-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mandhera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya, oo cadaadis xoog leh kala kulmeysa Soomaalida degta gobalka Waqooyi bari ee dalkaasi, gaar ahaan siyaasiinta Mandheere ayaa bilaawday qorshe ay dalkeeda uga saareyso Wasiir Janan. Kenya ayaa u diyaar garowday in ciidankeeda ay dagaalka ka caawiyaan kuwa Jubaland islamarkaana Wasiir Janan loo qabto degmada Beladxaawo oo ku taala xaduuda labada dal, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in Soomaaliya ay ku soo xadgudubtay xaduudda Kenya uu ahaa mid lagu baneysanayo howlgal ay ka qeyb qaataan ciidanka Kenya, si Wasiir Janan gudaha dalkiisa loogu sameeyo degaan laguna ilaaliyo, taas oo meesha ka saari karta qeyla dhaanta Xildhibaanada Kenya. Qoraal kasoo baxay xafiiska Uhuru ayaa lagu yiri “Golaha Amniga Qaranka waxa uu walaac ka muujinayaa xadgudubka ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku sameeyeen madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya 2-dii March 2020, halkaasi oo ciidamada ajnabiga ah ayaga oo jebinaya, islmarkaana aan wax ixtiraam ah u hayn xeerarka caalamiga ay dhaq-dhaqaaqyo gardarro ah fuliyeen, ayaga oo dhibaya islamarkaana burburinaya hantiada shacabka Kenya ee ku nool magaalo xuduudeedka Mandhera.” Shacabka ku nool Beladxaawo iyo Ceelwaaq ayaa cabsi ka qaba in labadaas magaalo midood ay marti geliso dagaal kale oo ka dhaca gobalka Gedo. Labadii bishaan ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay Beladxaawo waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayada oo markii dambe lagu jebiyey ciidanka Cabdirashiid Janan oo u cararay dhanka Mandhera.
-
Shirkadaha diyaaradaha Afrika oo muddo bil ah khasaaray $400 miliyan oo doolar Bishii Fabraayo ee toddobaadki hore dhamaatay ee 2020-ka cudurka Coronavirus ee dunida ka dillaacay awgii shirkadaha diyaaradaha laga leeyahay qaaradda Afrika waxay qasaareen $400 oo malyan oo doolar. Inkasta oo qaaradda Afrika sida qaaradaha kale uu cudurka si weyn ugu faafin haddana dhaqaalaha qaaradda ayuu si weyn u saameeyey. Cudurka Shiinaha ka dillaacay awgiina shirkadaha diyaaradaha Taanzaaniya, Mauritius, Madagascar, Ruwanda, Morocco iyo Kenya waxay joojiyeen dhammaan duullimaadyadi ay ku tagi jireen dalkaasi. Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha diyaaradaha caalamka wuxuu sheegay cudurka Coronovirus ee faafay awgii iney qasaareen $400 milyan oo doolar. Shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn Afrika oo ah shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo dhinacya badan cadaadis uga imanayey u dhabar adeegtay ayaa weli duullimaadyada ay ku tagto magaalooyin ka mid ah dalka Shiinaha weli sii wadda. Waddamada qaaraddan Afrika ka tirsan ee laga helay cudurka Coronavirus waxaa ka mid ah Masar, Tunisia, Morocco, Aljeeriya, Nigeria iyo Senegal haddana qaabka uu cudurka u soo gaaray cudurka ayaa la sheegay inaan lagu tilmaami karin inuu ku faafay. Hay’adda caafimaadka adduunkana waxay welwel ka muujisay waddamada adeeggooda caafimaad uu aadka u liito iney awood u lahayn iney cudurka iska caabbiyaan, waddamadaasi oo ay hay’addu ku sheegtay intooda badan iney yihiin dalal ku yaalla qaaraddan Afrika. Dowladda Kenyana waxay sheegtay iyada oo ka cabsi qabto cudurka Coronavirus iney amar ku bixiso in la joojiyo diyaaradaha ka yimaadda laba magaalo oo ku yaalla Waqooyiga Talyaaniga. Kenyana waxay go’aankan qaadatay kaddib marki dhowr dal oo Afrikaan ah oo cudurka uu soo gaaray dadka laga helay iney yihiin kuwa ka yimid Waqooyiga Talyaaniga. Dadka cudurka Coronavirus laga helay ee dalalka Tunisia, Morocco iyo Nigeria waxay dhammaantood noqdeen dad ka yimid dalka Talyaaniga. Dalka Talyaaniga waxaa cudurka Coronovirus laga helay 1,800 oo qof, inta la xaqiijiyeyna waxaa cudurkaasi u dhimatay 52 qof. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamed Wali, oo ka tirsan odayaasha dhaqanka ee Beesha Mariixaan ayaa laga raray hoteel uu daganaa kaas oo ku yaalla agagaarka Dabkal waxaana la dejiyay hoteel kale oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya. Ugaaskaan oo ay qaraabo yihiin Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan weerar afka ah ku qaaaday shirka Mudulood ee ka socda Muqdisho, inkastoo uu raali gelin ka bixiyay markii dambe. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Ugaaska uu sheegay in ay soo wajahday cabsi amni, sidaas darteedna uu dalbanayo in laga raro hoteelkii uu dgaanaa lana geeyo meel u dhaw Villa Somalia, sida ay noo sheegeen xubno xog ogaal ah. Dhawaan ayaa guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci, waxa uu warbaahinta ka sheegay in la is-dili doono hadii aan wax laga qaban dadka ay hoteel dejisay dowladda Soomaaliya, islamarkaana u gafay beesha Mudulood. Axmed Daaci si gaar ah cidna uma magacaabin, balse waxa uu weeraray shakhsiyaadka dowladda taageera. Ugaas Maxamed Wali ayaa wixii hadalkaas ka dambeeyay raali gelin bixiyay hase yeeshee waxa uu wajahayaa handadaad iyo cabsi gelin, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan kuwa amaanka. Sidoo kale saraakiisha ayaa noo sheegay in Ugaaska lagala hadlay in uusan arrintaan saxaafadda ka sheegin, islamarkaana si hoose xal loogu raadin doono.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dekadda magaalada Muqdisho ka socda rarista biro muhiim ah oo dalka la keenay 1989-kii xiligaas oo ay dalka ka talin jirtay dowladii Jaalle Maxamed Siyaasad Barre. Birahaan oo qaali ah sidoo kalane ah hantida yar ee ka bad baaday boobka xiligii bur burka ayaa waxaa maraakiib ku qaaday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dekadda ayaa Caasimada Online u sheegay in birahaan dalka loo keenay in dekadda lagu ballaariyo iyo sidoo kale in ay qayb ka yihiin agabyo kale oo ay ku shaqeyn jirtay warshada shidaalka sifeysa oo ku taala gudaha dekadda. Tayo ahaan waxaa lagu sheegay alaab qaali ah oo aad u wanaagsan, mana cadda sababta loo dhoofinayo. Dhoofinta birahan ayaa waxaa lagu warramayaa inay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin ay ku jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre. Laba jeer ayaa la sheegay in Markab looga qaaday dekadda waxaana ka soo baxaya warar kala duwan dalka loo qaaday. Wararka qaar ayaa sheegaya in loo qaaday Imaaraadka halka qaarkoodna ay sheegayaan in Sacuudiga laga iibiyay. Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arintaan waxaana la sheegayaa in aysan xukuumadda waxba kala socon balse ay iibsanayaan wasiiro iyo xildhibaano is baheysi ah.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya oo horey u mamnuucday cumrada dadka ajnabiga ah, ayaa ku dhowaaqday in sidoo kale hadda laga mamnuucay dadka u dhashay dalkaas. Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii shaacisay in qofkii ugu horreeyey ee dalkaas ku nool laga helay cudurka Coronavirus, kaasi oo ahaa qof booqasho ku tegay dalka Iran balse aan shaaca ka qaadin. “Kadib talo soo jeedinta guddiga loo xil saaray la socoshada cudurka Coronavirus, waxaa la go’aamiyey in la joojiyo cumrada muwaadiniinta boqortooyada,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal lasoo dhigay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. Go’aankan ayaa si joogto ah dib loogu eegi doonaa, waxaana laga yaabaa in wax laga beddelo haddii xaaladdi is-bedesho, sida lagu sheegay qoraalka SPA. Dadka Sacuudiyaanka ah ayaa weli booqan kara masaajidada Xaramka iyo midka Nebiga NNKH, si ay salaadda ugu tukadaan, hase yeeshee waxaan la ogoleyn kaliya cumrada. Toddobaadkii tegay, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus. Wasaaradda arrimaha dibdda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hakinta ay tahay mid waqti kooban ah, hase yeeshee ma shaacin xilliga ay ku eg tahay. Ma cadda, haddii go’aankan uu sameeyn doono Xajka oo sanadkan ku beegan dabayaaqada bisha July.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa baaritaan ku billowday siyaasiyiin ay ku jiraan xubno gole deegaan oo kasoo jeeda Waqooyi Bari iyo qareenno, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay “u jaajuusaan” dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, waxaa sidaas qoray wargeyska The Star ee Nairobi. Sida lagu sheegay warbixinta wargeyska, qareenada baaritaanka ku socdo ayaa u shaqeeya hay’ado ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil dowladeed oo sare. Waxaa jira walaac ku saabsan inay xog xasaasi ah iyo akhbaar sir ah u gudbinayaan dowladda Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Wargeyska The Star ayaa qoray, in siyaasiyiinta baaritaanka ku socdo la rumeysan yahay inay mushahar ka qaataan dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Qaar ka mid ah kuwa baaritaanka lagu hayo ayaa xilal sare kasoo qabtay dowladda Kenya, waxayna weli xiriiro wanaagsan la leeyihiin labada dal, inkasta oo kuraastooda ay waayeen. Baaritaanka ayaa billowday kadib markii 11 xildhibaan oo kasoo kala jeeda Mandhera iyo Wajir ay booqdeen Muqdisho lana kulmeen madaxweyne Maxamed Cadullaahi Farmaajo, ayaga oo aan ogolaansho ka helin wasaaradda arrimaha dibedda Kenya. Xildhibaanadan ayaa sheegay inay Muqdisho u tageen wada xaajood ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Al-Shabaab. Warbixinta The Star ayaa leh, Nairobi waxay ka carreysan tahay in Muqdisho ay hareer martay nidaamyadii xiriir ee saxda ahaa, islamarkaana go’aansatay inay si toos ah ula hadasho shakhsiyaad, kuwaas oo qaarkood kasoo wada jeeda hal qabiil oo dega Waqooyi Bari Kenya. Wargeyska ayaa ilo-wareedyo kasoo xigtay in dowladda Soomaaliya, ayada oo adeegsaneysa hay’adda sirdoonka ee NISA, ay billowday wada-hadallo sir ah oo ay la leedahay siyaasiyiin kasoo jeeda Mandhera, Garissa iyo Wajir. “Qaar ka mid ah xubnaha golayaasha deegaan ayaa loo isticmaalay inay billaabaan cabashooyin ka dhan ah dowladda Kenya, sababo la xiriira faro-gelinta la tuhunsan yahay inay ku hayso arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya,” waxaa sidaas The Star u sheegay xubin ka tirsan maamulka Waqooyi Bari. Warbixinta wargeyska ayaa ugu dambeyn sheegtay in haddii tuhunka lagu caddeeyo xubnahan ay wajihi karaan dacwado la xiriira “u jaajuusidda’ dal kale.
-
Kenya on Wednesday accused Somalia of an “unwarranted attack” on the frontier town of Mandera during heavy fighting over the border between government and regional forces. Already fraught tensions between Nairobi and Mogadishu have soared in recent days, with both sides issuing strongly-worded statements accusing each other of encroaching on border territory. Temperatures rose further after heavy fighting erupted on Monday in the Somali border town of Bulohawo between Somali government troops and forces from the semi-autonomous region of Jubaland. Legislators from the nearby Kenyan town of Mandera said the fighting was so intense it caused residents there to flee and take shelter. A Kenyan government statement condemning “violations of the country’s territorial integrity and sovereignty” appeared to indicate that Somali forces had crossed into Mandera during the battle. “Foreign soldiers – in flagrant breach and total disregard of international laws and conventions – engaged in aggressive and belligerent activities by harassing and destroying properties of Kenyan citizens living in the border town of Mandera,” it said. “This action amounts to an unwarranted attack by foreign soldiers with the intention of provoking Kenya.” The fighting in Somalia is the latest instance of tensions between Mogadishu and its regional governments. Jubaland authorities in August accused Mogadishu of interfering in its election and seeking to remove President Ahmed Madobe and get a loyalist in power to increase its control. Madobe is a key ally of Kenya, which sees Jubaland as a buffer against al-Shabab fighters who have staged several bloody attacks across the border. Kenya has been further drawn in, as it is accused of harbouring a fugitive Jubaland minister who was arrested by Mogadishu for “serious crimes” but fled from prison in January. Tensions between the neighbouring countries are also high because of a spat over maritime borders, with possibly lucrative Indian Ocean oil and gas reserves at stake. The Kenyan government dismissed a Somali foreign ministry statement last month that it was interfering in Mogadishu’s internal affairs. Nairobi said this was “part of a growing and persistent pattern of ill intent to use Kenya as a scapegoat and a tool to justify challenges in Somalia for political reasons.” Kenya urged Somalia’s federal and regional governments to focus on defeating the al-Qaeda-linked al-Shabab. Observers say the myriad feuds between the fragile government in Mogadishu and its federal states is a major obstacle to fighting the armed group. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-___-Qumanha-04032020.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo labaduba sheegta madaxweynaha Jubaland ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay u joogaan qorshe la rabo in lagu heshiisiiyo ayaga iyo Axmed Madoobe. Isku dayga la isugu keenayo dhinacyadan, ayaa marar badan miro dhali waayey, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in markan ay u dhowdahay inay heshiis la gaaraan Axmed Madoobe, lana soo afjaro khilaafkii Jubaland. Dadaalladan ayaa waxaa wada siyaasiyiin, odayaal iyo ganacsato ku beel ah labada dhinac oo reer Kenyan ah, sida aan xogta ku helnay. Seeraar iyo Maax ayaa Nairobi gaaray maalintii Isniinta, kadib markii diyaarad gaar ah oo laga soo diray Nairobi ay ka qaaday xarunta Jubaland. Inkasta oo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uusan ku sugneyn Nairobi, haddana waxaa wararku ay sheegayaan inay joogaan dad uu aad ugu kalsoon yahay oo wakiil uga ah wada-hadallada. Heshiiska suurta-galka ah inuu dhex maro labada dhinac, ayaa waxaa saacidaya khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex-galay Seeraar iyo Maax iyo dowladda federaalka ah, oo la rumeysan yahay inay si hoose u taageereysay xubnahan. Seeraar iyo Maax ayaa la rumeysan yahay inaysan la dhacsaneyn siyaasaddii ay dowladda federaalka dhowaanahan ku wajaheysay arrimaha Jubaland. Seeraar iyo Maax ayaa heshiis kasta oo ay la galaan Axmed Madoobe ku beddelan doono faa’iidooyin kale inkasta oo aysan weli caddeyn.
-
Puntland iyo Jubbaland ayaa ka cudurdaartay ka qeybgalka shir dhawaan ka dhici lahaa Baydhabo oo looga hadli lahaa hannaanka Maaliyada iyo arrimaha deyn cafinta Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu codsatay in muddo bil ah dib loo dhigo shirkaas oo 7-da bishaan ka furmi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Koonfur Galbeed. Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay codsigaas ku sababaysay inay ay ku mashquulsan tahay qabashada shirka Wadatashiga Puntland oo 15-ka bishaan ka ka furmaya magaalada Garowe. Sidoo kale war ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in la hakiyey ka qeybgalka shirarka looga arrinsanayo arrimaha maaliyadda iyo deyn cafinta ee hormuudka ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta la joojinayo wax lagu sheegay colaad iyo xayiraad ay dowladda Federaalku ku heyso Jubbaland. Shirarka looga hadlo arrimaha maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya ayaa horey uga dhacay qaar kamid ah magaalo madaxyada dowlad goboleedyada iyo sidoo kale dalalka Kenya, Itoobiya iyo Yugaandha, waxaana ka qeybgali jiray Federaalka, dowlad goboleedyada iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Arrinta ay hadda u diideen shirkan Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu macnaan karaa khilaafka meesha xun gaaray ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada. Hoos ka akhriso qoraalada ay soo saareen Puntland iyo Jubbaland PUNTLAND POST The post Khilaafka siyaasadeed ee dalka oo saameeyey hannaanka dib u habeynta Maaliyadda appeared first on Puntland Post.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxa sirdoonka dalka Masar, Abas Kamel ayaa billaabay socdaal rasmi ah oo uu ku marayo dhowr dal oo Carbeed, ayada oo ujeedku yahay in la saxiixo heshiisyo amni oo ka dhan ah saameynta madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erodgan uu ku leeyahay gobolka. Warbaahinta gudaha Masar ayaa kasoo xigatay ilo sirdoon in ciidamada Masar “ay dib uga soo guranayaan Libya,” waxayna intaas ku dareen inay Turkey ku cadaadineyso inay joojiso saameynta ay ku leedahay Waqooyiga Afrika. Toddobaadyadii dhowaa, Kamel ayaa booqday dalalka Sudan, Algeria iyo Morocco. Waxa uu Sudan kala hadlay in dagaalyahano dheeri ah ay usoo dirto Libya. Dowladda Algeria, ee uu hoggaamiyo madaxweynaheeda cusub Abdelmadjid Tebboune, ayaa dhowaan lagu warramay inay walaac ka muujisay xaaladda Libya. Shantii Febraayo, wasiirka arrimaha dibedda Sabri Bogadom ayaa la kulmay Jeneralka fallaagada ah ee Libya Khalifa Hafta, si uu ugala hadlo xaaladda Libya. Kamel ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta Marocco kala hadlay in Ankara ay taageerto dhaq-dhaqaaq Islaami ah oo kasoo horjeeda dowladda dalkaas. Xiriirka Turkey iyo dalalka Carabta ayaa sii xumaaday kadib markii ay dhowaan ciidamo gaysay dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda dalkaas ee wajaheysa weerarka kaga imanaya Jeneral Khalifa Haftar. Dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Sudan iyo Algeria ayaa ka mid ah dalalka taageera Jeneral Khalifa Haftar.
-
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku soo xag-gudubtay madaxbanaanida dalkiisa, kadib markii uu maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen golaha ammaanka qaranka dalka Kenya. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka gudbeen xuduuda Kenya, kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay magaaladda Beled-Xaawo, kaas oo ay la galeen ciidanka maamulka Jubaland 2-dii bishan. Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadaasi mid jebinaysa xeerarka caalamiga ah iyo madaxbanaanida dhuleed ee dalkaasi, waxayna ku tilmaantay xad-gudub marna aan la aqbali Karin. Golaha amniga Qaranka Kenya ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay burburin u geysteen hantida muwaadiniinta dalkaasi ee ku nool magaalooyinka xadka ku yaalla, gaar ahaan Mandheera. Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeynta safiirka Soomaaliya ee QM, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle), 5-tii bishii la soo dhaafay taasoo ahayd in Kenya ay xad-gudub joogto ah ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee hadalka dowladda Kenya ayaa ku soo aadaya xilli xiisad ay ka jirto xadka, gaar ahaan gobolka Gedo, iyadoo Isniintii la soo dhaafay dagaal xoog leh uu ka dhacay Beled-Xaawo kaas oo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-habeen-04032020.mp3 View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale war ka soo saartay caabuqa COVID-19 oo dhaliya xanuunka Coronavirus, ka dib markii maanta wasaaraddu ay magaaalada muqdisho kulan kula qaatay deeq-bixiyaasha caalmka iyo saaxiibada daneeyo Soomaaliya. Halkaan ka aqriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kenya is expected in the coming days to start negotiating its troops exit plans from the African Union Mission in Somalia (Amisom), the Nation has learnt. Source: Hiiraan Online
-
Pakistan and Iran have agreed to work together against spreading of coronavirus. Source: Hiiraan Online
