-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland haatanna ah Senetor ka tirsan golaha Aqalka sare ee BFS mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda waxbarashada DFS Cabdulahi Goodax Barre uu ka hor imaanaayo nidaamka Federaalka oo ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Senetor Faroole ayaa soo bandhigay heshiis ay dowladda Federaalka la gashay Puntland xilligii uu madaxweynaha ka ahaa waxa uuna xusay in markaasi ay labada dhinac ku heshiiyeen in 25% deeqaha waxabarasho ee dibada la siiyo puntland. Senetor Faroole ayaa yiri “Cunaqabateyn tacliimeed baa hadda Puntland ka socoto in lagu sameeyo sidii cunaqabateyntii jubbaland hawada looga sameeyay” “madaxweynaha isagaa wadanka madax ka ah in uu soo dhex galo arrintan isagey quseysaa wasiirkiisana uu amar siiyo” ayuu raaciyay hadalkiisa Senetor Faroole. “20-kii August 2009-kii magaalada Gaalkacyo waxaa lagu gaaray heshiis ahaa in puntlnad la siiyo deeqaha waxabarasho ee dibada ah 25%” ayuu ka dhawaajiyay madaxweynihii hore ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duuliska hawada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku sugan Caabudwaaq ayaa sheegay in dowladda ay deg deg dib u dhis ugu sameyneyso garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Oomaar ayaa tilmaamay in ka xukuumadu ay gacan ka geysan doonto dhismaha garoonkaasi iyo tababarka shaqaalaha ka shaqeyn doona. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degamadaasi inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka intaba. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Oomaar.mp3 View the full article
-
Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa khudahooda waxqabad looga dhageystay musharraxiinta u taagan hoggaanka sare ee maamulkaasi. Musharraxiinta khudbadaha laga dhageystay oo gaarayey ku dhowaad 10 ayaa sugu jira kuwa u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku u sharraxan ku xigeenka. Wariyaha Shabelle ee deegaanada Galmudug, Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa warbixin ka diyaaryey wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda maamulkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Gaab.mp3 View the full article
-
Diiwaan-gelinta Ciidamada oo ka socota gudaha Jaamacadda Maakhir Dowladda Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay Guutooyin Ciidamo ah ku xeraysay, Jaamacadda Maakhir University ee magaalada Badhan, si diiwaan-gelin loogu sameeyo Ciidamadaaasi oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag. Arrintaasi ayaa la soo sheegaya, in ay culays ku keentay Jadwalkii Waxbarashada Jaamacadda Maakhir, kadib markii cutubyo ciidamo ah lagu xereeyay qaar kamid ah qolalka wax lagu barto iyo deyrka Jaamacadda, waxaana ay ku soo beegmatay xilli ay furantahay Jaamacaddu oo aysan fasax ku jirin. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha Gudiga Dib uhabaynta Ciidamada, Xassan Shire Abgaal oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga, Cabdisamad Gallan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere, ayaa maalmihii la soo dhaafay gudaha jaamacaddaasi ka waday diiwaan-gelinta ciidamada. Mas’uuliyiinta oo halkaasi hadallo ka jeediyay, ayaa sheegay in Ciidamadu si joogta ah u heli doonaan Mushahar koooda, Daryeel Caafimaad iyo mid agab oo dhamaystiran, kadib markii la diiwaan-geliyo. PUNTLAND POST The post Jaamacadda Maakhir ma waxay noqotay xarun Ciidan? appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo ku hadlayey magaca taliska ayaa ka hadlay geeridii ku timid allaha u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogg, Janeraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo saacadihii la soo dhaafay ku geeriyoodey gudaha dalka Canada. Ugu horreyn afhayeenka ayaa tacsi Qaran ka diray geerida ku timid marxuumka oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanaa wadankaasi. Sidoo kale wuxuu si gaar ah uga tacsiyeeyey ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay, isagoona alle uga baryey inuu ka waraabiyo janadiisa Fardowso. Geerida ku timid Ex Abaanduulihii hore ee Ciidamada xoogg dalka Soomaaliyeed, Janeraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa waxa sidoo kale ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka, wuxuuna ka mid ahaa marxuumka saraakiisha sida weyn uga qeyb qaatay howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-1.mp3 View the full article
-
An outbreak of acute watery diarrhea has killed 15 people in Somalia’s central region of Hiraan, an official confirmed on Wednesday. HirShabelle State health minister Abdi Mo’alim Mohamed told reporters that acute watery diarrhea broke out in BeledWeyne town causing deaths. “Acute Watery Diarrhoea killed up to 15 people mainly kids with more than 60 other people suffering from the disease,” Mohamed said. The minister also appealed to humanitarian agencies to deliver assistance to the region. “We are in shortage of medical equipment, hence we appeal to the international and local humanitarian agencies to help the victims in the region,” he added. Medical sources also said the number of patients was increasing by the day. “From Friday up to date, more than 65 people have been admitted to the hospital coming from distant areas of the region and the hospital is overcrowded with patients,” Abdul Halim, director of the main hospital in Beledweyne town told journalists. The outbreak follows major flooding in Beledweyne in November 2019, which displaced over 300,000 people. According to the UN, up to 85 percent of the town was submerged in water after Shabelle River breached its banks. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-290120.mp3 View the full article
-
Maanta waxaa khudbeeyey murashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee dowlad goboleedka Galmudug iyaga oo soo bandhigay sida ay wax u maamuli-doonaan haddii la doorto berri oo khamiis ah. Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii ay qoraal soo saareen murashaxiinta aan weli isdiiwaangelin ee Galmudug sida Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Faarax Weheliye iyaga oo codsaday in doorasho dib loo dhigo 2 todobaad maadama aan loo dhammeyn. Murashaxiintan ayaa sidoo kale waxaa ay dalbadeen in la dhageysto baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aadan in aan la dhisin Galmudug aan loo dhameyn. Dhankooda, qoraal ay xalay soo saareen beesha caalamka gaar ahaan hey’adaha iyo dalalka ka ah: AMISOM, Australia, Denmark, Djibouti, Egypt, European Union, Finland, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sudan, Sweden, Turkey, United Kingdom, United Nations iyo United States ayaa lagu dalbaday qodobbo dhowr ah. Beesha caalamka waxaa ay walaac ka muujisay xaaladda Galmudug iyada oo soojeedisay in aan la ogolaan in la baabi’iyo dadaal 7 bil socday, laga fogaado colaad isla markaana wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal. Beesha caalamka waxaa ay xildhibaannada, murashaxiinta, Ahlu Sunna Wal Jamaca iyo kuwa ku sugan Galmudug iyo wakiilada dowladda federaalka ah ay dhammaan ugu baaqday in loo dhaqaaqo sidii loo heli laha wax loo dhanyahay. Galmudug waxaa ay xilligan leedahay saddex baarlamaan, madaxweyne Axmed Geelle Xaaf waxaa uu magacaabay ilaa 68 xildhibaan, Ahlu sunna waxaa ay ku dhawaaqday 69 xildhibaan halka uu jiro baarlamaanka kale oo dowladda federaalka ah aqoonsantahay oo gaaraya 89 xildhibaan. Madaxa Ahlu sunna Sheekh Shaakir waxaa uu sheegay iney baarlamaanka dhiseen kadib marka halka la rabay iney odeyaal dhaqan wax xulaan ay dowladda federaalka ah qoratey xildhibaannada Galmudug. Madaxweyne Axmed Geelle Xaaf oo ku sugan Galkacyo waxaa uu iska diiday hannaanka ay dowladda federaalka ah wax uga waddo Dhuusamareeb isaga oo baabi’iyey dhammaan natiijada hawlaha la qabtay. Qaar ka tirsan xildhibaannada labada aqal ee BF oo baaqyo soo saarayey maalmaha ayaa ka digay in la boobsiiyo doorashada Galmudug iyaga oo ku taliyey in dadka oo dhan laga qeybgeliyo. Maamulka Farmaajo oo arrinta Galmudug uu gacabta si gaar ah ugu hayey ra’isul wasaarihiisa Xasan Kheyre ayaa afduubey rabitaanka odeyaasha dhaqanka, badalady qaar ka tirsan saxiixayaashii, soona qortay xildhibaanno daacad ah, kadibna xildhibaannadii ayaa doortay guddoomiye baarlamaan oo ka tirsanaa Villa Somalia. Arrimahaas iyada oo la arko, lana aqbalay ayaa sida muuqato waxaa ay DF isku daydey iney dhameystirato shaqada ay bilowday , keenta murashaxa madaxweyne ee ay rabto, taasi oo lagu baraarugay, lana diiday. Sida ay qorsheeyeen guddiga doorashada ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee baarlamaanka ay DF xushay , haddii sida ay sheegeen khamiista berri ah la doorto madaxweyne, waxaa hubaal ah in wax dhicis ah soo bixi-doonaan, lagana yaabo tillaabadaas darteed in Galmudug oo dhan ay umul raacato. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – In ka badan oo ka mid ah xilhibaanadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta soo xaadiray kulan uu baarlamaanka cusub ee Galmudug uu ku dhageysanayey hadal-jeedinta musharaxiinta xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmdug. Kooxda Ahlu-Sunna ayaa horey u qaadacday doorashada madaxweynaha, waxayna shalay ku dhowaaqeen liis xildhibaano oo cusub. Xildhibaanno ku dhow 10 ayaa sheegay in ay madaxda Ahlu-Sunna ay isku afgaran waayeen shuruurdaha la hor dhigayo wasaaradda arrimaha gudaha, kadibna ay go’aansadeen in ay ku biiraan xubnaha kale ee baarlamaanka. Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah xildhibaannada ka soo muuqday kulankii maanta, waxaana ka mid ah : 1) – Xildhibaan Mahad Kilic Warsame 2) – Xildhibaan Cabdi Maxamuud Fiidow 3) – Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed 4) – Xildhibaan Yaasiin Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan 5) – Xildhibaan Mowliid Sheekh Cali Tahliil 6) – Xildhibaan Mahad Cabdi Xirsi 7) – Xildhibaan Axmed Maxamed Aadan 8) – Xildhibaan Xuseen Axmed Carab Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in xildhibaannadan ay dhanka dowladda Soomaaliya ka heleen ballan-qaadyo kuu aaddan in xilal looga magacaabi doono xukuumadda uu soo dhisi doono madaxweynaha lasoo dooranayo. Ilaa afar musharrax ayaa u taagan xilka madaxweynahay Galmudug, iyada oo xilka ku-xigeenka madaxweyanahana ay u sharraxan yihiin 5 musharrax. Doorshada ayaana la filayaa inay dhacdo maalinta barri ah. Si kastaba, marka laga reebo musharax Axmed Cabdi Qoor-Qoor, oo ah midka ay dowladda wadato, waxaa la rumeysan yahay in musharaxiinta kale ay yihiin kuwa magac u yaal ah oo isaga “u camiraya” doorashada. Musharaxiinta mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, ayaga oo dowladda ku eedeeyey inay awood ku afduubaneyso.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goordhow magaaladaasi uu ka furmay kulan ay leeyihiin xildhibaanada 2aad ee baarlamaanka maamulka Galmudug. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya, Dr Maxamed Nuur Gacal oo ah guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, iyadoona ay soo xaadireen illaa 72 Mudane. Xildhibaanada ayaa haatan dhageysanaya khudbadaha musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Illaa 9 musharrax oo afar ka mid ah ay u taagan yihiin xil ka madaxweynaha iyo shan kale oo u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa jeedinaya barnaamijkooda waxqabadka, sida uu shaaciyey guddoonka cusub ee baarlamaanka Galmudug. Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha ayaa kala ah:- 1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) 2-C/raxmaan Axmed Sabriye 3-Axmed Shire Maxamed (Falagle) 4-Axmed C/laahi Samatar. Sidoo kale musharraxiinta u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa kala ah:- 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), 5-Cabdi Qani Sheekh Cali Diini. Dhinaca kale waxaa muuqata in weli go’aanka afarta musharrax ee ugu saameynta badan doorashada Galmudug uu sidiisii yahay, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere Musharraxiintaan ayaa si cad uga biyo diiday inay ka qeyb galaan tartanka doorashada, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda Soomaaliya Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo ay beesha caalamka ka digtay sii socoshada khilaafkaan, waxayna ugu baaqday dhinacyada isku haya Galmudug inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed.
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa si weyn uga hortimid qorshaha nabadda bariga dhexe ee uu soo bandhigay madaxweynaha dalkaasi, Donald Trump. Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay barta fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayey qorshaha la sugayey ee Trump ku tilmaamay mid dhac ah oo aan aheyn mid nabadeed. Sidoo kale waxa ay shaacisay in weli lagu dhegan yahay isaga iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, islamarkaana qorshahaan uu yahay mid ceeb iyo khiyaano ah. “Intii lagu sameyn lahaa soo jeedin xil ka qaadis ah oo la dacweyn lahaa labadan hogaamiye ee lagu dhagan yahay inay gaaraan qorshe nabadeed, waana arrin ceeb iyo khiyaano ah” ayay tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka. Ilhaan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa sidoo kale carabka ku dhufatay in qorshaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump soo bandhigay uu yahay mid aan loo dhameyn, islamarkaana aan laga qeyb-gelinin dhinacyadii ay quseysay arrintaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Trump qorshahaani uu ku dhawaaqay, xilli uu garab taagnaa ra’iisul wasaare Netanyahu, sidoo kalena sheegay in qorshiihiisa bariga dhexe ay fursadii ugu dambeysay ka heli karaan Falastiiniyiinta.
-
Somali students in coronavirus-stricken Wuhan say they are trapped in their university rooms feeling frightened and lonely and are appealing for the Somali government to help them leave the besieged Chinese city. “The situation in Wuhan is very, very dangerous,” said Yassin Abdi Said, one of several Somali students who spoke to VOA’s Somali service via Skype. “The city is on lockdown, most shops are closed. Authorities are not allowing anyone to go out or come in.” Wuhan is the epicenter of the epidemic. Said added that no taxis are operating, and the hospitals are filling up as the potentially deadly virus spreads. Like Said, accounting student Redwan Mohamed Nur, 22, has remained holed up in his university dormitory room for the past five days. One of 14 Somali students at Wuhan University, he says he has left his room only to walk to the university’s front gate, where school officials have been delivering food to foreign students every second day. “I did not leave my room, I can only go as far as the gate to receive the food,” Nur said. “I’m scared to even open the window because I’m afraid the wind may carry the virus in. I use a mask but it’s difficult to get it now.” The university had been expected to reopen in February after shutting down for the Chinese New Year holiday, but authorities have told the students they should now expect it to remain closed for another month. “We want the Foreign Ministry of the Somali government to evacuate us, we need emergency support,” Nur said. Altogether, about 34 Somalis, most of them students, are trapped at universities in Wuhan, keeping in touch with one another through a small community organization. So far, none has been infected by the still-mysterious disease which has killed more than 100 people. Another member of that community is 23-year-old Abdulkadir Mohamed Abdi, one of four Somali students at China University of Geosciences. Abdi, who is studying petroleum engineering, says he too has remained inside for five days trying to avoid becoming infected. “You can get infected without showing the symptoms,” he said. “Therefore you are safe to be indoors.” Abdi says he has run out of food and plans to venture outside in search of an open supermarket within the next couple of days. “Traffic has been stopped,” Abdi said, “and unless they are transporting patients or have a reason to move around, people have been told to stay indoors.” He also appealed to the Somali government for help to get out of Wuhan, even if only to be evacuated to another location in China. View the full article
-
Somalia’s international partners reaffirm their commitment to supporting preparations for the 2020/2021 federal elections. In order for elections to be held on time, it is essential that an implementable electoral law is adopted as a matter of priority, in keeping with the Mutual Accountability Framework agreed between partners and the Somali authorities in October 2019. The partners held a series of meetings in recent weeks with key stakeholders in the electoral process including with the National Independent Electoral Commission (NIEC), Speakers of the House of the People and the Upper House, the Upper House Ad-Hoc Committee in charge of reviewing the current electoral bill, and the Somali Police Commissioner who chairs the National Security Task Force responsible for developing the security plan for the elections. Discussions centered around the importance of Parliament adopting an implementable and fundable electoral law in a timely manner, before the end of its current session, and on preparing a plan, including a budget, for the arrangements to secure the elections. The partners stressed the importance of finding solutions to aspects of the bill that remain unresolved, such as the definition of constituencies, the allocation of Upper House seats, progress in achieving the Somali goal of “one person, one vote,” measures to ensure a minimum of 30 percent representation of women, voting arrangements and representation for Banadir and Somaliland, as well as other operational arrangements. They called on the Parliament to finalize an implementable law without delay to avoid a risk of political instability. Partners have continued to provide technical support to the NIEC to jointly prepare and present options for Somali actors to resolve the outstanding issues in the draft bill. At the request of the speakers of the two houses, the United Nations has provided a document, prepared jointly with the NIEC, with details of these options for their consideration. Somalia’s international partners urge that Parliament seriously consider these technical options and agree on an implementable law before going on recess. View the full article
-
Somalia’s international partners* are concerned about the developments in Galmudug State that have emerged during the final stage of the months-long effort towards forming a united and stable Galmudug Federal Member State through a reconciliation process and elections. It is important that all the stakeholders remain focused on the need to participate in a process that will enjoy broad support and avoid the risk of instability and conflict. This will require an inclusive approach, forged through dialogue, and will require flexibility on all sides. The partners recognize that significant efforts have been made in this regard over the past seven months. This has enabled agreements to be reached over the allocation of seats and we commend the willingness of communities to compromise and act in the greater interests of Galmudug state. We call on all actors to remain engaged, to resolve their differences through dialogue, if necessary taking time to do so, and that they remain guided by the objective of a unified and stable Galmudug state and refrain from initiating alternative processes. We urge the leadership of Galmudug’s regional assembly, the presidential candidates, Ahlu Sunna Wal Jama’a, stakeholders gathered in Galkayo and representatives of the Federal Government that are witnessing the process to take an inclusive and transparent approach. The partners call for the remaining steps of the electoral process to be taken in the same spirit of compromise that has yielded the progress witnessed so far, in order for Galmudug to achieve its full potential for the benefit of the people of Galmudug. View the full article
-
Ilo’ wareedyo sugan, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu todobaadka soo socda isku shaandhayn samaynayo, kadib markii uu ka soo laabto safarkiisa magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya. Madaxweynaha oo la filayo, in uu todobaadka soo socda dib ugu laabto magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa la xaqiijiyay in uu isku shaandhayn ku samaynayo agaasimayaasha guud iyo kuwa waaxyaha qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda Puntland. Isku shaandhaynta, ayaa la filayaa in ay saamayso wasaarado ay kamid yihiin: Duulista Hawada iyo Garoomada, Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Caafimaadka iyo qaar kale. Sidoo kale, waxa la filayaa in madaxweynuhu uu magacaabo agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo xubno kale oo ay ku jiraan saraakiil Ciidan. Xogtu waxay intaasi ku daraysaa, in isku shaandhaynta agaasimayaasha guud iyo agaasima-waaxeedyada Wasaaradaha, ay ilaa saddex jeer oo hore baaqatay, sababo aan la shaacin. PUNTLAND POST The post XOG: Madaxweyne Deni oo isku shaan-dhayn samaynaya appeared first on Puntland Post.
-
Feysal Cali Waraabe: Doorasho Noo Gaara Ayaan Qabsan Doonaa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Feysal Cali waraabe, ayaa sheegay in ay qabsan doonaan doorasho u gaara haddii xukuumadda Somaliland ay ku qancin weyso doorashada soo aadan. Gudoomiye Feysal oo ka hadlayay munaasabad ay xil kula kala wareegayeen dhalinyaro ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha doorashooyinka maamulkaasi, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ka mucaarad ahaan ay tallaabo qaadi doonaan. Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaalilnad, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in raggaasi Farmaajo uu magacaabay ay ka shaqeeyaan wadaxaajoodka labadaasi dhinac. “Bishan aakhirkeeda ayuu qaatay madaxweynuhu in arrintaan uu dhameynayo, arrintaasi hadii ay dhamaan weyso inagune talaabo ayaan qaadi doonaa si doorasho aan u qabsanno” ayuu yiri Feysal Cali waraabe Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka maamulkaasi ayaa isku haya doorashada soo aadan ee ka qabsoomi doonto Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa saaka daah-furay kulan tababar ah oo looga hadlayo dhiiri-gelinta Maal-gashiga kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda IFC oo ka tirsan Baanka Adduunka. Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Adis-Ababa, ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana ka wada qeyb-galaya dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyada oo diiradda lagu saarayo sida loo horumarinayo dhinacyada kala duwan ee Maal-gashiga. Agaasimaha, ayaa safarkiisan shaqo waxa ku wehelinaayey Madax ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo halkaas u jooga siddii kor looggu qaadi lahaa dedaalka Wasaaradda ee ku aadan in dalka loo soo jiido Maal-gashadayaal Caalami ah iyo kuwo Gudeedba. View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in duqeyn horleh oo laga fuliyay gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe lagu bar-tilmaameedsaday dhisme ay lahaayeen Al-shabaab. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo dawladda Maraykanka duqayntaasi lagu burburiyey dhismahaasi. Illaa hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi. Waa duqayntii labaad ee toddobaadlan gudihiis Maraykanku ka gaysto nawaaxiga magaalada Jilib. Maalintii Insiintii ayaa duqayn ka dhacday agagaarka Jilib lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhisme ay Al-shabaab lee yihiin la duqeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka aan ka helayno degmada Dharkeynley ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda uu xalay dilay wiil dhalinyaro ahaa sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Kaawagodeey ee degmada Dharkeynley ka dib markii wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Munasar uu gadaal kaga yimid askariga oo ay saaxiibo ahaayeen islamarkaa uu isku duubay, sidaasna ay keentay in askarigu uu rasaas ku furo marxuumka geeriyooday. Munasar ayaa ahaa arday wax ka barta magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa soo gaaray goobta iyaga oo gacanta ku dhigay askarigii dilka geystay. Dilalka ay siyaabo kala duwan u geystaan askarta ka tirsan dowladda ayaa ku soo badanaya Muqdisho, iyada oo aysan jirin tallaabo looga hortagayo falalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xuukuumadda Galmudug oo wareysi siiyey Tv-ga Soomaali Cable ayaa hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan doorashadii guddoonka baarlamaanka ee uu dhowaan ku soo baxay, Maxamed Nuur Gacal. Sheekh Shaakir ayaa doorashadaasi oo dhacday 17-kii bishaan January ku tilmaamay in la musuqmaasuqay, islamarkaana lagu bixiyey lacag, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashadu aysan u dhicin si xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay dowladdu ku bixisay laaluush iyo lacag lagu doortay guddoonka. “Doorashada lagu doortay Galmudug dhexdeeda oo la leeyahay guddoon ayaa lagu dooratay, waxaan dhihi karnaa guddoon sax ah laguma dooran ee laaluush iyo Lacag ayaa lagu doortay” ayuu waraysigaan ku yiri, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Sheekha oo hadalka sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada laga daba waday lacag jawaano lagu siday, sida uu hadalka u dhigay. Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug oo sidoo kale ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa intaasi ku daray in xildhibaanada wax doortay aysan xor aheyn, islamarkaana lagu hayey Kontorool iyo ilaalo la daba dhigay, si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda. “Anagu ma aanaan aqoon doorasho jawaano lacag ah laga daba wado waxan u haysanay dad xor ah, laakiin waxa aan aragnay xildhibaano la kontoroolayo oo ilaalo la daba dhigay marka dowladda dalka masuulka ka aheyd ayaa sidaan u dhaqmaysa”. Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna ee ku aadanaa dhismaha loogu jiro Galmudug oo mid ah. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka hareeyey maamulkaasi, waxaana shalay Ahlu Sunna xildhibaano ay uga dhawaaqday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada gobolka Galgaduud, kuwaas oo doortay guddoon cusub.
-
Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ee aan weli isdiiwaangalin sida Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Faarax Weheliye ayaa soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkasi. Murashaxiintan, ayaa dalbaday ugu horeyn in muddo laba todobaada la hakiyo howlaha doorashada ee ka kala socda Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, maadama bey yiraahdeen aan loo dhameyn. Sidoo kale, murashaxiintan, ayaa sheegay in loo baahanyahay gogol ay isugu imaanayaan saamileyda siyaasadeed ee Galmudug, kaas oo lagu xalinayo dhamaan tabashooyinka jira, si gaara khilaafka Ahlu sunna iyo dowladda Federaalka. Ugu dambeyn waxa ay dalbadeen in la dhageysto baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aadan in aan la dhisin Galmudug aan loo dhameyn. Halkaan ka akhriso warmurtiyeedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khamriga iyo Xashiishka la gubay Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa maanta duleedka magaalada Garoowe waxay ku gubeen maandooriyaal ka kooban khamri iyo xashiish oo ciidamadu ku qabteen hawlgallo kala duwan oo ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Nugaal. Maandooriyahaan ayaa lagu sheegay midkii ugu badnaa abid ee lagu qabto Puntland waxaana in gacanta lagu dhigo ka qeyb qaatay dad muwaadiniin ah oo bixiyay xogta Qamriga iyo xashiishka, sida ay sheegeen Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal. Halka lagu gubayay Maandooriyaasha waxaa goob joog ahaa wasiiro ka tirsan dowladda Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo dowladeed. Saraakiisha Booliiska ayaa digniin adag goobta uga diray dadka caadaystay in ay gudaha Puntland soo geliyaan daroogada noocyadeeda kala duwan waxaana ay sheegeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto. PUNTLAND POST The post Khamri iyo Xashiish badan oo maanta lagu gubay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay Dhuusamareeb ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda maamulkaasi. Musharraxiintaan oo kale ah:- C/rraxmaan Maxamed (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, C/laahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere, kana mid ah kuwa ugu saameynta badan doorashada Galmudug ayaa ku baaqay in la’isugu yimaado shir deg deg ah. Sidoo kale waxa ay dalbadeen in muddo 15 cisho ah dib loo dhigo howlaha dhismaha ee ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee maamulkaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
