda Soomaaliya ay u xirtey ee ahaa in uu gobolka Gedo deegaano kamid ah dad ku dhibaateeyey, waxaana uu sheegay in uusan jirin dembi uu geystay. “Aniga wax dhibaato ah uma geysan Shacab Soomaaliyeed,laakin dagaal Ciidamada iyo Al-Shabaab dhex maray inay waxyeelo kasoo gaarto waa ay dhici kartaa ayuuu yiri” Wasiir Janan. Isaga oo ka hadlayay xarigii loogu geystay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in qorshahooda uu ahaa madaxda Dowladda inay arbushaad ka sameeyaan Gobolka Gedo, hase yeeshee haatan u ku sugan yahay Degmada Beled-Xaawo cidii u baahatana uu soo dhaweynayo. Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa ka baxsadey halkii uu ku xirnaa 28-kii Bishii tegtay ee Janaayo Sanadkaan 2020, waxaana maalmo kadib uu tegay Kismaayo ugana sii gudbey Nairobi ugu dambeyna uu tegay Gobolka Gedo. Hoos ka daawo Janan
  18. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Askari Afgaanistaan u dhashay uu u geeystay laba askari oo mareykan ah halka lix kalana uu ku dhaawacay Saldhig Milatari oo ku yaala Bariga dalkaasi Afhayeen u hadlay ciidamada Milataarka dowladda Afgaanistaan ayaa warbaahinta u sheegay in nin ku labisan dareeska ciidamada Dowladda Afganistaan uu rasaas ku furay ciidamadan oo ku sugnaa saldhig Milatari oo ku yaala Bariag Dalka Afgaanistaan . Afhayeenkan ayaa intaasi ku daray in Ciidamda wadaagga ah ee ka koobnaa Afganistaan iyo Amerikan ay ku wada sugnaayeen Saldhiggan oo lagu magacaabo Nankar ee dhaca Bariga dalkaasi Waxa uu sidoo kale sheegay in Baaritaan intaasi kabadan ay wadaan dhowaanna ay shaacin doonaan sida weerarkan uu ku dhaca iyo wax yaabaha keenay Dhacdooyinka nuucaan ah ee dilka loogu geeysto ciidamada American ka ah ee ku sugan Afganistaan ayaa ah kuwo ku soo laalaabtay Saldhigyada dalkaasi Afganistaan PUNTLAND POST The post Askar Mareykan ah oo lagu dilay Afghanstan appeared first on Puntland Post.
  19. Shir madaxeedka ururka Midowga Africa ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galayaan inta badan hogaamiyeyaasha dalalka qaaradda Africa iyo madax kale oo heer caalami ah. Soomaaliya waxaa shirkaas ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Sidoo kale masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirka waxaa ka mid ah xoghayaha QM, Antonio Gueteres iyo Justin Tredue oo ah ra’iisul wasaaraha dalka Canada, waxaana shirka ku wehliya wasiirkiisa arrimaha dibadda iyo xubna kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada Meertada 33-aad ee shirka Midowga Afrika ayaa waxaa sanadkan looga hadlayaa qodobo ku saabsan xal u helida caqabadaha ka jira Africa, gaar ahaan waxaa diirada la saari doonaa joojinta xasaradaha ka taagan dalka Lipya iyo sidoo kale hubka sharci darada ah. Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Cyril Ramaphosa ayaa sidoo kale si rasmi ah maanta ula wareegi doono kursiga shir guddoonka golaha Midowga Africa, waxaana uu booskaasi kala wareegayaa dhigdiisa dalka Masar, Abdel-Fitaah Al-Sisi oo isna horay kursiga shir guddoonka kala wareegay madaxweynaha dalka Rwanada Paul Kagame. View the full article
  20. Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhawaan ka baxsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka warbixiyey xarigii 31 Agust loogu geystay magaalada Muqdisho, xilligaas oo laga qabtay garoonka Aadan Cadde. Janan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federaalka aysan geynin xabsi dowladeed, islamarkaana lagu hayey meel aan amni aheyn, siduu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in ra’iisul waaaraha Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha aysan waxba ka ogeyn halkii uu ku xirnaa shantii bilood ee lagu hayey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho Wasiir Janan oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey inay colaad hor leh ka hurineyso deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo markii hore nabad ahaa. Ugu dambeyntii wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo haatan ku sugan duleedka magaalada Beledxaawo ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in la qalqal galiyo amniga deegaanada maamulkaasi, isagoona sheegay inay ka difaaci doonaan weerar qaawaan oo uu xusay inay ku soo qaatay dowladda Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaq u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland laga dareemayo degmada Beledxaawo, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay laga dareemayey xiisad xoogan oo u dhexeysa labada dhinac. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-09022020.mp3 View the full article