Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Baledxaawo ee Gobolka Gedo oo ay shalay kubdagaalameen Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Kuwa Jubbaland ayaa maanta xasiloon inkastoo Shacabka Magaaladu ay ka walwal sanyihiin [...] Source
  2. (SLT-Washington)-Iyadoo cabsida la qabo faafitaanka cudurka Coronvirus ee adduunka ayaa Shirkadda Twitter ee baraha bulshada waxa ay shaqaalaheeda kula talisay in ayna soo shaqo tegin oo ay ku shaqeeyaan guryahooda. Shaqaalaha shirkadda ee wadamada Japan, Koriyada koonfureed iyo Jasiirada Hongkong ayaa la fasaxay, shaqaalaha qaarkood ayaa loo ogolaaday inay guryahood ku shaqeeyaan. Ilaa 5,000 kun oo shaqaalaha shirkadda Twitter ee adduunka oo dhan ayay shirkadu fasaxday, waxay kaloo shirkadu joojisay shirar caalami ah oo lagu qaban Maraykanka iyo wadamo kale ”Hadafkayagu waa inaanu yarayno khatarta Coronovirus ee shaqaalahayaga” Sidaas waxaa yidhi Jennifer Christie oo ah madaxa shaqaalaha ee shirkadda Twitter Shirkadaha facebook iyo google ayaa qaaday tallaabooyin la mid ah tan twiteerka. dad ka badan 3000 kun qof ayaa u dhintay cudurka Coronovirus, waxaana uu ku faafay cudurku illaa 50 waddan oo caalamka ah. Source
  3. The United Nations on Tuesday called for the protection of civilians as escalating violence displaces nearly 56,000 people in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho. Askartan oo ka tirsanaa kuwa Canshuuraha ayaa lagu khaarijiyey toogasho gaadmo ah, xilli ay ku sugnaayeen isgoyska Ex-Control Afgooye, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa askartaasi mar qura rasaas ooda kaga qaaday, iyagoo isla goobta ku geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dableydii fulisay weerarka ay goobta isaga baxsadeen, waxaana falka kadib meesha gaaray ciidan ka tirsan kuwa dowladda. Illaa iyo hadda laamaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kama hadlin toogashada loo geystay askartaasi. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaaladaMuqdisho. Weerarkan ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay ciidanka dolwadda federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska ay xoojiyeen howlgallada lagu sugayo amniga caasimada.
  5. Somali Forces, Supposed to Unite Against Islamists, Fight Each Other By Reuters March 2, 2020 GAROWE, Somalia — Fighting erupted in south Somalia on Monday between [...] Source
  6. Jigjiga (Caasimada Onlinbe) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Toorey mana Mindi oo xalay lagu qaaday nin la dhashay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itioobiya, Mudane Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar). Weerarka ayaa lagu soo warramaya inuu ka dhacay gudaha magaalada Dhagaxbuur, iyadoona lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Cagjar. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu Cabdiraxmaan weerarkaasi ka soo gaaray dhaawac, islamarkaana lagu dabiibayo xarun uu isagu maamule ka yahay oo ku taalla Dhagaxbuur. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkaasi, iyadoona ninkii fuliyey oo isku dayey inuu baxsado gacanta ay ku dhigeen ciidamada ammaanka. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan baaritaaano dheeraad ah laamaha amnigu ay ku hayaan ninkaasi, si loo ogaado qorshaha uu ka lahaa weerarkaasi. Dhacdadaan ayaa ah mid ku cusub deegaanadaasi, iyadoona si aad ah saaka looga hadal hayo magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
  7. Garowe ( PPM) ⁠— In February Puntland President Said Abdullahi Deni called for a consultative conference for Puntland stakeholders. The conference to take place mid March will have almost all the characteristics of the 1998 conference out of which an autonomous administration emerged. The founding President of Puntland Abdullahi Yusuf Ahmed envisioned a Puntland that would pioneer federalism for a Somalia that was still a country with no government. Twenty one years after that conference Somalia has a Federal Government but its writ does not run throughout Somalia. It is dependent on African peacekeepers. Who should take the blame for apparent failure federalism in Somalia? Should one equate this political failure with possible relapse into state failure? President Deni made the right call to hold a consultative conference. Puntland has been staunch supporter of federal institutions since the end of the transition. Puntland political class deluded themselves into thinking that ending the transition is a sure way to institutionalise federalism. The absurdity of this line of thinking is better reflected by how the Federal Governments under President Mohamed Abdullahi Mohamed turned out to be a more destabilising entity than its predecessor. The centralismg goals of the incumbent Federal Government has had consequences for the relations between Mogadishu and Federal Member States. Puntland is a key member of the Federal Institutions but its forces are not a part of the clan militias known as the Somali National Army. This exclusion means Puntland forces do not get training similar to the one clan militias in Mogadishu and nearby regions undergo under the name of the Somali National Army. The President of the Federal Government interfered in Puntland politics when, in an interview, he urged President Deni “to respect wishes of the people”. President Said A. Deni: Puntaland is at a cross-roads Other challenges facing Deni’s administration range from the legacy agreement with DP World-owned company that runs Bosaso Port. The administration of Dr Abdiweli Mohamed Ali saddled Puntland with contractual obligation that can cost Puntland its image as a destination for investment should Puntland government terminate the Bosaso Port agreement, which has had a severe impact on the economy of Puntland. Bosaso business community remains sceptical what DP World can do to make Bosaso as thriving a port town as it was before Deni’s predecessor inked the deal with P &O. On several occasions Puntland State distanced itself from legislations passed by the Federal Parliament and the Upper House. One such law is the electoral law. Described as impractical by the United States, the Somali electoral law got passed without the endorsement of all Federal Member States. With the surrender of Ahlu Sunna Al Jama’a the Federal Government has a reason to believe the wind is in its sails: three Federal Member States – Galmudug, Hirshabelle, and South West State – are in its fold in addition to Mogadishu whose status beyond capital city has yet to be agreed. Puntland has agreed the 2016 electoral agreement that gives Puntland State federal representation of disputed territories without seeking a just solution to the territorial dispute. The new electoral law places disputed territories within Somaliland, meaning Puntland will lose to represent constituencies in disputed territories. Signing up to a new electoral model will commit Puntand State to working with the Federal Government, which exploits Puntland weaknesses and in the process damages trust. The Federal Projects has turned out to become a centralism movement that on one hand plays a nationalist card and subscribes to US-driven the Horn of Africa Economic Integration agenda on the other – all at the expense of genuine political reconciliation promised by President Mohamed Abdullahi Mohamed when he vowed he would act like an “elder sitting under a tree” to talk to everyone. “The Announcement of Puntland Consultative Conference is a step in the right direction” says Ismail Haji Warsame, an influential blogger and writer. The Federal Government will try to send to Garowe spoilers. Did it ever occur to ardent Puntland federalists that federalism would produce a President fanning dissent in the Mother of Federalism in Somalia, as many people call Puntland? At the end of the consultative conference the direction Puntland will be going will be clearer. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post WHITHER PUNTLAND? appeared first on Puntland Post.
  8. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan caabuqa Corona ee ka dilaacay Shiinaha, kuna sii faafaya caalamka. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in wali caabuqaaasi uusan soo gaarin gudaha Soomaaliya oo dunida xilligan dhibaato xoogan ku haya. Sidoo kale wasaarada caafimaadka xustay in ay ka feejigantahay cudurkaasi iyadoo kaashaneysa ha’yadaha kala duwan ee dowladda sida wasaarada gaadiidka iyo duulista, hayada socdaalka iyo jinsiyadaha, wasaaradaha iyo xafiisyada kala duwan ee dowladda. Wasaarada ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in ay wargalisay howlwadeenadeeda caafimaad ee ka howgala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadn Cade, sidoo kalana ay wargaliyeen maamullada dalka. Ugu dambeyn wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa tilmaamtay inay diyaarisay xarumo lagu karantiilo haddii la arko dad looga shakiyo in ay qabaan caabuqa Corona, sidoo kalana xiriir joogto ah ay la leeyihiin hay’adaha caafimaadka caalamka, sida WHO. View the full article
  9. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” ayaa saxiixay miisaaniyadda dowlad goboleedka Galmudug ee sanadka 2020-ka kaddib markii ay meelmariyeen golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka labaad ee Galmudug. Miisaaniyada cusub ee Galmudug ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) , miisaaniyadan ayaana ka badan tii sanadkii hore oo aheyd 8-Milyan oo Dollar. Munaasabaddii uu madaxweyne “Qoor Qoor” ku saxiixay miisaaniyadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo uu madaxweynuhu xalay casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay. Miisaaniyadda Galmudug waxaa horey u meel-mariyay golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka maamulkaas, iyadoo ugu dambeynti Madaxweyne “Qoorqoor” xalay uu ku saxiixay Magaalada Dhuusamareeb., isla Xalayana waxa uu casho Sharaf u sameeyay Xildhibaanada Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo degmada Beled-Xaawo oo ay ku dagaalameen ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay dareemayaan xoogaa xasilooni ah, hase’ahaatee weli ay jirto cabsi laga qabo inuu dib u qarxo dagaalkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Beled-Xaawo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo haatan dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka degmadaasi. Xiisada ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo maalmihii dambe ka taagneyd gobolka Gedo ayaa shalay sii xoogeysatay, kadib markii ay dagaalameen 2 dhinac. View the full article
  11. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Waxaa xaalad deganaasho ah saaka laga dareemayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka gobolka Gedo oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland. Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online inay dareemayaan xoogaa xasilooni ah, balse weli jrto cabsi ay ka qabaan inuu markale dagaal ka dhaco halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudaha degmada Beled-Xaawo iyo duleedkeeda, gaar ahaan deegaanada dhaca dhanka xuduuda lagu arkayo ciidamada dowladda. Dagaalkii shalay dhex-marar ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay isku socodka magaalooyinka Mandera iyo Beled-Xaawo. Qofka ka mid dadka deegaanka uu ku dhaqan dhinaca Mandera ayaa warbaahinta u sheegay in aysan fududeyn in la’isaga gudbo labada magaallo. “Waxa aan ka walwalsanahay iska hor imaadka Ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland, qof waliba kuma fududaanayo in uu dhanka kale u gudbo, waayo waxaa is hor fadhiya ciidamadii dagaalamay oo mararka qaar rasaas goos goos ah isku ridaya, waxaana suurta ah in aad ku go’doonto dhanka kale, taasina waa cabsi kale haddii aad ka badbaado rasaasta”. ayuu yiri qof ku nool deegaanka Inta la ogyahay waxaa dagaalkii shalay ku geeriyooday ugu yaraan illaa shan qof oo labada dhinac ah, iyadoona ay ku dhaawacmeen 15 kale oo u badan dad rayid ah. Wararkii ugu dambeeyey waxay haatan sheegayaan in markasto laga cabsi qabo in dagaalku uu dib u qarxo, maadaama ay weli ciidamadu is horfadhiyaan.
  12. Qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii ciidanka dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ku dhexmaray afaafka hore ee magaalada Belad xaawo. Safiirka safaaradda Mareykanka Ambassador Donald Yamamoto, ayaa tilmaamay in xilligan aan loo baahnayn in la kala dhantaalo ciidankii isku mowqifka ahaa islamarkaanka waxa uu sheegay in oo baahanyahay in la xaliyo xiisadda Belad xaawo. Sidoo kale Ambassador Yamamoto ayaa ku baaqay in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafka soo cusboonaaday, isaga oo tilmaamay in dhamaan hoggaamiyeyaasha looga baahanyahay in ay la yimaadaan dulqaad si natiijo wax ku oola loo gaaro. Ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shalay ku dagaalamay qeybo ka mid ah demada Beladxaawo ee gobalka Gedo. Halkan ka akhriso qoraalka Mareykanka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” ayaa xalay saxiixay miisaaniyadda dowladgoboleedka Galmudug ee sanadka 2020-ka kaddib markii ay meelmariyeen golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka labaad ee Galmudug. Miisaaniyada cusub ee Galmudug ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) , miisaaniyadan ayaana ka badan tii sanadkii hore oo aheyd 8-Milyan oo Dollar. Munaasabaddii uu madaxweyne “Qoor Qoor” ku saxiixay miisaaniyadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo uu madaxweynuhu xalay casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay. Miisaaniyadda Galmudug waxaa horey u meel-mariyay Golaha Wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka maamulkaas, iyadoo ugu dambeynti madaxweyne “Qoorqoor” xalay uu ku saxiixay Magaalada Dhuusamareeb., Xalayana waxa uu casho Sharaf u sameeyay Xildhibaanada Galmudug. View the full article
  14. (SLT-Jabuuti)-George Bougioukas, waxa uu ahaa Injineerka koowaad ee markabka Ptolemaios (Ptolemy), waxa uu dalkiisii hooyo ee Greece uu ku noqday maalintii Sabtidii kadib markii lagu haystay 168 maalmood dalka Djibouti oo ka mid ah dalalka Qaarada Afrika, sida ay qorayso warbaahinta the Greekreporter.com. Wasiirka Dekedaha ee dalka Giriiga, Giannis Plakiotakis ayaa u diray sawirka Injineer Bougioukas oo haysta baasaaboorkiisa, gabadh uu dhalay, kadib markii uu dib ugu soo noqday dalkiisa. Qabsashada Injineerkan ayaa bilabtay bishii Sebtember 15, 2019, kadib markii markab xamuul ah oo siday alaab Cargo ah ay la wareegeen ama ay qabteen masuuliyiinta maxalliga, waxaana lagu haystay meel saddex mayl ka baxsan dekeda Djibouti. Waxaanay masuuliyiintu sheegeen in milkiilaha Giriiga ee markabkaas ay lacag ku leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee warka wanaagsan ee siidaynta Bougioukas, ayaanay wehelin ama aan la sii dayn seddexda badmaax oo kale oo saarnaa markabka Gariiga ka yimid ee Ptolemaios, kuwaas oo weli ku sii jira gacanta Jabuuti. Greek Ship’s Engineer Returns After 168 Days of Captivity in Djibouti Source
  15. (SLT- Dhagaxbuur)-Nin hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday Toori ku qaaday nin la dhashay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, kaasi oo uu soo gaadhay dhaawac Culus. Wararka aanu ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarka lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha deegaanka uu ka dhacay Magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka. Dhaawaca Cabdiraxmaan Muxumed ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Dhagaxbuur, taasi oo la tilmaamay inuu isaga maamule uu ka yahay. Sidoo kale Ninka ku hubeysnaa Tooreyda ee weerarka ku qaaday Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayaa isku dayay inuu falka kadib goobta ka baxsado, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay, isagoona la xidhay. Source
  16. (SLT-Riyadh)-Cudurka Coronovirus oo ku sii baahaya caalamka ayaa waxaa bukaano qaba cudurkaas laga helay dalalka Sucuudiga, Jordan, Tunisia iyo Senegal. Wasaaradda Caafimadka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in qofka laga helay cudurka Coronovirus inuu ka yimid dalka Iran isagoo soo maray dalka Baxreyn. Baadhitaan lagu sameeyay qofkaan ayaa lagu ogaaday inuu qabo cudurkan waxaana sidoo kale la baadhay dhammaan dadkii uu la kulmay markii uu soo galay dalka Sucuudiga iyadoo aan weli natiijada la helin. Tirada dadka u dhintay dalka Iran ayaa waxaa ay gaadhay 66 taasoo ah tirada ugu badan caalamka marka laga reebo dalka Shiinaha oo cudurkan ka soo bilaabay. Dalka Qadar ayaa afar ruux oo kale laga helay cudurkan iyadoo guud ahaan tirada dadka qaba cudurkan ee joogta Qadar ay gaartay Toddobo ruux. Inkabadan 89,000 oo qof oo ku kala nool illaa 58 dal ayaa laga helay cudurkan waxayna tirada dadka ee u dhintey ay ka badan yihiin saddex kun oo qof. Source
  17. Diyaaradaha Mareykanka ayaa waxa ay markale duqeyn cusub ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa. Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in laba diyaaradood oo nuuca dagaalka ah islamarkaana uu leeyahay Mareykanka ay duqeeyeen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobalka Shabeelaha hoose halkaasi oo lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab. AFRICOM qoraalkooda waxa ay ku sheegeen in duqeyntaasi ay ku dileen mid ka mid ah dagaalamayaasha Al shabaab halka labo kalane ay dhaawaceen, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi ay la kaashadeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Mareykanku waxa uu iska fogeeyay in duqeyntaasi aysan haba yaraatee wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ka agdhawaa goobaha la duqeeyay. Dowladda Mareykanka waxa ay caddeysay in duqeymaha ay la bartilmaameedsanayso goobaha ay dalka kaga suganyihiin Al shabaab in ay sii wadi doontto ilaa iyo inta laga wiiqayo awoodda dagaalamayaasha Al shabaab oo ku xooggan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeymo labo ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay diyaaradahooda laba duqeymo ah ka fuliyeen deegaankaasi. Mareykanka ayaa sheegtay in duqeymahaasi uu ku dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena uu ku dhaawacay labo kale, sida uu hadalka u dhigtay. Sidoo kale AFRICOM ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay baarayaan haddii ay jiraan khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqaan goobaha la duqeeyey Diyaaradaha Mareykanka ayaa maalmihii ugu dambeeyey kordhiyey duqeymah ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya. View the full article
  19. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe Saraakiisha hoggaamineysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga waddada dheer ee isku xirta labadaasi magaallo. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ka fuliya jidkaasi, kuwaas oo ay la beegsadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay ku socdaalayaan halkaasi View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeymo diyaaradahooda ay ka fuliyeen Sh/Hoose. Duqeymaha oo ahaa labo ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kuunyo Barow oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. AFRICOM ayaa warkeeda ku sheegtay in weeraradaasi dhanka cirka ah oo dhacay 2/3/2020 ay ku dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab, kuna dhaawaceen 2 kale. Sidoo kale AFRICOM ayaa qoraalkaan ku sheegtay inay baarayaan haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee ka agdhow goobaha la duqeeyey. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa sheegay in weeraradaasi ay gacan ka siiyeen ciidamada dowladda, isagoo intaasi ku daray inuu laba jibaari doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay diyaraadaha dagaalka Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fuliyaan gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya.
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subx-03032020.mp3 View the full article
  22. Wararka aan saakay ka helayno magaalada Belad xaawo ee gobalka Gedo ayaa waxa ay soo sheegayaan in guud ahaan xaaladda magaalada ay maanta tahay mid degan ka dib dagaal saacado qaatay oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Dhanka kale waxaa ay warar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay, waxaana lagu soo waramayaa in dhaawacyo aad u fara badan la keenay magaalada Muqdisho kuwaasi oo u badan askarta dowladda iyo dad shacab ah. Sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka khasaaraha soo gaaray dhinacyadii shalay dagaalamay ayaa wadartoodu waxa ay gaarayaan ilaa 30 askari kuwaasi oo ay soo kala gaareen dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobjoogahan uu inoo xaqiijiyay in ciidanka Jubbaland ay ka geeriyoodeen 8 askari halka kuwa dowlada ay ka dhinteen 4 askari iyo dawaaca 18 kale. Sidoo kale dhiacayada ay dirirtu u dhaxeysay ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkaasi, waxaana jira khasaare maaliyadeed oo uu sababay dagaalkaasi. Wararka qaar oo aan helnay ayaa sheegaya in wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu gudaha u galay dalka Kenya ka dib markii shalay ciidankiisu ay dagaal adag la galeen kuwa dowladda federaalka ah ay gobalkaasi geysay. Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka gobalka Gedo oo haatan ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif ayaa kala saxiixday Heshiiska cafinta daymaha Bangigu ku leeyahay Soomaaliya. Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaaa go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February waxaa Soomaaliya looga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar. “Waa maalin kale oo taariikhi ah, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan, waxaan saxiixnay heshiiska Deyn_Cafinta qeybta Bangiga Horumarinta Afrika, AFDB.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda kadib markii uu Heshiiska saxiixay. Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in heshiiskani ay ku taageerayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiiragalinta dib u habeynta hey’adaha maaliyadda oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wado. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo kala saxiixday heshiis dayn cafinta appeared first on Puntland Post.
  24. Taliska Ciidamada Maraykanka Qaaradda Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose taasi oo lala beegsaday Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 2/3/2020 ay laba duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanka Kuunya-Barroow ee gobolka SHbaeellada Hoose. Taliska ayaa sheegay in Weerarkaas lagu dilay hal xubin oo ka tirsan Al-shabaab halka laba kalena lagu dhaawacay inkastoo aysan sharraxaad dheeriya ka bixin xubnaha la dilay magacyadooda iyo xilalka ay ka hayeen Al-shabaab midna. AFRICOM ayaa sidoo kale xusay in aysan dad rayid ah wax ku noqon duqeymaha ay ka fuliyeen degaanka Kuunya-Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose isla markaana uu sii wadi doono howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab si loo wiiqo awoodooda. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo uu ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamanka Kenya Justin Muturi ayaa sheegay in xildhibaanadii tegay magaalada Muqdisho aysan qaadan fasax, islamarkaana marin nidaamkii sharciga ahaa. “Shalay un ayaa la ii sheegay [Axaddii], balse wax fasax ah ima weydiisan, xitaa ilama socodsiin,” ayuu Muturi Isniintii u sheegay wargeyska Daily Nation. Sida uu qoray Daily Nation, Xeerka baarlamanka Kenya ee 260 ayaa dhigaya in xubnaha u safraya dal kale, haddii ay tahay rasmi ama mid ayaga u gaar ah, ay qasab tahay inay qoraal ogeysiin ah u diraan afhayeenka. Waxaa sidoo kale laga doonayaa inay sheegaan taariikhda safarkooda, muddada ay ka maqnaanayaan Kenya, iyo halka lagala soo xiriiri karo inta ay maqan yihiin. Sidaas darteed, xildhibaanada ayaa hadda lagu warramayaa inay jebiyaan sharciga, oo ay booqdeen dal Kenya ay u aragto “cadow”, sida uu leeyahay Daily Nation. Haddii Aqalka Baarlamanka ay xildhibaano kale ama shacabka usoo gudbiyaan codsi ku aadan in arrintan baaritaan lagu sameeyo, guddiga awoodaha iyo mudnaanta baarlamanka ee uu hoggaamiyo afhayeenka ayaa baari doona. Waxaa suurta-gal ah in xildhibaanada lagu soo oogo dacwado la xiriira “qiyaameyn qaran”, oo macnaheedu yahay inay la safteen dal dagaal kula jira Kenya, sida lagu yiri qoraalka wargeyska Daily Nation. Waxaa sidoo kale lagu soo oogi karaa dacwado ku saabsan inay u jaajuuseen dal kale, xilli ay jiraan warar la xiriira inay Muqdisho kula soo kulmeen madaxda sirdoonka Soomaaliya. Safarka xildhibaanadan ayaan sidoo kale lagu wargelin wasaaradda arriamah dibedda Kenya, iyo safaaradda kenya ee Muqdisho, sida ay tiri warbixinta wargeyska. Sida sharciga ah, haddii xildhibaanada Kenya ay tagayana dal kale, waa in lala socodsiiyaa safaaradda Kenya ee dalkaas. Ma cadda, sida Keya ay arrintan u wajihi doonto, hase yeeshee waxaa macquul ah in booqashada xildhibaanadan ay u adeegsato inay Soomaaliya ku eedeyso inay faro-gelin ku hayso Kenya, si la mid ah sida Soomaaliya ay ugu eedeysay Kenya.