Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. DUBAI: In celebration of International Women’s Day — celebrated worldwide on March 8— global e-tailer Net-a-Porter has unveiled a lineup of 20 exclusive t-shirts in partnership with non-profit group Women for Women International Source: Hiiraan Online
  2. A Ross Sheppard High School student has been selected as one of 36 Loran Scholars from across Canada. Source: Hiiraan Online
  3. Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalkaas ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Afgooye islamarkaana ay ka jawaab celiyeen weerarkaas. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in xalay gudaha Degmada laga maqlayay dhawaqa rasaas ay Isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo malayshiyaadka Al-shabaab balse aan khasaaraha ka dhashay la ogayn. Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Afgooye ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo malayshiyaadka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay Afgooye appeared first on Puntland Post.
  4. Turkey is waging an 'air campaign run entirely by armed drones backed up' by heavy rocket fire, an analyst explained Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay ku xadgudubtay qaanuunka caalamiga ah. Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay si khaldan u adeegsatay awoodda sharciyadeed ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, oo dalka u joogga inay Dowladda Federaalka kala shaqeeyan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab. “Kenya waxa ay ku xadgudubtay qaanuunka caalamiga, waxa ay si xun u adeegsatay awoodda sharciyadeed ee AMISOM, sababo ku aaddan kaalinteeda wiiqidda deganaanshaha Soomaaliya, Xadgudubyadeeda aadka u xun waxaa ka mid ah duqean la beegsadaan goobo rayid iyo xarumo ganacsi.” Ayuu yiri Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf. Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u dulqaadatay in badan oo iskudayo burburin ah, oo sida uu sheegay ka imaanayay Xukuumadda Nairobi. Isagoo ka duulayay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayuu xusay inay iminka Kenya taageereyso maleeshiyo beeleed, oo sida uu sheegay uu horkacayo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirka Amniga Jubbaland. “Waxa aan u dulqaadanay in badan oo iskudayo wax burburin ah oo ka imaanayay dhanka Kenya, hadda waxa ay taageeraysaa maleeshiyo beeleed hubeysan oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, oo baxsad ka ah cadaaladda, isaga oo loo heysto inuu galay dembiyo ka dhan ah bani’aadanimada.” Ayuu yiri Senatorka Golaha Aqalka Sare ka tirsan. Qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Booliska, oo u tababaran sida militariga ay cagta mariyeen dhufeysyadii ay xuduuda kaga sugnaayeen Ciidankii Cabdirashiid Janan. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo Ciidamada Booliska Federaalka waxa ay leeyihiin tababaro militari oo aad u sarreeya, waxa ayna gebi ahaan burburiyeen dhammaan dhufaysyadii maleeshiyooyinkaasi ay ku lahaayeen meel u dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.” Ayuu yiri Senator Ayuub Ismaaciil. Dagaalkan oo dhawr saacadood ka socday xuduuda Degmada Beled Xaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa, halka dhaawacuna uu ka badan yahay laba iyo labaatan kale, oo rayid ay ku jiraan.
  6. GAROWE, Somalia (Reuters) - Fighting erupted in south Somalia on Monday between the national army and regional forces, amid deepening divisions that help Islamist insurgents and may exacerbate regional frictions. Source: Hiiraan Online
  7. Somalia‘s Minister of Finance, Dr. Abdirahman Beileh and the African Development Bank‘s Vice President for Regional Development, Integration and Business Delivery, Khaled Sherif on Monday signed a $122.55 million grant agreement to advance Somalia’s national development agenda Source: Hiiraan Online
  8. CAPE TOWN (Reuters) - Somalia has agreed an initial roadmap with a Shell/Exxon joint venture to explore and develop potential offshore oil and gas reserves, Source: Hiiraan Online
  9. Abidjan (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif ayaa kala saxiixday Heshiisika cafinta deymaha Bangigu ku leeyahay Soomaaliya Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaaa go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February waxaa Soomaaliya looga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar. Wasiir Beyle ayaa sheegay in ay tahay maalin kale oo taariikhi ah,islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan Heshiiskan. “Tilaabo kasta oo guul ah oo aan gaarnay waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha, R/Wasaaraha, ummadda Soomaaliyeed iyo saaxibada Caalamka ee na garab istaagay,” ayuu yiri Wasiir Beyle. Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay in dadaalka Dowladda Soomaaliya uu sii soconayo inta dalkeennu isku filnaasho ka gaarayo. Soomaaliya waxay sameysay horumar la taaban karo oo ku aadan xaqiijinta siyaasadda dhanka amniga iyo ajendaha horumarinta dhaqaalaha, in kasta oo ay jiri karaan caqabado. Heshiiskan wuxuu sahli doonaa Bankiga inuu ka caawiyo dhisida awooda hey’adaha iyo horumarinta xirfadaha hagaajinta maamul wanaaga dalka.
  10. Nin hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday Toorreey ku qaaday Nin la dhashay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar kaasi oo uu soo gaaray dhaawac Culus. Goob-joogayaal ayaa soo sheegaya in weerarka lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha degaanka uu ka dhacay Magaalada Dhagaxbuur ee DDS. Dhaawaca Cabdiraxmaan Muxumed waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Dhagaxbuur halkaas oo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad Sidoo kale Ninka ku hubeysnaa ee weerarka u gasytay Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayaa isna gacanta lagu dhigay waxaana la sheegay in baaritaan lagu wado PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowlad Degaanka DDS walaalkiis oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.
  11. Nin la doortay oo Maalin keliya Madaxweyne ahaa oo is-casilay +Sababtu isu casilay Cipriano Cassamá was speaker of parliament until he briefly became president Mid ka mid ah labada madaxweyne ee looga dhawaaqay Guinea-Bissau ayaa xilkii iska casilay kaddib markii uu hal maalin oo qura xafiiska joogay, isagoo sheegay inay naftiisa khatar ku jirto. Cipriano Cassamá waxaa xilka madaxweynaha u doortay xildhibaannada baarlamaanka, markii uu muran hareeyay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay. Mudaneyaasha doortay Mr Cassamá ayaa tallaabadaas qaaday iyagoo og in Janaraalkii hore ee Ciidamada dalkaas Umaro Cissoko Embaló horayba xilka madaxweynaha loogu dhaariyay xaflad ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Bissau. Dalka Guinea-Bissau ayey ilaa 9 isku day oo afgambi ah ka dhaceen tan iyo sanadkii 1980-kii. Waddanka uu horay u gumeystay Boortaqiiska, oo ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale xuddun u ah ganacsiga kala dhoofinta daroogada laga keeno Konfurta Ameerika ee loo sii gudbiyo Qaaradda Yurub. Arrintaas ayaa sababtay in loo bixiyo magac naaneys ah “Waddankii daroogada”. Waa maxay sababta ay Guinea-Bissau u yeelatay labo madaxweyne? Ciidamo ka socda dalalka gobolka ayaa sannado ku sugnaa Guinea-Bissau si ay uga hor tagaan dagaal ka dhaca halkaas Doorashadii la qabtay dabayaaqadii sanadkii hore ayey ujeeddadeeda ahayd in laga gudbo taariikhdii lasoo dhaafay, laakiin waxay horseedday xasarado siyaasadeed oo hor leh. Dalkan ayaa ah mid ay hoggaanka milatariga ku leeyihiin galaangal siyaasadeed oo aad u baaxad weyn. Guddiga qaran ee doorashooyinka ayaa sheegay in Mr Embaló uu ku guueystay tartankii xilka madaxweynaha, uuna ka adkaaday Domingos Simoes Pereira. Waxay sheegeen in Mr Embaló uu helay codad gaaraya 54% halka siyaasiga la loollamayayna uu helay 46%. Doorashadaas oo muran weyn dhalisay ayaa dhacday 29-kii bishii December. Taageerayaasha Mr Embaló oo dabaaldagaya kaddib markii lagu dhawaaqay inuu guusha helay José Mário Vaz, oo ah madaxweynaha uu wakhtigiisu dhammaaday, ayaa xilka ku wareejiyay Mr Embaló kaddib markii xaflad la qabtay maalintii Khamiista. Laakiin xisbiga PAIGC ee Mr Pereira, oo hormuud ka ahaa halgankii xornimada Guinea-Bissau isla markaana ahaa xisbiga kaliya ee sharciyeysnaa ilaa laga soo gaaro sanadkii 1990-kii, ayaa ku gacan seyray caleema saarka Mr Embaló, waxayna sheegeen in doorashada lagu shubtay. Kaddibna waxay isticmaaleen aqlabiyadda ay ku leeyihiin baarlamaanka, waxayna madaxweyne ku meel gaar ah u dhaariyeen Mr Cassamá, oo ahaa afhayeenkii Baarlamaanka. Xisbigan ayaa sheegay in arrintu ay sidaas ahaan doonto ilaa ay maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaas go’aan kasoo saareyso. Hase yeeshee Hase yeeshee Mr Cassamá, ayaa shaaciyay inuu xilka loo dhiibay iska casilay. Muxuu yiri Mr Cassamá? Mr Cassamá wuxuu sheegay inaysan jirin waddo kale oo u furneyd, oo aan ka ahayn inuu xilka ka dago, maadaama uu helay hanjabaado loogu jeediyay “in la dili doono”. “Anigu ma lihi ilaalo… Nafteyda ayaa khatar ku jirta, qoyskeyga noloshoodana khatar ayey ku jirtaa, Nolosha dadka qarankanna khatar ayey ku jirtaa. Ma aqbali karo taas, waana sababta aan go’aankan u qaatay”, ayuu yiri isagoo la hadlayay suxufiyiinta. Mr Cassamá ma uusan magacaabin cidda ugu hanjabtay inay dili doonto. Dhinaca kale Guinea-Bissau labo Ra’iisul Wasaare oo iska soo hor jeedda. Maalintii Axadda, mid ka mid ah, oo lagu magacaabo Aristides Gomes, ayaa sheegay inay saraakiil ka tirsan milatariga ugu tageen gurigiisa ku yaalla magaalada Bissau, iyagoo sida uu sheegay isku dayaya inay ku khasbaan inuu is casilo. Qaran News
  12. Cudurka Caabuga Coronavirus Covid-19 ee ka dilaacay Magaalada Wuhan ee Dalka China ayaa isu rogay Cudur caalami ah oo qaaradaha tallaabay, isla markaan ku faafay waddamo badan oo caalamka ka mid ah, Sida Dalalka Iran, Japan, Kuwait, Masar, Mareykanka, Talyaaniga, Germany, Imaaraadka, Ciraaq, Kuwo Badan, Dalalka aan Xiriirka Safar ee ugu Badan la leenahay ee Soo gaaray waxaa ka mid ah Dalka Imaaraadka oo ay Somali Badan ku Nool yihiin, Dalka Qatar Qaarada Africa wuxuu soo Gaaray, Morroco, Sidoo kale Nigeria oo Ciidamo ka tirsan AMISOM POLICE ay Dalka Soomaaliya ka joogaan. Dalka China oo ah Dalka labaad ee ugu horeeya Tiknoolajiyada iyo Cilmiga,Dhaqaalaha Lehna Nidaamka Caafimaad oo hormarsan ayaa ku guul dareystay inuu xakameeyo Cudurkan halista badan wuxuuna illaa hadda ka galaaftay Dalka China in ka badan 2,912 Ruux, wuxuuna asiibay ilaa 80,026 oo Ruux, Guud ahaan Dunida Wuxuu ku Dhacay 89,252 Ruux, Waxaa u Geeriyooday 3053 Dalal badan oo Dunida ah ayaa Dadkooda oo u badan arday Dalkaas wax ka barata gaar ahaan Magaalda Wuhan usoo Daad gureeyay Dalkooda hooyo, isla markaana ku xareeyay xeryo Karaantiil ah si looga hortago in ay Cudurka ku faafiyaan muwaadiniinta kale iyo qoysaskoda haddii ay Magaalada gudaha u galaan. Haddaba Cudurkan in kastoo uu halis caalami ah yahay, waxay halistiisu si gaar ah ugu badaneysaa Dalalka aan laheyn Dowlad iyo Nidaam xoog leh, Hay’ado caafimaad oo leh aqoon iyo Qalab ku filan. Dalka Soomaaliya oo ah Dalka ugu hooseeya dhanka Tayada Caafimaadka iyo Nidaamka Dowliga ah, haddii uu Cudurka Coronavirus soo galo waxay noqon doontaa Musiibo hor leh oo Kumanaan dad ah nolosha dhaafisa, sababtoo ah malahan Nidaam caafimaad oo adag iyo sidoo habraac leh isla xisaabtan oo lagu Xakameyn karo cudurka noocaan oo kale ah, iyadoo waliba illaa hadda aan la Hubin inuu Dalka ku jiro iyo in kale maadaama Xuduudaha Dalka aysan Sugneyn, sidoo kalana uusan jirin baaritaan la isku halleyn karo . Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Nidaam baariseed Dadka Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee Muqdisho kasoo degaya ee Dibadda ka imaanaya, Nidaamkaas oo inta muuqata aan ka badneyn Cabirka Heer kulka Qofka (Fever Degree Test) kaas oo aan marnaba caddeyn Rasmi ah ka bixin Karin in Qofka heer kulkiisu sareeyo uu Qabo Cudurka Coronavirus iyo in uu qabo Cuduro kale oo Qandhadoodu sareyo Sida Malaria iyo kuwo Kale oo badan, waxayna dad badan u arkaan mid u muuqda Dhoola tus Warbaahineed oo aan Sawirada dhaafsaneyn! . Maxaa loo baahan yahay Si Dadweynaha Soomaaliyeed ee ay Mas,uuliyadooda u dhaarteen Madaxda D.F ah loo badbaadiyo, waxaa lagama maarmaan ah A) – In la Helo Qalab dhameystiran oo Xaqiijin kara Jiritaanka Cudurka iyo Jirititaan la,aantiisa iyo dadkii ku Shaqeyn lahaa oo u Tababaran ka hor tagga Cudurkaas lehna amaano iyo Dhaqan wanaagsan Wadaniyadoodana la hubo . B) – In la sameeyo Xarumo Karaantiil lagu hayo Dadka looga shakiyo Cudurka ee ka yimaada Dalka uu cudurku ka jiro ama kuwa Qandhadoodu sareyso ee looga shakisan yahay Cudurka C) – Gabi ahaanba la joojiyo Soo gelida dadka China tagay muddo 3 Bilood ah ka hor ama soo maray, Sidoo kale in Daka ka yimaada Dalalka Cudurku gaaray in Lagu haayo Xarumo Karaantiil ah (dadku aysan gelin Karin kuwa ku jirana kasoo Bixi Karin) . D) – in Si adag loola xisaabtamo mas,uuliyiinta diida Baaritaanka Garoonka markey kasoo dagayaan, Sida Wasiirad ka tirsan Xukuumadda ay sameysay oo kale, maxaa yeelay nidaamka cid ka sareysa ma jirto, waana arrin khatar gelin karta dad badan, Wasiir ku xigeen iran u Dhashay iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamanka iran ayaa cudurka u geeriyooday waxaana loo maleynayaa in aan la marsiin baaritaanka Garoonka. Maamulada Dalka ka Jira ee Xuduudaha xiga, waxaa ay mas,uuliyad ka saaran tahay Bad qabka Dadkooda, waxaana loo baahan yahay inay arrintaasi ku baraarugaan,waayo waa mas,uuliyad maalinta qiyaamaha la iskula xisaabtami Doono, Somaliland waxay ku amaanan tahay Nidaamka iyo kala danbeynta ay ka sameeyeen Goboladooda, waxaana loo baahan yahay in ay ka taxadiraan Meelaha dalka Laga soo Galo gaar ahaan Marin Xadeedka Togwajaale ee Muhiimka u ah Ganacsiga Ethiopia iyo Somaliland oo dad badani maalin kasta ka talaabaan, Sidoo Kale Gobolada Galmudug iyo Puntland, Hirshabelle, Jubbalanad ee Xuduuda la leh Gobolada Soomaaliya ee ay Ethiopia Gumeysato Sida Galaadi iyo Wardheer Galmudug, Dhinaca hiiraan, Qalaafe iyo Mustaxiil, Jubbaland Xuduudka Kenya in iyaguna ay isu socodka Xuduudaha Xil iska Saaraan si uusan ugu soo gudbin Cudurku. DFS oo Xilka ugu Weyn ee Dalka Dhabarka u ridatay waa in ay Kala Shaqeysaa Maamul Goboleedyada Sidii la isugu kaashan lahaa ka hortagga Cudurka Coronavirus, Dalkeenu wuu nugul yahay, mana ahan in Waajibka Danta Guud ee Dalkeena iyo Dadkeena ay naga hor istaagaan khilaafaadka Shakhsi ah. Shacabka Maxaa la Gudboon? Sida ay Dhaqaatiirtu ku talo bixiyeen waa in Qof kastaa uu Caafimaadkiisa xil iska saaro, isagoo raacaya Tallaabooyinka soo Socda 1 – Soo iibso Gacmo dhaqa Jeermis dilaha ah, Tusaale Lifeboys, Detol IWM, ma ahan kuwo Qaali ah, ku dhaq gacmahaaga mar kastoo aad wax Cuneyso, ama caruurta siineyso ama aad Cunto Karineyso, marka aad Riixeyso caaga Sare ee Soo daadiya Dareeraha haku daataban gacantaada ee iska xiji Tiish Qalalan oo aan Qof kale isticmaalin iskana tuur. 2 – Yareey taabashada Sanka, afka, Kaaga iyo kuwa Dadka kalaba, sidoo kale yareey isku imaadyada . 3 – Caruurtaada ku adkeey in ay Gacmaha ku dhaqdaan jeermis Dilaha mar kastoo ay wax cunayaan, sidoo kalana ku amar in ay yareeyaan taabashada Sanka iyo Afka, kooda iyo kuwa Dadka kalaba. W/Q: Bashiir Maxamed Maalin Mr.bashiir088@gmail.com Mogadishu-Somalia
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki) oo kamid ahaa ururkii SNM ayaa sheegay in Dowladii Siyaad Barre aysan waxba ula hadhin oo teelo u dhigan Somaliland, isla markaana ay si ba’an u xasuuqday shacabkoodii. Cabdisalaan Turki ayaa ka dhawaajiyey in arrintaasi ay horseeday in xiligaasi ay halgan adag la galaan dowladii Siyaad Barre, oo uu sheegay inay aheyd dowlad xaqdaro ah oo dhib badan ku haysay. Turki ayaa sidoo kale sheegay inaysan marnaba suurtagaleyn in Somaliland looga soo taliyo Muqdisho, isla markaana ay xasuusan yihiin xasuuqii loo geystay oo aysan aqbaleyn in Farmaajo u soo taliyo, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Siyaad Barre, teelo inoomay dhigan ee Shacabkeenii maatida ahaa ayey xasuuqday oo dhib joogto ah ayey inagu haysay, dhibkaas ay inagu haysay ee kalifay inaynu dhiidhino oo aynu ka damqano dhibtaas la inagu hayey, taas ayaana keentay inaynu halgan aynu la galano” ayuu yiri Cabdisalaan Turki. Wuxuuna intaas kusii daray “Waliba ALLE guusha ayuu ina siiyay, madaama aynu la dagaalamay dowlad xaq-daro wada, inagoo og halgankii aynu la galay Dowladdii Siyaad Barre ee dhibta inagu haysay, suurtagal noqon mayso in mar dambe la ina dago oo Muqdisho la inooga taliyo”. “Farmaajana waxaanu leenahay wali waanu xasuusan nahay xasuuqii dadkayaga loo geystay oo maanu ilaabin ee waxba niyada ha ku dhisan inaad Somaliland u taliso, ee anaga ayaa Somaliland ilaashanayna oo Shacabkayaga iyo Dadkayaga ayaa ilaashanayna”. Cabdisalaan Turki ayaa ugu dambeyntiina soo jeediyay in xal laga gaaro arrimaha siyaasadeed ee ka jira gudaha Somaliland, isla markaana heshiiso waxtar ah lagu soo afjaro muran siyaasadeed kasta oo taagan.
  14. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye, ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug,waxaana Munaasabadda ay ahayd dardaaran mahad celin iyo bogaadin uu u jeediyay Golaha sharci dejinta Maamulka Galmudug. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in uu intii ay socotay munaasabadda madaxweynuhu goobta ku saxiixay miisaaniyadda Galmudug ee sanadka 2020 oo ay dhawaan Golaha Wasiirada iyo Wakiilada Dowlad Goboleedka Galmudug ay ansixiyeen. Miisaaniyada sanadkan 2020 ee Maamulka Galmudug ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) halka tii sanadkii hore aheyd 8 milyan, waxana la kordhiyay in ka badan 50%. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay Miisaaniyadda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  15. W/Q: Mahad Gelle Ma jirto dowlad deyn ku leh Soomaaliya, oo balan qaadey deyntii ay lahayd in ay Soomaaliya, ka cafinayso. Waxa socda waa dulsaarkii deynta in meel la saaro. International Monetary Fund iyo World Bank, midkoodna Soomaaliya, deyn kuma lahan, deeqna ma siiyaan. Waayo World Bank iyo IMF, deyn iyo deeq ma baxshaan. World Bank, waa dalaal (fund administer) maamula deeqaha iyo deymaha dowladuhu bixiyaan ama dal siiyo dal kale. Shaqada ugu weyni ee World Bank, qabto waa dammaanad qaadidda dalka deyn bixinaya iyo kan la siinayo in ay si dhawrsoon u wada shaqeeyaan. Waa halkaas meesha World Bank, shaaxa shaqadiisa ka helo, dulsaarka lacagta nalagu leeyahayna ka timid. IMF waa malaal, dalaalka (World Bank) dusha sare kala saaxiib ah. IMF shaqadeeda waa ka talo bixinta wareegga lacagta iyo beec mushtariga adduunka. Sida ugu sahlan oo aad IMF, ku fahmi karto, waa ‘‘nin aan wax ku siin, waxna kugu lahayn oo baahidaada ka macaashaya’’. Deynta Soomaaliya, lagu leeyahay oo dhan shan dhibic saddex bilyan ($5.3 billion), dalalka ku leh waxaa ugu horeeya United States ($1 billion), Italy ($600 million), France ($484 Million), United Arab Emirates ($256 Million), Kuwait ($171 Million), Russia ($148), Saudi Arabia ($109 Million), Japan ($96) iyo United Kingdom ($81 Million). Si dowladahaas deynta u cafiyaan waa in dalaalleyda (WB iyo IMF), qorshe ayagu dulsaarkooda ku helayaan keenaan. Deynta in la cafiyana waxaa ka horeysa khidmaddii shaqadooda oo WB iyo IMF, yeesheen waagii hore oo Soomaaliya, deynta la siiyey in ay horta meel la saaro. IMF iyo World Bank, suuqa ayey galeen, ayaga oo dowladaha deeqda siiya Soomaaliya shukaaminaya, si dalkaan dowlad la’aantu ku habsatay ee hadda soo kabanaya loo taageero. Shukaansigii waa uu mira dhalayaa oo boqol (100) xubnood oo dowladaha xubnaha ka ah IMF, ayaa aqbalay in ay dulsaarkii iyo khidmadii IMF iyo WB, baxshaan si dhabaha loogu xaaro in Soomaaliya, deymihii hore laga cafiyo. IMF iyo World Bank, marka ay helaan lacagtooda oo aan la cafin karin, ayey haddana Dowladda Soomaaliya, kusoo noqonayaan si ay sharuudo hor leh iyo isla xisaabtan kale oo xargo badan loo hor dhigo. Shardiyada deyn cafinta rasmiga ah in la buuxsho ayaa haddana qaadanaysa saddex (3) ilaa shan (5) sano oo kale ugu yaraan marka ay IMF iyo WB khidmadooda helaan. Lacagta IMF iyo World Bank, lama cafiyo, sababtuna waa khidmad ay shaqeysteen iyo lacagta ay ku kala wadaan howl maalmeedkooda. Dulsaarka IMF leedahay waa $334 million, World Bank waa $ 315 million. Waxaa asna $102 million leh African Development Bank. Soomaaliya, haddii deyn laga cafiyo iyo haddaan laga cafin hadda wax weyn oo ay ugu taalo ma jirto. Sababtuna waa in dowlad beri deyn la siiyaa dalkaba ka jirin. Tusaale, maanta Soomaaliya, heshiis horumarineed ama maalgashi Kenya, oo daris nala ah lama gali karto, maahan in deyn nalagu leeyahay ee waa in dowlad heshiiskaas horumarineed fulin kartaa jirin. Deynta cafinta dalaalleyda is barkan sida ay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo RW Hassan Ali Khaire, ugu dhaga nugul yihiin, haddii shacabka Soomaaliyeed, ugu dadaali lahaayeen in ay u dhisaan dowladnimo sharcigu sareeyo, taariikh iyo sooyaal ayaa ka hari odayaasha.
  16. Dhowr jeer oo hore ayaa Wadamo dhowra waxay ka digeen in Xiligaan Ciidan loo sameeyo iyo in Cunaqabataynta hubka laga Qaado Soomaaliya, Iyagoo u arkayay [...] Source
  17. MOGADISHU (Reuters) - The growls from the caged hyena reverberate through the room as Mohamed Sheikh Yakub slumps silently in a chair nearby, hoping the animal will frighten away the evil spirits he says have troubled him since his divorce. Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Rashiid Qaamis oo ka mid ahaa xildhibaanada Kenya ee sabtidii tegay Muqdisho, ayaa sheegay in cadaadiska madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku qasbay inay u safraan magaalada Muqdisho. “Waxaan la kulanay madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana uu nagu qasbay inaan isu tagno oo aan xal u helno arrintan ururka Al-Shabaab ee ka taagan gobolka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Rashiid Qaasim oo laga soo doorto Wajir East. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo 25-kii Febraayo la kulmay hogaamiyayaasha Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida aho ayaa u qabtay 14 maalmood, si ay ula yimaadaan xal wax looga qabanayo dhibaatooyinka amni-darro iyo falalka argagixiso ee ka jira gobolka. Sida uu weriyey wareyska The Standard, madaxweynaha ayaa xubnahan u sheegay in falalka argagixiso ee gobolka ka socda ay gaysanayaan dad gobolka kasoo jeeda, ayna qasab tahay inay wax ka qabtaan dadka gobolka. Rashiid Qaasim oo la hadlay wargeyska The Star ayaa sheegay in sidaas darteed ay u safreen Soomaaliya, maadaama ay tahay halka Al-Shabaab laga maal-geliyo, islamarkaana saldhigga u ah. Qaasim ayaa intaas ku daray inay codsadeen la kulanka madaxweynaha Soomaaliya, si uu uga caawiyo arrimaha amniga, gaar ahaan dhanka xuduudda. “Waad la socotaa in bilihii dhowaa iskuuladii la xiray, oo dadka aan deegaanka u dhalan ay ka tageen gobolka. Waa mas’uuliyaddeena inaan nabad iyo amni u helno gobolka,” ayuu yiri Rashiid Qaasim. Xildhibaanadan oo gaarayey 11 ayaa shalay saacado lagu hayey, su’aalana lagu weydiiyey garoonka diyaradaha Jomo Kenyatta, kadib markii ay kasoo laabteen Muqdisho.
  19. Safiirka Dawlada Mareykanka u qaabilsan Dalka Somaaliya ambassador yamamoto ayaa ugu baaqay dhinacyada Somaalida ee dagaalku ku dhexmaray Magaalada Beledxaawo in ay joojiyaan dirirta u [...] Source
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar___Qubanaha-02032020.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa baaq kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya. War kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamayaa Beled-Xaawo iyo duleedkeeda in ay joojiyaan iska hor imaadka. “Amb Yamamoto iyo safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan iska horimaadka hubeysan ee ka socda Beledxaawo” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkan oo goor dhaw lagu soo daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay dhinacyada hoggaaminaya dagaalkaas in ay dulqaad muujiyaan “Waxaan ku baaqeynaa in xal nabadeed laga gaaro khilaafka, hoggaamiyaasha labada dhinac waxaa loo baahan yahay in ay samir muujiyaan oo ka faa iideystaan ​​waxtarka umadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Dagaal maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo laga barakacay inta madan magaalooyinkaas oo ay ku dhacayeen madaafiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac, waxayna dadka ku nool deegaanadaas ka cabsi qabaan in dagaalka ka qarxay xuduuda uu sii daba dheeraado.
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya kana tirsan is-maamulka Mandheera oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa waxa ay si kulul uga hadleen xaaladda adag ee uu wajahayo is-maamulka ay dowladda dhexe ku metelaan ee Mandheera. Xildhibaanadaan ayaa sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay dhibaato badan kasoo gaartay shacabka ku nool magaalada Mandheera, isla markaana ay qoysas badan ku bara kaceen. Xildhibaanadaas ayaa dowladda ay ka tirsanyihiin ee Kenya waxa ay ugu baaqeen in si degdeg ah magaalada Mandheera uga saarto ciidamada uu wato wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan. “Dhibaatadii aan ka digeynay ayaa timid, dagaal ayaa ka socda inta ka dhaxeysa Mandheera iyo Buula-Xaawo, dad badan ayaa bara kacay, dhibkuna wuu sii socdaa, anaguna ma ogolin in dagaal dhulkeena ka dhaco, dowladda Kenyana waxaan leenahay hadii dadka shacabka ah loo damqanayo ciidamada Janan meesha halaga saaro, dagaal haduu rabo haka dagaalamo Soomaaliya gudaheeda” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Kenya. Xildhibaanada ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan mudo bil ah uu joogay magaalada Mandheera, intaasna ay ka digayeen dagaalka maanta bilaawday, waxayna sheegeen in aad ay uga careysan yihiin dadkii shacabka ahaa ee maanta la bara kiciyey, iyagoo carabka ku adkeeyey in ay arintaas kula xisaabtami doonaan madaxda dowladda dhexe ee Kenya. Dagaal maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo laga barakacay inta madan magaalooyinkaas oo ay ku dhacayeen madaafiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac, waxayna dadka ku nool deegaanadaas ka cabsi qabaan in dagaalka ka qarxay xuduuda uu sii daba dheeraado. Halkan ka dhageyso codadka Xildhibaanada https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Xildhibaanada-Madheera.mp3
  23. LASANOD ( PP ) — The Chairman of Sool Regional Court, Hassan Sheikh Mohamud, died after explosives fitted into his car had exploded east of Lasanod. People in Eastern neighbourhoods of the city heard the massive explosion. Sool Regional Police Commander, Ahmed Abdullahi, said “investigation is under way to identify perpetrators“. Improvised explosive device was used to assassinate Sool Court Chairman Shocked residents swarmed to the site of the explosion. It is the third documented attack involving an improvised explosive device in Sool. In 2009 a senior Somaliland commander, Osman Yusuf Nuh, lost his life after explosives fitted into a vehicle exploded. The former Sool governor Farah Askar survived a similar attack the same year. © Puntland Post , 2020 The post Sool Regional Court Chairman dies in ied explosion appeared first on Puntland Post.