Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo madaxwayne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa aqalka madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, Wefdi uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo looga warbixiyay Kulanka, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan, ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland. “ Waxay wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhanwalba leh ee ay siiso dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan oo ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Guddoomiyaha guddiga Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka, Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo la hadlay warbaahinta ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ay dowladda federaalka ahi u soo daabici la’dahay lacaga cusub oo Shilin Soomaali ah. Qeyb diid ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda aysan dhaqaale u heyn soo daabicista lacago cusub, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimo ku aadan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo uu tilmaamay inuu hadda marayo meel wanaagsan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-jaamac.mp3 View the full article
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku tegay magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno ka tirsan labada gole ee dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland. Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degaankan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Dhoobley ku laabtay appeared first on Puntland Post.
  4. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Inta la xaqiijiyey illaa 2 askari ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay taliyihii aagaasi oo magaciisa lagu soo koobay Liibaan. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana lagu soo warramayaa in goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada maamul goboleedka Jubbaland. View the full article
  5. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay xayiraad toos ah oo dhanka safarada ah kusoo rogtay qaar ka mid ah wadamada laga helay Cuduruka Corona-Virus oo si aan caadi aheyn ugu faafayo adduunyada. Sacuudiga ayaa sheegtay inay xayiraad kumeel gaar ah kusoo rogtay safarada muwaadiniinta u dhalatay illaa 9 wadan oo laga helay cudurka Coronavirus. Dowladda Sacuudiga ayaa sababta xayiraadaas ku sheegtay inay tahay sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurkaas oo gilgilay dunida oo dhan kaasoo markii hore kasoo bilowday wadamada Shiinaha. Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan SPA ayaa sagaalka wadan ee ee muwaadiniinteeda xayiraadda la saaray ku kala sheegtay: Imaaraadka Baxreyn Lubnaan Kuwait Kuuriyada Koonfureed Masar Suuriya Ciraaq Iyo Talyaaniga Sidoo kale Wakaaladda SPA ayaa sheegtay in go’aanka uu la socdo amar kale oo ah in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhammaan muwaadiniinta wadamadaan kasoo jeedo ee Sacuudiga soo galay 14-kii maalin ee ugu dambeysay. Sidoo kale waxaa lasoo saaray amar lagu joojinayo duulimaadyada Hawada iyo Badd ee u dhaxeeyo Boqortooyada iyo dalalka sagaalka ah ee cudurkaan laga helay. Cudurka Coronavirus ayaa maalinba maalinta ka dambeyso kusii faafayo wadamo cusub oo ku yaalo adduunyada, waxaana ilaa hadda lagu guuleysan la’yahay sidii looga hortagi lahaa faafintaanka cudurkaan.
  6. Qaar ka mid ah ehellada Wariye Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo maanta dibadbax ka dhigay magaalada Muqdisho aay baaq u diray dowladda Soomaaliya. Dibadbaxayaasha ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in dib xorriyadiis loo siiyo wariyaha oo xiran wax ka badan 24-saac, isagoo aan la soo taagin maxkamad. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Turki.mp3 View the full article
  7. Wafdigan oo uu horkacyo wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose. Garoonka diyaaradaha waxaa wafdigaani ka socda xukuumadda federaalka ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xubnaha socdaalkaan ku wehlinaya Goodax Barre waxaa ka mid ah wasiirka gargaarka & maareynta musiibooyinka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo xubno kale. Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaasi Baraawe ay ka fulin doonaan mashaariic kala duwan oo horumarineed. “Waxaan maanta Safar aan ku nimid aniga iyo wasiiro ka tirsan XFS, degmada Baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur Falbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashada” ayuu yiri wasiir Goodax Barre. Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya, waxaana ku yaalla xeeb iyo dekad muhiim u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-09032020.mp3 View the full article
  9. Ra’iisal wasaaraha Cusub ee Dalka Sudan oo ka badbaaday isku-day dil I would like to assure the people of Sudan that I am safe and in good shape. Rest assured that what happened today will not stand in the way of our transition, instead it is an additional push to the wheel of change in Sudan. pic.twitter.com/zeC2A4k2N0 — Abdalla Hamdok (@SudanPMHamdok) March 9, 2020 Wararka ka imanaya Sudan ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk oo ka badbaaday isku-day lagu dili rabay. Telefishinka dowladda iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weerarray caasimadda Khartuum. Xaaska Mr Xamduuk ayaa website maxalli ah u sheegtay in la isku-dayay in la qarxiyo gaariga uu la socday ra’iisal wasaaraha. Waxa ay intaa ku dartay in uu badqabo oo uu fiican yahay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin. Qaran News
  10. (SLT-Hargeysa)-Komishanka Cusub ee Doorashooyinka ayaa waxa uu maanta oo ay bishu tahay 9ka March 2020 xafiiska Komishanka ku qaabilay Safiirka EU-da, Mudane Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden, Mudane Staffan Tillander oo ayaamahanba safar shaqo u joogay Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeedada kulankan ayaa ku saabsanayd; 1) arrimaha doorashada iyo sidii wadanka ay uga qabsoomi lahaaayeen sanadka 2020 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dhawr jeer soo muddo dhaafay, iyo 2) sidii looga midho dhalin lahaa heshiiska saddex geesoodka ahaa ee ay xisbiyada qaranku ku kala saxeexdeen Madaxtooyada Somaliland 27kii February 2020. Xubnaha waftiga ayaa tilmaamay in ay hadda kalsooni ku qabaan in dhamaan dhinacyada kala duwan ee heshiiska ku midoobay ay diyaar u yihiin hirgalinta iyo ka midha dhalinta heshiiska ka dhashay dedaaladii dhexdhexaadinta ee muddada soo socday. Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska qaran waxaanuu tilmaamay in uu diyaar u yahay sidii uu dhinaciisa uga fududeyn lahaa in heshiiskaasi hirgalo isla markaana doorasho ka dhacdo dalka sanadka 2020. Ugu danbeyn kulankaasi wuxuu ku soo dhamaaday Is afgarad iyo in wada shaqayn joogto ah ay dhex mari doonto Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Beesha Caalamka oo ay matalayeen labada safiir. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Waxa si weyn loogu dhegtaagayaa isku shaandhayn xoogleh oo uu Madaxweyne Biixi boodhka kaga jafayo Golihiisa Xukuumadda taasi oo saacadihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay islamarkaana fadhiga ka kicisay Masuuliyiin badan oo ka cabsi qaba inay saamayn ku yeelato. Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Biixi qorshaynayo inuu isku shaandhayn baaxadleh uu ku sameeyo Golihii Xukuumadda, waxaana arintan si weyn looga dareemayaa Golayaasha Xukuumadda oo saacidihii lasoo dhaafay iska warsanaya goobaha iyo shaqsiyaadka illaa hadda la ogaaday inay seeftu la kacayso ama masuuliyiinta ay saamaynayso isku shaandhayntani. Dhinaca kale, waxay arintani fadhiga ka kicisay masuuliyiin badan oo Xukuumadda ka mid ah kuwaasi oo aad uga cabsi qaba inay seefto qaadato, ama uu Madaxweynuhu xilka ka qaado, waxaanay qaarkood guclo orod ugu jiraan inay wax kasii ogaadaan xogta ku duugan isku shaandhayntan. Inkasta oo ay aad u adag tahay in xog laga helo haddana waxa Shallay illaa Xalay suuqa siyaasadda soo galay magacyada wasiiro iyo Agaasimayaal la saadaalinayo inay isku shaadhayntan kujiraan. Madaxweyne Biixi oo hadda Xilka hayay muddo laba sanno iyo badh ku dhaw islamarkaana kala badh ka dhigaysa Wakhtiga la doortay inuu Xilka hayo ayaa waxa uu aad uga duwan yahay Madaxweyneyaashii ka horeeyay sababo la xidhiidha qaabab uu isku shaandhaynta u sameeyo oo aanu taaban masuuliyiinta xilka shilis haya ama la iskugu tiriyo hayb ahaan. Waxa sidoo kale aad loo saadaalinayaa inuu Madaxweynuhu doorkan masuuliyiin culus ku soo daro Xukuumaddiisa, islamarkaana uu rag ay saaxiib dhaw yihiin shaqada ka caydhiyo. Iyadoo sidoo kale aad loo hadal hayo in isku shaandhaytani ay saamayso wasiiro iyo Agaasimayaal door ah. Dad badani waxa ay in badan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilaan kuwo fadhiid ah oo waxqabadkii umaddu ka sugaysay laga waayay taasi oo marar badan dadka siyaasadda Madaxweynaha dhaliilaa ku eedeeyaan in cugashadiisa dadka uu xilalka sare u xulanayaa aad u liidato taasi oo keenta saluugga shacabku ka qabo waxqabadka xukuumaddiisa. Isku soo wada duuboo lama oga wakhtiga uu rasmi ahaa shaacin doono liiska isku shaan-dhaynta balse saacadihii ugu dambeeyey waxa si weyn loo hadal hayay iyada oo ilo xog ogaal ahi wargeyska Foore u xaqiijiyeen tallaabadan Madaxweynuhu ku damacsan yahay in uu ku kala hufo kuna kala haadiyo xubno badan oo xilalka xukuumaddiisa ugu sarreeya ah. Source
  12. (SLT-Khartoum)-Wararka ka imanaya Sudan ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk oo ka badbaaday isku-day la doonayay in lagu dil. Telefishinka dowladda iyo xubin ka tirsan golaha wasiirrada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weeraray caasimada Khartuum. Xaaska Mr Xamduuk ayaa website maxalli ah u sheegtay in la isku-dayay in la qarxiyo gaadhiga uu la socday ra’iisal wasaaraha. Waxa ay intaa ku dartay in uu badqabo oo uu fiican yahay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin. Source
  13. Ra’iisul wasaaraha Waddanka Suudaan Abdalla Hamdok, ayaa ka badbaaday isku day dil oo fashilmay, kadib markii qarax miino lala beegsaday kolonyo uu la socday bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Telefishinka dowladda Suudaan, ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay la kacday kolonyada Ra’iisul wasaare Hamdok, xilli ay hoos marayeen buundada Kober ee ay deggan yihiin ciidamada Qalabka sida, balse aan wax khasaare ah ka dhalan weerarkaas. Sidoo kale, sarkaal sare oo ka tirsan Laamaha Amniga Suudaan, ayaa Anadolu Agency u sheegay in Ra’iisul wasaare Hamdok la geeyay goob aamin ah, kadib isku dayga dil ee fashilmay, islamarkaana baaritaan hordhac ah lagu wado dhacdadaas. Dhinaca kale, idaacad laga leeyahay Suudaan, ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha isbitaal loo qaaday, si loo hubiyo caafimaadkiisa qaraxa kadib. Idaacadda ayaa xustay, in Rasaas roobka looga dhigay gaariga Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii qaraxu fashilmay. Hoos ka akhriso qoraalkan oo Af-Carabiya PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Ra’iisul Wsaaraha Suudaan oo isku day dil ka badbaaday appeared first on Puntland Post.
  14. Wararka ka imanaya Sudan ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk oo ka badbaaday isku-day lagu dili rabay. Telefishinka dowladda iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weerarray caasimadda Khartuum. Xaaska Mr Xamduuk ayaa website maxalli ah u sheegtay in la isku-dayay in la qarxiyo gaariga uu la socday ra’iisal wasaaraha. Waxa ay intaa ku dartay in uu badqabo oo uu fiican yahay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Nin u dhashay Jarmalka oo ku sugnaa Masar kaddib markii uu ku dhacay caabuqa Corona ayaa haatan u geeriyooday cudurka, waxaana la sheegay inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee uu cudurka ku dilo Afrika. Ninkan oo 60 jir ah oo qaab dalxiis ah ku yimid Masar ayaa la geeyay isbitaal ku yaal Masar, wuxuu ka cabanayay ‘qando iyo xanuun dhanka neef mareenka ah’ Bukaanka ayaa geeriyooday markii uu diiday in lagu wareejiyo qeybta lagu karantiilo bukaanada. Sabtidii, wasaaradda caafimaadka Masar waxay shaaca ka qaaday ilaa 45 qof oo ku dhacay caabuqa Corona kuwaas oo saarnaa markab, tirada kiisaska Corona gudaha Masar waxay noqoneysaa 48 qof. Dadkii laga helay cudurka ee saarnaa markabka ayaa la karantiilay, waxaana la geeyay xarun ku taalla waqooyiga Masar. Kiisaska la xaqiijiyay ee caabuqa Corona guud ahaan Afrika, Masar- 48 Algeria- 17 Senegal- 4 Koonfur Afrika- 3 Morocco- 2 Cameroon- 2 Tunisia- 2 Togo- 1 Nigeria- 1 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Waxaa la filayaa inuu maanta Garowe soo gaaro Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Booqashada Swan ayaa waxay ku salaysan [...] Source
  17. Sudan's prime minister survived an assassination attempt on Monday after a blast in the capital, Khartoum, Sudanese state media said. Source: Hiiraan Online
  18. Khartoum (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Sudan Abdullah Hamdok ayaa ka bad-baaday isku day lagu dili lahaa, waxaa sidaas goor dhow shaaciyey taleefishinka dowladda oo soo xiganaya wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa. Sida uu sheegay taleefishinka, kolonyo uu la socday Hamdok ayaa waxaa lala beegsaday qarax ayaga oo socda magaalada caasimadda ee Khartoum. Ra’iisul wasaraaha oo bad qaba ayaa waxaa hadda lagu hayaa goob ammaan ah, sida uu sheegay taleefishinka. Naga filo faah-faahin goor dhow, Insha Allah.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markale heshiis la saxiixatay ururka Midowga Yurub, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Heshiiskaan oo ku kacaya lacag dhan 7 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah ayaa waxaa si wadajir ah qalinka ugu duugay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicolas Berlanga. Sidoo kale waxaa munaasabadda saxiixa heshiiskaasi goobjoog ahaa mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in heshiiskaani muddo laga soo shaqeynayey, islamarkaana lagu horumarin doono dhanka caddaalada iyo ciidamada. Sidoo kale wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa hoosta ka xariiqay inuu ururka Midowga Yurub uga mahadcelinayo, sida uu mar weliba u garab taagan yahay xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in ay tani xoojineyso wadashaqeynta u dhexeysa labad dhinac. Dhankiisa Amb. Nicolas Berlanga ayaa tilmaamay inay kordhin doonaan mashaariicda uu ururka Midowga Yurub ka fulinayo deegaanada maamulkaasi. Shalay ayey aheyd markii labada dhinac ay Hargeysa ku kala saxiixeen mashruuc ku saabsaanaa dhanka taariikhda qadiimiga ah ee dalxiiska.
  20. Ra’iisul wasaaraha Waddanka Suudaan Cabdalla Abdalla Hamdok ayaa ka badbaaday isku day dil qorshaysan oo lala eegtay maanta kaasi oo aan weli la aqoonsan cidda soo abaabushay. Weriyaha Aljazeera ee magaalada Khartoum ayaa ku soo warramaya in Ra’iisul wasaaruhu uu ka badbaaday weerarkaasi qorshaysan oo lala eegtay kolonyo uu la socday. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay isku daygaasi dilka qorshaysan sidoo kalena ma cadda khasaaraha naf iyo maal ee ka dhashay. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Ra’iisul wasaaraha Suudaan oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.
  21. Somali government troops have launched a massive operation against Al-Shabaab in the vicinity of Jamame town located in Lower Juba region, military officials said. The ongoing operation is aimed at retaking the areas still under Al-Shabaab control Local residents reported the tense situations as SNA troops edging closer to key Al-Shabaab-controlled rural villages with reports that the two sides are on the verge to engage in a battle. Somali and American forces have been making gains in the fight against Al-Shabaab in parts of Somalia amid efforts to stabilize the Horn of Africa nation ahead of the next parliamentary and presidential polls. View the full article
  22. Wararka ka imaanaanaya dalka Talyaaniga ayaa waxa ay ku waramayaan in taliyihii guud ee ciidamada dalkaasi laga helay caabuqa Coronavirus oo ku sii fidiya dalkaasi. Taliyahan oo lagu magacaabo Salvatore Farina ayaa sheegay in haatan xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan balse isagu nafahaantiisu uu iskaraantiilay si dad kale uusan saameyn ugu yeelan. Saraakiisha caafimaadka ee dalka Talyaaniga ayaa laga soo xigtay in ay sare u kacday tirade dadka uu soo ritay caabuqan waxa ayna sheegeen ilaa iyo 133 qof in uu soo ritay. Waxaa dalka Talyaaniga ka socdaa dadaallo lagu xakeymanayo Corona, Ra’iisul wasaare Giuseppe Conte wuxuu ku dhaawaqay in la xirayo Iskuulada iyo goobaha kale ay dadka isugu yimaadaan guud ahaan dalka. Talyaaniga ayaa ah meesha ugu badan ee uu saameeyay Corona marka laga soo tego Shiinaha, waxay ku dhaw yihiin dadka uu ku dhacay ilaa 7,400 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com