Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta war ka soo saartay xaaladda cudurka Coronaviruses oo kiisaska ku saabsan laga diiwaan geliyey dhowr wadan oo caalamka ah iyada oo sharaxday diyaar heerka garowga. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood. Dhimashada guddoomiyaha ayaa waxaa VOA u xaqiijiy gudoomiyaha maxkamada degamada Laascaanood Xasan Maxamuud Warsame Mas’uuliyiinta gobolka Sool wali faahfaahin kama aysan bixin qaraxaas iyo in cidda kale ee wax ku noqotay. Faahfaahinta qaraxan ayaa Nuur Bukhaari uu ka waraystay weriyahayaga Laas Caaniid Cabdikariim Olol. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah xildhibaanadii ugu miisaanka cuslaa ee xisbiyada UPD iyo HIMILO QARAN ayaa ku dhowaaqay inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen kana baxeen. Xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay inuu iska casilay xilka guddoomiye ku-xigeenka xisbiga UPD, kana tagay xubinnimadii xisbiga. “Waxaan doonayaa inaan shacabka u xaqiijiyo in mowqifkeyga ku aadan xukuumadda hadda jirta uu sidiisa u taagan yahay. Waxaan sii wadi doonaa inaan la xisaabtamo hoggaanka liita ee dalka, waxaana raadin doonaa Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ku hesho hoogaan wanaagsan,” ayuu yiri xildhibaan Cabdifataax. Warqad taas la mid ah oo uu soo saaray, ayuu isna xildhibaan Xuseen Carab Ciise isaga casilay guddiga fulinta Himilo Qaran, kana baxay xisbigaas. Labada xildhibaanba waxay kasoo jeedaan gobollada Waqooyi, mana ayasan shaacin wax sabab ah oo ku aadan sababta ay isku casileen. Hase yeeshee xubno ka mid ah xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran, ayaa Caasimada Online u sheegay in labadan xildhibaan aysan la dhacsaneyn qaabka ay wax u wadaan xisbiyada mucaaradka, iyo in mucaaradooda ay u arkaan mid aan dhameystirneyn. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in saacada ama maalmaha soo socda ay xubno kale ay iska casili doonaan labadan xisbi, kuwaas oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi. Hoos ka aqriso labada warqad ee ay soo saareen labada xildhibaan
  4. Shirkadaha Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda federaalka Soomaaiya ayaa maanta ugu baaqday shirkadaha ka shaqeeyo arrimaha xujeyda in ay isa soo diiwaan geliyaan, iyada oo sheegtay in waqtiga diiwaan gelinta uu bilaaban doono 4/3 sanadka 2020-ka kuna egtahay 11/3/2020-ka. Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in wasaaraddu ugu mahadcelineyso shirkadihii sanadkii hore 2019-ka aadka uga shaqeeyey arrimaha Xujeyda, muwaadiniinta Soomaaliyeedna u soorto geliyey in ay gutaan acmaasha Xajka, waxaana loogu baaqay in iyaguna ay isa soo diiwaan geliyaan,waxaana lagu yiri qoraalka wasaaradda. “Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa ay ku wargelineysaa dhammaan shirkadaha daneeyo fulinta adeega Xujeyda Soomaaliyeed sanadkaan 1441 ahna 2020-ka in ay iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda, Shirkadaha waxaa lala socodsiinayaa in wasaaraddu si rasm ah faylalka iyo galalka Xajka ay u qaban doonto maalinta arbacada ah 4/3/2020-ka kuna eg arbaco 11/3/2020. Shirkadihii hore ee dadaalka adag muujiyey oo wasaaradda kala shaqeeyey fulinta adeegga Xajka 2019-ka, waxaa ay qeyb ka yihiin isdiiwaan gelinta wixii shuruudaha ah oo quseeyo waxaad ka heleysaan xarunta wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta waaxda arrimaha Xajka, waxaana rajeyneynaa in sanadkaan umadda Soomaaliyeed meelk kasto ay joogaan sidii looga bartay wasaaradda arrimihii adkaa ee sanadkii hore oo cid weliba oo qabatay aan aad ugu amaneyno sanadkaan aad waqti hore u diyaar garownay” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa looga hadli doonaa joogteynta yareynta isticmaalka dhuxusha, JoojintaDhoofka Dhuxusha iyo Sidii shaqooyin kale loogu abuuri lahaa dadka ku howlan xaalufinta dhirta, waxaana furitaankiisa ka qeyb galay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiirada Arimaha deegaanka ee Dowlad Gobaleedyada da’ka iyo aqoonyahano ku xeel dheer dhanka deegaanka. Wasiirda Dowlad Gobaleedyada ee shirka kasoo qeyb galey ayaa isla qirey in ay waajib tahay in wax laga qabto xaalufka deegaanka, Joojinta Dhoofka Dhixusha iyo in shaqo abuur loo sameeyo dadka dhir jarista ku xoogsada ee nolosha ka raadiya. Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Ayaa sheegay inuu shirkan biloow u yahay barnaamijyo ay Wasaaraddu ugu talogashay in looga hortago xaalufinta dhirta iyo in bulshada laga wacygaliyo qataraha laga dhaxli karo xaalufinta deegaanka oo hadaan laga hortagin oo aan meel looga soo wada jeesan sababi kara qataro badan sida abaaraha iyo fatahaadaha. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa dhanka kale ballanqaaday in sanadkan gudihiisa ay dalka oo dhan ka abuuri doonaan Hal Milyan oo geed si loo wanaajiyo arimaha deegaanka, islamarkaana ay dhowaan Golaha wasiirada geyn doonaan Sharci Ciqaabeed lagu xakamaynaayo dadka ka shaqeeya Dhoofka xoolaha . Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shirka furay ayaa sheegey in Koonfur Galbeed ay wax weyn uga dhigan tahay in ay marta geliso shirkan caalamiga ah ee looga hadlayo dhibaatada xaalufka dhirta , wuxuuna tilmaamay inuu ku rajo weynyahay in ay kulanka kasoo baxaan go’aano wax ku oola oo dalka anfaca . Dhinaca kale Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay dhirtu leedahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in si wadajira loogu istaago sidii loo joojin lahaa dhoofinta dhuxusha oo dhibaatooyin badan horseedda Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maadaama dhirtu ay lagama maarmaan u tahay deegaanka iyo noolaha intaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Mareykanka ayaa ka hadlay dagaalka dowladda Federaalka iyo jubbaland ku dhexmaray degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo. Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Beled Xaawo inay dagaalka joojiyaan wax walbana ku dhameeyaan wada hadal. Sidoo kale Maretkanka ayaa ugu baaqay dhammaan hoggaamiyaasha in ay muujiyaan samir, kaas oo ay dan ugu jirto ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka. “Waxaan ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan iska hor-imaadka hubeysan ee ka socda agagaarka Beled Xaawo. Waxaan ku baaqeynaa in xal nabadeed laga gaaro khilaafka. Hoggaamiyaasha oo dhami waa inay samir muujiyaan, taas oo faa’iido weyn u leh umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka. #Gedo #Somalia Amb Yamamoto & @US2Somalia call for all sides to disengage from armed conflict around Beled Hawo. We call for a peaceful political solution to the conflict. All leaders need to be patient & deescalate for the benefit of all Somalis in the region. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) March 2, 2020 Dagaalkii maanta ka dhacay Beled Xaawo waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux, oo isugu jira dhinacyadii dagaalmay, sidoo kale waxaa waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ka hadlay dagaalka Beled Xaawo appeared first on Puntland Post.
  7. Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Xaaladda magaalada Beled Xaawo ayaa deggan kadib dagaal culus oo maanta ku dhex maray ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa uu hoggaamiyo wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacayo laba qaybood oo ka mid ah magaalada, una dhow xududda Soomaaliya iyo Kenya. Dr. Axmed Caddow oo ka tirsan Isbitaalka weyn ee magaalada Beled Xaawo, oo la hadlay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Isbitaalkooda lasoo gaarsiiyey illaa 16 qof oo dhaawac ah inkastoo markii dambe uu sheegay inuu geeriyooday mid kamid ah dhaawacyadaas. Dhakhtarka ayaa sheegay in dadka soo dhaawacmay ay isugu jiraan dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee qeybta ka ahaa dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Beled Xaawo. Dhakhtarka ayaa sheegay in dhaawacyada intooda badan ay yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday inuu si faahfaahsan uga sii hadlayo arrimaha ku saabsan ciidanka. Waxaa jira Isbitaalo kale oo la gaarsiiyey dhaawacyada iyo dhimashada, waxayna guud ahaan hadda mareysaa dhimashada 5 qof, halka dhaawaca uu yahay 15 qof oo isugu jiro ciidan iyo shacab, inta la xaqiijiyey. Xaaladda Magaalada Beled Xaawo ayaa hadda dagan, waxaana lasoo sheegayaa inay ciidamada Dowladda Soomaaliya ku sugan yihiin halkii maanta lagu dagaalamay. Ciidamada Jubaland ayaa u cararay dhanka Mandhera, waxaana galbiyey ciidamada Kenya oo geeyey saldhigga booliska magaalada, halkaas oo iminka ay ku sugan yihiin. Hoos ka dhageyso wareysiga Dr. Axmed Caddow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/d5b8692d-9970-4059-bf8a-215b9e26264a_48k.mp3
  8. Muqdisho (SMN) – Dowladda hoose ee Xamar ayaa dib-u-habeyn ku sameysay bulaacada ama biyo-mareenka wadada dekada qalalan ee degmada Waaberi oo isku xirta Airport Aadan Cadde iyo xerada Afasiyooni wadadaas oo horey isticmaal-keeda ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen bulshada. Waxaana dib-u-habeyn ku sameyay bulaacadan xarigana kajaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), wuxuu xusay in wadadan la isticmaalo ay aad u adkeyd sababa la xariira qurun iyo burbur ka jiray. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-habeen-02032020.mp3 View the full article
  10. Booliska Dalka Kenya ayaa soo saaray Qoraal ku socda Shacabka Mandheera Qoraalka oo ay ku dajinayaan Shacabka. Booliska Kenya waxay sheegeen in laga foojignaado Borobogaandada [...] Source
  11. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkii saakay ka dhacay degmada Baled Xaawo ee gobalka Gedo, kaasi oo ay ku dagaalameen ciidamo dowladda federaalka ay dhowaan geysay gobalka Gedo iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland. Col. Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee degmada iyo khasaarihii ka dhashay dagaalkii dhacay, isaga oo sheegay in xaaladu degan tahay waxaana uu intaas ku daray in uu jiro khasaare oo gaaray labada dhinac. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/02/Xildhibaan-wali-xaawo-somaliland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. BELET_HAWA (HOL) - Calm has returned in Belet-Hawo following heavy artillery fire between Somali National Army and Jubbaland forces as Kenya assured there was no incident on its side in Mandera. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU (HOL) - The 4th annual Somalia Real Estate, Construction Conference and Homes Expo (SORECO) kicked off in Mogadishu today bringing together experts, stakeholders and enthusiast in the construction and real estate sectors in Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Mandhera (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in ciidamada wasiirka amniga Jubaland Cabdirtashiid Janan lagu soo jebiyey dagaalkii ay maanta xuduudda Mandhera iyo Beled-Xaawo kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Wargeyska ayaa sheegay in ciidamada Jubaland oo ay “usoo awood sheegteen” kuwa dowladda Soomaaliya ay gabaad kasoo dhigteen, oo hadda lagu hayo saldhigga booliska Mandhera. Waxaa saldhigga dusha ka ilaalinaya ciidamada militariga Kenya ee KDF, sida warbixinta Daily Nation lagu sheegay. Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay dhanka xuduuda ee Beled-Xaawo, ayaan waqti badan qaadan, kadib markii ciidanka Jubaland usoo carareen dhanka Mandhera, sida warbixinta ay tiri, Wargeyska ayaa sheegay in askarta saldhigga la keenay, oo ay galbiyeen militariga Kenya, ay gaarayaan illaa 30 askari, oo ay wehliyaan saraakiil, wuxuuna soo bandhigay sawir muujinaya. Illaa iyo hadda ma cadda halka uu ku dambeeyo wasiirka amniga Jubaland, iyo haddii uu weli degan yahay aagga xuduuda ee Border Point 1, oo markii hore uu gur ka kireystay. Hase yeeshee qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Amniga ee Mandhera ayaa gabaad u raadsaday xero militari oo ciidanka Kenya ay ku leeyihiin xuduudda. Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka deegaanka Beled-Xaawo ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen dagaalka maanta. Sawirro muujinaya xaaladda Mandhera iyo ciidanka Jubaland oo soo galay saldhigga Mandhera.
  15. Gudoomiyihii Maxkamada Magaalada Laascaanood Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku geeriyoodey Qarax loogu xiray Gaarigiisa ooku qarxay. Gudoomiyaha ayaa isla goobta ku geeriyoodey, waxaa kaloo Qaraxa [...] Source
  16. HARGSEISA (HOL) - A judge in Las-Anod was killed Monday in a car bomb explosion in a rare bomb attack in the northern Somalia region. Source: Hiiraan Online
  17. Qaraxa Laascaanood Wararka ka imaanayaa maagalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi goord dhoweyd uu ka dhacay qarax aad u xooggan oo laga maqlay dhammaan xaafadaha degmadaasi Laascaanood. Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in qaraxa gaarigiisa loogu xiray guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland oo magaciisa lagu sheegay Xassan Sheikh Maxamuud. Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday qaraxaasi inkastoo aan weli faahfaahin buuxda laga hayn haddii ay jiraan cid kale oo khasaare ka soo gaaray qaraxa. Jawiga Laascaanood ayaa hadda qasan waxaana gaaf wareegayaa ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland oo hawlgallo ka wada gudaha magaalada inkastoo aan weli cidna loo qaban qarax halkaasi ka dhacay. Sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. PUNTLAND POST The post Laascaanood: Guddoomiye maxkamadeed oo qarax lagu khaarajiyay appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Laascaanood)-Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool Xasan Sheekh ayaa galabta ku geeriyooday Qarax gaadhigiisa loogu xidhay gudaha magaalada Laascaanood. Ilaa hadda laamaha Ammaanku kama hadal. Wariyaha HCTV ee Laascaanood Cabdiraxmaan Olol, ayaa sheegaya in qaraxan oo ku cusub magaalada aan ilaa hadda la garanayn cidda ka danbaysay. Source
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aanu ka helayno gobolka Sool ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland uu ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa. Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Sool ee Somaliland, Xasan Sheekh ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xili uu ku sugnaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Guddoomiyaha ayaa u naf baxay dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa loogu xiray gaarigiisa, midaasi oo sababtay in uu geeriyoodo xili lagu howlanaa u fidinta gargaar deg-deg ah. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markiiba gaaray goobta qaraxaasi, iyagoona halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan dhacdadan, maadama ay deegaanada Somaliland ay ku cusub tahay in Mas’uul gaarigiisa loogu xiro qarax. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online
  20. Dagaalkii maanta ka qarxay Magaalada Baledxaawo ayaa hadaistaagey iyadoo labada dhinac ee dagaalamay ay qolobwalbo meeshoodii joogaan. Labada dhinacba waxay sheegayaa yaan guul balse Dad [...] Source
  21. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay doorashada la filayo in sanadka soo socda ay ka qabsoonto gudaha Soomaaliya. Dadweynahaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa intooda badan waxa ay soo dhoweeyeen in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhicin karto dalka. Sidoo kale qaar ka mid ah dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn doorashadaasi, iyagoo sabab uga dhigay amniga iyo khilaafka siyasadeed ee ka jira dalka. Halkaan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/PPP.mp3 View the full article
  22. Shanta madaxweyne ee ugu taajirsanaa madaxweynaashii soo xukumay Mareykanka Madaxweynayaashii Mareykanka Dalka Mareykanka oo ah kan ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa madaxweynayaashii soo maray waxay ahaayeen kuwo dabaqadda noolashooda y kala duwaneyd. Qaar kamid ah waxay xilka qabteen iyagoo leh hanti ama kasoo jeedaa qoys hanti leh, halka kuwa kalena ay ka yimaadeen qoysas aan waxba heysanin. Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa warbixin ka qortay shanta madaxweyne ee ugu hantida badnaa ee qabtay hogaanka dalkaasi. Madaxweyne Donald Trump Trump- madaxweynaha ugu taajirsan Mareykanka Madaxweyne Donald Trump waxaa xafiiska loo doortay sanadkii 2016-ka, xilligaas oo uu ku guuleystay doorashadii Mareykanka ee uu kula tartamay Hillary Clinton. Hantida madaxweyne Trump ayaa gaareyso 3.1 bilyan oo dollar, marwalbana waxa uu sheegaa sid auu ku helay lacagta iyo in uu yahay shakhsi aad uga guul gaaray ganacsiga dhismaha dhulka. Fox News oo qiimeyn ku sameysay hantida madaxweynayaashii soo maray Mareykanka ayaa Trump ku qiimeeyay madaxweynihii ugu hantida badnaa ee abid hogaamiya dalkaasi. Madaxweyne Trump ayaa hanti badan iyo shirkadda dhismaha kala wareegay aabihii, waxaana uu ku sameeyay ballaarin. Trump ayaa huteello caalami ah ku leh magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka. Madaxweyne John F. Kennedy Madaxweyne John F. Kennedy John F. Kennedy oo xilka madaxtinimada ee Mareykanka qabtay sanadkii 1961 ayaa waxaa uu xilkaas hayay ilaa iyo sanadkii 1963 markaasi oo toogasho lagu dilay. Hantidiisa ayaa lagu qiyaasay hal bilyan oo dollar, waxaana uu asal ahaan kasoo jeeday qoys hanti leh. Aabihii waxaa uu mar kamid ahaa dadka ugu hantida badan Mareykanka. Xaaskiisa Jacqueline Kennedy waxay ahayd haweeney dhaxal ahaan u heshay shirkaod shidaal oo ay lahaayeen qoyskooda. Hantida ay lahaayeen ayaa la sheegay inay kamid tahay wargeyska Wall Street iyo kuwa kale, waxaana madaxweyne Kennedy lagu qiimeeyay in uu ahaa madaxweynihii labaad ee ugu taajirsanaa madaxweynayaasha soo maray Mareykanka. Madaxweyne George Washington George Washington Madaxweyne George Washington oo ahaa madaxweynihii koowaad ee dalka Mareykanka ayaa xilka qabtay sanadkii 1789, waxaana uu ka degay sideed sano kadib. Hantida madaxweyne George Washington ayaa lagu qiyaasay inay ahayd 525 milyan oo dollar. Wargeyska The financial site ayaa kusoo warramay in madaxweyne George uu guryo aad u waaweyn uu ku lahaa buuraha Vernon, kuwaas oo ku fadhiyay dhul gaaraya kumanaan hektar. Musharkiisa ayaa la sheegay in xilligaas uu ahaa boqolkiiba laba miisaaniyadda guud ee Mareykanka sanadkii 1789. Xaaskiisa Martha ayaa dhaxal ahaan u heshay hanti farabadan oo uu lahaa aabaheed. Madaxweyne Thomas Jefferson Thomas Jefferson Thomas Jefferson oo xilka madaxtinimada Mareykanka qabtay sanadkii 1801, kana degay sanadkii 1809 ayaa Fox News waxay hantidiisa ku sheegtay inay gaareyso 212 milyan oo dollar. Si lamid ah madaxweynihii isaga ka horreeyay, Jefferson waxaa uu ahaa nin ka ganacsada dhismaha dhulka iyo guryaha iyo dad uu adoonsan jiray oo uu uga tegay aabihii. Waxaa uu sidoo kale lahaa dhul loo dalxiis tago oo ku yaalla gobolka Virginia. Inkasta oo madaxweyne Thomas Jefferson uu lahaa hanti dhan 212 milyan oo dollar ayaa haddana waxaa uu dhintay isagoo lagu leeyahay lacag deyn ah. Madaxweyne Theodore Roosevelt Lahaanshaha sawirkaTHE WHITE HOUSEImage captionTheodore Roosevelt Madaxweyne Theodore Roosevelt o soo noqday madaxweynihii 26-aad ee dalka Mareykanka aya xilk qabtay 1901, waxaana hantidiisa lagu sheegay 125 milyan oo dollar. Waxa uu noqday madaxweynaha shanaad ee ugu hantida badan Mareykanka. Qaran News
  23. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Waxaa qaboobay dagaalka maanta ka qarxay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo,ee dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubalanad ee ka amar qaadanaya wasiir amniga Cabdirashiid Janan, inkasta oo weli la maqlayo rasaas goos goos ah. . Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, oo la hadlay idaacadda BBC Soomaali, ayaa sheegay inuu dagaalka ka dhacay xuduuda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Guddoomiyaha ayaa xusay inay ciidamada dowladda Soomaaliya hadda joogaan xuduudda labada dal, ayna iska difaacayaan weerar uga imanaya dhanka Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Cismaan ayaa ciidamad Kenya ku eedeeyey inay dagaalka kusoo biireen, oo ay madaafiic ku garaacayaan gudaha magaalada Beled-Xaawo, taasoo dhibaato naf iyo maal leh ay kasoo gaartay shacabka ku nool magaalada. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Kenya ay dagaalka kusoo qaaday Soomaaliya ayada oo garab siineysa ciidamada uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan. “Ciidankan waxay difaacayaan xuduudda, weli toos uma gelin gudaha Kenya, balse halkaas ayaan ugu tageynaa oo ugu galeynaa, intii shacabka madaafiic lagu garaaci lahaa,” ayuu yiri Cusmaan Nuur Xaaji. “Waan ka xunahay in Kenya ay soo weerarto shacabkeena oo madaafiic ku garaacdo shacabkeena. Inta ka badan indhaha kama xiran karno Kenya, gudaha ayaan ugu galeynaa,” ayuu yiri. Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Cabdirashiid Janan uu maanta hoobiyo iyo madaafiic ku garaaco magaaladii uu muddo 8 sano ah ka talinayey, isagoo ku sifeeyey inuu ka naxariis daran yahay kooxda Al-Shabaab. “Kenya iyo nimanka oo is garabsanaya ayaa xabad nagu soo wada iyo hoobiyeyaal,” ayuu yiri. Weli ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta warka guddoomiyaha ee ah in ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin dagaalka. Maamulka Jubaland weli kama hadli dagaalka. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka guddoomiye Cismaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Kenya.mp3
  24. A day after 11 parliamentarians secretly travelled to Somalia and met President Mohamed Abdullahi Farmaajo, a fight broke out between two military camps, with the effects spilling over to Mandera County. Activities were interrupted by a heavy explosion that was followed by gunfire at about 11 am Monday, signalling an expected clash between Jubbaland forces and the Federal Government of Somalia (FGS). Communication was cut off at about 10 am and explosions and gunshots rent the air for the better part of the day. FGS troops have been camping at Bulahwa, a town neighbouring Mandera, for the past month, planning a raid to capture a fugitive Jubbaland minister, who has been hiding in the county. Mr Abdirashid Hassan Abdinur, alias Abdirashid Janan, arrived in Mandera town on January 30 and was booked into a local hotel. He escaped on January 28 from a Mogadishu prison where he had been held since August 31, 2019. He left the hotel on February 10 and rented a house at Border Point 1 in Mandera town. Since the minister arrived, the high tension in Mandera town has forced some residents to flee from their homes, fearing deadly clashes between the FGS and the Jubbaland troops, who are supported by the Kenya Defence Forces (KDF). For the better part of Monday, Jubbaland forces guarding the fugitive engaged in an exchange of fire with the FGS forces along the Kenya-Somalia border within Mandera town. Overpowered Jubbaland forces were received and hosted in Mandera town police station with the KDF guarding the facility. It remained unclear whether the wanted minister remained in the rented house or was moved to a military camp. Senior security officers in Mandera sought refuge at the military camp. Mandera County Police Commander Jeremiah Kosiom was taken to the camp under a heavy police escort. The clash brought business to a standstill in Mandera town, with most shops closed. “I had to close my shop as it was just a matter of time before the fighting got into town,” said Adan Yarrow. Resident Ali Hassan said: “We all knew this was going to happen but our government chose not to take action by arresting and handing over this minister,” said a resident of Mandera. Most schools in the town were closed and learners asked to go home. A spot check by the Nation revealed that most of the fighting took place on the Somalia side of the border with the KDF on standby to respond to any spillover. Hospitals remained operational but none had received casualties by noon. “We are on duty and are yet to receive any victim of the fighting at Border Point 1,” said a medical officer at Mandera County Referral Hospital. On January 15, the facility’s medical superintendent issued a notice asking staff to be on standby. Locals claimed four people had died. View the full article