-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Guddigaas Wasiir Dhabancad 7-February 2020, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa iclaamiyay Shirka Wada-tashiga Puntland oo sida qorshaysan la qaban doono 15-ka bishaan Maarso 2020-ka. Shirkaas, waxaa lagu casumay dhammaan Golayaasha dowladda Puntland iyo Wakiilada ku metela heer Federaal, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka, si looga tashado Mustaqbalka Puntland iyo dawrkeeda ku aaddan Midnimad iyo hirgelinta Hannaanka Federaaleynta dalka Soomaaliya. 18-February 2020, Madaxweyne Deni ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada Shirkaasi Wada-tashiga Puntland, Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Guddiga ayaa isu’gu jira 4 Wasiir, 2 xildhibaan, 4 xubnood oo ka tirsan Bulshada Rayidka ah iyo mid kamid ah La-taliyaasha Madaxweyne Deni. Balse, tan iyo markii la magacaabay Guddigaas Warbaahinta ma hor-imaan, islamarkaana Bulshada lama wadaagin wax ku saabsan halka ay marayso Hawsha loo xilsaaray ee Diyaarinta iyo qaban-qaabada Shirka Wada-tashiga Puntland. Haddaba, Guddiga ayaa markii u horraysay Maanta oo Axad ah, waxay baahiyeen farriin laba daqiiqo ah oo ku saabsan aas’aaskii Dowladda Puntland iyo Ansixintii Dastuurka Rasmiga ah ee Puntland, taasi oo ay ku jiraan Qaladaad dhanka Taariikhda ah oo ka been-sheegaya xilliga la ansixiyay Dastuurka iyo Tirada Ergooyinkii ansixiyay. Farriinta Guddiga, waxaa lagu sheegay in Dastuurka Puntland la ansixiyay 2011, islamarkaana ay ansixiyeen 469 Ergo ah, balse sida saxdaa Dastuurka Puntland waxaa la ansixiyay 18-kii bishii April 2012, waxaana ansixiyay 472 Ergo ah. Xukuumaddii Puntland ee xilligaasi jirtay, ayaa caasimadda Garoowe isu’gu keentay 480 Ergo ah oo laga keenay dhammaan gobollada Puntland, 472 xubnood ayaa ogolaaday Ansixinta Dastuurka, 6 xubnood ayaa diiday, halka 2 qofna ay goobta ka maqnaayeen xilliga codayntu dhacaysay. Haddaba, su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay: Guddiga ma waxaa loo xil-saaray Diyaarinta iyo qaban-qaabada Shirka Wada-tashiga Puntland? mise waxaa loo diray aas’aaskii Puntland 1998-dii iyo Ansixintii Dastuurka 2012-kii? Waxaase Iyana su’aal kale ah side Guddi dhan u sixi waayeen Taariikhda la ansixiyay Dastuurka Puntland iyo cidda ansixisay? PUNTLAND POST The post Guddi dhan oo sixi waayay Taariikhda la ansixiyay Dastuurka Puntland!! appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan saddex geesood ah uga socdo mas’uuliyiin ka kala socda dowladaha dariska ah ee wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dowladda federaalka uga qeyb galaya taliye ku xigeenka NISA, Cabdullaahi Kulane, halka dhinaca Itoobiyana shirkaasi uu ku matalayo sarkaalka ugu sarreeyay ee ka howlgala dhinaca xuduuda. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shirkaasi diirada lagu saarayo xiisada ka taagan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mas’uuliyiinta Kenya kulanka uga qeyb galaya lagu qasbayo inay cadaadis ku saaran wasiirka amniga Jubbaland, sidii loo qarametyn lahaa ciidamada uu wata ee dhaq dhaqaaqyada ka wada dhinaca xadka. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee uu hoggaaminayo Janan ay ku dagaalameen degmada Beled-Xaawo ee G/Gedo. View the full article
-
Hay’adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada xeebaha dalka Lipya ay soo badbaadiyeen boqolaal ruux oo muhaajiriin ay Soomaali ku jirto. UNHCR ayaa sheegtay in muhaajiriinta laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Lipya ay u kala dhasheen wadamada Syria, Sudan, Palestine, Eritrea, Somalia iyo Ethiopia. Sidoo kale hay’adda UNHCR ayaa tilmaamtay in muhaajiriintaasi ay qorsheynayeen in ay sii gudbaan dalka Talyaaniga, balse ay cilad ku timid doonidii ay saarnaayeen. Hay’adda ayaa sidoo kale xaqiijisay in dadkaasi ay gaarayaan illaa 34 muhaajiriin ah oo inta badan ka soo jeeda qaaradda Afrika. Si kastaba ha’ahatee ma’ahan markii ugu horreysay oo muhaajiriin ay Soomaali ku jirto laga soo badbaadiyo xeebaha dalka Lipya,waxaana muhaajiriintu inta badan ay u bareeraan safarka halista ah ee Badda Medeterenian-ka. View the full article
-
Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiraan ayaa ku soo waramaya in Ciidamada Booliska magaalad Baladweyne ay Fashiliyeen Miino nuuca dhulka lagaliyo ah oo lagu aasay xaafada Katirsan ee Magaaladaasi. Sarakiisha ciidamada Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in ku guuleyseen in ay soo saaraan Miinadaas oo lagu aasay Agagaarka shirkadda Dahabshiil ee Xaafada Kooshin ee Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Inta uu socday howlgalka lagu soo saarayay Miinada ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Xaafadaas, balse markii uu soo dhamaaday howlgalka dib ayaa loo furay isku socodka dadka iyo gaadiidka. Saraakiisha Booliska ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay tilmaameen in Miinada la damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka iyo ganacsatada ku dhaqan Xaafadda Kooshin, hayeeshee laga hortegay miinadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Arrimaha Qoyska dowladda Puntland, ayaa maanta oo Axad ah caasimadda Garoowe ku qabatay, Munaasabadda xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo ku beegan 8-da Maarso sannad kasta. Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamida Haweenka ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Mas’uuliyiinta Ururada Bulshada Rayidka ah, saraakiil ka socday Hay’addaha UN-ka iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, oo Khudbad ka jeedisay Munaasabadda, ayaa hambalyo ku aaddan xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka, waxay u dirtay dhammaan Haweenka Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan. “Waxaan rabaa inaan Hambalyo u dirayaa dhammaan gabdhaha Reer Puntland, gabdhaha Soomaaliyeed iyo Gabdhaha Caalamka xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaan idiin rajeynayaa farxad, baraare iyo guul” ayay tiri Wasiirka. Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka sheekaysay guulaha waaweyn ee Wasaaraddu ka gaartay Hormarinta Arrimaha Haweenka iyo ilaalinta xuquuqdooda, gaar ahaanna cirib-tirka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka oo uu kamid yahay kufsiga. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo isna khudbad muhiima ka jeediyay xuska maalintaas caalamiga ah ee Haweenka Adduunka, ayaa si mugleh uga hadlay dawrka shariifka ah ee Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dalka. “Puntland mashaariicda ay horumarka ka gaartay oo caafimaadka iyo waxbarashada ugu horreeyaan xooggiisa guulaha laga gaaray waxaa laf dhabar u ah waa gabdhaha taas waad ku amaanantihiim runtii, horumarka bulshada ayaad laf dhabar u tihiin oo aad qeyb weyn ka qaadayaan” ayuu yiri madaxweyne Deni. Halkaan ka eeg sawirada oo dhan PUNTLAND POST The post Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo Garoowe laga xusay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in maanta ciidamada Jubbaland ay bililiqeysteen guriga wasiir ku xigeenkii arrimaha gudaha maamulkaasi, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Cawar) oo saacadihii la soo dhaafay isku dhiibay ciidanka dowladda. Guriga wasiirka ee la bililiqeystay ayaa ku yaalla gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Korneyl Cabdirashiid Macalin (Gaas) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in dhammaan ciidamadu ay qaateen wixii agab iyo hanti ah ee yiilay guriga, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Turki-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Militariga dalka Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFIRCOM ayaa xaqiijiyey dilka hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab kaasoo duqeyn lagu dilay Bishii hore ee February. Hadalka kasoo baxay Taliska Militariga AFRICOM ayaa lagu sheegay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo afgarashadiisu tahay Bashiir Qoor-qaab lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey. “Dhab ahaan waxaanu rumeysanahay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo garan og-yahay Bashiir Qoor-qaab lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey,” ayuu yiri afhayeenka taliska Korneyl Chris Karns. Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkaas oo ahaa mid dhanka circa ah laga fuliyey Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe. Wuxuu tilmaamay inuu weerarkaas dhacay 22-dii Bishii Februay ee sanadkaan 2020 tan iyo waqtigaasna uu socday baaritaan ku aadan xaqiijinta dhimashadiisa. Dilka Hoggaamihayaan ayuu ku sheegay inay tahay horumar laga gaaray in meesha laga saaro khatarka ay Afirkaanka io Ameerikaanka kala kulmayaan Argigixisada sida hadalka loo dhigay. “Tani waa hormay, waxay meesha ka saareysaa khatarta ay Afrikaanka iyo Ameerikaanka kala kulmayeen argagixisadda, waxayna dharbaaxo ku tahay cadowg” ayuu Korneyl Chris Karns u sheegay Idaacadda VOA. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in dilkaan uu suurtagalay kadib markii ay macluumaadka Sirdoon is dhaafsadeen Soomaaliya iyo Mareykanka. Hoggaamiye Qoorgaab ayaa dhashay sanadkii 1982, wuxuuna xiriir dhow la lahaa hoggaanka Kooxda Al-Shabaab, waxayna dhimashadiisa saameyn ku yeelatay gudaha kooxda, wuxuuna kooxda ka hayey xilka abaanduulaha guud ee Al-Shabaab. Sidoo kale Qoorgaab ayaa la sheegay inuu ahaa madaxii Howlgalada ee dalka Kenya halkaas oo Kooxda AL-Shabaab ka fuliyeen weeraro badan oo khatar geliyey amniga dalkaas, wuxuuna kamid ahaa golaha Fulinta. Magacyadiisa afgarashada waxay kala ahaayeen; Bashir Mohamed Mahmoud, Bashir Mahmud Mohammed, Bashir Mohamed Mohamud, Bashir Mohamed Mohamoud, Bashir Yare, Bashir Qorgab, Gure Gap, Abu Muscab, Qorgab. Warka ku saabsan dilka Qoorgaab ayaa imanaya ayada oo sirdoonka Soomaaliya ay dhowaan shaaciyeen in laga qaaday xilalkii uu ka hayey Al-Shabaab. Qoraal ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay 3-dii Febraayo soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada. NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”
-
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Fred Matinag ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Fred Matinag iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Kenya iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa saacadaha soo aadan kulamo aqalka madaxtooyada Soomaaliya kula leh madaxda sare ee dalka. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Kenya uu wafdigan u soo diray Muqdisho, waxaana dowladda ay kala hadli doonaan xiriirka labada dal. Dhowaan ayey aheyd markii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku wada hadleen khadka taleefanka iyagoo ka arrinsaday xiisada ka taagan xadka labada wadan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-08032020.mp3 View the full article
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo safar ugu maqnaa dalalka Turkey iyo Germany ayaa maanta Wadanka dib ugu soo laabtay. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Xubno ka mid ah Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland oo uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ay Madaxweyne Ku-xigeenka ku soo dhoweeyeen Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir Airport ee magaalada Garoowe. “Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar ugu maqnaa dalalka Turkey iyo Germany ayaa maanta Wadanka dib ugu soo laabtay.” Ayaa lagu yiri Qoraalka. “Xubno ka mid ah Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland oo uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir Airport.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.
-
The U.S. military has confirmed to VOA that one of al-Shabab’s top leaders was likely killed in a drone strike last month. Source: Hiiraan Online
-
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la-socodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen), Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada Koonfur Galbeed. Ujeedda kulanka wadatashiga ayaa ahaa ka talogelinta madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo in loo soo bandhigo howlaha warbixino ku saabsan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay. Ugu horeyn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa soo bandhigtay warbixinta arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed kuwaasoo ah arrimaha ugu muhiimsan guud ahaan dib-u-eegista Dastuurka, waxayna si qoto dheer usoo bandhigtay hababka kala duwan ee aduunyadu u dhigto arrimaha laga galayo wada-xaajoodka siyaasadeed. Sidoo kale Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudiga La-socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa u gudbiyay Gollaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) warbixinta wax-ka-bedelka Dastuurka ee heer farsamo. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftigareen ayaa soo dhaweeyey howlaha qaran ee ay wadaan saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka wuxuuna ku booriyey aqoonyahanka iyo shacab weeynaha Koonfur Galbeed in ay ka qaybqaataan dhamaystirka dastuurka ayna noqdaan dowllad Goboleedka ugu horeeya ee ka shaqeeya soona gudbiya talooyinkooda ku aadan warbixinta Dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna sidoo kale faray dhamaan hay’adaha iyo wasaaraddaha kala duwan ee Koonfur galbeed inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaah Dastuurka ee Koonfur galbeed soo aruurinta aragtiyaha kala duwan ee dowlad goboleedka. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha dastuurka Dr. Hussien Cabdi Cilmi ayaa si waafi ah uga warxibiyey halka ay marayso guud ahaan dib-u-eegista dastuurka iyo arrimaha u baahan in wada-xaajoodka siyaasadeed laga galo. “ bishii lasoo dhaafay wassaaraddu waxa ay qabatay kulama hawleedyo shaqo oo balaaran kuwaas oo aan la yeelanay guud ahaan hey’adaha kala duwan ee dowllada si loo soo aruuriyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed si loo mideeyo aragtida dowlada heer Federaal ahaan loona diyaariyo hal dukuminti oo mid ah kaasoo lagala xaajoon doono dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka ah hadii alle idmo, waxaana sidoo kale idinkana idinka rajeeynaynaa inaad sameeysaan taas mid la mid ah, waana hubaa inaad sameeyn doontaan” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka. Dhanka kale, Hay’adaha u xilsaaran dib-u-Eegista Dastuurka ayaa kulan latashi ah oo ku saabsan dib-u -eegista dastuurka la yeeshay haweenka, dhalinyarada iyo ururada bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedka KonfuurGalbeed. Wasiir Ku-xigeenka Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlayay bulashada rayidka Koonfur Galbeed ayaa yiri ”Waxaan rajaynayaa inaad daraasaad badan ku samaysaan dastuurka kana talo dhiibataan, kana dhiibataan aragtidiina si loo xaqiijiyo in qofkasta oo Soomaali ah ka dhex arko xaqiisa dastuurka waana hubaa in bulshada rayidka Koonfur Galbeed ay doorkooda qaadan doonaan”. Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka oo ku hadlayay magaca seddexda hay’ad ee u xilsaaran qabyo tirka dastuurka ayaa uga mahadceliyay guud ahaan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen iyo wadashqeynta wanaagsan ee ay u muujiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi oo Maanta so gaarey Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey ujeedadaka dambeysa Safarka uu ku yimid Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigey Bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo Saraakiil Sare sare oo ka tirsan Dowladda Kenya uu Muqdisho usoo direy Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,si ay Madaxweyne Farmaajo ugala hadlaan xiisadda ka taagan xadka labada dal. “Ka dib mowjado caqabado dhinaca amniga ah oo dhawaanahan kusoo kordhay soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, ayaa qaar ka mid ah saraakiisha sare ee dowladdu iyo aniga uu noo soo direy Soomaaliya Madaxweyne Kenyatta si aan kula kulano dhiggiisa ee Madaxweyne Farmaajo ayuu yiri” Fred Matiangi. Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadli doonaan sidii loo xakameyn lahaa Arrimaha ka taagan xuduudaha dalka oo uu dhawaan dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowlada & kuwa Jubbaland. Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu qadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, sidii xiisada ka taagan xuduuda loo qaboojin lahaa. Xiisada ka jirta xadka ayaa salka ku haysa Wasiirka Amniga Jubbaland iyo ciidamo uu wato oo gudaha u galay dalka Kenya kuwaasoo halis ku ah ciidamada dowlada federalka ay geysay magaalada Beled-Xaawo. Dowlada Maraykanka ayaa cadaadis xoog leh saarayaysa labada dowladood sidii xal looga gaari lahaa khilaafka cusub ee sababay in ammaanka xadka uu xumaado. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa bulshada Somaliland ugu bushaareeyay in doorashooyinka baarlamaanka iyo degaannadu dhici doonaan sanadkan 2020, islamarkaana uu si rasmi ah u dhaqan galayo heshiiskii laga gaadhay arrimaha doorashooyinka. “Inbadan baynu isla jiitamaynay arrimaha doorashada laakiin, waxaan ku faraxsanahay in walaahowgii laga baxay, in laga heshiiyay in doorashadii la qabto. Heshiis siyaasi ah baa dhacay oo ah in doorashadii Wakiillada iyo goleyaasha degaanku inoo qabsoomaan sanadkan 2020. Arrintaasi waxay guul u tahay Somaliland, wixii qabyo ah ee dhiman asxaabtu waxay ku heshiiyeen in xisbiyadu si wada jir ah u dhammeeyaan, waxaan shacbiga Somaliland u soo jeedinaya in walaahowga laga baxo oo ma dhacaysa iyo ma dhacayso doorasho iska dhaaftaan oo doorashada u diyaargarowdaan,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaflad haweenka xisbiga WADDANI ku xusayeen maalinta haweenka ee 8 March waxa uu bulshada ku boorriyay in ay doortaan xildhibaanno tayo leh si ay uga baxaan cabashada ay hadda ka qabaan goleyaasha degaanka. Waxa kale oo uu ugu baaqay in musharraxiinta doonaysa in ay iska sharaxaan xisbiga WADDANI ay inta bishan lagu gudo jiro ka hawlgalaan sidii ay si rasmi ah isugu sharraxi lahaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta durduro ku meel mariyey wax-ka-badelka iyo kaabista lagu sameynayo xeerka isgaadhsiinta Somaliland, oo maalinkii shalay ay golaha wakiilladu wax ka badel ku sameeyeen islamarkaana ay cod aqlabiyadda ku ansixiyeen. Qodobada meesha laga saaray waxa ka mid in shirkadda Somcable kooto loogu xidho xadhiga Feber Optiga loo yaqaani oo hore gaar loogu xidhay. 73 mudane ayaa u codeeyey, cid ka amuustay may jirin, cid diideyna may jirin, gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaasi ayaanu ku ansaxey. Source
-
ADDIS ABABA ( PPM) — The Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) remains a signature project of the late Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi. Conceived as a strategy to secure Ethiopia food security against politically motivated man-made famines, GERD handed Ethiopia an opportunity to be accused of weaponising water, a scenario that Egypt views as a national security threat. Ethiopia does not recognise past agreements on the distribution of Nile water. “In addition to ethnic federalism, GERD is a political impediment with which Meles saddled Ethiopia” says Aklilu Assefa, an Amhara political activist in Gondar. “We are isolated within the African Union over GERD.” GERD UNDER CONSTRUCTION The breakdown of talks over GERD points to the reluctance of Ethiopia to agree terms proposed by mediators eager to see equitable and reliable distribution of Nile water. Unilateral decision by Ethiopia will put the West in a difficult position as a mediator. Striking a balance between forestalling disintegration in Ethiopia and allowing Addis Ababa to weaponise Nile water is an incredibly perplexing policy conundrum. Ethiopian Foreign Minister faults USA for “partisanship” President Abdel Fattah el-Sisi of Egypt lobbied several African countries to support the Egyptian argument against GERD. Meles Zenawi was versed in competing development theories but he had paid no attention to the commons that oblige Ethiopia not to resort to actions that affect food or water security of another country. GERD exposes the futility of the African Union when it comes to addressing complex political challenges. Ethiopian Prime Minister Dr Abiy Ahmed seeks to reap political capital from authorising the filling of GERD but it is not clear how he will take a decision that could further isolate Ethiopia. Ethiopia is going through a political transition. In a recent AU meeting in Addis Ababa, member countries were urged to prepare for a mediation role if planned elections in Ethiopia result in a disputed outcome. Some Ethiopian intellectuals have expressed support for a compromise that take Ethiopia’s development goals into account without jeopardising Egypt’s food security. Another commentator views USA as biased towards Egypt. Three researchers at the German Institute for International and Security Affairs have proposed a compensation mechanism through which “Egypt compensates Ethiopia for the economic disadvantages resulting from a slower filling process.” The researchers look upon this mechanism as an alternative way that EU can lead to resolve the Nile “conflict”. GERD has laid bare the inability of African supranational institutions to address the clash of food security goals of Egypt and Ethiopia in the context of Nile. © Puntland Post Monthly, 2020 The post NILE DAM LEAVES ETHIOPIA “ISOLATED WITHIN AU” appeared first on Puntland Post.
-
Rome (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Talyaaniga ayaa sheegaya in 3 qof oo Soomaali ah laga helay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya dalkaasi. Abuukar Nuur Xuseen oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Lombardia ee dalkaasi Talyaaniga ayaa ka warbixiyey xaaladda guud sida ay tahay, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka caalamiga ah ee Universal. Dr Abuukar ayaa xaqiijiyey in illaa iyo hadda cudurka Coronavirus uu haleelay illaa saddex qof oo Soomaali ah, kuwaas oo uu tilmaamay in labo ka mid ah ay ku nool yihiin magaalada caasimada ah ee Rome, halka qofka saddexaad uu joogo gobolka Lombardia. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xaalad deg-deg ah uu ku jiro dalka, islamarkaana isbitaallada banaanadooda laga dhisay teendhooyin, si loola tacaalo dadka faraha badan ee uu soo ridanayo cudurka Coronavirus oo markii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha. Talyaaniga ayaa waxaa ku nool dad badan oo Soomaali ah, kuwaas oo inta badan tahriib ku tegay dalkaasi, si ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub. Dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale noqday wadanka saddexaad ee uu sida daran u saameeyey Coronovirus, waxaana la sheegay inay ku dhinteen 197 qof, iyadoona uu cudurku haleelay in ka badan 4600 oo qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.
-
Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ciidamo loo baahnaa in ay xasiliyaan aminiga caasimadda Muqdisho, gobalka Banaadir iyo labada gobal ee la dariska ah ay qalad iyo nasiib darro weyn tahay in loo qaado gobalka Gedo oo ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta dowlad gobaleedka Jubbaland. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ciidamo aan awoodin in dhulka ay maraan ama ay tagaan labada gobol ee dariska la ah gobolka Banaadir ay siyaasad xumo ay tahay in gobol iyo deegaanno nabdoonaa ay colaad ka huriyaan isaga oo intaas raaciyey in ciidamadu ay hihiin kuwii loo dhisay in ay sugaan amniga dalka oo dhan. “Ciidan aan dhulka la marsiin karin tababarkiisa iyo siyaasaddiiisa ayey wax ka dhiman yihiin wax dhulka lagu xirxiray ayaa garabka la saartaa si aad aminiga u sugtid waa inaad ciidanka marka hore dhistid, ciidan aan wadada Afgooye marikarin oo wadada Balcad aan aadikarin Gedo lama geeyo inta Diyaarad lagu qaado” Sidoo kale wasiir Daahir Maxamuud ayaa xusay in waxa hadda ka jira gobalka Gedo uu yahay dagaal sokeeye oo aan la oran karin dagaal caalami ah oo dhaxeeyo labo dowladood, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la qabto dadka dagaalka sokeeye ka hurinaayo dadka dhexdooda. “Dagaal sokeeye hal calan hoostiisa dadka jooga ama ciidan jooga markii ay isdilaan dagaal sokeeye ayaa loo yaqaanaa, Gedo dagaal sokeeye ayaa ka socdo, dalka Soomaaliya dagaal sokeeye ayaa ka socdo, adiga oo dowlad ah dagaalka sokeeye dadka waa laga maslaxaa ee looma geeyo” Dhanka kale wasiirii Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dowladda looga baahnaa in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay badbaadiso, haddii khilaaf uu yimaado in loo baahan yahay in aan qoriga xal laga raadine la baadi goobo in wada hadal wax lagu dhameeyo lana badbaadiyo in ladaadiyo dhiig iyada oo xal lag raadinaayo . waxaana uu yIri “Amniga sawirka aan ka qabo waxaa ay tahay dalka dadka duminayo oo dadka dilayo in laga qabto, dadka siyaasadda isla leh in aan qori la xasuusin oo ciidan la xasuusin ee wada hadal iyo wada fariisi la xasuusto oo lagu dhaqmo amniga taas ayaan ka aaminsan nahay”. Ugu dambeyn wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey in dalka lawada leeyahay muwaadinka ugu sareeyo iyo midka ugu hooseeyo talada dalka iyo cid gooni ahna aysan laheyn loona baahan yahay in lawada ilaashado dalka. “Soomaaliya, qofka walalkaaga ah oo Soomaaliga siyaasadda dalka aayihiisa waa uu kula leeyahay, qofka kaa hoos shaqeeyo wadaniyadda ma dheerid waxaa laga yaabaa in aadan ka aqoon badneyn oo ka garaad badneyn xilalka ayaa kala sareeyo xushmeyn, xurmeyn iyo israadis waa waxa ku haboon marka laga hadlaayo dalka siyaasaaddiisa iyo isku heyntiisa, gobalada dadka jooga ama madaxda dowlad gobaleedyada adiga ku diidan dalka cadow kama ahan” ayuu hadlkiisa ku soo gaba gabeeyey wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle. Eedeymaha loo jeedinayo dowladda federaalka ayaa isi soo taraya waxaana dowladda Farmaajo si aad ah loogu dhaliiyay xiisaddii ay ka kicisay gobalka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa maanta oo Axad ah soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya isaga oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Mr Matiang’i, ayaa sheegay in safarkiisa Muqdisho uu xiriir la leeyahay dhacdooyin todobaadkii hore ka dhacay soohdinta labada dal islamarkaana quseeya amaanka Soomaaliya iyo Kenya. Waxa uu sheegay in safarkiisa Muqdisho ay ku wehliyaan Saraakiil sar sare oo ka mid ah dowladda Kenya Madaxweynaha Soomaaliyana kala hadlayaan arrinta Xuduudka labada Waddan. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga dalka Kenya oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in safarkooda Muqdisho uu amray Madaxwyenaha Kenya Uhuru Kenyatta. Jimcihii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ayaa khadka Taleefanka uga wadahadlay Xiisadda labada dal waxaana labada Madaxweyne isku afgarteen in ay sameeyaan guddi ka shaqeeya dajinta xaaladda Gobolka Gedo iyo Mandheera sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
