Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ASUNCION (Reuters) - Former Brazilian international Ronaldinho Gaucho was ordered to remain in jail in Paraguay on Saturday after a judge ruled him a flight risk. Source: Hiiraan Online
  2. Ku dhawaad siddeetan ruux ayay wararku sheegayaan in lagu la`yahay bur-burka hotel lagu hayay dad looga shakisan yahay cudurka coronavirus kaas oo ku kor dumay gobolka Quanzhou ee dalkaasi Shiinaha. Hotelkan oo shan biyaano ahaa ayaa waxaa lagu hayay 70 ruux oo looga shakisnaa cududrka coronavirus, waxaana sidoo kale ku sugnaa dhakhaatiir iyo dad kale oo hotelkaasi ka shaqeynayay. Wararki ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in in 34 ka mid ah dadkani laga soo saaray bur-burka hotelka, waxaase wali socda baadi-goobka dadkii kale. Hay`adaha gar-gaar iyo booliska oo aan kala harin ayaa ku sugan goobta, waxaana socda dadaallo ballaaran oo dadka musiibadu ku dhacday loogu gurmanayo. Hotelkan oo la furay sannadkii 2018-ka islamarkaana leh 80 qor ayaa waxa uu u kireysnaa dowladda, waxaana ay ku haysay dadka looga shakisan yahay cudurka coronavirus oo asal ahaan ka bilowday dalka Shiinaha, caalamkana ku faafay. Wali lama oga sababka keentay in hoteelkaasi soo dumo. Qaran News
  3. ROCHESTER, N.Y. – A western New York man who admitted phoning a death threat to Minnesota Congresswoman Ihan Omar has been sentenced to one year and one day in prison by a federal judge. Source: Hiiraan Online
  4. The writing process for Somali-born poet Ladan Osman includes studying, reading, music, walks, photographs and, most of all, time. Source: Hiiraan Online
  5. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa xabsiga dhigay 17 amiir oo kale, maalin kadib markii ay soo shaac baxday inuu xiray saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya dalka. Amiirada cusub ee la xiray ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka ahaayeen afgambi la doonayey in awoodda loogala wareego Maxamed bin Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Scauudiga. Sabtidii ayaa waxaa soo shaac baxay in Maxamed uu xiray Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, iyo walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef. 17-ka amiir ee kale ee la xiray ayaa waxaa ugu caansan Amiir Nayef Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah wiilka Axmed bin Cabdulcaziiz oo la dhashay boqor Salmaan. Nayef ayaa ahaa madaxa sirdoonka ciidamada lugta ee dalka. Dhinaca kale, Maxamed bin Salmaan ayaa soo rogay amar yaab leh oo loogu sheegay dhammaan amiirada dalka Sacuudiga inay barta twitter-ka si shaacsan ugu soo qoraan inay isaga daacad u yihiin, waxaan qaar ka mid ah durba ay u hoggaansameen amarkaas, sida Amiir Cabdullahi bin Sultan Ala Sacuud. من سالمهم سالمناه ومن عاداهم عاديناه هذا أمر بايعنا عليه وعاهدنا الله به والأمر من قبل ومن بعد لله..#كلنا_سلمان_كلنا_محمد pic.twitter.com/vINHyQxqio — عبدالله بن سلطان آل سعود (@ASNA_20) March 7, 2020 Sida ay werisay Reuters, Xubnaha la xiray ayaa eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah, “inay xiriiro la sameeyeen dalal shisheeye, oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwa kale, ayna weydiisteen in laga caawiyo afgambiga.” Reuters ayaa dhinaca kale werisay in Boqor Salmaan uu saxiixay waaranka lagu soo xiray amiirada. Waxaa sidoo kale la sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay, xilli ay jiraan warar sheegaya in xusuustiisa aysan wanaagsaneyn. Dhinaca kale, waxaa aad looga walaacsan yahay xaaladda Amiir Miteb bin Cabdullah, oo mar loo arkay inuu kurisga ka beddeli karo boqor Salmaan. Miteb ayaa ka mid ahaa amiiradii 2017-kii lagu xabisay hotelka Ritz Carlton ee Riyadh, balse waxaa lasii daayey kadib markii uu bixiyey hal bilyan oo dollar. Mite boo 65 jir ah ayaa waxaa dhalay boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah bin Cabdulaziz. Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uu ka shaqeynayo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa soo saaray war-murtiyeed uu kaga jawaab celiyey, kuna cambaareeyey qorshahaas iyo hadallo ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka wasiir Koore ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud “uu ka hor imanayaa Qaramada Midoobay oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.” Somaliland ayaa sheegtay in war-saxaafadeedkii James Swan ay u aragto “daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda.” “Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Qaramada Midoobay ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada,” ayuu wasiir Koore ku yiri qoraalkiisa. Koore ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada James Swan “ay waxyeeli doonto himiladii laga qabay dib u bilaabista wadahadalada beesha caalamku doonaysay inay u qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.” Hoos ka aqriso bayaanka wasiir Koore
  7. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa xabsiga dhigay 17 amiir oo kale, maalin kadib markii ay soo shaac baxday inuu xiray saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya dalka. Amiirada cusub ee la xiray ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka ahaayeen afgambi la doonayey in awoodda loogala wareego Maxamed bin Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Scauudiga. Sabtidii ayaa waxaa soo shaac baxay in Maxamed uu xiray Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, iyo walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef. 17-ka amiir ee kale ee la xiray ayaa waxaa ugu caansan Amiir Nayef Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah wiilka Axmed bin Cabdulcaziiz oo la dhashay boqor Salmaan. Nayef ayaa ahaa madaxa sirdoonka ciidamada lugta ee dalka. Dhinaca kale, Maxamed bin Salmaan ayaa soo rogay amar yaab leh oo loogu sheegay dhammaan amiirada dalka Sacuudiga inay barta twitter-ka si shaacsan ugu soo qoraan inay isaga daacad u yihiin, waxaan qaar ka mid ah durba ay u hoggaansameen amarkaas, sida Amiir Cabdullahi bin Sultan Ala Sacuud. من سالمهم سالمناه ومن عاداهم عاديناه هذا أمر بايعنا عليه وعاهدنا الله به والأمر من قبل ومن بعد لله..#كلنا_سلمان_كلنا_محمد pic.twitter.com/vINHyQxqio — عبدالله بن سلطان آل سعود (@ASNA_20) March 7, 2020 Sida ay werisay Reuters, Xubnaha la xiray ayaa eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah, “inay xiriiro la sameeyeen dalal shisheeye, oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwa kale, ayna weydiisteen in laga caawiyo afgambiga.” Reuters ayaa dhinaca kale werisay in Boqor Salmaan uu saxiixay waaranka lagu soo xiray amiirada. Waxaa sidoo kale la sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay, xilli ay jiraan warar sheegaya in xusuustiisa aysan wanaagsaneyn. Dhinaca kale, waxaa aad looga walaacsan yahay xaaladda Amiir Miteb bin Cabdullah, oo mar loo arkay inuu kurisga ka beddeli karo boqor Salmaan. Miteb ayaa ka mid ahaa amiiradii 2017-kii lagu xabisay hotelka Ritz Carlton ee Riyadh, balse waxaa lasii daayey kadib markii uu bixiyey hal bilyan oo dollar. Mite boo 65 jir ah ayaa waxaa dhalay boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah bin Cabdulaziz.
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday islamarkaana weeraray afar dowlad oo uu sheegay inay “burburin iyo dhibaato ka wadaan” gudaha Soomaaliya. Axmed Madoobe, oo shalay khudbad ka jeediyey kal-fadhiga labaad ee baarlamanka Jubaland, ayaa sheegay in afartaas dowlad ay kala yihiin Qatar, Ethiopia, Eritrea iyo Turkey. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowlada Qatar “ay lacago ay ku bixinayso burburinta dowladnimada Soomaaliya”, sida uu hadalka u dhigay. Qatar ayaa la rumeysan yahay inay tahay dowladda ugu dhow xilligan ee Villa Somalia ay xiriirka la leedahay. Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada Turkey inay dib u eegto “dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan ciidamadii ay soo tababareen oo si khaldan loo adeegsanayo”. Turkey ayaa tababarta ciidamada Gorgor iyo Haramcad, oo dowladda Soomaaliya ay marar badan u adeegsatay dagaalka maamul goboleedyada. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dowlada Ethiopia uu ugu baaqay “inay xakamayso sarakiisheeda ku lugta leh dhibaatada gudaha ee Soomaaliya”, isago sheegay in dowladaha AMISOM ay ku koobnaadan masuuliyada ay dalka u joogaan oo kaliyah. Madaxweynaha Jubaland ayaa dowladda afaraad ee uu weerarka ku qaaday waxay tahay Eritrea, oo uu sheegay in dimuqraadiyadii dalku ay dhaafi ladahay rajiimka Eritrea, waxaana uu is weydiiyay nooca dimuqraadiyad ee Soomaaliya ay ka baran karto Eritrea. Ethiopia iyo Eritrea ayaa Villa Somalia ay aad isugu dhow yihiin, waxaana ku wada jiraan isbaheysi saddex geesood ah, oo aanay shacabka Soomaaliyeed faah-faahin badan ka haysan waxa uu u taagan yahay.
  9. Toddobaadkii dhawaa, waxaa soo shaac baxay in dowladda Kenya ay laaluush fara badan ku bixisay diblomaasiyiin shisheeye ah, oo ay doorbidayso inay ku caawimi doonaan inay ku guuleysato kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (QM). Kenya iyo Jabuuti ayaa sanadkaan (June 2020), ku tartamaya kursiga aan joogtada ahayn ee ay qaarada Afrika ku leedahay Golaha Ammaanka muddada u dhexeysa 2021 ilaa 2022. Walow qaab dhismeedka Golaha Ammaanka uu muddo dheer ka taagan yahay muran, haddana goluhu waxuu ka kooban yahay 15 xubnood oo shan ka mid ah ay yihiin xubno joogta ah oo leh awoodda codbixinta “Veto,” ee aan laga daba hadlin, kuwaas oo kala ah: China, France, Great Britain (UK), Russia iyo United States (US). Halka tobanka xubnood ee ku meel gaarka ah, oo laga soo dooraanyo Golaha Guud, loo qaybiyay qaaradaha haddana shan ka mid ah sanadwalba waxaa loo doortaa xil wareegta ah oo laba sanadoodle ah. Golaha waxaa fadhiiya, oo aan xubin buuxda ka ahayn cod doorashana lahayn, dalka Falistiin iyo kaniisada Vaticanka. Inta badan musharraxa Afrika, waxaa lagu xushaa iskurraac wadar loo dhan yahay, balse xagaagii dhawaa, guddi hoosaadka ururka ayaa si laga habboon yahay cod ugu qaaday Kenya iyo Jabuuti oo kala helay 37 iyo 13. Taasi waxay ka careysiisay dowladda Jabuuti soona deddejisay in musharrxnimadeeda ay si rasmi ah u soo barbardhigto Kenya. Tan iyo waagaas, Madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu si ba’an ugu ololaynaayay sidii uu u heli lahaa dalal badan oo taageersan dalkiisa. Ergayga Jabuuti u fadhiya QM Danjire Maxamed Siyad Ducaale oo warbaahinta kula hadlay New York ayaa yiri, “Codbixinta waxay meelkadhac ku tahay qawaaniinta Midowga Afrika, sababtaas awgeed ayaanu u diidnay natiijada cilladaysan oo sharcidarro ah, iyo qaadashada qaab aan hore u dhicin.” Wargeyska Weekly Citizen ayaa shaaciyay fadeexo la xiriirta laaluush Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ay ku bixisay 25 wakiil joogta ah ee fadhiya QM iyo Midowga Afrika. Halkaas waxaa ka muuqday in dowladda Kenya ay si gurracan awooddeeda dhaqaale ay u adeegsanayso si ay u hesho kursiga QM. Ilo xog’ogaal ah ayaa wargeyska u sheegay in diblomaasiyiintaas ay New York kaga soo duuleen tikityo “First Class” ah oo lagu qiyaasayo midkiiba inuu ku kacay 600,000 oo shilinka Kenyaan ah, lana dejiyay “Radisson Blu Hotel,” oo ah derejada “five-star,” qolkiisa ugu jabanne lagu qiyaasay inuu kor u dhaafayo 27,000 shilin Kenyaan habeenkii. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo aan loo eegayn haddii doorashada lagu tartamayo iyo in kale, xubinta musharraxa ah waa inay heshaa seddax dalool labo meel codka 193 dal oo xubno ka ah Golaha Guud ee QM. Qaarada Afrika seddax kursi ayay ku leedahay majliska, kuwaas oo laba ka mid ah ay ku kala fadhisteen sanadkaan (2020), dalalka Niger iyo Tunisia. Inta badan, Midowga Afrika waxuu xulashada xubinta ka yeeshaa wadaxaajood hoose oo albaabbada loo xiray, inta uusan si rasmi ah u shaacin magaca, si dunida loogu muujiyo weji midaysan ee qaarada. Dowladda Kenya si ay u maldahdo laaluushka, ayay 25 wakiil ku martiggelisay magaaladda Nairobi iyo Mombasa. Dalxiiskaas, waxaa loogu magac daray “Aqoon isweydaarsi ku saabsan isbeddelka argaggixisada iyo xagjirnimada,” waxuuna dhacay intii u dhexeysay 15kii ilaa 21kii February, 2020. Haddaba, aan isweydiinno maxay Kenya ku faleysaa kursiga aan joogto ahayn, haddana aan manfaciisa tooska ahi aaysan muuqan? Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labadii bilood oo ugu dambeysay keliya, dowladda Kenya ay martiggelisay ugu yaraan 45 wakiil joogta ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, taas oo qayb ka ah tabaha lagu raadinayo kursiga. Inkastoo falanqeeyayaashu ku kala aragti duwan yihiin, haddana waxyaabaha maangalka ah oo laga yaabo inay xukuumadda Uhuru Kenyatta si xil leh ay ugu raadineyso kursiga ayaa dhici kara inay yihiin: Waayahaan dambe waxaa jira baaqyo taageersan in dibuhabeyn lagu sameeyo golaha, si majlisku uu u noqdo mid wada matala beelaha caalamka. Haddaba, haddii taasi dhacdo, waxaa la filayaa in qaaradda Afrika ay heli doonto labo xubin oo joogta ah iyo shan aan joogta ahayn (UN Org. 20/11/2018). Sidaas awgeed, Kenya waxay ku riyooneysaa inay hesho kursi joogta ah, bacdamaa ay ka mid ahayd guddigii Midowga Afrika ee soo darsay ajendahaas. Golaha Ammaanka waxuu go’aamada ku gaaraa aqlabiyad, haddana si loo ansixiyo qaraar, golaha waa in laga hormuujiyaa sagaal cod oo waafaqsan qaraaka. Dalka leh awoodda codbixinta “Veto,” ee aan laga daba hadlin wuxuu u baahan yahay dalal taageersan ara’diisa. Daraasad Jaamacadda Harvard – Dugsiga Ganacsiga uu soo bandhigay ayaa sheegaysa in waddamada soo koraya ee xubnaha ku meel gaarka ah ku leh golaha ammaanka, ay codkooda ku beddeshaan gargaar dheeraad ah oo ay ka helaan waddamada hodanka ah, gaar ahaan Mareykanka; (Global Policy Org – 25/08/2006). Waxaa laga yaabaa in gargaarku uu weliba si lixaad leh u sii kordho, xilliyada dunida ay ka taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed iyo colaaddahaba. Haddaba, maamulka Uhuru Kenyatta oo dhaqan siyaasadiisu ahayd musuqmaasuq iyo laaluush, waxuu ka xishoon waayay inuu si xil leh ku raadiyo kursigii majliska caalamka! W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 7/3/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Duqeyntaas ayaa sida Maraykanku sheegay waxay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida uu sheegay kuxigeenka Taliyaha Howlgalada Taliska AFRICOM Janeraal Miguel Castellanos. “Mareykanka waxay si dhow ula shaqaysaa la-hawlgalayaasha caalamiga ah dadaallada la xiriira horumarinta waaxda amniga, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo waddamada kale ee ku tabaruca ciidamada Wadajir ahaan, waxaa naga go’an horumarka Soomaaliya ee sii kordhaya” ayaa lagu yiri Qoraalka Mareykanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo faahfaahiyay duqeyn uu ku laayay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  11. U.S. Africa Command (AFRICOM) conducted a third airstrike in Somalia this week, killing at least four terrorists of Al-Shabaab, a Somalia-based terror group affiliated with Al Qaeda. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumanaha-Wararka-07032020.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka ee AFRICOM ay galabta duqeyn ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Maanta casardheerki, 7-da Maarso, 2020, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka u gaystay xagjiriinta Al-Shabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose.” ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw ay baahisay warbaahinta dowladda. Duqeynta ka dhacday Gandarshe ayey sheegtay dowladdu in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin wax yeelo kasoo gaartay dad rayid ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in weerarkan uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay maanta weerar ku qaadeen saldhigga militeriga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliini ee duleedka degmada Marka. Wararkaas waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda federaalka in ay iska caabiyeen ciidanka xoogga dalka ee lagu weeraray saldhigga Ceel-Saliini. “Ku dhawaad 30 argagaxisada A-Shabaab ayaa isku dayay in ay cagta mariyaan xerada militari ee Ceel-Salini, hayeeshee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jab u gaystay, mana jirin cid ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo wax ku noqatay weerarkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.
  14. Maxkamada Ciidanka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Dable Bile Khaliif Xussein oo ka tirsan Ciidanka Xooga dalka qaybta 43-aad. Askariggaan ayaa 5tii bishan sadexaad 2020 askari kale oo ka tirsan ciidanka xooga dalka ku dilay xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed. Garsooraha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dawlad goboleedka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay in Askarigan lagu riday xukun dil ah. Garsooraha ayaa sidoo kale askarta dawladda uga digay in ay hubkooda si khaldan u adeegsadaan isaga oo sheegay in cid walba oo cid kale disha sharciga la marin doono iyada oo aan la eegaynin shaqadiisa ama mansabkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Balcad (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka xooga ay leeyihiin. Saldhiga ayaa ku yaala degaanka Raaxow, sidda ay Shabeelle u sheegeen illo wareedyo dadka degaanka ah. Warbixinada ayaa intaas ku daraya in la maqlay daryenka hub culus, oo loo maleynayo in ay yihiin goobiyeyaal. Ma cadda khasaaraha ka dhashay falkaas, wallow maamulka uu sheegtay in ay iska caabiyeen weerarkaas. Al-Shabaab wali dhankooda wax war ah kama soo saarin duulaanka la tilmaamay in ay iyagu qaadeen. Inta badan weeraro noocaan ah ayaa laga soo wariyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, mana muuqato qorshe wax looga qabanayo. View the full article
  16. Balcad (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Geelle oo hoos taga degmada Balcad. Dagaal socday mudo kooban ayaa waxaa la sheegay in uu dhex maray labada dhinac, isla markaana ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay iska caabiyeen weerarkaas ay kusoo qaadeen Al-Shabaab. Dagaalka kadib ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeeg-sadeen madaafiic, kadib markii Shabaab-kii soo weeraray deegaanka Ceel-Geelle, oo dib uga laabtay ay deegaanka kusoo garaaceen madaafiic, halka ciidanka dowladda iyo AMISOM ay iyaguna madaafiic kale ugu jawaabeen. Haatan waxaa lasoo werinayaa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka ay dul wareegayaan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ee Ceel-Geelle iyo nawaaxigiisa, kuwaas oo ugaarsanaya dagaalamayaashii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay in ay haatan ku dhuumaaleysanayaan dhulka howdka ah ee dhaca duleedka deegaanka Ceel-Geelle oo ay caawa weerarka ku qaadeen.
  17. Doolow (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland uu gelinkii dambe ee maanta isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Sida ay sheegeen saraakiisha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo ka tegay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gaaray Degmada Doolow, isagoona isu dhiibay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka. Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka uu iska soo dhiibay halka loo yaqaano Suufka ee Itoobiya xigta, ka dibna loo soo gelbiyay Degmada Doolow, oo iyana looga sii gudbiyay dhinaca Degmada Beled Xaawo. “Suufka oo dhanka Itoobiya ah ayuu iska soo dhiibay. Doolow Somaliya ayaa loo soo gudbiyay, Salaaddii Maqribka ayaana loo kaxeeyay Degmada Beled Xaawo,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo la hadlay warbaahinta Dhacdo. Ma jiraan ilo-wareedyo si madax banaan u xaqiijin kara sheegashada ciidamada dowladda. Maamulka Jubaland oo aan wax ka weydiinay arrintanna waa ay ka gaabsadeen. Tallaabada uu isu soo dhiibay ayey saraakiishu sheegeen inay ka dambeysay markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Arrintan ayaa waxay ku soo aadaysa iyadoo maanta uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku baaqay in Dowladda Federaalka, ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Gedo, ayna isugu yimaadaan miiska wadahadalada.
  18. Taliyaha ciidamada Booliska Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan ayaa kala wareegay agab ciidan Taliyaha Booliska AMISOM ee deegaannada Hirshabeelle. Munaasabadda agabkaasi uu kula wareegaayay Taliska ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay taliyaha Booliska AMISOM ee deegaannada Hirshabeele,isagoo sheegay in agabkaan ay ugu talagaleen ciidamada Booliska Hirshabeelle,waxayna ka kooban yihiin Budad,Qalmaan, Buugaag iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah howlaha Booliska. Agabkan ayaa hadda waxaa ku howlgalaya saldhigyada Booliska degmooyinka Jowhar,Balcad,Warshiikh iyo Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeelle Dhexe,isagoo sheegay in kuwa kalena dhawaan ay soo gaarsiin doonaan. Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa uga mahadceliyay AMISOM agabkan ay soo gaarsiiyeen,wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay in howlaha Booliska ay meel wanaagsan marayaan,islamarkaana dufcadii seddexaad dhawaan tababar loo soo xiri doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimadda Onlin) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay kiiska ku saabsan dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya sanadkii 1977 kadib hadal dhawaan kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Abiy Ahmed ayaa weyneeyey dagaalkii 1977, isaga oo qoraal uu soo saaray ku sheegay in Itoobiya ay dagaalkaas ku jebisay wax uu ugu yeeray “cadowgii Soomaaliya ee soo weeraray.” Si kastaba, ma jirin meel Soomaaliya ah oo laga xusay dagaalkaas iyo guushii Soomaaliya ay ka gaartay ka hor inta aanay dalal kale usoo gurman Itoobiya. Sidoo kale ma jirto cid ka mid ah madaxda Soomaaliya oo soo hadal qaaday. Guddoomiye Taabit, oo qoraal soo dhigay facebook, ayaa sheegay inaysan jirin sabab keeni karto in la qariyo taariikhda dalkeena. Hoos ka aqriso qoraalka Taabit. Dagaalladii Soomaaliya & Itoobiya waxey ahaayeen kuwo gobonnimo-doon ah oo ay gashay Ummadda Soomaaliyeed, waxeyna taariikhda dalka uga jiraan qeyb aan laga tiri karin waligeed. Ma jirto sabab aan uga dhuuman karno taariikhdeena. Nooc walba oo ay taariikhdu u taallo; qaraar iyo macaan, guul iyo guuldarro, waa inaan xusnaa, waxna ka qornaa. In jiilkeena cusub iyo kuwa xiga loo sheego taariikhdeena una duceyno halgamayaashii inooga dhintay, wanaagna u muujino kuwa maanta nool kama dhigna naceyb, damqin iyo daris xumeyn. Mar walba Madaxda Soomaaliyeed ee xafiiska joogta ayaa masuul ka ah iney kor u sheegto, oo ay karaameyso taariikhda dalka. Ummadda Soomaaliyeed waa in ay isha ku heysaa, lana xisaabtantaa qof walba oo isku daya inuu dafiro, duugo ama dul-duleel xun u yeelo taariikhdeena gumeysi diidka ah. Mahad-badan.
  20. Senetor Cabdi Xasana Cawaale Qeybdiid Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta isaga iyo wafdigiisu waxaa ay booqdeen Isbitaalka guud Dhuusamareeb. Senetorka ayaa xusay in Isbtaalka guud ee Xanaano uu baahan yahay in dib u dhis balaaran lagu sameeyo, isaga oo dalbaday in laga qeyb qaato sidii isbitaalka isbadal loogu sameyn lahaa maadaama uu ka muuqdo dayac badan,waxaana uu intaas raaciyey in isbitaalka uusan helin kaalintii dowladda ee ku aadaneyd wax ka qabashada dhibaatada isbitaalka. Sidoo kale Senoter Cabdi Xasan Cawaale ayaana uu mahad celiyey maamulka isbitaalka oo muddo u soo adkaystay duruufo adag oo ay ugu adeegayeen bulshada ku noool gobalka Galgaduud, iyaga oo aan helin maalgelin guud, haddana loo baahan yahay in loo istaago sidii isbitaalka uu noqon lahaa isbitaal caalami ah. “Warbixinta ay nasiiyeen maamulka iyo Dhaqaatiirta runtii waxaan ka ogaanay in dadaal badan sameeyeen waxaan aad iyo aad uga mahad celinaynaa dadaalka badan ay ku soo wadeen oo mutadawacnimo ahaa, waana ognahay isbitaalka in uusan helin maalgelin guud oo shacbiga Soomaaliyeed,dowladdii Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka ah in uu midna ka helin wixii lagu dabooli lahaa baahida balaaran ee ka jirta Isbitaalka”ayuu yiri senetor Cabdi Xasan Caawaale. Dhanka kale Senetor Cabdi Xasan Cawaale ayaa ugu baaqay wasaaradda caafimaad xukuumada federaalka Soomaaliya iyo hey’adaha caafimaadka ka shaqeeyo in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska isbitaalka Xanaano oo daryeel caafimaad ay ka helaan blshada ku dhaqan deegaannada kala duwan dowlad gobaleedka Galmudug. waxaana uu yiri. “Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomalaiya, hey’adaha caalamiga ah ee caafimadka ka shaqeeyo,bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ka soo jeeda deegaannada Galmudug in isbitaalkaan waxa lagama maarmaanka u ah oo ay ka mid tahay in uu shaqadii uu bulshada u haayey uu u qabto in gacan la siiyo oo cid weliba isxilqaanto haddii tahay ganacsato ama bulshada qeybaheeda kala duwan waa in loo istaagaa” Ugu dambeyn Seneter Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay in Galmudug dowlad gobaleed iyo maamul cusub, waxaana uu ugu baaqay in bulshada dhan ay u wada istaagto dib u dhis isbitaalka guud ee Dhuusamareeb. “Marka waxaan leenahay in arrintaan loo soo jeesto, waan rajeyneynaa maadaama meeshaan hadda uu dowlad gobaleed cusub uu ka dhismay waan rajeynaynaa in hey’adihii ay soo bilaaban doonaan isbitaalkan uu helayo waxaa uu u baahan yahay” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey Seneter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-07032020.mp3 View the full article
  22. Kenyan authorities say one person is dead and 11 others injured after clashes in Somalia this week spilled across the border into Kenya. Now local leaders from Kenyan border areas are demanding action. Source: Hiiraan Online
  23. SABABAHA KEENA SHAQO LA’AANTA IYO SIDA LOOGA BIXI KARO W/Q: FARXAAN MAXAMED XASAN “RAKAD” BERBERA Shaqo la’aantu waxay noqotay caqabad ka taagan meelkasta oo caalamka ah, waxa kale oo noqotay cabasho joogtaa oo masuuliyiinta dawladaha lagu canaanto, heerka shaqo la’aantu dalalka caalamka way u kala badan yihiin siday u kala horumarsan yihiin, waxaanay noqotay olole lagu galo doorashooyinka in shaqo la’aanta hoos loo dhigo. Caalamka waxkastaa sabab ayay leeyihiin , shaqo la’aan kastaana sabab ayay leedahay, mararka qaarkood waxa sabab u ah kala badnaanshaha baahida suuqa iyo dadka, oo waxa yaraada suuqii u baahnaa shaqaale , waxaanna bata dadkii shaqo doonka ahaa sidoo kale isbeddelka technologiyada casrigan oo sababtay in shaqaale badan hawada laga saaro iyadoo sanadka 2030kana la waddo hab imika tijaabo ah oo lagaga shaqeyesiinayo malaayiin robots ah “ dad u eeke” si looga maarmo ibnu aadankii shaqeyn jiray ama qabanaya shaqooyinka aanay dadku qaban Karin. Marka la qeexayo shaqo la’aanta maxay tahay? Waxa lagu qeexaa marka qofku shaqo raadiyo se aannu helin taas ayaa la idhaa “unemployment” shaqo la’aan sidoo kale shaqo la’aanta waxa la idhaahdaa marka qofku afar wiig oo isku xiga shaqo raadiyo se aannu helin markaas ayaa la odhanayaa waa bilaa shaqo. Marka aynu waddankeena joogno waxa jira shaqo la’aan baahsan oo aan caalamka kale ka jirin taas oo dhallinyaro badan tahriibisay, niyad jabisay taas oo aan odhan karno qofkasta oo shaqo la’aan u tahriibay ama u niyad jabay waxay caqabad iyo dhib ku tahay naftiisa, qofku shaqo wuu waayi karaa se haddii aannu aqoon u lahayn sida shaqo loo helo ama loo abuuro amaba loo raadiyo waxay sababaysaa in la tahriibo ama la niyad jabo oo lagu dambeeyo balwado kala duwan iyo hadal ah dalkan shaqo ma taallo taasi oo ku tusinaysa niyadjabka ku haysta. Waa run shaqo la’aan way jirtaa waanan qirayaa se inta maanta shaqaysaa waa inta taqaana sida shaqo loo helo ama loo raadiyo, waa inta aqoon kala duwan leh ,waa inta xirfadaha shaqo leh, waa inta diyaarka u ah innay shaqo helaan. Inta shaqo la’aantu haysaa waa inta aan haysan xirfadaha shaqo ee markaa loo baahan yahay, inta aan diyaarka u ahayn innay shaqaystaan, waa inta aan shaqo raadin ee iska fadhiya makhaayadaha intaas ayaan u aqoonsaday innay shaqo la’aani hayso, waa inta aan aqoontooda loo baahneyn, waa inta ay farsamooyinka shaqo raadisku ka dhiban tahay, waa inta aan dadka hor istaagi Karin, waa inta aad jeclayn shaqada, waa inta seexata, waa inta balwadaha leh, waa inta aan xirfadaha lahayn. Haddii aanad gurigaba dhaafin oo aad leedahay shaqo ma jirto waa adiga dhibku ee dalka maaha, haddii aad ku niyad jabtay laba jeer oo aad imtixaan ama waraysi gashay oo aad tiraahdid waddanku waa qabyaalad wali waad khaldan tahay, way jiraan shaqooyin aan si daacadda ah dadka lagu kala saaraa, sidoo kalena way jiraan shaqooyin cidda la doonnayo un la qorto se marka aad arday tahay waxa kugu waajiba innaad meelo kala duwan ka codsatid shaqooyin kolba aqoontaada ama shaqada diyaar ah ee laguu soo bandhigo innaad qabatid. Waxa jira shirkado badan hay’ado badan oo shaqaale qorista si daacada u qorta oo haddii nasiibku kula kulmiyo aad soo gaadheysid inta aqoontaadu tahay. Noocyada shaqo la’aanta ee caalamka waxa ugu muhiimsan afartan qaybood ee kala ah :– Structural unemployment: waa marka qofka shaqadii hore ay ka dhamaatay ama uu ka tagey ee uu wali raadinayo shaqo kale ee aannu wali helin wax shaqo ah. Frictional unemployment: waa marka xirfadaha shaqo ee aad leedahay laga baxo, ama aan loo baahneyn taas oo lagu beddelo Technology ama qalab casri ah oo shaqadaadii qabta. Cyclical unemployment : waa marka dhaqaalaha dalku hoos u dhaco, ama aanu fadhiyinba, waxa dhaca in shaqaale badan shaqada laga fadhiisiyo ama la fasaxo, maxaa yeelay waxa yaraanaya baahidii bulsho ee wax iibsiga, shirkada iyo alaabta ay shaqaaluhu soo saaraan marka loo waayo suuq lagu iibsado. Seasonal unemployment: shaqo la’aanta ay sababto isbeddelka cimilada ee caalamku, waana marka ay jiraan isbeddelo cimileed tusaale ahaan sida baraf, kuleel sida Berbera wakhtiyadda xagaaga waxa la yareeyaa shaqaalaha halka wakhtiyada qabawga suuqu badan yahay shaqaale badanna loo baahdo tusaale ahaan goobaha cuntooyinka iyo cabitaanka ayaa ku xidhan isbeddelka cimilada, dhismayaasha ayaa istaaga wakhtiyada xagaaga, waxaanna yar dhaq-dhaqaaqa iyo fulinta mashaariicaha dawladda iyadoo lagu simo wakhtiyadda jiilaalka. Dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee shaqo la’aanta Markasta oo shaqo la’aantu badato waxa hoos u dhacaya cashuuraha dawladu hesho, waxaanna hoos u dhacaya mashaariicaha ay fulin jirtay iyada oo dawladu xooga saareyso shaqo abuur iyo shaqaaleysiin kala duwan. Marka dadka shaqeeyaa badan yihiin waxa kordhaya dhaqaalaha waddanka, waxaana kordhaya mashaariicaha ay dawladu fuliso ee kala duwan , marka dadka shaqeeyaa bataan waxa iyana bata kor u kaca waxbarashada iyo in dadku xooga saaraan innay aqoontooda sii laban laabaan. Sidoo kale haddii xaalada shaqo la’aantu badato waxa ay sababtaa tahriib, iskooxeysi iyo in jabhado bilaabmaan taasna waxa ay caqabad ku noqonaysaa dawladda oo awood badan iyo dhaqaale looga baahan yahay innay geliso sidii loo yareyn lahaa. Sidee ayaa haddaba shaqo ku helaysaa aniga aragtidayda? Shaqo: waa hawl la qabanayo oo ujeedo laga leeyahay, In shaqo la’aanta laga wado baxo maaha hawl fudud se waa mid kolba qayb laga bixi karo, waxaanay ku xidhan tahay xaaladda guud ee caalamka, xaalada guud ee halka aad ku nooshay, xaaladda guud ee dhaqan dhaqaale ee dalka aa degan tahay, haddaba haddii aad dooneysid innaad ka baxdid shaqo la’aanta ku haysa waxaa lagaaga baahan yahay in aqoontaadu tahay baahida suuqa taalla ama xirfadaada shaqo loo baahan yahay, haddii aannad xirfadda maanta loo baahan yahay aannad lahayn waxaad isku daydaa innaad baratid oo aad heshid xirfadaha shaqo ee loo baahan yahay. Aqoon: aqoontu waa garashada, waayo-aragnimadda, xaqiiqada, xirfadda, fahanka, casriga iyo cilmiga wax lagu beddelo, waa shayga maanta dunida iyo caalamkaba kala kaxeeyey ee midb meel gaadhsiiyey, waxa la isku erynayaa waa heerarka aqooneed ee la gaadhey, marka hore wax baro , aqoon kala duwan baro, adigoo markasta aqoontaada ku dabaqaya baahida suuqa ee shaqo ee loo baahan yahay, maanta aqoonta loo baahan yahay waa aqoonta xirfadaha iyadoo ta diiniga ahi tahay nolosha bilawgeeda haddana aqoonta labaad ee aad iyana ku shaqo tagi kartaa waa xirfado kala duwan oo aad yeelatid, markaad shaqeysatid ee aad dedaashid ayaad xafiis cad iyo kursi cad ku fadhiisan oo laguu shaqeyn doonaa ee taa niyada gali oo markiiba xafiis ha niyeysan eehalganka nolosha bilaw. Innaad shaqo diyaar u tahay:- marka hore naftaada ka dhaadhici innaad shaqodoon tahay, ama aad shaqeysan kartid, ha iskuna haleyn xoolaha waalidkaa, xoolaha saaxiibkaa ama walaalkaa waayo haddii aanad u shaqeyn iyaga oo ay biil ku siiyaan jooji oo shaqo iyo nidaam hal abuur ula tag. In shaqo doonka/raadiska la badiyo subaxkasta :- waa in la booqdo goobaha sida shirkadaha waaweyn iyo ururada kala duwan ee dalka ka wada shaqooyinka In aan Online/ habka fog oo kaliya aan shaqo laga codsan :- waa in loo tago shirkadaha waaweyn ee dalka maxaa yeelay shirkadaha dalka qaarbaan shaqooyinkaba aan xayaysiinba. Hal abuur cusub iyo hab cusub:- hal abuur cusubi oo aad keentid waxay abuureysaa innaad shaqo heshid tusaaale dhallinyarada keenay fikirka Dhaweeye maanta iyaka ayaa ku shaqeysta oo ka shaqeysta. Ku xidhnaanshaha Websiteyada:- ku xidhnaw goobaha iyo jariiradaha lagu baahiyo Shaqooyinka sida Somali jobs, Shaqodoon, SYG, iwm. In la la yeesho aqoonta waraysiga iyo imtixaanka:- waa in la fahmo qaababka wareysiga loo qaado. Aqoonta loo baahan yahay baro:- waa In aqoonta la baranayo ay noqoto ta loo baahan yahay ee baahideedu suuqa taalo. In aan la niyad jabin oo niyada la galiyo waad helaysaa shaqo:- waad heli kartaa shaqo, waad shaqaysan kartaa, waad gaadhi kartaa, waanad dhaafi kartaa kuwa shaqaysta. In shaqo loo diyaar garoobo :- waa in hurdada laga kaco, subaxkasta salaada ka dib la baxo, Alle la baryo ka dibna qorshe iyo qaab loo sameeyo sidii shaqo loo heli lahaa, haddii la waayo shaqo, waxaad samayn kartaa ganacsi ayaad abuuran kartaa, wax soo iibi wajaale ama dubai, ama chine u dirso, waxa aad is leedahay waa loo baahan yahay oo aad hubisay bilaw, waan ogahay in ay culus tahay in dhaqaale la hellaa se sikasta samee oo aad ku helli kartid, amaaho, waalidkaa la wadaag waata marka la tahriibaba la bixiyo kumanaanka kune. La xidhiidhka shaqaalaha shirkadaha: – waa Innaad asxaab ku yeelatid shirkadaha iyo hay’adaha kaas oo kula wadaagaya kolba wixii fursad ah ee jirta, ama si joogtaa ula xidhiidh qofka haysta qaybta shaqaalaha iyo soo dhaweynta si aad xog shaqo u waydiisid ama ay kuugu sheegaan in shaqo soo dhawdahay. Sammeyn fikir cusub :- ama in aad waddooyinka la martid boodh ah waxaan ahay shaqo doon iyo xirfadda aad leedahay taasi waa mid innagu yar se inta samaysaa waxay hellaan jawaab iyo shaqo U shaqee si mutadawacnimo:- haddii aad heshid meel aad ugu shaqeyn kartid mutadawacnimo bilaw haddii lagugu qanco waxaad noqon kartaa shaqaale joogto ah waxaanad heli doontaa gaadhi raac iyo nususaace. In shirkadaha cusub ee dalka imanaya isha lagu hayo:- shirkadaha cusub ee dalka imanaya ama la abuurayo haddii aad ogaatid waxaad haysata jaanis shaqo oo kuu dhaw, ha ka fogaan is barta, shaqo ka codso, in badan xafiiskooda booqo, haddii aanay shaqo hayn codsi “internship “ Mutadawacnimo, taasi waxay ku siineysaa fursad ah innaad shaqo heshid. Goobaha shaqooyinka lagu soo bandhigo oo la tago:- waddankeena waa ay ku yar-yihiin carwooyinka shaqadu se haddii aad ka war heshid ka shaqee oo ka wardoon goobahaas iskana diiwaan gali laga yaabaa in aad nasiib u yeelatid shirkad kuu baahan. La soco qaybaha dambe Farxaan Maxamed Xasan “ Rakad” Berbera farxaanmxd@gmail.com Qaran News