-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-28012020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa goor dhow barteeda Twitterka ku shaacisay inuu xabsigii uu ku xirnaa ka baxsaday Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan. Taliyaha ayaa sheegtay inay ciidamada Ammaanka ku raad joogaan Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday halkii ay ku xirtay Dowladda Soomaaliya, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin qaabka uu u baxsaday. Wasiir Janan ayaa la rumeysan yahay inuu muddo todobaadyo ah ku xirnaa Xarunta Dambi Baarista ee CID iyo Midda NISA, inkastoo aan hadda si rasmi ah loo geyn halka uu ku xirnaa marka uu baxsanayey. Taliyaha ayaa dadka Shacabka ah ka codsatay inay Laamaha amniga kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan Wasiir Janan ama ay helaan xog ku saabsan. Bishii Agoosto Sanadkii 2019 ayey aheyd markii Wasiir Janan laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markaas oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya. Wasiir Janan ayaa lagu soo oogey dambiyo badan markii uu dhawaan kasoo muuqday maxkamad inkastoo aan faahfaahin laga helin maxkamadeyntiisa. Halkaan ka akhriso qoraalka Taliyaha ay soo dhigtay barteeda Twitterka
-
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa baaq u diray madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay doorashada 2020. Madaxweyne Shariif Sheekh ayaa sheegay in laga doonaayo in madaxda dalka ay ku dhaqmaan sharciga ayna ilaaliyaan dastuurka, waxaana uu xusay inaan loo baahneyn in waqtiga u dhiman ay ku bixiyaan meelo aysan wax ka soo baxeynin. Guddoomiyaha madaxshada xisbiyada qaran ayaa xusay in loo baahanyahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah, lakiin waxaa uu intaas ku daray in aysan muuqan hadda. Madaxweyne Shariif sheekh Axmed ayaa carabka ku dhuftay in aysan macquul aheyn in doorashada laga dib dhigo waqdtigeeda, madaxda dowladdana in waqtiga in loo gordhiyo aan la aqbaleynin. “Annaga nooma muuqato in dalkaan ay doorasho ka dhaceyso, waayo waxaa la rabaa in dad aan meel laga keenay aan la ogeyn ay codeeyaan taasina suurtogal maahan in afar sano oo kale la iska sii joogo, waxaan rabnaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah ayuu yiri Shariikh sheikh Axmed “ Hadalka guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo lafilaayo in dalka ay ka qabsoonto doorasho, waxaana xusid mudan in dhawaan baarlamaanka fedraalka uu meel mariyey sharciga doorashooyinka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin culus oo ka dhan ah dad ay sheegtay inay lacago siiyaan Al-Shabaab taasoo u fududeyso inay weeraro ka geysteen gudaha dalkeeda. Fred Matiani’e oo ah Wasiirka Amniga gudaha Kenya ayaa xusay in Dowladda Kenya ay isha si gaar ah ugu heyso dad uu sheegay inay dhaqaale siiyaan kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ee ka dagaalanto Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka ayaa sheegay inay Dowladda Kenya si adag ula xisaabtami doonto dadkaas isla markaasna ay jiraan liis dad dhaqaale siiyo Al-Shabaab oo ay ku raad joogaan. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay ciidamada Kenya si gaar ah bartilmaameed uga dhigan doonaan ganacsato uu sheegay inay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya soo mariyaan ganacsi Kontara baan ah kadib hadal uu ka jeediyey shir looga hadlayey amniga Gobolka Soomaalida. Wasiirka ayaa kooxaha sida sharci darada ah wax u dhoofiyo ugu goodiyey inay ku qaban doonaan gacan bir ah isla markaasna ay wadaan baaritaan ay wax badan ku ogaadeen. Wuxuu sheegay inay hadda xoogga saari doonaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxo uu ku sheegay inay maalgeliyaan kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab. Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa dadka Soomaalida ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada Booliska ay looga hortago weerarada sii badanayo oo ay Al-Shabaab ka geysaneyso Gobolka Soomaalida. Hadalka Wasiirka ayaa imaanayo kadib markii kooxda Al-Shabaab ay sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, waxaana deegaano ka tirsan Kenya ka bilowday barakac ay sameenayaan dadweynaha iyagoo ka cabsanayo weerarada Al-Shabaab.
-
Dooxa (Caasimada Online) – Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Qatar News Agency waxaa is casilay ra’iisul wasaarihii dalkaasi, Sheikh Abdullah Bin Nasser Bin Khalifa Al Thani oo is casilaadiisa u gudbiyey Amiir Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Sheikh Abdullah Bin Nasser Bin Khalifa Al Thani ayaa ka mid ah xubnaha qoyska xukuma dalka Qatar. Sidoo kale Amiirka dalkaasi ayaa aqbalay is casilaadiisa, wuxuuna ra’iisul wasaare cusub u magacaabay Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani. Sababta uu xil ka uga tegay ra’iisul wasaarihii hore, Sheikh Abdullah Bin Nasser lama shaacin, kaas oo ah 61 jir ah, waxaana xil kaaasi loo magacaabay 26 June ee 2013-kii. Sidoo kale wuxuu sanadihii 2005 illaa 2013-kii ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Qatar. Inta badan waxaa xilal ka sare ee Qatar qabta qoyska boqortooyada oo dhaxal u leh, iyadoona uu wareegto ku soo magacaabo Amiirka.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug ayaa ka sii dareysa marba marka ka dambeyso taas oo timid, kadib is faham waa ka dhashay doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa. Wararka laga helayo Dhuusamareeb oo ah halka saldhigga u ah dhismaha Galmudug ayaa sheegaya in Ahlu Sunna Wajamaaca ay abaabul xoogan ka wado magaaladaasi. Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay hataan xarunta INJI ka wado qorshe ay ku dooneyso inay ku dhawaaqdo xildhibaano cusub oo ay soo qoratay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in isla maanta xildhibaanadaasi ay dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeen, kadibna ay guda geli doonaan howlaha kale ee doorashada. Sida ay ogaatay Caasimada Online xildhibaanada la shaacin doono ayaa u badan xubnihii ku jiray baarlamaankii hore ee Galmudug ee ku yimid heshiiskii Ahlu Sunna. Arrintaan ayaa uga sii dareysa xaaladda siyaasadeed ee Galmudug oo hadda saddex dhinac noqotay, iyadoo khilaafku uu sii xoogeysanayo, haddii aan xal dhab la helin. Dowladda federaalka, Xaaf oo dhinac ah iyo Ahlu Sunna ayaa ah saddexda dhinac ee isku hardinaya doorashada Galmudug iyo dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay. Dhinaca kale waxaa jira cabasho ka soo yeereyso musharraxiinta madaxweynaha Galmudug, gaar ahaan afarta ugu saameynta badan, kuwaas oo qaadacay doorashada, islamarkaana sheegay in aysan ka qeyb geli doonin inta la xalinayo cabashadooda. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse guddiga doorashada ee baarlamaanka labaad ee Galmudug oo muddo 24 saac ku daray is diiwaan gelinta musharraxiina ayaa sheegay in markaan ay tahay muddo kordhintii u dambeysay, islamarkaana la guda geli doono doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo dhaceysa 30-ka bishaan ee 2020-ka.
-
Qaar ka tirsan hey’adaha xuquuqul insaanka ee ka hawl gala magaalada Muqdisho ayaa Goobjoog New u xaqiijiyey inuu weli furan yahay xabsiga godka Jilacow, dadkana lagu xiro. “Waan tagnay xabsiga isaga oo weli shaqeeyo, waxaan ka mid aheyn hey’adaha dalbaday xarigiisa laakin markii aan bilo kadib aragnay inuu furan yahay, waxaa ay hey’adda NISA ee gobolka Banaadir nagu dhaheen waa shaqo KMG ah, oo rasmi ma aha”, waxaa sidii yiri mid ah agaasimeyaasha hey’ad xuquuql insaanka oo u dooda arrimaha la xiriira caafimaadka iyo dadka, codsanaya in aan magaciisa la sheegin. Dhanka kale, weli waxaa Goobjoog News la soo xiriiraya dad lagu xiray Godka Jilacow dhowrkii bil ee ugu dambeysay, doonayana in arrinkan ka hadlaan, qaarkood waxaa ay noo sheegeen in dadka lagu jirdilo. Mar sii horeysay mas’uul u hadlay dowladda isna codsaday in magaciisa aan la xusin ayaa qiray inuu weli shaqeeyo xabsiga Godka Jilacow, loona isticmaalo baarista dadka ay soo qabato NISA gobolka Banaadir, laakin dhowaan laga guuri-doono. December 16,2018: Xaflad ay goobjoog ka ahaayeen wasiirada cadaaladda iyo amniga ee DF ayaa si rasmi ah loogu xiray xabsiga godka Jilacow iyada oo la shaaciyey in loo badalay akaademiyadda Jilicow oo lagu tababari doonno NISA. Hey’adaha amniga ee dowladda federaalka ah ayaa ka baxay balantii ay qaadeen wasiirrada iyaga oo soo xeliyey shaqada xabsigii, lamana oga sida ay dowladda ka yeeli-doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Axmed Cilmi Cismaan Karaash madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa sameeyay magacaabis taliye cusub. Wareegto ka soo baxaday Xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa Taliyaha cusub ee booliska gobalka Cayn u magacaabay gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Barre. Magacaabista taliyahan, ayaa timid ka dib soo jeedin ay sameeyeen golaha wakiilada Puntland iyo waaya aragnimada uu shaqadaan u leeyahay Gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Barre sida lagu sheegay dikareetada ka soo baxday xafiiska Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Halkaan ka akhriso dikareetada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo ka soo baxday hay’adda Lacagta adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (IMF) ayaa waxaa looga hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo guullo hor leh oo laga gaaray. IMF ayaa shaacisay in dowladda federaalka ay ka gudubtay dib u eegista labaad wejigiisa 4-aad ee deyn cafinta loo sameynayo Soomaaliya. Sidoo kale hay’adda ayaa ku ammaantay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda, sida ay xoogga u saartay kobcinta dhaqaalaha dalka. Warka ka soo baxay hay’adda IMF ayaa sidoo kale lagu sheegay in guushaani ay ku timid, kadib dadaallo badan oo ay sameysay dowladda Soomaliyeed. Dhinaca kale wasiirka maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhoweeyey warbixinta IMF, isagoo xusay inay tahay guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed. Wasiir Beyle ayaa carabka ku dhuftay inuu si guul ah ku soo dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wejigii 4-aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in tallaabadaan ay muuhjineyso, sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta maaliyadda, si looga cafiyo deymaha lagu leeyahay. “Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta maaliyadda dalka, Soomaaliya hore ayay u dhaqaaqday, marka loo eego isbadalada iyo dib-uhaneynta maaliyadda” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xooga saartay barnaamjika deyn cafinta oo hadda maraya meel wanaagsan, waxaana la filayaa in Soomaaliya sanadkan bartamihiisa loo ogolaado ama laga fududeeyo deynta amaba loo fasaxo maalgashi.
-
Ayax guur-guuraya oo ka soo gudbay dhinaca Bari ayaa ku habsaday dooxooyin kamid ah gobolka Nugaal. Ayaxa ayaa maalin ka hor ku degay deegaanka Karin Dhiig oo u dhexeeya degmada Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal sida ay Puntland Post ka soo xigatay dadka degaankaasi. Sidoo kale Ayaxa ayaa shalay ku degay Beeraha Shimbiraaley oo dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaasi oo markii dambe ay ka kiciyeen Beeraleyda degaanka, markii ay u adeegsadeen raasaas iyo taayiyo gubis. Ayaxan ayaan la soo sheegin khasaare weyn oo uu u geystay degaannada gobolka Nugaal ee uu ku degay, maadaama bulshadu ay markiiba la-dagaallameen islamarkaana ka kiciyeen meelihii uu ku habsaday. Ayaxa ayaa bilihii lasoo dhaafay dhibaato ku hayay gobollada Koofunta Soomaaliya, isagoona khasaare u geystay dadka beeraleyda iyo dhulka xoolo daaqsinka ah. PUNTLAND POST The post Ayax guur-guuraya oo ku habsaday dooxooyin ka tirsan gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
US military has bombed an al-Shabaab controlled town in southern Somalia amid the Somali government intensified operations against the group. In a statement, the United States Africa Command announced on Monday that it in coordination with the Federal Government of Somalia, conducted an airstrike targeting an al-Shabaab terrorist in the vicinity of Jilib. “Airstrikes extend the reach and influence of government while creating conditions for development and a better future for Somalis,” said U.S. Marine Corps Brig. Gen. Bradford Gering, deputy director of operations, U.S. Africa Command. “Reducing the influence and plans of al-Shabaab benefits Somalis as well as the broader international community.” The statement reads that the Initial assessment concluded the airstrike killed one terrorist. “We currently assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike,” the statement reads apart. U.S. Africa Command said it will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia to the Federal Government of Somalia and its Member States. “In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia and Somali National Army forces,” the military said. View the full article
-
An International Monetary Fund (IMF) team, led by Allison Holland, met with the Somali authorities in Addis Ababa, Ethiopia, from 6th-16th January 2020, to discuss recent economic developments, review progress on reforms under the fourth Staff-Monitored Program (SMP-IV), and to undertake discussions on a new three-year macroeconomic reform program that could be supported by the IMF under its Extended Credit Facility (ECF) and Extended Fund Facility (EFF). Discussions with the authorities continued after the mission. Ms. Holland issued the following statement on the staff-level agreements: “The authorities have made good progress in implementing key policies under the fourth staff-monitored program (SMP IV) supporting a staff-level agreement on the completion of the second review of SMP IV. Somalia’s sustained commitment to economic reforms brings debt relief under the HIPC Initiative closer. “The mission commended the authorities on the success in enacting several critical bills, including on Revenue, Public Financial Management, and Anti-Corruption. In addition, the mission welcomed the authorities’ ongoing efforts to deepen inter-governmental fiscal relations at both political and technical levels. Domestic revenue collection has remained strong, with domestic revenues through November reaching $194.6m, relative to a full-year target for 2019 of $196m. “The Somali authorities and IMF staff team reached a preliminary agreement on policies that could constitute the basis for a new three-year macroeconomic reform program with the IMF, to be supported by the ECF and EFF arrangements. The program is intended to guide Somalia’s reforms over the period between the HIPC Decision and Completion Points. It will also support the authorities as they implement their Ninth National Development Plan (NDP9)—their strategy for inclusive growth and poverty reduction. “The key policy pillars of this new program build on the reforms achieved under successive SMPs and will include (i) further strengthening public financial management; (ii) continuing to increase domestic revenue mobilization; (iii) continued deepening of capacity at the Central Bank of Somalia; and (iv) further efforts to enhance governance and reduce the perception of corruption. “This preliminary agreement is subject to the approval of management and the IMF Executive Board and Somalia clearing its arrears to the IMF. It represents another step towards reaching the HIPC Decision Point and eventually achieving debt relief under the HIPC Initiative. “During the visit, the team met with Finance Minister Abdirahman Dualeh Beileh; Minister of Planning, Investment and Economic Development Jamal M Hassan; Central Bank Governor Abdirahman Mohamed Abdullahi; Ms. Hodan Mohamoud Osman, Secretary of the Senate Finance Committee; Mr. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah, Chairman of the House of the People Commerce Committee; and other senior officials. The team also met with development partners and other stakeholders in Nairobi on January 17, 2020. The IMF team would like to thank the Somali authorities for their cooperation and the open and productive discussions.” View the full article
-
Waxaada dhallinyarada Xiriirka Kubbadda cagta dalka ayaa dib u bilaaway qorshaha horomarinta iyo diyaar garowka tartamada 2020 waxaana maal mama Khamiista iyo Jimcaha ay dhallinyarada Xulka ay tababaro kala gedisan ku qaataan xaerada farsamada Xiriirka Kubbadda Cagta ee garoonka Jamaacadaha. Guddoomiyaha dhallinyarada Xiriirka Kubabdda Cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud ayaa Goobjoog u sheegay in qorshooda yahay in sanadkan ayaa gaaraan meel aad u wanaagsan horomarna u ah wadanka. Macallimiinta ku mashquulsan tababarada dhallinyaradan ayaa Goobjoog in hadafkooda ugu weyn uu sanadkan yahay in Soomaaliya u soo hooyaan guulo waaweyn ee dhinaca ka qeyb galka tartamada sanada 2020. “Waxaan lee nahay hami wanaagsan oo ku aadan in dadkeena iyo dalkeena aan u keeno guulo lagu farxo,rajo u noqan kara dhallinyarada kale ee hiigsanaysa heerka aan iminka joogno” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay kabatanka Xulka Da’yarta Soomaaliya Anas Axmed Maxamuud. Dhallinyarada 15 Jirada oo iminka u gudbay heerka 17 jirada ayaa xirfad wanaagsan kusoo bandhigay magaalada Asmara ee wadanka Eritrea waxayna noqdeen dhallinyaradii ugu xirfada ugu wanaagsaneyd ee kasoo muuqday tartankii Da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa 2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Tababarka Xulka Dhallinyarada Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Xili Safaarada Soomaaliya ee Turkiga ay aad u laba jibaartay dadaalada iyo garab istaaga Somalida ku nool halkaas, ayaa waxaa meesha ka muuqato in is badal la taaban karo ay samaysay safaarada Somalida ee Dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas. Somalida halkaas dagan ayaa aad u amaanay Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas oo ah nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon. Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas dagan ayaa sheegtay in howlaha safaarada ay aad u soo hagaagaysay labadii sanao ee la soo dhaafay. Bishaar Ugaas oo ah Qunsulka safaarada horayna u soo ahaan jiray Xildhibaan ka tirsan baarlamaankii hore ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta Safaarada Somalida ee Halkaasi dadka soomaaliyeed ugu shaqeeyo. Maamo xaliimo oo ka mid ah Somalida ku nool halkaas ayaa aad u amaantay Howlha safaarada, waxayna sheegtay in ay halkaas u joogto Canug yar oo ka Xanuunsan waxayna amaan kala Dul dhacday safaarada Soomaaliya ee Turkiga, ayada oo ku amaantay in ay tahay mid Xili kasta garab taagan Somalida halkaas dagam. “aniga waxaan joogaa halkaan Bil waxaan ku hayaa gabar aan ayeeyo u ahay oo Xanuunsan, ispitaal ku yaala Ankara ayaan joogaa, waxaa Xiriir wanaagsan la leeyahay safaarada Somaliya ee Turkiga, waxaana Halkaan igu soo booqday Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas oo ah nin dhalinyaro “ayay tiri Mamo xaliimo oo u Waramayasay Bogan. Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas ayaa aad loogu amaanay dhex galida Bulshada Somalida gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed Jaamacadaha halkaas ka dhigto oo safaarada ay Xili kasta la yeelato kulamo ku aadan iyo waxa ay u baahan yihiin. Sidoo kale Somalida Dagan halkaaas ayaa Xili kasta waxay Xiriir toos ah iyo booqasho ku tagaan safaarada Somaliya ee Turkiga, waxaana halkaas ku soo dhaweeya Mas’uuliyiinta Safaarada oo uu ka mid yahay Qunsul Bishaar iyo Safiirka. dhinaca kale waxaa aad loogu amaanay Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas in uu somalida ugu Tago Goobaha caafimaadka, si uu u garab istaago ama uu kala hadlo maamulayaasha xarumaha caafimaad. Cabdixakiin Cilmi Xasan Wariyaheena magaalada Nairobi Tell +254-711830393 Email-cabdixakiin441@hotmail.com
-
African leaders have called on governments to increase budgetary allocations and increase resources to the education sector. Speaking Monday at the International Summit on Balanced and Inclusive Education (Third Forum BIE 2030) in Djibouti, the leaders said this will make to education inclusive and accessible children. The conference brings together education stakeholders from 36 countries from Sub-Saharan Africa, South East Asia, Latin America, and Europe. The conference started on Monday and ends on Thursday. The conference has been organized by the Education Relief Foundation in conjunction with the Djibouti government. CHANGE POLICIES The foundation’s president Sheikh Manssour Bin Mussalam challenged governments to change the existing education policies and increase budgetary allocations to make education more inclusive and accessible to all children. “The challenges facing education are those of social justice. We can no longer condone education systems that promote inequality,” said Mr. Mussallama. Mr. Mussallama said the world should aspire for the future which embraces inclusivity in education and in curriculum reforms. He said policies in education do not exist in vain and that countries should continuously work on improving the curriculum content and infrastructure, training teachers and ensuring textbooks are available in schools. TRUE EQUALITY “We must articulate a common language and define our understanding of true equality and inclusion. We must develop clear strategies to ensure the whole system embraces inclusivity,” he said Djibouti President Ismail Omar Guelleh said the country has embraced inclusive education policy models. Ugandan Prime Minister Ruhakana Rugunda said the country is committed to inclusive education that responds to children’s rights. “The focus on inclusion should be on the character of each child. Uganda has made sure no child is left behind,” he said. Others present at the meeting included the deputy prime minister of Somalia and the prime ministers of Niger and Togo. View the full article
-
Wafdi ka koobnaa macallimiin,ciyaartooyda oo ka kala socday wadamada Yurub ayaa dalka u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho sanadii 2019 waxayna badankooda u aheyd kolkii kowaad ay caga imaadaan dhulkooda hooyo ee Soomaaliya. 17 December 2019-Wafida kooxda Som Stars ayaa ka soo dagay garoonka Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana dhallinyarada iyo maamulkooda soo dhaweeyay madaxda ka socotay Gobolka Banaadir,iyagoo ugu mahad celiyay booqashooda imaatinka Soomaaliya. 18 December 2019-Dhallinyarada iyo wafdiga kooxda ayaa booqday tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho,iyagoo aad ugu faraxay markii ay gareen,dhallinyarada ayaa bogaadiyay howlaha dib u dhiska ee ka socda garoonka Stadium Muqdisho,iyagoo u u mahad celiyay Dowladda Soomaaliya. 19 December 2019-Kooxda Somali Stars UK ayaa kulan ciyaareedkoodii kowaad caasimada Muqdisho kula ciyaaray xidigaha naadiga ciidanka xooga dalka ee Horseed taageerayaal aad u badan ayaa kasoo qeyb galay kulankaa waxaana 1-0 ku badiyay xidigaha martida ahaa Somali Stars UK. 20-December 2019-Dhallinyarada iyo macallimiinta ayaa booqday goobaha dalxiisa ee magaalada,iyagoo waqti wanaagsan ku qaatay xeebta Liido ee degmada CabdiCasiis waxaana la kulanay qaar ka mid ah waxayna inoogu warbixiyeen dareenkooda ku aadan Liido Beach. “Way la yaabeen quruxda iyo jawiga dagan ee Xeebta Liido,uma aysan haysan in ay halka ay joogaan ay tahay dhulkooda.,balse waxay ka qaateen qibarad aad u wanaagsan” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa maamulka kooxda Somali Stars Uk. 21-December 2019-Kooxda Heegan iyo xidigaha Somali Stars ayaa wada dheelay ciyaar aad u xiiso badan waxaana kulankaa 4-3 ku badiyay wiilasha naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan,waxaana ciyaartaa kasoo qeyb galay taageerayaal aad u badan. 23-December 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhallinyarada iyo madaxda kooxda Somalia Stars ku qaabilay xafiiska duqa caasimada ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish”,dhallinyarada ayaa kormeer ku maray xafiisyada kala duwan ee Gobolka Banaadir,iyagoo bogaadiyay howlaha ka socda. 24-December 2019-Naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club iyo kooxda Somali Stars ayaa wada dheelay kulan ciyaareed aad u xiiso badan waxaana daawashada ciyaarta kasoo qeyb galay taageerayaal aad u badan,iyadoo kulanka uu ku dhamaaday barbaro 2-2. 25-December 2019-Dhallinyarada iyo macallimoontooda ayaa booqay xerada farsamada gacanta ee Xayle Bariise waxaana safarka kooxda qeyb ka ah labo wiil oo ka mid ah reer Xayle,iyagoo aad ugu farxay kolkii ay booqdeen Warshadooda iyo howlaha ay bulshada u hayso. 26-December 2019-Xidigaha Kooxda Somali Stars oo ka kala yimid wadamada UK,FInland,Sweden ayaa kulankii ugu danbeeyay caasimada xili habeen ah kula dheelay naadiga Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden waxayna aheyd ciyaar aad u xiiso badan,iyadoo Som United ay guusha ku qaateen 2-1 iyo koobka loogu dhigay macallimiiinta iyo ciyaartooyda Somali stars ayaa u hambaleeyay dhigooda Som United. “Wuxuu inoo ahaa safar cajiib ah waxaan u mahad celinaynaa dadkii nagu soo dhaweeyay dhulkeenii hooyo iyo kooxihii kala duwanaa ee aan kula ciyaarnay magaalada Muqdisho,ani ahaan iyo qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada waxay diyaar u yihiin in ay soo laabtaan sanadaha soo aadan” ayuu Goobjoog u sheegay macallin ku xigeenka kooxda Somali Stars Zakariye Cabdi Xasan. 28-December 2019-Waxaa soo idlaaday socdaalka dhul barasho is dhaxgalka bulshada iyo ciyaaraha saaxiibtinimo ay caasimada Muqdisho ku ciyaareen dhallinyarada qurbajoogta,iyagoo sheegay in aysan iloowidoonin waqtigii quruxda badnaa ay ku qaateen dalkooda hooyo waxayna balanqaadeen in ay joogteendoonaan sanad kasta. Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan Safarka Kooxda Somali Stars 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Waxaa caan ah in caalamka oo dhan laysku raacay in qolyaha siyaasadda iyo hawlaha dawliga ku jira aysan aqoon baahsan u lahayn cilmiga tiknolajiyadda sida internetka, database-yada, sistemyada kale ee hawlaha dawliga lagu socodsiiyo iwm. Siyaasiyiinta wadammada reer galbeedka oo ah wadammada ugu horumarsan xaga adeegsiga sistemyada aan kor ku xusnay ee hawlaha dawliga lagu socodsiiyo iyo guud ahaan arimaha khuseeya bulshada ayaa ah kuwo in badan aad maqlaysid iyada oo lagu tilmaamayo inay jaahil ka yihiin fahanka tiknolajiyadda iyo noocyadeeda kala duwan. Tiknoolaji marka aan leeyahay, akhristow waxaan uga jeedaa oo keliya kuwa khuseeya arimaha hawl fududeynta iyo maamul wanaagga ee dawladuhu isticmaalaan heer kasta ha ahaatee. Tiknoolaji guud ahaan waa maado baahsan oo ay soo dhex galayaan qaybo badan sida samaynta iyo isticmaalka hubka casriga, warshadeynta kala duwan, baabuur samaynta, wax soo saarka beeraha, cirka iyo hawada maareyntooda iwm. Marka tiknoolajiyadda aan ka hadlayo waa tan ku kooban u adeegidda bulshada iyo dadweynaha iyo ilaalinta hantida ummudda ee kumbuyuutarada iyo borogaraamada hawlaha fududeeya iwm. Aniga oo ka duulaya sida khubarada cilmiga kumbuyuutarka ee casrigan, ay sheegaan marar badan, habacsanaanta madaxda iyo siyaasiyiinta ee dhinaca fahanka noocyada kala duwan ee tiknolajiyadda cusub iyaga oo ku salaynaya cilmibaaristooda in mararka qaarkood ay dhacdo in qofka siyaasiga ee mas’uulka ka ah arimo badan, hadii la weydiiyo erayo tiknolajiyadeed uu fahmi waayo ama uu sharixi waayo sida uu u shaqeeyo sistem muhiim ah oo la hirgliyey ama dawladdu ku shaqeysato amase in wax laga weydiiyo si guud meesha ay marayaan horumarka laga gaaray dhinaca tiknolajiyadda cusub ee caalamka iyo gaar ahaan wadankiisa. Iyada oo ay sidaas tahay, oo marar badan ay dhacdo in madaxda kala duwan ku fashilmaan inay sharaxaad ka bixiyaan arimo tiknolajiyadeed ayaa hadana inta badan madaxda wadammada aduunka ee horumarsan waxay adeegsadaan dad khuburo ku ah dhinacyada tiknoolajiyadda oo markaa ka siiya talooyin ku haboon sida arimaha loo wajahayo ama wax loo hirgelinayo. Hadaba madaxda kala duwan ee dalka Soomaaliya heer maamul goboleed iyo heer federaalba intee in leeg ayey garaad iyo ogaal u leeyihiin tiknolajiyadda cusub iyo siyaabaha looga faa’iideysto gaar ahaan dhinaca horumarinta arimaha adeegga bulshada iyo maamul wanaagga?. Isweydii akhristow, ma garanaysa mase aragtay sistem hawlo dawli/dadweyne qabta oo dadweynuhu wax ka ogyihiin oo dawladdaha ku midaysan maamulka federaalka ay hirgeliyeen ama ma aragtay siyaasi sharaxaya sistem hawlo muhiim ah dadweynaha u qabanaya oo la soo bandhigay isla markaasna lawada arki karo? Anigu waxaan ku eegayaa qoraalkayga maamulka Puntland oo 21 sano jirsaday iyo heerka fahanka dadka loo igmaday maamulka iyo arimaha dawliga ee deegaanada Puntland. Waxaan u soo joogey marar badan iyada oo laga hadlayo arimo horumarin, hawl fududeyn, hirgelin habab cusub oo loo shaqeeyo iwm. Waxaana inta badan hawlahaas dabada ka wada hay’ado caalami ah oo dhinaca dhaqaalaha ka taageera dawladda Puntland. Balse markasta waxaa dhacda in aan marna la hirgelin sistemyada loo baahan yahay ee hawlaha shaqada lagu fududeeyo ama lagu hormariyo sida isticmaalka database-yada iyo borogaraamada la halmaala si onlne ah amaba si kaleba. Cidda laga rabo inay meel mariso hawlaha adeegsiga tiknolajiyadda ee hawl fududeynta iyo wanaajinta isla xisaabtanka waa maamulka wasaaradaha kala duwan ee dawladda Puntland uuna ugu sareeyo agaasimaha qofka ka ah wasaaradda rag ama dumar kuu doono ha ahaadee. Waxaase dhacda in maamulka wasaaradda ee heer agaasin ay hawluhu ka socon waayaan taas oo inta badan loo aanayn karo aqoon daro jirta iyo iyada oo agaasimuhu iyo inta ku xeeran aysan doonayn daah furnaan iyo in lala xisaabtamo ama ay soo baxaan hawlaha hoose ee gacan bidixeynta hantida dadweynaha ee loo igmaday inay ilaaliyaan. Waxaa kaloo dhacda in dad aan ehel u ahayn hawlaha samaynta iyo hirgelinta sistemyada cusub loo dhiibo ama lagu wareejiyo taas oo markaa keenta in hantidii loogu talo galay sistemka la dhunsado amaba meel dhexe hawluhu ku istaagaan oo qolyihii maalgelinayey ay joojiyaan barnaamijkii kana caajisaan. Mararka qaar waxaa dhacda in sistemkii dad ehel u ah loo dhiibo oo ay sameeyaan soona bandhigaan balse uu sistemkii ka hirgeli waayo shaqaalihii loogu talo galay inay ku shaqeeyaan iyada oo taasna sidoo kale loo aanaynayo diidmo iyo hor istaag isla xisaabtan dhab ah inuu meesha yimaado aan la doonayn. Waxaa jira sistemyo/barnaamijyo hirgalay deegaanada Puntland oo qaarkood ay shirkaddo khaas loo leeyahay hirgeliyeen kuwaas oo dawladdu ku shaqeysato sida kuwa lagu ilaaliyo/keydiyo canshuuraha wadooyinka ee baabuurta, kuwa lagu keydiyo kaararka aqoonsiga, kan lagu diiwaan geliyo ganacsiga iwm. In kastoo sistemyadan ay hirgaleen hadana weli sidii la rabay uma shaqeeyaan, macluumaadka faraha badan ee ay hayaanna maaha mid lala wadaago laamaha ay khuseyso ee amniga iyo dawladda inta aan ka ogahay mana jiro hab muraaqabayn ee shirkadahaas khaaska loo leeyahay lagu sameeyo. Waxaa kaloo jira in shirkadahan lacag badan sistemyadaas ku qaataan. Waxaa kaloo jira sistemka maaliyadda Puntland ee loo yaqaan IFMS (Integrated Financial Management System) kaas oo ay maal gelisay bangiga aduunka (World Bank) soona bilowday wakhtigii dawladdi madaxweyne Cabdiweli Maxamed. Waxaase muuqata in sistemkaas ay dawladda hada jirta ee Puntland ee madaxweyne Siciid C. Deni ay dardar gelisay isticmaalkiisa iyo baahintiisa uuna gaarsiisan yahay ilaa heer wasaaradeed iyo heer dawladaha hoose gaar ahaan Garoowe iyo Boosaaso. Waxaa sistemkan IFMS uu qayb ka yahay habka isla xisaabtanka iyo la socodka hantida maaliyadeed ee dawladda Puntland. Sistemkaan sidoo kale wuxuu ka hirgalay dawladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland inta aan ogahay. Waxaan xusayaa in dhowaan maamulka magaalada caasimada Puntland ee Garoowe ay ku dhawaaqeen inay hirgeliyeen hab cusub oo canshuuraha lagu qaadayo kaas oo ku salaysan sistem dadku canshuuraha si toos ah ay mobilekooda uga bixiyaan, meeshana ka saaraya dakhli badan oo meel dhexe ku dhumi jiray. Taas waxaan ku amaanaya duqa caasimada Puntland ee Garoowe Axmed Bare oo hawshaan fulinteeda xilweyn iska saaray. Hadaba dhawr qodob ayaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkan oo ah sidatan. Sababaha keenaya in sistemyada loo baahan yahay aan la hirgelin deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya marka laga tago aqoon yarida jirta ee cilmiga tiknoolajiyadda ee dadka siyaasadda maamulaya ee wasaaradaha gaar ahaan heer agaasin, waxaa kaloo jira: Diidmo isbedel iyo sidaa ku caana maali jiray yaan layga taaban (resistance to change ) Shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha oo aan khibrad iyo aqoon u lahayn adeegsiga sistemyada lagu shaqeysto ama waxa loo yaqaan Information Management Systems (IMS) (lack of Tech culture & know-how) Shaqaalaha oo aan tababarada ay u baahan yihiin la siin ee xaga tiknolajiyadda (lack of adequate tech training provided ) Isla xisaabtan la’aan iyo dadka wasaaradaha jooga oo u badan adeerow i gey (Lack of accountability and transparent). Nin walba adeerkiis buu soo kaxaysan hadii lala hadlo.. Ma jiro dakhli gaar ah oo loo qoondeeyey dhinaca adeegsiga tiknolajiyadda deegaanada Puntland (Lack of budgetary allocation for tech) Marar badan waxaa dhacda in sistem aan suurto gal ahayn la doono in la sameeyo iyada oo aysan jir raad raac lagu saleeyo sistemka hore ee laga guurayo iwm. Siyaabaha lagu hakin karo arimaha kor ku xusan waxaa ka mid ah in inta aan sheegayba dhinaca kale loo gediyo oo la saxo. Waxaa kaloo la yeeli karaa sidatan: Shaqaalaha kala duwan ee dawladda lagu khasbo inay isbedelka iyo adeegsiga tiknoolajiyadda ogolaadaan lagulana xisaabtamo hadey fulin waayaan ama hor istaagaan fulinta adeegsiga cusub ee tiknoolajiyadda In tababarada shaqaalaha dawladda ee dhinaca tiknolajiyadda kor loo qaado lana joogteeyo In dakhli balaaran loo qoondeeyo arimaha tiknoolajiyadda lagana waan toobo ku tiirsanaanta hay’adaha caalamiga ah iyo gacan kale In madaxda wasaaradaha lagula xisaabtamo hadba heerka adeeg ay ku bixiyaan isticmaalka tiknoolajiyadda iyo sida ay ugu fududeeyaan dadweynaha gudbinta adeegyada kala duwan In dadka ehelka u ah lagala tashado hirgelinta arimaha tiknolajiyadda lagana dhowro qaraabaysi. In maalka loogu talo galay dhisidda iyo samaynta sistemyada sidii loogu talagalay loo fuliyo oo aan waxna lagala harin. Waxaan intaan ku dari karaa, in laga gudbo habka loox jiidka lagana faa’iideysto fursadaha ku saabsan hirgelinta tiknolajiyadda cusub ee dhinaca maamulka iyo maareynta ee dawliga. Waxaan kaloo oran lahaa madaxda sare ee dawladda Puntland iyo kuwa kaleba in ay fahmaan muhiimmadda ay leedahay hirgelinta hababka cusub ee loo shaqeeyo kana yeeshaan siyaasad cusub oo ku wajahan hirgelinta iyo meel marinta barnaamijyo tiknoolajiyadeed oo wax ku ool ah. Waxaa hada ka socda Puntland diyaarinta qorshaha shanta sano ee soo socota ee maamulka Puntland, waxaan leeyahay tiknoolajiyaddu waa inay ku yeelataa qorshahaas door muhiim ah ayna ka muuqataa hiigsiyada ugu muhiimsan ee maamulku hiigsanayo. Ugu danbeyn ragga iyo gabdhaha agaasinka wasaaradaha gacanta ku haya ee Puntland gaar ahaan iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaan leeyahay iska joojiya hor istaaga iyo meel marin la’aanta hanaanka cusub ee tiknoolajiyadda, aqoonta loo baahan yahayna u yeesha arimaha. Siyaad Cali Yuusuf Garoowe, Puntland, Soomaaliya. The post Maqaal: Agaasimow hadii aadan aqoon Tiknolojiyadda weydii? appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Mareykanka ee ka howlgala Africa ee loo yaqaan AFRICOM, ayaa waxa ay sheegeen in duqeyn diyaaradeed ay ka geysteen gobalka Jubbada dhexe halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen dhaq dhaqaaqa Al shabaab. Duqeyntan, ayaa si gaara uga dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe, waxa ayna taliska AFRICOM sheegeen in duqeyntaasi ay ku dileen xubin ka tirsan Al shabaab. Taliska AFRICOM, ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin dadka shacabka ah, islamarkaana ay ka taxadaraan khasaaro soo gaara goobaha ay duqeymaha ka fulinayaan ee ay ku suganyihiin dadka shacabka ah. “waxaan kordhin doonaa duqeymaha si Soomaaliya loo gaarsiiyo hormar iyo mustqabal wanaagsan” ayuu yiri Bradford Gering ku xigeenka agaasimaha howlgallada AFRICOM . Mareykanka,ayaa duqeymo ka geysta gudaha Soomaaliya, iyada oo mararka qaarna ay waxayeelo ka soo gaarto dadka shacabka duqeymahaasi, waxaana marar kala duwan eedeymo u jeediyay hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed oo khudbad ka jeedinayey xaflad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey London ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo xooga saaray doorashada 2020/2021-ka. Sheekh Shariif ayaa ugu horreyn rajo xumo ka muujiyey in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto dalka, wuxuuna sabab uga dhigay labo qodob oo kala ah amniga iyo diinwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Mida amniga wuxuu tilmaamay inuusan jirin amni la’isku haleyn karo, isaga oo su’aal ka keenay heerka ay gaarsiisan tahay nabadgelyada waddanka! Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa intaasi ku daray in illaa hadda aysan muuqan diinwaan-gelinta codbixiyeyaasha, taasina ay tahay caqabad kale. Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka digay in dad gaar ah loo diiwaangeliyo doorashada soo socota, iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo arrimo aan jirin. “Runtii anaga nooma muuqato in dalkaan doorasho ay ka dhaceyso waayo waxaa la rabaa in dad meel aan la ogeyn laga keenay ay codeeyaan, taasina suurtagal mahan in 4-sano oo kale la iska sii joogo, waxaana rabaa inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah ayuu yiri” madaxweynihii dowladdii KMG aheyd. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dhismaha Galmudug, isaga oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada maamulkaasi, si loo dhiso maamul ay ku qanacsan yihiin dadka dega gobollada Galgaduud iyo Mudug. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in xisbiga Himilo Qaran oo uu isagu hoggaamiyo uusan wax door ah ku laheyn doorashada Galmudug, xittaa uusan wadan mushahrrax gaar ah, balse wuxuu ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan mas’uul kasto oo si xor iyo xalaal ugu guuleysta xil ka madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Burco ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in habeenimadii xalay uu ka kacay dab Khasaaro kala duwan geystay oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Dabka ayaa ka kacay guri ku yaala xaafad lagu magacaabo Balaasa ee magaalada Burco dabka ayaana saameeyey gurigii uu ka kacay, waxaana inta la xaqiijeyey ku geeriiyooday labo caruura. Sidoo kale waxaa dhawac uu ka soo gaaray Gabar yar oo shan sano jir aheyd oo la sheegay in ay ka tirsaneyd qoyska dabka uu saameeyey ciidamada dab damiska oo halkaasi gaaray ayaa ku guuleysay daminta dabka Dhanka kale waxaan la ogeyn sababta ka dambeysay in uu dab ka kaco gurigaan ku yaalla magaalada Burco, waxaana jirin wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo midka gobalka. Dababka ka kaca xaafadaha ayaa inta badan waxaa uu ka dhashaa korontada oo qalldanta ama gaaska dadka ay cuntada ku karsadaan waxaana mar waliba ka dhasha khasaare soo gaara dadka shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wafdiga Wasiirka oo uu kamid yahay Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka mudane Cali Gacal Gaabow ayaa ka qeyb geli doona dhagax dhigga dib u dhis lagu sameynayo garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq. Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowlad goboleedka Galmudug mudane C/llaahi Cali Axmed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wafdiga heer federaalka ah ay ku casuumeen dhagax dhigga garoonka diyaaradaha Caabudwaaq oo dib u dhis lagu sameynayo,isagoo sheegay in munaasabadda lagu soo dhaweynayo ay ka socto magaalada Caabudwaaq. Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaallo dib loogu dhisayo garoomada diyaaradaha dowlad goboleedyada dalka si loo horumariyo adeegyada loo qabto shacabka Soomaaliyeed. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe. Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi. Sidoo kale AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerarkan dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu qaabilsanaa. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Ugu dambeyn AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weerkaan uu khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi. Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
-
Hay’adda lacagta adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IMF, ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gudubtay dib u eegista 2-aad wajigiisa 4-aad ee deyn cafinta loo sameynayo dowladda Federaalka. Hay’adda oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii deymaha looga cafin lahaa, waxa ayna sidoo kale hay’addu dowladda ku amaantay sida ay xoogga u saartay kobcinta dhaqaalaha. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka hadlay warka ka soo baxay hay’adda Lacagta addunka ee IMF, ayaa xusay in warkani uu guul u yahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Beyle oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya”. Wasiirka maaliyadda oosii hadlay “Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta Maaliyadda Dalka” “Soomaaliya hore ayay u dhaqaaqday, marka loo eego isbadalada iyo dib-uhaneynta Maaliyadda” ayuu yiri wasiir Bayle. Soomaaliya ayaa lagu wadaa in sanadkan bartamihiisa loo ogolaado ama laga fududeeyo deynta ama loo ogolaado maalgeshi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
