Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamada Ciidanka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Dable Bile Khaliif Xussein oo ka tirsan Ciidanka Militariga dowladda Federaalka qaybta 43-aad. Askarigaas ayaa 5-3-2020 askari kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda ku dilay Xaafada Farjano Ee Magaalada Kismaayo. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed. Garsooraha Maxamed Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay in Askarigaas lagu riday Xukun dil ah. PUNTLAND POST The post Jubaland oo dil ku xukuntay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  2. Maamulka boqortooyada Saudi Arabia ayaa xabsiga dhigay saddex amiir oo ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaasi. Saddexda amiir ee la xiray ayaa kala ah Axmed Bin Abdulcasiis oo ah Boqor Salmaan walaalkiis, dhaxalsugihii hore ee boqortooyada ahaana wasiirkii arrimaha gudaha Maxaxmed bin Nayef, iyo amiir Nawaf bin Nayef. Sida ay tibaaxayaan wararka la xiriira xarrigan, ugu yaraan laba ka mid ah saddexda nin ee la xiray ayaa lagu eedeeyey khiyaano qaran Saraakiisha Sucuudiga ayaanse wax war ah ka soo saarin xarigan. Warbaahinta ayaa ku waramaysa in dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salman oo ah wiil uu dhalay boqorka Sacuudiga uu amray xarriga mas’uuliyiintan. Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu mas’uul ka ahaa sidii arxandarada ahayd ee loo dilay wariye Jamal Khashiggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay dalka Turkey. Sidoo kale, waxaa uu ka danbeeyey xarigga boqolaal qof oo ka tirsan qoyska reer boqor, ganacsato iyo wasiiro sanadkii 2017-kii lagu xiray hotelka Ritz Carlton ee ku yaalla magaalada Riyadh ee caasimadda dalkaasi. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo Xabsiga Dhigay Amiiro ka Tirsan Boqorytooyada appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Hargeysa)- Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa si weyn u soo dhawaysay in baarlamaanka Somaliland ay ka noqdeen kootadii ugu xidhnayd internetka Fiber-Optica shirkadda Somcable. Shirkadda Telesom oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa u mahadnaqday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolajiyadda. Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedkaasi Source
  4. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in dowladda Itoobiya ay uyeeratay qaar badan kamid ah safiiradeeda ufadhiyay wadamada caalamka sabab aan illaa iyo hadda la shaacin. Telefeshinka Al Jazeera ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay labaxday safiiraddii ka fadhiyay illaa 8 dowladood oo isugu jira Yurub iyo Afrikaan. Dowladaha ay Itoobiya safiiraddii kalasoo baxday waxaa kamid ah Suudaan, Maqrib (Marocco), Biljamka iyo Ingiriiska, wargeys maxalli ah oo Itoobiya kasoo baxa ayaa sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay ka carootay mawaaqifta ay dowladahaas ka qaateen khilaafka ka dhashay biya xireenka Al Nahda. Wararka ayaa intaas ku daraya iyo maalintii Arbacada ay Itoobiya lasoo baxday safiirradii ka fadhiyay wadamada Koonfurta Suudaan iyo Australia, diblumaasiyiin ayaa sheegay in Itoobiya ay si aad ah uga carootay dowladaha Ingiriiska iyo Biljamka oo lasaftay dowladda Masar kuna baaqay in Itoobiya caddeyso waxa ay ka damacsantahay biya xireenka ay ka dhisayso Wabiga Al Niil. Go’aankan carada leh ee Itoobiya qaadatay ayaa yimid maalin kadib markii ay wasiirrada arrimaha dibadda dowladaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ay taageereen dadaallada ay wadaan Suudaan iyo Masar ee ka dhanka ah biya xireenka Al Nahda. Dowladda Itoobiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay iska diiday in ay ka qeyb gasho shirar ka dhici lahaa magaalada Washington oo Mareykanku uu ku dhax dhaxaadin lahaa sedaxda dowladood ee isku khilaafsan qeybsiga biyaha wabiga Niil.
  5. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyay in aysan waxba kaga duwanayn dhaqdhaqaaqa Al shabaab sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Farmaajo hadii fekerka ay wadato aad ka hor timaado sidaasi aad ku noqonayso khaa’inul wadan, waxa uuna tilmaamay in fekerkaasi feker la mid ah ay adeegsadaan Al shabaab. “Maanta dowladda federaalka ah ee jirta haddii sida ay rabto ama riyadeeda aad ka hor timaado khaa’inul wadan baa tahay camiim baa tahay dad kalaa u shaqeysaa iyga iyo Al shabaab maanta maxay ku kala duwan yihiin, wax farqiya oo maanta u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Shabaab habayaraatee ma jiro” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe. Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga ugu baaqay in ay joojiyaan ciidamada ay u tababarayaan dowladda federaalka ah, isaga oo madaxweyne Farmajo ka dalbaday in ay wadahadlaan. “Qatar lacagta ay dalka ku duminayso ha joojiso, Ethopia saraakiisha dhaqanka xun ha ceshato, Madaxweyne Farmaajow Madaxweynahaygii baa tahay aan wada hadalno wixii uu dastuurku kusiiyo qaado wixii uu aniga ii ogal yahayna isii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland ayaa waxa uu yahay mid aad u liita ka dib dib u doorashadii 22-kii August magaalada Kismaayo dib loogu soo doortay madaxweyne Axmed Madoobe, iyada oo dowladda Farmaajo ay sheegtay in natiijadii ka soo baxday doorashadaasi aysan aqoonsanay, waxaana sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedka ay ka taaganyihiin gobalka Gedo oo dowladda ciidamo geysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa weeraray dowladda federaalka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda dowladdu ay meesha ka saareen hanaanka sharciga ahaa ee lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marka la fiiriyo hab-dhaqanka dowladda federaalka uusan waxba ka duwaneyn midka Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyey in dadka ka soo horjeeda ay ka saaraan Soomaalinimada, sida uu hadalka u dhigay. “Dowlada iyo Al-Shabaab waa isku mid, sababtana waa cidii ka hor imaada fikirkooda way dilaan, halka Madaxda dowladda Federaalka cidii ka soo horjeesata ay dagaal ay ku qaadan” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dowladdu ay joojisay dagaalkii ay kula jirtay Al-Shabaab, islamarkaana ay u soo jeesatay burburinta dowlad goboleedyada ka jira dalka, iyadoo u adeegsaneyso lacag & ciidan. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale uga baaqay dowladaha Turki, Qatar iyo Itoobiya inay joojiyaan taageerada milatari ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya. “Dowladda Turkiga waxaan oran lahaa joojiya Ciidanka aad tababaraysaan majirto Dowlad wax lagu aamini karo ,Qater waxa aan leeyahay jooji sanuuda aad bixinayso,Itoobiya waxa aan leeyahay joojiya Saraakiishiina faragalinaysa arimaha Jubbaland” ayuu yiri markale yiri Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
  7. Munaasabad lagu daah furayay kal fadhiga 2-aad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxa ay ka dhacday magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulkaasi, waxaana munaasbadaasi daahfuray Axmed Madoobe hogaamiyaha Jubbaland. Munaasabadda oo inta badan ay soo xaadireen mudanayaasha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay ujeedkeedu ahaa in uu dib u howlbilaabo baarlamaanka maamulkaasi oo muddo fasax ku maqnaa. Axmed Maxamed Islaam Madoobe madaxweynaha Jubbaland oo goobta munaasabadda ka hadlay ayaa eedeymo kala duwan waxa uu u jeediyay madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah saxiibada Soomaaliya. Baarlamaanka Jubbaland ayaa fasax ahaa muddo saddex bil ah, waxaana maanta wixii ka dambeeya ay yeelan doonan kulamadoodii caadiga ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Wararka naga soo gaaraya gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow nin Oday ah uu isku dilay suqaasi. Dilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Bacadlaha oo lagu iibiyo Maacuunta, ninka ayaana is dilay ka dib markii uu isku adeegsaday Tooreey sidaadsna uu isku gowracay. sida ay Goobjoog News ay ku helayso wararka ka soo gaaraya gudaha suuqaasi. Goobjoogayaasha ayaa ku waramaya in marqura ay arkeen ninka Odayga ah oo la soo baxay Toorey uu watay ka dibna uu ku dhaqaaqay in uu tooreeyda isku gowraco, mana aanaan helin xog intaas dhaafsiisan. Waxaan la ogeyn sababta ka dambysay inuu naftiisa gooyo ninka Odayga ah, ciidamada ammanka degmada Howlwadaag oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay sababo la xariiro waxa keenay in uu is dilo ninkaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Gudoomiyaha golaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in ururka uu ka walaacsan yahay xiisada xoogan ee u dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya. Moussa Faki Mahamat ayaa madaxda labada wadan ugu baaqay in hab diblumasiyadeed ay u maraan xurgufta u dhexeysa labada dal. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan, sida ay labada madaxweyne uga wadahadleen danaha ka dhexeeya. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in midowga Africa oo kaashanaya beesha caalamka ay sii wadi doonaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen wadamadaan Si kastaba ha’ahaatee hadalka Moussa Faki Mahamat ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada Soomaaliya iyo Kenya, kadib dagaalkii ka dhacay Beled-Xaawo. View the full article
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta sanad kadib dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo sii diiran loogu soo dhoweeyey. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi ayaa Gaas iyo wafdigiisa uga hortagay garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Cabdiweli Maxamed Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horreyn ka mahadceliyey, soo dhoweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinkiisa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedkiisa uu yahay ka qeyb galka shirweynaha 15-ka bishaan ka furmi doono magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha hadda talada haye ee Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Waa socdaalkii ugu horreeyey 13 bil kadib uu Gaas ku tegayo Puntland, tan iyo markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday maamulkaasi. Puntland ayaa isku diyaarineyso qabashada shir looga hadlayo doorka ay ku leedahay dowladnimada Soomaaliya, kaas oo lagu marti qaaday saamileyda maamulkaasi.
  11. MOGADISHU (HOL) - The African Union has called on Kenya and Somalia to resolve their disputes amicably and urged restraint following close to a month-long row. Source: Hiiraan Online
  12. Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu 10 Milyan oo dollar ugu deeqay Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, si wax looga qabto saameynta uu Ayaxa uu ku yeeshay dalalkaasi. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in lacagahaasi ay ugu deeqday Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay gaareyso 19 Milyan, marka lagu daro 9 Milyan oo horay ay ugu deeqday wadamadaasi. Mareykanka ayaa tilmaamay in deeqdaasi lacageed la gaarsiin doono saddexdaasi dal loo soo marsiinayo hay’adda cunada Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO. Shalay ayey aheyd markii h’ayadda FAO oo soo xiganaysa xafiiska xiriirinta arrimaha Bani’aadanimada ee QM (OCHA) ay sheegtay in Ayaxa uu haatan ka bilowday gobollada Waqooyi Bari ee Soomaliya , iyagdoo la filayo in uu kordho todobaadyada soo socda. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada golaha wakillada Somaliland ayaa saaka soo dhigay mooshin ay ku saxeexan yihiin 20 mudane oo ku saabsan wax ka badalka xeerka is gaadhsiinta oo ay qeyb ka ahayd kootadii internetka ee shirkada Somcable. 68 xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay wax ka badalka xeerkaasi halka xildhibaan kaliyana ka diiday guddoomiyuhuna aanu codeyn, xeerkuna sidaa ayuu ku dhaqan galay. Wax-ka-badalka xeerkan ayaa fudaydin doona in shirkado badan oo daneynayay inay dalka keenaan internet ay kusoo dhiiradaan maal-gashiga Somaliland. Si gaar ah Xildhibaannada beesha Gabiley Clan oo saaka xaadir ku wada ahaa fadhiga golaha wakiillada ayaa hal daba la’a ugu coddeeyay in la laalo xeerkan shirkadda Somcable kootada ugu xidhay xadhiga internetka ee Viber Optic-ga. Shirkaddo badan ayaa la filayaa inay dalka keeni doonaan xadhiga internetka ee Viber Optic-ga maadaama oo meesha laga saaray kootadii ay golaha wakiillada Somaliland ugu xidheen shirkadda Somcaple. Shacabka reer Somaliland ayaa baahi weyn u qabay inay helaan internet xawaarihiisu sarrreeyo si ay ula jaan-qaadaan dunida. Madax ka tirsan xisbiyadda mucaaridka ah iyo siyaasi xilala kala duwan ka soo qabtay xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland, Aqoonyahanno, xildhibaanno ka kala tirsan labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida ayaa hore si weyn ugu dhaliili jiray xeerka kootada ugu xidhay shirka Somcaple xadhiga dhulka hoostiisa mara ee Viber Optic-ga. Muuqaalka warkan iyo waxa ay xildhibaanadu ka yidhaahdeen goor-dhaw kala soco Somalilandtoday Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya nin oday ah oo barqanimadii maanta isku dilay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Ninkaan oo da’ahaa ayaa la sheegay inuu isku dilay Toorey, xilli uu ku sugnaa qeybta lagu iibiyo maacuunta ee suuqaasi. Dad goobjoogayaal ah oo isugu soo xoomay goobta ayaa inoo sheegay in ninkaasi uu Mindida isaga dhuftay dhuunta ama qoorta, islamarkaana uu ku geeriyooday isla goobta. Lama oga sababta rasmiga ah ee uu isku dilay marxuumka, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka tuugsan jiray suuqa, islamarkaana ay la soo daristay xaalad adag. Sidoo kale Meydkiisa ayaa lagu soo warramayaa inuu weli yaallo goobta , islamarkaana ciidamada ammaanku ay sugayaan ehellada ninkaasi, si loogu wareejiyo. Suuqleyda Bakaaraha oo si aad ah uga naxay falkaan ayaa sidoo kale hadal haya dhacdadaasi. Ma’ahan falkan dhacdo ugub ku ah gudaha caasimada iyadoo todobaadkii la soo dhaafay uu is dal-dalay nin ku jiray xero dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taalla xaafada Black Sea.
  15. Kalfadhigii Baarlamaanka Jubbaland ayaa saaka wuxuu ka furmay Magaalada Kismaayo, Fadhiyaan waxaa horyaal Qodobo dhowra oo ay ugu horeeyaan Dagaalka Baledxaawo iyo Xiriirka Jubbaland iyo [...] Source
  16. Qoraal ka soo baxay madaxda ugu sareysa ee midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlay xiisadda u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ka dhalatay ka dib markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay gudaha u galeen magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Guddoomiyaha midowga Afrika ee Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in xiisadda ka soo cusboonaatay labada dhinac ay rajeynayaan in isfaham iyo horumar wanaagsan ay ku dhamaato, si dib loogu soo celiyo xiriirkii labada dhinac ee wanaagsanaa. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhamaan saamileyda labada dhinac waxa uu ugu baaqay in ay xaalka dajiyaan islamarkaanka waxa uu ku dhiira galiyay in ay tabashooyinkooda ku dhameeyaan miiska wadahadalka. Dhinaca kale qoraalka ka soo baxay midowga Afrika ayaa waxa uu tilmaamay in ay dabagal rasmi ah ku sameyn doonaan xiisaddaan markale soo kala dhexgashay Soomaaliya iyo Kenya. Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku soo xadgudubtay sharafta iyo madaxbanaanida dalkooda ka dib markii ay gudaha dalkaai gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Farmaajo, wallow markii dambe labada dhinac ay khadka taleefanka kuwada hadleen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Ergayga Midawga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya Oo Maanta Hargeysa U Imanaya Dhammaystirka Heshiiskii Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaridka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Boobe Oo Warramay Waxyaabihii Marxuum Cigaal Uu Dheeraa Madaxweynaashii Kala Dambeeyay Ee Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Muqdisho)-Dawladda Mareykanka ayaa soo faragelisay xiisadda u dhaxaysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo uu Mareykanka doonayo in hoos loo xaliyo. Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo cadaadis xooggan ku saarayo in si hoos loo dhigo xiisada u dhexeeysa labada dowladood. Sidoo kale kulankii khadka Teleefoonka ahaa ee maalin ka hor dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta uu yimid kadib markii Mareykanka uu soo farageliyay xiisada labad dhinac, waxaa sidaas qoray Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi. Wargeyska The Nation waxaa kaloo uu qoray in Madaxweyne Farmaajo uu Uhuru ka Codsaday in xiisada labada dowladood si hoos loo xalinayo, In kastoo arrintaas Kenya ayna war rasmi ah kasoo saarin. Kulankii dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ka dambeeyay, kadib markii dowladda Kenya ay eedeeyn u jeedisay dowladda Soomaaliya, taasi oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay dhulkeeda. Qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. “Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xidhan, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda dalka. Source
  20. Nuruddin Farah is one of East Africa’s most prolific writers. He has written novels, short stories, plays and essays. His work has been translated into several languages. Source: Hiiraan Online
  21. Waxaa saacadihii la soo dhaafay duqeymo dhinaca cirka ah laga fuliyay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose, waxaana duqeyntaasi lala beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab. Qoraal ka soo baxaya taliska AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay 5-ta bishan ka dhacday deegaanka Kuunyo barrow ee gobalkaasi, waxaana Mareykanka uu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen xubin ka tirsana a dhaqdhaqaaqa Al shabaab. AFRICOM waxaa sidoo kale ay sheegatay in duqeymahaasi ay la kaashadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale Mareykanka iyo dowladda federalka ah ma sheegin khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee ka agdhawaa goobaha la duqeeyay, inkastoo marar badan duqeymahaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah. Dowladda Mareykanka ayaa taageero dhinaca duqeymaha ah ku taageerta dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salman ayaa xidhay saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya qoyska boqortooyada, oo ay ku jiraan boqorka walaalkiis iyo dhaxal-sugihii hore. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Maxamed uu ku xajisanayo awooddiisa, iyo inuu arko halis kusoo socota. Xadhigan ayaa waxaa shaaca ka qaaday xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo la hadlay wargeyska New York Times. Sidoo kale sarkaal hore oo sare oo Mareykan ah ayaa xaqiijiyey xadhiga. Xubnaha la xidhay ayaa waxaa ugu sarreeya Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, kaasi oo mar loo arkay rajada boqortooyada iyo in aanu ogolaan in Maxamed bin Salmaan uu la wareego kursiga. Waxaa sidoo kale la xidhay Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, kaasi oo xidhiidh wanaagsan la lahaa sirdoonka Mareykanka intii uu xilka hayey. Bin Nayef ayaa labadii xil ee uu hayeyba waxaa ka qaaday Maxamed bin Salmaan 2017-kii, kaasi oo sidoo kale geliyey xabsi guri. Mid ka mid ah sababaha la rumeysan yahay in Maxamed bin Salmaan uu u xidhay amiiradan ayaa ah gabowga aabbihii boqor Salmaan oo hadda ah 84 jir. Waxaa loo arkaa in Maxamed bin Salman uu doonayo inuu xabsiga sii dhigo shakhsiyaadka ka hor iman kara inuu awoodda la wareego marka boqorka uu geeriyoodo ama uu kursiga iska wareejiyo. Dowladda Sacuudiga kama hadlin xadhiga xubnahan, islamarkaana safaaradda boqortooyada ee Washington oo wax laga weydiiyey waa ay diiday inay jawaab ka bixiso. Source
  23. (SLT-Beijing)-Tirada dadka laga helay cudurka dunida ku sii faafaya ee Coronovirus ayaa kor u dhaaftay boqol kun oo qof sida laga soo xigtey Jaamacada Johns Hobkins University. Cudurkan ayaa waxaa gudaha dalka Shiinaha oo kaliya ugu geeriyootay dad ka badan saddex kun halka wadamada kale ee caalamka ay u dhinteen dad gaadhaya 267 ruux oo badankood ku dhintey dalka Iran iyo Talyaaniga. Ugu yaraan 1,200 oo ruux ayaa laga helay cudurkan gudaha dalka Iran 24kii saacadood ee ugu dambeysay halka la xaqiijiyay in dalka Iran ay ugu dhinteen cudurkan 124 qof, Dalka Faransiiska ayaa laba boqol oo qof laga helay cudurkan halka Hindiya iyo Koofur Kuuriya ay kordheen tirada cudurkan uu saameeyay. Dadka cudurkan ugu dhintey dalka Maraykanka ayaa gaadhay 12 iyadoo qofkii ugu dambeeyay uu ku dhintey King County Washington State Khamiistii. New York State ayaa tirada cudurkan laga helay waxa ay gaadhay 33 ruux sida uu sheegay Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo. Waddamada uu cudurkan gaadhay kuwii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka mid ah dalalka Cameroon iyo Benin oo qaarada Afrika halka dalalka Serbia iyo Peru laga sheegay cudurkan. Tirada dadka qaba cudurka Coronavirus ee dalka Hindiya ayaa gaadhay 31 qof sida laga soo xigtey wasaarada caafimaadka dalka Hindiya. Source