Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-qoraal ah ay ku shaaciyeen mowqifkooda kasoo saaray sharciga muranka xoogan dhaliyey ee doorashooyinka Soomaaliya. Ugu horeyn, waxay ku dhawaaqeen inay taageersan yihiin qaabka ay u socoto diyaar-garowga loogu jiro coddeyntu qorshuhu yahay in ay waddanka ka qabsoonto 2020-21. Deeq-bixiyeyaasha ayaa si cad ugu adkeystay baahida loo qabo in xeerka uu noqdo mid xeerinaya in doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda. Kahor bayaankaan, xubno ka socda saaxiibada caalamka ayaa la kulmay dhinacyadda ay quseyso doorashada sidda guddiga doorashooyinka, labada Aqal, booliska iyo xubno kale. Kulamadaas ayaa diirada lagu saarey in sharciga la ansixiyo kahor inta uusan dhamaan Kalfadhiga, miisaaniyadda iyo waxyaabaha suurtagelin kara in doorashadda noqoto mid la hubiyey. Hindise sharciyeedka doorashooyinka oo ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah maamulada dalka ayaa haatan horyaala Aqalka Sare kadib markii uu kasoo gudbay Golaha Shacabka. Daneeyeyaasha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in xal loo helo caqabado iyo qodobo uu mad-madow ku jiro oo kamid ah sharciga. Arrimaha ay farta ku fiiqeen waxaa kamid ah; qeexitaanka degaan-doorashada, qoondada kuraaska Aqalka Sare, horumarka laga sameeyay yoolka Soomaaliya ee “qof iyo cod”, qoondada soddon boqolkiiba ee haweenka, metelaad gobolka Banaadir iyo Somaliland si lamid ah qoondada howlgalada. “Waxaan ugu baaqeynaa baarlamaanka in uu dhameystiro sharci la dhaqan-gelin karo dib-u-dhac la’aan si looga fogaado khatarta xasilooni darro siyaasadeed,” ayay tibaaxeen. Ugu dambeyntii, taageero farsamo iyo mid sharci ayay hoosta ka xariiqeen in ay diyaar la yihiin, arrintaas oo ay xuseen in ay ka dalbadeen afhayeenadda labada gole ee xeer-dejinta. Isha: Garowe Online
  2. Trump oo soo bandhigay qorshihiisa nabadaynta Bariga Dhexe Trump iyo Netanyahu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay qorshihiisii mudada dheer la sugayey ee nabadaynta Bariga Dhexe kaas oo dhigaya in magaalada Quddus noqoto caasimadda Israel ee aan qaybsamin. Wuxu soo jeediyey in Falastiiniyiintu yeeshaan dawlad madax bannaan iyo in loo aqoonsado goobaha [Yuhuudda lagu] deegaameeyey ee Daanta Galbeed in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israel. Isaga oo barbar taagan ra’isal wasaaraha Israel,Benjamin Netanyahu, oo Aqalka Cad uu ku qaabilay, ayaa Trump wuxu sheegay in qorshihiisu “noqon karo fursaddii ugu dambaysay” ee Falastiiniyiintu helaan. Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, ayaa ganafka ku dhuftay qorshaas oo ku tilmaanay “shirqool”. “Trump iyo Netanyahu waxa u sheegayaa in Quddus aanay iib ahayn, xuquuqdadayadoo dhami iib maaha gorgortanna kama galayno. Qorshahaaga iyo shirqoolkaaguna meel mari maayo” ayuu yidhi isaga oo khudbad ka telefishanka laga sii daayey ka jeedinaya magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed. Qorashaha Trump ujeedadiisu waa in la soo af-jaro colaadda dunida ugu mudada dheer Qorshahan oo ujeedadiisu tahay in lagu so oaf-jaro colaadda dunida ugu mudada dheer, ayaa waxa falkiyey wiilka uu Madaxweyne Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner. Qodobada ugu waaweyn qorshaha Trump Qodobada uguu mudan ee mucda u ah qorshahan nabadda Bariga Dhexe ee Trump waxa weeyi: : Maraykanku wuxu dhulka Israel u aqoonsan doonaa dhamaan goobaha uu qorshahan Trump ku qeexo in ay qayb ka yihiin Israel. Waxaana ku ladhan qorshahan khariidad haloosi ah oo Trump sheegay in ay muujinayso dhulka Israel diyaarka u tahay in ay ka tanaasusho. Khariidaddu waxay “laban laab iyo dheeraad ka dhigaysaa dhulka Falastiiniyiinta oo caasimadiisu tahay bariga Quddus” halkaas oo Trump sheegay in Maraykanku safaarad ka furan doono. Ururka Xoraynta Falastiin ee magaciisa loo soo gaabiyo PLO ayaa sheegay in qorshaha Trump Falastiiniyiinta siinayo wax 15% in yar uun ka badan waxa uu ku sheegay “Falastiin ta taariikhiga ah”. Quddus “waxay ahaan doontaa caasimadda aan la qaybsamin ee Israel”. Israel iyo Falastiiniyiinta labaduba waxay haystaan dood lagu qanci karo oo ay ku sheeganayaan magaalada barakaysan. Falastiiniyiintu waxay ku adkaysanayaan in bariga Quddus oo Israel ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967 ay noqoto caasimadda dawladooda mustaqbalka. Wuxu fursad u yahay Falastiiniyiinta si “ay u helaan dawlad madax bannaan oo ay leeyihiin”- hase yeeshee faahfaahin badan ma bixinayo. “Falastiiniyiinta iyo Israeli-yiinta toona laga kicin maayo goobaha ay deganyihiin” – taas oo sheegaysa in goobaha Yuhuudda lagu deegaameeyey ee Daanta Galbeed ee Israel haysataa sidooda ahaan doonaan. Israel waxay Boqorka Urdun kala shaqayn doontaa sidii loo xaqiijin lahaa in ay xeerka haantan lagu maamulo goobaha barakaysan ee Quddus ku yaal ee Yuhuuddu u tagaan Temple Mount, Muslimiintuna u yaqaanaan Al-Xaram Al-Shariif sidiisa uu ahaado. Urdun ayaa maamusha ururka maamula goobahaa diimeed ee halkaa ku yaal. Dhulka khariidadda Trump u qoondaysay Falastiiniyiintu “wuxuu muddo afar sannadood ah ahaan doonaa dhul bannaan oo aan waxba laga dhisi karin”. Mudadaas Falastiiniyiintu waxay darsi doonaan qorshan oo waxa wada xaajood la geli doonaan Israel ay “ku buuxinayaan shuruudda ay dal ku yeelanayaan”. Masar oo qorshahan Trump ka hadashay ayaa sheegtay in ay qadarinayso dedaalka maamulka Maraykanku ugu jiro “sidii xal waara oo cadaalad ah looga gaadhi lahaa qadiyadadda Falastiin”. Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada ee dalkaas ayaa lagu sheegay in Masar “labada dhinac ee arintu dhex taallo ku tirtirsiyeyso in ay si degan u daraaseeyay aragtida Maraykanka ee nabadaynta oo ay dhan walba ka eegaan iyo sidoo kale in ay abuuran fursan dib loogu bilaabo wada xaajodka Maraykanku ka odayeynayo.” Qaran News
  3. Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan.#Mogadishu — Zakia Hussen (@ZakiaHussen) January 28, 2020 Qaran News
  4. Boqor horay u inkiray gabadh uu dhalay oo iminka aqbalay Boqorkii hore ee Belgium, Albert II, ayaa qirtay inuu dhalay gabar ay hooyo u tahay haweeney ay saaxiibbo ahaayeen, ka dib markii lagu qasbay inuu maro baaritaanka hido-sidaha ee DNA. Muddo ka badan 10 sano ayuu loolan dhanka sharciga ah kula jiray Delphine Boël, oo 51 sano jir ah, taas oo farshaxanka sameysa. Waxay sheegtay in boqorka uu dhalay. Wuxuu lumiyay xasaanadiisa, ka dib markii uu 2013 iska wareejiyay xilka boqornimada sababo caafimaad awgood. Qareenka Boël ayaa sheegay in qirashada boqorka hore ay tahay mid “culeys ka dejisay”. War qoraal ah oo ay qareennada boqorkii hore shaaciyeen Isniintii ayaa lagu sheegay in uu “ogaaday natiijada DNA, taas oo muujinaysa inuu yahay aabaha Delphine Boël”. Qareennada ayaa intaa ku daray in 85 sano jirkan uu hadda go’aansaday in la joojiyo dacwadda uuna oggol yahay in Delphine Boël ay tahay canuggiisa afaraad. Bishii May ee sannadkii hore ayay maxkamadda racfaanka ee Brussels xukuntay in boqorkii hore lagu ganaaxo 5,000 oo pound maalintiiba, maadaama uu xilligaasi diiday inuu maro baaritaanka dhiigga hido-sidaha DNA. Sideey arrintan ku bilaabatay? Sannadkii 1999-kii, waxaa soo shaac baxay in ilmo kale uu dhalay boqorka, waxayna qoyska u boqortooyada u horseeday fadeexad. Gabadha lagu magacaabo Boël ayaa markii ugu horeysay sannadkii 2005 sheegtay in boqor Albert uu yahay aabaheed. Hooyada dhashay oo lagu magacaabo Baroness Sybille de Selys Longchamps, ayaa sheegtay in uu xiriir kala dhaxeeyay boqorka intii u dhaxeysya sannadihii 1966 ilaa iyo 1984, xilligaas oo uu ahaa dhaxal sugaha boqortooyada. Haseyeeshee sannadkii 1993 markii uu dhintay walalkii ka weynaa wuxuu noqday boqorka, waxayna da’diisu ahayd 62 sano jir xilligaas. Waxaa uu xilka boqortooyada hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, xilligaas oo uu shaaciyay in uu xilka ka degayo, ka dib markii xaalad caafimaad ay la soo daristay. Xilkii uu hayay waxaa ku wareegay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Philippe., kaa soo sannadkiiba hela lacag gaareysa hal milyan oo lacagta Euro-ga ah. Markii uu boqor Alber xilka iska wareejiyay, Ms Boël waxay tagtay maxkamad, si ay u xaqiijiso in uu aabaheed yahay, balse sannadkii la soo dhaafay boqor Alber ayaa diiday in dhecaanka hido-sidaha ee DNA laga qaado, baaritaankaas oo ay amartay maxkamad, waxaana markii dmabe uu ka qaatay racfaan. Maxkamadda ayaa saddex bilood u qabatay boqor Albert II in uu ku soo gudbiyo candhuuftiisa, si baaritaan loogu sameeyo, haddii uu sidaas sameyn waayana, Boel loo aqoonsan doona in ay tahay gabadhiisa, xaqna ay u yeelan doonta dhaxalka. Qaran News
  5. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo xoog iyo xoolaba ku soo saartay Xildhibaanada Galmudug, sidoo kalane lacag badan ku bixisay doorashada guddoonka baarlamaanka, ayaa haddana qaab maxaabiis ah u xareysatay xildhibaanada Galmudug. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay guryo fillooyin ka kireysay Dhuusamareeb, islamarkaana ay dagan yihiin Xildhibaanada Galmudug, taas oo lagu tilmaamay Baarlamaan Maxbuus ah. “Fillooyin ayaa loo kireeyay waxaana la daba dhigay ciidan, mobile kama qoran kartid xataa kuma salaami karaan sidee ayey doorasho ku galayaan” ayuu yiri mid kamid odayaasha dhaqanka Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb. Horey waxaa xildhibaanada loogu hanjabay in haddii ay diidaan doorashada la beddeli doono oo xildhibaano cusub lasoo magacaabi doono. Nabadoonkaan oo dalbaday in aanan adeegsan magaciisa, ayaa noo sheegay in Galmudug ay cadahay in uu Madaxweyne ka noqonayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor isagoo u cuksaday taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan tahay. “Madaxweynaha Xaaf qofka badali doono waa Qoor-Qoor, maalin cad ayaa nala dhahay, halkaan waxaa u rabnaa qof la shaqeyn kara dowladda oo aan soo tijaabinay waana isaga qofkaas” ayuu hadalkiisa sii raacay Nabadoonkaan ka tirsan Saxiixiyaasha Galmudug. Doorashada Galmudug ayaa lagu wadoo in maalinta Khamiista ah ay ka dhacdo Dhuusamareeb, sida ay sheegeen guddiga doorashada Galmudug, gaar ahaan dhinaca taabacsan dowladda Soomaaliya.
  6. Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil Avichai Mandelblit ayaa Talaadadii shalay si rasmi ah u furay dacwad oogidda ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Benjamin Netanyahu kadib markii uu Netanyahu ku dhawaaqay in uusan baarlamaanka ka dalban doonin in xasaanad laga siiyo dacwaddan oo gabi ahaanba la laalo maxkamadayntiisa. Mr Netanyahu ayaa horay u sheegay in uu baarlamaanka Israaiil hor gayn doono dalab uu ku doonayo in lagaga leexiyo dacwaddan isaga oo tiigsanaya xasaanada xilkiisa hasayeeshee dadka sida dhaw u falanqeeya siyaasadda gudaha Israaiil ayaa sheegay in uu isku daygan ku guul darraysan kahaa maadaama uusan xisbigiisa aqlabiyad ku lahayn baarlamaanka Knesset-ka ee Israaiil. Netanyahu oo ah raysul wasaarihii xilkan mudada u dheer hayay ayaa bishii Nofembar ee sanadkii tagay ee 2019 lagu soo rogay dacwado ah musuq, wax is daba marin iyo ku takri fal awoodeed. Bisha Maarso ee soo socota ayaa la filayaa in Israa’iil ay ka qabsoonto doorashadii sadexaad ee mudo sanad gudihiis ah loogu tartamayo xilkan, dacwadahan Netanyahu lagu soo oogayna waxay wiiqayaan fursadaha uu u haysto in uu dib ugu guulaysto xilkan. Netanyahu ayaa waajihi kara xabsi ilaa 10 sano ah hadii ay ku cadaadaan eedaymahan loo soo jeediyay. PUNTLAND POST The post Netanyahu oo Lagu Soo Oogay dacwado uu Xabsi ku geli karo appeared first on Puntland Post.
  7. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe, wuxuuna ballan-qaaday in Qudus oo aan la ka qeybin ay ahaan doonto caasimadda Israel. Qorshahan oo Trump uu ugu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa soo jeedinaya dal madax banaan oo Falastiin ah, hase yeeshee wuxuu deegaanada Daanta Galbeed ee Yahuudda ay qabsadeen u aqoonsanayaa dhul Israel. Isaga oo ka hadlaya Aqalka Cad, islamarkaana uu dhinac taagan yahay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa Trump waxa uu sheegay in hindisahiisa uu yahay “fursaddii ugu dambeysay” ee Falastiiniyiinta. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabas ayaa ku gacan seeray qorshahan kuna qeexay “shirqool”, wuxuuna sheegay in Falastiin aysan marnaba Qudus uga tanaasuli doonin Yahuudda. Haddaba qodobada ugu weyn heshiis ku sheega qarniga ayaa kala ah: 1 – Mareykanka waxa uu aqoonsanayaa madax-banaanida Israel ee dhul badan oo ka mid ah kuwa ay ka qabsatay Falastiin. 2 – Qorshaha wuxuu laba laabayaa dhulka Falastiiniyiinta ay hadda maamulaan, wuxuuna caasimadda Falastiin ka dhigayaa Bariga Qudus, halkaasi oo Mareykanka uu safaraad ka furan doono. Ururka Xoreynta Falastiin ee PLO ayaa qariidadda Trump soo bandhigay ku sheegay mid Falastiiniyiinta siinaya kaliya 15% dhulka taariikhiga ah ee Falastiin. 3 – Qudus waxa ay ayada oo aan la kala qeybin ahaan doonta caasimadda Israel. 4 – Trump wuxuu sheegay in qorshahan uu Falastiiniyiinta siinayo fursad ay ku helaan dal u gaar ah oo madax-banaan, hase yeeshee ma uusan bixin wax faah-faahin ah. 5 – Cid Falastiini ama Israeli ah lagama saari doono guriga ay hadda degan tahay – Taas oo macnaheedu yahay in deegaannada Yahuudda ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed loo shariciyeyn doono Israel. 6 – Israel waxay boqorka Jordan kala shaqeyn doontaa sida loo maamulayo dhulka barakeysan ee Al-Xaram Al-Shariif, oo uu ka mid yahay Masjidka Al-Aqsa, iyo Darbiga ay Yahuudda caabudaan.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba ka hor-timid Mashruuc ay waday dowladda Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay dowladda Mareykanku, kaasi oo Isniintii lagu daah-furay magaalada Muqdisho. Somaliland ayaa ka soo horjeesatay Mashruuca horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu magaalada Muqdisho ka daah-furay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo dowladdiisa ay maal-gelineyso. Waxaana Mashruucaasi lagu horumarinayo dhalinyarada ka faa’iideysatay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco, waxaana ku kacaysa mashruucaasi lacag dhan 1.6-Milyan oo dollar. Xasan Maxamed Cali ‘Gaafaadhi’, Wasiirka qorsheynta Somaliland oo Mashruucaasi ka hadlay ayaa sheegay inaysan suurtagal aheyn in deegaanada Somaliland laga fuliyo Mashruuc ay waddo Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Gaafaadhi ayaa gebi ahaanba ganafka ku dhuftay in dhalinyaradaasi reer Somaliland ay dib ugula soo noqdaan deegaanadoodi Mashruucaasi horumarineed ee loo soo mariyay dowladda Soomaaliya. Mana aha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ay ka hortimaado Mashruuc horumarineed oo ay qeyb ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana laga fulinayo deegaanadeeda. Somaliland ayaa iyadu inta badan ku dooda inay tahay dal madax banaan oo aan hoostagin Dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo ay Beesha Caalamkuna ay ula dhaqanto sidii maamul ka tirsan Soomaaliya.
  9. Jaalliyadda Dacar iyo Gebiley ee deggen dalka Holland oo Tacsi tiiranyo leh u diraysa Reer Abusite إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎ Inna lillahi wa inna ilaihi raji’un Annagoo kala ah: 1.Cali Maxamed Xaruuri 2.Caydiid Muxumed Cabdi 3.Rashiid Jaamac Hayaan 4.Khaliif Ibraahim Cali 5.Keyse Xasan Gaboobe 6.Ridwaan Negeeye 7.Mustafe Negeeye 8.Cabdiraxmaan Aaddan Iimaan 9.Hodon Yoonis 10.Nimco Yuusuf Jaamac 11.Ammaal Cali Aadan 12.ifraaxa Axmed Dhagaweyne 13.Kaltuun Cabdillaahi 14.Faisa Salim iyo dhammaan Jaalliyadda Dacarta iyo Gebiley ee Deggen Dalka Holland waxaannu tacsi tiiranyo leh u diraynaa Reer Cabdillaahi Abusite, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid A.H.U. Marxmuum Xaji Axmed Xaaji Cabdillaahi Abusite oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. Waxaan Marxuumka ilaahay uga baryeynaa inuu Jannaddii Fardowsa ka waraabiyo, reer Cabdillaah Abusite, Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay a samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Qaran News
  10. Kismaayo (SMN) – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay xaalada murugsan ee wasiir Janan oo la sheegay in uu ka baxsaday gacanta Dowladda Soomaaliya oo uu ku jiray tan 31 August ee sanadkii 2019-ka. Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-28012020.mp3 View the full article
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa walaac looga muujiyey halka uu ku dambeeyo wasiirkii amniga Jubbaland, oo maanta ay dowladda Soomaaliya sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii lagu xiray. Warka ka soo baxay Jubbaland waxaa lagu sheegay in wasiirkii aan weli nolol iyo geeri toona lagu heyn, isla markaana mudadii ka badneed shanta bilood ee uu u xirnaa dowladda aysan jirin cid aragtay xattaa qoyskiisa oo loo diiday. Jubbaland waxay sheegtay in arintaan ay sii murjineyso xiriirka markii horaba cakirnaa ee kala dhexeeya dowladda federaalka, waxayna ka dalbadeen inay dowladdu meel ku sheegto wasiirkooda raq iyo ruux. Sidoo kale Jubbaland ayaa warkeeda ku sheegtay in umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ogeysiineyso in wixii soo gaara wasiir Janan ay cawaaqibkii ka dhasha dusha u rida doonto dowladda federaalka. Halkan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka Jubbaland Dowlada Jubbaland waxay ka walaacsan tahay xaalada murugsan ee Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur. Wasiirka waxaa si sharci-darro ah u afduubatey Xukuummada Federaalka Soomaaliya 31kii Agoosto 2019, isagoo aan meel sugan oo lagu xidhey marna la sheegin, inkastoo xukuumaddu ku andacootey inuu galay danbiyo aan la cayimin, waxaa ayaan darro ah inaan muddadaa dheer maxkamadna la hor geyn danbina lagu soo oogin. Waxaa intaas dheer in muddadaas shanta bilood ka badan aan ehelkiisa iyo cid kastoo danaynaysay midna loo ogaalan, isla markaana loo diiday inay arkaan wasiirka qareemadii loo qabtay, iyadoo uu amray xafiiska xeer ilaalinta qaranku, taasoo xigtadiisa iyo dowladda Jubbaland labaduba ka welwelsanaayeen xaaladdiisa u dhaxaysa geeri iyo nolol. Iyadoo ay jiraan arrimaha aan soo xusnay, ayey maanta Xukuummadda Federaalku Twitterka taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya S/guuto Zakiya Xuseen ku sheegtey inuu Xabsiga ka baxsadey wasiir Cabdirashiid Janan, taasoo shaki galisay badqabka Wasiirka. Arrimahaas murugada leh ee aan soo taxney oo ka baxsan hab-dhaqan dawladeed iyo midka bini’aadamnimaba waxay sii murgineysaa xidhiidhka awalba cakirnaa ee xukuumada federaalka iyo dowladda Jubbaland. Sidaas darteed waxaan madaxda Xukuumadda Federaalka ah si degdeg ah uga dalbanaynaa inay meel ku sheegaan Wasiirkii ay afduubteen raq iyo ruuxba. Ugu dambayn waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa in xukuumadda federaalku qaadayso mas’uuliyadda wixii ku dhaca wasiirka. ………………………………DHAMAAD………………………………………
  13. UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA 28 Jan2020 JOINT STATEMENT ON GALMUDUG Mogadishu – Somalia’s international partners* are concerned about the developments in Galmudug State that have [...] Source
  14. Muqdisho (SMN) – Saaxiibadda aduunka ee Soomaaliya ayaa caawa war rasmi ah kasoo saaray arimaha doorashooyinka Galmudug. Ugu horeyn, bayaanka ayaa walaac looga muujiyay khilaafka siyaasadeed ee kasoo cusboonaday maamul goboleedkaas. Beesha caalamka ayaa dhinacyada ugu baaqday inay kawada qeyb qaatan hanaanka dhismaha Galmudug islamarkaana ka fogaadan xasiloonidaro iyo colaad. “Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan jilayaasha in khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal, hadii loo baahdo in waqti kale la qaato, iyo in ay ku hagaan hadafka midnimada iyo xasilloonida dowlad goboleedka Galmudug ayna ka fogaadaan in la bilaabo howlo kale” War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay gudoonka baarlamanka, musharixiinta, Ahlu Sunna iyo saamileyda siyaasadeed ee ku sugan Gaalkacyo in ay si wadajir uga qeyb qaataan doorashadda. “Waxaan ku boorinaynaa hoggaanka Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug, murashaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, dhinacyada ku uruursan Gaalkacyo iyo wakiilada ka socda Dowladda Federaalka inay marqaati ka noqdaan geedi-socod loo dhan yahay, isla markaana hufan. Baaqa Beesha Caalamka ayaa kusoo aadaya xili khilaafka ka dhashay doorashadda ee u dhaxeeya dowladda, Ahlu Sunna iyo madaxweyne Xaaf uu gaarey meeshii ugu sareeyay isla markaana aysan muuqan isu soo dhowaanshiyo. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay war yaab leh oo ah in gurigii uu ku xirnaa ee magaalada Muqdisho uu ka baxsaay wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, isla markaana aan la aqoon halka uu hadda ku sugan yahay. Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Zakiya Xuseen ay ku tiri “Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan.” Haddaba Janan ma baxsaday mise waa lasii daayey, sideese u baxsaday haddiiba ay sax tahay baxsashada? Caasimada Online ayaa la hadashay xubno ka tirsan dowladda iyo maamulka Jubbaland. Xubnaha ka tirsan dowladda oo nala hadlay, balse codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan darteed, waxay sheegeen in Janan shan maalmood ka hor laga soo saaray xabsiga, isla markaana la keenay guri u dhow xarunta hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho. Cabdirashiid ayay sheegeen inuu markaas kadib saaka ka baxsaday guriga, isaga oo ka booday daaqadda guriga. Waxay sheegeen in ciidamada ilaalada ka ahaa inay goor dambe ka war-heleen maqnaanshaha Janan. Caasimada Online waxaa lala wadaagay sawirka hoos ka muuqda oo la sheegay inuu yahay mid muujinaya daaqadda uu Janan ka baxsaday. Sida sawirka aad ku aragtaan, waxaa la jaray birihii daaqadda, oo sida muuqata aan gacan lagu goyn Karin, inuu helay Janan qalab uu ku jaro mooyee. Daaqadda la sheegay inuu ka baxsaday Janan Sida ay sheegeen saraakiisha aan la hadalnay, waxaa jira tuhun ku saabsan inay caawiyeen qaar ka mid ah ilaalada, oo lacag la siiyey, balse taas ma hubno. Caasimada Online waxay sidoo kale la hadashay mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay in aragtida iyo “xogta” Jubbaland ay tahay in Janan lasii daayey, oo aysan jirin wax baxsasho ah, sida uu hadalka u dhigay. Mas’uulkan oo naga codsaday inaan magacaabin, maadaama Jubbaland uusan weli gacanteeda soo gelin Janan, waxa uu sheegay in “Sii deynta” ay qeyb ka tahay xiisadda ka taagan gobolka Gedo. “Waxaa jira ballan-qaad iyo heshiis uu madaxweyne Farmaajo la galay odayaasha iyo maamulka degmooyinkii Gedo ee u goostay dhanka dowladda, oo ahaa in haddii ay kasoo goostaan Jubbaland lasii deyn doono Janan.” Ayuu yiri qofka nala hadlay. Waxa uu sheegay in dowladda ay muddo iska daba meerineysay dadka Gedo, oo ku beel ah Janan, balse ay toddobaadyadii dhowaa qaarkood billaabeen inay dib ugu laabtaan Jubaland, taasi oo qasabtay in madaxweynaha uu fuliyo ballantii ahayd in lasii daayo Janan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaas ku daray, in maadaama Janan ay horey u eedeeyeen hay’adaha xuquuqda ee caalamiga ah, aysan si rasmi ah usii deyn Karin dowladda, sidaas darteedna la hindisay sheekada baxsashada, sida uu yiri. Sheekada Janan ayaa la filayaa inay kala caddaato maalmaha soo socda, waxaana weli ku haynaa baaritaan dheeri ah.
  16. Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee Galmudug. Qoraal ay wada jir u soo saareen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey United Kingdom, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dhammaan saamileyda Galmudug ay diirada saaraan baahida loo qabo in laga qeybqaato geedi socod loo dhan yahay, lagana fogaado qatarta xasilloonida iyo isku dhaca. Beesha Caalamka ayaa ka codsatay hoggaanka goleyaasha dowlad-gobolleedka Galmudug, murashaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, daneeyayaasha ku soo wada uruuriyay Gaalkacyo iyo wakiillo ka socda Dowladda Federaalka inay goob-joog ka ahaadaan geedi-socodka si loo helo doorasho loo wada dhan yahay oo hufan. Beesha Caalamku waxay ka digtay in la bilaabo howlo kale, iyadoo aan la xalin khilaafka. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  17. The Ottawa Police Services Board has unanimously supported a plan to accelerate hiring over the next four years without costing taxpayers any more money. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladihii ugu dambeeyey ee kasoo ifbaxay Galmudug, intii lagu guda jiray marxaladdii geba-gebada ee dadaalka socday bilaha ee maamulka cusub loogu dhisayo Galmudug. Qoraal kasoo baxay Saaxiibada Caalamka, oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa loogu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadda Galmudug inay diiradda saaraan baahida loo qabo inay ka wada qeyb-galaan hanaan heli kara taageero ballaaran, islamarkaana ka fogaadaan halista xasillooni darro iyo dagaal. “Kani waxa uu baahan yahay ka wada qeyb-gal lagu helo wada-hadal, iyo tanaasul ay sameeyaan dhammaan dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Saaxiibada Caalamka waxay garowsan yihiin in dadaallo muhiim ah oo arrintan ku saabsan la sameeyey toddobadii bil ee tagay. Tani waxay sahashay in heshiisyo laga gaaro qeybsashada kuraasta, waxaana bogaadineynaa tanaasulka ay dhammaan dhinacyada u sameeyaan danta Galmudug.” Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Galmudug inay ka howl-galaan in ay khilaafyadooda ku xaliyaan wada-hadal, islamarkaana ay qaataan waqtiga dheeriga ah ee lagama maarmaanka ah, si ay sidaas u sameeyaan. “Waxaan ugu baaqeynaa guddoonka baarlamanka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-Sunna Waljamaaca, saamileyda ku shirsan Gaalkacyo iyo wakiilada dowladda federaalka inay qaataan nidaam cad oo loo dhan yahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka. “Saaxiibada caalamka waxay ku baaqaayaan in tallaabooyinka ka harsan hanaanka doorashada loo qaado si la mid ah tanaasulladii horey loo sameeyey ee dhaliyey horumarka ilaa hadda la gaaray, si Galmudug ay ugu guuleysto hadafyadeeda dhameystiran ee danta u ah shacabka Galmudug.”
  19. Jig-Jiga (Caasimada Online) – Ciidamada Liyuu booliska ee dawlad degaanka Soomaalida, ayaa galabta gacanta ku dhigay hub, gaari iyo raggii wetay kuwaas uu gudaha u sii gelayey dhulka uu ka arimiyo ismaamulka Soomaalida. Hubkaan ayaa waxaa wetay oo lagu qabtay illaa seddax nin, kuwaas oo watay gaari HILUX ah, hubkaas ayaana dhamaantiis bastoolado ah. Bastooladaha lagu qabtay raggaas oo lasoo bandhigay sawirro laga soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 39 bastooladood. Seddaxda nin ee lagu eedeeyey inay wateen hubkaas ayaa laga qabtay magaalo lagu magacaabo Qaran oo u dhaw magaalada ku taalla xuduudda dowlad deegaanka iyo Somaliland ee Wajaale. TV-ga dawlad deegaanka ayaa baahiyay sawirrada gaariga iyo hubka lagu qabtay ragaas tiradooda lagu sheegay seddaxda nin, waxuuna weriyey in hubkaasi uu ahaa mid si sharci darro ah lagu gelinayey deegaanada maamulka, sharcigana lasoo taagi doono ragga ku eedeysan falkaas.
  20. Dowladda Maryekanka ayaa ka hadashay doorashada khilaafku ka taagan yahay ee Galmudug. Qoraal ay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho soo dhigtay barteedda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in doorashada Galmudug ay ka qayb galaan mucaadka. Mareykanku waxa uu sheegay in hannaanka saxda ah ee doorashada Galmudug yahay in la aqbalo wadahadalka iyo isu tanaasulka. Sidoo kale waxaa qoraal Mareykanka lagu sheegay in Safiir Donald Yamamoto uu la hadlay Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo ka mid ah dhinacyada diidan doorashada Galmudug. “Hannaan siyaasadeed oo mid ah oo laga wada qeyb galo waa waxa u wanaagsan Galmudug, waana u muhiim mustaqbalka Soomaaliya. Mucaaradku waa inay qayb ka ahaadaan geedi socod lagu kalsoonaan karo. Hoggaanka saxda ahi macnaheedu waa aqbalaadda wadahadalka iyo isu tanaasulka” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Amb spoke w/ ASWJ. A single democratic & inclusive political process is best for #Galmudug & critical to the future of #Somalia. Opposition must be part of a credible process. True leadership means embracing dialogue & compromise. #SomaliSolutions4SomaliChallenges — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) January 28, 2020 PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ka hadlay doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  21. Ouagadougou (SMN) – Maalintii labaad waxaa Magaaladda Ouagadougou ‘’Waakadhuugu’’ ee Caasimadda Dalka Burkina Faso ka socda Kalfadhiga15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka, waxaana maanta kulan gaar ah yeeshay guddiga qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dibadda oo ansixiyay 33-qaraar oo lasoo gudbiyay kulankii dhacay daba yaaqadii sanadkii 2018. Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ waxaana Soomaaliya qaraaradan la ansixiyay ka quseeya qaraarka NO:15-PRF/15-CONF oo ka hadlaya xaaladda Soomaaliya gaar ahaan horumaradda kala duwan ee dalka ka socda iyo sidoo kale dadaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale qaraarkan waxa uu ku baaqayaa in dhamaan dowladaha xubnaha ka ah midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka iyo guud ahaan beesha caalamka ay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in laga faa’ideysto fursadaha maalgashi ee xiligan ka banaan Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira dhowr qaraar oo wada taabanaya ama khuseeya inta badan dalalkan oo ay ka mid yihiin in guud ahaan dalalkan midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ay meel uga soo wada jeestaan talaabo walba oo sharci dara ah oo lagu cuna qabateynaayo wadamada Islaamka,qaraar ka hadlaya dhibaatooyinka Tahriibka iyo Qaxootiga ee caalamka Islaamka, iyo qaraar ku saabsan sidii loo taageeri lahaa muslimiinta ku nool wadamada looga tirada badanyahay. Sidoo kale waxaa shirkan barbar socday shirka 8-aad guddiga joogtada ah ee Arrimaha Dhaqanka, Qaanuunka,dooda,Ilbaxnimada iyo Diimaha oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socda Dowladaha Carabta,Asia iyo Afrika. Waxyaabaha looga hadlayna waxaa ka mid ah ilaalinta iyo difaaca Goobaha barakeysan ee wadamada Islaamka oo ay ku jiraan goobaha cibaadada gaar ahaan ilaalinta Masjidka Barakeysan ee Qudus. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga, kaasi oo aan geysan Wax khasaare ah, waxaana Maamulka Bangiga uu u mahad celiyey Ciidanka Dabdemiska iyo Hay’addaha Amniga oo gacan weyn ka geystay in la laga hortago Khasaare ka dhasho Dabkaasi. Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Habeenimaddii xalay ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd. Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin. Ciidanka ilaalada Bangiga Dhexe ayaa markiiba ogaaday, isla-markaana degdeg u wargeliayay Ciidanka Dabdemiska, Maamulka Bangiga, Hay’adaha amniga iyo Gobolka Banaadir. Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Dabdemiska oo muddo daqiiqado kooban ah ku demiyay dabkaas. Ma jiro wax khasaare naf ama hantiyeed oo soo gaaray Bangiga Dhexe, marka laga reebo fiilooyinka korontada ee qolkii dabku ka kacay oo u baahan in la beddelo. Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu u mahad celinaynaa ciidamka dabdemiska iyo hay’adaha amniga oo gacan weyn ka geystay in laga hor tago in khasaare ka dhasho dabkaas. View the full article
  23. Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga, kaasi oo aan geysan Wax khasaare ah, waxaana Maamulka Bangiga uu u mahad celiyey Ciidanka Dabdemiska iyo Hay’addaha Amniga oo gacan weyn ka geystay in la laga hortago Khasaare ka dhasho Dabkaasi. Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-28012020.mp3 View the full article
  25. Without context, this might appear like a harmless motivational speech from a boss to his subordinates. But here is the context: Dr Wanjala is the CEO of Nairobi Women’s Hospital (NWH). In the message immediately before that, he had forwarded a text listing the admission Source: Hiiraan Online