-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe oo safar cirka ah ku tagay Dhoobley, waxaa soo dhaweeyey boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehelinayaan sarakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagaas ka howlgala, sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la sheegay inta uu Dhoobley ku sugan yahay in uu la kulmi doono qeybaha bulshada iyo masuuliyiinta maamulka degaanka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo diyaarad ku tagay Dhoobley appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamanka maamulka Hir-Shabeelle oo shir jara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in dadkii lahaa lagu wareejiyo “dhagax qaali ah” oo laga helay deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan. Dhagaxaan ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay heleen dadka deegaanka Ceel-Cali, kadibna ay Al-Shabaab xoog uga qaateen, iyagoo laba ruux ka dilay, kuwo kalena ka dhaawacay dadkii helay dhagaxaas. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibanada qabtay shirkaas jaraa’id, deegaan doorashadiisuna tahay gobolka Hiiraan, ayaa sheegay dad ganacsato ah ay Al-Shabaab Dhagaxaas uga soo iibsadeen lacag dhan $264,000, (Labad boqol lixdan iyo afar kun oo dollar). Dhagaxaas ayuu sheegay Xildhibaan Jeesow in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qabteen deeganka Siinka-Dheer ee koonfurta Muqdisho, sidaasna ay kula wareegeen. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa madaxda dowladda federaalka ka dalbaday in ay dib ugu celiyaan dadkii lahaa Dhagaxaas oo si xoog ah ay Al-Shabaab uga qaateen, lacagta intaas la egna uga iibsaday dad ganacsato ah. Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun ayaa si lamid ah iyaduna dalbatay in maadaama dhalinyaro badan lagu dilay dhagaxaas ay dowladdu ku wareejiso dadkii lahaa, iyadoo si gaar ah baaqaan ugu dirtay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Dhankiisa guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa ciidamada maamulka Hir Shabeelle ugu baaqay in ay ka hor tagaan dadka qaadanaya kheyraadka deegaanada maamulka, waxuuna dowladda federaalka uga mahad celiyey sida ay gacanta ugu dhigeen dhagaxaas laga helay deegan ka tirsan Hir-Shabeelle. “Cidii Shabaab kala macaamisha kheyraadka dalka Shabaab ayey lamid tahay” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre. Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id
-
Iyada oo khilaaf uu u dhaxeeyay baarlamaanka Puntland iyo xukumadda madaxweyne Deni kaasi oo salka ku hayay cidda noqonaysa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi marka ay dalka kawada maqanyihiin madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa maanta waxaa go,aan khilaafkaasi ka soo saaray guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada dowlad goboleedkaasi. Guddiga go’aanka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in hanaanka dowlad goboleedka Puntland uu yahay mid baarlamaan ah islamarkaana awoodda ku simaha madaxweynaha ay ku soo laabanayso gudoonka baarlamaanka maamulkaasi. Sidoo kale guddigan ayaa tilmaamay in uu jiro sharci sheegaya in aysan jiri Karin daruuf sababi kara in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay halmar dalka wada maqnaadaan. Khilafkan ayaa ku soo aadaya xilli ay wada maqanyihiin madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash, waxaana xukuumada iyo baarlamaanka ay isku qabteen cidda ku simaha noqonaysa. Halkan ka akhriso go’aanka ay soo saareeb guddiga joogtada ah ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland. Go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland ee fadhigoodii 23.02.2020. KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADU; MARKUU ARKAY:- Dastuurka Dawladda Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad. MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Dawladda Puntland ee Xeer Lr.5 ee 8/09/2005. MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad. MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020. WUXUU GUDDOOMIYEY:- In Hannaanka Dawladda Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL. 2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka. 3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan. 4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
South West state president Abdiaziz Hassan Laftagareen has sacked two ministers in a decree Monday and announced immediate replacements. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland go’aan ka gaaray khilaaf ka dhashay qofka noqonaya Kusimaha Madaxweynaha Puntland haddii Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa ay dalka ka maqnaadaan. Guddiga joogtada ah waxay xuseen in uusan jirin qodob dastuur ah iyo xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka, balse waxay sheegeen hadii ay dhacdo in awoodda ku simaha Madaxweynuhu ku wareegayso Guddoonka Golaha Wakiillada. Khilaafkan ayaa waxaa uu u dhexeyay golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta iyadoo mid walba uu sheeganayay in uu leeyahay kusimaha Madaxweynaha. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Puntland ayaa kulankooda kadib waxa ay soo saareen go’aanka cidda noqoneysa ku simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland marka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay maqan yihiin, iyadoo sidoo kale go’aanka Baarlamaanka Puntland lagu sheegay in Golaha Wasiiradu ay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu. Go’aanka ka soo baxay Guddiga ayaa u qornaa sidan;- MARKUU ARKAY:- Dastuurka Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad. MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Puntland ee Xeer Lr.5 ee 08/09/2005. MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad. MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020. WUXUU GUDDOOMIYEY:- In Hannaanka Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL. 2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka. 3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan. 4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.
-
Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa gaadhay wadanka Baxreyn, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey oo ay kulan laba geesood ah wada-qaateen dhiggiisa dalkaasi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Zayed R. Al Zayani. Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen siddii loo abuuri lahaa Ganacsi toos ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Baxreyn isla mar ahaantaana la isku furo suuqyada Ganacsi ee labada dal oo la helo khad Maraakiibeed iyo mid Duulimaadyo toosa ah. Waxa kale oo ay carabka ku dhufteen siddii Xoolaha, Kalluunka iyo Dallaga Beeraha Soomaaliya loo keeni lahaa suuqyada Baxreyn. Wasiiradu, waxa kale oo ay isla-garteen in la helo is-afgarad u dhaxeeya labada Wasaaraddood oo la xidhiidha Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashiga Dhaqaalaha isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah kana shaqeeya siddii loo abuuri lahaa xidhiidh Ganacsi iyo weli ba in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo dhiggooda Baxreyn sidoo kale na la isku xidho Bangiyada Soomaaliya iyo kuwa Baxreyn si ay u fududaato hannaanka bixinta lacagaha badeecadahu maadaama ay Baxreyn tahay goobta kulmisa Baananka Bariga Dhexe. Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisu, waxay intaas ka dib booqasho ku tageen Suuqa Saamiyada lagu kala iibsado ee dalka Baxreyn oo inta badan shirkadaha ku jiraa ay yihiin kuwo ay lee dahay Xukuumaddu sidoo kale na waxay booqdeen qeybo ka mid ah Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn gaar ahaan Waaxda Diiwaan-gelinta Shirkadaha Maal-gashiga iyo Waaxda Xakameynta tayada badeecadaha iyo Agabka Ganacsi ee dalka Baxreyn. Waxa kale oo Wasiirku uu booqday shirkadda Tenmou oo ah shirkad Maal-gelin ku sameysa fikradaha Ganacsi ee cusub gaar ahaantaan dhanka Tiknoolajiyadda Isgaadhsiinta, Dalxiiska iyo Duulimaadka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Fowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si diiran loogusoo dhaweeyey Bosaso maanta oo isniin ah. Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu maqnaa Dalka Jabuuti. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah oo looga doodayey Miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaas. Xildhibaanada oo dood dheer geliyey miisaaniyadda ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu dambeyn isku raacay ansixinta Maasaaniyadaas oo gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar). Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Cali Gacal ayaa sheegay inay Xildhibaanada Galmudug u codeeyeen Maasaaniyadda lasoo gudbiyey isla markaasna ay hadda wixii ka dambeeyo tahay mid ansax ah. Miisaaniyadda Maamulka Galmudug ayaa waxay sanadkii 2018 aheyd 8 Malyan, waxayna sare u kacday 50% marka la fiiriyo Miisaaniyadda sanadkaan 2020. Fadhigii Maanta ay Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadkaan 2020 ayaa waxaa loo diiday inay ka qeyb galaan Saxaafadda. Ilaa hadda Guddoonka Baarlamaanka Galmudug faahfaahin kama bixin sababta keentay in saxaafadda loo diido isla markaasna ay noqoto ansixinta Miisaaniyadda 2020 mid qarsoon. Maamulka Galmudug ayaa hadda ku jiro xaalad jahwareer ah, waxaana iska garab dhisan illaa seddex Maamul oo ay kala hoggaaminayaan Ahlu Sunna, Dowladda Federaalka iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo aaminsan inuusan weli dhammaan waqtigiisa.
-
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi ayaa fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa dhaliisha joogtada ah la daba taagan dowladda. Geedi ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in aysan niyad jabin shacabka , islamarkaana laga rabo inay dalkooda u turaan. Sidoo kale wuxuu cararbka u ku dhuftay in siyaasiyiintaasi uu hayo Strees, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxa uu kula taliyey xubnaha mucaaradka in dowladda ay la shaqeeyaan sida ay u jeclaan lahaayeen in markooda loo garab istaago. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Onkod.mp3 View the full article
-
Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey), guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta waxaa ay kulankii billaha ahaa la qaaday wakiillada beesha caalamka sida qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afika iyada oo u sharaxday sharciga doorashada ee uu madaxweynaha saxiixay 20-kii bishan, Puntland iyo Jubbaland oo ishortaag ku sameeyey shaqada xafiiska guddiga, tababarro la sameeyey iyo xisbiyo cusub oo la diiwaangeliyey. Kulanka oo ay wada shir guddoominayeen Raisendon Zenenga oo ah ku-xigeenka ergayga Q.M ee Soomaaliya ayey ugu horreyntii, guddoomiye Xaliimo Yareey waxaa ay sharaxday waxa uu ka dhiganyahay saxiixa madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee sharciga doorashada iyada oo tiri “ Saxiixa sharciga doorashada waxaa uu ahmiyad u leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo hagid iyo taageero la garab taagnaa hannaanka dimiqoraadiyadda toboneeyo sano” iyada oo intaas raacisay “ Sharcigan cusub waxaa codbixiyaha Soomaaliyeed siin-doonnaa xaq iney doortaan siyaasigii matali lahaa taas oo ay aheyd xuquuq ka maqneyd shacabka Soomaaliyeed 50-kii sano ee la soo dhaafay. Guddoomiyaha waxaa ay sheegtay inta aan la saxiixin sharcigan iney kullamo kala gaar ah la qaadatay madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka, guddiga arrinka loo xilsaaray iyada oo kala hadashay arrimaha farsamo ee aan lagu gorfeyn labada aqal taas oo ka hor istaagi karta guddiga iney qabtaan doorasho xor oo xalaal ah 2020-ka. Waxaa kale oo walaac ka muujisay in baarlamaanka uu xirmay kalfadhigiisa iyada oo aan la anisixn waxka bedalka sharciga xisbiyada taas oo hadda dib ugu dhici-doonta April marka ay 2-bada aqal noo noqdaan. Dhanka kale, Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey), guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa ay beesha caalamka kala hadashay tallaabo ay dhowaan xafiiska guddiga ay ku xireen maamullada Puntland iyo Jubbaland iyada oo tiri “Go’aankooda waxaa uu ku lug lahaa is afgaranwaa siyaadeed ee u dhaxeeyey dowladda federaalka ah iyo labada dowlad goboleed. Waxaa kale oo ay ka hadashay booqashooyin ay ku tagtay maamul goboleedyada koonfur galbeed, Hirshabele iyo Galmudug labadii todobaad ee ugu dambeysay iyada oo ujeedka ku sheegay inuu ahaa xoojinta xiriirka guddiga iyo maamul goboleedyada iyo in loo sheego diyaar-garowga guddiga ee doorashada 2020-ka, dhankooda 3-da madaxweyne waxay balanqaadeen in doorashada deegaanadooda ka dhici-doonto 2020-ka. Ugu dambeyntii, Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa ay beesha caalamka u sheegay iney diiwaan-geliyeen ilaa 4 xisbi oo cusub, taas oo ka dhigeysa tirada xisbiyada sida KMG ah u diiwaangeshan ilaa 76 xisbi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in saacadaha soo socda shir xasaasi ah ay ka yeeshaan xaaladda guud ee dalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galaya ergeyga gaarka ah ee QM, James Swan. Egeyga ayaa jeedin doono khudbad uu uga hadlayo xaaladda ammaan, mida siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Soomaaliya. James Swan ayaa sidoo kale la filayaa in khudbaddiisa uu ku soo qaado arrimo ku saabsan doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan dhammaadaka sanadkaan 2020/2021-ka. QM ayaa dhinacyo badan ka taageerta dowladda Soomaaliya, sida arrimaha bani’aadanimada, dhaqaalaha iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. View the full article
-
Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen askari maanta dil ka geystay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarunta INJI, waxaana loo geystay askari kale oo ka mid ahaa ciidamada Ahlu Sunna Waljaamaca. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex galay labada askari. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga wax dilay ee la qabtay uu ka mid yahay ciidanka ilaalada ee wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Saada Sh. Yuusuf. Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay Dhuusamareeb ayaa ansixiyey miisaaniyadda maamulkaasi ee sanadkaan 2020-ka. Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay miisanadaan oo ka badan tii sanadkii hore ee 2019-kii. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/War-Cali-Gaab.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul markale ugu hadlay isticmaalka adeegga safirka lacagaha qaad ee Forex. Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu sheegay in Forex ay ula mid tahay Al-Shabaab oo kale, islamarkaana maamulka Gobolka Banaadir aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in ay waajib tahay in maamulka gobolka uu arintan markasto ka hadlo. Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu xusay in adeega Forex uu halis ba’an ku yahay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dadka ku lugta leh ama lacagaha gashtay ay ka fogaadaan, si aanu u gaarin dhibaato dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay. Cumar Filish guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kale dhawaan ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa horey u sheegay inuu aaminsan yahay in adeeggan Forex uu yahay mid dalka dibadiisa laga soo abaabulay dhibaatana uu ku yahay dhaqaalaha dalka. “Shaqsiyan waxaan aaminsanahay in dhaqaalaha soomaaliya dhibaato ku yahay, dad meelo kale joogana ay soo abaabuleen Maamulka gobolka Banaadirna waan joojinay in xarun cusub la diiwaangeliyo oo laga furo caasimada.”ayuu yiri Guddomiye Cumar Filish. Duqa Muqdisho oo fasirayay sida loogu qayaanayo shacabka adeega forex ayaa tusaale u soo qaatay sida kalluumeysatada ay u dabto mallaayga taasoo mallaygu uu is yiraahdo cun hilibka makaalinta la soo geliyay balse isaga la cuno. Waxa uu ka digey shacabka in adeegan markahore waxyar afka dadka loo gelinayo kadibna marka ay lacago badan keensadaan ugu dambeyntii la dhihi doono waa khasaarnay. Adeegga Forex ayaa ku soo badanaya dalka iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay haatan ka furan yihiin xarumo faro badan waxaana sidoo kale adeegaan uu ku sii faafay gobolada dalka.
-
Wasiir ka tirsan Xukumada Muuse Biixi oo hadda wasiir ka ah Wasaaradu uu waardiye ka ahaan jiray Marka la eego hannaanka siyaasadda ee Soomaalida, way adag tahay in dadka shaqooyinka hoose haya sida waardiyeyaasha oo kale ay maqaam sare ka gaaraan siyaasadda, balse ma adko in qofka uu ka meelgaaro hammigiisa. Taariikh noolaleedka iyo qaabka uu ku gaaray maqaamka siyaasadeed ee maanta uu joogo wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland, Suleymaan Yuusuf Koore ayaa ka duwan sida ay dad badan u haystaan. Suleymaan waxaa uu sanadkii 1984 waardiye ka ahaa xarunta raadiyo Hargeysa oo hadda ay ku taallo wasaaradda warfaafinta ee Soomaliland. Wasiir Suleymaan oo sanadkii 1984 ay da’diisu ahayd 18 sano jir ayaa markii uu ka qallin jabiyay dugsiga sare ayaa waxaa uu ka qeybgalay barnaamijkii la oran jiray shaqo qaran, kaas oo ardayda la gellin jiray mudo laba sano ah kahor inta aysan shaqo billaabin. “Shaqadii qaranka ayaa la igu soo qoray idaacadda qaranka anigoo arday dugsi sare ka baxay, muddo lix ilaa toddobo bilood ah ayaa habeenkii waxaan waardiye ka qaban jiray idaacadda aan hadda wasiirka u ahay,” ayuu yiri wasiir Suleymaan oo BBC-da la hadlay. Xaaladda noolaleed ee xilligaas uu ku sugnaa ayuu sheegay in ay aad u adkeyd, gaar ahaan dhanka cuntada, waxaana uu sheegay in aroortii la siin jiray hal rooti oo uu ku quraacdo, balse uu ku qanacsanaa maadaama xaaladda dalka ay sidaas iska ahayd xilligaas. Waxaa kale oo uu sheegay in hadba meel loo bedalli jiray oo saddex bilood kadib uu dib ugu soo laaban jiray xarunta idaacadda, halkaas o uu sheegay in habeenkii ay dhaxantu aad u darneyd. “Habeenkiina waaxaan ahaa waardiye, aroortiina waxaan qaban jiray shaqooyin kale haddii ay ahaan lahayd in aan macallin noqdo ama shaqooyinka kale ee la ii diro”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasiir Suleymaan ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in qoyskiisa ay degenaayeen miyiga, markii uu shaqada qabtana bishii lacag dhan 120 shilin Soomaali ah mushaar ahaan loo siin jiray, lacagtaas oo uu sheegay in ay aad u yareyd oo ay u goyn jirtay oo keliya dhar dhaqaalka, kirada iyo waxyaabo lamid ah. Baryada ayuu sheegay in xilligaas ay ahayd mid ceeb ah, isaguna uu ahaa nin dhallinyaro ah oo uu xaalad adag wax kusoo bartay. Mashruuca shaqo qaran ayuu sheegay inuu ahaa mid qof walba oo soo dhameeyo dugsiga sare uu qaban jiray, waxaana uu yiri: “xafiiska aan hadda ka shaqeeyo waagaasi ma aanan geli jirin oo la iima oggoleyn, maadaam aan ahaa waardiye”. Shaqadaas ayuu sheegay in xusuus gaar ah ay u leedahay, balse dhawaan markii uu meel fagaare ah ka sheegay ay dad badan ku dhaliileen sababta uu u sheegay, iyagoona sida uu sheegay u arkayay arrin ceeb ah. Suleymaan wuxuu sheegay in shaqo badan uu Somaliland kasoo qabtay tan iyo sanadkii 1991, xilal badan oo wasaaradda biyaha ay u dambeysay uu soo maray oo wasiirnimada aysan ku cusbeyn, balse xilka wasaradda warfaafinta markii dhawaan loo magacaabay ay ahmiyad gaar ah u lahayd, maadaama albaabkii uu ilaalin jiray haatan isaga laga ilaaliyo. “Wasaaraddii anigoo yar aan waardiyaha ka ahaa in aan wasiir ka noqdo macno gaar ah ayay ii sameneysaa, qofkii maqlana macno ayay u sameyneysaa, maadaam xilligaas aan ahaa wiil yar oo qori albaabka la taagan” ayuu ku daray wasiir Suleymaan oo sheegay in shaqada qaran kahor loo tababaray askarinimo. “Waxaa muhiim ah in qofka aanu is dhiibin oo uu dedaalo, in qofka bani’aadamka uu shaqeeyoo oo marxalad kasta la dabaasho, dad badan iyo aniguba waxaan u arkaa inay guul tahay in aan wasiir ka noqdo halkii aan waardiyaha ka ahaa,” Barnaamijka shaqo qaran oo ahaa mid ay taladiisa lahayd dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa wuxuu ahaa mid dhallinyarada ama ardayda ka baxa dugsiyada sare loogu diri jiray shaqooyin lix bilood ah kahor inta aanan laga dhigin laba sano, waxaana xilligaas la dhihi jiray gurmadka mashaariicda qaranka. Hase yeeshee heerka uu noolasha kasoo maray wasiir Suleymaan ayaa ah mid dhiiragelin leh, maadaama ay adag tahay in qof uu wasiir ka noqdo albaabkii uu ilaalin jiray. Qaran News
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday madaafiic iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhi ciidamada AMISOM ay ku leeyhiin deegaanka Buurane hoostaga degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa innoo dheegay in dagaalka oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka deegaanka ay bilaabeen barakac, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa agagaarka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xilka qaadis ku sameeyey 3 wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada maamulkaasi. Wareegta ka soo baxay xafiiska madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa xilalkii looga qaaday wasiirka waxbarashada C/raxmaan Cismaan Malaaq, wasiirka shaqada & shaqaalaha Feysal C/laahi Cali iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Jabriil Maxamuud. Sidoo kale waxaa xilka wasiirka waxbarashada loo magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, halka wasiirka shaqada & shaqaalaha loo magacaabay C/uqaadir Cumar Cabdllaahi , sidoo kale wasiir ku xigeenka waxbarashada ayaa loo magacaabey C/fitaax Isaaq Maxamed. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u aqriyey digreetada, isagoona sababta xilka qaadistaan ku sheegay inay la xariirto baahi loo qabo dardar gelinta howlaha maamulka iyo shaqooyinka horyaalla. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Turki.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-24022020.mp3 View the full article
-
Bishii Noofember sanadkii hore 2019, waxaa xareda Xalane ee magaalada Muqdisho oo ammaaankeeda aadka loo dilaaliyo lagu dhextoogtay Almaas Elman Cali Axmed oo ahayd gabar u ololaysa arimaha xaquuqul Insaanka. Dowladda Federaalka Soomaaliaya iyo Taliska AMISOM waxay saaado kadib dilka Almaas Elman sheegeen in ay bilaabeen baaritaan ku aadan kiiskaas, wixii ka soo baxana la wadaagi doonaan ummadda Soomaaliyeed. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed oo warbaahinta la hadlay dilka ka dib wuxuu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta CID ay furtay gal-dacwadeed ay ka qeybgali doonaan saraakiil badan oo khibrad u leh baarista noocaan oo kale ah, isagoo intaas ku daray in wixii ka soo baxa kiiskaas ay la wadaagi doonaan ummadda Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Sidoo kale war-saxafadeed xiligaas ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM waxaa lagu sheegay inay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilka Almaas, ayna baarayaal u dirtay goobta lagu dilay gabadha isla markaasna ay wareysteen darawalkii baabuurka iyo dad goobjoogayaal ah. AMISOM waxay sheegtay xiligaas in si wadajir ah ciidammada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo ha’yadaha kale ay si buuxda uga shaqeyn doonaan baaritaanka ku aadan dilkii loo geystay Almaas Elman. Hadabba, iyadoo laga joogo muddo ku dhow boqol maalmood, dilkii Almaas ayaa ilaa iyo uusan jiran war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka iyo Taliska AMISOM oo looga hadlay baaritaankii kiiskaas. Ma ahan arrin ku sucub Soomaaliya, oo waxaa jira kiisas badan oo la sheegay in la baarayo, balse aan dib dambe leysku weydiin, basle kani wuxuu ahaa mid ka dhacay xarun ay deggan yihiin Safaaradaha iyo dibloomaasiyiinta reer Galbeedka oo amnigeeda aad loo ilaaliyo. Almaas Elman, waxaa la dilay, 20-kii November, 2019 Almaas Elman ayey walaalo ahaayeen Ilwad Elman oo ah gabar u ololeysa nabadda, sanadkii horana ku jirtay dadkii loo sharaxay abaalmarinta Nabadda ee Noble Peace Price ee ku guuelystay Abiy Ahmed. Qoyska Almaas ayaa ka shaqeynta arrimaha xuquuqda aadanaha iyo nabadda ka dhaxlay Aabahooda Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996-dii isna lagu dilay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xagee ku dambeeyey baaritaankii dilkii Almaas Elman? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Weerar bambaano oo lagu qaaday isku soo bax lagu taageerayo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof Axadii shalay. Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka galbeed ka xigta magaalada Addis Ababa. Arasa Merdasa, oo ah sarkaalka ugu sareeya booliiska gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, oo ah halka ay ku taallo Ambo uu ku sugan yahay, ayaa dhacdadaan u sheegay wakaaladda wararka ee Itoobiya. Booliska waxaay xidheen lix qof oo looga shakisan yahay weerarka. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kama uu soo xaadirin dibad-baxdii Axadda, oo ay soo agaasimeen mas’uuliyiinta Ambo ah. Xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa su’aal ka keenay in doorashooyinka August noqon doonaan kuwo nabad ah oo la isku halleyn karo, xilli ay rabshado qowmiyadeed oo isdaba joog ah dhacayaan tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Aby Ahmed sannadkii 2018. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ay Arbacadii Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose. Mahad Salaad ayaa dhowr su’aalood ka keenay weerarkaasi, isaga oo ku dhaleeceeyey dowladda Soomaaliya inay dayacday askarta lagu laayey halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in illaa iyo hadda aysan ka hadlin weerarka, una tacsiyeen ehellada ciidamada meeshaasi lagu dilay. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaanka. XASUUQA CEEL SALIINI ma xalbaa dowladu bidday mise waxaa jira qorshe durugsan oo lagu dabargoynayo wiilasheena?! Hubkaan iyo gaadiidkaan waxaa Alshabaab ku qaateen wareerkii maalintii Arbacada ay ku qaadeen Saldhiga degaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale sawirada gaadiidkaan waxaa wehliyay sawiro kale oo laga qaaday askar meyd ah iyo kuwa inta nolosha lagu qabtay si arxan daro ah loo dilayo. Alshabaab waxay sheegteen in weerarkaas ay ku dileen 42 askari oo katirsan ciidamada dowlada, ayna ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub aad u farabadan. Dowlada Federaalka ilaa hada sooma hadal qaadin qasaaraha naf iyo maalba leh ee ciidamadeena soo gaaray. Umana tacsiyeen eheladii askartii meeshaas lagu laayay. Shan bilood kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale Alshabaab ciidamada dowlada ku xasuuqeen Ceel Saliini, gadiid iyo hub farabadana ku qaateen. Intii yareed ee ka badbaaday xasuuqana xabsiyada ayay dowladu u taxaabtay! Hadaba waxaa in la iswaydiiyo mudan wiilashaan maalin walba Xamar iyo labada Shabeelle laga sii daabulayo ee Alshabaab xeryaha inta loogu xareeyo hadana ku xasuuqayaan, dowladu ma xalbay bidday mise waxaa jira qorshe durugsan oo lagu dabargoynayo wiilasheena?!
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Konfur galbeed Soomaaliyaa Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada isaga oo soo magacaabay kuwa kale. Laftagareen ayaa waxa uu xilalkii ka qaaday wasiirada kala ah wasiirka waxbarashada Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Feysal Cabdulaahi Cali iyo wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada maamulkaasi Jibriil Maxamuud Aadan. Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa waxa uu xilalkaasi u magacaabay wasiirada kala ah Maxamed Yuusuf Xasan oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, halka wasiirka shaqada iyo shaqaalaha loo magacaabay Cabdulqaadir Cumar Cabdulaahi iyo cabdifitaax isxaaq Maxamed oo laga dhigay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada maamulkaasi. Magacaabistan ayaa dhaqan galeysa maanta oo taariikhdu tahay 24-ka bisha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The U.S. Africa Command bombed an al-Shabaab compound near Dujuuma, Somalia, on Sunday, the seventh in a series of strikes on the terrorist group this month in operations coordinated with the Somalia government. Three militants were wounded, per a U.S. assessment, a day after two others were killed and one wounded at a compound near Saakow, Somalia, and four days after a strike killed three people near Wadajir, Somalia. No civilians were injured or killed, per a U.S. assessment. Gregory Hadfield, the deputy director of intelligence for the U.S. Africa Command, touted the importance of U.S. support for the counter-terrorism mission. “China and Russia appear content to remain on the sidelines as our African partners, with U.S. support, fight extremism and pave the way to enhanced security and stability on the continent,” he said in a statement. Africa Command said the al-Qaeda-aligned group’s leadership has expressed a desire to attack U.S. interests, but lacks the capability to strike the U.S. homeland due to pressure placed on the group. U.S. Secretary of State Michael Pompeo visited Africa last week in an effort to reassure allies that the U.S. is committed to fighting the spread of Islamist militancy, even as the Trump administration weighs cutting troops stationed across the continent. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Casho sharaf u sameeyay Wafti ka socda Hay’adda iskaashiga horumarka caalamiga ah ee Waddanka Taiwan oo lagu magacaabo International Cooperation Development Fund (ICDF) Waftigan oo muddo toddobaad ah kusugnaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu qayb ka yahay iskaashiga labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawladda Taiwan ee dhinacyada Beeraha, Caafimaadka iyo Horumarinta dhanka Tijnoolajiga. Kulankan oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumun Seed, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Gudoomiyaha Hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh. Source
