-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
DAWLADO CASRIYA. Waxaa muuqatay in bilowgii qarnihii 16aad ba caalamku soo kala harayey. Dawladdii xoogga badnayd ee Cusmaaniyiinta waxaa bilowday hoos u dhaceedii. Muslimiintii Andalos ee boqolaalka sano xaddaaradda Yurub ku lahaa gaar ahaan Spain iyo Portugal meesha ayaa laga saaray. Dawladdii waynayd ee Chinaha ayna xukumayeen qoyskii Ming, caalamka ayay iska soo xirtay, kadib markii ay reer miyigii ku xeernaa qiil qiil galiyeen. Laakiin Yurub wixii ka dambeeyey heshiiskii Westphalia 1648-dii iyadu kor ayay u socotay, dawladaheeduna waa sii xoogaysanayeen marba marka ka dambaysa. Kobacii dawladnimo ee Yurub ka hirgalayey sabab ayuu lahaa aynu u kala qaadi karno dhawr kaan nooc. 1-Kacaankii Daabacaadda Dawladdii Islaamka ee Spain ka jirtay waxa ay ahayd mid ay reer Yurub gaar ahaan Faransiisku ka dhaxleen cilmi iyo aqoon maadiya oo garaadkooda wax wayn ka baddashay. Nahdadaan cilmiga ahi waxa ay meesha ugu saraysa gaartay markii ay muslimiintu u gudbiyeey reer Yurub sida xaanshiyaha ama waraaqaha loo sameeyo. Cilmiga samaynta waraaquhu waxa uu ahaa cilmi muslimiintu siddeed qarni ay yaqaaneen. Barashadii cilmigii cusbaa waxa uu Yurub dhaxalsiiyey hirgalintii wixii loo baxshay “Printing Revolution” ee Jarmalka ka bilowday qarnihii 15aad. Tani waxa ay sababtay in culuumtii xajmi farabadan si fudud loogu daabaco iyo in ay fududaato akhrin-qoristii ku koobnaan jirtay dad yar oo ahaa dabaqadda sare iyo wadaaddada diinta. Malaayiintii Buug iyo macluumaad ee la daabacay ayaa waxa ay isaga dhex gooshtay dalalkii Yurub. Arintaasi waxa ay sababtay in aakhirkii cilmigii adduunka yaalay uu Yurub isugu soo ururo, aqoontaas ayaa markii dambe dhabbaha u sii xaartay kacaankii warshadaha. 2-Helistii Adduunka Cusub. Muslimiintii ka talin jirtay Andalus lagama dhaxlin samaynta waraaqaha oo kaliye ee waxaa kale oo laga dhaxlay marista badaha oo ay iyana khabiir ku ahaayeen. Christopher Clumbus oo laga abaabulay lagana diray dhulkii islaamka laga qabsaday ee Andalus waxaa la rumaysanyahay in bad-mareenadii hoggaminayey ay u badnaayeen muslimiintii taqaanay Marista badaha. Chirstopher Columbus waxa uu sahamiyey gaddiga shishe ee bad-waynta Atlanticada halkaas oo uu ugu tagay adduun iyo dad dhan oo aan horay loo aqoon, waa qaaradda “America”. Yurub gaar ahaan Spain iyo Portugal waxa ay fakhriga tuureen kolkii ay taabeen hantidii ay lahaayeen dadkii Latin America loogu tagay. Dhulkaani ma uusan ahayn meel aysan xaddaaradi ka jirin ee waxa uu ahaa dhul ay ka talin jirey dawlado la nooco kuwii qadiimka ahaa ee aynu horay uga soo hadalnay. Waxaa ka jirey xaddaarado ay ka mid ahaayeen middii Inka iyo Astiga. Dahabkii iyo naxaastii dhulka cusub laga helay ayaa Yurub quwad iyo dawladnimo u kordhiyey. Sidaas si la mida ayaa Ingiriiskuna u qabsaday waqooyiga qaaradda Amerika, markii dambana u taabay Hindiya oo dhawr boqol oo sano ay ka talinayeen dawladdii Mugalka ee Muslimka ahayd. 3-Kacaankii Warshadaha. Nahdadii cilmiga ahayd ee qarnigii 15aad bilaabatay iyo adduunkii laga helay caalamkii cusbaa ee la qabsaday waxa ay dariiqa u sii xaareen kacaankii warshadaha ee markii dambe ka hirgalay Ingiriiska qarnigii 18aad. Waa kacaankii sababay in wax soosaarkii gacanta ku dhisnaa uu si xawliya isu baddalo ka dib markii la kashifay mashiinno uumiga ku shaqeeya. Waa kacaankii sababay in Yurub ay hesho tamarta dhuxul-dhagaxda oo meesha ka saartay xaabadii la shidan jiray. Tamarta dhuxul-dhagaxdu waxa ay sahashay in si fudud loo isticmaalo birta. Waa marakan kolka maraakiibta waawayn ee birta ka samaysan la sameeyey. Waana xilligaan marka isticmaalka birtu ay wax ka baddashay isu socodkii dhulka oo la sameeyey xadiidka tareemadu ku ordaan. Waa marakan kolka ay reer Yurub noqdeen awood aan lala loolami karin gaar ahaan Ingiriiska oo maraakiibtii birta ahayd ay u sahashay in uu caalamka oo dhan ku qabsado. Haddii aynu si kale u niraahno waa marakan marka ay dawladnimada reer Yurub tisqaaday oo ay hoggaanka caalamka qabteen inta kalana la hoggaamiyayaal noqdeen. 4-Kacaankii Faransiiska Kacaankii warshdaha ee Ingiriiska ka bilowday markii dambana Yurub oo dhan ku fiday, wax soosaarkii oo kaliya wax kama baddalin ee waxaa kale oo uu saamayn ku yeeshay qaab nololeedkii bulshooyinka. Xilliyadii aynu ka soo sheekaynaynay oo dhan, nidaam-siyaasadeedkii Yurub ka jirey waxa uu ahaa mid ku dhisan dawlado boqortooyo ah. Boqortooyooyinku waxa ay ahaayeen kuwo la kala dhaxli jirey, sharciyaddoodu na waxa ay ahayd in uu Alle doortay. Si aan sharciyaddaas cid kale ugu la loolamin waxa ay xiriir dhaw la lahaan jireen kaniisadda oo shaabadda u saari jirtey xukunkooda. Sidaas daraadeed in xukunkooda la diidaayi waxa ay ka dhignay in Alle la diidey. Nidaamka uu boqorku wax ku dhaqi jirey waxa uu ahaa mid aanu kaligiis si tooasa dadka u xukumin. Boqorku waxa uu lahaa wakiillo uga wakiila magaalo walba. Wakiiladaas ama “madaxyawayntaasi” ( Nobleman) waxa ay lahaayeen dhulka oo ay canshuurta ka qaadan jireen qaarna boqorka u diri jireen. Boqorku waxa uu Madaxyawaynta xaq ugu lahaa in ay ciidan u keenaan kolka uu u baahdo, kuwaas oo noqon jirey dadka dhulkooda ka shaqeeya. Dadku na waxa ay ahaayeen kuwo madaxyawaynta u shaqeeya oo aan dhul lahayn. Waa nidaamkii Yurub isticmaali jirtay ee Feudalismka iyo Serfdomka loo aqoon jirey. Dadku beeralay ayay ahaayeen dhulkiina madaxyawayntii ayaa goostay sidaas daraadeed waa ku khasbanaayeen in ay dulmigaas ku hoos jiraa. Lakiin markii uu kacaanka warshaduhu bilowday wax waliba way isbaddaleen. Dadkii madaxyawaynta u xaraysnaa ayaa ka fara baxsaday kolkii ay shaqooyin-gacameed kale heleen. Waxaa soo baxay dabaqad dhexe oo kacaanka warshaduhu dhalay loona shaqeeyo. Waxaa soo baxay wixii loo yaqaanay Free Cities-ka oo ahaa magaalooyin aan heshiiska Nobleman-ka iyo Aristocrat-ka mid na ku jirin. Tani waxa ay sababtay in dadkii xuquuqdooda siyaasadeed iyo middoodii nololeedba iminka ay dalban karaan. Iyada oo xaal sidaas yahay walina dadka badankii sii ay beeralay yihiin ayaa xaaladdii macayshadeed ee Faransiisku aad u xumaatay, taas oo keentay in beeralaydii ay kacaan. Kacaankaas oo markii dambe dalka oo dhan ku faafay illaa boqorkii Faransiiska Louis XVI dhagta dhiigga loo daray 1793. Kacaankii Faransiisku waxa uu fure u noqday in uu boqortooyooyinkii Yurub badan koodii dhulka dhigo kadib markii ay ciidamadii Faransiiska oo uu hoggaaminayo Napoleon Bonaparte ay xorriyaddii uu shacabka Faransiisku helay u dhoofiyeen shucuubtii kale ee reer Yurub, illaa uu ka gaaray Mosko. Inkasta Napoleon aakhirkii dagaaladii lagu jabiyey markii uu Ingiriisku dagaalka soo galay intii kalana ay u midowday, haddana kacaankii reer Faransa oo ay dabkiisii sii shideen indheer-garadkii enlightenment-ga ayaa aakhirkii soo afjaray dawladihii boqortooyooyinka ku dhisnaa, taariikh dawladnimo oo cusub na Yurub u furay. Waa dawladihii Hal ku dhagga looga dhigay Caddaaladda, Sinaanta iyo Dimuquraadiyadda ee madaxyawayntii talada ka faramaroojiyey. Si kale haddii aynu u niraahna na waa dawladaha casriga ah ee aynu imminka arkayno. La soco qaybta 7aad Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 6aad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. Farmaajo iyo Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya. Wadahadalkana ayaa ku soo aadaya xilli shalay dowladda Kenya ay eedeyn u jeedisay Soomaaliya iyada oo ku eedeysay in ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan qeybo ka mid ah gobalka Gedo ay ku soo xadgudbeen jiritaanka xukuumadda Kenyatta. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri: WARSAXAAFADEED KU SAABSAN WADAHADALKA MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNE KENYATTA Muqdisho, 5-ta Maarso, 2020: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya. DHAMMAAD
-
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. Farmaajo iyo Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya. Wadahadalkana ayaa ku soo aadaya xilli shalay dowladda Kenya ay eedeyn u jeedisay Soomaaliya iyada oo ku eedeysay in ciidamada dowladda federaalka eek u sugan qeybo ka mid ah gobalka Gedo ay ku soo xadgudbeen jiritaanka xukuumadda Kenyatta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiishii Ciidamada Ahlu Sunna, ee Sabtidii uu wareejiyay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxii Xukuumadda Galmudug. Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay General Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Kulankan ayaa looga hadlay kaalinta Ciidamadan ay ka qaadan karaan howsha sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Arrimo kale. Saraakiisha oo ka kooban dhamaan laamaha Ciidamada qalabka sida ayaa balan qaadey in ay diyaar u yihiin adeecida madaxda Galmudug iyo gudashada waajibaadka qaran ee laga sugayo. Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay doorka Saraakiisha Ahlu Sunna kaga aadan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab. Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhankiisa Saraakiishan ku booriyay in ay sii wadaan kaalinta laga sugayo ee ah ka qayb ahaanta dowladnimada iyo ka miro dhalinta yoolka ah in si wadajir ah looga saaro deegaanada ku jira Al-Shabaab. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa lagu xusuustaa dagaaladii qaraaraa ee Shabaabka kula galeen qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, iyagoona ka sifeeyay dhul ballaaran, oo ay horey uga arrimin jireen.
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AL-Shabaab ayaa ka qarxay duleedka Magaalada Beledweyne sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online. Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Biitaale oo dhaca Galbeed Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan halkaas oo ay gacanta ku heyso Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya. Sida dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda Online, waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayo inkastoo aan weli si rasmi ah loo helin inta uu la eg yahay khasaaraha. Ciidamo gurmad u ah kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ka baxay Magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa inay ku biiraan dagaalka xooggan u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wareegto ka soo baxdey Xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa afhayeenka maamulkaas waxaa loogu magacaabey wasiir hore Cusman Ciise Taar-dhuleed. Hoos ka akhriso wareegtada View the full article
-
Beledwayne (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo xoogaga Macawiisley ayaa ku dagaalamay degaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan. Dadka degaanka ayaa idaacada Shabelle u sheegay in iska hor-imaadka uu sababay khasaaro isugu jira dil iyo dhaawac. Ma jiro wax war ah oo labada dhinac ay kasoo saareen dagaalka oo la tilmaamay in uu ahaa mid saacado socday. Tirro dhowr jeer ah ayay horey labada dhinac ugu dagaalameen gobolka, waxaana arrintaas ay saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xili dowladda Kenya ay soo saartay bayaan ku aadan in dowlada Somalia ay faragalin dhuleed kawado gudaha dalkeeda ayaa arintaasi waxaa ka hadlay mid kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed oo ku tilmaamay bayaanka Kenya si weyn looga dheehan karo caro xoog leh. Siyaasi Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi oo la hadlayay idaacada Shabelle ayaa sheegay in bayaanka Kenya uu yimid kadib markii mudaneyaal katirsan baarlamaanka Kenya kuwaas oo lagasoo doorto waqooyi bari Kenya ay Muqdisho shirar qarsoodi ah ay kula yeesheen madax katirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Raabi ayaa ku nuux-nuuxsaday in xalka kaliya ee dowladaha Somalia iyo Kenya uu yahay xal diblomaasiyadeed oo lawada wadan ay isugu imaanayaan fadhiyo lagu xalinayo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhexeeya, isagoo sidoo kale tilmaamay in Kenya iyo Somalia ay yihiin labo wadan oo danahoodu ay isku xiran yihiin oo aan hakad ku imaan karin xiriirkooda. Waxaa sii xoogaysanaya xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladaha Somalia iyo Kenya oo midba midka kale ku eedeenaya in ay fara galin ku hayso gudaha dalkiisa. Xili kal hore dowladda Somalia ay soo saartay war saxaafadeed ay eedeeyn ugu jeedinaysay dalka Kenya oo ay ku eedeysay in faragalin siyaasadeed ay kawado gudaha Somalia halka dowlada Kenya iyana ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya in faragalin dhuleed ay kawado dalkeeda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-050320.mp3 View the full article
-
Rasaasta RPG-7 Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari, oo maalmihii u dambeeyay hawlgallo ka waday magaalada Boosaaso, ayaa mar kale sheegay in ay soo qabteen, dad haystay Rasaasta Qoriga loo yaqaan RPG-7. “Taliska Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa howl galadii ka socday magalada bosaso ku soo qab qabtay rasaasta qoriga loo yaqaano 7ka iyo dadkii haystay kuwaasi oo la rabay in lagu khal khal galiyo amniga magalada bosaso.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska gobolka Bari. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay soo qabteen dad guryahooda hub ku haystay, islamarkaana iyaga iyo hubkooda dhowaan la soo bandhigi doono, inkastoo aysan faahfaahin ka sii bixin. “Ciidamada ayaa sido kale soo qabtay hub kala duwan kuwaasi oo dhawaan la soo bandhigi doono iyo dadkii hubkaasi guryahooda ku hayay.” Ayaa qoraalka la sii raaciyay. Taliska ayaa sidoo kale Shacabka ka codsaday, in ay kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga iyo fududaynta Hawlgallada ka socda magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo mar kale sheegay in ay qabteen dad hubaysan appeared first on Puntland Post.
-
Lix ka tirsan Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, ee la baxay Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa shaaciyay in ay ku midoobeen hal xisbi oo keliya. War-murtiyeed ka soo baxay Shir mudda shan maalmood ah uga socday dalka Turkiga, ayay xisbiyadaasi ka sheegeen in ay ku midoobeen hal xisbi, islamarkaana ay doorashada Soomaaliya ee 2021-ka ay soo sharrixi doonaan hal musharrax oo keliya. Madasha ku midoobay halka xisbi ayaa kala ah: xisbiga UDP, Xisbiga Himilo Qaran, Xisbiga Kulan, Xisbiga Horusocod, Xisbiga Ilays iyo Xisbiga Nabadda. Madasha ayaa hawshaasi u saaray guddi ka kooban 12 qof, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii loo hirgelin lahaa midaynta Xisbiyadaas oo hal xisbi looga dhigi lahaa. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo hal Xisbi iyo hal musharrax ku midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal xooggan ayaa Kooxda Macawiisley iyo Alshabaab xalay ku dhexmaray degaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas uu yimid kadib markii Kooxda Macawiisley ay weerar ku qaadeen fariisin Alshabaab ay ku leeyihiin degaanka Ceel-Cali waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus inkastoo aan si rasmiya oo loo ogayn khasaaraha ka dhashay. Dadka degaanka ayaa sheegaya in ay maqlayeen Rasaas culus oo ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagalamayay,iyaga oo xusay in aysan sheegin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhexmaray koxda Macawiisley iyo Alshabaab. Sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha dagaalka halkaasi ka dhacay. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo Al-shabaab iyo Macawisleey ku dhexmaray gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Qin Jian ayaa sheegay in ardada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay bed-qabaan, mas’uuliyad weyna ay iska saartay dawladiisa guud ahaan ajnabiga oo ay ku jiraan ardada Soomaaliyeed. Safiirka ayaa uga baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in aysan ka wel-welin xaalada carruurtooda, waxana uu xusay in ay siiyaann wacyi-gelin, agab, iyo daryeel joogta oo ay la mid yihiin muwadiniintooda oo kale. “Dawladda Shiinaha mas’uuliyad weyn bay iska saartay bed-qabka, caafimaadka dadka ajnabiga ah ee ku nool Dalka Shiinaha oo ay ku jiraan ardada Soomaaliyeed, Wax dhib ah ma qabaan, waxan siinay wacyi-gelin ku saabsan cudurka Corona-virus, iyo qalabka looga hortaga, Waalidiinta waa in aysan ka wel-welin”, Safirka Shiinaha, Qin Jian ayaa ka sheegay shir jara’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho. Safiirka ayaa intaa ku daray in uu jiro hoos u dhac ku yimid dadka hor leh ee uu cudurka haleeli jiray marka loo eego, dalalka kale ee hadda uu ka jiro cudurkaasi. In ka badan 90,000 qof ayuu asiibay cudurka Corona-Virus guud ahaan caalamka, waxana hadda u daran Shiinaha, K/Kuriya, Japan, Iiran iyo Talyaniga, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo cudurkan dunida oo dhan ah. View the full article
-
Kadib markii Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta uu dowladda Federaalka Soomaaliya Ku eedeeyay in ay ciidamo badan geysay xadka ay wadaagaan labada dal ayaa waxa soo baxaya in ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Kenya ay soo buux dhaafiyeen magaalada Mandheera. Dhaqaaqyo militari oo iska soo horjeeda ayaa saakay laga dareemayaa magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi bari Kenya.Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka shacabka ah ee Ku nool magaalada Mandheere, iyagoona ka cabsi qaba in dagaal culus uu halkaasi ka dhaco.Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in maamulka Jubbaland ay ciidamo kale geysay magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi bari Kenya. Magaalada Mandheere ayaa ka taagan xiisad colaadeed, taasi oo ka dhalatay, kadib markii wasiir Janan iyo ciidamo uu wato ay Ku sugan yihiin magaalada Mandheere, xili ay dowladda Soomaaliya ay doonayso in gacanta Ku soo dhigto wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan. Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland uu dagaal culus Ku dhexmaray inta u dhexaysa magaalooyinka Mandheere iyo Beledxaawo. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo ciidamo horleh keentay magaalada Mandheera appeared first on Puntland Post.
-
Shir muddo shan maalin uga socday dalka Turkiga mas’uuliyiinta madasha qaran ayaa ugu dambeyntii la go’aamiyey in madashu hal xisbi noqoto, isla markaana doorashada 2020-ka ay hal murashax yeeshaan. Xisbiyada kulanka tagay, heshiiskana gaaray ayaa kala ahaa: xisbiga UDP ee Xasan Sheekh, Himilo Sheekh Shariif, Kulan Maxamed Siiriin, Horusocod oo Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas ah, Ileys waa Cabdulqaadir Cosoble iyo Nabadda oo Maxamed Cabdi Gandhi uu hoggaamiyo. Xisbiyadan siyaasadeed ayaa muddada uu shirku socday kudheeraaday arrimaha doorashada iyaga oo meel cad ka istaagay qabsoomidda doorashada 2020-ka iyo in aan shaki iyo hadal marnaba la gelin karin. Xisbiyadan ayaa cashar isu tanaasul ah u dhigay ilaa 78 xisbi oo hadda u diwaangeshan guddiga doorashooyinka qaranka iyaga oo lix xisbi ay go’aansadeen iney mideeyaan hoggaankooda, aragtidooda siyaasadeed iyo istaraatoijiyadooda ku aadan doorashada 2020/2021. Ugu dambeyntii, waxaa la saaray ilaa 12 qof oo guddi ah kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii loogu guuri lahaa hal xisbi iyo guud ahaan arrimaha midowga xisbiyadan. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Laascaanood)-Safaaradda dawladda Maraykanku ay ku leedahay dalka kenya ayaa si u bogaadisay maayarka magaaladda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale. Kadib markii ay ka wada shaqeeyeen hay’adda kaalmadda dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID iyo maamulka dawladda hoose ee Laascaanood dhismaha jidka isku xidha garoonka diyaaradaha Laascaanood iyo magaaladda inteedda kale. Jidkaasi oo dhismihiisa ay maalgelisay hay’adda USAID, isla markaana golaha deegaanka Laascaanood ay door aad u weyn ka qaateen. Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay hay’adda Maraykanka kaalmadda dibadda u qaabilsan ee USAID ku daabacday barta Internet-ka ay ku leedahay ee Twitter-ka. Warbixintani bogaadinta ah ayaa ku soo beegmaysa xili Isniintii todobaadkan xadhiga laga jaray Waddadaasi oo dhererkeedu dhan yahay 5 KM. Dhismaha jidkani ayay hay’adda USAID bixisay 75% (Boqolkiiba-shan iyo toddobaatan), iyadoo ay fuliyeen maamulka golaha degaanka degmadda Laascaanood, oo Maayarku hormuud u yahay. Halka 25% (boqolkiiba shan-iyo labaatan), shurruuda looga dhigay in ay itaalkooda xooga ku saarraan, maadaama madaarku hal-bawle dhaqaale u yahay degmada Laascaanood. Kaasoo ah madaarka diyaradaha keliya ee ka furan dalka Somaliland marka laga reebo garoonka diyaaradaha caasimada Hargeysa ee Cigaal International-Airport. Geesta kale maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo ka jawaab celiyay dhanbaalkan hanbalayada ah ee ka soo gaadhay dawllada Maraykanka gaar ahaana hay’adda USAID ayaa ssheegay in hanblayadani tahay mid ku timid kalsoonida ay ka qaateen doorkii maamul ka gole degaan ahaan. Waxaanu yidhi, “Waanu ka guddoonay dhambaalkan, ay noo soo gudbiyeen dawladda Maraykanka gaar ahaana hay’adda USAID ka maamul gole deegaan ahaan safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Iyadoo ka turjumaysa wadashaqeyntii iyo fulintii shuruudeed ee hay’ada USAID, maadaam aanu anagu qorshaha iyo dalabka-ba lahayn. Waxaanay tani degmada Laascaanood iyo ka maamul ahaanba noo tahay mid fursad weyn, oo dhinaca mashaariicda arrimaha bulshadda ah, oo door weyn ka qaadanaysa”. Waxaanu intaas raaciyay, “Xaqiiqdii iyagoo xog baddan ka qaatay doorka dhaqaalaha iyo dakhliga degmada waxa ay aaminsanaayeen, in ay duruufo badani jiraan oo ay naku adag tahay, madaama aan degmooyinka dhaqaalaha badan leh aan mashaariicda la wadaagin. Sidaa darteed, ayay noogu hambalayeeyeen, anagu-na waanu soo dhawayneynaa, waananu dedaalaynaa. Waxaananu uga mahad celinaynaa doorkii ay ku lahayd xukuumadda dhexe wasaaradda Arrimaha gudaha oo gacan naga siisay” ayuu yidhi maayarka Laascaanood. Dhinaca kale C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa hay’adda NRC uga mahad celiyay Cagaf-cagaf kuwa beeraha lagu qoto ah oo ay ku wareejisay, isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan bulshadda beeralay xoolo-dhaqatadda ah. Taasoo iyadna ka mid tahay qorsheyaashii horumarineed ee ay u balan qaadeen. Waxaanu yidhi, “Waxa kaloo aanu halkan uga mahad celinaynaa hay’ada NRC oo aan ka guddoomay Cagafta qodaalka Beeraha, taasoo hay’adaasi noogu deeqday. Taasoo iyana qeyb ka ah qorsheyaashii aanu u soo bandhignay bulshadda reer Laascaanood iyo gobolka Sool, in aanu ka maamul gole deegaan ahaan bilaabi doono barnaamijyada dhinaca wax-soo-saarka ee Beeralay Xoolo-dhaqato. Taasoo iyadu-na ka qayb qaadan doonta saameyna ku yeelan doonta nolosha bulshada”. Ugu danbayn maayarka Laascaanood waxa uu sheegay in mashaariicda iyo waxqabadka golaha deegaanka Laascaanood marba marka ka danbaysa uu intii hore ka soo korayo. Dhameystirka dhismaha Jidka madaarkuna ka mid ahaa qorsheyaashoodii waxqabadka arrimaha bulshadda degmadda iyo gobolka-ba, isla markaana ay waxyaabo fara badani ka hirgaleen balan qaadyadoodii. Iyadoo ay jiraan mashaariic fara badan oo ay fuliyeen dawladda hoose ee Laascaanood oo aanay cidi la wadaagin am aka taageerin, wixii dhimana ay dedaal badan gelin doonaan. Source
-
(SLT-Masar)-Xukuumadda Masar ayaa daldashay, Hisham Ashmawi oo ahaa nin si weyn loogu raad joogay. Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in arbacadii shalay la dilay Hisham Ashmawi. Hisham Ashmawi oo ahaa sarkaal ciidan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa weeraro waaweyn oo uu kamid yahay weerar lagu dilay ciidammada Masar sannadkii 2014-kii. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka dambeeyay isku day la rabay in lagu dilo wasiirkii arrimaha gudaha Masar Maxamed Ibraahim sannadkii 2013-kii. Hisham Ashmawi ayaa lagu qabtay dalka Liibiya kaddib markii ciidammada uu hogaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ay u gacan geliyeen Masar, maadama Janaraal Khaliifa Haftar iyo Masar uu ka dhexeeyo xidhiidh. Ashmawi oo sidoo kale loo yaqaano Abu Cumar Al Muhaajir wuxuu ka tirsanaa ciidammada militariga u qaabilsan howlgallada gaarka ah balse shaqada ayaa laga caydhiyay markii la arkay inuu yahay qof mayal adag. Wixii xilliggaas ka dambeeyay, wuxuu ku biiray kooxda Jihaad-doonka ee ka dagaallanata gobolka Siinay. Source
-
(SLT-Riyadh)-Sucuudiga oo hore u mamnuucday cumrada dadka ajnabiga ah, ayaa ku dhowaaqday in sidoo kale hadda laga mamnuucay dadka u dhashay dalkaas. Sucuudiga ayaa Isniintii shaacisay in qofkii ugu horreeyey ee dalkaas ku nool laga helay cudurka Coronavirus, kaasi oo ahaa qof booqasho ku tegay dalka Iran balse aan shaaca ka qaadin. “Kadib tallo soo jeedinta guddiga loo xil saaray la socoshada cudurka Coronavirus, waxaa la go’aamiyey in la joojiyo cumrada muwaadiniinta boqortooyada,” waxaa sidaas lagu yidhi qoraal lasoo dhigay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. Go’aankan ayaa si joogto ah dib loogu eegi doonaa, waxaana laga yaabaa in wax laga beddelo haddii xaaladdi is-bedesho, sida lagu sheegay qoraalka SPA. Dadka Sacuudiyaanka ah ayaa weli booqan kara masaajidada Xaramka iyo masaajidka Nebiga NNKH, si ay salaadda ugu tukadaan, hase yeeshee waxaan la ogoleyn kaliya cumrada. Toddobaadkii tegay, Sucuudiga ayaa hakiyay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus. Wasaaradda arrimaha dibdda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hakinta ay tahay mid waqti kooban ah, hase yeeshee ma shaacin xilliga ay ku eg tahay. Ma cadda, haddii go’aankan uu sameeyn doono Xajka oo sannadkan ku beegan dabayaaqada bisha July. Source
-
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa guul weyn ka gaadhay doorashada isreebreebka xilka madaxtinimo ee xisbiga Dimuquraadiga. Mr Biden oo tartan xooggan kala kulmaya Bernie Sanders ayaa guul dahabi ah ka gaadhay 9 gobolka oo ka mid ah 14-ka gobol oo ay ka dhacday Doorashada. Warbaahinta Mareykanka ayaa hal ku dhig uga dhigtay doorashada salaasadii weyneyd ee Mareykanka. Labada nin oo ku loolamaya murashaxa calanka u sidi doono xisbiga dimuquraadiga doorashada dhaceysa bisha November ayaa kala wata qorshayaal kala duwan. Siyaasiga Joe Biden oo ka hadlay guusha uu ka soo hooyay gobolada waaweyn ayaa sheegay in Mareykanka uu u baahan yahay isbadal, isagoo intaa ku daray in Bernie Sanders uu yahay qof da’a ah si la mid ah madaxweyne Trump. Mr Sanders oo loolan adag kula jira Beyden ayaa si la mid ah sannadkii 2016-kii hogaaminta xisbiga dimuquraadiga kula loolamay Ms Hillery Clinton. Inkastoo gobolo kale ay dhiman yihiin ayaa bisha July waxaa la kala saari doonaa murashaxa xisbiga dimuquraadiga ee la tartami doona doorashada bisha November ee sannadkan 2020-ka madaxweyne donald Trump oo matali doona xisbiga Jamhuuriga. Source
-
(SLT-Yemen)-Kooxda Xuutiyiintu ee dagaalka kula jirta dawlada Dalka Yaman ayaa xukuno dil ah ku riday ku dhawaad 30 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalka Yaman, Xuutiyiinta ayaa xildhibaanada ku eedeyeeyay in hantidooda loo adeegsado dagaalka ay dowladda Yemen kaga soo horjeedo. Maxkamada xukunka ku riday xidhibaanadda ayaa ah mid gaar ah oo ay Xuutiyiintu ku maxkamadeeyaan dadka ay u arkaan in jiritaankooda ay caqabad ku yihiin. Xuutiyiiinta ayaa sheegay in xidhibaanadani ay uga digeen inay dhaqaale ku bixiyaan dagaalka ay dawladdu ku hayso mucaaradka balse ay ka dhega adaygeen. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qeybta 21-aad ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiishii Ahlusunna ee Horaantii todobaadkan Sheekh Shaakir uu wareejiyay. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in Kulankaas looga hadlay kaalinta Ciidamada Ahlusunna ay ka qaadan karaan howsha sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Saraakiisha oo ka kooban dhammaan laamaha Ciidamada qalabka sida ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin adeecida madaxda Galmudug iyo gudashada waajibaadka laga sugayo. Madaxweyne Qoor qoor ayaa dhankiisa Saraakiishan ku booriyay in ay sii wadaan kaalinta laga sugayo ee ah ka qayb ahaanta dowladnimada iyo ka miro dhalinta yoolka ah in si wadajir ah looga saaro deegaanada ku jira Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Saraakiishii Ciidamada Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
-
Kikuyu and Kalenjin ethnic communities are grossly overrepresented in the public service while Kenyan-Somalis are underrepresented, statistics from a survey by the Public Service Commission between 2018 and 2019 show. Source: Hiiraan Online
-
On Tuesday, Feb. 11, inside DMACC Building 6 auditorium, Saida Dahir shared her story as a Muslim Somali refugee who, along with her seven siblings and single mother, fled to the United States. Source: Hiiraan Online
