-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-____-Qumanha-Wararka-02022020-1.mp3 View the full article
-
Dekada Garacad oo dhismeheedu uu si rasmi ah u socdobayaa hada meel wanaagsan maraysa, iyadoo hada wajigii kowaad uu gabagabo yahay. Gudiga Dhismaha Dekada ayaa [...] Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururu goboleedka IGAD ayaa laba qoraal oo kala duwan kasoo saaray xaaladda Galmudug, waxaana qoraalka labaad uu yimid markii su’aalo badan ka dhasheen qoraalkii koowaad. Qoraalka koowaad ee ururka uu soo saaray ayaa looga hadlay xaaladda Galmudug, waxaasse yaab lahaa in aan lasoo hadal qaadin doorashadii madaxweynaha cusub ee maanta lagu doortay Dhuusomareeb, ama aan loogu hambalyeyn. Qoraalka IGAD ayaa lagu sheegay kaliya in ururka uu muddo si dhow ula socda xaaladda Galmudug, islamarkaana uu kaalin ka cayaaray midowga maamulkaas ee la isugu keenay ururka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug ee madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. IGAD ayaa sheegtay inay bogaadineyso dhammaan hindisooyinka iyo tanaasullada ay sameeyeen saamileyda siyaasadda Galmudug ee ku aadan dhismaha Galmudug mideysan. IGAD ayaa sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta xasiloonida Galmudug iyo bad-baadada dadkeeda oo lagu ilaaliyo maamul mideysan, waxaana IGAD ay ku baaqday. 1- In laga fogaado dhammaan falalka rabshdaha ee waxyeeleyn kara sharciga iyo kala dambeynta, iyo bad-baadada. 2 – In dhammaan khilaafyada jira lagu xaliyo wada-hadal 3 – In ahmiyad la siiyo dhisidda nabadda iyo dib u heshiisiinta, si sare loogu qaado midnimada iyo is-dhex-galka Galmudug. Sacaado kadib ayaa markii su’aalo badan ka dhasheen, islamarkaana qoraalka koowaad loo arkay mid IGAD ay xaaladda Galmudug uga istaagtay dhex-dhexaad, waxaa ururka uu soo saaray qoraal kale kaasi oo logu hambalyeeyey madaxweyne Qoor Qoor, kuna ballan-qaaday inay la shaqeyn doonto.. Ma cadda, haddii IGAD ay dareentay in qoraalkeeda koowaad uu su’aalo abuuray ama inuu cadaadis uga yimid dowladda federaalka. Hoos ka arag labada qoraal ee kasoo baxay IGAD
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay doorashadii uu maanta ku soo baxay iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaanada uu ka arimiyo maamulka hoggaankiisa loo doortay. Qoor-Qoor oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in doorashadiisu ay aheyd mid u dhacday si xor ah, muddo dheerna loo diyaar garoobayey. Mar wax laga weydiiyey tuhunka jira ee ah in dowladdu wadatay oo ay uga xaglisay musharaxiintii kale, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faanayo xeriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeysa madaxda dowladda federaalka, isla markaana uu ku faanayo. “Anigu inaan xilkan isku soo sharaxo xaqbaan u leeyahay sanad iyo wax ka badan ayaana musharax ahaa, inaan dowladda xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahayna sharaf ayey ii taha, anigu maahi dadka khilaafka iyo khalalaasaha ka shaqeeya, mar walba in dowladnimada Soomaaliya horay loo sii wado ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Galmudug. Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Qoor-Qoor in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug uu xalkiisa raadin doono, qolo kasta oo wax tabanaysana uu meeshooda ugu tagi doono. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale cid kasta oo tabasho qabta ka dalbaday inay soo fariistaan miiska wada hadalka, isagoo balan qaaday in uu xali doono tabashadooda. Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka mid ahaa musharaxiin afar ah oo maanta u tartantay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku soo baxay doorasho socotay wax ka yar 30 daqiiqo, waxuuna helay 66 cod oo ka mid ah codadka 77 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay. Hoos ka dhageyso wareysiga Qoor Qoor https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/e8e01769-ccf7-45f9-80ec-f460010cdc6d_48k.mp3
-
Dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur galbeed ayaa soo dhoweeyey doorashada Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee maanta ka dhacday Dhuusamareeb. Ugu horeyntii, dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweysay, taageerana u muujisay doorashadii madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Warqad ka soo baxday madaxtooyada dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in si dhow uu maamulka uu la socday geedi socodka lagu dhisayo dowlad gobaleedkii 2-aad ee Galmudug maadaama aan daris yihiin ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Hirshabeelle, waxaa Illaahey uga baryeysaa inuu xilkaas culus uu ceeb asturo, waxaan rajeynetynaa loogana fadhiyaa madaxweynaha cusub inuu isku doono uu boogo dhayo Galmudug nabarada ka dhashay doorashada uuna ka shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo wax wada yeelashada, waxaana rajeynaynaa inuu wax walbo uu ku dhameeyo wada hadal iyo waliba walaalnimo” ayaa ku qornaa war saxaafadeedka. Halkaan ka Akhriso Hirshabeelle. Sidoo kale dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhankooda ku biiriyey taageerada iyo hambalyada madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Warsaxaafadeed ka uu soo saaray dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu xusay in Koonfur Galbeed si dhow u la socotay xaalada Galmudug, waxaana ay sheegeen in labada maamul uu ka dhaxeeyo iskaashi amni iyo mid ganacsi, ayna muhiim tahay in Galmudug maamul laga dhiso dhib waliba ha loo maree ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Halkaan Ka Akhriso Koonfur Galbeed Ayadoo maanta magaalada Dhuusamareeb lagu doortay madaxweyne cusub ayaa waxaa soo baxayey hambalyo iyo bogaadinta loo jeedinaayo, lakiin waxaa xusid mudan in wali madaxda dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland aysan war war ah uusan ka soo bixin oo ku aadan bogaadinta Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xarigga ka jaray ceelk riig ah oo markii ugu horaysay laga hergeliyay duleedka magaalada Beledweyne. Ceel kaan ayaa waxaa biyihiisu yihiin kuwa nadiif ah maadaamaa dadka ay hada isticmaalaan biyaha wabiga iyo ceelal biyo yar oo aan nadiif ahayn. Mashruucaan lagu qoday ceelkaa waxaa iska lahaa dhallinyaro qurba joog ahaa oo dalka dib ugu soo laabtay. Ugaas Xasan Ugaas khaliif ayaa waxaa uu sheegay in dadaal badan lagu bixyay qorshaha helista ceelkaan oo dadka biyo nadiif ah ka heli doonaan. “Aad ayaan usoo dhaweynayaa qorshahan wax badan ayuu socday dadkana haka faa’iidaystaan biyahan”.ayuu yiri Ugaaska. Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumad Caraalle ayaa sheegay in bulshada magaalada aad ugu baahnaayeen biyo nadiif ah, waxaana uu yiri’’ “Hadda magaalada waxaa ka jira biyo la’aan dadka waxa ay isticmaalaan biyo aan nadiif ahayn sida kuwa Wabiga iyo ceelo aan biyo badan lahayn” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabelle ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid walba oo mashaariic horumarineed ka hirgelineyso deegaannada Hirshabeelle, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in kuwa kale laga hergeliyo Gobolka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka dhacday magaaalada Dhuusamareeb. Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa ku amaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee ay galiyeen sidii hannaanka Maamul ee Galmudug u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug. Maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose ee Xamar wuxuu balan qaadeyaa inay si dhaw ula shaqeyn doonaan oo aan garab taaganyihiin hogaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor. Waxaan Ugu duceynaaya Madaxweynaha cusub ee Galdmudug iyo ku-xigeenkiisa in uu alla u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, islamarkaana ay ku guuleystaan wajibaadka iyo howlaha culus ee horyaala. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-01022020-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo K/xigeenkiisa Mudane Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Galmudug ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug.
-
Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ka waday diiwaan galinta casriga ah ee ciidamada. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira masuuliyiinta Guddiga dib u habeynta ciidamada iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa maanta ka qayb-galay daah-furka diiwaan glinta ciidamada oo laga bilaabay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag. Guddiga dib u habeynta ciidamada ayaa saraakiisha iyo ciidamada xog- dheeraad ah ka siiyay faa’iidooyinka diiwaan galinta casriga ah ee ay wado dowladdu . Xarumaha ciidamada ee Ceelbuh ayaa la geeyay kooxaha qaabilsan diiwaan galinta iyo caafimaadka ciidamada Puntland. Madaxda ayaa booqday xeryaha ciidamada waxa ayna ciidamada u balan-qaadeen in ay heli doonaan mushaaar kooda iyo dhamaan wixii agab ah ee ay u baahan yihiin. Puntland ayaa bilihii u dambeeyey waday diiwaanta casriga ah iyo tirikoobka ciidamada. PINTLAND POST The post Puntland oo diiwaan galinta ciidamada ka bilowday Ceelbuh, Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadd-a Online) – Dowladda Kenya ayaa keentay mowduuc loo yaqaano BBI kaas oo afti looga qaadayo dadweynaha, waxaana looga gol leeyahay in isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaas. Sida lasoo wariyay masuuliyiinta talada haya iyo kuwa mucaaradka ah ayaa ku kala qeybsamay qorshahaan, waxaana hay’adaha la xusi karo ka mid ah hay’adda fulinta iyo xeer dajinta, wararka waxey intaas ku darayaan in isbadalka lagu sameynayo dalkaas ay ka mid tahay in jago ra’iisul wasaare lagu soo kordhiyo, lana dhimo tirada baarlamaanka. Maadaama Soomaalida ay ka mid tahay dadyowga ugu badan ee ku nool Kenya, waxaa jira warar laga soo tabinayo siyaasiyiintooda kuwaas oo aragti ahaan u mideysan arinta soo korortay, balse meesha lagama saarin aragti kala duwanaasho yar oo jirtra. Waxaa jira qodob aruurinaya in awood qeybsiga sida dhaqaalaha, kuraasta iyo xilalka lagu saleeyo tirada dadka, waana midka ay gabi ahaan diidan yahiin siyaasiyiinta Soomaalida, balse mashruuca BBI marnaba kama soo horjeedaan. Soomaalida waxey heystaan dhulka ugu badan Kenya marka lala barbardhigo qowmiyadaha kale, balse tiro ahaan wey yaryahiin taasoo dhibaato ku ahn, waxaana xusid mudan in dastuurka haatan jira uu farayo in lagu jaangooyo arinta cadadka bulshada iyo gobolada ay dagan yahiin sida uu u weyn yahay. Si kastaba Aadan Barre Ducaale oo ah siyaasiga ugu xilka sarreeya Soomaalida ayaa kasoo horjeestay qorshaha, walow uu ka mid yahay xisbiga talada haya hadana ma jiro sharci u diidaya inuu difaaco danta dadkiisa.
-
Faahfaahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya dagaal deegaanka Qalimoow ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo dagaalyahanada Al Shabaab dagaalkaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkan oo dhacay waabarigii saakay ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan Al shaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Qalimoow oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar. Baraha internedka ee lagu tageero Al shaab ayaa lagu faafiyay in dagaalyahanada Shabaab ay dagaalkaasi ku dileen 13 askari oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka dowladda halka seddex kalane ay dhaawaceen sida ay sheegteen. Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in gaadiid dagaal ay ku gubeen weerarkaasi. Saraakiisha ku sugan hala uu weerarku ka dhacay oo aan la xiriirnay ayaa diiday in ay ka hadlaan khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkaasi Inta badan weearada nuucan oo kale ah ayaa Al shabaab waxa ay ku bartilmameedsadaan fariisimaha ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareen (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena kamid ahaa musharixiinta aan is diiwaangelin ee Galmudug ayaa sheegay in uu ka Shaqeyn doono xalinta Galmudugyada badan. Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay deegaannada Galmudug ka abuurtey Galmudug badan, waxaana Maanta uu sheegay in galmudug ku suntahay taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayuu ku eedeeyey inay sabab u yihiin in Galmudug ay yeelato Saddex Madaxweyne,waxaana uu kulan lagu dhisaayo Galmudug mid ah uu ugu yeeray waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug. Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa Waxa aan qeyb ka noqon donaa Xalinta Galmudugyada badan oo ay abuurtay dowladda Federaalka ah. Maanta waxay Dowlad goboleedka Galmudug ugu suntantahay maalinta taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug. “Madaxweyne” saddexaad ayey dowladda Federaalka ahi ku magacowday caasimadda Dhuusamarreeb. In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen inay Galmudug ka sameystaan maamul ay gacantooda ku samaysteen. Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsantahay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa. Mar walba waxaan u taagnaan doonaa halhayskaaygii ahaa “Galmudug mid ah” Waan sii wadi doonaa wixii adeeg iyo horumar ah ee aan deegaanka ka waday ama aan la jeclaa.
-
The US Embassy in Somalia has congratulated the new Galmudug state president Ahmed Abdi Kariye aka Qorqor. Qorqor was elected by Galmudug MPs in the central town of Dusamareb. He garnered 66 votes of the 77 MPs present, making him a winner in the first round. Qorqor was elected in an election boycotted by four main candidates for the position who are: Abdirahman Odowaa, Kamal Gutale, Abdullahi Weheliye, and Abdi Dheere. The influential moderate Sufi Islamist group Ahlu Sunnah Wal Jama’ah also rejected the process and installed one of its leaders, Sheikh Mohamed Shakir, as president. Former president Ahmed Duale Haaf has also rejected the Dusamareb election and installed himself president in another election organized by his supporters in Galkayo. It remains to be seen how the political crisis in the region will be resolved with each of the three ‘presidents’ claiming legitimacy. The US’s support of Qorqor is, however, a big boost for the federal government, which has backed the election of Qorqor. View the full article
-
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaliya ayaa soo dhoweysay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda galmudug. Wasaaradda ayaa ugu horeyn hamabalyo u dirtay madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid. Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka reer Galmudug u rajaysay isbadal mira dhal ah kaas oo horseedi kara xasilooni buuxda iyo hormar ay ku tallabsadaan ummada reer Galmudug. Ugu dambeyn warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa loogu baaqay dhamaan shacabka in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo yagleelay reer Galmudug. Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha DFS Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada dhammaan deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.? “Waxaan dhammaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in rajada shacabka Galmudug ay tahay deegaan nabdoon oo horumarsan, qeybna ka qaata horumarka dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii wado dib-u-heshiisiinta.” Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira dhammaan deegaannada Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalintii Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulka Galmudug. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo K/xigeenkiisa Mudane Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Galmudug ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug. DHAMMAAD View the full article
-
At least 18 people including eight Somali government soldiers and 10 al-Shabaab militants were killed, and more than 13 others wounded when fighters from al-Shabaab attacked Somali National Army and African Union peacekeeping mission troops bases in the middle Shabelle region on Sunday. Hassan Ibrahim, a military official in the region, told Anadolu Agency over the phone that the main attack took place at AMISOM and SNA base in the vicinity of Qalimow in the region. “The terrorist group al-Shabaab attacked our base in Qalimow on Sunday morning. Eight soldiers were killed, more than 13 others wounded but we have killed more than 10 al-Shabaab militants,” Ibrahim said. The group also attacked several other observation points with mortar shells, he said, adding that they did not know how many people were killed or wounded. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the Qalimow attack that it has killed over 13 soldiers. The attacks came a day after double blasts in Somali capital Mogadishu, killing over 4 soldiers and wounding Kahda district deputy commissioner, claimed by al-Shabaab. Source: Anadolu
-
Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay doorashadii madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ee maanta ka dhacday Dhuusamareeb. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay bogaadineyso doorashadaasi oo lagu doortay Axmed Qoor-Qoor iyo Cali Daahir Ciid. Halkaan hosoe ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho, Febaraayo 02, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo K/xigeenkiisa Mudane Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Galmudug ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib u heshiisiinta, ayaa qoraal kasoo saartay doorashada maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee madaxweynaha loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor”. Hoos ka aqriso qoraalka. WAR SAXAAFADAEED Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib u heshiisiinta, ayaa bogaadisay doorashada Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen ee ka qabsoontay Dawlad Goboleedka Galmudug maanta oo ay taariikhdu tahay 2dii Febraayo 2020. Madaxweynaha cusub Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo Madaxwayne ku xigeenka cusub Mudane Cali Daahir Ciid ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku guuleystay doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay Dhuusamareeb ayay wasaaraddu u hambalyaynaysaa. Wasaaradda ayaa u rajaysay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo shacabka dhammaantii. Wasaaraddu waxa ay si mugwayn u bogaadinaysaa go’aankii madaxda qaranka ay ku garab istaageen dib u dhiska maamulka Galmudug, waxa ayna wasaaraddu ka mahad celinaysaa kaalintii Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre uu ka qaattay dib u yagleelidda Galmudugtan cusub, sidaas oo kale waxa ay Wasaaraddu u mahad celinaysaa Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, iyo guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulkan cusub ee Galmudug. Ugu danbayn, Wasaaraddu waxa ay ugu baaqaysaa bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka. DHAMAAD
-
Nin raadinaya cid jeclaata ayaa boodh uu sawirkiisa ku dhagan yahay ka taagay magaalada Manchester isaga oo dalbnaya cid uu haasaawa la wadaago. Waxaan ka quustay haasaawaha, Mark Rofe waxaa uu go’aansaday in uu bixiyo lacag dhan £425 gani istarliinka ah oo uu ku soo iibiyay boor wayn oo uu ku dhajiyay sawirkiisa kaasi oo uu dhigay waddo mashquul badan oo ku magaalada Manchester. Ninkani oo ah 30 jir islamarkana ka soo jeeda magaalada Sheffield ayaa ku raja wayn in noolashiisa uu ku soo biiri doono qof ku haboon oo uu noolsha la wadaago. Waxaa uu yiri: “waxaa ila soo xiriiray dad ka badan 100 balse nasiib daro kala bar rag ayay ahaayeen, balse wali waxaan dareemayaa in la i maamuusay.” Mr Rofe, oo lamaana la’aan ahaa imika muddo sanad ah, ayaa sheegay in uu soo iibsaday boor dheerarkiisu dhan yahay 3 mitir islamarkana uu balaciisu yahay 6 mitir si ay dadka meel dheer uga soo arkaan. Mr Rofe ayaa sheegay in saaxiibadii ay intooda badan guursadeen islamarkana qaar kale ay xiriir haasaawe muddo dheer ay ku jiraan. “Saaxibada aan leeyahay ayaan uga sheekeeyay sida aan ula daalaa dhacayo habka casriga ah ee internet-ka ee la iska shukaansado,waxaana kula kaftamay in boor inta aan sawirkeyga ku dhajiyo aan waddada dhigo” ayuu yiri. Waxaa uu intaa ku daray Mr Rofe in markii uu saaxibadii fikradan u soo jeediyay ay ku qosleen. “Waan ku qosolnay fikirkan markaasi ka dib ayaan ka fikiray inay fikrad wanaagsan tahay.” Ayuu yiri. Boorkan oo uu ninkani dhigay waddada Fairfield, ayaa waxaa ku dhagan sawirkiisa isaga oo dhinac-dhinac u jiifa kuna tiirsaday gacantiisa. Waxaa sidoo kale boorka uu ku qoray cinwaanka magaca barta uu internetka ku leeyahay ee lagu haasaawo ee DatingMark.co.uk. Bartan uu Internetka ku leeyahay ayaa waxaa uu ku qoray taariikhdiisa iyo in uu yahay “nin si aad ah u qurux badan ” islamarkana oo waxa uu casuumay qof kasta oo doonaya in uu la haasaawo” Mr Rofe, oo ka shaqeeya shirkad suuq geynta ka shaqaysa, ayaa sheegay in uu la yaabay inta qof oo la soo xiriirtay islamarkana uu qorshaynayo in uu u wada jawaabo. Waxaa uu yiri: “Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay u maleeyaan in aan waalnahay markaan bixinayay lacag dhan £425, balse haddii aan jeceyl helay marakasi waa raqiis. Qaran News
-
Donald Yamamota safiirka safaaradda mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa tagaarey doorashada maanta ka dhacday Galmudug isaga oo hambalyo u diray madaxweyne Qoorqoor Yamamoto ayaa sidoo kale qof walba ugu yeeray inuu ka shaqeeyo xasiloonida islamarkaana laga fogaado wax kasta oo qalalaase keeni kara la iskuna yimaado. Dhinaca kale safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku baaqay in xilligaan laga shaqeeyo sidii xoogga loo saari lahaa amniga dalka. Doorasho maanta ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor halka madaxweyne ku xigeen loo doortay Cali Daahir Ciid. Goobjoog News Source: goobjoog.com
