-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
JERUSALEM (Reuters) - Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu was formally indicted in court on Tuesday on corruption charges after he withdrew his request for parliamentary immunity from prosecution. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa maanta Magaalada Haegeysa ee Somaliland gaaray wafdi uu hogaaminaayey wakiilka cusub ee xafiiska gargaarka Biniaadamnimada ee UNSOM Mr. Adam Abdul-mowla. Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ayaa ku soo dhaweeyeey wafdiga garoonka diyaaradahaee cigaal,waxaana loo soo galbiyey xarunta Madaxtooyatada halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland. Wafdiga ayaa waxaa ay kulan la qaateen madaxweyne-ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici oo ay wehliyeen qaar kamid ah golaha wasiirada. Kulanka ayaana intii uu socday waxaa lagu soo qaaday sidii xafiiska gargaarka Baniiaadamnimada UNSOM uu xoojin lahaa xiriirka kala dhaxeeyo iyo sidii xafiiska uu u laban laabi lahaa garaarka uu siiyo Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray faah-faahin uga bixiyey dabkii xalay ka kacay qeybo ka mid ah xarunta Bankiga ee magaalada Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Bankiga, oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dabku uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin. Hoos ka aqriso war-saxaafadeed War saxaafadeed Habeenimaddii xalay oo taariikhdu 27/12/2010 ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd. Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin. Ciidanka ilaalada Bangiga Dhexe ayaa markiiba ogaaday, isla-markaana degdeg u wargeliayay Ciidanka Dabdemiska, Maamulka Bangiga, Hay’adaha amniga iyo Gobolka Banaadir. Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Dabdemiska oo muddo daqiiqado kooban ah ku demiyay dabkaas. Ma jiro wax khasaare naf ama hantiyeed oo soo gaaray Bangiga Dhexe, marka laga reebo fiilooyinka korontada ee qolkii dabku ka kacay oo u baahan in la beddelo. Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu u mahad celinaynaa ciidamka dabdemiska iyo hay’adaha amniga oo gacan weyn ka geystay in laga hor tago in khasaare ka dhasho dabkaas. ==Dhammaad==
-
Jubbaland Security Minister, Abdirashid Janan has escaped from custody in Mogadishu, Somali police confirmed Tuesday. The minister had been under arrest in Mogadishu since last October following his arrested Somali forces. In a Twitter post, Deputy Police Commissioner Zakia Hussein said Janan vanished from custody under unclear circumstances. She called on the public to forward any information leading to his arrest. Amnesty International lauded Janaan’s arrest last year accusing him of human rights violations and possible crimes against humanity. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Maryekanka ayaa u muuqata inay ka hor-timid qorshaha ay dowladda Soomaaliya Galmudug uga qabaneyso doorasho madaxweyne oo aysan qeyb ka ahayn mucaaradka. Qoraal lasoo dhigay barta twitter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safiir Donald Yamamoto uu la hadlay Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo ka mid ah dhinacyada diidan doorashada. Qoraalka ayaa lagu yiri “Hanaan siyaasadeed oo mid ah oo laga wada qeyb galo waa waxa u wanaagsan Galmudug, waana u muhiim mustaqbalka Soomaaliya.” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay qasab tahay in hanaanka ay ka qeyb-galaan mucaaradka. “Mucaaradka waa qasab inay qeyb ka noqdaan hanaan lagu kalsoonaan karo. Hoggaamiyenimada dhabta ah, waa in la ogolaadaa wada-hadal iyo isu-tanaasul.” Amb spoke w/ ASWJ. A single democratic & inclusive political process is best for #Galmudug & critical to the future of #Somalia. Opposition must be part of a credible process. True leadership means embracing dialogue & compromise. #SomaliSolutions4SomaliChallenges — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) January 28, 2020 Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya ayada oo guddiga doorashada Galmudug ee dowladda ay taageereyso ay qorsheynayaan inay berri qabtaan doorasho madaxweyne oo ay ka qeyb-galayaan xubnaha dowladda taageersan. Dowladda ayaa wadata musharax Axmed Cabdi Qoor-Qoor, hase yeeshee waxay sidoo kale diiwaan gelisay dhowr musharax oo magac u yaal ah, kuwaas oo isaga u camiraya doorashada. Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee Galmudug ayaa ku gacan seeray hanaanka doorashada.
-
Dhamaan maamulka iyo hawl wadeenada shabkada Qarannews, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dorayaan dhamaan reer Haali Abdillahi Abisite meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Anaga oo ka tacsiyadaynayna geerida naxdinta lahayd ee ku timid Axmed Xaaji Abdilaahi (Abusite) Marxuumka oo maanta lagu aasay magaalda Hargeysa. Waxa aan Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo marxuumka dhamaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin Qaran News
-
(SLT-Doha)-Raysal Wasaarihii dalka Qatar Sheikh Cabdullaahi bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska Casilay, isagoona Warqadiisa Is-Casilaada u gudbiyay Amiirka Qatar. Wakaalada Wararka dalkaas ayaa shaacisay inuu xilka iska Casilay Ra’iisul Wasaare Sheikh Cabdullaahi bin Nasser, isagoona xilkaas hayay muddo todobo sano ah laga soo bilaabo sanadkii 2013. Amiirka dalka Qatar Shiekh Tamiim Bin hamad Al Thani ayaa ka aqbalay is casilaada Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna durbo soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub. Sheikh Khalid bin Khalifa bin Cabdicasiis AlThani ayaa loo Magacaabay inuu nodo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Qatar, kaasi oo xiligaan ka shaqeynayay Madaxtooyadda Amiirka, isagoona Xoghaye u ahaa Amiir Shiekh Tamiim AlThani. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow shaaciyay in saaka xabsiga uu ka baxsaday Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur Janaan, kaasi oo muddooyinkii dambe u xidhnaa dowladda Federaalka. War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in Wasiir Janan uu saaka ka baxsaday halkii ku xidhnaa. Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa tilmaamtay in hay’addaha amniga dowladda ay ku raadjoogan Wasiirka amniga dowladda Goboleedka Jubbaland, isla markaana uu socdo howlgal kala duwan. “Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xidhnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan” ayay tidhi Zakiya Xuseen Axmed Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiir Janan ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xili uu kusii jeeday Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana dowladda ay sheegtay in loo heystaa danbiyo kala duwan uu ka galay shacabka Gobolka Gedo. Source
-
Warar lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan uu Xabsiga ka baxsadey Lama oga qaabka uu Xabsiga uga baxay Wasiirku. [...] Source
-
Hey’adaha samafalka iyo dowladgobaleedka Hirshabeelle ayaa kulan deg deg ah maanta ku yeeshay magaalada Balaweyne ee gobalka Hiiraan, kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa sidii wax looga qaban lahaa cudurka shuban biyoodka kaas oo in kabadan 100 ruux loo jiifiyey Isbitaalka. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, maamulka degmada Beladweyne iyo kan gobalka Hiiraan iyo hey’adaha samafalka ee ka howlgala gobalka. Guddoomiyaha ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in kulankii maanta looga hadlay sidii wax ka qabashada xaalada caafimaad darri ee maalmaahan soo wajahday bulshada ku nool Baledweyne iyo tuulooyinka hoosyimaada. Goobjoog News Halkaan ka Dhageyso wareysiga https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/01/kulmiye.mp3 Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayaa ku waramaya in maanta ururka Ahlu sunna ay magaaladaasi kaga dhawaaqeen xildhibaano cusub oo Galmudug ay yeelan doonto. Xildhibaanadaan oo ay soo xuleen hoggaanka sare ee Ahlu sunna, ayaa tira ahaan gaaraya 69-xildhibaan, iyaga oo isla maanta doortay gudoomiye ku meel gaara oo sii hagi doona baarlamaankooda. Ururka Ahlu sunna waxa ay sheegen in 69-kaan xildhibaan oo lagu daray 20-kii ay horay ugu gudbiyeen guddiga maamul dhisidda Galmudug ay noqon doonaan xildhibaanada cusub ee soo dooran doona madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi. Warar hoose oo aan ka helnay magaalada Dhuusamreeb, ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadii 20-ka ahaa ee matalayay ururka Ahlu sunna ay diideen in ay ka qeyb galaan fadhi ay maanta yeelanayeen xildhibaanada cusub oo ay soo xuleen hoggaanka sare ee Ahlu sunna. Jahwareer kale ay lugaha la sii galaysa Galmudug, iyada oo dowladduna ay ku fashilantay qancinta saamileyda siyaasadeed ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegayo in Ahlu Sunna Waljamaaca ay Maanta ku dhawaaqday liiska Xildhibaano cusub oo gaarayo illaa 69 Xildhibaan. Ahlu Sunna ayaa ku sheegtay Xildhibaanadaan inay yihiin Xildhibaanadii labaad ee Maamulka Galmudug, waxayna ku biiri doonaan 20-kii hore oo ay Ahlu Sunna ku dhawaaqday sida uu sheegay Gudoomiyaha ay Ahlusunna u saartay xulidda xildhibaannada iyo xallinta khilaafaadka Maxamed Yaxye Faarax. Tallaabadaan ay qaaday Ahlu Sunna ayaa qeyb ka ah Khilaafka ka taagan doorashada Galmudug, waxaana hadda muuqato inay Magaalada Dhuusamareeb marti gelin doonto laba doorasho iyo laba madaxweyne. Sida uu sheegay Maxamed Yaxye Faarax Xildhibaanada lasoo xulay ayaa dooran doono Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen kadibna waxaa loo gudbi doonaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Cabdulqaadir Sheekh Cali Kulmiye Xoogsade ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Galmudug garabka Ahlu Sunna. Maalinta Khamiista ah ayaa la filayaa inay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ay qaban qaabadeeda wadaan taageerayaasha Dowladda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Xaaladda Maamulka Galmudug ayaa noqotay mid cakiran, waxaana laga cabsi qabaa inay Galmudug yeelato seddex madaxweyne marka la fiiriyo sida hadda xaalku yahay maadaama madaxweyne Xaaf uu isna Gaalkacyo ka wado howlaha dhismaha Maamulka Galmudug. Hoos ka daawo xildhibaanada ay magacowday Ahlu-Sunna
-
Wararka naga soo gaaraya duleedka Caasimadda ayaa sheegaya in ciidamo hor leh dowladda federaalka ay geysay wadada Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Ciidamadaan ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo cusub ka sameysteen agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaasi loogu talagalay amniga wadadaan oo ay dhismo ka wado shirkad laga leeyahay dalka Turkiga. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah shaqaalaha iyo injineerada dhisaya jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. View the full article
-
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafinta, isagoona sidoo kale sharaxaad ka bixiyey sida dalka loogu yeeshay deymaha lagu leeyahay. Beyle ayaa sheegay in haatan uu meel wanaagsan marayo qorshaha deyn cafinta, islamarkaana laga gaaray guul aad u weyn, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey warbixintii IMF oo shaacisay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudaha wejiga afaraad ee deyn cafinta. Dhinaca kale wuxuu wasiir Beyle beeniyey warbixin dhowaan ka soo baxday mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah oo sheegtay in Soomaaliya ay weli safka hore kaga jirto dalalka uu la dagay musuqa, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixintaasi. Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyey horumaro ballaaran ka sameyneysay dhanka kobaca dhaqaalaha, taas oo lagu amaanay dowladda Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/warbixin.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda Dowladda Soomaaliya ayaa seddex su’aal ka keenay Baxasashada Wasiirkii Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya markii horaba soo afduubatay Wasiir Janan aysana ogeyn halka lagu xiray, isagoo shaki geliyey nolosha Wasiir Janan. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan! 1- Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado? 2 – Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa? 3 – Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey? Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, Wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda ka dalbaday inay guryahooda soo dhigtaan Oksanjiinta si ay uga hortagaan khasaaraha ka dhasha dabka. Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tgahay in dhismayaasha laga dhisayo gudaha magaalada Muqdisho loo sameeyo qalabka casriga ah ee loogu talagalay in looga hortago inuu dabku sii faafo ama uu geysto khasaare xoogan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Jaamac-1-1.mp3 View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta Ahlu Sunna Waljamaaca ay xildhibaano cusub uga dhawaaqday xarunta Inji ee magaaladaasi. Xildhibaanada la shaaciyey ayaa gaaraya illaa 69 Mudane oo la sheegay inay ka shaqeyn doonaan masiirka shacabka Galmudug. Waa xildhibaanadii saddexaad ee looga dhawaaqayo deegaanada Galmudug, kuwaas oo iska soo horjeeda. Galmudug ayaa u qeybsan saddex dhinac oo kala ah garabka ay dowladda taageersan tahay ee ku sugan Dhuusamareeb, Xaaf oo Gaalkacyo u wareegay iyo Ahlu Sunna. Xaalada ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dareyso lamana oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrimahaan ayaa uga sii daraya dhismaha loogu jiro maamul mid ah. View the full article
-
Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto. Sakiya Xuseen Axmed, ayaa maanta Shaacisay in uu xabsiga ka baxday, Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) oo mudda 5 bilood ah magalada Muqdisho ugu xirnaa dowladda Soomaaliya. Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay, ayay ku sheegtay in Wasiir Janan uu saaka ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, islamarkaana ay ku raad-joogan hay’adaha, si gacanta mar kale loogu soo dhigo. Gen Sakiya, ayaa shacabka magaalada Muqdisho ka dalbatay, in ay laamaha Amniga soo wargeliyaan haddii ay xog ka helaan Wasiirka xabsiga ka baxsaday ee Cabdirashiid Janan oo sida ay xustay loo haysto denbiyo kala duwan. ” Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan. ” ayay tiri Gen Sakiya 31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtayGaroonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia. 6-dii October 2019, ayaa sidoo kale la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay denbiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa. Wixii intaas ka dambaysay, Cabdirashiid janan waxa uu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ka hor inta aan maanta la shaacin, uu xabsigaasi ka baxsaday. PUNTLAND POST The post Booliiska Soomaaliya oo sheegay in uu xabsiga ka baxsaday Wasiir Janan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warramayaa inuu saaka ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo ku yaalla M/Muqdisho. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa sheegtay inuu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa eedeysanaha. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ku raad joogaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo shacabka ka dalbatay inay soo wargaliyaan, haddii ay meel ku arkaan. Janan ayaa mudo u xirnaa dowladda, kadib markii bishii Agoosto ee sanadkii hore laga qabtay garoonka Aadan Cadde, isagoo lagu soo eedeeyey dambiyo kala duwan. View the full article
-
Cabdirashiid Janan oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland ayey booliiska Soomaaliyeed sheegeen inuu ka baxsaday xabsiga. Taliye ku-xigeenka booliiska Soomaaliya Zakia Xuseen ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay sida uu u baxsaday maxbuuska iyaga oo tiri “Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan”. August 31, 2019 ayey aheyd markii Cabdirashi Janan lagu xiray garoonka Aden Cadde, intaasi wixii ka dambeeyey waxaa hayey hey’adda booliiska Soomaaliyeed, ilaa uu maanta baxsado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
