-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Askari Puntland oo hawlgal fulinaya Laamaha Amniga dowladda Puntland, ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabtay, 8 qof oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan Booliiska gobolka Bari, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in raggaasi lagu qabtay, hawlgal saacado qaatay oo laamaha Amnigu ay shalay ka fuliyeen gudaha suuqa weyn ee magaalada Boosaaso. Saraakiisha ayaa sheegaya, in hawlgalkaasi uu bilowday subaxnimadii hore ee Talaadadii shalay, kadib markii xog laga helay dhaqdhaqaaqa kooxda, islamarkaana ciidamadu xireen isu’socodka suuqa weyn ee Boosaaso. Xubnaha gacanta lagu dhigay, ayaa lagu qabtay hub iyo saanad ay ku jiraan bastoolado iyo qoryaha fudud, waxaana haatan ku socda baaritaan dheeriya, kaasi oo dhowaan natiijadiisa la soo bandhigi doono, sida ay sheegeen saraakiisha. Balse, Saraakiishu waxay tilmaameen in aan weli gacanta lagu dhigin xubin muhiima oo hoggaaminayay kooxda, kaasi oo degaan ahaan ka soo jeeda Somaliland. PUNTLAND POST The post Puntland: Koox la sheegay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-040320-sx.mp3 View the full article
-
Ninka is qarxin lahaa ee la qabtay Taliska Booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigay nin sida la sheegay doonayey in uu isku qarxiyo gudaha magaaladaas. Ninkaas oo magaciisa lagu soo koobay Isaaq ayaa saraakiishu waxay sheegeen in lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka Ammaanka ee magaalada Baydhabo. Eeedaysanah waxaa la sheegay in uu xirnaa jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, qori AK47 ah iyo booshkiisa. Taliska Booliiska magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal kale oo muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab. Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Aadan Ibraahim ayaa isu soo dhiibay ciidamada isagoo ku hubaysan qori AK47 ah iyo bastoolado sida ay sheegeen Booliiska. PUNTLAND POST The post Booliiska Koonfur Galbeed oo qabtay nin isku qarxin lahaa magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s spy chief in the capital Mogadishu was sacked Tuesday just days after a terrorist group targeted a heavily fortified compound in Mogadishu, local media reported. Source: Hiiraan Online
-
Ururka Midowga Afrika, ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah dalalka Afrika ee uu gaaray caabuqa halista badan ee Coronavirus. Warsaxaafadeedka ka soo baxay ururka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in illaa hadda Afrika kiisas la xariira cudurkaasi, oo ka soo bilowday Shiinaha laga helay lix dal, kuwaas oo kala ah Algeria; Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia. Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri, si looga hortago in cudurka uu u sii gudbo dalalka kale ee qaaradda Afrika. Coronavirus oo hadda si weyn ugu sii fidaya dunida, waxaa u dhintay dad badan, kuwaas oo badi ku noolaa wadanka Shiinaha oo uu caabuqaan ka soo bilowday. PUNTLAND POST The post Magacyada dalalka Afrika ee Coronavirus gaaray oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo Arbaco ah, waxaa la filayaa in dalka Turkiga lagu soo geba-gabeeyo, shir ay halkaas ku leeyihiin madaxda ugu sareysa Madasha Xisbiyada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Shirkaas ayaa la sheegay in qodobo laga soo saari doono, kuwaas oo Madashu ay ku muuji doonto mowqifkooda ku aadan doorashooyinka dalka kusoo wajahan ee sannadka 2021-ka Qodobada ku xusan go’aanada ka soo baxaya shirka Madaxsha Xisbiyada uga socda Turkiga, waxaa la sheegay in ay ku qotomaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka. Xubno ka qeyb gelaya shirkaas, oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Muqdisho, ayaa laga soo xigtay in shirka lagu soo hadal qaaday waxa ka hir galay balamihii ay wada galeen madaxweynayaashii hore ee dalka iyo madaxweynaha haatan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo laga sugayo mowqifkooda doorashada 2021-ka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyiin kala duwan oo weheliya ayaa xalay korrmeer ku tegay Goobo kala duwan oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa inta uu ku guda jiray Kormeerka waxaa uu la caweeyay bulshada Magaalada Dhuusamareeb isla markaana waxaa uu ka dhegaystay talooyin ay u soo jeediyeen. Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Sidoo kale Madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Magaalada. Kormeerka xalay uu sameeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii dowladda Federaalku xoog ku muquunisay maamulkii Ahlusunna ee isaga ka horjeeday. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo Kormeer Ku Tegay Goobo Kala duwan oo ku yaalla dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah dalalka Afrika ee uu gaaray caabuqa halista badan ee Coronavirus. Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in illaa hadda Afrika kiisas la xariira cudurkaasi oo ka soo bilowday Shiinaha laga helay illaa iyo lix dal, kuwaas oo kala ah Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia. Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri, si looga hortago in cudurka uu u sii gudbo dalalka kale ee qaaradda Afrika. Coronavirus oo hadda si weyn ugu sii fidaya dunida ayaa waxaa u dhintay dad badan, kuwaas oo badi ku noolaa wadanka Shiinaha oo uu caabuqaan ka soo bilowday. Wadamadii ugu dambeeyey ee uu gaaray cudurkaan waxaa ka mid ah Sucuudiga iyo Mareykanka oo laga helay kiisas cusub. Halkaan hoose ka aqriso liiska
-
Ethiopia has said the US position on the controversial Nile River mega-dam project is "totally unacceptable". Source: Hiiraan Online
-
Four hours a day, six days a week, Ramla Ali -- the first Muslim woman to win a boxing title for England -- is either training or competing. Source: Hiiraan Online
-
The DARE1 consortium has landed cables in Somalia’s two largest coastal cities, Mogadishu and Bosaso. Source: Hiiraan Online
-
Sanders wins top prize, California; Biden surges nationwide
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Bernie Sanders seized Super Tuesday’s biggest prize with a victory in California, Source: Hiiraan Online -
Bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay xaaladda ka aloosan xuduudka Turkiga iyo Giriiga, iyadoo tusaale usoo qaadatay dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay goobaha ay dadka qaxootiga ah ay joogaan, waxayna ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda xuquuqda aadanaha. Hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay waxyaaladiii u danbeeyey ee lagu sameeyey dadka qaxootiga ah ee doonayay in ay u gudbaan dalalka Yurub. Qaramada midoobay waxay ugu baaqday masuuliyiinta dawladda Giriiga inaysan isticmaalin rabshado xad dhaaf ah oo ka dhan ah muhaajiriinta, sidoo kale waxay ugu baaqday dadka muhaajiriinta ah inay ixtiraamaan amniga xuduudaha u dhexeeya labada waddan . Dhanka kale, af hayeenka sanduuqa qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF Marixi Mercado ayaa waxay sharraxday in dadka tahriibayaasha ah ee ku sugan xadka Turkiga iyo Giriiga ay %40 ay yihiin haween iyo carruur loona baahan yahay in aan dhibaato loo gaysan. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ka dayrisay Xaaladda Qaxootiga ku xanniban Xuduudka Turkiga iyo Giriiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Lacagta ku baxeysa doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/21 ayaa markii ugu horreysay shaaca laga qaaday, xilli lagu wado in bilaha soo socda la guda galo diyaar garowgooda. Wargeyska The Article ayaa qoray in guddoomiya guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaaliya Xaliimo Yarey ay Golaha Ammaanka QM u sheegtay in doorashooyinka ay ku bixi doonto lacag dhan 53 milyan oo dollar, haddiiba la qabto. Doorashada Soomaaliya ee sanadkan ayaa la filayaa in markii ugu horreysay ay noqoto mid qof iyo cod ah, hase yeeshee illaa iyo hadda ma cadda sida loo fulin doono, halka laga qaban doono, iyo cidda ka codeyn doonta. Dhinaca kale, ma cadda cidda bixin doonta lacagta ku baxeysa doorashada, ayada oo ay caddahay in dowladda Soomaaliya aysan hayn, hase yeeshee waxaa la filayaa in dalalka caalamka ay gacan ka gaystaan. Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa warbixin uu soo saaray bishii July 2019 ku sheegay inay u badan tahay in doorasho qof iyo cod ah aysan Soomaaliya ka dhicin sanadkan. Machadka ayaa sababaha ku sheegay; dowladda oo aan haysan maal-gelin ku filan, amniga oo aad u xun, iyo muranka xooggan ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo weli aan xal loo helin.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamanka dalka Kenya ayaa go’aan ka gaaray xildhibaanadii dhowaan u safray magaalada Muqdisho ee doodda badan ka dhaliyey dalkaas. Afhayeenka baarlamanka Kenya Justin Muturi ayaa sheegay in xildhibaanadaas aan wax ciqaab ah la marin doonin. Muturi ayaa sheegay in inkasta oo xildhibaanada ay jebiyeen qodobka 260 ee xeerka baarlamanka, oo dhigaya inay safarada dibedda kusoo war-geliyaan guddoonka, haddana uusan jirin sharci dhigaya in la ciqaabo. “Ma jiro wax sharci ah oo qeexaya in la ciqaabo xildhibaanada aan afhayeenka kusoo war-gelin safaradooda, balse waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan qodobka lixaad ee dastuurka,” ayuu yiri Muturi oo ka hadlay kulankii baarlamanka ee shalay. 11-ka xildhibaan ee u safray Muqdisho iyo deegaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera) and Omar Maalim (Mandera East). Others are Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Kullow Maalim (Banisa), Adan Ali Sheikh (Mandera South), Ahmed Bashane (Tarbaj) iyo Mohamed Dahir (Dadaab). Xildhibaan Rashiid Qaamis oo ka mid ahaa xildhibaanada Kenya ee sabtidii tegay Muqdisho, ayaa sheegay in cadaadiska madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku qasbay inay u safraan magaalada Muqdisho. “Waxaan la kulanay madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana uu nagu qasbay inaan isu tagno oo aan xal u helno arrintan ururka Al-Shabaab ee ka taagan gobolka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Rashiid Qaasim oo laga soo doorto Wajir East. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo 25-kii Febraayo la kulmay hogaamiyayaasha Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida aho ayaa u qabtay 14 maalmood, si ay ula yimaadaan xal wax looga qabanayo dhibaatooyinka amni-darro iyo falalka argagixiso ee ka jira gobolka. Sida uu weriyey wareyska The Standard, madaxweynaha ayaa xubnahan u sheegay in falalka argagixiso ee gobolka ka socda ay gaysanayaan dad gobolka kasoo jeeda, ayna qasab tahay inay wax ka qabtaan dadka gobolka.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi ee dalka ka Kenya ka qabtay Cabdirashiid Cali Gooni, oo ahaa guddoomiyaha gobalka Jubada Hoose ee maamulka Jubaland. Guddoomiyaha ayaa xiran muddo ku dhaw todobaad, waxaana ilaa hadda aan la ogeyn sababta loo xiray balse waxaa ka soo baxaya warar kala duwan. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in guddoomiyaha markii la xirayay uu ku sugnaa shir ka dhacayay Nairobi, oo ay ku kulmayeen masuuliyiin Kenyan ah oo gobolada dalkaasi qaabilsan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay u xireen sabab la xariirta in ay ka shaki qabaan in gobalka uu ka billaabo abaabul kadib markii uu dhowr jeer la fariistay Cabdirashiid Xidig oo ay qaraabo yihiin, sidoo kalane ka tirsan raga sheegta madaxweynaha Jubbaland. Dad ku sugan Kismaayo oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in guddoomiyaha la xiray lana ogeyn sababta markii la weydiiyay Kenya-na ay sheegtay in ay uga shakiyeen abaabul uu waday oo gobalka lagu keenayo ciidamada dowladda Soomaaliya. Cabdirashiid Cali Gooni waxa uu muddo dheer ahaa guddoomiyaha gobalka Jubada Hoose ee Jubaland. Waxay sidoo kale qaraabo yihiin Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Jubaland lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladiisa oo ay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah ehelkiisa.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa maanta ka hadlay markii u horeysay xaalka Somaliland, oo uu sheegay in uu marayo meeshii ugu xumeyd abid. Cali Guray ayaa sheegay in gud ahaanba ay fashilmeen nidaamkii xisbiyada iyo doorashooyinka Somaliland, midaasi oo uu ku tilmaamay mid rabitaankii Somaliland ka dhigeysa filim dhamaaday oo lagu kala tagay madax-banaanideedi. Siyaasigan ayaa si adag u dhaliilay hogaaminta Madaxweyne Biixi, isagoona xusay in Somaliland ay ku sii socoto mustaqbal madow, kaasi oo ka dhalanaya doorashooyinka aan qabsoomin ee mudo dhaafay. Siyaasi Cali Guray oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Waxaan ka mid ahay inta reer Somaliland rumaysan in nidaamkii xisbiyad badan iyo doorashooyinka tooska ah ay gabi ahaanba fashilmeen, nidaamkaasna waxaynu soo wadnay tan iyo wakhtigii aan dastuurka u codaynay, tobankii sanadood ee hore itaal aynu doonaba aan lahaanee hore ayuu u socday haduu doono haba gaabiyee, tobankan sano ee danbena waxaan ku jirnay burburintiisa nidaamkaas doorashooyinka iyo xisbiyada badan”. “Hada waxan jira ee aan xisbiyo ku sheegayno in aanay xisbiyo ahayn ee lufankii xisbiyada ka hadhay uu yahay waa la og yahay, doorasho Somaliland ka dhacaysa oo danbena ma jirtaba aniga xagayga, hadii laga tagi waayo waxa wax laga wad-wadi karaa doorashooyin gollaha deegaanka ah oo aan la garanayan wakhtiga ay dhacayso, mana jirto doorasho ka qabsomeysa Somaliland”. “Somaliland 2022-ka mustaqbalkay ku socotaa waa madow. Reer Somaliland waxay ku socdaan meel aan la garanayan markaan ku leeyahay wax doorasho ah ma dhacayaan waxii aan ku wada joognay waa waxii aan ku heshiinay ee dastuurka iyo sharciga ku qoran tii markay isa soo xidho anigu ma garnaayo waxa ka danbeeya, mar waxaan is idhaahdaa waa dhamaadkii Somaliland oo waxyanu ku jirnayba filin buu ahaa filimkana hadii ‘The End’ uu soo baxo dadku kuraasta iskama fadhiyaan ee kadimadaa la boobaa oo labadii is agfadhiyay ayaa midna kadinka waqooyiga ka baxaa midna kadinka koonfurta”. Wuxuuna intaas kusii daray “Maanta waxa leh in la kala adkaado danaysiyada gaar ah, waxan laysku haysta oo dhami maaha dan guud, maaha Somaliland iyo wanaageeda, markaas inta danta guud ay danta gaarka ah mudnaanta ka leedahay Somaliland hoos ayuunbay u sii soconaysaa.” “Masuulka koowaad ee qaranku sow ma jiro, waxa alle iyo waxii ka xumaada dalka isaga ayaa alle qiyaamaha la waydiinayaa imikana masuul ka ah,waxii u wanaagsanaadana isaga ayaa ajarkeeda leh, looma sinaan karo, isaga ayay u taalaa inuu dan yar oo gaar ah ku mashquulo iyo inuu umadiisa midaysto”.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-Qumanha-Warraka-03032020.mp3 View the full article
-
Ethiopia has approved a policy to introduce four additional working languages alongside Amharic which has been the working language of the nation. Going forward Afan Oromo, the most widely spoken language in Ethiopia, Afar, Somali and Tigrigna have all been adopted as official languages of government. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Md Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xigeenka Wakiilka hey’adda UNDP Soomaaliya Marwo Jacqueline Saline iyo Wafdi la socday. Waxaa kulanka Guddoomiye Cumar ku wehliyay ku xigeenka Gobolka arrimaha maamulka iyo maaliyadda iyo sidoo kale saraakiil farsamo oo ka mid ah maamulka Gobolka Banadir. Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo la Xirirka iskaashiga iyo wada shaqaynta Maamulka Gobolka Banadir iyo hey’adda UNDP gaar ahaan balaarinta mashaariicda horumarineed ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Taliye Fahad Yaasiin Oo Badalay Hoggaankii NISA Ee Banaadir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliyaha hey’adda nabd sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta waxaa uu xil kaqadis ku samayey taliyihii nabad sugidda gobalka Banaadir, isaga oo macaabay taliye cusub oo meel gaar ah War qaraal ah oo uu soo saaray taliye Fahad ayaa xilkii looga qaaday Ibraahim Macalin, waxaana lagu magacaabay Ciise Maxamed Ciise. Taliska hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ma faah faahin sababta keentay in xilka ka qaadis lagu sameeyo talihii NISA ee gobaka Banaadir iyo magaacabista cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
