-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Iiraan ayaa lagu soo waramayaa in cabsi ay ka qabto in uu faafo caabuqa Coronavirus dartiis ay xabsiyada si ku meel gaar ah uga sii deysay kumanaan maxaabiis ah. Maxaabiistan la sii daayay ayaa tira ahaan waxa ay gaarayaan ilaa iyo 54,000 oo maxbuus oo ku jirar jeelasha dalkaasi. Shaqsi ka tirsan waaxda garsoorka oo lagu magacaabo Gholamhossein Esmaili ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiista la sii daayay, ka dib markii ay ogaadeen in dhamaantood aysan qabin caabuqa Corona. “Maxaabista u xiran dambiyada dhanka amniga oo lagu riday 5 sanno oo xarig ah lama sii deyn doono” ayuu yiri “Maxaabista u xiran dambiyada dhanka amniga oo lagu riday 5 sanno oo xarig ah lama sii deyn doono” ayuu yiri Talaadadii, wasiirka caafimaadka Iiraan wuxuu sheegay in tirada dadka la xaqiijiyay inuu ku dhacay Corona ay sare u kacday in ka badan boqolkiiba 50, hadda wuxuu ku dhacay gudaha Iiraan 2,336 qof inkasta oo la rumeysan yahay in tirada ay intaas ka sarreyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa bilaabaysa maalmaha soo socda wadahadallo ay ciidammadeeda kala baxaysa dalka Soomaaliya. Wadahadalladan oo ay hoggamin doonto Wasiirka Gaashaandhigga Monica Juma ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu doonayo in ciidammada AMISOM ay kaga baxaan dalka Soomaaliya sanadka 2021. Ciidamada Kenya ayaa muddo siddeed sanno ah waxa ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya iyagoo ka mid ah ciidammada nabad ilaalinta AMISOM. Askarigii ugu horreeyay ee ka socda dalka Kenya ayaa 16kii October,2011gii ayaa ka soo gudbay xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya. Warkan ku saabsan kala bixitaanka ciidammada Kenya dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xilli xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya uu sii xumaanayo maalinba maalinta ka dambeysa. Iskahorimaad hubeysan ayaa ku dhex maray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah wasiirka baxsadka ah ee Cabdirashiid Janan iyagoo ku dagaalamay xadka ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Source
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa baabi’isay qorshihii ay saldhig militari uga dhiseysay magaalada Berbera, waxaa sidaas maanta weriyey wargeyska The National ee kasoo baxa Imaaraadka. Wargeyska ayaa qoray in dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhig militari ku lahayd dalka Eritrea tan iyo sanadii 2015, hase yeeshee ay ka laabatay qorshihii ay saldhig kale uga dhiseysay Berbera. Wargeyska The National ma shaacin wax sabab ah oo loo joojiyey qorshahaas, sidoo kalena ma bixin wax sharaxaad ah. Baarlamanka Somaliland ayaa 12-kii Febraayo 2017 waxa uu si aqlabiyad leh ugu codeeyey heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya inay saldhig ciidamada cirka iyo badda ah ka sameysato Berbera. Qorshahaas ayaa waxaa si weyn uga hor-yimid baarlamanka Soomaaliya oo isla sanadkii 2017 ansixiyey mooshin ku amraya Imaaraada Carabta inay joojiyaan dhismaha saldhiggaas, kana baxaan dalka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa 14-kii September 2019 shaaciyey in garoonka Berbera ee militariga Imaraaadka Carabta loo beddelay garoon shacab, taasi oo markii ugu horreysay muujisay is-beddel ku yimid qorshihii Imaraaadka. Hase yeeshee, Muue Biixi ayaa maalin kadib hadalkaas ka laabtay, isaga oo sheegay sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gaashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan. Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”.
-
Kenya is expected in the coming days to start negotiating its troops’ exit plans from the African Union Mission in Somalia (Amisom), The Daily Nation has learnt. The talks to be led by Ministry of Defence CS Monica Juma are part of the anticipated Amisom withdrawal by 2021, the year in which the peacekeeping and enforcement mission is expected to close down its operations in Somalia. The negotiations aim to end about eight years of Kenya Defence Forces (KDF) incursion in Somalia in which the presence of forces potentially reduced possible terrorist attacks as well as exposed Kenyans to varied reasons behind terrorism. KDF crossed into Somalia on the night of October 16, 2011. The objective of invading Somalia was to destroy and degrade Al-Shabaab, topple its leadership and prevent prospects of terrorist attacks locally. Kenya shares a 684km-long border with Somalia which has remained porous with Improvised Explosive Device (IED) attacks and a string of terrorist attacks affecting communities living along the border as well as within the capital Nairobi. Although there was a succession of quick military victories by KDF in Somalia, the operation has not managed to shield Kenya from attacks by Al-Shabaab. The negotiations come at a time when fights between Federal Government of Somalia forces and various regional government troops have risked drawing back the gains made against the terrorists. On Monday, Somalia was fighting itself after its national forces ambushed Jubbaland regional troops allied to a fugitive minister, Mr Abdirashid Janaan, near the Kenyan border with Somalia. Fighting broke out between special troops of the Somali National Army (SNA) deployed to Gedo region to guard the border and Jubbaland forces loyal to Mr Janaan, who reportedly fled prison in Mogadishu with the help of some officials in President Farmajo’s government. “The incident being referred to happened today afternoon (Monday) in Bulla Hawa in Somalia which borders Kenya’s Mandera Town. We wish to reassure Kenyans that our security teams are on high alert to avert any attempt by militants in Gedo region straying into the country,” Mr Charles Owino, the National Police spokesman, said in a statement. Experts say the move could potentially aid Al-Shabaab in spreading terror. The fight broke out a day after 11 Kenyan lawmakers secretly travelled to Somalia and met President Farmajo. As part of exit preparations, KDF is currently deploying a Battle Group which will facilitate the anticipated withdrawal of troops under the Somali Transition Plan aimed at the gradual transition of security responsibilities to Somalia’s security institutions. The ongoing rotation of KDF troops between Amisom 8 and Amisom 9 Battle Groups under the command of Brigadier Dickson Rono will be the major undertaking for KDF in Somalia this year. The Somali Transition Plan follows the development of a Concept of Operations (CONOPs) 2018-2021 that provides for an effective outline for the implementation of the Somali Transition Plan. This CONOPs provides guidelines as it marks the final phase of AMISOM and eventual exit from Somalia. The withdrawal timelines come at a time when Chief of Defence Forces General Samson Mwathethe is expected to be exiting the military after initiating widespread reforms in improving the welfare of KDF troops. The reforms range from the modernisation of KDF operational and technological warfare capacity as well as establishing a welfare Directorate with ambitious welfare programs to cater for the psychosocial and physical well-being of wounded soldiers and their families. The Board One meeting which decides on the promotions and appointments of KDF leadership is set to meet anytime from this month to consider promotions within the senior-most military ranks. The meeting of Board One is followed by a defence council meeting which may either extend the tenure of the current General or replace him. Last year, President Uhuru Kenyatta extended the term of General Mwathethe after the National Defence Council recommended for the extension of his term citing impressive performance. Under General Mwathethe’s term, the military has been contributing to President Kenyatta’s Big Four Agenda especially through the new Kenya Navy Slip Way and the Blue Economy, which the General chairs. Both projects have contributed to the improvement of national food security and the creation of employment. The Kenya Navy Slip Way which is being built at Mkunguni in Mtongwe Navy Base and is set to be completed by 2021. The slipway will enable Kenya to establish a foothold in shipbuilding and maintenance in the region and to compete with similar facilities located in South Africa and Djibouti. A slipway is a ramp/rail on the shore by which ships or boats can be launched into or out of water. It is also used for building or repairing ships or boats and for launching small boats. It will also be expected to boost tourism, create employment and accord the Kenya Navy and other Kenya government’s maritime agencies flexible docking and planned maintenance of vessels. At the Kenya Air Force, there is an ongoing modernisation through various multibillion investments like the establishment of the Air Defence Regiment (ADR) and acquiring an effective Air Defence System (ADS) to be used to defend the country from all airborne aggression. An ADS system is able to detect an impending attack in time and destroy it before it reaches the target. New acquisitions include Fennec helicopters, 530F planes and the Italian Spartan aircraft C-27J for transport. Across the military, there is the establishment of the ultra-modern Rehabilitation Centre at Lang’ata barracks which will be used for treating soldiers suffering from Post-Traumatic Stress Disorder (PSTD) and welfare centres in various barracks and military bases. “The impact of the massive modernisation and welfare programme from General Mwathethe, offers the Kenyan security architecture a chance to rethink and create a robust security campaign along the Kenya Somalia border, especially now that the soldiers are expected to withdraw from AMISOM,” says Major (Rtd) David Omondi, a security expert. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada, gaar ahaan, sida ay u howlgalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad & kuwa Gorgor. C/raxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidamada labadaasi talis oo ay tababartay dowladda Turkiga loo adeegsado arrimo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay ka qeyb qaateen dagaalladii ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Beled-Xaawo. “Haramcad iyo Guutooyinka Gorgor waxaa tababaray oo maalgaliyey Dowlada Turkiga. Waxaa loo isticmaalay faa’iido siyaasadeed oo sababay khilaaf gudaha ah. Waxay qayb ka ahaayeen dagaalladii Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Gedo. ”ayuu yiri CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda Turkiga inay dib u eegis ku sameyso taageerada dhaqaale iyo midka tababar ee ay siiso ciidamada Haramcad & iyo kuwa Gorgor. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya, iyadoo ciidanka Haramcad iyo kuwa ka tirsan Gorgor la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo midkii Isniintii ka dhacay duleedka degmada Beled-Xaawo.
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska The National ee ka soo baxa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray in la joojiyay saldhigii milatari ee UAE ay ka dhisanaysay magaalada Berbera. Wargeyska oo warbixin ka qoray maalgashiga ay dawladda UAE ku samaynayso qaaradda Afrika, ayaa wuxuu si kooban u sheegay in saldhigaas milatari la joojiyay. “Imaaraadka Waxay saldhig milatari ku leeyihin Ereteriya ilaa sannadkii 2015, laakiin qorshe lagu doonayay saldhig kale oo Somaliland ah ayaa la joojiyay.” Ayuu ku yidhi wargeysku gunaanadka warbixintiisa, laakiin wargeysku ma bixin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah iyo inuu warkan ka soo xigtay dawlada UAE. Madaxweyne Biixi ayaa bishii Septermber ee kal hore sheegay in madaarka Berbera ee saldhiga UAE ay ka dhisanaysay laga dhigay mid shicib oo ay diyaaradaha madaniga ahi isticmaali doonaan, waxaanu sheegay in madaarka oo ay UAE dib u dhistay uu noqon doono mid balaadhan oo isku xidhi doona Afrika. Wargeysku, waxa kale oo uu sheegay in dawladda UAE ay doo muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadintii lagu guulaystay ee Ereteriya iyo Itoobiya. Source
-
Dowladda Kenya oo la filayo in waqtiyada soo aadan ay iskaga baxdo howlgalka midowga Afrika ee AMISOM oo ay qeyb ka tahay muddo ku siman 9 sanno. Wargeyska Daily Nation oo soo xiga shabakada The Nation, ayaa waxa uu sheegay in dowladda Kenya sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayso wadahadallo ay ciidankeeda ugala baxayso kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM. Sidoo kale wargeysku waxa uu tilmaamay in wadahadaladan ay garwadeen ka nqon doonto Monica Juma oo ah wasiirka difaaca Kenya, iyada oo madaxda midowga Afrika arrinkaasi kala xaajoon doonto. Wada xaajoodkaan ayaa la sheegay in ujeedkiisu uu yahay in la soo afjaro sideed sanno oo ciidamada Kenya ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, iyaga oo ku joogay magaca AMISOM. Waxaana Kenya ay aaminsantahay in haddii ciidankeeda ay la baxdo in ay yaraan doonaan weerarada uga yimaada Al shabaab. Ciidamada difaaca Kenya ayaa gudaha Soomaaliya soo galay sanadkii 2011-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaanahan waxaa taagnaa khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo isbitaaka Yardımeli Hospital ee magaalada Muqdisho, kaasi oo keenay in wasaaradda ay si rasmi ah u shaaciso in ay hay’adda Yardımeli ay si sharci darro ah dalka ku joogto. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in shaqadii isbitalka laga weeciyey ujeedkii loo dhisay oo ahayd dan guud, waxayna wacad ku martay inay la xisaabtameyso haya’dda Yardımeli. Wasaarada caafimaadka ayaa sidoo kale si rasmi ah u burisay heshiisyada ay sheegatay in markii hore lagu maamulayey isbitalka, kuwaas oo hay’ad kale ay ku sameysay qaab dalaalnimo ah. Isbitaalka Yardımeli, oo ay dhistay hay’adda Yardımeli oo ah hay’ad Turkish ah, ayaa markii hore loo dhisay bulshada Soomaliyeed, looguna talo galay inuu bixiyo adeeg caafimaad oo bilaash ah, kaasi oo lagu caawinaayo dadwaynaha Soomaliyeed. Si katsaba, waxaa soo ifbaxday in isbitalka uu isu beddelay mid ganacsi, oo ay ku lug leeyihiin ganacsato iyo siyaasiyiin saami ku leh, sida ay sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka. Isku daygii ay wasaaradda ku dooneysay in isbitalka nidaamkiisa lagu saxo, islamarkaana uu ku helo sharciyada iyo ruqsadaha saxda ah ee wasaaradda caafimaadka, ayaa waxaa is-hortaagay ganacstada iyo siyaasiyiin awood leh, sida ay xubno ka tiran wasaaradda u sheegeen Caasimada Online. Ganacasatadan iyo siyaasiyiintan ayaa la rumeysan yahay inay galaangal xoogan ku leeyihiin xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha, taasi oo u fududeysay inay ka hor-istaagaan wasaarada caafimaadka inay gudato waajibkeeda la xisaabtanka hay’adda Yardımeli iyo in loo soo celiyo isbitaalka inuu ahaado dan guud. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ganacsato iyo diblomaasiyiin Turkish ah ay ku lug yeesheen in la wiiqo awoodda wasaarada caafimaadka, taasi oo hadda u muuqata in loolanka looga adkaaday.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu qoray wargeyska afka dheer ee Daily Nation dowladda dalka Kenya ayaa wada qorshe ay ciidankeeda u gala baxeyso Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgala gobollada Jubbooyinka, kuna jooga magaca AMISOM. Daily Nation oo soo xiganaya ilo sirdoon ayaa sheegay in dowladdu ay ku dhawaaqday inay gebi ahaan la baxeyso ciidamadeeda ka jooga gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in qorshahaasi ay wado, islamarkaana ay haatan dadaal badan ku bixineyso wasaaradda difaaca ee dalkaasi Kenya. Wargeyska ayaa sidoo kale tilmaamay in Kenya arrintaasi ay wadahadallo gaar ah todobaadka soo socda kala galeyso Ururka Midowga Afrika, si loogu ogolaado arrintaasi. Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya gudaha u soo galay sanadkii 2011-kii, balse waxay 2012-kii si rasmi ah uga mid noqdeen howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya. Kenya ayaa sidoo kale tan markii ay ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya wajaheysay dhibaatooyin amni, gaar ahaan weeraro uga imaanayey dagaalyahannada Al-Shabaab. Arrintaan ayaa hadda ku soo beegmeyso, iyadoo uu mad madow siyaasadeed haatan u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo weli isku haya arrimo la xariira kiiska Badda ee horyaalla maxkamadda caaladda ee ICJ.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo u warramay TV-ga Universal ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadaha ka soo cusboonaaday gobolka Gedo. Cosoble ayaa wareysigaan ku sheegay in marka la fiiriyo marxalada uu dalka marayo marayi ay tahay dib u dhac weyn, isagoona ayaan darro ku tilmaamay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolkaasi oo uu sheegay inay abuuri karaan colaado sakeeye. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay inay xilligaan wada dagaalamaan ciidamo Soomaaliyeed, halkii ay dalka ka difaaci lahaayeen cadowga. “Waa ayaan darro weyn in xilligaan dhul soomaaliyeed ay ku dagaalamaan ciidamo lagana abuuro dagaalo sokeeye,marxaladda dalka uu marayo marka loo fiiriyo waa dib u dhac weyn oo dalka ku socdo una baahan in laga hortago.” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble. Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo hadalkiisa sii watay ayaa carabka ku dhuftay in mas’uuliyadda ugu horreysa ay qaadi doonto dowladda, tan xigtana Jubbaland. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay labada dhinac inay ka wada shaqeeyaan xasiloonida dalka, una turaan shacabka Soomaaliyeed oo xilligaan baahi weyn u qaba dowladnimo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Isniintii la soo dhaafay dagaal qaraar ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland uu ku dhexmaray duleedka degmada Beled-Xaawo, kaas oo weli saameyntiisa laga dareemayo xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
-
Ururka midowga Afrika oo soo saaray qoraal ayaa waxa ay si rasmi ah u sheegeen tirade dalalka afrikaanka ah ee laga helay caabuqa Coronavirus ee markii hore ka dilaacay dalka Shiinaha. Warmurtiyeed ay soo saareen midowga Afrika ayaa waxa ay ku shaaciyeen in 7 dal oo afrikaan laga helay kiiskan waxa ayna kala yihiin waddamadaasi Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia. Sidoo kale midowga ayaa diray baaq ah in dalalka kale ay muujiyaan feejignaan ku aadan sidii looga hortagi lahaa cabuqan faraha ba’an ku haya caalamka. Cudurkan ayaa waxa uu saameyn balaaran ku yeeshan caalamka, waxaa la tilmaamay in dad kumanaana ay u geeriyoodeen cudurkasi. Halkan ka akhriso dalalka Afrika ee laga helay kiiska Coronavirus Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina. Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib-u-habeynta hourmarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. ‘’Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta l iyo hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda” ayuu yiri wasiirka Beyle Wasiirka waxa uu si gaar ah u bogaadinayay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale ee dalka oo dhammaantood si loo gaaro guushan u huray wax kasta oo ay awoodeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Abidjan (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan gaar ah magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast kula qaatay madaxa Bangiga Hormarinta Afrika, Mudane Akinwumi Adesina. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka xiriirka dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya Bangiga Afrika. ‘’Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika #Akinwumi_Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta l iyo hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda.” ayuu yiri wasiir Beyle. Sidoo kale wuxuu boggaadiyey shaqaalaha wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradaha kale ee uu uga mahadceliyey, sida ay uga shaqeynayaan horumraka guud ee dalka. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in xukuumadda federaalka Soomaaliya, gaar ahan wasaaradda maaliyadda ay ka go’an tahay in sare loo qaado kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale barnaamjka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan.
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina. Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib-u-habeynta hourmarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. ‘’Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika #Akinwumi_Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta l iyo hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda. Wasiirka waxa uu si gaar ah u bogaadinayay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale ee dalka oo dhammaantood si loo gaaro guushan u huray wax kasta oo ay awoodeen View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in lagu arkay xanuun la garan la’yahay oo dadka dhiig ay ka keenayaan sanka iyo afka, kadibna ay dhimanayaan. Xanuunkaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay wasaqda ceelaha shidaalka ee uu shiinaha ka qodayo halkaasi. Sidoo kale xanuunka ayaa ku sii faahafay tuulooyin dhowr ah oo ku dhow halka laga qadayo ceelashaasi. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Afgooye.mp3 View the full article
-
Garowe ( PPM) — Hybrid justice system of Somalia allows for the payment of blood money ( mag ) in line with the Islamic jurisprudence. Blood money is obligatory when a person causes the death of someone but the choice to accept or not to accept blood money belongs to the family of the deceased person to be able to spare the convicted person from execution. In Puntland, as in many parts of Somalia, blood money is key element of legal remedies. Tradition, bad governance and effects of state collapse leave blood money aspect of the civil law open to abuse. Tradition dictates that a portion of the blood money be distributed to members of the subclan, who would contribute to raising blood money (usually donating camels) when a member of the subclan is convicted of murder. This practice is waning. Religious leaders liken it to theft of the belongings of the victim’s family. Where religious leaders make less discursive contribution is the asymmetrical clan power and wealth disparity in society make blood money put families of victims at disadvantage. A poor or minority family may give in to the pressure to accept blood-money. A family’s right to exercise the choice to accept blood money or to have the convicted murderer executed by the State exists in a context where neither the State nor the clergy boasts an absolute coercive power. In some areas where asymmetrical clan power does not exist (i.e. people of the same social group live in a district, for example), the family of the person convicted of murder weigh payment of blood money on its impact on family wealth and the specific circumstances leading to the murder and the possibility that the convicted murder may commit murder again. A recent case in Lasanod offers a contrasting but encouraging lesson about blood money. The family of man who killed another man fled to South Galka’yo. The family of the suspect liaised with Galmudug authorities, who handed the suspect over to the family. The suspect confessed to the murder. He was handed over to the family of the deceased man, who asked for blood-money. Where the rule of law is weak blood money does not stop feuding or re-offending. Puntland justice system heavily depends on customary law, the Somali Penal Code and Sharia. Of these tree elements the customary law enjoys primacy. but its system is more transparent than the Federal Government justice system: the soldier who shot a minister dead and people who killed and burned a man’s body have yet to be convicted of the crime for fear of clan backlash. In 2003 PDRC raised questions about a justice system reliant upon clan quotas when employing judges. It is Puntland State addressed the hybrid justice system that serves interests of the powerful. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Blood Money and Puntland Justice System appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, kadib dagaalkii Isniintii la soo dhaafay ka dhacay Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in weli ciidanka Jubbaland ay ku sugan yihiin Mandera. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in tan iyo saqdii dhexe ee xalay ay hawada ka maqan tahay isgaarsiinta degmadaasi, lamana oga sababta ka dambeysa arrinkaasi. Sidoo kale waxaa xiran goobaha waxbarashada, ganacsiga, iyadoona illaa iyo hadda aysan shacabka ku laaban xaafadaha uu saameeyay dagaalkii dhacay Isniintii. Mandera oo xuduud la leh Beled-Xaawo ayaa waxaa saameyn daran ku yeeshay dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka wadaan xadka Soomaaliya. Maamulka iyo xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ee laga soo doorto degmadaasi oo saacadihii la soo dhaafay la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale dalbaday in wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland C/rashiid Janan iyo ciidamadiisa ay isaga baxay halkaasi. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu haatan aad u xun yahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii labada wadan ay eedeymo culus isu mariyeen dhanka warbaahinta.
-
Wararka aan ka helayno magaalada Mandheere ee Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta guud ahaan magaaladaaasi ay hawada ka maqantahay isgaarsiinta waxaana hakad ku jira dhaqdhaqaaqa guud. Shirkada ugu weyn ee dhinaca isgaarsiinta ee Safaricom ayaa saqdii dhexe ee xalay hawada ka baxaday, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in shirkadaasi ay hawada ka maqnaato sacaado badan. Sidoo kale isku socodka dadka iyo midka gaadiid ee magaaladaasi ay hakad ku jira waxaana la soo sheegayaa in caruurta ku dhaqan magaaladaasi aysan saakay u dareerin goobaha waxbarashada. Wararka aan dhinaca kale magaaladaasi ka helayno ayaa sheegaya in ciidamada wasiirka amniga Jubbaland ee Cabdirashiid Janan ay wali ku sugan yihiin qeybo ka mid ah magaalada Mandheera, taasina ay keenayso cabsi ay shacabku ka qabaan dagaal. 2-dii bishan ayey ahayd markii ciidamo ka kala tirsan dowladda federaalka ah iyo kuwa Jubbaland uu dagaal ku dhexmaray magaalada Belad xaawo dagaalkaasi oo markii dambe ku sii fiday qeybo ka mid ah magaalada Mandheera. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Wali Maxamed Warsame, oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay cadaalada iyo muhiimada ay leedahay, waxaanu tilmaamay in cadaalada oo sideeda loo ilaaliya, inay faa’iidooyin badan leedahay, cadaalad daro dhacdaana ay dhibaatooyin badan leedahay. Xildhibaan Maxamed Wali Maxamed Warsame, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Cadaaladu waa arin culus oo u baahan in sida ay tahay loo ilaaliyo, cadaalad dhamays tiran ILLAAHAY oo qudha ayaa laga hela, laakiin inaynu inaguna ilaalino weeye, cadaalada oo ilaaliyana faa’iidooyin badan baa inoogu jira, oo waxaynu iska ilaalinaynaa dulmi iyo xaq daro, cadaalad darada waxaa ka dhasha nabadgalyo daro, dhibaatooyin, xaq daro iyo dulmi,ee aynu iska ilaalino cadaalad darada, oo cadaalada aynu ilaalino” Xildhibaan Maxamed Wali Maxamed Warsame, ayaa dhanka kale wuxuu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyada ilaaliyaan, oo ay iska ilaaliyaan wax kasta oo nabada wax yeelo ku ah. Source
-
(SLT- Algeria)-Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah dalalka Afrika ee uu gaadhay caabuqa halista badan ee Coronavirus. Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in illaa hadda Afrika kiisas la xadhiidha cudurkaasi oo ka soo bilaamay Shiinaha laga helay illaa iyo lix dal, kuwaas oo kala ah Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia. Source
-
Ciidamada dalka Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano argagixiso la dirirka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay xadka Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ballaaraan ayaa waxaa la sheegay in jeedkooda uu yahay, sidii loo xoojin lahaa amniga deegaanada dhaca xadka labada dal. Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa waxaa haatan xoogooda looga dareemayaaa agagaarka deegaanka Libooya ee dalka Kenya. Sidoo kale dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Mareykanka uu ka digay weeraro Al-Shabaab ay ka fuliso gudaha dalkaasi Kenya. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weerarada ugu badan waxa ay ka geystaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi oo xuduud dheer la leh Soomaaliya. View the full article
-
Wasiir Janan oo ‘lagu amray inuu isaga baxo degmada Mandera
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo laga soo doorto degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa ugu baaqay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirasiid Xasan Nuur (Janan) inuu isaga baxo gudaha magaaladaasi. Xubnahaan xildhibaanada ah ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in markale Mandera laga dareemo xiisado colaadeed. Sidoo kale waxa ay wasiir Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamadiisa u qabteen in 24 saacadood gudahooda ay uga baxaan halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/ccc.mp3 View the full article -
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada ammaaka maamulka Puntland saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi, iyadoona lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Puntland oo ka hadlay baaritaanadaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen bistoolado iyo qoryo nooca AK47 ah. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la soo qabtay raggii watay hubkaasi oo gaarayey illaa sideed qof oo la xariinayo kooxda Al-Shabaab. Laamaha amniga Puntland ayaa haatan baaritaano dheeraad ah ku haya raggaasi, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan inuu baxsaday nin la sheegay inuu horkacayey. Ciidamada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyey amniga Boosaaso, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada ee maagaaladaasi. Inta badan waxaa gobolka Bari weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan ka geysta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan oo loo yaqaano (Axmed Faal) ayaa awaamiir culus dul dhigay shacabka magaalada Jowhar. Axmed Faal ayaa shacabka iyo ganacsatada uga digay inay qashinka ku daadiyaan waddooyinka magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha nadaafada iyo bilic soo celinta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Zakariye.mp3 View the full article
