-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – War ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland gaar ahaan xafiiska wasaaradda maaliyadda maamulkaasi ayaa waxaa gabi ahaanba lagu qaadacay shirka ay dowladda soomaaliya magaalada Beydhabo kula yeelanayso wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada. Jubaland ayaa waxa ay sheegtay in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin kadib markii ay arkeen in dowladda federaalka ah ay cunaqabateyn ku hayso shacabka maamulkaasi, islamarkaana garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu dhibaateynayo mas’uuliyiintooda. Sidoo kale waxa ay sheegtay Jubaland in sababta hakinta ay tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay qalalaaso ka waddo degaanada Jubaland, sida ay hadalka u dhigtay. Waxa ay intaas hadalkooda ku dareen in aysan shirkaasi uga qeyb gali karin sababo la xiriira wada shaqeyn xumo iyaga iyo dowladda dhexe soo kala dhexgashay. Dhinaca kale, Wasaarada maaliyadda Puntland ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in aysan ka qeyb-geli karin shirka dayn-cafinta looga hadlayo ee Baydhabo lagu balan-sanaa in uu ka qabsoomo inta u dhaxaysa 7-11 bishaan March. Wasaarada maaliyada Puntland waxay codsatay in muddo bil ah dib loo dhigo shirka, iyada oo u sababaysay in ay ku mashquulsan tahay qabashada ‘Shirka Wadatashiga Puntland ee 15-ka March’ ka furmaya magaalada Garoowe. Go’aanada Puntland iyo Jubaland ayaa caqabad ku noqon kara dadaallada deyn-cafinta Soomaaliya, maadaama shuruudaha lagu xiray dowladda federaalka ay ku jiraan inay la shaqeyso dowlad goboleedyada. Halkaan hoose ka akhriso qoralada kasoo baxay Jubaland iyo Puntland
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah Soomaaliya “inay duulaan kusoo qaaday oo ay kusoo xadgdubtay” madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee dalkaas, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada dalkaas. Bayaanka ayaa laga soo saaray kulan maanta uu shir guddoomiyey adaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo ay yeesheen Golaha Amniga Qaranka Kenya, oo ku saabsanaa xiisadda ka dhex oogan labada dal. Bayaanka oo ay ku saxiixneyd afhayeenka madaxtooyada Kanze Dena-Mararo ayaa lagu yiri “Golaha Amniga Qaranka waxa uu walaac ka muujinayaa xadgudubka ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku sameeyeen madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya 2-dii March 2020, halkaasi oo ciidamada ajnabiga ah ayaga oo jebinaya, islmarkaana aan wax ixtiraam ah u hayn xeerarka caalamiga ay dhaq-dhaqaaqyo gardarro ah fuliyeen, ayaga oo dhibaya islamarkaana burburinaya hantiada shacabka Kenya ee ku nool magaalo xuduudeedka Mandhera.” Labadii bishan ayaa waxaa xuduudda laba dal ee magaalada Beled-Xaawo ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, oo markii dambe u cararay magaalada Mandhera ee Kenya. Dowladda Kenya ayaa ku qeexday arrintan “weerar aan sabab lahayn oo ciidamo ajnabi ah ay kusoo qaadeen”, ayada oo ujeedka uu yahay in lagu daan-daansado Kenya, sida hadalka loo dhigay. “Anaga oo joogteeneyna dhaqankeena soo jireenka ah ee ilaalinta nabadda iyo dhismaha nabadda gobolka iyo wixii ka baxsan, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya waxay go’aansatay inay is xakameyso.” Kenya ayaa dhinaca kale iska fogeysay eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya. Qoraalka Kenya ayaa lagu yiri “tani waxay qeyb ka tahay taxane soo jireen ah oo joogto ah, oo damac xun laga leeyahay, kaasi oo Kenya loogu adeegsanayo in loogu cudur daarto qorshooyin siyaasadeed oo laga leeyahay gudaha Soomaaliya.” “Kenya hadda kadib ma sii ogolaan doonto in sidan loo isticmaalo,” ayaa lag yiri qoraalka. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ugu baaqeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay joojiso wax ay ugu yeertay ololaha sumcad xumeynta ah, ayna dadaalkeeda u weeciso dhisidda hoggaan wanaagsan oo ay ku baraaraan shacabka Soomaaliya, sida hadalka lagu yiri. Kenya ayaa ku eedeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ayada oo dooneyso qorshe siyaasadeed dhow ay abuureyso khilaaf been abuur ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. “Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay joojiso, oo ay ka tanaasusho daan-daansiga aan loo qiil dayin, ayna diiradda saarto arrimaha gudaha Soomaaliya iyo fay-qabka shacabka Soomaaliyeed, ka guuleysashada argagixisada, iyo sare u qaadidda nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka,” ayaa lagu soo gebo-gebeeyey qoraalka.
-
Itoobiya iyo Mareykanka oo isku seegay Wadahadalka heshiiska Mashruuca biyo xidheenka Itoobiya Dhismahiisa wado Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in halka ay Dowladda Mareykanka ka taagan tahay biyo xireenka muranka dhaliyay ee Nile uu yahay “mid aan la aqbali karin.” Washington ayaa wadahadal ka dhex waday dalalka Masar iyo Itoobiya oo in muddo ah ku muransanaa mashruuca biyo xireenka oo laga cabsi qabay in uu dagaal u horseedo labada dal. Itoobiya ayaa Mareykanka ku eedeeysay in uu ka dheereynayo doorkiisa oo ay sheegtay inay tahay in uu dhexdhexaad iyo kor-joogteyn ka noqdo arrinta. Arrintan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xireenka aanan la dhameystiri karin ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo. Wasaraadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Itoobiya ay ka qeybgeli doontaa wadahadalada ka socda Magaalada Washington. Haddii Itoobiya ay dhameystirto biyo xireenkaas waxaa uu noqonayaa biyo xireenka ugu weyn qaaradda Afrika ee koronto lag dhaliyo, waxaana Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska la ah ay ka heli doonaan koronto awood leh. Xukuumadda Addis Ababa ayaa dooneyso inay buuxiso biyo xireenka marka la gaaro bisha June ee sanadkan, balse dalka Masar oo ku tiirsan biyaha wabiga ayaa walaac ka muujisay dhismaha biyo xireenkaas, iyadoona sheegtay inay saameyn doontaa biyaha ay ka hesho halkaas. Dowladda Masar oo boqolkiiba 90 ku tiirsan biyaha wabiga Nile ayaa heshiis ay dhinacyada Masar iyo Sudan wada gaareen sanadkii 1932 waxaa uu dhigayaa in dhammaan xuquuqda biyaha la siiyo dalalkaas, waxaana Masar ay mashruucaas u aragtay mid khatar ku ah dalkeeda tan iyo markii la bilaabay sanadkii 2011-ka. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionWabiga Nile Masar ayaa ka baqeysa in wabiga uu gacanta u galo Dowladda Itoobiya, waxaana ay dooneysaa in biyo buuxinta biyo xireenka ay muddo qaadato, si aanay isu dhimin biyaha wabiga. Arrintan ayaa xiisad ka dhex abuurtay labada dal, waxaana mid walba uu ku goodiyay in uu qaadi doona tallaaba walba oo laga mamaarmaan ah, si ay u ilaashadaan danahooda. Dowladda Mareykanka ayaa soo kala dhexgashay labada dhinac sanadkii 2019-ka, si ay u dhexdhexaadiso, waxaana toddobadkii lasoo dhaafy ay sheegtay in la gaaray heeshiis, waxaana xukuumadda Washington ay Itoobiya ku boorisay inay dhaqangeliso heshiiska. Heshiiskaas ayaa waxaa uu dhigaya in aanan la buuxinin biyo xireenka iyadoo aanan la saxiixin heshiiska rasmiga ah. Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Gedu Andargachew ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Dowladda Mareykanka uu yahay mid aan diblomaasiyadda waafaqsaneyn, waxaana uu yiri: “waxaan dooneynaa in Mareykanka uu yeesho door wax hagaajin ah, waxkalena aanan la abqali karin”. Madaxweyne Donald Trump ayaa dhiggiisa Masar u sheegay in dowladiisa ay dedaal walb u geli doonta sidii heshiis looga gaari lahaa muranka biyaha ku saleysan ee u dhaxeeya labada dal. Mowduucyada la xiriira Qaran News
-
Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM. Kenya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay wadahadal ka gasho sida ay ciidamadeeda uga baxayaan dalka Soomaaliya, sida uu ku warramay wargeyska Nairobi ka soo baxa ee Daily Nation. Wargeyska ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga Kenya, Monica Juma ay hormuud ka noqon doonto wadahadalka oo qeyb ka ah qorshaha ciidamada AMISOM, Soomaaliya looga saarayo 2021-ka. Ciidamada Kenya ayaa bishii October 2011 gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaa ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo khatar ammaan ku hayay amniga waddankooda. Waxa ay hadda ku sugan yihiin qeybo kamid ah Jubaland. Tan iyo 2011, xooggaga Al-Shabaab ayaa weerarro dad badan ay ku dhinteen ka fuliyay gudaha Kenya, taasoo keentay in qaar kamid ah shacabka iyo siyaasiyiinta dalkaasi ay dalbadaan in ciidankooda laga soo saaro Kenya. Warkan ayaa soo baxay xilli todobaadkan uu dagaal xooggan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ku dhexmaray degmada Beled Xaawo ee dhacda xuduudda labada dal. Qaar kamid ah ciidanka Jubalanda ee looga awood roonaaday dagaalka ayaa u baxsaday dhanka Kenya, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka. Kenya iyo Soomaaliya ayaa isku haya arrinta xuduudda badda ee kala qeybisa labada waddan, waxaana sanadihii dambe sare u kacay khilaafka u dhexeeya. Qorshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah in marka la gaaro 2021 ay ciidamada AMISOM ammaanka Soomaaliya ku wareejiyaan ciidamada xoogga qaranka, arrintaasi oo aan la ogeyn sida ay u suuragelayso. Kulan ay dalalka ciidamada ku biiriyay AMISOM bishii March 2018 magaalada Kampala kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxa ay ku sheegeen in ay adag tahay dhimidda ciidamada AMISOM marka la eego khatarta ka imanaysa Al-Shabaab. Qaran News
-
War ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan xafiiska wasaaradda maaliyadda maamulkaasi ayaa waxaa gabi ahaanba lagu qaadacay shirka ay dowladda soomaaliya magaalada Beydhabo kula yeelanayso wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada. Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin ka dib markii ay arkeen in dowladda federaalka ah ay cuna qabateyn ku hayso shacabka maamulkaasi, islamarkaana garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu dhibaateynayo masuuliyiintooda. Sidoo kale waxa ay intaas hadalkooda ku dareen in aysan shirkaasi uga qeyb gali Karin sababo la xiriira wada shaqeyn xumo iyaga iyo dowladda dhexe soo kala dhexgashay. Ugu dambeyn maamulka Jubbaland ayaa waxa ay cadeeyeen mowqifkooda ku aadan shirka Beydhabo waxa ayna tilmaameen in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin Halkan ka akhriso bayaanka ay soo saareen Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Diyaarad sida Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa Goordhow ka degtay garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug. Ciidamada ayaa waxaa diyaarada oo gaar aheyd looga qaaday Magaalada Muqdisho, iyagoona ka degay Dhuusamareeb, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad iyo kuwa Milateriga dowladda. Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay Caasimadda Online u sheegeen in Ciidamadaan ay qayb ka qaadan doonaan Sugida Ammaanka Caasimada iyo fulinta howlgalada gaarka ah. Saraakiisha Ciidanka ayaa lagu soo xigtay in Ciidanka Maanta laga dajiyay garoonka diyaarahada Dhuusamareeb,loo qorsheeyay in lageeyo degmooyinka kale ee Galmudug oo ay horey ugu sugnaayeen Ciidanka Maamulka Galmudug. Ciidamadaan Haramcad oo ay Dowladda geysay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli isla Maanta Dhuusamareeb laga soo daabuley Ciidamada haramcad kuwoodii horay u joogey ee ka qayb galey dagaalkii Ciidamada Ahlusunna. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal hore boqolaal Askari ku daabushay Caasimadda Galmudug, iyadoona dowladda sheegtay inay ka qeyb qaadan doonaan sugidda amniga Magaalada iyo howlgalo kale. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in Ciidanka Amaanka ee loo tababaray Soomaaliya ay Dowladdu adeegsanayso Caburinta Siyaasiyiinta ka soo horjeedo Xukumada Soomaaliya.
-
Imaaraadka Carabta oo ka laabtay qorshihii dhismaha saldhigga militari ee Berbera Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa baabi’isay qorshihii ay saldhig militari uga dhiseysay magaalada Berbera, waxaa sidaas maanta weriyey wargeyska The National ee kasoo baxa Imaaraadka. Wargeyska ayaa qoray in dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhig militari ku lahayd dalka Eritrea tan iyo sanadii 2015, hase yeeshee ay ka laabatay qorshihii ay saldhig kale uga dhiseysay Berbera. Wargeyska The National ma shaacin wax sabab ah oo loo joojiyey qorshahaas, sidoo kalena ma bixin wax sharaxaad ah. Baarlamanka Somaliland ayaa 12-kii Febraayo 2017 waxa uu si aqlabiyad leh ugu codeeyey heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya inay saldhig ciidamada cirka iyo badda ah ka sameysato Berbera. Qorshahaas ayaa waxaa si weyn uga hor-yimid baarlamanka Soomaaliya oo isla sanadkii 2017 ansixiyey mooshin ku amraya Imaaraada Carabta inay joojiyaan dhismaha saldhiggaas, kana baxaan dalka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa 14-kii September 2019 shaaciyey in garoonka Berbera ee militariga Imaraaadka Carabta loo beddelay garoon shacab, taasi oo markii ugu horreysay muujisay is-beddel ku yimid qorshihii Imaraaadka. Hase yeeshee, Muue Biixi ayaa maalin kadib hadalkaas ka laabtay, isaga oo sheegay sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gaashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan. Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”. Qaran News
-
Qoraal goor dhow ka soo baxay xafiiska wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu codsaday in dib lo dhigo shirka la qorshenayo in magaalada Beydhabo ay ku yeeshaan wasaaradda maaliyadda xukuumada Soomaaliya iyo wasaaradaha maamul goboleedyada dalka. Puntland ayaa waxa ay sheeegtay in maalmahan ay ku mashquulsanyihiin shir uu ku dhawaaqay in 15-bishan ay isugu yimaadeen saamileyda Puntaland madaxweyne Deni islamarkaana aysan ka soo qeyb gali Karin shirkaasi. Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda puntland ayaa waxaa sidoo kale lagu dalbaday in muddo bil ah shirkaasi dib loo dhigo. 7-da bishan ilaa iyo 11-eeda ayaa waxaa la filayaa in magaalada Beydhabo ay shirk u yeeshaan wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradaha maamul goboleedyada. Halkan ka akhriso bayaanka ay soo saareen Puntland Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Masar oo daldashay nin si weyn loo doon-doonayay Hisham Ashmawi waxaa lagu qabtay Liibiya sannadkii 2018-kii Xukuumadda Masar waxay daldashay, Hisham Ashmawi oo ahaa nin si weyn loogu raad joogay. Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in saaka la dilay Hisham Ashmawi. Hisham Ashmawi oo ahaa sarkaal ciidan ah ayaa lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa weeraro waaweyn oo uu kamid yahay weerar lagu dilay ciidammada Masar sannadkii 2014-kii. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka dambeeyay isku day lagu dili rabay wasiirkii arrimaha gudaha Masar Maxamed Ibraahim sannadkii 2013-kii. Hisham Ashmawi ayaa lagu qabtay dalka Liibiya kaddib markii ciidammada uu hogaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ay u gacan geliyeen Masar, maadama Janaraal Khaliifa Haftar iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir Ashmawi oo sidoo kale loo yaqaano Abu Cumar Al Muhaajir wuxuu ka tirsanaa ciidammada militariga u qaabilsan howlgallada gaarka ah balse shaqada ayaa laga ceeyriyay markii la arkay inuu yahay qof mayal adag. Wixii xilliggaas ka dambeeyay, wuxuu ku biiray kooxda Jihaad-doonka ee ka dagaallanata gobolka Siinay. Qaran News
-
African Energy Chamber PRESS RELEASE “Organization of Petroleum Exporting Countries (OPEC) Will Help Stabilize the Oil Market even with Coronavirus concerns”, African Energy Chamber Says During Discussion with Deutsche Welle The near-term outlook for global financial and energy markets remains grim and the forecast for the remaining of the year is deteriorating and is not looking any better VIENNA, Austria, March 4, 2020/ — As oil prices sank about 14 percent last week alone and the Brent hit a twelve-month low on the back of the coronavirus outbreak, the Organization of Petroleum Exporting Countries (OPEC) is meeting in Vienna this week to help stabilize the market. Executive Chairman of the African Energy Chamber (https://EnergyChamber.org/) Nj Ayuk was on Deutsche Welle to discuss the coronavirus’ impact on oil prices and OPEC’s upcoming moves to stabilize global energy markets. “A bold and substantial production cut by OPEC and OPEC+ member countries will help alleviate oil market fears and bring stability,” declared NJ Ayuk on Deutsche Welle. “OPEC has a track record of making market-driven deals that stand to benefits Wall Street and Main Street. At the Energy Chamber, we remain bullish about a good deal for oil producers and consumers, and most importantly market stability. Africa will be closely watching what happens in Vienna this week, especially after its first cases were declared in Senegal and Nigeria.” Added Ayuk The near-term outlook for global financial and energy markets remains grim, and the forecast for the remaining of the year is deteriorating and is not looking any better. Analysts notably point to the crude oil’s forward curve flattening in recent days, signaling oil traders’ lack of appetite for holding or selling stocks. At the end of the week, Brent process were trading at slightly over $50 per barrel. Nj Ayuk’s full interview can be accesses on YouTube at http://bit.ly/3cnWolM Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. View multimedia content About the African Energy Chamber: The African Energy Chamber (https://EnergyChamber.org/) works with indigenous companies throughout the continent in optimizing their reach and networks. Our partnerships with international dignitaries, executives, and companies allow for relevant servicing to other international entities looking to operate within the continent. The African Energy Chamber brings willing governments and credible businesses together to continuing growth of the African energy sector under international standard business practices. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xersi Warfaa, ayaa qaabbilay madaxa iskaashiga horumarinta Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya, Marius Rauh. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Taariikhda dheer ee ay Soomaaliya iyo Jarmalka ka leeyihiin dhinacyada iskaashiga farsamada, waxbarashada, xirfadaha iyo tababarrada. Wasiirka ayaa intaa ku daray in ka wasaarad ahaan ay dedaal ku bixinyeen sidii waaxyaha xirfadaha iyo tababarrada (TVET) ay u qaadan lahayd door la arki karo, isagoo dowladda Jarmalka uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay taageerada ay siiso Soomaaliya. Dowladda Jarmalka, waxay ka taageeraysa wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya , sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha iyo tababarrada, iyadoo kooxdii u horreysay oo ka tirsan waaxda xirfadaha iyo tababbarada (TVET) dhowaan loo qaadi doono Dalka dibeddiisa , si kor loogu qaado khibraddooda. PUNTLAND POST The post Wasiir Warfaa oo qaabbilay madaxa iskaashiga horumarinta Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamad ay leeyihiin Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa dil toogasho ah ku xukuntay in ka badan 35 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Yemen. Xuutiyiintu waxaa ay xildhibaanadaan ku eedeyeen in hantidooda loo adeegsado dagaalka ay dowladda Yemen uga soo horjeedo Xuutiyiinta taas oo ay taagero uga helayso dawalado kale oo ka tirsan caalamka. Dhinaca kale waxaa ay kooxdani ay sheegeen in xidhibaanadani ay ugu digeen in ay dhaqaale ku bixiyaan dagaalka ay dawladdu ku hayso mucaaradka balse ay ka dhega adageen. Maxkamada Maanta xukunka ku riday xidhibaanadda ayaa ah mid gaar ah oo ay Xuutiyintu ku maxkamadeeyaan dadka ay u arkaan in jiritaankooda ay caqabad ku yihiin. PUNTLAND POST The post Yemen: Xuutiyiinta oo dil toogasho ah ku xukumay in ka badan 30 xildhibaan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator; Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo qaar ka mid ah maamulka. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya iyo xubnaha ku wehliya socdaalkiisa ayaa lagu wadaa in ay wada hadallo ku aaddan dastuurka la qaataan madaxda ugu sarreeysa Galmudug. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia Abdirahman Duale Beileh who is in the Ivory Coast met with African Development Bank President Akinwumi Adesina. In a meeting, the two officials discussed the reform of Somalia’s economic development, the importance of strengthening co-operation and development of the relationship between Somalia and the African Development Bank after the debt relief. “I am pleased to meet with the President of the African Development Bank Akinwumi Adesina and discuss reforms and economic development in Somalia. We acknowledged the importance of strengthening cooperation between Somalia and the African Development Bank. I am very grateful to the President, the Somali Prime Minister for helping us to realize our financial success,” said Beileh. The Minister, in particular, commended the staff of the Ministry of Finance and other ministries in Somalia to working on the success by doing everything they could. View the full article
-
Idlib (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo militari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda Syria ee daacada u ah madaxweyne Bashaar Al-Asad. Weerarka oo ahaa duqeyn ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoog leh oo gaaray ciidamada dowladda Syria, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga. Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa xustay inay weerareen 82 xarun, oo ay lahaayeen ciidamada Syria kuwaas oo ku yaallay gobolka Idlib. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay duqeynta ku baabi’isay 299 ka mid ah qalabka militari ee dowladda Syria. “In kabadan 299 ka mid ah qalabka ay militeriga dawlada Syria leedahay ayaan burburinay, iyo sidaa oo kale xarumo kale oo fara badan oo ay lahaayeen militeriga dawlada Syria,”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaan dhigga Turkiga. Duqeyntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan ay dowladda Turkiga duqeyn ku dileen in ka badan laba kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Syria, sida ay sheegtay dowladda Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa horey ugu hanjabtay inay ka aargudan doonto ciidamada Syria oo duqeyn ku dilay 34 askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga Turkiga. Weerarada dowladda Turkey ayaa loo adeegsanayaa diyaaradi drone oo caalami ah, oo beegsigooda saxda ah iyo taknoolajiga ay adeegsanayaan ka yaabiyey caalamka.
-
Tension remains high in Bula Hawo as the standoff continues
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United Nations has said that about 9000 families have been displaced since the beginning of a standoff between the national army and Jubbaland regional state troops in Bula Hawo, a town located along the border with Kenya. “The initial clashes of 7 February and the escalating tensions that led to more hostilities on 2 March have resulted in large-scale displacement of civilians, mainly from Bulo Hawo and the nearby Beled Amin Internationally Displaced Persons (IDP) settlements,” a report published on the website of OCHA said. Adam Abdelmoula, the UN humanitarian coordinator for Somalia, called for the protection of civilians and civilian assets. Most of the displaced fled to the nearby towns of Luq and Dolow, according to the report. Heavy fighting in Bulo Hawo killed at least 5 soldiers, both from the national army and Jubbaland state troops, and wounded at least 16 people including civilians according to reports. The fighting, which erupted on Sunday morning and went on into the late afternoon, also led to casualties on the Kenyan border town of Mandera. As the fighting raged, the US embassy in Mogadishu called on both sides to end the fight. Previously, the US and UN expressed concern about the tension in Gedo Region, saying the situation would benefit Al-Shabaab militants. Tension still remains high in Bula Hawo as the standoff continues. View the full article -
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Wefdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo qaar ka mid ah maamulka. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya iyo xubnaha ku wehliya socdaalkiisa ayaa lagu wadaa in ay wada hadallo ku aaddan dastuurka la qaataan madaxda ugu sarraysa Galmudug. PUNTLAND POST The post Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Kenya ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay midowga Afrika la billowdo wada hadallo ay Ciidankeeda uga saarayso howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM. Wada hadallada oo ay hogaaminayso Wasiirka difaaca Kenya mss Monica Juma ayaa qeyb ka ah qorshaha ay midowga Afrika kusoo gaba-gabeynayaan howl-galkooda gudaha Soomaaliya Sanadda 2021-ka. Tallaabadan ayaa soo Afjari doonta Siddeed Sano oo ay Ciidanka Kenya ku sugnaayeen gudaha Dalka Soomaaliya. Ciidanka difaaca Kenya ee KDF ayaa Soomaaliya soo galay 16-kii Oktoobar 2011, xilli ay baacsanayeen Al-Shabaab, iyagoo 2012-kii si buuxda ugu biiray howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM. PUNTLAND POST The post Kenya oo qorsheynaysa in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay in kumanaan ruux oo ay Soomaali ku jiraan xilligaan ay ku dhibaateysan xuduuda ay wadaagaan dalalka Turkiga iyo Gariiga. UNHCR ayaa bayaanka ay soo saartay ku xustay in kumanaan ruux oo isugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah ay ku xaniban yihiin xuduuda Turkiga iyo Gariiga, islamarkaana ay wajahayaan caqabdo badan oo dhanka nolosha ah. Kumanaanka ruux ee Qaramada Midoobay ay sheegtay in y taagan yihiin xuduuda Turkiga iyo Gariiga ayaa ka soo jeeda wadamada Suuriya, Afghanistan, Ciraaq, Bangladesh iyo Soomaaliya, waxaana dhammaan dadkaasi ay ku haminayaan in ay galaan dalka Gariiga. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowalda dalka Gariiga in ay ilaaliso dadka muhaaajiriinta ah ee taagan xuduudkeeda, islamarkaana ay joojiso awoodaha dheeraadka ah ee ay ciidamadeeda u adeegsanayaan xakameynta muhaajiriinta. Si kastaba ha’ahaatee Soomaali badan oo daganeyd gudaha dalka Turkiga ayaa ka mid ah kumanaanka muhaajiirinta ah oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay haatan dhibaatooyin badan ku wajahayaan xuduuda dalkaas uu la leeyahan wadank Gariiga. View the full article
-
Falkan naxtinta leh ayaa saaka ka dhacay xarun dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taalla xaafadda Black Sea ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasi uu isku dal-dalay nin ka mid ah dadka ku jiray xaruntaasi, kadib markii uu xarig qoorta isaga xiray. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in ninka is-dilay madaxa looga jiray. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyey halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Cadaani.mp3 View the full article
-
Dowladda Kenya ayaa maalmaha soo aadan waxaa la filayaa in howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ay kala hadasho qorshe ay Soomaaliya ugala baxeyso ciidamadeeda qeybta ka ah AMISOM ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka. Wasiirka difaaca Kenya Monica Juma ayaa hoggaamin doonto wadahadallada dowladda Kenya ay la yeelaneyso howlgalka AMISOM, waxaana wadahadalladaasi ay ka soo hormarayaan kulamo howlgalka AMISOM uu kaga hadlayo qorshaha guud ahaan ciidamada AMISOM ay uga baxaan gudaha Soomaaliya marka la gaaro sanadka soo socda ee 2021. Qorshaha Kenya ay ku dooneyso in ciidamadeeda ay ugala baxdo Soomaaliya ayaa soo gabagabeyn doona 9 sano oo ciidamadeedu ay qeyb ka ahaayeen howlgalka AMISOM. Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii ka soo gudbay xadka Soomaaliya, waxaana xilligaasi ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. AMISOM ayaa sidoo kale bishii la soo dhaafay ee Febraayo kun askari ka dhintay howlgalkooda nabad ilaalinta AMIOSM, waxaana Kenya ay dhankeeda damacsan tahay in Soomaaliya ay kala baxdo qiyaastii 3,500 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-04032020.mp3 View the full article
