Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbaahinta Puntlandi.com ayaa maanta u kuurgashay Xaalada Magaalada Baledxaawo kadib Dagaalkii Shalay ka dhacay. Waxaa maanta la dareemayaa xaalad Colaadeed Ciidamada labada dhinacba waxay ku [...] Source
  2. Magaalada Baydhabo ee caasimadda u ah dowlad goballeedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta gaaray wafdi ka socda Midowga Yurub, oo uu hoggaaminayey safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Niclos Barlaanga, waxaa kaloo safarka ku wehlinayey Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Amisom. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekhunaa Maye, xubno ka tirsan golaha baarlamaanka, wasiirro iyo bulshada qeybaheeda kaa duwan, iyaga oo loo galbiyey xurun madaxtooyada Koonfur Galbeed. Wafdiga ayaa kulan kula qaatay halkaasi guddoonka Baarlaanka iyaga oo warbixin guud ka dhageystay, waxaana kulanka lagu soo qaaday howlaha mashaariicda ee Midowga Yurub uu ka wado Koofur Galbeed. Wafdiga Safiirka midowga Yurub ayaa kormeer ku tagay saldhigga ciidamada booliiska magaalda Baydhabo oo muddooyinkii danbe uu ka socday dayactir iyo dhisme lagu sameynayey, kaasoo ay taageerayeen Midowga Yurub. Waxaan intaas kaddib wafdiga uu maamulka ku wareejiyey Gaadiid loogu talo galay inay isticmaalaan ciidamada Booliska Koofur Galbeed oo horay Midowga Yurub u ballan qaaday inuu ka taageerayo maamulka agabka ciidanka si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan dhanka amniga. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Shiikhunaa Maye ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada iyo mashaariicda kala duwan ay ka wadaan Koonfur Galbeed, isagoo ka dalbaday inay sii wadaan howlaha ay ka hayaan deegaannada kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Mandheera (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ee laga soo dooto gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan is-maamulka Mandheera ayaa mudo kooban u qabtay in uu deegaanada is-maamulkaas uga baxo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan. Xildhibaanadaan oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Mandheera ayaa sheegay in hadii uu deegaanadooda 24-saac uga bixi waayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ay awood u adeegsa doonaan, halka uu ku jirana ay ugu tegi doonaan. “Waxaan leenahay dowladda inta ninkaas joogo cabsi nagama dhamaaneyso, shalay dadkeena guryo badan ayaa dagaalkii uga dumay, waxaan ka rabnaa dowladda Kenya in dadka guryuhu ka dumeen mag dhaw lasiiyo oo dadkii ku wax yeeloobey mag-dhaw la siiyo, dadka reer Mandheerana waxaan u sheegeynaa in aan nahay madax u maqan oo ay ka go’antahay in ninkaas ay ka saaraan Mandheera”ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada. Xildhibaanada ayaa Janan ka codsaday in uu ka baxo dhulkooda, maadaama sida ay sheegeen dhibaato ay uga imaaneyso joogitaankiisa. “Anaga Cabdirashiid waxaan u sheegeynaa Mandheera dad la’aan maaha anagaa iska leh, walaalow naga bax, dagaal hadaa rabto Beled-Xaawo dhanka Kismaayo ka soo gal dhankaan lagama galo, dadkeena naftaa u keentay ilmaheena waa barakicisay, dhibka naheysta adigaa noo keenay walaalow inaad dhulkeena nooga baxdo ayaan kaa codsaneynaa” ayey dheheen xildhibaanadan oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta. Xildhibaanadan oo aad u careysnaa ayaa ku goodiyey in hadii Cabdirashiid Janan uu mudada ay u qabteen ku bixi waayo ay awood u militeri u adeegsanaayaan. “Hadaa bixi weyso militeri ayaan kuu adeegsaneynaa, orod ayaana kaaga saareynaa dhulkeena, walaaleheen reer Beled-Xaawo waxaan u sheegeyna dhibku waa nawada heystaa, reer Kenya ahaan hanoo dilinina, waan ognahay Cabdirashiid Janan in uu yahay nin dalkiisa soo qiyaamay, waana iska soo saareynaa” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada warbaahinta kula hadlay Mandheera. Halkan ka dhageyso codadka xildhibaanada Mandheera https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Maslax.mp3
  4. Baydhabo (SMN) – Wararka ka imaanaya Baydhaba ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay qabteen nin la wariyey in uu watay waxyaabaha qarxa oo la aaminsan yahay inuu maleegayey weeraro uu laga gaysto magaalada. Saraakiisha dhinaca amniga ah ayaa tibaaxay in lagu qabtay jaakad uu ku rakiban yahay qarax, afar qasnadood oo rasaas ah iyo qori. Laamaha ammaanka waxay xuseen in markii uu magaalada soo galay uu qalabka dhigtay guri kadibna ay ciidamada amnigu ogaadeen. La tuhunsanaha oo baaritaano dheeraad ah loo diray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Isaaq Nishow. Dhinaca kale, Koonfur Galbeed ayaa shaacisay inuu isa soo dhiibay xubin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo ka hawlgeli jiray Jubbooyinka. Ibraahim Aadan Cabdi [Gacma dheere] ayaa lagu waramay in uu kasoo dagaalamay degaanada Jubbooyinka gaar ahaan Sanguuni. View the full article
  5. March 03, 2020 Hassan Keynan Becoming an American citizen through naturalization requires taking the Oath of Allegiance, loudly. The first part of the Oath of [...] Source
  6. Wasaaradda Caafimaadka oo Warbaahinta Kala Hadasha Caabuqa Coronavirus Wasaaradda caafimaadka iyo daryeel bulshada xukuumadda federaalka Soomalaiya ayaa maanta magaalad Muqdisho kulan kula qaadatay bahda saxaafadda Soomaliya , kulan kaas oo jeedkiisu ahaa ka wacyi gelinta bulshada xanuunka Coronavirus, waxaana ka soo qeyb galay saxafiyiin ka kala yimid gudaha dalka iyo kuwa heer caalami ah. Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abuukar Nuur iyo qeybaha kale ee wasaarada, wasaaradda ayaana xog ka siisay saxafiyiinta kulanka soo xaadiray sida ay tahay in saxaafadu ay bulshada ugu wacyi geliso xanunka oo fara ba’an ku hayo caalamka. Waxaa ugu horeyn kulanka ka hadlay madaxa gargaarka deg dega ee wasaaradda caafimaadka Axmed Macalin Macalin Maxamed, waxaana uu ka warbixiyey diyaar garowga ay ku jiraan iyo tilaabada ay qaadeen, waxaana uu sheegay in wasaarad ahaan ay heegan buuxa ay ku jiraan, isaga oo faah faahin ka bixiyey sida ugu sahlan ee lagu kala qaadi karo iyo sida looga hortagi karo. “Bulshada dhan waxa la rabo in ay ogaato waxaa waaye cudurka halistiisa iyo sida uu u faafo, sida la isaga ilaaliyo iyo calaamadihiisa, sida ugu wanaagsan oo ilaa iyo hadda la isku raacsan yahay waxaa waaye Faraxalka waa in uu numbar kow yahay, haddii qofka uu calamado uu isku arko waa in uu gurigiisa iska joogo oo dhaqaatiir uu soo wacdo, qofka caadiga ah in Dhuun mar weliba uu qooyo aysan Qalalin, haddii aad gacmahaaga ka adkaatid xanuunka waad ka badbaadeysaa”. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay agaasimaha wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Axmed Deeroow isaga oo faah faahiyey u jeedka kulanka, waxaana uux usay in wasaaraddu ay magacowday guddiyo. “Guudiyada la sameeyey waxaa ka mid ah guddi loogu talo galay inuu ka shaqeeyo meelaha dalka laga soo galo, isaga oo la socon doono dadka soo galayo, kuwa ka baxayo iyo la xiriirka dadka caafimaadka ka shaqeeyo sedexdaas guddi mid weliba shaqadii loo igmaday ayuu hadda hayaa, shaqooyinka waxaa ka mid ah shaqada aan hadda aan u fadhinno oo ah inaan wacyi gelin aan la wadaagno warbaahinta Illaahey ha inaga haayo” ayuu yiri agaasime Deeroow. Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdulaahi Xaahi ayaa ugu baaqay warbaahinta in xogaha ku aadan cudur la gaarsiiyo guud ahaan dalka,isaga oo ku booriyey in kaalinta kaga aadan ay qaataan warbaahinta wacyi gelinta waxaana uu yiri. “Waa in xogta sida ay tahay loo sheego oo guud ahaan dalka la gaarsiiyo waxaan ognahay doorka warbaahinta anigu waxaan soo joogay iyadoo dalka uu ka soo baxo labo Joornaal iyo hal Telefishin maanta Illahey waa inoo barakeeyey dunida Social Media waa uu ku faafay mararka qaar dowladaha ayuu ka xoog badan yahay waxaa la rabaa inaan xoogeena aan u isticmaalno oo aan umadeena aan badbaadsanno. Ugu dambeyn waxaa kulanka soo xiray wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs. Fowziya Abuukar Nuur, iyadoo dardaaran u jeedisay warbaahintii googjooga ahaa. “Maahan Garoonka kaliya inaan xooga saareyno shaqaalaha Maraakiibta la socda banaanka ayey u soo baxaan cunto ayey soo raadsanayaan oo dadka ayey la sheekeysanayaan ma celin kartid, lakiin haddii dad qaabilsan ugu tagaan meeshooda oo lagu hubiyo wixii ay rabaan loogu geeyo oo meeshooda lagu celiyo annaga Soomaali ahaan wax weyn ayey noo tahay, maadaama dalka tabartiisu ay yar tahay adinka warbaahina masuuliyadda idin saaran tabin kaliya maahan ka taxadar in uusan bixin hadal qalad ah oo dhibaato weyn keeni kara” ayey ku soo koobtay hadalkeeda wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bbulshada Drs Fowziyo Abuukar Nuur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Waxaa maanta daganeyd xaaladda guud ee magaalada xuduudda ku taallo ee Baladxaawo kadib markii shaley ay halkaasi ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, ee oo uu hoggaamiyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan. Dagaalkii shalay, oo ay ku dhinteen 5 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof, ayaa sababay in ciidamadii Cabdirashiid Janan laga saaro guud ahaan magaalada, iyagoo gudaha u galay magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimoow) oo ka mid ah saraakiisha ku sugan Beledxaawo ayaa idaacaddaVOA u sheegay inay jiraan dad shacab ah dhaawacmay iyo kuwa guryahoodii waxyeelo soo gaartey. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid dagan isla markaasna ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda. Macalimow oo wax laga waydiiyey halka ay ku sugan yihiin ciidamadii uu hoggaaminayey Cabdirashiid Janan ayaa sheegay inay hadda ku sugan yihiin meel 20km u jirto magaalada Mandheera oo ah xero ay leeyihiin ciidamada Kenya. Ciidamada uu hoggaaminayey Janan ayuu ku sheegay inay tiro ahaan gaarayaan illaa 40 askari, isagoo intaas ku daray in 20 kamid ah askartaas ay lasoo xiriireen ciidamada dowladda si ay isugu soo dhiibaan. Guddoomiye Macalimow ayaa xusay in wasiir Janan iyo ciidankiisa ay shalay si dirqi ah kaga badbaadeen ciidamada dowladda oo qarka u saarnaa inay gacanta kusoo dhigaan, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntii guddoomiye Macalimow ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii shalay. Hoos ka dhageyso Wareysiga Macalimow. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/23bbff2c-f2fd-4f6a-983b-3079b8aeed21_48k.mp3
  8. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ka daah-furay tababar socon doona muddo 5-Cisho ah, kaas oo lagu baranayo muhiimada uu talaalka u leeyahay carruurta. Tababarkaan ayaa waxaa soo agaasimay waaxda caafimaadka iyo Faya-dhowrka Dowladda hoose ee Xamar iyadoo ay ka qeybgali doonaan howl-wadeena ka socda M.C.H-yada ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale xubna ka socda hey’adaha UN-ka,UNICEF iyo W.H.O. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxa uu boggaadiyay dadaalada kor loogu qaadayo wacyigalinta Talaalka. “Waxaan marwalba u taaganahay xoojinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed iyo siddii ay u heli lahaayeen nolol ku haboon, ka maamul ahaan waan boggaadineynaa in la dardargaliyo wacyigalinta, muhiimada uu bulshada u leeyahay Talaalka sidoo kale in degmooyinka Muqdisho laga fuliyo Talaal tayo leh”ayuu yiri duqa Muqdisho. Ugu dambeyntii, wuxuu ka digay in lagu deg-dego talaalka caruurta, taasoo uu tilmaamay in ay ka dhalan karto halis caafimaad. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-03032020.mp3 View the full article
  10. Mogadishu ( PPM) ⁠—The United States resumed a limited support for the Somali National Army. The rationale for this decision is to continue the fight against Al-shabaab. In a country that has yet to create a central command post for armed forces support for select groups of armed militias paid in the name of the Somali Army undoes the core stabilisation strategy for Somalia. The US Embassy in Mogadishu views troops controlled by Federal Government as legitimate force deserving of training and operational support. This policy drives a wedge between the Federal Government of Somalia and Federal Member States for several reasons. The Security Architecture that was unveiled in London Somalia Conference in May 2017 mandated the Federal Government to work on the creation of an inclusive security apparatuses and national army. The Federal Government has not brought this goal into fruition: neither Jubaland forces nor Puntland Defence Forces come under the command of Mogadishu-based Somali National Army. Puntland State fights Al-shabaab and ISIS on two fronts but the United States does not support Puntland forces. “US policy towards Somalia is reminiscent of its noughties policy to support warlords to form counterterrorism alliance when the warlords’ militias were terrorising civilians” says a Somali journalist in Mogadishu, who asks to be quoted anonymously. The outcome of this divisive policy is breakdown of trust and collaboration between the Federal Government and Federal Member States that Mogadishu looks upon as outside its sphere of influence. Somali National Army is made up of clan militias (Photo Reuters) The pre-1991 Somali National Army was politically controlled by the military regime that used it to overthrow a civilian government in 1969. It was an instrument of oppression used to keep the regime in power. Clan militias that filled the vacuum after state collapse reflect exclusive, clan make-up. Not all Somali clans had clan militias particularly social groups classified as minorities. It is the task of politicians to create an exclusive national army. While dependency upon AMISOM continues the US assistance for certain forces in Somalia sows seeds of a future conflict. How can Somaliland be persuaded to give the Union a second chance if the South is still mired in a latent political conflict and still retain a government protected by African peacekeepers? Rebranded clan militias cannot become a national army in a country whose leaders ignore the need for genuine political reconciliation. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Us support for Somali Army sustains political instability appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – QM ayaa warbixin ay maanta soo saartay uga hadashay xaaladda gobolka Gedo, oo ay isku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland, iyo saameynta bani’aadannimo ee ka dhalatay. Warbixinta ayaa lagu sheegay in 9,000 oo qoys ama 56,000 oo qof ay ka barakaceen gobolka Gedo tan iyo bishii Febraayo, markaasi oo xiisadda dowladda iyo Jubaland ay korortay. “Waa in dadaal kasta lagu bixiyaa in la yareeyo dhibaatada shacabka iyo waxyeelada iskuulada, xarumaha caafimaadka iyo guryaha,” waxaa sidaas yiri Isku duwaha bani’aadannimada QM ee Soomaaliya Adam Abdelmoula. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo shacabka iyo hantidooda, xilli ay rabshadaha kasii darayaan.” Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in dadkan badankood ay ka barakaceen Beled Xaawo iyo xerada barakacayaasha Baladul Amiin ee u dhow. Dadkan ayaa qaarkood gaaray Luuq iy Doolow, halka qaarna ay tageen xaafado ku yaalla duleedka Beled Xaawo iyo baadiyaha. Warbixinta ayaa sheegtay in dadka qaarkood loo diiday inay ka baxsadaan degaanka oo la celiyey. “Waa muhiim in dhammaan dhinacyada ay dhowraan dhaq-dhaqaaqa shacabka ka cararaya goobaha dagaalka, si ay u helaan bad-baado iyo caawimaad bani’aadannimo,” ayuu yiri Adam Abdelmoula. Xiisadda Beled-Xaawo ayaa ka dartay shalay, markaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 5 qof ayada oo 15 kale ay ku dhaawacmeen.
  12. Mohamed Farmajo at the General Assembly at the UN. (Photo by Michael Brochstein/Sipa USA) Tuesday March 03, 2020 by RACHEL ABBOTT Somalia’s 2020-2021 elections are the [...] Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka Madax-dhaqameedka Beelaha East Burco Clan iyo Gar-xajis ayaa shaaciyey inuu 15-ka bishan Magaalada Burco ka qabsoomayo Shir dhaqameed u dhexeeya labadaa beelood. Shirkan oo ay Gogoshiisa fidisay Beesha East Burco Clan ayaa waxa muddo uu qabsoomayo iyo ujeeddada laga leeyahay shaaciyey Suldaanka guud ee Beesha East Burco Clan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, kaasi oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa oo odayaasha labada dhinac kaga wada-hadleen diyaar-garowga Shirkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Laba xubin oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD ayaa maanta is-casilay. Xubnaha is casilay oo aan si rasmi ah u sheegin sababata ay isku casileen ayaa waxay kala yihiin laba Xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, oo ah Senator Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac, iyo Senator Cabdirazak Axmed Cali. Is-casilaadaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli shalay ay si casileen laba xubin oo ka kala tirsanaa Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD, oo kala ah xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil oo ka tirsanaa Xisbiga UPD iyo xildhibaan Xuseen Carab Ciise ka mid ahaa Xisbiga Himilo Qaran. Xubno ka mid ah xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran ayaa Caasimada Online u sheegay in xubanaha is casilay aysan la dhacsaneyn qaabka ay wax u wadaan xisbiyada mucaaradka, iyo in mucaaradooda ay u arkaan mid aan dhameystirneyn. Xisbiga UPD weli wax war kama soo saarin is-casilaaddan soo kordheysa oo ay sameynayaan xubnaha xisbiga. Sidoo kale xisbiga Himilo Qaran ayaan jawaab bixin. Halkaan hoose ka akhriso warqadaha kasoo baxay labada Senator ee maanta iska casilay xubinimadii xisbiga UPD.
  15. In the past five months, a chap named Michael Rubin began suddenly writing negative articles mostly comprising unsubstantiated characterizations, and outright lies about Somalia and Somali government. Many started asking questions about his motives, his personality and the basis of his sudden hate for Somalia. The curiosity grew faster as he continued his malign publications on Somalia. So who is Michael Rubin? Is he a ghost writer or he is real? According to Wikipedia Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute (AEI). He got his B.S and PhD from Yale University. Previously, he worked as an official at the Pentagon. He has written numerous op-ed pieces on the Middle East, Turkey, Kurds and Iran. After over 20 years of work experience focusing in the Middle East and neighboring countries and never a single article about Somalia, people are questioning why now? It turned out that in early this year, Mr. Rubin received an invitation to visit Somaliland Administration and was flown from Dubai (UAE) to Hargeisa (Somalia). And on February 19, 2019, Somaliland Standard, an online news owned by the Somaliland Administration reported Somaliland: President Meets with AEI member, Mr. Michael Somaliland Standard wrote: “Somaliland leader, Hon. Musa Bihi Abdi has on Saturday received Mr. Michael Rubin, a member of American Enterprise Institute and great lobbyist for Somaliland recognition. Mr. Michael Rubin has written academic articles on Somaliland’s quest of an international recognition, its flourishing democracy and its being an oasis of stability. The president has thanked Mr. Michael Rubin for supporting Somaliland’s self- determination efforts from Somalia. Mr. Michael Rubin has said that he is happy having come to Somaliland and is due to visit certain sites in the country and once he returns to the US that he will share his finding with the world”. They discussed and agreed on a dual strategy approach for his service to Hargeisa. Strategy one entails changing lawmaker’s opinion in the USA by propounding negative propaganda against Somali government and advancing Somaliland image. The second strategy involves influencing the white house, thereby providing access to Somaliland administration. Immediately, after securing his generous contract of fifty thousand US Dollar/Month, he initiated a smear tactics, making ad hominem attacks on the Somali government including the President, criticizing American Foreign Policy and Pentagon’s support on Somalia with the aim of swaying lawmaker’s opinion. His first article on Somalia was published on the same day of his visit to Hargeisa, February 19, 2019: The title: “The US and UN are repeating Iraq-style mistakes in Somalia”. He writes “to channel all aid through Mogadishu, the State Department and USAID apparently believe, both strengthens Somalia’s recovery and reinforces the sanctity of Africa’s borders. The border issue is a red herring. Somaliland’s borders are set by map and treaty”. He stated: Somaliland has transparent systems in place. Society is increasingly cashless, as even illiterate shoppers use mobile apps to pay for almost everything. Each transfer generates a receipt and ensures the kind of accountability that the bags of cash in Mogadishu do not. The piece was intended to make a case for Somaliland administration and at the same time portray Somalia as corrupt and inept. His second article on Somalia was published in March 26, 2019 by the Nationalinterest.org: “U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland”. In this piece he maliciously writes: In effect, Somalia has joined Pakistan and Egypt in an extortion racket whereby it demands endless aid to fight radicalism, but never defeats it for fear of losing an annual windfall which elites siphon for personal interests. In this piece Mr. Rubin is trying to plant to the brain of the lawmakers in Washington, DC that it is an ordained Somali policy to never defeat Al-Shahab. This is outright baseless, fear mongering and dishonesty. His third infamous article was published by the Washington Examiner on April 8, 2019: Title: 10 questions Somalia’s Prime Minister should answer in Washington: Some of the bizarre question he raised in his piece include: Q: Why are salaries in Mogadishu so high? Q: Why does Farmajo travel so much? Q: If you want US support, why lease your country to China? Q: Why ask the ICJ to mediate Kenya dispute and then not wait for decision? Q: Why is Somalia bothering with Israel-Palestine dispute? Putting these questions under scrutiny reveals the chap ran out of ideas. Yet, he made an effort to put a positive spin in highlighting the importance of his questions, but failed to bring credible evidence to support his prerogatives. His poor questions are indicative of lack of sincerity and an endeavor to spin the facts. Also there are clear evidence that Mr. Rubin has no knowledge about Somalia, but evidently is trying to accomplish his assignments as clearly outlined in his contract. Actually, it is not his fault if his writings are poor, untrue and unconvincing as he merely relies on the client’s source of information without fact checking. He is not concerned of being challenged as the journal editors in the States will not bother checking the truthfulness of an op-ed written about Somalia. His 4th article “U.S. Missteps in Somalia Benefit Our Enemies” was published on March 25, 2019 by National Review. Mr. Rubin writes: “It is ironic, then, that in the Horn of Africa, the Trump administration now doubles down to do the opposite. As China moves into Djibouti and Ethiopia and as the U.S.-funded government in Mogadishu increasingly offers its strategic assets to China, the State Department has decided to break past precedent and turn its back on Somaliland, the only stable, secure, and truly democratic region in the Horn of Africa, even as Russia seeks to move in on the territory”. It is clear that over and over, Mr. Rubin’s basic message remains the same and i.e., tarnishing Somalia’s image, blaming US foreign policy, and international community on Somalia and promoting Somaliland. His last article “Somalia’s president is no ally against terrorism” published on July 28, 2019 by Washington Examiner, he writes: It is against this backdrop that Farmajo was caught on tape saying, “Al-Shabab has foreigners with them who refused to harm their own countries and came here to explode our country. But ours [Somali members of al-Shabab] are fools because they do not go to the countries where these foreign elements came from to explode. That exchange would have been fine, but they agreed to harm our own country only. Oddly, the video in question was first published on July 26, 2019 by “Somalitribune”, an online fake news website owned by Somaliland administration. It is an edited video where several speeches of the President were cut into pieces and then the matching pieces were combined together to make it sound original. Sources familiar with the video confirmed, that it was translated into English and later sent to Mr. Rubin to use it as a material witness for his piece. The message of his piece was to portray Somali leaders as irresponsible, dishonest or make them appear to be only looking out for their own best interests. Mr. Rubin is out there lobbying for Somaliland. He understands that without proper debunking and verification, the quick circulation of his smear tactic via twitter and other online media can at least grab attention and that is what he is paid for. A lobbyist’s opinion is for hire and the longer Mr. Rubin remain employed by the Somaliland administration, his quest to smear Somalia will stay. He will continue making personal attacks, manufacturing unverifiable rumors, distortions and outright lies. The reality is that he is there to damage Somalia as a whole, but regrettably his client think differently. The question is what impact will he have over the long run? Somalia needs to debunk his lies, correct his mischaracterization and expose his manipulative and dishonest smear tactics. It is only way to make him ineffective. By: Abdullahi Ahmed Suleiman E-mail: Abdul1256@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  16. (SLT-Iran)-23 ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa laga helay Caabuqa dilaaga ah ee coronavirus. Sidaana waxa Salaasada Maanta Warbaahinta ka hor sheegay ku xigeenka Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka IRAN, Abdolreza Mesri. Abdolreza Mesri mid mid uma sheegin Magacyada Xildhibaannada laga helay Caabuqa coronavirus, balse wuxuu xaqiijiyey in 23 ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka laga helay Xanuunkaasi. Warkan sheegaya 23-ka Xildhibaan ee Xanuunkan laga helay ayaa ku soo beegmay xilli uu coronavirus u geeriyooday Ahmad Toyserkani oo la Taliye u ahaa Madaxa waaxda Garsoorka ee IRAN, sida ay Salaasada Maanta soo werisay Wakaaladda Wararka ee ISNA. Sidoo kale, Warkan naxdinta leh ee sheegaya in Xildhibaanno gaadhaya 23 laga helay Xanuunka, ayaa yimid Xilli ay dalka IRAN ay Xanuunkaa ugu Geeriyoodeen 77 Qof, kuwaasi oo ka mid ahaa 2,336 oo coronavirus uu hore ugu dhacay oo ay u jiifaan. Siyaasi reer IRAN ah iyo La Taliyaha Xilligan ee Wasiirka Arrimaha dibedda IRAN Hossein Sheikholeslam ayaa la soo weriyey inay qaadeen coronavirus. Intaasi ka sakow, xanuunkani wuxuu hore u soo ritay Madaxweyne ku-xigeenka Arrimaha haweenka iyo Qoyska ee IRAN iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi, Iraj Harirchi. Khamiistii la soo dhaafayna waxa Cisbitaalka la dhigay Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Arrimaha gudaha ee IRAN, Mostafa Pourmohammadi, ka dib markii lagu arkay Calaamadaha Caabuqa coronavirus. Source
  17. Berbera (Caasimada Online) – Dekedda magaalada Berbera ayaa dib loogu soo celiyay dooni bishii koowaad ee sanadka ka qaaday Xoolo adhi ah, kuwaasi oo loo dhoofiyay dowladda Imaaraadka Carabta. Dowladda Imaaraadka ayaa gebi ahaanba xoolahaasi oo dhamaan Afar kun iyo lix boqol oo neef ay dib ugu soo celisay dekedda magaalada Berbera. Waxaana dekedda Berbera dib ugu soo noqday doonidaasi oo sida saddex kun oo neef oo adhi ah, halka ay kun iyo shan boqol oo neef ay ku dhex dhinteen doonida intii ay u xayirnaayeen aqbalaada Imaaraadka. Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in tiro intaasi leeg oo xoolo ah ay ku dhex dhintaan Doonida, balse waxa loo aaneynaya darxumo heshay intii ay xayirneed doonidu. Waxaana markii lagu soo celiyay dekedda Berbera ee laga dajinayay xoolahaasi, laga dheehan karayey tabcaanimo iyo darxumo ba’an, inkasta oo markii hore tayadooda caafimaad lagu hubiyey Maxjarada Berbera. Ilaa haddana ma cadda sababta ay dowladda Imaaraadku u soo celisay doonidaasi oo baxday bishii koowaad ee sanadkan, balse waxa loo maleynaya inaysan sidan wax ogolaansho ah. Mana jirto wax war ah oo ay xukuumada Somaliland kasoo saartay xoolahan dib loogu soo celiyay dekedda Berbera, kadib markii ay dowladda Imaaraadku ay diiday in la dajiyo.
  18. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal; Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Taliyaha iyo saraakiisha Boliiska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya. Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo sugidda amniga doorashada Qaranka ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo Sannadka 2020-2021. Taliyaha Booliska AMISOM Sareeye Guuto; Anand Pillay ayaa Ciidanka Boliiska Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu diyaarsanyihiin waajibaadkooda, waxa uuna ballan qaaday in qeybta kaga aaddan sugidda amniga doorashooyinka ay ka qaadan doonaan. Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Janaraal ; Cabdi Xasan Maxamed ayaa saraakiisha Boliiska AMISOM uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ula sheqeeyaan Booliska Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay dar-dar geliyaan wadashaqeyntasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. PRESS RELEASE The EurAfrican Forum in search for a common ground between Europe and Africa 2020 edition will look for new opportunities for both continents as it unveils its theme In Search for a Common Ground CASCAIS, Portugal, March 3, 2020/ — The 3rd edition of the EurAfrican Forum (www.EurAfricanForum.org) to be held on July 2nd and 3rd in Cascais, Portugal will be gathering over 700 European and African key actors from more than 60 countries; 2020 edition will look for new opportunities for both continents as it unveils its theme In Search for a Common Ground; The program will focus on key topics as Africa and Europe relations, Free Trade Agreements, Climate Change, African Arts and Culture, Infrastructure, Connectivity and Off-grid solutions. The annual meeting will gather over 700 African and European changemakers such as entrepreneurs, artists, activists, public and private decision leaders, in Cascais, Portugal, on July 2nd and 3rd 2020. “It is now time to establish a structured cooperation between Africa and Europe, engaging not only public decision makers but creating a denser network, embarking in the discussions entrepreneurs, young people, women, artists, scientists…” José Manuel Durão Barroso, Chairman of the EurAfrican Forum. Hosted by the Portuguese Diaspora Council and the Municipality of Cascais, with the High Patronage of the Portuguese Presidency, this third consecutive edition will focus on main issues such Africa and Europe relations, Free Trade Agreements, Climate Change, the influence of African Arts and Culture, Infrastructure, Connectivity and Off-grid solutions, under the theme In Search for a Common Ground. “2020 is a pivotal year for Europe and Africa as this new decade marks the unavoidable collaboration between our continents at a time when climate change, demographic challenges and the technologic revolution are central pieces of Africa and Europe’s sustainable development puzzle”, said Filipe de Botton, Chairman of the Board of the Portuguese Diaspora Council. As Europe and Africa face common challenges, the EurAfrican Forum exists as a platform to work on future partnerships for sustainable solutions. Exploiting synergies and promoting business opportunities with mutual benefits, the event will be sharing initiatives, in search for a common ground. Distributed by APO Group on behalf of EurAfrican Forum. View multimedia content Media Contact: Emily Miels media@eurafricanforum.org About the Portuguese Diaspora Council: The Portuguese Diaspora Council is a non-profit private association, recognized in 2019 as a non-governmental organization for development. Founded in 2012, its main purpose is to enhance Portugal’s brand and international reputation involving the Portuguese diaspora of proven influence who have distinguished themselves in their field of expertise, namely in Culture, Citizenship, Science and Economics. The “World Portuguese Network” comprises over 100 counsellors, spread on 5 continents. SOURCE EurAfrican Forum Qaran News
  20. DHUSAMAREEB (HOL) - The newly elected President of Galmudug Ahmed Abdi Qoor Qoor Tuesday signed the state’s 2020 budget, the first since he came into office in late February. Source: Hiiraan Online
  21. Ma ilduuf nololeed baa ina helay mise arad aqooneed Aduunkani waxa uu ka bilaabmay Aabo iyo Hooyo kaliya oo ahaa Nebi Adem cs iyo Xawa , waxa ifka lagu soo tuuray iyaga oo qaawan , waxaa loo keenay sabab iyo macno weyn oo looga soo saaray janadii iyo halkii ay ku noolaayeen sababihii doonaa ha jiraane , waxa ay bilaabeen noloshii oo midiba dhinaciisa qabtay , waa ay tarmeen , noloshooda iyo ujeedada aduunka loo keenay waxa ay sidaa cilmi dhan oo adiga laguugu talo galay. Noloshu way soo socotay oo jiilba jiilba buu u soo dhiibayey , Nebiba Nebi kale ayaa ka dambeeyey ilaa la soo gaadhay taariikhdii uu noolaa Nebi Nuux cs oo marlabaad aduunka uu Alle swt biyo ku rogay markii laga baydhay amaba la garan waayey ujeedadii nolosha ee aduunka loogu noolaa , halkaasi waxa ka bilaabmay noloshii labaad ee Ilma Nebi Adem oo ka unkantay intii raacday Nebi Nuux , dad iyo nooleba kaleba , sidaasi ayey u soo socotay oo loo tarmayey oo aadamuhu u waday isbadelka nolosha iyo waxii uu ku soo kordhinayo ilaa la soo gaadhay maanta oo Ilma Nebi Adam aqoon iyo aragti marba marka ka dambaysa usii siyaadayso oo horumar la sii gaadhayo. Dadka dunida guudkeeda ku nool sidii ay dhibtu ugu soo kala horeysay ayey u kala fikrado iyo dedaalo bateen , waana halka ay ka timid aqoonta iyo horumarka aduunka guudkiisa yaalla maanta oo marka horena ka timid samada , sababta oo ah noolaha , ma noolaha iyo xayndaabkiisa ayaa ah aayado muuqda oo lagu garanayo in aduunka macno weyni ka dambeeyo , marka laga reebo waxii si cad oo samaawi ah u yimid inta kale dedaal bay ku timi iyo ujeedooyinka weynuhu ka lahaa. Isbadelada kala duduwanaa ayaa aduunka marba cidi sareynaysay cid kale oo sareysaysana baaba’aysay , arimahani ayaa iyaguna ahaa aayado iyo mucjiso nool oo Adamaha la tusayo awoodaha ilaahay iyo asbaabaha dhacdooyinkani sababayaba oo u baahan wax ku qaadasho iyo in laga faaiideysto oo aad loogu fiirsado si loo buuxiyo ujeedooyinka nolosha iyo kaalmaheega u baahan buuxinta iyo kaa faaiideysiga waxyaabaha ku xeeran ee maalinwalba dhacaya. Haddaba aqoonta inaga ina soo gaadhay ayaa ah , sadex qaybood marka aan daraaseeyey oo kala ah 1- Aqoon deegaanka iyo sida aynu ugu noolaanaynaa ina bartay oo aynu kala dhaxalno. 2- Aqoon samaawi ah oo uu Alle keenay oo ah kutubtii iyo waxii nebi muxamed ka tagay scw 3- Aqoon maadi ah oo ku timi dedaalkii aadamaha iyo tuujintii maskaxaha dadkii hore oo marba wax lagu sii kordhiyo oo halkii ay taagnayd kor looga sii qaado. Dhaliisha aynu leenahay ayaa ah in aynaan aqoontii deegaanka iyo noloshu ina bartay aynaan sii wadin oo hore u marin , waana sababta aqoon kale oo 90% aan ku haboonayn deegaankeena iyo nolosheena aan u barano , iyada oo aynu ku qasbanahay cida abka u leh waxa aynu baranayno in aynu daba socono oo la ina hogaamiyo duruufahani jira awgood , hada ogow aqoontani waata dhalisay in qaaraduhu kala horumaraan oo dadku isdaba socdaan , inta badan kumaynaan salayn goobta aynu ku noolahay iyo waxa ay nolosheena ka anfacayso inaga ahaan. Marka aad dib u raacdo taariikhda waxa jirtay maalin qofka Somaliga ahi aanu aduunka kale 99% waxba uga baahnayn laakiin aduunku isaga u baahnaa , maalintaa waxa aynu nooleyn noloshii dhabta ahayd ee dhulkeena iyo dadkeena anfacaysay , waa laguu yimid oo waa lagaa raray ama lagaa dumiyey taadii si aad tu kale u qaadato una hogaansanaato , waxaa lagugu abuurey baahi aad bakhtiyeyso hadaad aduunka kale ku xidhnaan waydo , waxaa aad noqotay suuq cidwaliba wax keento oo aan isagu waxba cidna u geyn intani waa ujeedooyinka gumeysiga laga lahaa ee aduunka la isku qabsanayey. Waxa la abuurey cadaawado iyo dagaalo aduunku wada galay oo dano la isku haysto ay ka mid tahay dhaqaale , isku awood sheegasho iyo aduunka yaa ka talinaya , laga yaabee in aynu nahay kuwa la isku haysto ha yeeshee waxaa si dadban oo dano ku jiraan laguugu qasbi in aad cid dhinaca saarto oo dagaal aanad ujeedooyinkiisa garanayn gasho riiqdiisa iyo dhibaatooyinkiisuna ay suuragal tahay in ay qarniyo ku daba socdaan oo hagardaamo uun aynu ka dheefno. Isku soo wada xoori ma ilduuf nololeed baa inagu dhacay mise arad aqooneed baa ina haysta , waayo maalintii aanay Somalidu aduunka waxba uga baahnayn iyo maanta oo aynu aqoon sheegano keebaa aynu aqoon badnayn bal isweydii , waxa kale oo aad isweydiisaa aqoontan aan waxba ka soo saarayn deegaanka aynu ku noolahay, nolosheenii waxba uga badali weyday sida kuwa inoo keenay aqoontan ay ugu horumareen , laakiin inoo noqotay quutal daruuri qofwaliba ku qasban yahay hadii uu waayona uu noqonayo mid aan qadaynayn ama nolosha ku qasaaray taasi oo sababtay tartan ku jihaysan meel aan aheyn halka aynu ku noolahay iyo hiigsi aynu cid kale daba socono. Waxa aynu lahayn nolol dhamaystiran oo isku filaansho ah , waxaa keenay aqoon aynu lahayn oo u baahnayd in tacab iyo tabar la galiyo si aynu u ahaano umad la hiigsado oo wax hogaamisa , ee may ahayn in aynu labadaba ka guurno oo tu aynaan garanayn marqudha u wada guurno , waana la inoogu talogalay oo cid baa qaabaysay in aynu sidan noqono , ilaa maantana isma weydiino horta maxaa la idiin hogaamiyaa ee aad wax u hogaamin waydeen , waayo la inagama dal wanaagsana , la inagama dad wanaagsana la inagama khayraad badna la inagama xoolo badna laakiin waa la inaga caqli batay ! Waana sababta maanta aduunka uu u jiro gumeysiga maskaxeed ee socdaa , waanu soconayaa ilaa inta aynu garanayno danteena iyo waxa aynu rabno iyo halka aynu u socono iyo waliba sida aynu doonayno in aynu nolosheena u qaabeyno mustaqbalka dambe iyo isweydiinta dhaxal aqooneed , nololeed iyo taariikheed maxaad uga tagi doontaan dadkiina dambe ! Muxamed Dhimbiil Email: Somalilandstar@gmail.com Hargeisa, Somaliland Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa xilka ka qaaday taliyihii Nabad-Sugiida gobolka Banaadi Ibraahim Macallin, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Agaasime Fahad ayaa xilkan u magacaabay nin lagu magacaabo Ciise Maxamed Ciise. Lama heegin wax sabab ah oo Ibraahim xilka looga qaaday, waxaana wararka ay sheegayaan inay qeyb ka tahay is-beddelada shaqo ee hay’adda ku socday bilihii dhowaa. Hay’adda NISA ayaa martay is-beddelo dhowr ah oo kala duwan tan iyo markii uu hoggaankeeda qabtay Fahad Yaasiin, kuwaasi oo lagu hagaajinayo shaqada hay’adda Is-bedelladan ayaa laga dareemay magaalada Muqdisho, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay magaalada.
  23. Benjamin Netanyahu Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii Isniinta ka dhacday Israel, oo ahayd tii saddexaad muddo sanad gudihiis ah, inkasta oo uu wajahayo maxkamadeyn musuq-maasuq la xiriirta. Guushan ayaa Netanyahu u ogolaaneysa inuu soo dhiso dowladda cusub, soona afjaro sanad is-marin waa siyaasadeed ah, kadib markii doorashooyin dhacay April iyo September 2019 lagu kala adkaan waayey. Guddiga dhexe ee doorashada ayaa sheegay inay tiriyeen 90% codadka, ayada oo natiijada warbaahinta qaar ay soo bandhigeen ay muujineyso in xisbiga Netayahu ee Likud uu helayo 36 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka. Isbahaysiga Netanyahu, oo ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag, ayaa weli u baahnaan doona hal ama laba cod si ay u helaan aqlabiyad, hase yeeshee afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay kasoo goosan doonaan xisbiyada kale. Xisbiga sida weyn ula loolamayey Likud ee Blue and White ayaa la filayaa inuu helo 32 kursi. Marka lagu daro xisbiyada siyaasadda bidixda-dhexe, iyo kuwa isbhayasiga Carabta ee Arab Joint List, xisbiyada kasoo horjeeda Netanyahu ayaa la filayaa inay helaan 54 ilaa 55 kursi. Inkasta oo weli aysan jirin wax damaanad oo ah in Netanyahu uu soo dhisi doono dowladda cusub, haddana wuxuu doorashadii Isniinta ku sheegay “guul” weyn. Netanyahu ayaa ku ololeeyey mowqifkiisa adag ee ku wajahan Falastiiniyiinta iyo inuu ballaarin doono deegaananda Yahuudda ee Daanta Galbeed. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday inuu Israel kusoo dari doono Dooxada Jordan, oo ka tirsan Daanta Galabeed, Falastiiniyiintana ay u arkaan inay muhiim u tahay dalkooda mustaqbalka. Hogaamiyaha xisbiga Blue and White, ahna madaxii hore ee militariga Benny Gantz ayaa qirtay “inuu ka niyad jabay” natiijada. Hase yeeshee waxa uu carabka ku adkeeyey, in wixii ay noqotaba natiijada kama dambeysta ah, Netanyahu uu weli maxkamad kori doono 17-ka March. In kasta oo la filayo in madaxweyne Rueven Rivlin uu Netanyahu u xil saaro soo dhisidda dowladda cusub, haddana weli ma muuqato waddo uu ku heli karo 61-ka kursi ee uu u baahan yahay. Xisbiga Yisrael Beiteinu ee uu hogaamiyo wasiirkii hore ee difaaca Avigdor Lieberman oo la filayo inuu helo lix ama toddoba kursi ayaa wacad ku maray inuusan ku biiri doonin dowlad ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag. Waxa kaliya ee Netanyahu u furan ayaa ah inuu xildhibaanada qaar ka dhaadhiciyo inay khilaafaan hoggaanka xisbigooda, una soo goostaan dhankiisa, si uu dowladda usoo dhiso. Xigasho:VOA Somali+AFP PUNTLAND POST The post Netanyahu oo ku guuleystay doorashada xilli uu wajahayo maxkamad appeared first on Puntland Post.