Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Talyaaniga ayaa ilaa 16 milyan oo qof karantiishay iyada oo isku dayeysa xakameynta faafitaanka caabuqa cusub ee coronavirus. Qof walba oo ku nool gobolka Lombardy iyo 14 kale oo gobol oo bartamaha iyo waqooyiga dalkaasi ku yaalla ayaa u baahnaan doona oggolaansho uu ku soo galo amaba kaga baxo gobolladaas. Magaalooyinka Milan iyo Venice ayuu sidoo kale go`aankan saameeyay. Iskuullada, jiimka iyo meelaha lagu dabaasho ayaa xirnaan doona iyadoo isu imaatinnada bulshadana la hakiyay, sida uu sheegay Ra`iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte. Tallaabooyinkan ayaa sii socon doona ilaa 3-da April. Talyaaniga waa dalka ugu daran dalalka Yurub ee caabuqu uu sida ba`an u saameeyay, waxaana shalay laga soo sheegay koror badan oo tirada dadka uu soo ritay ah. Horraantii toddobaadkan dowladda ayaa ku dhawaaqday in muddo 10 maalmood ah la xiro iskuullada iyo jaamacadaha dalkaas ku yaalla. Khasaaraha dhimashada ee dalka Talyaaniga ayaa gaartay 230, iyadoo ay saraakiishu sheegeen in ilaa 50 ay caabuqa u dhinteen muddo 24 saac gudahood ah. Tirada kiisaska la xaqiijiyay ayaa shalay sare uga kacay in ka badan 1,200 iyadoo gaartay 5,883. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Riyadh (Caasimadda Online) – Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Ala Saud ayaa maanta qaaday tallaabo uu ku beeninayo warar maalmahan ay aad u werineysay warbaahinta oo ku saabsanaa in xaaladdiisa caafimaad ay liidato. Boqor Salman ayaa maanta markii ugu horeysay muddo kadib soo muuqday maanta oo Axad ah, inta lagu guda jiray xafladda dhaarinta qaar ka mid ah safiirada Sacuudiga ee dibedda. Muuqaalka Boqor Salman ayaa yimid kadib markii warbaahinta ay sheegeen in xaaladiisa caafimaad ay sii xumaaneyso sidoo kalana ay boqortooyada xir-xirtay mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga, kuwaas oo ay ku jiraan amiirro sar sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada, oo uu ku jiro walaalkiis Amiir Ahmed bin Abdul Aziz, iyo dhaxal-sugihii hore Muhammad bin Nayef. Sida ay barteeda Twitter-ka kusoo qortay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan SPA, waxaa garabka boqorka kasoo muuqday Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, Wasiirka Arimaha Dibadda, iyo kaaliyaha xoghayaha gaarka ah ee dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Tamim bin Abdulaziz Al-Salem, iyadoo uusan meesha joogin dhaxal-suge Mohamed bin Salman. Goor hore oo maanta ah, wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xigatay sarkaal Mareykan ah ayaa sheegtay in boqorka Sucuudiga uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay uuna ka soo muuqday kulankiisii uu la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, kaasoo ka dhacay magaalada Riyadh 20-kii bishii Feberaayo, iyadoo labada Mas’uul ay ka wada hadleen dagaalka Sacuudiga hoggaaminayo ee Yeman, qaabkii loo wajihi lahaa Iiraan, Dagaalka Suuriya iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka. Ilaa hadda lama helin xaqiiqda xarigii loo geystay amiiro badan oo ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga, laakiin Wall Street Journal iyo New York Times, oo soo xiganaya ilo wareedyo xog ogaal ah, waxay xaqiijiyeen in xubno ka tirsan ilaalada boqortooyada ay xireen labada amiir, Ahmed bin Abdulaziz, oo la dhashay Boqorka, Iyo dhaxal sugihii hore ee Boqortooyada Muxamed bin Nayef subaxnimadii Jimcaha kadib markii lagu soo oogay Khiyaano qaran, waxaana laga yaabaa inay wajahaan daldalaad ama xabsi daa’in.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay uga hadashay kulan maanta Villa Somalia ku dhex maray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayey red Matiang’i, ee marti-qaadka soo gaarsiiyey. Hoos ka aqriso qoraalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Madaxweynaha ayaa la wadaagay wafdiga Dowladda Kenya ee soo gaaray dalka muhiimadda ay leedahay ka miro-dhalinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, isagoona rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo isweydaarsiga aragtida guud ee xiriirka labo geesoodka ah, iyada oo la xaqiijinayo xasilloonida iyo danaha wadajirka ah ee heer Gobol. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho. Madaxweynaha kulankan waxaa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Madaxweynaha ayaa la wadaagay wafdiga Dowladda Kenya ee soo gaaray dalka muhiimadda ay leedahay ka miro-dhalinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, isagoona rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo isweydaarsiga aragtida guud ee xiriirka labo geesoodka ah, iyada oo la xaqiijinayo xasilloonida iyo danaha wadajirka ah ee heer Gobol. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho. Madaxweynaha kulankan waxaa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula qaatay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Fred Matiang’I iyo wafdi uu hoggaaminayo. War-xasaafadeed ka soo baxay Villa Sooomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ajiibay martiqaad rasmi ah oo fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo kulan uu la qaatay wafdiga Kenya, waxaa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shantii bishan yeeshay wada hadal khadka Telefoonka ah, kadib xiisadii Beledxaawo, waxayna isla garteen in si wadajir ah labada dal ay uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa isla gartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal. Ma ahan markii ugu horeysay oo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay heshiis ka gaaraan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo noqnoqda, waxaana muuqata in xiriirka labada dowladood uusan wali sal adag lahayn. Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya yaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii uu soo cusboonaaday muranka badda. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo martiqaad ka helay Uhuru appeared first on Puntland Post.
  6. By: AFP Washington – The Pentagon has been issuing near daily announcements of new strikes against Al-Shabaab militants in Somalia, seemingly without affecting the Al-Qaeda affiliate’s ability to destabilize the country, in what is looking like a new “endless war” for the United States. The Trump administration’s plans to reduce its military presence in Africa while re-centering its efforts toward two key strategic competitors — China and Russia — are coming at the expense of French-led operations against jihadists in the Sahel region. So far, however, the war of attrition against the Al-Shabaab has continued unabated. “Al-Shabaab is one of the biggest threats on the continent; they have aspirations to attack the (US) homeland,” General Roger Cloutier, commander of US land forces in Africa, recently declared. “The danger that they pose has to be taken very, very seriously,” he said during a recent Pentagon conference call. “So we are focused hard on Al-Shabaab.” 20TH STRIKE The US Africa Command (Africom) on Friday announced an air strike on a Shabaab target near the town of Qunyo Barrow, in southern Somalia. One Shabaab fighter was killed, the statement said. It was the 20th strike against the Islamist insurgents by US forces in Somalia since the start of the year, after 64 strikes in 2019 and 43 in 2018, according to data from the New America policy center in Washington. “The phrase that people use is ‘continue to mow the lawn,’ right? Pull the weeds,” US Defense Secretary Mark Esper explained late last year, in reference to air strikes against jihadists in Libya and Somalia. “And that means, every now and then you have to do these things to stay on top of it so that a threat doesn’t grow, doesn’t resurge,” he said. But Shabaab militants are estimated to number between 5,000 and 9,000, so even if US forces continued to eliminate one or two of their fighters every day, it could take years to kill them all — assuming that no replacements are recruited. That makes it sound a lot like the sort of “endless war” that US President Donald Trump detests. GROWING THREAT In a first public report on the US military operation in Somalia published in February, the Pentagon’s acting inspector general, Glenn Fine, recalled that part of Africom’s stated mission is to ensure that by 2021, Shabaab, the Islamic State in Somalia and other terrorist groups have been sufficiently “degraded such that they cannot cause significant harm to US interests.” But, Fine wrote, “despite continued US airstrikes in Somalia and US assistance to African partner forces, Al-Shabaab appears to be a growing threat that aspires to strike the US homeland.” The inspector general’s office operates independently within the Pentagon. In fact, on January 5, Shabaab militants attacked a US-Kenyan military base in Lamu in southeastern Kenya near the border with Somalia, killing three Americans. Earlier, on December 28, Shabaab fighters led one of the deadliest attacks of the decade in Somalia when a booby-trapped vehicle exploded at a busy checkpoint in the capital Mogadishu, killing 81 people. Some US officials have expressed concern over the lack of tangible results in a war that many Americans know nothing of, a war waged largely by aerial drones and a small force of elite ground troops. STRATEGY General Stephen Townsend, Africom’s commander, defended the US strategy when questioned in January by members of the Senate Armed Services Committee. “I don’t believe that it’s whack-a-mole,” or a futile and unwinnable game, he told lawmakers. “We’re looking for ways to reduce their capacity wherever we can.” Catherine Besteman of the Watson Institute, a research center at Brown University that each year calculates the cost of US wars, concluded in a report last year that foreign military intervention “has not ameliorated the impact of Al-Shabaab activities and, if anything, has augmented its ability to control the local population.” She said that Shabaab benefit from a war economy by extorting locals and siphoning off international aid sent to the impoverished country. Amnesty International has reported that US air strikes have claimed many civilian lives, something the US military has denied. Amnesty said in a 2019 report that US air strikes — which it said sometimes indiscriminately targets both Shabaab and civilians — had resulted in the deaths of farmers, workers and even children. The group accused the US military of showing “appalling disregard for civilians.” Following an internal inquiry, the US forces did admit to responsibility for civilian casualties in one attack: the deaths of a woman and a child in a strike near the central town of El Buur in April 2018.
  7. Soomaaliya muddo sedex sano ah oo soo idlaatay madaxda dowladda, kuwa dowlad gobaleedyada qaarkood iyo siyaasiyiinta majirin xasiilooni siyaasadeed oo dhinacyadu isaga raali ahaayeen ama la isku raacsan yahay mudadaasi, in aan la helin cid weliba sabab ha u ahaato waxaan shaki ku jirrin in dalka iyo dadlka Soomaaliyeed u baahan yihiin in ay helaan xasilooni siyaasadeed si cagta loo saaro wadada hormar, cadaaladda iyo sinaanta. Maadaama dalku u guuray nidaamka federalism-ka lagana guuray nidaamka awoodda meel dhexe ku uruursan ama kalitalisnimada, ayaa dadka taxliiliya arrimaha siyaasadda dalka mar weliba waxaa ay xusaan wada shaqeynta joogtada ah ee dowladda dhexe, kuwa dowlad gobaleedyada iyo siyaasiyiinta u hanqaltaagaya ka mid noqoshada dowladnimada dalka wada jirkooda ay tahay furaha koowaad ee lagu heli karo in dalka uu helo xasilooni siyaasadeed,hadaba su’aashu waxaa ay tahay sidaa lagu gaari karaa? Ugu horeyn Professor Xasan Sheeikh Cali oo ah bare cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda umadda sidoo kalane ah khabiir darsa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo ka qeyb galayey barnaamijka Madasha oo Goobjoog tv ka baxa ayaa sheegay sababaha hortaagan in la heli waayo xasilooni siyaasadeed oo dalka ka hano qaado waxaana uu yiri. ” Soomaaliya Siyaasaddeedu hadda wax dhameystiran majiraan, sababtu waxaa ay tahay meesha aan mareyno ayaa ah meel aad u hooseyso, marka aad ka soo bilowdo siyaasadda Soomaaliya iyo dib u yegleelidda sisaayadda Soomaaliya waa bilow, ka shaqeynta amniga qaranka waa bilow, ka shaqeyntii arrimaha maaliyadda waa bilow, ka shaqeynta arrimaha bulshada iyo isku keenidda waa bilow, guud ahaan annaga oo Soomaali ah xiriirka aan caalamka la yeelaneyno waa bilow, maadaama wax weliba ay bilow yihiin wax aan sameyn karno majiraan, qof Soomaali ah oo wixii xil la saaray oo 100% wax shaqo u qaban karo majiro, markii wax la isku soo aadiyey oo wax la soo dhisay wixii la soo dhisay waa in meeshii la soo gaarsiiyey laga siiwadaa meeshaas” Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac oo dhankiisa Marti ku ahaa barnaamijka Madashada, ayaa sheegay in ay muhiim tahay si loo gaaro xasilooni looga bahan yahay madaxda dalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada in ay cadeeyaan waxa dhex yaallo, waxaana uu yiri. “Haddii aan la helin madaxda dowladda iyo State-yada inta ay hor yimaadaan shacabka ay madaxda u yihiin aan la cadeynin waxa la isku haayo, annaga waan ognahay waxa la isku haayo waa adigu bax aniga ayaa joogayee iyo adigu bax aniga ayaad igu timide iyo state-kii ayaan heystaa anigaba dowladdii taladii guud ee dalka ayaan heystaa oo wixii aan doono ayaan kugu sameyn karaa, waxaan ku soo gaban gabeynayaa waxaa la isku heysto waa masiirkii shacabka, waxaa la isku heystaa waa shacabka iyo dhulkaas quruxda badan waxaa loo kala ordayaa dhulka aniga ayaa xaraashayo iyo aniga ayaa hormuud unoqnayo, shacabka waxaan leeyahay dhibkaan waxaa looga bixi karaa waa shacabka oo toosa sidii shacabka Turkiga iyo Suudaan u kaceen inta shacabka Soomaaliyeed u kacaan ha yiraahdaan korkeena la isku qabsanmaayee sanaadiiqda nadhex keena “ Dhanka kale Maxamed Macalin Cali guddoomiyaha xisbiga Xaal Qaran ayaa sheegay in xasilooni siyaasadeed in lagu heli karo in la joojiyo awood adeegsiga iyo siyaasadda Soomaaliya ee weli u egtahay nidaamkii isticmaarka laga soo minguuriyey aan weli laga bixin kuwaas oo laga gudbo ayaa lagu gaari kara xasolooni. “Dhibaatada na heytadaa waa labo arrimood waa mid waa dhaqan qoyska oo Aabuhu awood badan uu isticmaalay qoyska dhexdiisa ah oo aan talo wadaag badan jirin oo dhaqanka Soomaliga ku weyn arrintaas iyo arrinta labaad oo ah siyaasadda Soomaaliya nidaamkii Isticmaarka oo sidii looga soo miin guuriyey aan weli laga tagin, tusaale ahaan xukuumadda hadda jirta oo la lahaa Musuqmaasuq ayey la dagaalantay hadda waxaa ay aheyd dowladdii ugu hooreysay Leval ahaan sanadkii 2019-kii, 9-aad ayey ahayd sanadkaan hal ayey hoos u dhacday 10-aad ayey noqotay” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Xaal Qaran. Maxaa hor taagan helitaanka xasilooni siyaasadeed? Marka aan ka tixraacno ka dib dowladihii kumeel gaarka ahaa ee dalka soo maray dhalashadii dowladdii federaalka ee 2012-kii la dhisay iyo hadda midda talada heyso oo muddo xileedkeedii uu ka haray wax ka yar hal sano mudaas marna majirin xasilooni siyaasadeed oo la isku raacsan yahay haddaba maxaa hor taagan? Professor Xasan Sheekh Cali ayaa yiri “Waxaa jira waxyaabo loo baahan yahay in la ogaado in laga fogaado ama ay tahay in la sameeyo sida barnaamijka aan hadda u fadhinno, cawaa waxaan u fadhinaa mid ka mid ah waxyaabaha suurto gelinaayo in dalkaan laga helo xasilooni siyaasadeed, waxaana ka mid ah in bulsho weliba oo meel iskugu timaado oo ay jirto xoriyad dadku ay isku dhaafsan karaan aragti, sidoo kale waa in ay dhacdo wax heshiis lagu yahay si caam ah wax qoran iyo wax an qoran waa inaan ogaanno inaan nahay Soomaali waa inaan in dalkaan uu naga dhexeeyo qof weliba uu ogaado in uu mas,uul saaran yahay mid guud iyo mid shaqsi ah Dastuurka iyo sareenta sharciga”. Guddoomiyaha xisbiga shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac ayaa dhankiisa yiri “Waxaan aaminsan nahay dhibka hadda ugu badan ee dalka ka jiro in uu yahay shaki ah dalka masii xumaanayaa mise wuu soo wanaagsanaanayaa ayaa shaki iyo tuhun badan bulshadu ka qabaan siyaasiyiinta laftirkooda damaca siyaasadeed uu ku jiro taas ayaa sabab u ah, midii ka dhacday Galmudug iyo waxa hadda ka taagan Baled xaawo iyo dhibaatooyin hore oo dhacay oo aan xal nabadeed laga gaarin marka bulshada tuhun ayaa jiro, tuhunkaas waxaa la rabay in ay saaraan cidda xukunka iyo talada hayo dowladda iyo Satate-da labadaba waa ka fog yihiin, waxaa ay aheyd in dadka in ay tusiyaan in shaqada isku meel ay u wadaan” Ugu dambeyn Maxamed Macalin Cali guddoomiyaha xisbiga Xaal Qaran ayaa dhinaciisa yiri “Nidaamka xisbiyada oo aan wadnay u jeedkiisa waxaa uu ahaa in looga gudbo nidaamka Qabiilka 4.5-ta fursad aan la siin iyo xukuumadda oo aan la shaqeyn, inkastooo guddiga doorasho dadaal badan ay bixiyeen doorkii xisbiyada jilacsan yahay uu dabo socdo nidaamka qabyaalada xasilooni siyaasadeed lagaaro waa adag tahay” Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aminsan in Soomaaliya oo gaarta xasilooni siyaasadeed ay dhabaha u xaareyso nabad iyo amni. Goobjoog News W/Q/ Dalmar Abdulkhadir Daacad. Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka sare ee ururka sarriflayaasha Somaliland ku bahoobeen ee WADA-JIR. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xubnaha sarriflayaasha ah kula dardaarmay in waayo aragnimada iyo khibradda dheer ee ay hayaan uga faa’iideeyaan bulshadooda, kana dhigaan dhaxal ay manaafacaadsadaan jiilalka dambe ee dhalan doonaa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. President Uhuru Kenyatta on Sunday agreed to send a delegation of security chiefs to meet his Somali counterpart Mohamed Farmaajo, in a move that signals a climbdown in tensions between the two countries over an alleged border intrusion. The delegation led by Interior Cabinet Secretary Fred Matiang’i left for Mogadishu following a week that saw the Somalia National Army battle Jubbaland forces in Bula Hawa near Mandera County. The fighting by forces traditionally united against Al-Shabaab militants saw Kenya and Somalia accuse each other of territorial integrity violations. But pressure from the US, and a subtle mediation by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed saw the two leaders speak on phone on Thursday, and announce that committees would be formed to discuss border security. A source said that following the request by the US, which has funded the SNA, the Prime Minister called Farmaajo and asked him to speak directly with President Kenyatta. A direct call, it was presumed, would help deescalate the tensions which observers had warned could benefit the militants. Confirming the President’s directive, Dr Matiang’i tweeted on Sunday, “Following the recent wave of security challenges along the Kenya-Somalia border, some senior state officers and I have been dispatched by President Kenyatta to meet his counterpart [Farmaajo], with a view to ironing out the persistent cross-border issues.” KEY ISSUES Kenya and Somalia had rocky relations most of last year especially since Somalia refused to withdraw a maritime boundary case at the International Court of Justice. The ICJ will hear, and decide, the case this June but it remains uncertain whether that will close the chapter on the issue that has put the two neighbouring states at loggerheads, especially since there are political connotations to it. In February, Kenya angered Somalia by harbouring fugitive Jubbaland security minister Abdirashid Hassan Abdinur. A well-placed security source in Mandera said the minister entered Kenya through Bula Hawa, narrowly escaping Somalia security forces that had been chasing him. The fighting between Somalia’s forces, amid an alleged plan to capture the minister, resulted in at least 10 injuries in Mandera but the National Police Service assured security. It was reported that the FGS forces made a significant move into Kenya, forcing the Kenya Defence Forces to advise the Jubbaland forces to pull back. Mandera’s leaders are concerned that their people will suffer serious consequences should the tensions between the two countries persist. About two weeks ago, 11 Kenyan parliamentarians from the North Eastern region went on a secret mission to Somalia, reportedly to discuss security and other matters.
  10. (SLT-Hargeysa)-Saddex Qof Oo Soomaali Ah Oo Markii Ugu Horreysay Laga Helay Cudurka Coronavirus, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay maanta is-hortaag ku sameeyeen xilli ay shaqo ugu socdeen dhinaca garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa sheegay in bar kontorool oo ku taalla halka laga galo garoonka, kuna dhow Isgoyska KM4 loo diidey inay ilaaladooda kala gudbaan loona sheegay inay ilaalada halkaasi ku reebaan. “Waxaan maanta la kulany wax aan horey u arag. Anaga oo shaqo qaran u socona ayaa nalagu joojiyey waddada KM4 ka baxda ee aadda garoonka, waxaa nalagu qasbay inaan ciidanka iska reebno, weliba ma ahayn ciidan badan oo ilaalo kooban ayey ahaayeen, xitaa ciidanka na joojiyey way aqoonsadeen inaan nahay xildhibaano,” ayuu yiri xildhibaan Dalxa. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in ciidanka joojiyey ay u sheegeen in lasiiyey amar, balse waxay diideen, buu yiri, inay sheegaan cidda amarka bixisay. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in go’aanka ciidamada uu u cuntami waayey, isla markaana ay go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda kana joogaan shaqadii iyo shir ay ka qeyb-geli lahaayeen. Dalxa ayaa sheegay in marka ay soo laabteen kadib ay la xiriireen taliska ciidamada, balse loo sheegay in arrintan wax laga qabanayo, oo sida uu yiri afka ah kaliya, balse aan waxba laga qaban dhacdadan. Dalxa ayaa dhinaca kale sheegay in maalmahan ay socoto qorshe ay muddo qarinayeen, oo aysan ka hadlin, kaasi si dadban looga qaadayey ciidamada ilaalada u ah, oo loogu yeeray diiwaan-gelin iyo arrimo kale, balse kadib aan dib loogu soo celin, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa socda uma aan bogin, wax badan ayaan ka xishoonay oo aan qarineynay arrintan, yaa waayey cidda amnigeena sugaysay haddii askarigii baxaba ee loo yeero aan dib loo soo celineyn,” ayuu yiri Dalxa. Hoos ka dhageyso wareysiga Dalxa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Wareysi-Dhalxa.mp3
  12. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumaddda federaalka Soomaaliya Cabullaahi Goodax Barre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Cumar Filish, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta wasaaradda waxbarashada ee magaalada Muqdisho. Kulanta ayaa u jeedkiisu ahaa ka baaraandegidda muddada kala guurka waxbarashada gobolka Banaadir iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale u diyaar garowga gobalka Banaadir sidii muddo sedex bil gudahooda uu kula wareegi lahaa waxbarashada gobalka, oo horay loo qorsheeyey in loo madaxbanneeyo. Wasaaradda iyo maamulka gobolka ayaa waxaa ay isla garteen in howshaan ay dardargeliyaan guddi ka koobnaa sideed xubnood kaas oo ka kala socda labada dhinac oo dhowaan la magacaabay shaqadiisuna ay tahay darar gelinta iyo diyaarinta hannaanka guud ee looga golleeyahay u madaxbanneenta waxbarashadiisa. Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir u madaxbanaanaandoono maamulka waxbarashada guud ahaan ee gobalka si la mid ah dowlad gobaleedyada dalka ka jiro Wasaaradda Waxbarashadana ay doorkeeda ay si siman u maamusho dhammaantood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Roodo Jeylaani Roobow oo dhaawac aheyd ayaa dayac iyo daryeel xumo ugu geeriyootay isbitaalka guud magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Haweeneyda ayaa la dhigay isbitaalka, kadib markii ay dhaawacday haweeney kale oo ku hubeysneyd qoray nooca AK47. Qof ka mid ah dadka deegaanka ee magaalada Marka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in marxuumadda ay dayaceen dhaqaatiirta isbitaalka, kadib markii ay wax ka qaban waayeen xaaladeeda caafimaad, wuxuuna intaasi ku daray in dhaqaatiirtu aysan laheyn taqasus fiican, islamarkaana ay ku tababartaan dadka la keeno isbitaalka. Isbitaalka guud ee magaalada Marka waxaa gacanta ku haya NGO la yiraahdo Ayuub, kaas oo awood u heli waayey in dhaqaatiir tayo leh u geeyo isbitaalka. Dhacdadaan ayaa sidoo kale walaac xoogan ku beertay dadka shacabka ah eek u dhaqan magaalada Marka iyo deegaanada ku xeeran. Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ku yaallo isbitaallo waa weyn oo aad loo mahdiyey, sida isbitaalka magaalada Shalanbood ee gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Shardi.mp3 View the full article
  14. The United Nations senior envoy in Somalia on Sunday lauded the contribution of women towards peace and stability of the country. James Swan, a special representative of the UN Secretary-General for Somalia, applauded the role of Somali women in their country’s progress while also encouraging greater efforts to ensure their participation in all spheres of Somali society. “Somali women have made important contributions as Somalia rebuilds and continues on its path to peace and stability,” Swan said in a statement issued on the International Women’s Day in Mogadishu. The theme of this year’s International Women’s Day is “I am Generation Equality: Realizing Women’s Rights.” “They (women) have demonstrated tremendous courage, strength and dedication in the face of many challenges, including protracted conflict, lack of security, natural disaster and political instability,” said Swan. The UN envoy also encouraged renewed attention by national leaders to the draft Sexual Offences Bill and Female Genital Mutilation Bill, as cornerstones for the protection of women’s rights in Somalia. “Women’s equal rights, opportunities and participation are vital ingredients in realizing the Somali national development agenda. Only collective action by all, including people in power, can make it happen,” said Swan. Ahead of Somalia’s forthcoming “one person, one vote” elections, the UN in Somalia urged all Somali stakeholders, particularly the political leadership, to support women’s representation in politics and decision-making, and to guarantee that equality becomes a living reality for all Somalis, regardless of their gender. Swan said the United Nations strongly supports the minimum 30 percent women’s quota for representation in parliament. “Unfortunately, the security discourse around women too often labels them as victims, and rarely as active agents who are vital to improving the security situation for themselves and others. That must change,” he added. View the full article
  15. President Uhuru Kenyatta on Sunday agreed to send a delegation of security chiefs to meet his Somali counterpart Mohamed Farmaajo, in a move that signals a climbdown in tensions between the two countries over an alleged border intrusion. Source: Hiiraan Online
  16. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen konlonyo ka tirsan AMISOM oo marayey duleedka degmada Balcad. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo raggii weerarka qaaday. Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey, balse saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. View the full article
  17. President Uhuru Kenyatta on Sunday agreed to send a delegation of security chiefs to meet his Somali counterpart Mohamed Farmajo, in a move that signals a climbdown in tensions between the two countries over an alleged border intrusion. The delegation led by Interior Cabinet Secretary Fred Matiang’i left for Mogadishu following a week that saw the Somalia National Army battle Jubbaland forces in Bula Hawa near Mandera County. The fighting by forces traditionally united against Al-Shabaab militants saw Kenya and Somalia accuse each other of territorial integrity violations. But pressure from the US and a subtle mediation by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed saw the two leaders speak on phone on Thursday, and announce that committees would be formed to discuss border security. A source said that following the request by the US, which has funded the SNA, the Prime Minister called Farmaajo and asked him to speak directly with President Kenyatta. A direct call, it was presumed, would help deescalate the tensions which observers had warned could benefit the militants. Confirming the President’s directive, Dr Matiang’i tweeted on Sunday, “Following the recent wave of security challenges along the Kenya-Somalia border, some senior state officers and I have been dispatched by President Kenyatta to meet his counterpart [Farmaajo], with a view to ironing out the persistent cross-border issues.” Kenya and Somalia had rocky relations most of last year especially since Somalia refused to withdraw a maritime boundary case at the International Court of Justice. The ICJ will hear and decide, the case this June but it remains uncertain whether that will close the chapter on the issue that has put the two neighbouring states at loggerheads, especially since there are political connotations to it. In February, Kenya angered Somalia by harbouring fugitive Jubbaland security minister Abdirashid Hassan Abdinur. A well-placed security source in Mandera said the minister entered Kenya through Bula Hawa, narrowly escaping Somalia security forces that had been chasing him. The fighting between Somalia’s forces, amid an alleged plan to capture the minister, resulted in at least 10 injuries in Mandera but the National Police Service assured security. It was reported that the FGS forces made a significant move into Kenya, forcing the Kenya Defence Forces to advise the Jubbaland forces to pull back. Mandera’s leaders are concerned that their people will suffer serious consequences should the tensions between the two countries persist. About two weeks ago, 11 Kenyan parliamentarians from the North-Eastern region went on a secret mission to Somalia, reportedly to discuss security and other matters. They could face espionage charges. View the full article
  18. A top Somali military court has on Sunday sentenced al-Shabaab member to ten years in prison. Muse Mohamed Ahmed was charged and found guilty of two accounts which being part of an illegal armed group and in possession of the F1 bomb. Ahmed was arrested during an operation by 14th October brigade in November last year conducted at the ancient port city of Marka in Lower Shabelle district. According to court presentations by the criminal investigations department, the suspect traveled from armed group al-Shabab stronghold town of Janale. Somali martial court judge, General Hassan Ali Nur Shute announced ten years sentence with an appeal within 30 days. Human rights groups have consistently accused the court of violations mainly for not giving a just trial to terror suspects an allegation that was rebutted by the court officials. View the full article
  19. Maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka oo Axad ah xukun adag ku riday eedeysane Muuse Maxamed Axmed oo loo heysto ka mid ahaanshiyaha maleeshiyadda Al-Shabaab iyo inuu u farsameyn jiray qaraxyada nooca Bom F1, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida. Sidoo kale qoraalka maxkamadda ayaa lagu sheegay in Muuse Maxamed Axmed oo wata Bom lagu dhex qariyay raashin nuuc dareeraha ka mid ah sanadkii hore ee 2019-kii laga qabtay gudaha magaalada Marka, isagoo xilligaas u soo safrayey deegaanka Janaale. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sidoo kale 15-kii February ee sanadkan dalbaday mudeynta kiiska ka dhanka ah eedeysane Muuse Maxamed Axmed, kaas oo markale dib loo dhageystay 24-kii February sanadkaan aynu ku guda jirno ee 2020-ka. Ugu dambeyn maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda Soomaalya, wuxuuna tilmaamay in xukunsanaha uu haysto fursad kale oo uu xukunka uga qaadan karo rafcaan, kadib muddo 30-cisha ah. View the full article
  20. Ururuka ahlu sunna oo looga adkaaday siyaasadda maamulka Galmuduga yaa maanta waxa ay soo saareen war cusub oo ay kaga hadlayaan xaaladihii ay soo mareen muddooyinkii dambe oo dagaal uu ku qabsaday hoygii ay Dhuusamareeb ka daganayeen. Warqadda ka soo baxday Ahlu sunna ayaa waxaa ku saxiixnaa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo mar sheegatay in uu yahay madaxweynaha Galmudug, waxa ayna sheegeen dowladda federaalka ah ay masuul ka ahayd dagaalkii caasimadda Galmudug ka dhacay oo ay sheegeen in weerar ay ku soo qaadeen ciidamada ay soo tababareen dowladaha Mareykanka iyo Turkiga. Dhinaca kale Ahlu sunna ayaa beesha caalamka waxa ay ugu baaqday in aysan indhaha ka fiirsan xadgudubka dowladda federaalka ah ay ku hayso gobolada dalka sida ay sheegeen. Madaxda ugu sareysa Ahlu sunna ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay ku suganyihiin magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland. Halkan ka akhriso warka ka soo baxaya Ahlu sunna Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Garoowe (Caasimadda Online) – Hoggaanka sare ee Ahlusunna Waljamaaca ee dhawaan isku dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ka hadlay dagaalkii Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlu Sunna. War-Saxaafadeed uu soo saarey Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in intii ay ku sugnaayeen Xero Inji ee Magaalada Dhuusamareeb la saarey cunaqabateyn, isla markaana la dul-dhigey Ciidamada dadka u diidaya in la galo Xarunta lagana soo baxo. Sidoo kale qoraalka uu soo saaray Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu soo qaaday Ahlu Sunna ay fuliyeen Ciidamo ay ku sheegeen inay ahaayeen kuwii loogu talagalay inay dagaal la galaan Al-shabaab ayna tababareen dalalka Mareykanka iyo Turkiga. Waxaa kaloo qoraalka Ahlu Sunna lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo inay joojiyaan xasuuqa ay sheegeen in dowladda ay ku heyso shacabka deegaanada Galmudug iyo Belad-xaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Jubbaland. “Cid kasta oo ku fikareyso in Ahlu Sunna Waljamaaca laga tirtiri karo Gobolada Dhexe ama Soomaaliya waxa ay u hunguubi doonaan Insha Allaah sida Al-Shabaab uga guusteen inay maamulaan Gobolada Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Ahlusunna Waxaa uu sheegay Sheekh Shaakir in xilli habeen ah Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Xarunta ay ku sugnaayeen ee Inji, sidoo kalena ay jirtay cadaadis uu saarey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ugu dambeyntii Ahlu Sunna ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in aysan indhaha ka fiirsan caburin ay tilmaameen in lagu hayo shacabka deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug. Madaxda Ahlu Sunna ayaa dhammaan hadda ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, waxaana maalmahaan u socdo shir ay uga tashanayaan aayahooda iyo sidii loo soo celin lahaa awooddii Ururka Ahlu Sunna. Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxafaadeedka kasoo baxay Shiekh Shaakir