Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-09032020-ok-sax-.mp3 View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland oo shuruudo ku xidhay ganacsatada soo waarida dawooyinka. Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, oo u dhignaa sidan: Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo laga soo qaaday wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Cawar, oo Sabtidii isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in wasiirka diyaarad gaar ah ay gobalka ka soo qaaday islamarkaana ay gacanta ku haayaan hay’adaha ammaanka Soomaaliya ee Muqdisho. Wasiirkaan oo kamid ahaa masuuliyiinta horkaceyso dagaalkii Jubaland ee gobalka Gedo ayaa khilaaf uga soo tagay madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka amniga Jubaland, kuwaas oo ku sugan qayba kamid ah degmada Mandheera ee gudaha ee gudaha Kenya. Xubno xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in wasiirka uusan xor aheyn islamarkaana diyaarad gaar ah lagu soo qaaday, waxaana la sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaano marsiin doonto. Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin wasiirka isu soo dhiibay hase yeeshee maamulka gobalka Gedo waxay warbaahinta u sheegeen in wasiir Cawar uu isu dhiibay maamulka iyo ciidamada ammaanka. Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka uu iska soo dhiibay halka loo yaqaano Suufka ee Itoobiya xigta, ka dibna loo soo gelbiyay Degmada Doolow, oo iyana looga sii gudbiyay dhinaca Degmada Beled Xaawo. “Suufka oo dhanka Itoobiya ah ayuu iska soo dhiibay. Doolow Somaliya ayaa loo soo gudbiyay, Salaaddii Maqribka ayaana loo kaxeeyay Degmada Beled Xaawo,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.
  4. (SLT-Riyadh)-Qaar ka tirsan warbaahinada reer Galbeedka ayaa daaha ka qaaday xog cusub oo laga helay Amiiradii ay xidhay boqortooyada Sacuudiga maalmo ka hor, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan sababa keenay xadhigooda. Wargeyska Washington Post oo la hadlay qaar ka tirsan qoysaska ay kasoo jeedaan Amiirada la xidhay ayaa sheegtay in loo ogolaaday inay la xidhiidhaan qoysaskooda iyo ilmahooda. Waa markii ugu horreysay ee loo ogolaado inay xidhiidh la sameeyaan qoysaskooda tan iyo markii la xidhay Jimcadii lasoo dhaafay. Wargeyska oo sidoo kale soo xiganaya qoysaskaas ayaa qoray in Amiirada la xidhay ay u sheegeen qoysaskooda inay ku xidhan yihiin guryo si gaar ah loo leeyahay, isla markaana ayna ku xidhneyn xabsiyada dadweynaha, taasi oo mar kale dadka soo xasuusineyso Amiiradii iyo Ganacsatadii la xidhay sannadkii 2017, kuwaas oo lagu xidhay Hotelka The Ritz-Carlton oo ku yaalla magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga. Wargayska Washington Post oo soo xiganaya ilahaas qarsoon ayaa sheegay in Amiir Ahmed Bin Abdulaziz oo ah walaalka la dhashay boqor Salman Bin Abdulaziz iyo amiir kale oo ka tirsan maxaabista ugu caansan ee la xidhay ay qoysaskooda ka codsadeen in loo keeno dharka “Bisht” oo ah dharka caadada u ah inay xidhaan Amiirada Sacuudiga marka ay yeelanayaan kulamada, waxayna taasi muujineysaa suurtagalnimada inay kasoo hor muuqdaan shacabka inkastoo si qasab ah loo xidhaya. Washington Post ayaa qoray in xidhitaanka ilaa Afar Amiir oo caan ah, iyo 16 kale ay muujineyso go’aanka Mohamed Bin Salman oo ah inuu ka takhaluso cid kasta oo uu uga baqayo kursigiisa, wuxuuna qaaday tallaabooyin muujinayo kaaligii talisnimo tan iyo markii uu xukunka kala wareegay aabbihii sannadkii 2017. Wargeyska Wall Street Journal ayaa dhankiisa qoray in maamulka Sacuudiga ay sii daayeen dhawr Amiir oo ka tirsan kuwii lasoo xidhay kadib markii lagu sameeyey baadhitaan keenay in lagu waayo dhammaan waxyaabihii lagu tuhumayey. Wargeyska ayaa dadka lasii daayey sheegay inay kamid yihiin wasiirkii Arrimaha Gudaha Abdulaziz Bin Saud Bin Nayif iyo aabihii Saud Bin Nayif. Wakaaladda wararka ee Associated Press oo sii xiganeysa illo wareedyo Sacuudi ah ayaa sheegtay in Xadhiga Amiirada oo ay kamid yihiin Ahmed bin Abdulaziz oo la dhashay Boqorka, Dhaxal-sugihii hore Muhammad bin Nayef iyo Nawaf bin Nayef ay digniin culus u tahay dhammaan xubnaha kale ee ka tirsan qoyska Boqortooyada. Source
  5. Doorashadii kadhacday dalka sanaddii 2017 bishii February 8deedii waxaa ladoortay madaxweyne Farmaajo oo doorasho dalka kadhacday kaga guuleeystay musharraxiin badan oo latartamayay. Waxaa laga joogaa 3sano iyo laba bilood oo uu dalka madaxweyne kayahay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) Madaxweyne Farmaajo Jowhar oo ah caasimadda Hirshabelle State waxaa looga hiilliyay marar badan oo ay ugu horreysay oraahdii caan baxday ee aheeyd “Ar Farmaajo iigeeya” Marka laga soo tago dareenka ay shacabka Hirshabelle State u muujiyeen, waxaa xigay in dowladda Hirshabelle State ay noqotay maamul goboleedkii ugu horreeyay ee garab istaaga dowladda dhexe,markii dowlad goboleedyada dalka ay ka aragti duwnaadeen aragtidii uu dalka ku hogaaminayay madaxweyne Farmaajo. Waxay dadkeenu udhabar adeegeen duruufo amni, duruufo caafimaad,duruufo waxbarasho, wayna u dulqaadteen duruufo kasta ay kaa sugnaayeen in ay kahelaan dowladda aad hogaamiso ,iyadoo ay u dheertahay in marna uusan booqan madaxweynahoodii ay dareenka weyn u muujiyeen. Madaxweynow shacabkii Hirshabelle State inta aadan hogaanka dalka uqaban,abid uma soo wada bixin madaxweyneyaashii kaa horreeyay, waxaadna ahayd madaxweynaha kaliya oo ay usoo banaan baxeen. Madaxweyne xagga amniga waddadii udhaxeysay Caasimadda Jowhar iyo Muqdisho waxey ahaan jirtay mid si caadi ah loo maro,maantana duruufo amni ayaa ku geedaaman, shacabkeennii waxey na waydiinayaan sababta aan kaaga heli waynay garab istaagga aan isaga xureyn laheyn argagixisada dadkeena dhibaatada ku heysa. Madaxweyne gobalka Gado waxaa ka sokeeyay deegaannada Hirshabelle State waxeyna dhib ku qabaan qaswadayaasha kusoo duullaamay deegaannadeenii,goormeey Gado kadhawaatay Balcad oo 20Km ujirta Muqdisho ? Hadii aan la fariisanno dadkeennii waxey nagu yiraahdaan madaxweyne Farmaajo gobollada dalka wuu booqday, muxuu caasimadda Hirshabelle State ee Jowhar u awoodi waayay in uu nagu soo booqdo ? Shacabkeenu waa kuwa unugul dowladnimada waxeyna ku dadaaleen in aysan ka khuusan halka ay hiigsanayeen,waxeyna kaasugayaan jawaabta ay kaa mudnaayeen Madaxweyne. Jowhar-tii “Ar Farmaajo ii geeya” lagaa yiri in aadan wali booqan madaxweyne makaa mudneyd? W/Q: Hassan Abdulkhader Mudey AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muslim clerics have called upon the government to rethink its strategy and withdraw the Kenya Defence Forces (KDF) from neighbouring Somalia. Speaking to the Nation, Kenya Muslims National Advisory Council (Kemnac) chairman Sheikh Juma Ngao said Kenya should respect the Somali government and allow it to deal with its issues. “The ongoing tension between the two governments is affecting our brothers in the North-Eastern region. They (government) should rethink and bring our soldiers back home,” said Sheikh Ngao. He further urged the government to protect its own people instead of exposing them to danger. “If they are worried about Al-Shabab threats, then they should place the military on our borders, not inside neighbouring countries. Let them come and deal with the ones in Boni forest first,” he said. Khalid Abdi, a Muslim cleric, also commented on the regional crisis. “What is going on currently between the two governments is directly affecting the residents …The government should stop lying to us and resolve the matter. If it is a withdrawal of KDF, then they should undertake to do so,” said Mr Abdi. Another Muslim cleric, Hashim Gedi, placed the blame for the crisis in North-Eastern squarely on the government. “Our brothers are moving away from their own homes due to insecurity. I thought we are all patriots of this country, how can the government cause insecurity to its own people?” he asked. “We all saw what happened in Mandera. Our children are out of school after they transferred all the teachers. Most classrooms in the region are now empty” Mr Gedi added. “They are saying they are protecting Kenyans. But all we are seeing is the opposite of that.” The comments from the clerics come as tension in Mandera town entered its second week after two Somali military camps clashed in the neighbouring town of Bula Hawa, the effects of which spilt over into Kenyan soil. Somali President Mohamed Farmaajo is expected to meet President Uhuru Kenyatta at a date that is yet to be announced. This follows a meeting between Mr Farmaajo and Interior CS Fred Matiang’i’s delegation where he presented an invitation from Mr Kenyatta. View the full article
  7. (SLT-Yemen)-Maamulka Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Dowladda Sharciga ee dalka Yemen ayaa waxay ku eedeeyeen Dawladda Soomaaliya inay ku soo xadgudubtay Jesiiradaha yaryar ee Soqotra ee u dhexeeya Xuduud-baddeedka dalalka Yemen iyo Somalia, isla markaana kaabiga ku haya Kanaalka Guwardafuuy iyo Gacanka Cadmeed. Sida aan ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee almashhadalkhaleeji.com waxa uu Mas’uulka Maamulka Xuutiyiinta ugu magacaaban Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta, Axmed Daaris ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan Khaas ah oo ay Kooxdaasi shalay ku yeesheen Caasimadda dalka Yemen ee Sanca ee ay Kooxdaasi gacanta ku hayso. Faraca Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ee ay Xuutiyiinta maamulaan ayaa sheegtay inay DFS qabsatay, kuna soo xadgudubtay Madax-banaanida dhuleed ee Jesiiradaha Soqotra, si ay u noqoto goob cusub oo ay Somalia ka baari doonaan Shidaalka, waa sida hadalka loo dhigay. Shirka ay Guddiga Farsamada ee Kooxdaasi shalay ku yeesheen Sanca uu Shir-guddoominayey Mas’uulka ugu magacaaban Wasiirka Gaadiidka, Zakariya Al-shaami waxa lagu sheegay inay DFS ku soo xad-gudubtay Madax-bannaanida dhuleed ee dalka Yemem, waa sida hadalka loo dhigay. Kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta waxay kaloo soo hadal-qaadeen inay DFS doonayso inay QM ka ansiyaan, kana xaqiijiyaan Biyaha Gobalka iyo Jesiiradaha Soqotra, waa sida hadalka loo dhigay. Waxayna ka digeen inay arrintaasi dhaawici doonto Walaaltinimadad iyo Xidhiidhadda Derisnimo ee Yemen iyo Somalia. Dhinaca kale, qoraalka ka soo baxay Kooxda Xuutiyiinta Yemen waxay kaloo ku eedeeyeen Dawladda Soomaaliya inay soo degsatay ama soo Download-garaysatay Khariidada qeybaha Badda ee ay u aqoonsadeen qeybaha cusub ee Batroolka ee Jesiiradaha Soqotra waa sida hadalka loo dhigay. Waxay kaloo ku hanjabeen inay Sharciga Caalamiga la tiigsan doonaan haddii ay DFS ama Urur ama Shirkad kasta oo Caalami ah qaadaan fal kasta oo sharci-darro ah oo ku aadan arrintaasi. Shabakadda Wararka ee almashhadalkhaleeji.com waxay kaloo qortay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kooxda Xuutiyiinta loo idmaday inay QM iyo Xoghaayaha Guud ee QM, Antonio Guterres kala hadlaan Arrimaha Badda ee xadgudubyadda sharci-darada ee lagu carqaladaynayo Kontoroolka Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Yemen. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka weli kama aysan hadlin Eedeymaha Kooxda Xuutiyiinta ku sheegeen inay DFS qorsheynayso inay Shidaal ka baaraan doonaanJesiiraddaha Soqotra oo ka kooban 4 Jesiirad. Jesiiradahaasi waxay 240-KM dhanka Bari kaga toosan tahay Xeebaha Puntland ee Somalia, halka ay Jesiiradahaasi u jiraan dalka Yemen masaafo dhan 240-KM ee Koonfurta Gacanka Carbeed. Source
  8. (SLT-Addis Ababa)-Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa Dowladda Itoobiya ugu baaqday inay si degdeg ah u qaado xayiraada isgaadhsiinta Internetka iyo taleefoonka ee gobolka Oromada. Xayiraadan ayaa muddo laba bilood ah saarnayd waxaanay ka hor istaagtay qoysas badan inay wada-xidhiidhaan, iyo in xayiraadaasi ay khalkhal galisay adeegyo farabadan oo naf lagu badbaadin karayey ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda maanta Human Right Watch. Tan iyo bishii January 3, 2020, mas’uuliyiinta dawladdu waxay jareen xidhiidhkii Taleefanka gacanta, taleefannada Lanline-ka loo yaqaan, iyo adeegyada internet-ka ee galbeedka gobolka Oromada. Human Rights Watfh waxay sidoo kale sheegtay in dadka deegaano ay u sheegeen in internet-ka iyo adeega Baraha Bulshada in laga xidhay. Xayiraadan ayaa lagu soo rogay meelaha ay maamulaan milatariga dawladda Federalka ee Ethiopia, waxaana lagu soo waramayaa in meelahaasi milatarigu maamulo ay ka jiraan hawlgalo ka dhan ah garabka hubaysan ee la mamnuucay Jabhadda Xoreynta Oromo (OLF). Dhanka kale warbaahinta ayaa sheegaysa inay jiraan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal iyo xadhig tiro badan oo ay geysteen ciidamada dowladdu. Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Xayiraadahani ay saameynayaan adeegyada lagama maarmaanka ah, ee ay ka midka yihiin soo tebinta dhacdooyinka halista ah, iyo baadhitaanada xuquuqda aadanaha, waxayna halis gelin karaan sameynta xaalad bini’aadanimo oo sidii hore aad uga xun. Source
  9. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxa banaan Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan dood-wadaag si wadajir ah ugu qabtay magalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka dood-wadaaga ah ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Koonfur Galbeed waxa ayna su’aallo weydiyeen madaxda seddexda hay’ad ee u xilsaaran dhameeystirka dastuurka. Ugu horeyn, Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane Aaden Maxamed Xasan oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’antahay in Koonfur Galbeed ay ka qeyb qaadato dhameeystirka dastuurka Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ka jawaabayay su’aallo ay weydiinayeen ka qeybgalayaasha ayaa sheegay in bulshada rayidka aan looga maarmeyn dhameeystirka dastuurka. “Shacabka reer Koonfur Galbeed waa shacab aaminsan una baahan Dowlad Federal ah, waa sida kaliya ee ay xaquuqdooda u heli karaan, waxaa lagama maarmaan ah in shacabku doorkooda ka qaataan oo aysan Dastuurka ku helayn dowladda dhexe ama dowlad goboleed. Shacabka ayaa dastuurka leh ee ha ilaalshadeen hakuna dhaqmeen si loo kala badbaado.” Ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka. Ugu dambayn, qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ayaa waxa ay talooyiin ku saabsan qodobada masiiriga ah ee dastuurka ku jira la wadaageen hay’adaha u xilsaaran qabyo tirka dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. An oil price war triggered by the spreading coronavirus sent already anxious financial markets into chaos Monday, with stocks diving and crude prices collapsing in a worldwide panic that threatens a global economic recession. Source: Hiiraan Online
  11. Gudiga joogtaa ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ka shiray Arimo dhowra oo Baarlamaanka horyaalay maalmahaan iyadoo uu dhir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirshiid Yusuf [...] Source
  12. BRUSSELS (AP) — Concerned about the growing influence of China, Russia and the United States in close neighbor Africa, the European Union on Monday launched what it called a new “comprehensive strategy” for relations with a continent whose population is forecast to double by 2050. Source: Hiiraan Online
  13. Riyadh (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan warbaahinada reer Galbeedka ayaa daaha ka qaaday xog cusub oo laga helay Amiiradii ay xirtay boqortooyada Sacuudiga maalmo ka hor, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan sababa keenay xarigooda. Wargeyska Washington Post oo la hadlay qaar ka tirsan qoysaska ay kasoo jeedaan Amiirada la xiray ayaa sheegtay in loo ogolaaday inay la xiriiraan qoysaskooda iyo ilmahooda. Waa markii ugu horeysay ee loo ogolaado inay xiriir la sameeyaan qoysaskooda tan iyo markii la xiray Jimcadii lasoo dhaafay. Wargeyska oo sidoo kale soo xiganaya qoysaskaas ayaa qoray in Amiirada la xiray ay u sheegeen qoysaskooda inay ku xiran yihiin guryo si gaar ah loo leeyahay, isla markaana aysan ku xirneyn xabsiyada dadweynaha, taasi oo mar kale dadka soo xasuusineyso Amiiradii iyo Ganacsatadii la xiray sanadkii 2017, kuwaas oo lagu xiray Hotelka The Ritz-Carlton oo ku yaal magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga. Wargayska Washington Post oo soo xiganaya ilahaas qarsoon ayaa sheegay in Amiir Ahmed Bin Abdulaziz oo ah walaalka la dhashay boqor Salman Bin Abdulaziz iyo amiir kale oo ka tirsan maxaabista ugu caansan ee la xiray ay qoysaskooda ka codsadeen in loo keeno dharka “Bisht” oo ah dharka caadada u ah inay xirtaan Amiirada Sacuudiga marka ay yeelanayaan kulamada, waxayna taasi muujineysaa suurtagalnimada inay kasoo hor muuqdaan shacabka inkastoo si qasab ah loo xiray. Washington Post ayaa qoray in xiritaanka ilaa Afar Amiir oo caan ah, iyo 16 kale ay muujineyso go’aanka Mohamed Bin Salman oo ah inuu ka takhaluso cid kasta oo uu uga cabsanayo kursigiisa, wuxuuna qaaday tallaabooyin muujinayo kaaligii talisnimo tan iyo markii uu xukunka kala wareegay aabihiis sanadkii 2017. Wargeyska Wall Street Journal ayaa dhankiisa qoray in maamulka Sacuudiga ay sii daayeen dhawr Amiir oo ka tirsan kuwii lasoo xiray kadib markii lagu sameeyey baaritaan keenay in lagu waayo dhammaan waxyaabihii lagu tuhumayey. Wargeyska ayaa dadka lasii daayey sheegay inay kamid yihiin wasiirkii Arrimaha Gudaha Abdulaziz Bin Saud Bin Nayif iyo aabihiis Saud Bin Nayif. Wakaaladda wararka ee Associated Press oo sii xiganeysa illo wareedyo Sacuudi ah ayaa sheegtay in Xariga Amiirada oo ay kamid yihiin Ahmed bin Abdulaziz oo la dhashay Boqorka, Dhaxal-sugihii hore Muhammad bin Nayef iyo Nawaf bin Nayef ay digniin culus u tahay dhammaan xubnaha kale ee ka tirsan qoyska Boqortooyada.
  14. Somaliland iyo Midowga Yurub ayaa maanta kala sixiixday heshiis lagu hormarineed ka dib munaasaba lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, uuna goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Labada dhinac ayaa kala sixiixday heshiiskaan oo la sheegay in uu ku kacaayo 7milyan oo dollar waxaana labada dhinac u kala sixixiisay wasiirka arrimahagudaha xukuumadda Somaliand Maxamed Kaahin Axmed iyo ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicolas Berlanga. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa halkaas ka sheegay in heshiiskaan uu yahay mid muddo laga soo shaqeynayey, isla markaana lagu horumarin doono dhanacyada caddaalada iyo ciidamada Somaliland. Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa dhankiida sheegay in ururka Midowga Yurub uu kordhin doono mashaariicda uu ka fuliyo deegaanada Somaliland. Ugu dambeyn Maxamed Kaahin wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ururka Midowga Yurub uga mahad celiyey sida uu mar weliba u garab taagan yahay xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in heshiiskani uu xoojinayo wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac. Heeshiiska labada dhinac ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo Midowga Yurub uu horay u balan qaaday inuu deegaannada Somaliland uu ka fulin doono mashaariic lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. MOGADISHU (HOL) -Wanted Jubbaland Security Minister Abdirashid Janan whose month-long stay Kenya’s Mandera county has been the source of tension with Somalia has left the border town and arrived in Kismayu, HOL has learnt. Source: Hiiraan Online
  16. Maalqabeen muddo kooban ku khasaaray 2 bilyan oo doolar Andrew Rickman maanta wuxuu maamulaa shirkadda Rockley Photonics, oo gacan ka geysata soo saarista adeegyada casriga ah ee ay u baahan yihiin jiilka dambe Barnaamijka isbuuclaha ah ee The Boss, oo BBC-da ka baxa waxaa lagu wareystaa hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee guud ahaan dunida, kuwaas oo taariikhdooda lagu soo bandhigo. Isbuucan waxaan la hadalnay Andrew Rickman oo ah ganacsade hormuud ka ah dhinaca tiknoolojiyadda. Sideed dareemi lahayd haddii aad hal habeen gudihiisa ku weyso in ka bada £1.4bn (oo u dhiganta $1.81bilyan oo doolar)? Xaaladdaas waxay ku dhacday Andrew Rickman, dabayaaqadii sanadkii 2000. Xilligaas waxaa soo wajahay khasaare sababay in uu hoos u dhac weyn ku yimaado saamiyadii shirkaddiisa oo lagu magacaabo Bookham Technology. Mar qura waxaa soo ifbaxay shirkadaha bixiya adeegga internet-ka ee loo yaqanano “dotcom”, taasoo sababtay inay burburaan dhammaan shirkadihii waaweynaa ee suuqa heystay. “Waxay ahayd sidii khasaaraha hubka nuclear-ka,” ayuu yiri isagoo dib u xasuusanaya. Andrew wuxuu shirkadda Bookham aasaasay sanadkii 1998-kii, fikirkana wuxuu la yimid isagoo ku jira jikada gurigiisa oo ku yaallay Wiltshire, xilligaasna wuxuu ahaa 28 jir. Andrew wuxuu sheegay in hantidii uu horay u heysan jiray laga sheegi jiray wargeysyada UK Waxay shirkaddiisu durba noqotay mid ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee laga helo adeegyada tiknoolojiyadda iyo isgaarsiinta. Marka si fudud loo qeexo, wuxuu abuuray tiknoolojiyad sahleysay in xogta si dhakhso ah la isu gudbiyo iyadoo la isu marsiinayo leesarro iftiin ah iyo quraarado. Markii lasoo gaaray baqayaadaqii 1990-meeyadii, ganacsiga shirkaddiisa iyo iibkeeda ayaa kor u kacay, iyadoo guriyo badan lagu sii xirayay adeegga internet-ka, sidoo kalena telefoonnada gacanta lagu adeegsanayay Internet-ka uu sahlay. Xaaladdu waxay ahayd mid aad u fiican, ilaa heer ay shirkadda Bookham qiime sare ka saarto suuqa saamiyada ee UK, bishii April ee sanadkii 2000. Muddo labo bilood gudahood ah ayey ugu biirtay 100-ka shirkadood ee saameynta ugu ballaaran ku leh suuqa kala iibsiga saamiyada. Dhaqaalihii shirkadda ayaa cirka isku shareeray, Andrew, oo saamiga ugu weyn ku lahaana wuxuu noqday bilyaneerkii ugu horreeyay ee UK ee dhinaca tiknoolojiyadda. Wuxuu saadaaliyay in shirkaddiisa ugu dambeysay ee Rockley Photonics ay sanadkiiba iibin karto adeegyo ku kacaya balaayiin gini Warbaahinta ayaa billowday inay hadal heynta ugu ballaaran ka dhigtaan. Wariyeyaashu waxay aad ugu faraxsanaayeen inay akhristayaashaooda u sheegaan in ninkan uu ka maal badan yahay marka la isku daro hantida boqoradda Ingiriiska Elizabeth II iyo Sir Paul McCartney. Markii ay heerkii ugu fiicnaa mareysay Bookham, xagaagii sanadkii 2000, Andrew wuxuu heystay adduun lacageed oo ka badan £1.5bn. Laakiin markii uu dhacay khasaarihii dotcom bubble, dabayaaqadii isla sanadkaas, waxaa mar qura burburay saamiyadii shirkadda Bookham iyo hantidii Andrew. Arrintan waxay mar kale kusoo jeedisay warbaahinta, kuwaasoo markan baahinayay guuldarradiisa. “Si gaar ah ugama aanan fikireynin waxa ay warbaahinta iga sheegayeen,” ayuu yiri Andrew, oo hadda 59 jir ah. “Lacagtu ma ahayn muhiimadda, sababtoo ah waxay ku qorneyd kaliya wargeysyada. Inaan noqdo bilyaneerkii ugu horreeyay ee dotcom waxay ila ahayd riyo”. Andrew now employs a team which keeps a close eye on economic and industry trends Hoos u dhaca shirkaddiisa waxaa horseeday in dhammaan macaamiishii ku xirneyd ay u weecdeen shirkadaha mowjadaha ahaa ee la yimid adeegyada internet-ka ee raqiiska ah. Halkaas waxaa ku burburay ku dhawaad 2 bilyan oo doolar oo ku jiray ganacsiyadii shirkadda. Laakiin nasiib wanaag, Andrew wuxuu xilligaas heystay £50 malyan oo gini, oo bangiga ugu jirtay, taasoo uu si tartiib tartiib ah dib ugu abuuri karay ganacsigiisa. Ugu dambeyn wuxuu shierkaddiisii hore faraha kala baxay sanadkii 2004-tii, wuxuuna billaabay xirfad cusub oo ah inuu maalgashado tiknoolojiyadda. Markii lasoo gaaray sanadkii 2013-kii wuxuu billaabay shirkaddiisii ugu dambeysay – Rockley Photonics. Adnrew wuxuu saadaaliyay in shirkaddiisa ugu dambeysay ee Rockley Photonics ay sanadkiiba iibin karto adeegyo ku kacaya balaayiin gini, ayna heer aad u sarreeya sii gaareyso. Qaran News
  17. PRESS RELEASE University of The Free State: Partnership and Research the Keys to Africa’s Future The economic indicators show that the South African economic climate will remain challenging for the foreseeable future BLOEMFONTEIN, South Africa, March 9, 2020/ — University of The Free State (https://www.UFS.ac.za/) Vice Chancellor Profesor Francis Petersen has called for stronger ties between the higher education sector and industry in order to create South African entrepreneurial success stories during the fourth industrial revolution. In an interview with AfricaLive.net (http://bit.ly/2TJDTzO), Prof. Petersen highlighted the need for South Africa to adapt to new technologies, improve its entrepreneurial success rate, and to foster innovation in the agribusiness sector. The fourth industrial revolution can be defined as the impact of advances in computing, workplace automation, artificial intelligence, robotics, genetic engineering and other emerging technologies. The impact on emerging markets will be significant, and Prof. Petersen sees the role of universities as preparing economies for the future while assisting and safeguarding the current workforce; “It is not merely about the new jobs that will be created, but also about considering those who are currently working” Petersen says. “There is a need to look at the effect the fourth industrial revolution will have on them as well. Whenever I am faced with the question of what we are doing to ensure readiness, I highlight two key things that we are currently focused on. One is the future world of work, and the second is the digital environment. “Most of our research projects are driven by these two areas. Agriculture is also a key topic that is related to these two areas, whereby we centre our research on how the current digital environment can help improve our agriculture. This research can be used to inform the future world of work.” Relationship between research and commerce In order to inform the future world of work effectively, Prof Petersen and the University of The Free State (UFS) see strengthening the relationship between higher education and industry as vital. “The relationship between industry, private sector, and commerce is emphasised in whatever we do. We work to ensure that the research does not end up gathering dust on library shelves, but is used to better society. As a higher education institution, we are prepared to sit at the table with other stakeholders such as the private sector and the public sector. “All this is embedded in our vision which is translated into a strategic plan, as well as our integrated transformation plan. In a nutshell, we want to be seen as an institution that is a thought leader producing quality graduates and paying its dues to the cause of social justice. “We want to make sure that the next generation of graduates that leave our institution are not self-centred, and feel the need to uplift others. “We have created what is known as the industrialisation group within our institution. The group is designed to focus on three areas – the first is an industry focus on our academic programmes which entails our students and some staff members meeting with industry officials regularly. This fosters an ecosystem where the relationship between academia and industry becomes easy. The establishment of fifty-five advisory boards across various schools in the university helps us cement our relationship with industry.” Building Synergies The Key to Africa’s Future The economic indicators show that the South African economic climate will remain challenging for the foreseeable future. The numbers are particularly damning in relation to entrepreneurship, with a small business failure rate of over 80% within the first three years. UFS prepares all students for the realities of running a small business, as Prof. Petersen explains “Our approach to tackling this is systematic. We feel that there is a need to understand what entrepreneurship and innovation is. All our first-year students are, therefore, exposed to a module on entrepreneurship to sensitise them. We then have programmes that absorb students that remain interested in entrepreneurship after their first year. These programmes see people in the industry, who have set up start-ups, mentor our students. We also have a financial student incubator where students are exposed to modules on financial planning and business. The incubator provides a platform for entrepreneurs that had some failed ventures, to speak to our students on where they went wrong in their businesses. “The support we lend to start-ups is therefore mostly related to business knowledge, with our focus mainly on sharing information on the requirements and what it takes personally to start and run a business. One of the biggest challenges facing start-ups, especially those that deal with government, is cash flow problems. Government projects face payment delays that affect their ability to execute new projects. If the payment delays persist, cash flow is affected which ultimately compromises the business. We therefore, have a role to play in creating awareness of the need for capital inflow sustenance.” For South Africa and the African continent to fulfill its potential, however, Prof. Petersen repeats his call for a collaborative approach and for the further efforts to drive collaboration between stakeholders; “The message I would like to send out to all stakeholders is that Africa has a bright future. This future will only be realised if stakeholders come together in a bid to build synergy”. “The keys to our development are partnerships, collaboration, and framing our key foci for our continent. We may not get a full consensus on what we should focus on, but we can all find common ground.” Partnership and Research Opportunities at UFS As the University continues to prepare South Africa for the challenges of the future, there are opportunities for both the private and public sector to form partnerships around the following critical areas of development. Agribusiness Agriculture dominates the landscape of the UFS’s home province, with the majority of its residents living in rural and farming areas. The Free State is often called the ‘breadbasket’ of South Africa, as more than 70% of the country’s grain is produced here. Over the past six decades, the UFS has made a crucial contribution towards establishing and maintaining this status and continues to explore and develop innovative farming techniques to work towards food security and the sustainable use of natural resources. With its Agribusiness Transformation Programme, the university has joined forces with the public and private sector, leveraging existing expertise, skills, and infrastructure to develop black commercial farmers and sustainable black-owned agribusinesses in the province. Not only are these farmers given practical exposure to the very latest developments in farming methods and technology transfer – they are also instructed in entrepreneurial skills. The Faculty of Natural and Agricultural Sciences is widely acclaimed for its ongoing efforts towards improved food security in Africa through the genetic improvement of staple crops. In its Department of Plant Sciences, seeds are developed with an inherent resistance to disease, as well as genetically ‘built-in’ higher levels of iron, zinc, provitamin A, and essential amino acids. This is all done through conventional techniques with no genetic engineering, leading to better nutritional value and the alleviation of mineral, vitamin, and protein deficiencies. Indigenous knowledge and health products The UFS subscribes to the conviction that indigenous knowledge systems represent an important component of global knowledge when it comes to development issues. The Department of Pharmacology focuses specifically on integrating indigenous knowledge systems with the pharmacology of medicinal plants. The UFS is the first and only university in South Africa to be issued and granted a research permit for cannabis and is seen as the leader in pharmacological research and product development of cannabis in Southern Africa. Research work on the use of cannabis in treating drug-resistant cancers has been widely recognised and awarded. Researchers in Plant Sciences on the UFS Qwaqwa Campus in the Eastern Free State also contribute to the expansion of indigenous knowledge systems with their work on the antibiotic, antioxidant, and antidiabetic working of local indigenous plant species. Fostering Entrepreneurship South Africa’s economy strains under an unemployment rate of around 30%. The UFS wholeheartedly supports the notion that entrepreneurship has a vital role to play in combating unemployment and preparing young job seekers for the ever-evolving world of work. Equipping students with an entrepreneurial mindset is therefore a high priority, with ‘entrepreneurial thinking’ one of the university’s key graduate attributes. Towards this end, the UFS has a unique approach in using its compulsory module, UFS 101, to expose all its students to aspects of entrepreneurship. Students from all faculties and study fields learn about the nuts and bolts of starting a business in their respective industries, marketing their skills through online platforms, and showcasing their work by creating their own websites. The UFS Business School has developed diverse initiatives and training programmes specifically aimed at entrepreneurial enterprises. The Centre for Business Dynamics reaches out to the business sector, helping companies to stay competitive by bridging the gap between existing skills and those required by each industry. Short courses in entrepreneurship are among the tools they use to do this. The UFS Student Business Incubator provides practical impetus to students with business ideas, while initiatives such as Young Entrepreneurs and a UFS chapter of Google’s Startup Grind U further stimulates entrepreneurial thinking. Climate Change Research In the light of growing global concern about climate change, the Department of Soil, Crop, and Climate Sciences plays an increasingly critical role in the African research endeavour in this field – through teaching and learning, academic research, and the provision of community services in the soil-plant-atmosphere continuum. The focus is on investigating the effect of weather and climate on crops, trees, grasslands, and livestock production systems. With climate change increasingly becoming the key driver shaping agricultural systems – air, water, and heat transfers as related to biomass development – are studied in agricultural environments, including the socio-economic consequences for farmers and other decision-makers. Agrometeorological services, such as early warnings, irrigation scheduling, microclimate manipulation, and weather forecasts, are developed to cope with a changing and increasingly variable climate. Technology-driven healthcare training The very latest technology in clinical simulation and virtual reality is used by the Faculty of Health Sciences to train specialists in various fields. Students can be exposed to a whole range of simulated medical emergencies, with the huge advantage of improving patient safety and reducing complications and mortality rates. This technology enables training surgeons to practise complicated medical procedures as often as needed and offers far greater precision in assessing students’ practical work. The Cardiac Simulation laboratory situated in the Faculty of Health Sciences on the Bloemfontein Campus, is the only one of its kind in Africa. It forms part of the university’s distinguished cardiothoracic programme, which is designed to become a training hub for the whole of Southern Africa, combining distance learning with an on-site high-fidelity simulation and assessment centre. Distributed by APO Group on behalf of University of The Free State. View multimedia content SOURCE University of The Free State Qaran News
  18. Sanca (Caasimada Online) ― Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen ayaa digniin adag u dirtay Dowladda federaalka ee Soomaaliya, sida lagu baahiyey mareegta warbaahintooda. Sida lagu baahiyey Shabakada Xuutiyiinta ee Almashhad-Alkhaleeji, Xuutiyiinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ku xad-gudubtay Jaziiradaha yar ee dalkaas ee loo yaqaano Soqotra, si ay uga dhigato goobo cusub oo laga sameeyo shidaal baaris. Guddigga Farsamada ee qeexaya xudduudda Jamhuuriyadda Yemen ee hoos tago Kooxda Xuutiyiinta ayaa kulan ay shalay yeesheen waxay uga hadleen xudgudubkan oo ay sheegeen inay Dowladda Soomaaliya ku sameysay xuduudaha dalka Yemen. Xuutiyiinta ayaa si cad u sheegay in Dowladda federaalku ay sameysay xad-gudub ka dhan ah khayraadka dalka Yemen, isla markaana ay si badheedh ah ugu soo talaabtay Jasiiradahaasi oo ku yaala xuduud badeedka u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya. Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta ugu Magacaaban Xuutiyiinta, Axmed Daaris ayaa sheegay in aan marnaba laga aqbaleyn Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sameyso xad-gudub noocaasi ah, sida laga soo xiganayo Wakaalada wararka ee Xuutiyiintu maamulaan. Wasiirka ayaa si adag ugu digay arrinkaasi Madaxda dowladda federaalka, kaasi oo ay Xuutiyiintu u arkaan xad-gudub ka dhan ah xuduudahooda iyo weliba khayraadkooda. Kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta ayaa sidoo kale xusay in dowladda federaalku ay doonayso inay Qaramada Midoobay ka ansixiyaan, kana xaqiijiyaan Biyaha Gobalka iyo Jasiiradaha Soqotra. Waxa sidoo kale Madaxda Xuutiyiintu sheegeen in sharciga la tiigsan doonaan dowladda federaalka oo ay sheegeen inay soo degsatay Khariidada qeybaha Badda ee ay u aqoonsadeen qeybaha cusub ee Batroolka ee Jaziiradaha Soqotra. Jaziiradaha Soqotra oo gaaraya Afar ayaa waxaa ay 240-KM dhanka Bari kaga toosan yihiin Xeebaha Puntland ee Soomaaliya, halka ay Jaziiradahaasi u jiraan dalka Yemen masaafo dhan 240-KM ee Koonfurta Gacanka Carbeed, waxaana la rumeysan yahay inay yihiin goobo laga heli karo Shidaal. Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ku aadan eedeynta iyo digniinta ka dhanka ah ee Kooxda Xuutiyiintu ee Yemen u soo jeediyeen.
  19. Wafdi Ganacsato iyo Hay’ado Dowli ah isugu jira oo Reer Jabuuti ah ayaa maanta booqasho waxay ku yimaadeen Dekada Garacad ee Dhismeheedu socdo. Ujeedada Wafdigaan [...] Source
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta waxa uu madaxtooyada maamulkiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee danjire James Swan. Madaxweyne Deni ayaa kulanka ka dib waxa uu warbaahinta uga warbixiyay arrimihii uu kala hadlay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada soo aaddan ee Soomaaliya, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland. Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhinacyada badan leh ee ay siiso Puntland. Dhamaadka sanadkaan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho, waxaana xusid mudan in Puntland ay ka hortimid sharciga doorashooyinka ee uu saxiixay Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dhoobley (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta mar kale safar ku tagay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, xilli Jubaland ay waddo qorshe ay ku kordhineyso ciidankeeda Safarka madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa ku weheliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Jubaland iyo sarakiisha ciidamada kala duwan ee maamulkaas. Ujeedada madaxweynaha Jubaland ee magaalada Dhoobley ayaa lagu sheegay inay tahay dar-dar gelinta ciidamo lagu tababarayo halkaas oo ka mid ah kuwa Jubaland. Axmed Madoobe ayaa safarkii kan ka horeeyey ee uu ku tagay Dhoobley waxa uu tababar ciidan ugu soo furay xero ay dhowaan halkaas ka hir-gelisay dowlad goboleedka Jubaland. Axmed Madoobe oo maalmo ka hor soo gaabiyay safar shaqo oo uu Dhoobley ku joogay ayaa magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay kal-fadhiga labaad ee baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad meelo badan taabaneyso oo uu ku dhaliilay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Axmed Madoobe wuxuu inta uu joogo magaalada Dhoobley kula kulmi doonaa saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee deegaanka. Safarka Axmed Madoobe ee Dhoobley ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan tahay xiisaddii u dhaxeysay ciidamada Jubaland iyo kuwa ay dowladda Soomaaliya geysay qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Mamaulka Jubaland ayaa dhowaanahay kordhiyey ciidamada ay qoranayaan xilli xiisadda kala dhaxeysa dowladda dhexe ay isku rogtay mid dagaal.
  22. Ganacsatada yaryar ee Kabarleeyda suuqa Garoowe, ayaa Golaha Wakiilada Puntland u gudbiyay, cabasho ay ka muujiyeen Canshuur laba-jibbaaran oo ay ku soo rogtay Dowladda Hoose ee Garoowe. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo Isniinta maanta ah dood dheer ka yeeshay Cabashada Ganacsatadu ka soo gudbiyeen Dowladda Hoose, ayaa isku raacay in Cabashadaas wax laga qabto, sida ku cad Qoraal ka soo baxay Baarlamanka. Kulanka Guddiga Joogta Golaha Wakiillada Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Gudoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibril, ayaa lagu go’aamiyay in loo yeero Mas’uuliyiinta Degmada Garoowe, si wax looga weydiiyo Cabashada ay soo gudbiyeen Ganacsatada. Ganacsatada Kabarleyda ah ee Suuqa Garoowe, ayaa Sabtidii shaqa-joojin sameeyay, kadib markii sida ay sheegeen Dowladda Hoose ee Garoowe ay ku laba-jibbaartay Canshuurta Sannadlaha. Ganacsatada suuqaas, ayaa sheegay in sannadkan 2020-ka ay Dowladda Hoose laba-jibbaar ku kordhisay Canshuurta sannadlaha, islamarkaana halkii Miis oo keliya la canshuuray lacag dhan $102 oo Dollar. Sidoo kale, waxay sheegeen in Dowladda Hoose ay handadaad ku samaysay Ganacsatada danyarta ah ee suuqa, kuwaasi oo qaarkood xabsiga la dhigay, kadib markii ay awoodi waayeen, in ay bixiyaan canshuurta xad-dhaafka ah ee lagu kordhiyay. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Degmada Garoowe oo looga yeeray Baarlamanka kadib markii Cabasho laga soo gudbiyay appeared first on Puntland Post.
  23. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo maanta ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaanka Bariire iyo tuulooyinka ku xeeran ee gobolka Sh/ Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu xaqiijinayey amniga, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan baaritaanadooda, inta laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaankaasi. Bariire ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  24. Ergeyga Haarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Farowe waxayna kulmeen Madaxweyne Deni. Masuuliyiinta aya waxay kawada hadleen Xaalada Soomaaliya ay ku sugan [...] Source
  25. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta waxa uu mar kale gaaray magaalada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose halkaasi oo uu dhowaan ka soo laabtay. Socdaalka Axmed Madoobe ee magalaadaasi ayaa waxaa ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo qaar ka mid ah saraakiisaha ciidamada maamulkaasi. Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu Dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland. Axmed Madoobe waxaa inta uu ku sugan yahay Dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaasi. Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa maalmihii dambe dhaqdhaqaaqyo ciidan waxa uu ka waday qeybo ka mid ah gobalka Jubbada hoose, maadaama gobalka Gedo gacantooda ay ka baxday. Goobjoog News Source: goobjoog.com