Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiinAl-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay gudaha u galeen MCH ku yaalla deegaanka Sabiid ee gobolka Sh/Hoose. Wararka ayaa sheegaya in ragaasi ay toogasho ku dileen labo ruux oo ka howlgayey xaruntaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dilka loo geystay shaqaalahaasi. Sabiid iyo Caanoole oo dhaca duleedka Afgooye ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay Xarakada Al-Shabaab. View the full article
  2. Dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay ka walaacsantahay xaalada Wasiirkoodii amniga oo shalay hey’adaha booliska Soomaaliya ay sheegeen inuu baxsaday, waxa ayna sheegeen in xaalada wasiirka ay u dhaxeyso nolol iyo geeri. Jubbaland waxa ay warkooda ku sheegeen in wasiir Janan loo diiday in ay la kulmaan ehelkiisa iyo cid kasta oo danaynaysa arimihiisa, waxa ayna xariggii Janan ku tilmaameen afduub. Maamulka Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale, waxa ay si deg deg ah u dalbadeen in xukuumada Federaalka Soomaaliya ay meel ku sheegto wasiirkii amniga Jubbaland oo iyaga u xirnaa, ka dib markii shalay la shaaciyay in wasiirku baxsaday. Ugu dambeyn waxa ay beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeed u sheegeen in wixii ku yimaada wasiir Janan ay masuuliyadeeda qaadi doonto dowladda Federaalka. Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen Jubbaland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee K/Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal qaraar oo u dhexeeyey ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Buurdhuubo iyo Luuq ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo ku safrayey wadada isku xirta degmooyinkaasi. Ciidamada la weeraray ayaa ka soo baxay dhanka degmada Luuq, iyagoona ku sii jeeday degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen sarkaal lagu magacaabo Bashiir Waarow oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidanka Jubbaland. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha gobolkaasi oo ku aadan weerarkaan iyo dagaalka xigay. Inta badan xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliyo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  4. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo inta badan Ahlu Sunna uga wakiil ah dhinaca dowladda, marka ay noqoto in lala hadlo hoggaanka sare ee ururkaasi. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay waxyaabaha lagu baajin karo diidmada ka soo yeertay Ahlu Sunna ee ku aadan dhismaha loogu jiro Galmudug mid ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaaa inoo xaqiijiyey in inta uu socday kulanka khadka taleefanka ay ku wada hadleen hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo sidoo kale ra’iisul wasaare khayre, iyaga oo isla garfeeyey sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa khliaafka ka taagan magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo marar badan dib ugu laabtay deegaanada Galmudug ayaa haatan wado dadaalladii ugu dambeeyey oo xal raadin ah. Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo ka dhashay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee maamulkaasi View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/War-Subax-29-1-2020wwwww.mp3 View the full article
  6. (SlT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa gebi ahaanba ka hor-timid Mashruuc ay waday dowladda Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay dowladda Mareykanku, kaasi oo Isniintii lagu daah-furay magaalada Muqdisho. Source
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afarta musharrax ee ugu saameynta badan doorashada Madaxweynaha Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka arrinsaday xaaladda cakiran ee doorashada maamulkaasi. Musharraxiintaan oo kala ah: Cabdiraxmaan Maxamed (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere ayaa shirkooda ka soo saaray saaray War-murrtiyeed ku aadan xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha Dhuusamareeb. Ugu horreyn afarta musharrax ayaa dalbaday in muddo 15 cisho ah la hakiyo howlaha dhismaha ee haatan ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Sidoo kale qoraalkooda ayey ku sheegeen in loo baahan yahay in la qabto shirweyne deg deg ah oo ay isugu imaanayaan saamileyda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan dhinacyada wasaaradda arrimaha gudaha, madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, baarlamaanka, Ahlu Sunna iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka Galmudug. Sida ay sheegeen musharraxiintaan oo horay u qaadacay doorashada shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doono khilaafaadka hareeyey Galmudug oo sababay inay saddex dhinac loo kala qeybsamo, kuwaas oo midba dhiniciisu wado dhismaha maamul gaar ah. Warsaxaafadeedkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta ay ku beegan tahay waqtigii loo asteeyey hadal jeedinta musharraxiinta u sharraxan hoggaanka mamaulkaasi. Xaaladda ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, waxaana shalay degmada Dhuusamareeb looga dhawaaqaday xildhibaanada saddexaad ee baarlamaanka Galmudug.
  8. Somali Regional State Information Bureau (SRSIB) announced on Tuesday that the region’s special force had seized illegal firearms. Source: Hiiraan Online
  9. KISMAYO (HOL) - Jubbaland Government has demanded the Federal Government explain the whereabouts of its Security Minister Abdirashid Janan following claims he escaped from custody Wednesday. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Addis Ababa)-Afar Qof oo looga shakiyey inay qaadeen xanuunka Neef-mareenka ku dhaca ee coronavirus ee Xilliga Dunida aadka ugu faafaya ayaa lagu Kaaraantimeeyay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Laga soo bilaabo Arbacadii Toddobaadkii hore, dhammaan Dadka ka imanaya Dalka Shiinaha waxa lagu baadhayey Xaaladdooda Caafimaad Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Addis Ababa ee Bole International Airport, si looga hubiyo Caabuqa coronavirus. Shir-saxaafadeed ay Maanta ku qabatay Magaalada Addis Ababa, Wasiirka Da’da yar ee Caafimaadka u qaabilsan Itoobiya iyo Masuuliyiin kale, ayaa sheegay in Afartan Qof ee looga shakiyey xanuunkan isla-markaana la kaaraantimeeyay ay dhammaantood yihiin Itoobiyaan. Saddex ka mid ah Afarta Qof ayaa ah Arday ka soo noqday Jaamacadaha Shiinaha ee ku yaalla Magaalooyinka ku dhow Wuhan oo ah Magaalada uu markii koowaad Xanuunkani ka dillaacay ama lagu arkay. Masuuliyiintu waxay sheegeen in dhiigga laga qaaday Afartan Qof ee Xanuunka looga shakiyey lagu soo baadhayo Dalka Koonfur Afrika. Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa baadhitaan hubin ah ku samaysay illaa 22,000 Qof, si looga digtoonaado Virus-kan dilaaga ah. Xanuunkan ayaa Haatan Dalka Shiinaha ku dilay 100 Qof, iyadoo la xaqiijiyey inuu soo ritay 4,500. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) ayaa qaabilay wafti ka socda Shirkadda Panglobe Company ee dalka Thailand. Weftigaas oo ay hoggaaminayeen Dr. Peter Phongphaew iyo Prof Jamaal Thornhill. Waftigan ka socda shirkadda Panglobe Company ee uu la kulmay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa maalgashi ay doonayaan in ay ku sameeyaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay dalka ka hirgelinayaan bangi Islaami ah oo isku xidhi doona caalamka iyo Somaliland. Sidoo kale, weftigan ka socda Shirkadda Panglobe Company waxaa xubno ka ahaa Khubaro aqoon durugsan u leh dhinacyada Maaliyadda, Beeraha, Biyaha, Macdanta iyo Kaabayaasha dhaqaalaha. Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in u jeedada ay waftigani Somaliland u yimaadeen ay tahay in ay ka furaan Bangi Islaami ah, isla markaana uu ka Bangi ahaan u u socdo wada xaajood ku saabsan arintaasi. Professor Iid Cali Salaan oo ah Guddoomiyaha Xarunta Ilays Development oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada waftigani u socdaan ay tahay mid kor u qaadaysa dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland. Professor Iid Cali Salaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintani waa fursad weyn runtii, waxaanay wefigani ka kooban yahay khuburo ku takhakhustay dhaqaalaha iyo Saynisyahanno. Sidoo kale, waxaa qayb ka ah Jaamacadaha Golis, aniguna (Professor Iid Cali Salaan) waan la shaqeeyaa Bangigan. Arrintan waxaan u arkaa saddex geesood oo ah dhinaca Bangiga oo wixii aynu uga baahnayn aynu ka helayno iyo dhaqaalihii dalka oo kor loo qaadayo, sababta oo ah raggani waa Saynisyahanno ku takhakhusay beeraha, biyaha iyo macdanta.” Guddoomiyaha Jaamacadaha Golis ee Somaliland Pro. Siciid Axmed Xasan, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxaa inoo yimi wefti heer sare ah oo ka socda Bangi Islaami ah. Kuwaasi oo wax badan inagala qabanaya dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa laga helayaa shaqo abuur, waxaa lagaga baxayaa tahriibta, sidii kale khayraadka dalka ku kira ayaynu soo saaraynaa.” Professor Peter oo hoggaaminayay weftiga ka socda shirkadda Panglobe Company ayaa gabogabadii munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxaanu sheegay in uu Somaliland ku bogaadinaayo horumarka dhaqaale ee ay ka samaysay dhinacayadda Dhaqaalaha Beeraha, Biyaha iyo Kaabayaasha kale. Dr. Peter Phongphaew sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka shirkad ahaan ay ka go’an tahay inay ku xidhaan Somaliland suuqyada Aasiya, Australia iyo Yurub. “Waxaan ku faraxsanahay in aan imaado Somaliland oo kor u qaaday tacabka beeraha, biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo intaas oo dhami ay ka muuqdaan. Waxaanu ka shaqayn doonaa sidii aanu Jamhuuriyada Somaliland ugu xidhi lahayn suuqyada Aasiya, Australia iyo Yurub,” ayuu yidhi Dr. Peter Phongphaew. Masuuliyiintan ka socda Shirkadda Panglobe Company ee booqashada ku yimi Somaliland, maaaha kaliya ganacsato balse, sidoo kale waa saynisyahano waayo-aragnimo ballaadhan u leh arrimaha beeraha, biyaha, sayniska ciidda, tikniyoolajiyadda cimilada. Waxaana ka go’an inay horumariyaan nidaamka biyaha ee Somaliland, isla markaana mashruuca tijaabada ah ee ugu horreeya ayaa noqon doona biyaha Laascaanood si loo wanaajiyo tayadooda. Dhinaca kale, Professor Iid iyo SiciiIid ayaa faah-faahin buuxda wefiga ka siiyay Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland, waayo aragnimadooda sayniska iyo aqoontooda iyo weliba shabakad caalami ah oo ballaadhan oo ay dhiseen, waxaanay iftiimiyeen sida ay uga go’an tahay inay kaalin mug leh ka geystaan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland. Source
  12. Afar musharrax oo diiddan hannaanka ay haatan ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa dalbaday in mudda kooban dib loo dhigo hawlaha doorashada, si looga heshiisyo khilaafka ka dhex aloosan Saamileeyda Siyaasadeed ee Galmudug. Afarta musharrax oo kala ah; Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere), Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Weheliye iyo Kamaal Daahir Guutaale, ayaa baaqaasi ka soo jeediyay shir ay xalay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb. War-murtiyeed ka kooban lix qodob oo ka soo baxay shirkooda, ayay ku dalbadeen in mudda laba tododbaad ah la hakiyo, dhammaan hawlaha doorashada ee ka kala socda Gaalkacyo iyo Dhuusamareen, si loo dhiso maamul midaysan oo leh sharciyad dhammaystiran. Sidoo kale, waxay ku baaqeen in dhammaan saamileeyda Siyaasadeed ee Galmudug, ay si deg deg ah isu’gu yimaadaan gogol wada-hadal oo loo dhanyahay, si loo dhammeeyo khilaafka u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee Galmudug iyo dowladda Federaalka. Musharixiinta sidoo kale dalbaday, in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ka maran musuq maasuq, eex iyo is-daba’marin, taasi oo leh kormeerayaal maxalliya iyo kuwa caalamiya oo lagu kalsoonaan karo. Dhinaca kale, Waxay ka digeen in ciidamada Amniga Galmudug aysan ku milmin arrimaha siyaasadda iyo doorashada, kuna shaqeeyaan mabaadii’da ciidanimo ee ku cad Dastuurka dalka. PUNTLAND POST The post Musharixiin soo bandhigay Lix qodob oo doorasho midaysan looga qaban karo Galmudug appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Addis Ababa)-Ruushka ayaa gantaalada riddada dheer ee loo yaqaan Pantsir-S1 gaadhsiisay Ethiopia bishii Nofembar, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Sputnik -Russian. Labada dal ayaa bishii November yeeshay kulan iskaashi difaac ah. Kulanka labaad ayaa ka dhicidoona magaalada Addis Ababa, November 2020, sida uu sheegay Alemayehu Tegenu, safiirka Itoobiya ee Ruushka. “Kulanku wuxuu ahaa mid guul ah. Guddidu waxay gaadheen heshiisyo badan. Shirka soosocda waxaa sanadkan lagu qaban doonaa magaalada Adisababa. Waxaan sii wadi doonnaa la shaqeynta Ruushka maxaa yeelay waxaan dooneynaa inaan casriyeyno ciidankeenna militariga. Sidaad ogtahay, ciidankeenu aad ayuu ugu xoogan yahay gobolka, wuxuu ka qeyb qaadanayaa howlgalada nabad ilaalinta, wuxuu kaloo ka shaqeeyaa la dagaalanka argagaxisada. Arrintan waxaan mar walba rabnaa inaan iskaashi kala sameysanno waddamada sida Ruushka. ”ayuu yidhi safiirka Ethiopia. Danjiraha Itoobiya wuxuu yidhi “Ethiopia aad bay ugu farxi doontaa inay garab ka hesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,” sida lagu xusay warbixinta Sputnik. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ka geystay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ka dhacay xaafadda Kaawa Godey ee dhanka degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ku dhacay si lama filaan ah, kadib markii marxuumka oo magaciisa lagu soo gaabiyey Munasar uu gadaal kaga yimid askariga oo la sheegay inay saaxibo ahaayeen, kadibna uu isku duubay, taas oo keentay in askariga uu mar qura rasaas ku furo, islamarkaana ay sababtay in marxuumka isla meesha uu ku dhinto. “Isaga oo banaanka ka yimid wiilka la dilay ayuu soo galay meel laga buuxo, si kalsooni leh ayuu saaxibkii oo ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda isugu duubay, askariga wax dilay oo aan hubsan ayaa la soo baxay bistoolad, waxana uu sidaas ku dilay qofkii gadaal ka taagnaa, isaga oo aan eegin cidda ay tahay, wuxuuna ahaa Saaxibkii Munasar” ayuu yiri qof Goobjooge ahaa. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in Meydka ay goobta ka qaadeen dad shacab ah, iyadoona markii dambe ay halkaasi tageen ciidamo ka tiran kuwa amniga oo gacanta ku dhigay askarigii geystay falkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in Munasar uu ahaa ganacsade, islamarkaana uu xaafadda Kaawa Godey ku lahaa Maktabad kutubada iyo buugaagta lagu iibiyo. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley ka soo saareen dhacdadaasi. Falkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilal kala duwan oo maalmihii dambe ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay geysteen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya
  15. Somali students in coronavirus-stricken Wuhan say they are trapped in their university rooms feeling frightened and lonely, and are appealing for the Somali government to help them leave the besieged Chinese city. Source: Hiiraan Online
  16. Somali students in coronavirus-stricken Wuhan say they are trapped in their university rooms feeling frightened and lonely, and are appealing for the Somali government to help them leave the besieged Chinese city. Source: Hiiraan Online
  17. Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay, in ay raq iyo ruux mid kood meel ku sheegaan Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan oo mudda 5 bilood ah u xirnaa dowladda Federaalka, balse sheegtay in uu maalinimadii shalay Xabsiga ka baxsaday. Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubaland ay ka walaacsantahay xaaladda murugsan ee Wasiir Janan, kadib markii Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in uu xabsiga ka baxsaday, taasi oo shaki gelisay bad-qabka noloshiisa. Jubaland waxay tilmaantay in tan iyo markii la qabtay Wasiirka aan loo ogolaan ehelkiisa iyo cid kasta oo danaynaysay, islamarkaana loo diiday in ay arkaan Qareennadiisa , si ay u difaacaan, kadib markii dowladda Federaalku sheegtay in uu denbiyo aan la cayimin galay. Sidoo kale, Jubaland waxay in dhammaan arrimaha kor ku xusan ay ka baxsan yihiin hab-dhaqanka dowladeed iyo kan banii’aadanimo, waxaana ay Beesha Caalamka ku wargelisay in dowladda Soomaaliya qaadayso mas’uuliyadda wixii ku dhaca Wasiirka. PUNTLAND POST The post Jubalad oo dowladda Federaalka ka dalbatay in ay raq iyo ruux meel ku sheegto Wasiir Janan appeared first on Puntland Post.
  18. UN, Jordan, Egypt and Western countries reiterate support for two states based on pre-1967 borders; Ankara calls outline ‘stillborn,’ Tehran says it’s ‘a nightmare’ Source: Hiiraan Online
  19. LOS ANGELES (AP) — The helicopter carrying Kobe Bryant didn’t have a recommended warning system to alert the pilot he was too close to land but it’s not clear it would have averted the crash that killed nine because the pilot may have lost control as the aircraft plunged into a fog-shrouded mountain, federal investigators said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  20. Somalis in Minnesota and the world are watching the case of an East Grand Forks mother whose children were removed by child protective services. Source: Hiiraan Online
  21. Shirkan ayaa ka furmay caasimada New Delhi ee dalka Hindiya Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyay Asiean-African Chamber of Commerce and Industry. Shirka oo sanadle ahaa ayaa si wadda jir ah uga qaybgalay dalalka Afrika iyo Aasiya qaar ka mid ah oo ay Soomaaliya ku jirto waxaana inta badan xoogga lagu saaray dhaqdhaqaaqyada suuqyada ganacsiga warshadaha iyo wax soo saarka kala duwan ee wadamada ku bahoobay Ururkaan iyo guud ahaan dhaqdhaaqaaqyada ganacsi ee labada dhinac. Sanadkaan ayaa waxaa shirka diirada lagu saaray saddax qodob oo ay kamid yihiin ,isku xirka xiriirka ganacsi ee dalalka Afrika iyo Aasiya. Kala faa’iideysiga maalgashiga iyo qaabka loo xalinkaro caqabadah ganacsi ee ka jira Afrika iyo Aasiya iyo abaalmarinno la guddoonsiinayay shaqsiyaadka loo arkayo in ay wax kusoo kordhiyeen labadaan qaradadood iyo muwaadiniinta udhashay dalka Hindiya oo ka qaybqaatay isku soo dhawaashaha dalalka Afrika iyo Aasiya . Safiirka safaarada Soomaaliya Faadumo Abdullahi Mohamud ayaa hadal ka jeedisay shirka waxayna ugu horeen ka warbixisay guud ahaan xaaladda dalkeena Soomaaliya iyadoo dhanka kalana sheegtay in xiriirka Soomaaliya ay laleedahay wadamada Aasiya gaar ahaan dalka Hindiya u meel wanaagsan marayo , sidoo kale safiirka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo maalgashi kuwaas oo loo baahanyahay in laga wadda faa’iideysto madaama hadda kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay mid soo hagaagaya . Shirka ayaa waxaa ka hadlay wadamadii Afrika, Malawi Uganda Nigeria iyo Soomaaliya dhamaantoodana waxa ay isku raacen in wadamada Afrika ay uu bahanyihiin in ay ka faa’iideystaan kuwa Aasiya. Dhanka kalan ay ka qayb qaatan sidii dhaqaallah khaarada loo horumarin lahaa haday ahaan lahayd ganacsiga iyo isdhex galka bulshada ,dhanka Khaarada Aasiyana oo ay ka caawiso sidii ay Africa u helilaahayeen suuqyo ganacsi oo ay u iibgeeyan wax soo saarkooda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka iskaashiga ganacsiga Afrika iyo Aasiya appeared first on Puntland Post.
  22. Democratic Minnesota Rep. Ilhan Omar ripped a peace deal that was proposed Tuesday at the White House by President Donald Trump and Israel Prime Minister Benjamin Netanyahu. Source: Hiiraan Online
  23. General hore oo Mareykana oo ka mid ahaa Askartii ku fashilantay inay Qabato general Caydiid oo shaaciyey in Saskii uu ka qaaday hawlgalka Somalia aanu wali ma hilmaamin Jeff Struecker askari hore oo Mareykan ah Waxaa 29 sano laga joogaa markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taaso horseeday dagaal sokeeye oo halakeeyay dalkaasi sanado badan. Xalaaddii ban’aadanimo ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye ayaa keentay in dalal badan oo caalamka ah ay ku dhawaaqaan hawgal loogu magac daray hawgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay taas oo keentay in ciidammada hawalka Qaramad Midioobay loo diro Soomaaliya. Inkabadan labaatan askari o katirsanaa hawgalka Qaramada Midoobay aya lagu dilay Muqdisho, taasoo keentay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay amraan in lasoo xiro Jeneraal Ceydiid, maadama lagu eedeeyay in isaga uu ka dambeeyay dilka ciidamadii Qraamada Midoobay. Amarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliyay in ciidmaada Mareykanka ay Muqdisho ka fuliyaan hawgal la doonayay in lagu soo qabto Jeneraal Ceydiid, taas oo keentay in Muqdisho ay ku dagaalamaan jabhadii USC iyo ciidmaada Rangers ee Mareykanka. Jeff oo ku guda jira hawgal Jeff Struecker oo ah Jeneraal hore Mareykan ah oo hawgalb ah balse horay uga tirsanaa ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee Rangers ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu kaga sheekeeyay hawgalkii uu qeybta ka ahaa ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkii 1993-dii. Jeff Struecker oo inta aanan hawgalka “rajo soo celinta” loo dirin ku sugnaa gudaha dalka Mareykanka, horayna uga soo dagaalamay dalal ay kamid yihiin Kuwait, Panama, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa waxaa uu sheegay in ujeedkii Soomaaliya loo geeyay ay ahayd sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, waxaana uu ka sheekeeyay wixii dhacay horaantii bishii Oktoobar ee sanadkii 1993-dii. “Aniga iyo guutadii aan ka tirsanaa waxaa naloo diray hawgalkii toddobaad oo ahaa kii ugu dambeeyay, ujeedkiisuna ahaa sidii aan gacanta ugu soo dhigi lahayn Ceydiid, waana xilligaas marka ay dhacday diyaaradii Black hawk down ee ciidamada Mareykanka”ayuu yiri Jeneraal Jeff Struecker oo ka sheekeeyay wixii dhacay xilligaas isagoo la hadlayay xarunta American veterans Centre. Jeff wuxuu sheegay in cabsidii iyo argagixii uu kala kulmay hawgalkii lagu so qabanayay Ceydidi uu ahaa mid uur ku taala ku noqotay, waligiina aanu hilmaamin. Jeff Struecker hadda ba baadari Jeff oo dhawr sano kahor hawgalka guursdaay ayaa sheegay in uu aaminay in aanu dib dambe u arki doonin xaaskiisa iyo canuga ay caloosha ku siday marka la ego xaaladii uu xilligaas ku sugnaa, maadaama uu hogaaminayay hawgalka. Wuxuu intaa raaciyay, “saskii aan ka qaaday hawlgalkaas uu wali maksaxdiisa ka guuxayo”. “Waxaanu aadnay suuqa bakaaraha o ah halka ay ku sugnaayeen Ceydiid iyo saraakiil kale oo la socotay, markii aan halkaas u dhaqaaqnay ayaa wadooyinka Muqdisho waxan kala kulanay wax aan maleysaneynin, qaar badan oo kamid ahaa ciidamadii ila socday ee saarnaa baabuurka gaashaamana ee Humvee waa ay dhinteen, kuwa kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii dhexda la inoo galay”, ayuu raaciyay. Dhowr daqiiqo kadib taliyihii hogamainayay ciidanka ayuu sheegay in uu lasoo hadlay kuna amray in ay dib uga soo laabtaan magaalada,” waxaana bilaabay in aan duceysto maadaama aan yaqiinsaday in aan dhimanayo. Jeff Struecker askari hore Afarta bishii Oktoobar ayay ahayd markii la soo riday diyaaradii loogu magac daray Black hawk down ee ay ku dhinten ciidamada Mareykanka ee la sheegay inay gaarayeen 18 askari, waxaana xilligaas la sheegay in sidoo kale Magaalada Muqdisho lagu dilay dad badan oo rayid ah. Jeff oo labaatan sano kadib dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 2013-ka ayaa waxaa uu sheegay in Alle mahadii ay tahay in markale uu Muqdisho tegay isagoo aanan cabsnaeyn. “Waxba ma aanan dareemin ilaa iyo inta aan dib uga laabtay Muqdisho, Alle ayaa I badbaadiyay, mana doonayo in aan seego fursadda labaad ee u Alle I siiyay in aan ku noolado,”ayuu yiri. Hawgalkii rajo soo celinta ayaa ahaa mid ay hogaaminayeen ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa. Ujeedka hawgalka ayaa xilligaas lagu sheegay in lagu difaacao Qaramada Midoobay iyo sidii loo dejin lahaa colaadda Soomalaiya, gargaarna loo gaarsiin lahaa dad badan oo xilligaas baahi u dhimanayay, kuna sugnaa Koonfurta Soomaaliya. Markii Magaalada Muqdisho lagu dilay ciidamadii nabad ilaalinta ee ka socday dalka Pakistan, Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu meelmariyay qaraar tirsigiisu ahaa 837, kaas oo dhigaya in tallaaba walba ay qaadi karaan, si gargaar loo gaarsiiyo dadka Soomaalida. Qaran News
  24. BOSTON (AP) — Massachusetts’ high court has ruled in favor of a Somali man in a case that tested efforts by Boston’s top prosecutor to protect immigrants from being deported for non-violent crimes Source: Hiiraan Online