-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareen (Caasimada Online) – Hogaamiyihii Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa Isniinta maanta ah ka degay Garoonka diyaaradaha Garowe ee magaalada madaxda dowlad-goboleed Soomaaliyeed ee Puntland. Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay kasoo baxay Dhuusamareeb, xarunta maamul goboleedka Galmudug, wuxuuna xalay ku hoyday Waqooyiga Gaalkacyo. Illaa iyo haatan lama ogga ujeedka socdaalkiisa caasimadda Garoowe, inkastoo ay kasoo baxayaan warar kala duwan. Wararka qaarkood ayaa tilmaamaya in Macalin Maxamuud uu damacsan yahay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Garoowe, uuna ku sii jeedo Magaaladda Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu ugu soo gudbayo dalka Sucuudiga. Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya Generaal Maxamed Cartan Shuuriye oo horey xilan kala duwan oo dhanka Ciidanka ah uga soo qabtay Ahlusunna, kana mid ahaa Xubnaha ku dhaw Hoggaamiyaha Ahlusunna. Kadib Dagaal qaraar, Macalin Maxamuud iyo xubnihii kale ee Ahlu Sunna ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen siyaasadda Galmudug isla markaana hubka wareejiyeen. Villa Somalia iyo Ahlu Sunna ayaa isku qabtay doorashadii madaxtinimadda Galmudug, taasoo sababtay in maamulka dhexda ka galo is-qabqabsi, waxaan hadda Magaalada Dhuusamareeb ku haray Sheekh Maxamed Shaakir iyo Sheekh Ashcari oo la siiyey ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo mas’uul looga dhigay amnigooda.
-
Iyada oo maalmihii tagay dowladda Turkiga ay sheegtay in uu furan yahay xuduudka ay la wadaagto wadanka Giriiga ayaa muhaajiriin fara badan oo ku sugnaa gudaha Turkiga iyo kuwo ka yimid qalalaasaha ka jira wadanka Suuriya waxaa ay bilaabeen in ay soo buux-dhaafiyaan xadka, iyaga oo doonaya in ay galaan qaarada Yurub. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhowaan waxaa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay heshiiskii Midowga Yurub 2016-kii lagu heshiiyey in muhaajiriinta la qeybsado, madaxweynaha ayaana sheegay in dalkiisa uu wajahayo culeysyo badan oo qulqulka dadka Muhaajiriinta ah, isaga oo xusay in dowladda Turkiga aysan awoodin joojinta Muhaajiriinta , sidaas darteedna ay go’aansadeen in xadka wadankooda ay u furaan. Qaxootiga magangalyo doonka ah ayaa markii ay ogaadeen in dowladda Turkiga ay furtay xadka dhanka dhulka ah oo ay la wadaagto Yurub waxaa ay bilaabeen in ay ka gudbaan xadka Turkiga halaasi oo ay uga sii gudbayaan Giriiga, ciidama xuduudka ee dalkaas ayaana bilaabay in qaxootiga ay u diidaan in ay galaan dalkooda, muhaajiriinta oo u badan caruur iyo haween ayaa dhibaato ku wajahaya xadka Giriiga uu la wadaago dalka Turkiga. Madaxweynaha midowga Yurub Sharek Michel iyo Raiisal wasaaraha wadanka Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayaa lagu wadaa in maalinimada barito ah ay booqdaan xuduudka labada dal, iyaga oo qiimeyn doona xaaladaha dhabta ah ee ka taagan halkaasi sida uu madaxweynuhu ku soo qoray qoraal uu soo geliyey bartiisa Twitter-ka Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu taageersan yahay qorshaha ilaalinta xuduudka Giriiga halkaas oo ay kumanaan Muhaajiriin ah ay doonayaan in ay uga gudbaan dhinaca dalalka kale ee yurub, kaas oo marin u ahaa muhaajiriinta, waxaana lagu wadaa in madaxweynuhu arrintaan kala hadlo ra’iisulwasaaraha Giriiga, kulankaas oo ay kaga arrinsan doonaan qorshaha ugu haboon ee laga yeeli karo Muhaajiriinta. Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in waddankiisu albaabadiisa u furay qaxootiga doonaya in ay u gudbaan dalalka Yurub, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladda Turkiga aysan lahayn tabar ay ku xakameeyaan qulqulka tahriibayaasha. Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Turkiga Suleiman Soylu oo warbixin ka soo saaray tahriinbayaasha wuxuu shaaciyayay in tirada muhaajiriinta ka tagay waqooyiga magaalada Edirne ee dalka Turkiga oo xigta dhanka Yurub ay gaarayaan 100,000 qof oo muhaajiriin ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 11 xildhibaano oo ka tirsan baarlamanka dalka Kenya ayaa sabtidii si qorsoodi u yimid magaalada Muqdisho, waxayna kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaanadan oo warbaahinta Kenya ay sheegeen inay marti-qaad ka heleen hay’adda sirdoonka Soomaaliya, ayey Caasimada Online ogaatay inaysan jirin taas, balse xildhibaanadan ay la kulmeen kaliya madaxweyne Farmaajo. Sida aan xogta ku helnay xildhibaanadan ayaa madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay saddex qodob oo quseysa xaaladda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo kala ah:- 1- In xildhibaanadaan ay madaxweynaha Soomaaliya la wadaageen sida aysan raali uga heyn arrinta ka socota gobalka Soomaalida degto ee Waqooyi Bari ayna ku dadaalayaan in ay ka soo saaraan halkaas Cabdirashiid Janan, oo ku sugan Mandhera. 2 – In ay u balan qaadayaan in aan laga soo duulaan tagin degaanadooda oo ay joogaan ciidamada Cabdirashiid, kuwaas oo dhowr weerar ka soo qaaday kadibna dib ugu laabtay Mandheere. 3 – Inay balan qaadeen in ay Xukuumadda Kenya ku cadaadin doonaan in faragelinta Soomaaliya laga joojiyo in dowladda Soomaaliya ka taageeraan sidii ay xuduudaheeda u ilaashan laheyd. Waxaa aad u xun xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxaana xildhibaanadaan ka soo laabtay Muqdisho lagu qabtay garoonka Nairobi, halkaasi oo su’aalo lagu weydiiyey. Xildhibaanada Waqooyi Bari Kenya ayaa marar badan dowladda dalkooda ka codsatay inay magaalada Mandhera ka saarto Cabdirashiid Janan, oo ay faraha kala baxdo muranka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.
-
Madaxweynha Waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa la filayaa in uu Khamiista todobaadnkan booqdo dalka Russia, si uu madaxweyne Vladimir Putin ugala hadlo xiisadda colaadeed ee ka aloosan Syria. Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa Erdogan, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu booqasho hal maalin ah ku tegi doon waddanka Russia, maalinta Khamiista ah ee ku beegan 5-ta bishan Maarso 2020. Dowladda Turkiga, ayaa Axadii Shalay xaqiijisay in ay billowday howl-gal militari oo ka dhan ah ciidamada Syria ee Russia ay taageerto, kadib isku dhacyo xooggan oo ka dhacay gobolka Idlib. Xukuumadda Ankara, oo taageerta dagaal-yahanada Islaamiga ah ee gobolka, ayaa 19 askari oo Syrian ah ku dishay duqeymo ay ku fulisay diyaarado aan cidna wadin Axaddii, waxayna soo ridday laba diyaarad oo uu maamulka Syria leeyahay. Hase yeeshee waxaa ka go’an inay ka fogaato isku dhac toos ah oo dhex mara ayada iyo Moscow, oo ay wadaagaan xiriir ganacsi iyo mid militari oo weyn. Xiisadda hadda taagan ayaa ka dartay toddobaadkii tegay kadib markii 34 askari oo Turkish ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo lagu eedeeyey xukuumadda Damascus. PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Russia oo ka shiraya xiisadda Colaadeed ee dalka Syria appeared first on Puntland Post.
-
Cabdiraxmaan Cali Geeda Qorow oo la filayo in dhowaan loo magacaabo guddoomiyaha Dhuusamareeb ayaa maanta gaaray gudaha degmadaasi. Geeda Qorow ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dhuusamareeb. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cali Geeda Qorow oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahaceliyey mas’uuliyiintii iyo shacabka ku soo dhoweeyay. Dhuusamareeb oo ah caasimada Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda isbedallo ballaaran oo ay wado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay Dagaal ku qaadeen Ciidamada Jubbaland dagaalkaasoo hada socda. Cida kugacan sareysa Lama oga ilaa hada laakiin Dagaalka oo [...] Source
-
War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxa ay isaga foogeysay eedeymo la xiriira faragalin oo ay u jeedisay dowladda Soomaaliya. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in Kenya ay diideyso eedeyn kasta oo uga timaada dowladda federaalka oo ku aadan in ay faragaliso arimaheeda gudaha. Sidoo kale Kenya ayaa shaacisay in eedeymaha ay u jeedineyso Soomaaliya ay yihiin kuwo been abuur ah oo sal iyo raad toona laheyn, sida ay hadalka u dhigtay Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin eedeymo kuwaasi la mid ah oo kas oo baxa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Jawaabtaan ayaa daba socota hadal uu dhowaan golaha amaanka ee Qara,ada Midoobay ka jeediyey ergeyga Soomaaliya u fadhiya QM Danjire Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) dowladda dalkaasi ku eedeeyey inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya. View the full article
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo maanta degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland. Goob-joogayaal ku sugan degmada Beled xaawo ayaa soo sheegaya in dagaalku uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda Federaalka ee laga keenay magaalada Muqdisho ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin ciidanka Daraawiishta Jubaland. Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lagu soo warramayaa in uu kala gaaray labada dhinac ee dagaallamay inkastoo aan si rasmiya loo sheegi Karin khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhashay. Dowlad goboleedka Jubaland oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaal ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga keenay magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in dib loo riixay ciidamada Federaalka inkastoo aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan dhankeeda weli ka hadlay dagaalka ka dhacay degmada Beled xaawo ee dhexmaray ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalka Beled xaawo appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay gudaha degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo in muddo ah dhaqaaqyo ka waday magaaladaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen ciidamada dowladda Kenya oo la sheegay inay garab siinayeen kuwa maamulka Jubbaland. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwaan, kaas oo uu xoogiisu ka dhacay duleedka Beled-Xaawo. Ma cadda khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa ku gubtay guryo ay daganaayeen dad shacab ah. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa halkaasi. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab barqanimadii maanta ka kacay nawaaxiga isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu qabsaday xarumo shidaal oo ku yaalla halkaasi. Guddoomiyaha degmada Howlwadaag, Mustaf Cali Khayre ayaa goobta tegay, wuxuuna tilmamay in khasaaraha uu ku kooban yahay kaliya mid Hhantiyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-dab.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-02032020.mp3 View the full article
-
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah senetarada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya aya waxaa uu si aad ah uga hadlay xaaladda dalka uu xilligan ku guda jiro gaar ahaa arrimaha doorashooyinka iyo amni xumada dalka ka jirta. Senetor Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in madaxda haatan jirta marka uu waqtigooda idlaado ay gali doonaan doorasho haddii ay ku soo bixi waayaana waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in ay xilka wareejiyaan, isaga oo dhinaca kalane xusay in dalka uu u baahan yahay isbadal doorasho iyo mid amni. “Madaxda hadda joogta doorasho ayay galayaan ama shacbiga Soomaaliyeed iyo baarlamaanka ha soo celiyo ama sidii saaxiibadii hore haddii ay doorashada ku guuleysan waayaan dee dabcan in ay xilka wareejiyaan, Soomaaliya isbadal ayey u baahan tahay, isbadal siyaasadeed, isbadal amni iyo isbadal dhinac walba ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri Senetor Cabdi Qeybdiid. Sidoo kale Senetarka ayaa waxa uu soo hadal qaaday xiisada ka taagan gobalka Gedo, waxa uuna dowladda federaalka ku eedeeyay in deegaan nabddoon ay geysay ciidankii loogu talagay in deeganada ay ka jiraan amni darrada lagu xasiliyo. Senetor Cabdi Qeybdiid ayaa yiri sida tan “Ciidamadii loo qoray in ay dalka difaacaan ayaa waxaa la geeyay degmooyin kale sida gobalka Gedo oo kale halkaasi waa ay deganayd, ciidamo ayaa loo daad gureeyay halkaana magaalada hareeraheeda ayaa la mari la yahay oo waxaa kala xiran Afgooye iyo Xamar iyo Balcad iyo Xamar, waxaad moodaa in habkii ciidanka loogu shaqeyn lahaa in aan jidkeedii la hayn” Hadalka Senetorka ayaa waxa uu ku soo aadaya iyada oo dalku uu geli doono doorasho islamarkaana aan waxba laga qaban arrimaha amaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiista booqan doona Russia, si uu madaxweyne Vladimir Putin ugala xaajoodo xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Syria, waxaa sidaas maanta sheegay xafiiskiisa. “Madaxweynaha waxa uu booqasho hal maalin ah ku tagi doonaa Russia, 5-ta March,” waxaa sidaas bayaan ku yidhi madaxtooyada Turkey. Turkey ayaa Axadii xaqiijisay inay billowday howl-gal millatari oo ka dhan ah ciidamada Syria ee Russia ay taageerto kadib isku dhacyo xooggan oo ka dhacay gobolka Idlib. Ankara, oo taageerta dagaal-yahanada Islaamiga ah ee gobolka, ayaa 19 askari oo Syrian ah ku dishay duqeymo ay ku fulisay diyaarado aan cidna wadin Axaddii, waxayna soo ridday laba diyaarad oo uu maamulka Syria leeyahay. Hase yeeshee waxaa ka go’an inay ka fogaato isku dhac toos ah oo dhex-mara ayada iyo Moscow, oo ay wadaagaan xidhiidh ganacsi iyo mid millatari oo weyn. Xiisadda hadda taagan ayaa ka dartay toddobaadkii tegay kadib markii 34 askari oo Turkish ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo lagu eedeeyey xukuumadda Damascus. AFP Source
-
Beledxaawo (Caasimadda Online) – Weli waxaa rasaas xoogan laga maqlayaa degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland cabdirashiid Janan. Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya degmada Beled Xaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha degmadaas, waxaana gubanaya Guryo ku yaalla degmada Beled Xaawo. Dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegaya inuu dagaalku saameeyay xuduudka Kenya. Dagaalka ayaa inta badan ka socda xerada ciidamada taabacsan Cabdirashiid Janan ee BP1, iyadoo ciidamada dowladda la sheegay inay weerar culus ku qaadeen xeradaasi, waxayna ciidamada dowladda la beegsadeen saldhiggaasi madaafiicda hoobiyeyaasha. Wuxuu dagaalku saameyn ku yeeshay xuduudka Somalia iyo Kenya, siiba barta koowaad ee -Border Point One- , iyadoo rasaastu gaartay dhinaca Mandheera, Kenya. Waxayna ciidamada Cabdirashiid Janan ee taabacsan maamulka Jubbaland ay salka la galeen xuduudka Kenya. Cabdirashiid Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa degan magaalada Mandheera, iyagoo halkaasi ka maamulaya dagaalka. Dadkii Magaalada joogay ayaa isaga barakacay saakay hore, kadib markii ay dareemeen saan saanta colaada ka taagan Degmadaasi. Ma jirto cid wali ka hadashay dagaalkaan, maadaama wali dagaalka uu ka socdk Magaalada Beled Xaawo. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
-
Somali Foreign Minister, Ahmed Issa Awad has held a meeting with Sudanese Prime Minister Abdalla Hamdok in Khartoum on the sidelines of EU and IGAD consultative meeting. The two officials discussed the bilateral relations between the two countries. In a Twitter post, Awad said he shared with the prime minister Somalia’s keenness to bolster the cooperation and relationship with Sudan. “It is an honor to have had fruitful and engaging discussions with H.E @SudanPMHamdok on the sidelines of the IGAD/EU consultative meeting in #Khartoum,” said Awad. “Sudan is an ally and a reliable friend of #Somalia. I shared with PM Hamdok our commitment to upholding existing strong relations.” Minister Awad and other delegates from Somalia have been in Sudan for the last three days to attend a meeting between Intergovernmental Authority on Development. During the meeting, the representatives from both blocs exchanges ideas on strong cooperation. They also indicated that new initiatives on the Red Sea and the Gulf of Aden offer unparalleled opportunities for economic integration and conflict resolution. All sides welcomed the formation of the Revitalized Transitional Government of National Unity (RT-GoNU) in South Sudan and reiterated their support for the peace process and the Revitalized Agreement on the Resolution of Conflict in South Sudan (R-ARCSS). The EU and IGAD also expressed support for the reform agenda of Somalia and underlined the need for the speedy implementation of the political, security and economic reforms needed ahead of next year’s elections. All sides emphasized their desire to consolidate regular dialogue between the EU and the IGAD Member States, while IGAD Ministers expressed their appreciation for the EU’s constructive role in the region. At the end of the meeting, European Union (EU) announced it is committing to help the IGAD Member States to combat the dramatic desert locust invasion in the Horn of Africa with a contribution of 11 Million Euros. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in hadda uu dagaal ku dhexmarayo ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland. Dagaal toos ah ayaa waxaa uu ka socdaa xadka Kenya, waana xero ay ku sugan yihiih ciidamada Jubbaland ee Cabdirashiid Janan horkacayo” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay qof goobjooge ah. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa uu socdaa muddo saacad ku dhow, waxaana muuqato in labada ciidan aad isugu dhow yihiin. Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka deegaanka, waxaana jirtay in muddo ay labada is hor fadhiyeen, tiiyoo iskudhaca maanta keentay. Ilaa hadda ma jirto cid ka hashay oo ka tirsan dowladda federaalka ah ama maamul goboleedka Jubbaland oo mid weliba u herdamayo maamulka gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Warar goor dhow inaga soo gaaray degmada Beled-Xaawo ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka qarxay qeybo ka mid ah gudaha magaaladaasi. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegaya in dagaalka uu haatan ka socdo xuduudda ay degmadaasi la leedahay magaalada Mandheera, gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Wararka ayaa intaasi ku daraya rasaasta xoogeeda laga maqlayo aagaas oo maalmihii la soo dhaafay ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana ilo deegaanka ah ay innoo xaqiijiyeen inuu dagaalka u dhexeeyo ciidamo uu hoggaaminayo wasiir Janan iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolka Gedo ka taagnaa xiisado u dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda oo la wareegay degmooyin ka tirsan gobolkaasi. Faah faahinta kala soco: caasimada.net
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ah guddoomiyaha guddiga Dastuurta labada ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka. Cabdi Qaybdiid oo wareysi siiyey TV-g Universal ayaa is barbar dhig ku sameeyey waxyaabaha u qabsoomay dowladda iyo kuwa ay ka gaabisay muddada ay jirto. Ugu horreyn wuxuu sheegay in dowladdu ay dadaal badan gelisay arrimaha siyaasadda iyo barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka gaabisay wax ka qabashada amniga iyo mas’uuliyada ka saaran, isagoo xusay inuu go’ay isku socodka gobollada dalka. “Waxaa go’ay isku socodka dadka iyo Ciidamada Gobollada Dalka, taas badalkeed Dowladda ciidamadii loogu talagalay in ay u isticmaalo isku furista waddooyinkaas ay geysay Gobollada kale ee dalka”. ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey Cabdi Qaybdiid. Senatorka oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda ugu baaqay inay u diyaar garowdo, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saarto sugida amniga doorashada soo socota. Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey madaxda Qaranka inay xooga saaraan arrimaha nabad gelyada iyo dib u heshiisiinta oo muhiim u ah geeddi socodka Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bilihii dambe dowladda lagu dhaleeceynayey in ciidamadii loogu talagalay inay la dagaalamaaan Al-Shabaab ay geysay deegaano ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Jubbaland oo ay haatan xiisado xoogan ka jiraan.
-
Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Balaak sii ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in goor dhow halkaasi uu ka kacay dab xooggan. Dabka ayaa waxaa uu si gaara uga kacay kaalin shidaal oo ku taalla isgoyskaasi, waxaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan. Goobjoogayaal la hadlay Goobjoog News waxa ay sheegeen in dabka uu yahay mid aad u xooggan islamarkaana uu wali soconayo. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka ay isku dayayaan sidii ay u damin lahaayeen dabkaasi. sidoo kale warar aan helnay ayaa tilmaamaya in gaadiidka dabdamiska ee shirkada Hormuud ay damiyeen dadbkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar ugu maqnaa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay. Guddoomiyaha inta uu joogay Magaalada Jabuuti waxa ka qeybgalay kulan lagu furayay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, wuxuuna khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti, isagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimada iyo wax wada qabsiga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay eedeynta dowladda federaalka ah ee ku aadan faragelinta ay ku heyso arrimaha Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo looga jawaabayo qoraallo ay horay u soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeymaha Soomaaliya yihiin qaar aan waxba ka jirin isla markaana lagu qarinayo ballamo ay uga baxeen shacabka Soomaaliyeed. “Kenya waxaa lagu yaqaan arrimaha nabad ilaalinta gobolka iyo ka fogba, wasaaradda arrimaha dibadda waxay ku faaneysaa iney Kenya qeyb weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee Soomaaliya oo weliba Kenya dhib badan uu ka soo gaaray, welina waan sii wadeynaa dadaalka nabadda iyo amniga gobolka iyo meel ka fog”. Dhinaca kale, Kenya ayaa gabi ahaanba iska diiday eedeymaha loo soojeediyey iyada oo qoraalka ku sheegtay ““Kenya waxaa ay diideysaa eedeymaha been abuurka ah ee ay soojeedisay dowladda federaalka ah, waxna kama jiraan faragelinta ay sheegtay ee arrimaheeda, eedeymahan waa mid ay dowladda federaalka ah ku qarineyso ballamihii ay uga baxday bulshada Soomaaliyeed. Kenya waxaa ay ugu baaqeysaa dowladda federaalka ah iney joojiso ololahan, hana u adeegsato awoodeeda iney wax ugu qabato dadkeeda”. Kenya ayaa sidoo kale ka hadashay in arriamaha ay dowladda federaalka ah uga dan leedahay iney hesho awood siyaasadeed oo waqti gaaban ah. Akhriso, Qoraalka Kenya: Source: goobjoog.com
