Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday hay’adda UNCDF oo u qaabilsan adduunka horumarinta dhaqaalaha ee dawladda hoose oo uu hoggaaminayey David Jackson oo ah agaasimaha guud ee 39-ka dawladdood ee ka soo koraya dhinaca dhaqaalaha. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay horumarinta dawladdaha Hoose ee JPLG-ga, waxaanu madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland warbixin ka siiyey madaxa weftiga halka uu marayo horumarinta dhaqaalaha dawladdaha hoose ee Somaliland oo ay taageerto hay’addani, isagoo uga mahadceliyey doorka hay’addaha UN-ku ay ka qaataan ka midho dhalinta barnaamijka JPLG guud ahaan iyo khaasatan doorka horumarinta dhaqaalaha ee ay hay’adda UNCDF ay ka taageerto Dawladdaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland. Iyadoo aad loogu lafo-guray balaadhinta barnaamijkan si loo wada gaadho degmo doorashooyinka dalka mustaqbalka iyo sidii fiiro gaara loo siin lahaa caasimada dalka, waxaanu madaxweyne ku xigeenku u caddeeyey masuuliyiintaasi in qaybtii kaga aadanayd dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dhinaceeda bixisay, gobolada bariggana ay ka bilowday barnaamijka JPLG. Ugu danbayntii waxa la isla qaatay in xukuumadda iyo hay’adda UNCDF ay si wada jira uga wada hawlgalaan kobcinta dhaqaale ee lagu horumarinayo barnaamijkan dawladaha hoose. Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey kulanka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska JPLG-ga u qaabilsan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Dhinaca weftiga UNCDF-na waxa ku wehelinaayey agaasimaha UNCDF, Dmitry Pozhidaev oo ah masuulka xafiiska geeska Afrika u qaabilsan hay’adda, Anka Kitunzi oo u qaabilsan Xidhiidhka hay’adda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo masuuliyiinta xafiiska Somaliland ay ku leedahay Hay’addu. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  2. Dowlada Puntland ayaa maanta waxay Garoonka Diyaaradaha Garowe ay ka bilaabeen baaritaan Caafimaad oo la marinayo Dadka kasoo degaya Garoonka si looga hortago Cudurka ka [...] Source
  3. Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa diiday codsi ahaa in Kenya ka baxdo ka qeybgalka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee ku saabsan muranka dhinaca badaha ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Garsoorayaasha maxkamada Sare ee Kanyi Kimondo, Robert Limo and Anthony Mrima ayaa xusay Jimcihii in arimiha ay dalbanayaan codsadayaasha lagu raadin doono si hufan, oo qaab diblomaasiyadeed ah halkii ay maxkamad go’aan ka gaari laheyd. 20 ka mid ah codsadeyaasha ayaa ku dooday in ka soo qeyb galka Xeer ilaaliyaha guud ee dacwadu ay noqonayso mid xadgudub ku ah madaxbannaanida Kenya. Maxkamadda ayaa go’aamisay in Kenya ay qeyb ka sii ahaato dacwada taala maxkamadda ICJ taas oo aan waxba iska badalin. Kenya ayaa ku dooday, si kastaba ha noqotee, in kiiska aan laga dhageysan maxkamadda ICJ, oo ay sheegtay inay tahay mid adag oo laga yaabo inaysan xallin karin arrimaha siyaasadeed ee ku xiran kiiska. Taas bedelkeed, waxay u martay midowga Afrika iyo meelo kale, iyagoo raadinaya wada xaajood ka baxsan maxkamad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Sabtiya xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulanka madaxweynaha iyo safiirka looga wada-hadlay, xoojinta xiriirkaa wada-shaqayneed ee Midowga Yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, iyo sidoo kale taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada Somaliland. War-saxaafadeedku wuxuu intaasi sii raaciyay in kulanka sidoo kale looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay Midowga yurub ku taageeraan Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed. Madaxweynaha Somaliland, waxa kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta, Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi). PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. AMISOM ayaa go’aansatay iney kun askari oo kale ay ka saarto Soomaaliya bishan Febraayo xilli ay sii kordhayaan weerarada Al-shabaab ee ka dhanka ah dowladda federaalka ah. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AMISOM, waxaa la fulin-doonaa 18-ka bishan, “Kulanka waxaa lagu heshiiyey in la fuliyo sida balanta aheyd lana saaro ciidamada” sidaas waxaa lagu sheegay qoraal soo baxay January 31, 2020 Guddiga go’aanka gaaray waxaa ay intaasi ku dareen iney ka xun yihiin go’aanka marka la eego xaaladda Soomaaliya balse ay balan fulinayaan. Heshiiska amniga ee London ee 2017 waxaa lagu heshiiyey in sanad walba ciidamada AMISOM laga saaro kun askari, muddadaas wixii ka dambeeyey AMISOM waa ay saareysay ciidamo laakin dhanka kale lama dhisin ciidamo 18 kun oo heshiiska ahaa in loo dhiso ciidamada xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya garoonka diyaaradaha General Mohamed Abshir ee caasimadda Garoowe ka daahfurtay, baaritaanka dadka ka imaanaya dibada, si looga hortago cudurka Corona Virus oo wadamo badan ka dilaacay. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa koox caafimaad ah geeyay garoonka diyaaradaha, si baaritaan loogu sameeyo dadka garoonka imaanaya kana imaanaya dalka dibadiisa. Dadka ayaa laga baarayaa cudurka Corona Virus. Baaritaanka ayaa lagu bilaabay diyaarada Ethopia Airline oo rakaabkii saarnaa dhamaantood la mariyay screening lagu ogaanayo xaaladooda caafimaad. Wasiirka Wasaaradda Puntland Jamac Farax Xasan ayaa ka hadlay sida baaritaanku u socdo “waxaan rabaa inaan shacabka reer Puntland la wadaago in dhamaan dadka soo dagaya oo imaanaya garoomada kala duwan ee Puntland lagu samayn doono baaritaan si looga taxadaro cudurka Corona Virus” ayuu yiri Wasiirka. “Waxaa wasaaraddu diyaarisay, kooxo caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad, oo samayn doona baaritaan, sidoo kale waxaa wasaaraddu diyaarisay oo heegan ah dhamaan cisbitaalada waaweyn ee Puntland si hadii ay dhacdo in la helo cid laga shakiyo loogu adeego.” Ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Puntland oo bilowday baaritaanka Corona Virus appeared first on Puntland Post.
  7. A Kenyan court has dismissed a petition to bar Kenya from participating before the International Court of Justice (ICJ) in a maritime dispute with Somalia. High Court Justices Kanyi Kimondo, Robert Limo and Anthony Mrima noted on Friday that issues raised in the petition by 20 Kenyans would be more effectively resolved through diplomatic, legislative, policy and other executive interventions, rather than by a constitutional decision. This means Kenya will not withdraw from the maritime case. The 20 petitioners had argued that the Attorney-General’s participation in the case would amount to ceding Kenya’s sovereignty. Through lawyer Kibe Mungai, they said Kenya risked forfeiting part of its territory if the ICJ ruled in Somalia’s favour. The lawyer said the government should put its national interests first, and that the only way to do so would be by not seeking to compromise Kenya’s territorial integrity. The ruling stated, however, that, “the AG’s participation in the proceedings will accord an opportunity to demonstrate to the court Kenya’s constitutional impediments in implementation of the decision in the event the dispute is decided in favour of Somalia.” Kenya has argued, however, that the case should not be heard at the ICJ, which it says is rigid and may not resolve political issues attached to the case. It has instead, approached the African Union, seeking out-of-court negotiations. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa doonaya inay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi yeeshaan kulan toos ah si dib loogu furo wada hadaladii labada dawladood. Laakiin Madaxweyne Biixi ayaa isna doonaya in dib loo dhigo kulanka labada madaxweyne oo wada hadalada lagu bilaabo ergo ka kala socota labada dal. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, Madaxweyne Farmaajo wuxuu u sheegay wufuud ka socotay dalalka wada hadalada dabada ka riixaya ee Turkiga iyo Sweden in wada hadalada lagu furo kulanka labada Madaxweyne, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa isna u sheegay ergadan inaanu Farmaajo daacad ka ahayn wada hadalada, balse uu doonaya inuu samaysto kaadh uu ku galo ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo horaanta kal dambe qoondaysayn inay qabsoonto, waxaanu Madaxweyne Biixi doonayaa in wada hadalada lagu bilaabo inay is arkaan ergo ka kala socota Hargeysa iyo Muqdisho. kala dab qaadaya labada Madaxweyne diblomaasiyiin ka kala socota Sweden iyo Turkiga iyo xarunta xalinta khilaafaadka dunida ee ‘The center for humanitarian dialogue’, kuwaas oo doonaya in la isugu yimaado meel dhexe si ugu yaraan loo bilaabo wada hadalada hakadku ku yimid markii uu Madaxweyne Farmaajo talada Soomaaliya qabtay. Geesta kale, wargeyska Indian ocean newsletter, ayaa cadadkiisiis shalay qoray in Midowga Afrika ka diiday dalka Turkiga inuu goob-jooge ka noqdo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Midowga Afrika doonayaa inuu gadhwadeen ka noqdo wada hadalada, balse aanu marti uga noqon Turkiga. Si kastaba ha ahaat, dalal badan ayaa dabada ka riixaya in dib loo furo wada hadalada labada dal oo uu Turkigu intooda badan martigeliya. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in aanu iscasilayn, islamarkaana uu warkaasi ka maqlay saxaafadda, halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed. Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika. Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi). ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  11. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xayiraad dhinaca Socdaalka ah ku soo rogay dadka ka imaanaya lixda Wadan oo afar ka mid ah ay yihiin dalal afrikaan ah. Lixda Wadan ee xayiraada socdaalka lagu soo rogay saddex ka mid ah dadka ku nool waxay u badan yihiin Muslimiin, halka saddex kalena ay ku noolyihiin tiro badan oo dad musliim ah. Muwadiniinta ka soo jeeda Wadamada Eritrea, Kyrgyzstan, Myanmar iyo Nigeria ayaa laga mamnuuci doonaa in soo dalbadaan Fiiso ay deganaasho ku heli karaan, sidoo kale wadamada Tansania iyo Suudaan ayaa laga mamnuucayaa inay ka qaybgalaan Barnaamijka Bakhtiyaanasiibka ee Loteryka ee la siiyo muhaajiriinta ka imaanaya caalamka. Aqalka Cad ee Maraykanka oo warsaxafadeed soo saaray ayaa ku sababeeyay xayiraada socdaalka ee wadamadaas lagu soo rogay inay buuxin waayeen shuruudihii amniga qaranka Maraykanka. Sharciga Cusub ee xayiraada socdaalka ku soo rogay wadamadaasi ayaa la filayaa inuu dhaqan galo 22 bishan Febraayo 2020. Donald Trump ayaa hore socdaal ugu soo rogay toddobo wadan oo ay ka mid tahay Somaliya,Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen. Waqooyiga Kuuriya iyo Venezuela. Source
  12. MOGADISHU (HOL) - The political coalition Forum for National Parties has called on the Federal Government to refrain from interfering with the Galmudug state presidential elections while urging national and foreign troops to remain neutral in the process amid confusion on the process which has seen factions elect their own leaders. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dad Soomaaliyeed kula hadlayay magaalada London ayaa dowladda ku dhaliilay in aysan ka talin magaalada Muqdisho taa badalkeedana ay magaalada maamulaan Al Shabaab isaga oo arrinkaasina u cuskaday in Shabaab ay canshuur ka qaadaan ganacsatada qaar ka mida hey’adaha dowladda. “Shabaab maanta magaalada Muqdisho iyaga ayaa ka taliya dowladdu magaalada kama taliso xaqiiqda taas waaye canshuur ayay ka qaadaan ganacsatada bal hey’adaha dowladda ugu muhiimsan ayay canshuuraan” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay qarash ku bixiso sidii dad loo aflagaadeyn lahaa. Madaxweyne Sheekh Shariif oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Dowlad iyada dadka caaynaysa oo xoolihii qaranka ku bixinaysa in dad la caayo dowladdu waxaan rabnaa in ay ka shaqeyso wixii loo wakiishay waxaa loo wakiishay ummadda in ay mideyso, aminga ka shaqeyso iyo in dhaqaalaha la hormariyo taas ayaa loo wakiishay” Dhanka kale Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka dalka isaga oo xusay in haddii la rabo doorasho loo baahanyahay in ay jirto isfaham siyaasadeed iyo mid xasilooni “Doorasho marka la rabo in la sameeyo waa sifaham siyaasiya in uu jiro waa in ay jirto xasilooni doorasho lagu qaban karo doorasho qof iyo coda haddii la qabanayo dalka waxaa loo baahanyahay in nabad laga dhigo iyo in dadka la isku keeno” ayuu ka dhawaajiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa eedeymo kala duwan u jeediya dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Washington)-Dawladda Maaraykanka ayaa si kumeelgaadh ah u joojiyey duulimaadyada laba diyaaradood oo iskaga kala gooshi jiray Maraykanka iyo Shiinaha. Duuliyeyaasha iyo rakaabkii raaci lahaa ayaa lagu wargaliyey in la joojiyey. Shirkadaha Delta Air Lines Inc iyo American Airlines Group Inc ayaa go’aansaday Jimcaha maanta in si kumeel gaadh ah loo joojiyey duulimaadiyadii iskaga kala gooshi jiray Maraykanka iyo Ruushka, halka waaxda arimaha dibada ee dalka Maraykanku ay soo saartay digniino ku wajahan dadka socdaalaya oo ku saabsan Viruskan. Joojinta duulimaadyadan ayaa ku soo beegmaya xili dalalka Ruushka iyo Ingiriisku ay sheegeen in dalalkooda laga helay kiisaskii u horeeyey eek u saabsan Virus-ka cusub ee ka dilaacay dalka Shiinaha iyo maalin ka dib markii hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ay ku dhawaaqday Xaaladda degdega ah ee fiditaanka Viruskan. Ugu yaraan dalka Shiina waxa ugu geeriyooday 213, halka dalal farabadan ay ku dhawaaqeen qorshe ay muwaadiniintooda ay kaga daadguraynayaan muwaadiniintooda gobolka Huwan, oo ah xudunta magaalada Shiinaha ee xanuunkani uu ka dilaacay. Beijing ayaa sheegtay in ugu yaraan 9,809 qof la xaqiijiyey inuu asiibay Coronavirus, kaas oo ku faafay laga bilaabo Wuhan ee gobolka Hubei oo ka mid ah 31-ka gobol ee Shiinuhu ka kooban yahay. Halka Dad gaadhaya 102,000 qof lagu soo waramayo in lagu wado baadhitaan caafimaad oo ay suuragal tahay in lagu arko calaamadaha caabuqa neef-mareenada asiibaya. Shiinaha ayaa waxa uu ka dalbaday 200 million oo marada wajiga iyo afka lagu xidho oo ay ku deeqday shirkadd caafimaad oo Turkish ah, tobankii maalmood ee la soo dhaafay. Source
  15. (SLT-London)-Ingiriiska ayaa xalay saqdii dhexe markii saacaddu gaadhay 12 habeenimo oo gaw ah si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub oo uu muddo 47 sanadood ah ka tirsanaa. Xarunta baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London, ayaa waxa fagaaraha ku yaal ka buuxay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowgaa, waxaanay tirinayeyeen ilbidhiqsiyada ka haray wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaartay damaashaad ballaadhn dhigay. Hase yeeshee Ingiriisku waxa uu inta sannadkan ka hadhsan ku sii dhaqmi doonaa heshiiskii Midowga Yurub, waana muddo loo qoondeeyey in lagu galo wada xaajoodyo lagu gorfaynayo sida uu noqon doono xidhiidhka mustaqbalka ee dalkaas iyo Midowga Yurub. Britain ayaa Yurub ku biirtay sannadkii 1973-dii, waxaana sannadihii ugu dambeeyey aad u xoogaystay dadwyenaha reer Britain ee ka biyo-diidsan awoodda Midowga Yurub ee arrimaha gudaha ee waddamada xubnaha ka ah. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Saalax Jaamac ayaa maanta daah-furay barnaamij wacyigelin ah, kaas oo muhiim u ah arrimaha dib u eegista ee dastuurka KMG Soomaaliya. Barnaamijkaan oo ah kii ugu horreeyey ayaa waxaa loo qabtay dhalinyarada Muqdisho iyo saxaafadda, isaga oo socon doona seddexda cisho ee soo socta. Wasiir Saalax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadu tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay la socdaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay talo ku yeelan doonaan qodobada maasiiriga ah ee u baahan in ra’yigooda ay ka dhiibataan” “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in maanta qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed aan ku bilowno furitaanka ololaha, waxaan dooneynaa in aan wacyigiina kor u qaadno si aad ula socotaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka islamarkaana aad talo ugu yeelataan qodobada maasiiriga ah ee u baahan in aad ra’yigiina ka dhiibataan”. ayuu yiri wasiirka wasaaradda dastuurka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in ololahan la gaarsiin doono dhamaan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si kor loogu qaado wacyiga dadka ee ku saabsan arrimaha dib u eegista dastuurka.
  17. At least two have been killed and several others including deputy district Commissioner were injured following explosions in Mogadishu on Saturday. According to reports, a vehicle carrying Kahda District Commissioner was hit by landmine suspected to have been planed on the road near Hosh market in Dharkaynley district. The targeted official was identified as Abdinasir Hassan Ali, who is the deputy Kahda District Commissioner for security affairs. Sources say the blast killed two of the deputy DC’s bodyguards while he himself sustained injuries. The car was extensively damaged by the blast. Meanwhile, on the other side of the city, several people have been injured after troops from African Union Mission In Somalia (AMISOM) open fire on civilians in Helwaa district. The troops were traveling in a convoy when they ran over improvised explosive devices (IED) near Ex-Control Bal’ad. No group has claim the responsibility for the blast but the attacks have the hallmarks of al-Shabaab attacks. View the full article
  18. Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa Qoraal ayuu dirtay Kenya waxay ka dalbatay inay usoo gacan galiyaan Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirshiid Janan oo ay sheegeen inuu [...] Source
  19. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta magaalada muqdisho ka bilowday olole ku saabsan wacyigelinta dib-u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka. Shirkii ugu horeeyay ee looga arrinsanayo ololahaas, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, aya saaka lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi oo socon doona mudda saddex cisha ka qaybgalay qaar kamid ah dhallinyarada iyo bahda saxaafadda. Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Saaalax Axmed Jaamac, oo si rasmi ah u furay ololaha ayaa ku booriyay dhalinyarada ka qeybagleysa Shirka in ay aad ula socdaan ololaha si ay xog-ogaal ugu noqdaan dhamaystirka dastuurka. “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in maanta qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed aan ku bilowno furitaanka ololaha, waxaan dooneynaa in aan wacyigiina kor u qaadno si aad ula socotaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka islamarkaana aad talo ugu yeelataan qodobada maasiiriga ah ee u baahan in aad ra’yigiina ka dhiibataan” ayuu yiri wasiirku. Wasiirka ayaa sheegay, in ololahan la gaarsiin doono dhamaan dowlad goboleedyada dalka, si kor loogu qaado wacyiga dadka ee ku saabsan dastuurka islamarkaana loo dhegaysto talooyinkooda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Olole wacyi-gelin oo ku saabsan dib u-eegista Dastuurka appeared first on Puntland Post.
  20. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Burkina Faso ayaa intuu halkaasi joogay waxa uu kaga qeyb galay Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay martigelisay Dowladda Burkina Faso. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ayaa sidoo kale inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga labada Baarlamaan. Wefdiga Guddoomiyaha oo shalay ka soo ambabaxay Garoonka Diyaaraadaha Aougadougou ee dalka Burkina Faso ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana garoonka Aaden Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Xildhibaannada golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka ee Maanta ayaa ah Sharciga doorashooyinka oo dhawaan ay meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka. Xildhibaanada Aqalka sare ayaa dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka Qaranka waxaana la filaayaa in ay meel mariyaan kadib markeey mariyaan akhrinta saddexaad. View the full article
  22. MOGADISHU (HOL) - A deputy district commissioner in Mogadishu escaped death while two of his bodyguards died in an IED attack Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  23. Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku leh xaruntooda ayaa ka shiraya hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka xilli ay soo dhawdahay doorashada dalka ka qabsoomi doonta sanadka 2021-ka. Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in xildhibaanada aqalka sare ay dood adag ka yeeshaan meel marinta sharciga doorashooyinka oo ay horay u ansixiyeen mudanayaasha golaha aqalka hoose. Mudanayaash aqalka sare ayaa horay u codsaday in la siiyo waqti ay ku soo aqristaan sharcigaan iyada oo 11-kii Janaayana loo qeybiyay. Waxaan wali dhinac u dhicin nuuca doorasho ee sanadka 2021-ka dalka ka qabsoomi doonto. Source: goobjoog.com