Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa la filayaa in ay war cad ka soo saaraan muran ka aloosan, cidda noqoneysa ku-simaha madaxweynaha Puntland, marka isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisu ay dalka ka wada-maqan yihiin. Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadd, ayaa ku muransan cidda noqonaysa ku-simaha madaxweynaha, marka ay maqan yihiin madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Golaha Wakiilada ayaa ku doodaya in haddii labadaasi mas’uul maqan yihiin ay awooddu u laabanayso Guddoonka Baarlamanka. Sidoo kale , Golaha Xukuumadda ayaa ku doodaya in haddii labadaasi maqan yihiin uu sii hayaha madaxweynaha noqonayo Wasiirka Caddaaladda, islamarkaana aysan wax door ah ku yeelan Karin Golaha Baarlamanka.. Muranka ayaa xoogaystay kadib markii Shalay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame uu madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo, kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirkiisa Caddaaladda. Abuukaate Ismaaciil oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin, ay tahay in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamaanka, maadaama Puntland ku dhisan tahay Parliamentary system. Puntland oo hadda ay dalka dibaddiisa ku wada-maqan yihiin madaxweyne Deni, ku xigeeniisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Abwaan Cabdirashiid Jibriil, waxaa ku sime madaxweyne ka ah Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta,Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Cawil Sheekh Xaamud. Balse, madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu isla maanta dib ugu soo laabto Puntland kadib safar uu mudda todobaad ah ku joogay dalka Jabuuti, halkaas oo sida la sheegay uu casumaad rasmiya ka helay madaxweynaha Jabuuti. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo la filayo in ay war cad ka soo saaraan Kusimaha madaxweynaha appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-240220.mp3 View the full article
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Kenya ayaa shaacisay in dagaalyahannada Al-Shabaab wiil dhalinyaro ah oo la dhashay mas’uul ka tirsan dowladda ay Jimcihii ka soo afduubteen magaalada Gaarisa, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Saraakiisha laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in wiilkaasi oo lagu magacaabo Daa’uud Bashiir Guure dagaalyahannadu ay kala baxeen hoygiisa. Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in Daa’uud lala soo aaday dhinaca Soomaaliya, islamarkaana ragga afduubtay tiradoodu ay gaareyso illaa 20 qof. Dhinaca kale saraakiisha Boolisku wali ma carabaabin mas’uulka uu la dhashay wiilkaan, marka laga tago in kaliya xogtaas ay bixiyeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Daa’uud Bashiir Guure kooxda Al-Shabaab ay uga shakisay inuu bixiyey xog la xariirta weerarada ay ka fuliyaan Waqooyi Bari, Kenya. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro khasaara geysta ka fuliya dalkaasi, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
  4. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa kulan la qaatay Wakiilo Ka Kala Socday UN, USA iyo safiirada dalalka La isku yiraahdo Copenhegan Group oo ah safiirada dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya,waxaana kulanka looga hadlayay Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan Marka la gaaro sanadka 2020-ka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Safiirada Caalamku ay ku bogaadiyeen Baarlamaanka Soomaaliya howlaha ay hayaan ee la xiriira Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan sameynta sharciyada muhiimka u ah Doorashooyinka Dalka,Sidoo kalena waxa ay amaaneen horumarada kala duwan ee ay gaartay Dowlad Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Kulanka iyo qodobadii kasoo baxay. “Waa markii 3aad oo uu shirka nuucaan dhaco, waxaana la iska wareystaa arrimaha dalka taagan, Ajandaha ugu weyn waxa ay ahayd doorashada nagu soo fool leh u diyaar garowgiisa, waxa ay aad ugu hambalyeeyeen Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda sida ay u soo diyaareen sharciga doorashooyinka, waxaa la iska xogareysanayay diyaar garowga doorashada, qoondada haweenka iyo sidii loo asteyn lahaa meelaha laga codeynayo”.ayuu yiri Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo la kulmay safiirada Caalamka u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Israeli men continue to arrive in Turkey to have hair transplant operations, despite strained political relations between Israel and Turkey. Source: Hiiraan Online
  6. Togo President Faure Gnassingbe has won a fourth term in power, the national electoral commission declared on Monday, as his main rival accused authorities of fraud. Source: Hiiraan Online
  7. The war-scarred Somalia has lost its lustre as a market outlet for Kenya's goods despite the heavy investments that Nairobi has made to restore political stability in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay shirka watashiga beelaha Mudulood oo ay ka qeyb-galeen siyaasiyiin kasoo jeedda beesha, oo ay ka mid yihiin madaxwenayaal hore. Xubnaha la xusi karo ee shirka goobjoog ka ahaa waxaa ka mid ahaa madaxweynayaal hore Cali Mahadi Maxamed, iyo Xasan Sheekh, iyo siyaasiyiin uu ku jiro xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo imaamka beesha Mudulood. Shirkaas ayaa waxaa xalay laga soo saaray war-murtiyeed ay qodobadiisa ugu weynaayeen. 1 – In dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku dhaqmaan, islamarkaana ilaaliyaan dastuurka dalka Soomaaliya. 2 – In howl-galka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom uu dhex-dhexaad ka noqdo arrimaha siyaasadda Soomaaliya. 3 – In si wadajir ah looga horjeesto wixii sababi kara qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, islamarkaana xal nabadeed loo maro khilaafaadyada jira; lana dhiso qaran waara oo ka shaqeeya maslaxadda guud. 4 – In dhowaan la qabto shirweyne u dhantahay beesha Mudulood dal iyo dibad, kaasi oo looga tashanayo aayaha beesha. 5 – In beesha Mudulood raadiso maqaamka siyaasadeed iyo xuquuqda gobolka Banaadir uu ku leeyahay nidaamka maamul ee dalka. 6 – In la dhisay Guddiga qabanqaabada Shirka wadatashiga Beelweyne Muddulood oo si degdeg loo qaban doono, ayna kasoo qeybgeli doonaan dadka gudaha iyo dibadda. 7 – In beeshu kaalin firfircoon ku yeelato doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/2021. 8 – Waxaa beesha caalamka looga mahad-celinayaa taageerada ay siiyaan Soomaaliia. Waxaa kaloo Bulshada caalamka iyo AMISOM laga codsanayaa inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wada qorshe xooggan oo uu doonayo in ciidankiisa ay kula wareegaan gacan ku haynta magaalada Bu’aale oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulkiisa, ka hor dowladda federaalka. Taliyaha guud ee ciidanka dowlad goboleedka Jubaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in Jubaland ay diyaarisay qorshihii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab laga soo saari lahaa gobolka Jubada Dhexe, islamarkaana maalmaha soo socda ay la billaabi doono. Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Jubaland loo dhameystiray qalabkii ay kula dagaallami lahaayeen Al-Shabaab, islamarkaana sanadkaan la xoreyn doono deegaano badan. Muhiimadda qabsashada magaalada Bu’aale ayaa ah mid ka baxsan Al-Shabaab, waxayna qeyb ka tahay loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland. Dowladda oo hadda gacanta ku dhigtay inta badan gobolka Gedo, ayaa tallaabada xigta ee ay qorsheyneyso waxay tahay inay Al-Shabaab ka saarto gobolka Jubada Dhexe, gaar ahaan magaalada Bu’aale. Dowladda oo aan aqoonsaneyn maamulka Axmed Madoobe ayaa haddii ay gacanta ku dhigto Bu’aale iyo guud ahaan Jubada Dhexe, waxay macnaheedu tahay inay maamuli doonto laba ka mid ah saddexda gobol ee maamulka. Tallaabada xigta ayaa waxay markaas tahay in dowladda ay ku dhowaaqday maamul Jubaland oo cusub, sida ay horey u shaacisay inay sameyneyso, kaasi oo noqon doono maamulka la aqoonsan yahay oo xaruntiisa ay tahay Bu’aale. Axmed Madoobe, oo ka war-haya in haddii Bu’aale iyo Jubada Dhexe ay u gacan galaan dowladda, uu maamulkiisa soo koobmi doona, ayaa hadda doonaya in ciidankiisa ku hormaro qabsashada Bu’aale.
  10. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal shalay ay ka sameeyeen Gobolka Gedo waxay ku taggeen, oo ay ku saldhig dhigteen xuduuda kala qaybisa Degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandhera, oo ku yaala xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada Dowladda ayaa aad ugu dhawaaday goobta ay xuduuda dhanka Mandhera kaga sugan yihiin Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, taas oo baqdin ku keentay dadkii xuduuda deganaa, oo baqdin awgeed uga barakacaya guryahooda. Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dadka dhaqan Degmada Beled Xaawo ayaa warbaahinta Dhacdo u sheegay in Ciidamada Dowladda la wareeegeen xaafadaha Dhabad, Xaashaawe iyo Immigration-ka, oo ku yaala xuduuda, soona xigga dhinaca Soomaaliya. “Ciidanka Dowladda waxay saakay ku fideen xuduuda. Ciidanka ayaa la wareegay gacan ku haynta xaafadaha Xaashaawe, Dhabad iyo Immigration-ka oo ka soo horjeeda Kastamka xuduuda, oo Kenya ay maamusho.” Ayuu yiri Daahir Aadan Maxamuud. Daahir Aadan Maxamuud oo sawir ka bixinaya goobaha ay Ciidamada Dowladda la wareegeen iyo ujeedada ay xilligan u taggeen ayaa yiri “Meelaha ay Ciidanka Dowladda la wareegeen waa waddo dheer oo xuduuda ku taala, hadana waxay jooggaan dhulka xuduuda ee labada dal ay wadaagaan, gaar ahaan qaybta Soomaaliya ayay jooggaan, kuwii kale ee Jubbaland ayagana waxay ku sugan yihiin meesha la dhaho BIBI ONE, waa xuduuda dhinaca Kenya.” Sidoo kale wuxuu yiri “Laba habeen ka hor ayaa madaafiic lagu soo tuuray Xerada Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Beled Xaawo, madaafiicdaas ayay baareen, waxayna ogaadeen inaysan Al Shabaab ka dambeen, oo kuwa Jubbaland ay soo tuureen, laakiin weerarkii toddobadkii hore lagu soo qaaday Xerada UK ee Ciidanka Dowladda ku leeyihiin magaalada, askarta Jubbaland kama aysan dambeen, Al Shabaab ayaa weerarkaas soo qaaday.” Daahir Aadan ayaa xaqiijiyay in hawlgalka ay Ciidamada Dowladda kula wareegeen deegaanada xuduuda dhaca, ay baqdin ku abuurtay dadkii deegaanka, kuwaa oo bilaabay inay isaga barakacaan xuduuda. “Marka la wareegitaanka Ciidanka Dowladda ee xuduuda waxay cabsi ku keentay dadka ku dhaqnaa Xaashaawe iyo Dhabad, aad ayaa looga soo barakacay Xaashaawe. Dadka kale ee ku nool deegaanada xuduuda qaybta Kenya ayagana barakac ayay sameeyeen, dhanka Mandhera ayay u barakaceen. Labada dhinacba dadka waxay cabsi ka muujinayan in lagu dul dagaalamo.” Ayuu yiri Daahir Aadan. Waa markii ugu horeysay ee Ciidamadii Dowladda 4-tii bishan la wareegay Degmada Beled Xaawo, ay gaaraan xuduuda degmadaasi la leedahay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
  11. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay gobolka Jubbada Dhexe. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay ,in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya, ay shalay oo ku beegnayd 23/2/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen tuulada Dujuumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay in ay ku dhawaceen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay Janeraal Gregory Hadfield, ku xigeenka Agaasimaha sirdoonka Mareykanka ee Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika. Qoraalka Mareykanka waxa kale oo lagu sheegay in la sii wadi doono howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab si loo yareeyo awoodooda. Todobaad gudihiis ayaa Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaa uu duqeyn ka fuliyey degaano ka tirsan gobolka Jubbada dhexe,waxaana xusid mudan in gobolkaas ay intiisa badan gacanta ku hayaan Al-Shabaab,hayeeshee dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ay wadaan sidii ay ula wareegi lahaayeen. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo faahfaahiyay duqeyn uu ka fuliyay gobolka Jubada dhexe appeared first on Puntland Post.
  12. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Booliska dalka Kenya ayaa howlgal ka sameeyay Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Kenya ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay 2 qof oo Mukhalasiin ah iyo 11 qof oo Dumar oo ay tahriibinayeen. Sida laga soo xigtay Waaxda Baarista C.I.D 11-ka dumarka ah ee la tahriibinayay oo dadooda u u dhaxeyso 23 ilaa iyo 30 sanno ayaa ku jiray qol ku yaalla state-ka lagu magacaabo Ushirika ee Islii. Labada Nin ee tahriibinyay dadkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman, waxaana lagu wadaa in in maanta oo Isniin ah la soo taago Maxkamada Nairobi. PUNTLAND POST The post Booliiska Kenya oo hawlgal qorshaysan ku qabtay Mukhalasiin appeared first on Puntland Post.
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Qorshihii uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku doonayey inuu ku dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Somaliland, kuna kulansiiyo labada madaxweyne ayaa fashilmay, waxaa sidaas weriyey wargeyska The East African. Qorshaha booqashada Farmaajo ee Hargeysa, oo markii hore uu diiday madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa ka fal-celiyey Abiy Ahmed oo wafdi heer sare ah u diray Somaliland si mar kale looga dhaadhiciyo, hase yeeshee Hargeysa ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda. “Booqashada Farmaajo ee Hargeysa waa riyo malameed, iyo howl-gal aan macquul ahayn. Dowladda Somaliland waxay u taagan tahay ilaalinta madax-banaanideeda iyo sharafteeda dhuleed,” waxaa sidaas yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liban Yuusuf Cabsiye. Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baare ku takhusasay arrimaha Geeska Africa iyo Gacanka, horeyna ula shaqeeyey hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee ICG, ayaa sheegay in qorshaha Abiy Ahmed uu bilowgiiba qalad ku billowday. “Maamulka Itoobiya aqoon buuxda kama haystaan xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana caddeyn u ah dhacdooyinkii toddobaadkii tagay. Labadan dhinac waqtigan ma yeelan karaan wada-hadallo toos ah, oo aanay dhexd-dhexaadin dhinac saddeexad, oo aan ahayn dalalka Geeska Africa,” ayuu yiri. “Waxaan filaa inay soo geba-gebowday diblomaasiyaddii ra’iisul wasaare Abiy. Waxay sii hurineysaa xiisad. Addis waa inay dib u gurataa.” Ma cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Abiy Ahmed, hase yeeshee kulan kale oo dhex mara Farmaajo iyo Muuse Biixi, kadib midkoodii koobnaa ee Addis-Ababa, ayaa u muuqda inuu ka dhici karo oo kaliya meel aan Hargeysa ahayn.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay qarineyso khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sidoo kale sheegay in “ciidankaas la dayacay.” “Allaha u naxariisto ciidankii shuhaddada ahaa ee lagu laayay Ceel Salliini. Waxaan xog ku heynaa in ciidankaas la dayacay, cadawgana loo baylahiyey,” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Waxa uu intaas ku dara “Tiro 3 jeer ayaa la soo wareeray, iyadoo ay Al-Shabaab mar walba ciidan caabboon ku soo weerarayeen xerada. Ma jiro ciidan beddela, ama lagu xoojiyo ciidanka la laayey, sababtuna waa in ciidankii xoogga dalka loo daabulayo in lagu qabsado deegaanno nabad ah oo Alshabab laga xoreeyey.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay “warbaahinta ku cadaadisay” inaysan ka hadal khasaaraha weerarkaas. “Madaxda Dowladda Federaalka waxay qarinayaan ciidanka ay Alshabaab laayeen, warbaahintana waxay ku cadaadiyeeen in aysan ka hadal. Waxaa kaloo wax laga naxo ah in aysan Aaskooda tegin, eheladooda u tacsiyeynin, agoontii ay ka tageena booqan, kuwii ka harayna niyadda u dhisin. Dad sidaa u dhaqmaya miyaan ka rumaysan karnaa in ay ciidan dhisayaan, cadawga Alshabab-na jebinayaan,” ayuu yiri. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma uusan soo bandhigin wax tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee uu ogyahay in ciidamada qaranka kasoo gaaray weerarkii Ceel-Saliini. Maalinkii weerarka uu dhacay ayaa xogta la helay ee warbaahinta qaar ay werisay waxay sheegeysay in weerarkaas lagu dilay 24 askari. Al-Shabaab ayaa sheegatay dhimashada 40 askari.
  15. Last year Kenya scored a diplomatic goal against Somalia after it was elected to chair the Contact Group On Piracy Off the Coast of Somalia. The Contract Group was formed in 2009 in line with United Nations Security Council Resolution 1851 to respond to the menace of pirates that attacked many ships and held hostages for ransom. “Kenya is in a maritime dispute with Somalia. The chairmanship of the Contact Group On Piracy Off the Coast of Somalia (CGPOSC) will provide Kenya with an opportunity to form solid friendships with members of CGPOSC” Abdirisaq Mahamed Dirir, the former Director of Puntland Anti-piracy Agency, told Puntland Post. Abdirisak M. Dirir: Kenya to benefit from CGPOSC Chairmanship “This opportunity may help Kenya gain an advantage in the maritime dispute with Somalia” Dirir said. The Somali Federal Government was officially invited to attend ceremony to take place on the 27 February, when Kenya will officially take over chairmanship of CGPOSC. The Federal Government of Somalia has not made its stance clear on the Kenya chairmanship of the CGPOSC nor has it allayed fears that this high profile maritime role for Kenya might prejudice the ruling of the International Court of Justice. Listen to the interview in Somali © Puntland Post Monthly, 2020 The post KENYA TO OFFICIALLY TAKE OVER CHAIRMANSHIP OF THE CONTACT GROUP ON PIRACY OFF THE COAST OF SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  16. Taliyaha guud ee ciidamada dowlad goboleedka Jubaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Jubaland ay diyaarisay hawlgal ballaaran oo Al-Shabaab looga xoraynayo gobolka Jubada Dhexe. Hawlgalkaas oo sida uu sheegay maalmaha soo socda bilaaban doona. Hawlgalka ayaa si gaar ah u bartil-maameedysan doona magaalada Bu’aale ee xarunta gobolkaas Jubada dhexe halkaas oo dowladda Federaalkuna doonayso in ay Jubaland uga hormarto. Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka Jubaland loo dhameystiray qalabkii ay kula dagaallami lahaayeen malayshiyaadka Al-Shabaab si loo xoreeyo degaannada Jubaland gacanteeda ka maqan ee Al-shabaab maamulaan. Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-shabaabs sannadkan gudihiisa laga saari doono dhammaan degaannada ay kaga sugan yihiin dhulka jubaland halkaas oo sida uu xusay ay dhib ku hayaan shacabka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ku dhawaaqday hawlgalka xoraynta Bu’aale appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-___-Qumanha-Waraka-23022020.mp3 View the full article
  18. Dowladda Kenya ayaa sida qorshaysan Khamiista todobaadkan oo ku beegan 27- bishaan February, waxay si rasmiya ula wareegi doonta Shir-guddoonka Kooxda Xiriirka La’dagaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya ee loo yaqaan The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia. Munaasabadda ay xilkaasi kula wareegayso oo ka dhacaysa Jasiiradda Mauritius waxaa lagu casumay dowladda Soomaaliya si ay uga qeyb-gasho. Arrintaas ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay socoto dacwadda badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya. Haddaba maxay Soomaaliya uga dhigantahay? Puntland Post ayaa arrimahaasi ka wareystay Agaasimihii hore ee La’dagaallanka Burcad-badeedda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane). Halkaan ka daawo wareysiga oo dhan ©PUNTLAND POST The post Maxay ka dhigantahay in Kenya oo todobaadkan la wareegayso CGPCS? appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynihii hore ee Somaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta sheegay in Midnimo la’aanta Beesha Mudulood ay keentay in ayagoo soo taagan hortooda lagu toogtay [...] Source
  20. Somalia’s political conflict is not about lack of unity but is about lack reaching a political agreement Somalia is one of the strategic and immensely rich country in the world, a country which situated in strategic geographical location that is Important for trade and international connectivity, a country with abundant arable land and fertile soil but being away in world stage for the last three decades due to a prolonging civil war and violence, political instability, tribalism that lagged behind the country and put into chaos. Somalia became an example of every bad thing, corruption, gender abuses, discrimination, radicalism and terrorism, and many others. However the Long-standing political conflicts between the Somali stakeholders holds back the country and make Somali society lose hope and confidence in a better future, approximately 5million Somalia‘s population fled the country to other neighboring countries and cross the sea seeking for a better life and future for their children and family, according to UNHRC Somalia have biggest refugee diaspora, despite that, there have been numerous efforts to restore peace and stability and to rebuild Somalia from the international community and other interested countries of better Somalia. Efforts to rebuild Somalia In 2004 after almost 14 years of active civil war, the first transitional federal government was formed in Kenya with the mandate to restore order, formulation of the federal constitution, reconciliation for Somali people, and fight against the terrorist groups control the most parties of the country, actually these tasks was not easy to work to do when you looked at the financial and military capacity of the government but government reaches milestone achievements despite great challenges faced, the government did its best to work hard to ensure the minimum expectations of the international community and Somali people are met with the specific period given to restore peace and order in Somalia. The key achievements reached was re-installing back dismantled government bodies with strategic objectives of building the national army, formulation of the provisional federal constitution, and creating enabling environment for greater social dialogue for civil reconciliation of all Somalia people who have been divided by the civil war. Deeply Understanding conflict in Somalia. Somalia’s political conflict is not about lacking a unity but is about lack reaching a political agreement, People may have different opinions regarding the protracted conflict in Somalia. You could hear or see people arguing who is right and who is wrong whenever conflict raises within the Somali stakeholders, immediately public is divided into two groups those who support the federal government’s position and those who bitterly oppose it mainly from federal states. it truly appears that the problem is much bigger and more serious than one single conflicting issue. There is lack of trust and unified political agreement among Somali stakeholders, Somalis agreed federal system but prior implementation of the federal system, the constitution which is the where the process begins is still under review, and some articles in the constitution is complicated to agree especially resource and power-sharing, while some foreign countries also aiding for the delays of final approval of the constitutionregarding on their interest, therefore unless the federal constitution is agreed there will often be a hasty politics in Somalia, in addition to that Somali stakeholders are unwilling to compromise for the sake of the suffering Somali people and this is also another big challenge which often triggers the political conflict in Somalia. However, if want to see better united Somalia once again needs a lot of work to be done not only from the side of international community but also within the Somalia stakeholders, Somalis should learn the culture of political compromise which is good for the people and country`s development. As well as restore the imperative cooperation among Somalia stakeholders to pave the way for final constitution approval and stop touching the wound while the healing process going, avoid hasty politics which is perilous for the country`s way forward, in other side develop unified cooperative security strategy to combat against terrorist groups which also threatening all the efforts to rebuild Somalia. Mr. Ahmed Abdullahi Isse ahmedrabiile0@gmail.com The post The political conflict in Somalia, what is it all about? appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shacabka u diray digniin xooggan oo ku saabsan khasaare culus oo kasoo gaari kara inay lacagtooda ku darsadaan shirkadaha ka shaqeeyaa suuqa kala iibsiga sarrifka lacagaha qalaad ee Forex (Foreign Exchange Trading Market). Qoraal kasoo baxay Bankiga Dhexe ayaa lagu yiri “Shirkadahaasi waxay macaamiishooda u ballan qaadaan faa’iido badan oo gaareysa 70%. Bankiga Dhexe wuxuu rumaysan yahay in uu ganacsiga noocan ahi khasaare badan usoo jiidi karo dadka maalgashada.” Qoraalka ayaa sidoo kale intaas ku daray inaysan jirin shirkado Ruqsad ama Ogolaansho (License) ka haysta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo ka ganacsada sarrifka lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah (online forex trading). “Sidaas awgeed, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo ee la xiriira korjoogtaynta habmaaliyadeedka dalka, ilaalinta xasiloonida suuqa maaliyadda iyo dhowridda hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu mar kale uga digayaa shacabka iyo ganacsatadaba inay ka feejignaadaan shirkadahaas sare ku xusan, hantidoodana aysan ku aaminin adeeg maaliyadeed oo aan ogolaansho looga haysan Bankiga Dhexe,” Ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Bankiga Dhexe ayaa yimid saddex maalmood kadib markii warqad kasoo baxday xaafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa lagu hakiyey bixinta rukhsadaha ama diiwaan gelinta shirkadaha ka shaqeeya adeeggsa sarifka online-ka ee loo yaqaan Forex. Hoos ka aqriso warqadda uu soo saaray Bankiga Dhexe
  22. Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowlad gobaleedka Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta maamulkaas ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaado gobalka Jubbada dhexe. Taliyaha ayaa sheegay in howlagallada laga fuliyey deegaanno ay ka mid tahay Jamaame iyo kuwo kale oo hoos yimaado Jubbada dhexe ay fuliyeen ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa xooga Dalka isaga oo xusay in khasaare ay gaarsiiyeen Al-shabab. “Aagaas Jubbada dhexe jab ayaa lagu gaarsiiyey khasaare dhimasho iyo dhaawac ayay kala kulmeen oo ilaa 8 dagaalamayaal ayaa lagu dilay waxaana lagu lagu dhaawacay tiro sidoo kale waxaa lagu burburiyey fariisimadii ay ku lahaayeen goobta ee ay ka soo duuli jireen waana la kala ceyriyey” ayuu yiri Taliye Ibraahim. Sidoo kale taliyaha oo hadalkiisii sii wata ayaa xusay in howlgalka ay ka qeybqaadanayaan ciidamada daraawiishta Jubbaland, iyo ciidamada xoogga dalka qeybta 43-aad waxaana uu intaas raaciyey in howlgalku yahay mid isku tashi ah. “Waa howlgal mideysan haddana sidii ayaan uga mideysan nahay waana ka qeyb qaadaneynaa annaga iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee qeybta 43-aad, cid weliba oo naga gacan siineysa waan soo dhaweyneynaa howlgalkaan waa isku tash”. Dhanka kale Taliyaha ciidanka darawiishta Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in howlagalladu ay sii socon doonaan inta ciidamadu ay ka gaarayaan deegaannada ka maqan gacanta dowlad gobaleedk Jubbaland ee gacanta ugu jira Al Shabaab. “Waxaa qorsheysan howlgallo loogu talo galay in lagu xoreeyo gobalka Jubbada Dhexe iyo deegaannada kale ee ku jira gacanta Al-shabab, hadda waxaa ay marayaan meel gabo -gabo ah, sidaas darteed waxaan rajeynayaa in dhawaan goobaha aan qorsheynay ay gaari doonaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka”. Hadalka ka soo yeeray Taliyaha ciidamada daraashiishta Jubbaland ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maalmihii tagay howlagallo ay ciidamada wajirka ah ay ka wadeen deegaannada jubbaland,walow ciidamadu horay deegaannada qaar inta gaaraan ay dib uga soo laabtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay furitaanka shirka wadatashiga beelaha Mudulood ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan tan magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marar badan la weydiiyey sababta marka uu madaxweynaha ahaa wax uga qaban waayey dhibaatada iyo xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir, isagoona jawaabta uu bixiyey ku sheegay in aysan moogeyn xaaladda jirta, balse dowladnimada ay soo bilaabeen, islamarkaana inta aysan soo gaarin halkan uu waqtigii ka dhammaaday. ”Aqyaarta halkan fadhisa iyo aqyaar kalaa su’aal i weydiisay marar badan oo igu yiri madaxweyne baad soo ahaydee magaaladaan aad leedahay dadkeeda hala waxeeyo adigu maxaad u waxeyn weysay? anaga dowladnimadaan soo bilownay, mana aanan moogeyn intii aanan halkaan soo gaarin buu waqtigii naga dhamaaday”. ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey hal hayskii lagu yaqiinay ee Qabyo ”hal hayskii caanka ahaa ee dad badan cilladeeyeen ee Qabyo ahaa, maamulka Muqdishana qabyaduu ka mid ahaa”. ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Xasan Sheekh oo sii hadlayey ayaa xusay in aan la caburin karin shacabka Muqdisho, islamarkaan ay xaq u leeyihiin inay shiraan, kana tashadaan aayahooda. “Ma shiri kartiin maamul ma dhisan kartiin aayihiina kama tashan kartiin meel ay ku banaan tahay ma jirto Dastuurka ma qabo, Diinta islaamkana ma qabto”. ayuu markale yiri. Ugu dambeyn wuxuu qiray in dadka ku dhaqan caasimada oo haatan la daala dhacayo dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan xirnaashaha waddooyinka muhiimka ah ay muujiyeen dul qaad, islamarkaana uu ku amaanayo, kuna sii dhiiragalinayo markasto. Hoos ka daawo muuqaalka Xasan Sheekh
  24. Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta u Tacsiyeey Waalidiintii iyo Eheldii Ciidamadii Somaaliyeed ee Kooxda Alshabaab ku Xasuuqeen wererkii ay ku qadeen [...] Source