-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mandhera (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Macallin oo baarlamanka dalka Kenya kasoo galay Bariga Mandhera ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay xirto oo wasiirka amniga Jubaland ay u gacan geliso dowladda Soomaaliya, ama in isaga iyo ciidamadiisa ay ka ceyriso magaalada Mandhera. Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday Muqdisho, ayaa ku sugan magaalada Mandhera, halkaasi oo ciidamo uu ku haysto. “Ma garanayo waxa ay dowladdeena ka faa’iideyso inay gabaad siiso dambiile la doonayo. Ha xirto dambiilahan oo ha dhiibto, ama ha ka ceyriso Mandhera, si ay nabad u ahaato,” ayuu yiri Cumar Macallin, oo horey u ahaa barasaab ku-xigeenka Mandhera. “Waxaan ogahay in wasiir baxsad ah iyo ciidamadiisa ay hadda ka howl-galaan saddex hotel oo ku yaalla Mandhera. Dowladda Kenya waa inay arrintan kala caddeysaa. Maxay arrintan ka faa’iideysaa Mandhera oo hadda la daalaa dhaceysa xasarad waxbarasho,” ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlay Daily Nation. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka taagan tahay magaalada Mandhera ee dalka Kenya, xilli wararka ay sheegayaan in ciidamada Soomaaliya ay isku urursanayaan magaalada xuduudda la leh Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in xiisadda Mandhera ay salka ku hayso cabsi laga qabo in ciidamada Soomaaliya ay qorsheynayaan inay soo weeraraan hotel ku yaalla magaalada, oo uu degan yahay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxsaday dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga digtay dowladda Kenya in gabbaad siinta wasiir baxsad ah oo la doonayo ay waxyeeleyn karto xiriirka wanaagsan ee labada dal. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan).
-
Boorama (Caasimada Online) ― Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista gobolada Awdal iyo Salel, iyo qaar kamid ah Culimada magaalada Boorama oo kulan yeeshay, ayaa soo saaray bayaan culus oo ku aadan aflaagadii diinta ee uu ku kacay Badhasaabka gobolka Awdal. Afhayeenka Guddigaasi, Sheekh Maxamuud Faarax Iidle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka ay wada qaateen Guddiga iyo Culimadu ay ku sii adkeynayeen falanqeynta arrintaasi. Afhayeenka ayaa sheegay in la isku raacay Shan qodob, isagoona xusay in la isla qaatay in Diin-caygu uu yahay gaalnimo lagaga baxayo Diinta Islaamka. Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay Afhayeenkaasi in arrinta Badhasaabka loo haysto aysan shaqo ku laheyn arrimo Siyaasadeed ama Qabiil, balse ay tahay mid Diineed. Hoos ka aqriso Bayaanka ka kooban 5-qodob ee ay soo saareen Guddigu: 1. In arrintaasi Diin-caygu uu yahay sida ay Culimadu ay sheegen Gaalnimo lagaga baxayo Diinta, sida ay Culimadu Diinta Islaamku ku kulmeen. 2. Waxay Culimadu ay cadeynayaan oo ay xoojinayaan inay sax tahay arrintii ay sheegen, kuna deg-degin oo Markhaatiyaal ka badan intii loo baahnaana ay u hayaan arrintaasi. 3. Arrintaasi waa arrin Diiniya oo aan shaqo ku laheyn Siyaasad iyo Qabiil-toona. 4. Guddiga wanaag faristu iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda Diineed iyo midka Qaran, inay u gudbiyeen Hay’addaha ay khuseyso oo dhan, baadhitaan dheer kadib. 5. Waxay ugu baaqayaan Culimada waaweyn ee dalka dhamaantood inay si dhow ula socdaan arrintan iyada ah.
-
Tension has remained high in Mandera town for the fourth day now with reports that troops of the Somalia National Army troops are converging along the border, planning to raid a hotel where a Jubbaland minister is allegedly holed up. Somalia has accused Nairobi of harbouring fugitive Jubbaland security minister Abdirashid Hassan Abdinur. Mr Abdinur, also known as Abdirashid Janan, is alleged to have escaped on January 28 from a Mogadishu prison, where he had been held since August 31, 2019. He is accused of committing grave human rights violations and killing civilians in Gedo. FEAR Majority of the people living along the borderline have sought refuge at their relatives’ homes in other areas within the town. Mr Hussein Abdow, a resident of Bula Tawakal in Mandera, said many left their homes on Thursday, when the Somali security forces started appearing at border. “We are not sure of what will happen but once thing I know is that in case the Somalia forces cross into Mandera, many innocent people will lose their lives,” he said. Ms Abdia Giro, a milk vendor from Bulahawa, a Somalia town neighbouring Mandera, said military officers from the Federal Government of Somalia (FGS) started arriving in the town on Thursday. “The situation has not been the same because the officers have taken positions and are running our town,” Ms Giro said. FGS CLAIMS Ms Giro claimed on Friday that FGS officers clashed with Jubbaland forces loyal to the minister, resulting in the deaths of two soldiers. “Two Jubbaland soldiers, who had crossed into Bulahwa from Mandera in search for food, clashed with FGS troops. We are very worried,” she said. It has been reported that the wanted minister has been assembling forces loyal to the Jubbaland state government in readiness for a clash with FGS forces. The Nation could not verify this claim. MP’S APPEAL Mandera East MP Omar Maalim called on the national government to either arrest the wanted minister and hand him over to Somalia authorities or kick him and his forces out of Mandera town. “I don’t know how our government is benefitting from protecting a wanted criminal. Let the criminal be arrested and handed over or be kicked out of Mandera town for peace to prevail,” said Mr Maalim, a former deputy governor of Mandera. “I am aware the fugitive minister and his troops now operate from three hotels in Mandera town. The national government has to [clarify] this and how Mandera is benefitting as we are crumbling, with education in crisis.” SOMALIA’S WARNING The government of Somalia has since warned neighbouring countries that harbouring the wanted minister could jeopardise good relations. “The Federal Republic of Somalia places great importance on maintaining good relations with its neighbouring countries and the harbouring of a dangerous fugitive could seriously endanger the good relations that have existed between Kenya and Somalia,” it said in a statement. The Somali Police Force says it is hopeful that Kenya will adhere to calls by the Somali government as well as international human rights agencies to arrest and extradite Mr Abdinur.
-
The Federal Government Must Recognise Puntland Examinations
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The controversy surrounding the Puntland secondary school certificate unrecognised by the Federal Government had come to my attention. I was a member of the first Somali curriculum committee formed in 1975 and headed by Suleiman Mohamud Adam. For ten years I was a member of the foreign language curricula department of Saint Louis schools in the United States. In addition, I have worked with Puntland Education Ministry. In 2012 I visited Mogadishu, where I met head-teachers and teachers under the educational umbrella in the capital city. Y. M. Haid: It is unwise to politicise education of children What is a school certificate? It is a proof that a student has successfully covered the standard syllabus. In USA and Europe the responsibility to produce the evidence that the student successfully covered the syllabus lies with the school. Puntland schools do not follow the curriculum set by the Federal Government. Puntland educational system has gone through reforms and enhancements compared to the Federal educational system. Garowe Teachers Education College in Puntland is comparable in mission to the former College of Education in Afgoye to train teachers. The pertinent question is: which examination should the Federal Government oblige Puntland students to take? Is it one based on Puntland syllabus or Federal Government syllabus? Has the Federal Education Ministry evaluated Puntland curriculum? If the Puntland and Federal Government curricula differ, which one should be the basis for examinations Puntland students will have to take? The Federal Government should recognise Puntland examinations and the secondary school leaving certificate. It is unwise to create confusion in the minds of children and politicise their education. © Yusuf Mohamed Haid, 2020 The post The Federal Government Must Recognise Puntland Examinations appeared first on Puntland Post. -
Saraakiisha ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaaddkii in mudada ka taagnayd degaano hoos yimaado degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Saraakiil ka kala tirsan qeybaha 21 aad iyo iyo 27 aad ee ciidamada dowladda Federaalka ee ka hawlgala galmudug iyo hirshabelle ayaa ku sugnaa goobta ayaa xalliyay colaaddaasi oo u dhexaysay beelo halkaasi wada-dega. Genaraal mascuud maxamed warsame taliyaha Guutada 15 aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya. Llabada dhinac ee odoyaasha iyo wax garadka ayaa dood dheer kadib isku raacay in wax walba sharciga lagu dhameeyo hada kadibna lays kaashado sidii ciidmada dowlada lagu garab siin lahaa in aysoo qabtaan cid walba oo dil ka gaysta labada dhinac. PUNTLAND POST The post Colaad mudda ka taagneyd Matabaan oo la xalliyay appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya qaban-qaabada loogu diyaargaroobayo caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda. Shaqaalaha Xafiiska Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waxay magaaladaasi ka wadaan qaban-qaabada, ay tahay in lagu soo caleemo saaro. Sidoo kale wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha kale ee lagu doortay magaaladaasi, Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu qudhiisu wado qaban-qaabada xafladda caleemo saarkiisa. Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale ay magaalada ka socdaan dadaalo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Sheikh Maxamed Shaakir iyo Axmed Qoorqoor. Dhinacyada siyaasadda Galmudug ayaa si weyn isugu khilaafay doorashada Galmudug, ee markeedii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Diyaar-garowga Caleema-saarka Qoor Qoor oo ka socda Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Senator Xuseen Sheikh Maxamuud Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xiriirka aan wanaagsaneen ee ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu saameyn taban ku yeeshay howlihii dib u eegista Dastuurka. Waxa uu tilmaamay in ay waayeen doorkii madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Xukuumadiisa ay ku lahaayeen ka qaybgalka socodsiinta dib u eegista Dastuurka dalka, dhankoodana ay dhameeyeen qabyo-tirkiisa. Senator Xuseen ayaa u soo jeediyay in madaxda dowladda Federaalka in ay wax ka badasho caqabadda ku horgudban socodsiinta dib u eegista Dastuurka dalka. Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee Khilaafka Siyaasadeed ka dhex jira waxa uu u jeediyay in ay kawada xaajoodaan waxyaabaha ay isku heystaan, si aan caqabad ugu noqon geedi socodka dalka. Khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxa uu saameyn ku yeeshay howlihii heer federal ee ka socday degaanada Puntland iyo Jubaland PUNTLAND POST The post Khilaaf dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo saamayn ku yeeshay dib u-eegista Dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg. Kulanka ayaa labada dhinac ay uga wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin kala duwan ay ka jira dalka iyo taageerada ay siiso Soomaaliya dowladda Norway. ”Waxaan uga mahadcelinayaa Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Afrika ayaa horey ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada,iyada oo la filayo in uu kulamo kala duwan la qaato Madaxda kale ee shirkaasi goobjoog ka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar___-Qumanha-Wararka-09022020.mp3 View the full article
-
Mandhera (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka taagan magaalada Mandhera ee dalka Kenya, ayada oo wararka ay sheegayaan in ciidamada Soomaaliya ay isku urursanayaan magaalada xuduudda la leh Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in xiisadda Mandhera ay salka ku hayso cabsi laga qabo in ciidamada Soomaaliya ay qorsheynayaan inay soo weeraraan hotel ku yaalla magaalada, oo uu degan yahay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxsaday dowladda Soomaaliya. Dadweyne badan oo deganaa xaafadaha ku yaalla xuduuda ee Mandhera ayaa ka cararay, ayaga oo gabbaad ka raasaday dadka ehelkooda ah ee ku nool dhinaca kale ee magaalada. Xuseen Cabdow oo ka mid ah dadka xaafadda Buulo-Tawakal ee Mandhera ayaa sheegay in inta badan dadka xaafadda ay billaabeen inay magaalada ka qaxaan khamiistii kadib markii ciidamada Soomaaliya ay yimaadeen xuduudda. “Ma hubno waxa dhici doona, hase yeeshee waxa aan ogahay ayaa ah in haddii ciidamada Soomaaliya ay soo galaan Mandhera, dad badan oo shacab ah ay naftooda weyn karaan,” ayuu yiri Xuseen oo la hadlay Daily Nation. Dhinaca kale, Cabdiya Jiirow oo caano ku iibisa magaalada Beled-Xaawo ayaa sheegtay in ciidamada iyo saraakiisha Soomaaliya ay dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wadaan magaalada. “Xaaladda ma ahan sidii hore, sababtoo ah saraakiisha ayaa dhufeysyo ka galaya magaalada ayaga ayaana maamula,” ayey tiri. Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan ayaa horey waxa uu dagaal ugu dhex-maray gudaha magaalada Beled-Xaawo, taasi oo laba askari looga dilay ciidanka Janan. Cabdirashiid Janan ayaa dhankiisa la sheegayaa inuu ciidamo badan oo daacad u ah uu iminka ku abaabulayo gudaha magaalada Mandhera, isaga oo isku diyaarinaya dagaalka ciidamada dowladda Soomaaliya.
-
(SLT-Boorama)-Taliska Ciidammada Booliska ee Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa ka hadlay Weerar koox dhallinyaro ah oo hubaysani ku qaadeen Saldhig boolis oo ku yaalla Magaalada Boorama. Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Nuur Col-haye oo u warramay Telefiishanka Badda Cas 24 Tv, ayaa sheegay in dhallinyaro ka kooban 7 oo hubaysani ay habeen dhawayd ay Rasaas ku rideen Saldhig ku yaalla Magaalada Boorama, markaasi ka dibna ay baxsadeen, balse markii dambe baxsadeen. Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Weerarkii habeenkii dhawayd dhacay waxa fuliyey Dad nabad-diid ah, kuwaasi oo ka soo horjeeda Horumarka Gobolka ka socda.” Taliye Col-haye wuxuu sheegay oo kale “Kooxdaasi waxay ahaayeen dhallinyaro ka kooban 7. Meel Saldhigga u jirta 400 Mitir ayay Rasaas kor u rideen, Saacaddu markay ahayd Afartii habeennimo oo wax la’, markiina way iska yaaceen.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waanu baadhnay, haybtoodana waanu ogaanay iyo Goobta ay imika ku sugan yihiin..” Source
-
GAROWE, SOMALIA (AP) - At a glance, the desert locusts in this arid patch of northern Somalia look less ominous than the billion-member swarms infesting East Africa in the worst outbreak some places have seen in 70 years. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Norway marwo Erna Solberg. “Waxaan uga mahadcelinayaa Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka,” ayay Villa Soomaaliya ku tiri war qoraal ah. Dowladda Norway ayaa dhowaan kaalmo ku kabtay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo xukuumaddu shaacisay in uu marayo heer gabagabo ah isla markaana maxsuulka lagu dhawaaqayo. View the full article
-
Baled-Xaawo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ahna madaxa amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa hanjabaad hawada u mariyey dowladda Kenya. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay weerarro ku soo qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Beled-Xaawo, waxuuna ku goodiyey in hadii Kenya ay dhowri weyso derisnimada, weeraradana jooji weyso ay ciidamada dowladda Soomaaliya kasoo casheyn doonaan magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya. “Dowladda Kenya waxaan u sheegeynaa in aysan sax aheyn weerarrada laga soo arbushayo saldhigga ciidamadeeda ee Mandheera, madaxda Kenya hadey ku ogtahay, waxaan sameyn doonaan in halkan aan anaguna weerarro ka arbushno, waan u digeynaa dowladda Kenya derisbaan nahay, waxaan ilaalinaynaa wanaaga, in saldhigyadeeda weerarro nalooga soo qaado mid aan yeeleyno maaha, hadey jooji weysana waxaan amrayaa ciidankan in ay Nairobi ka casheeyaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji. Hadalka sarkaalkan ayaa ku soo aadaya iyada oo shalay dagaal khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeyey sida la sheegay ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka ee dhawaan la geeyey magaaladaas. Ciidamada shalay dagaalka kooban kula galay Beled-Xaawo kuwa dowladda federaalka waxaa la sheegay in ay ka soo baxeen deegaan ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, hase yeeshee waxay ahaayeen askar ka tirsan Jubbaland oo maalmo ka hor iskaga baxay magaalada markii loo sheegay in ay dowladdu ciidamo geynayso. Hoos ka dhageyso hadalka guddoomiye ku-xigeenka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Guddoomiyaha-Koowaad-ee-Gobolka-Gedo.mp3
-
Maxamed Cali iyo Mahad Carcar Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday Agaasime Waaxeed, ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntlnad oo lagu eedeeyey musuqmaasuq. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa ku dhawaaqay in Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga ee Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, Maxamed Cali Muuse lagu riday xukun saddex sano ah, markii lagu helay dambi ah inuu sameeyay waraaqo been abuur ah. Maxkmadda ayaa sheegtay in Maxamed Cali Muuse ay u furan tahay in uu muddo saddex maalmood ah Racfaan kaga qaato xukunka lagu riday. Dhanka kale Maxkamadda ayaa wax dambi ah ku weysay oo siidaysay Isu’duwihii Wasaaradda Kalluumeysiga ee gobolka Gardafuu Mahad Cali Carcar Daa’uud oo isna ku eedeysnaa musuqmaasuq. Maxamed Cali iyo Mahad Carcar ayaa Boosaaso lagu xiray bishii hore ee Jannaayo, waxaana lagu eedeeyey in ay waraaqo been ah ku qaadi jireen lacago ay leedahay Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland. Puntland ayaa dhowr jeer xukun ku riday shaqaale hoose oo lagu eedeeyey musuqmaasuq, halka aan wali la arag Puntland oo musuqmaasuq ku eedeysay masuul sarre. PUNTLAND POST The post Puntland oo Agaasime Waaxeed xukun ku riday appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Shacabka, iyo Baarlamaanka Hirshabeelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru dowlaha Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Abuukar Macalin Rashiid sidoo kalena ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu maalmihii u dambeeyay uu ku xanuunsanayay. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Abuukar, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle”. ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. Marxuum Sheekh Abuukar ayaa waxa uu Baarlamanka Hirshabeelle ku soo biirey dabayaaqadii sanadkii 2016 xiligaasi oo la unkay Dowlad Goboleedka Hirshabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa galankii dambe ee maanta u ambabaxay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Safarka uu Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo ay ku tagayaan dalka Itoobiya ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona Maalmo kooban, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland. Maxamuud Warsame Jaamac, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo ka warbixinayey ujeedka Safarkaasi ayaa sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka ay Somaliland jaarka yihiin. Waxa uu sidoo kale sheegay Afhayeenku in safarka Madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u dambeeyey. “Waxa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed” ayuu yiri Afhayeenku. Safarkan ayaa Madaxweynaha waxa ku wehlinayey Xubno ka mida golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin: Wasiirada Horumarinta Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha.
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau. Waxay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-09022020.mp3 View the full article
