-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The UN refugee agency, UNHCR, has welcomed Somalia’s official deposit of the instruments of ratification of the African Union Convention for the protection of internally displaced persons (IDPs) to the AU Commission in Ethiopia. Johann Siffointe, UNHCR Somalia representative, said the latest move shows progress made by the government to find durable solutions for displaced citizens in the country. “IDPs are among the most disadvantaged and vulnerable people in Somalia. They face significant inequality leading to exclusion and lost opportunities. Poverty and rates of unemployment among IDPs are among the highest in the country,” he said in a statement issued in Mogadishu. According to the UNHCR, there are 2.6 million Somali women, girls, boys and men internally displaced from armed conflict and natural disasters. “Today’s action is another signal of the strong commitment of the government of Somalia to work towards the establishment of a conducive protection environment for the fourth largest IDP population in the world,” said the UN agency. The Convention, known as the Kampala Convention, was signed on November 26 last year by Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo after being passed with a near-unanimous vote by parliament. The Horn of Africa nation is the 30th African Union Member State to ratify the convention since 2009. “This deposit of the instruments of ratification shows even more progress by the Somali government to realize pledges made in December’s Global Refugee Forum focused on finding durable solutions for displaced citizens in the country,” Siffointe said. UNHCR expressed its readiness to support the government of Somalia in the implementation of the Kampala Convention, including incorporating their obligations under this treaty into domestic law by enacting or amending relevant legislation on the protection of, and assistance to, IDPs in line with international law obligations. The Kampala Convention, which was adopted in 2009 by Africa’s 55 states, is the world’s first and only regional legally binding instrument for the protection and assistance of IDPs, who often face heightened risks, violations and sexual violence because of their displacement, while they struggle to access their rights and basic protection. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay gobolka Gedo ee u dhaxeeyey ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland. Siyaasi Daahir Maxamuud Geelle ayaa dagaalkaas ku tilmaamay inuu yahay dagaal sokeeye, loona baahan yahay in khilaafka dalka ka jiro lagu xaliyo wadahadal. Daahir Geelle ayaa sidoo kale si weyn u dhaliilay siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ay ku maamuleyso dalka, wuxuuna ku eedeeyey inay weerareyso cid kasta oo ka aragti duwan. “Dalka waxaa ka dhacaya waa dagaal sokeeye, waayo dagaalka ka dhex dhaca wadan hal calan leh waa dagaal sokeeye,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. Daahir ayaa sheegay inay qalad tahay in ciidamo aan mari Karin wadada Afgooye iyo Balcad loo daabulo deegaan aad u fog sida gobolka Gedo. ”Ciidan aan wadada Afgooye mari-karin oo tan Balcad aan aadi karin Gedo lama geeyo Dayuurad inta lagu qaado, ”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle. Hadalka Wasiirkii hore ee warfaafinta ayaa kusoo aadayo xilli ay xiisad ka taagan Gobolka Gedo kadib markii uu dagaal Magaalada Beled Xaawo ku dhex maray Ciidamada ay Dowladda halkaas diyaaradaha ku geysay iyo kuwa Jubbaland.
-
The African Union has called on Kenya and Somalia to resolve their disputes amicably and urged restraint following close to a month-long row. The AU Commission chairperson Fousa Mahamat in a statement Saturday urged the two countries to exercise restraint and give room for dialogue. “The Chairperson of the Commission appeals to all stakeholders to exercise calm and utmost restraint, and encourages the two countries to resolve their differences through dialogue,” the statement read in part. Mahamat’s remarks come amid tension in the border town of Mandera despite talks between Presidents Mohamed Farmaajo and Uhuru Kenyatta Wednesday. Mandera Governor Ali Roba warned of escalating tension in the border town Friday noting Jubbaland soldiers were still roaming freely in the town. A statement released by Villa Somalia Thursday noted the leaders of the two countries had spoken on phone Wednesday night and resolved to handle the border issues. It added the leaders agreed to form a joint commission to address the disputes. Both Kenya and Somalia have traded accusations in the last two weeks. Somalia pointed fingers at Kenya over what it termed as intrusion and encroachment but Kenya dismissed the claims and later warned Somalia of ‘provocation’. View the full article
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salman ayaa xiray saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya qoyska boqortooyada, oo ay ku jiraan boqorka walaalkiis iyo dhaxal-sugihii hore. Xubnaha la xiray ayaa waxaa ugu sarreeya Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, kaasi oo mar loo arkay rajada boqortooyada iyo inuusan ogolaan in Maxamed bin Salmaan uu la wareego kursiga. Waxaa sidoo kale la xiray Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, kaasi oo xiriir wanaagsan la lahaa sirdoonka Mareykanka intii uu xilka hayey. Waxaa sidoo kale la xiray walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef. Al-Jazeera ayaa soo daabacday shan arrin oo laga yaabo in midkood ay keentay in la xiro Seddexdaan qof. 1 – Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in xariga Bin Axmed Bin Cabdulcasiis iyo Maxamed Bin Nayif uu xiriir la leeyahay isku day ay ku doonayeen inay ku afgambiyaan xukunka Maxamed Bin Salman iyo boqortooyada. Wargeyska ayaa xusay in Boqortooyada ay labadaan kusoo eedeysay qiyaano weyn, oo laga yaabo inay ka dhalato daldalaad ama xabsi daa’in. 2 – Falanqeeyaasha qaarkood ayaa meesha ka saaray inuu jiro iskuday amgambi. Qoraa iyo cilmi baare siyaasadeed oo lagu magacaabo Ali Nasser Al-Din oo wareysi siiyey Al-Jazeera ayaa sheegay in xariga Amiir Axmed Bin Cabdulcasiis iyo Maxamed Bin Nayif uu yimid kadib markii ay ka hor yimaadeen isbadalada uu sameeyey Maxamed Bin Salman. 3 – Wakaaladda Wararka ee Reuters oo kamid ah warbaahinadii ugu horeeyey ee qoray xariga seddexdaan shakhsi ayaa sheegtay in ilo wareedyo ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga ay u sheegeen in xarigaan uu yimid kadib markii ay isku dayeen inay wax ka badalaan qaabka dhaxaltooyada, iyagoo aaminsanaa in Amiir Axmed uu yahay qofka mudnaanta u leh dhaxaltooyada, maadaama uu heysto rabitaanka Qoyska Boqortooyada, Ciidamada Amniga iyo Reer Galbeedka qaarkood. 4 – Arrinta afaraad ee loo maleenayo inay keentay xariga xubnahaan ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah inay isku dayeen in xabsiyada laga sii daayo xubnaha qoyska ka tirsan ee u xiran Amiir Maxamed Bin Salman, waxaana la sheegay inay aad ula murmeyn amiirka markii ay arrintaan kala hadlayeen taasoo keentay in la amro xarigooda. 5 – Arrinta Shanaad ee ugu dambeyso ee lala xiriiranayo xarigooda ayaa ah inay labadaan shakhsi ka hor yimaadeen go’aanka lagu xiray Xaramka halka ay sheegeen inay sii socdaan xafladaha madadaalada iyo fiisayaasha dalxiiska, iyagoo xusay in tallaabadaan ay keeni karto qatar kaga imaan karto wadamada Islaamka, maadaama aysan suurtagal aheyn in la fiirsado Xaramka Alle oo faaruq ah sabab la xiriirta in dadka loo diiday. Arrintaan ayaana la sheegay inuu Bin Salman u qaatay afgambi isaga ka dhan ah taasna ay sababtay in lasoo xiro. Bil Salman ayaa lagu tilmaamay inuu yahay hoggaamiye kaliya rumeysan awood isla markaasna aysan xisaabta ugu jirin inuu dalka ku maamulo sidii boqoradii ka horeeyey oo ahaa kuwa isku miisaamo arrimaha taagan iyo waxa ka dhallan kara.
-
U.S. says airstrike in Somalia killed one Al-Shabaab member
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
One militant was killed in a U.S. airstrike in Somalia on Thursday, conducted in collaboration with Somali forces, the U.S. Africa Command said in a statement on Friday. Africom said its assessment shoed that no civilians were killed or injured in the airstrike. “Al-Shabaab’s leadership recently reiterated its primary focus of attacking American and Western targets beyond Somalia’s borders. Al-Shabaab remains fully committed to exporting violence,” said U.S. Army Brig. Gen. Miguel Castellanos, deputy director of operations, U.S. Africa Command. “We support the international security assistance model in Somalia. Our support, coupled with other international partners, restricts that ambition as the Somali forces continue to grow in capability.” Africom said it would also pursue other solutions than military action to achieve stability in the Horn of the African nation. “U.S. Africa Command’s security cooperation efforts are closely linked with the U.S. Embassy in Somalia’s political and economic initiatives targeting the root causes of instability,” the agency said. U.S. forces, African Union troops and other forces are deployed in Somalia with the aim of ridding the Horn of the African country of the threat of terrorism. The forces have made gains and forced the militants out of major towns, though they still manage to stage attacks especially using suicide bombers. While the U.S. initially engaged the militants minimally, President Donald Trump granted broader authority to carry out strikes after coming into power. View the full article -
The United States, through the U.S. Agency for International Development (USAID), is providing an additional $10 million in humanitarian assistance to support regional operations to control locusts in Ethiopia, Kenya, and Somalia. This announcement brings the U.S. government’s regional humanitarian response to the locust outbreak to $19 million. By helping to reduce the size of the swarms, this aid is expected to have a positive impact on affected communities in Ethiopia and throughout the Horn of Africa. The current outbreak of desert locusts is the worst to hit East Africa in decades. Billions of pests are infesting the region, eating their way through vegetation and livestock pastures. The new funding will support locust detection, surveillance, and control operations across the region, which include ground-based and aerial efforts. These programs are critical to mitigating a potentially larger impact on people’s ability to earn a living and provide food for their families in the future. USAID has disaster experts in Ethiopia and throughout the region who are assessing humanitarian needs and coordinating response efforts with local governments and humanitarian organizations. They will work closely with these groups to determine whether additional assistance is necessary, based on needs and impact assessments made on the ground. In addition to supporting the immediate locust control efforts, the United States also provides long-term funding to protect food security and livelihoods for the people of Ethiopia and affected areas in East Africa, as well as to strengthen countries’ capacity to detect, surveil, report, and monitor locusts and other agricultural pests. The United States is the largest bilateral donor to Ethiopia and has invested approximately $4 billion in development and humanitarian assistance over the past five years to help people across the country lead healthier and more prosperous lives. View the full article
-
Ganacsatada Kabarleeyda ah ee Suuqa Bacadlaha Garoowe, ayaa maanta oo Sabtiya shaqa-joojin sameeyay, kadib markii sida ay sheegeen dowladda hoose ee Garoowe ay ku laba-jibbaartay Canshuurta Sannadlaha. Ganacsatada suuqaas, ayaa sheegay in sannadkan 2020-ka ay dowladda hoose laba-jibbaar ku kordhisay Canshuurta sannadlaha, islamarkaana halkii Miis oo keliya la canshuuray lacag dhan $102 oo Dollar. Sidoo kale, waxay sheegeen in dowladda hoose ay handadaad ku samaysay Ganacsatada danyarta ah ee suuqa, kuwaasi oo qaarkood xabsiga la dhigay, kadib markii ay awoodi waayeen, in ay bixiyaan canshuurta xad-dhaafka ah ee lagu kordhiyay. Ganacsatada ayaa tilmaamay, in subax walba dowladda hoose ay suuqa keento gaari Shabaqle ah oo askar hubaysan saarantahay, kaasi oo xabsiga u daabula Ganacsatada awoodi-waaya in ay bixiyaan Canshuurta lagu kordhiyay. Dhinaca kale, Ganacsatada ayaa cabasho ka muujiyay Sarrifka Dollarka oo baaxa-degaya, kaasi oo sare u kac ballaaran ku keenay qiima Maciishadda. PUNTLAND POST The post Ganacsatada suuqa Bacadlaha Garoowe oo ka cabanaya Canshuuro lagu kordhiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ayaga ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo iskaashanaya ay dileen Bashiir Maxamed Qoorgaab, oo ahaa abaanduulihii kooxda Al-Shabaab. Qoraal ay soo saareen Ciidanka Xoogga Dalka, laguna baahiyey warbaahinta dowladda, ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe, 22-kii Febraayo. Qoraalka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab uu sidoo kale ahaa madaxii howl-gallada Al-Shabaab ee Kenya, iyo Xubin ka mid ah golaha fulinta Al-Shabaab, uuna sidoo kale mas’uul ka ahaa weerarada xeryaha ciidamada. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in “dilka Bashiir Maxamed Qoorgaab ay ku suurta-gashay iskaaashi ay sameeyeen sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan taliska cidamadda Mareykanka ee Africa ee Africom. AFRICOM weli ma aysan shaacin inay dileen Bashiir Qoorgaab, hase yeeshee waxaa jiray qoraal ay soo saareen 25-kii Febraayo oo ay ku sheegeen in duqeyn ay fuliyeen 22-kii Febraayo lagu dilay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay ee Kenya, iyo xaaskiisa oo sidoo kale xubin ka ahayd Al-Shabaab. “Waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo agaasinka howl-gallada argagixiso ee xuduudda Kenya, oo uu ku jiro howl-galkii lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM. Qoraalkaas laguma shaacin magacyada dadka la dilay. Si kastaba, waxaa lagu muujiyey in hoggaamiyaha la dilay uu xil sare ka hayey Al-Shabaab. Taliska AFRICOM ayaa inta badan muddo ay ku qaadataa inay shaaciyaan magacyada xubnaha la yaqaan ee Al-Shabaab ee ay dilaan, haddiiba ay dhacdo. Warka ku saabsan dilka Qoorgaab ayaa imanaya ayada oo sirdoonka Soomaaliya ay dhowaan shaaciyeen in laga qaaday xilalkii uu ka hayey Al-Shabaab. Qoraal ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay 3-dii Febraayo soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada. NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Somtel ayaa soo dhaweeysay in baarlamaanka Somaliland ay ka noqdeen kootadii ugu xidhnayd internetka Fiber-Optica shirkadda Somcable. Shirkadda Somtel oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi xildhibaannada golaha wakiillada iyo wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolajiyadda. Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedkaasi Source
-
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa soo dhoweysay dadaalada dowladda Soomaaliya ay wado ee arrimaha dib u dajinta dadka barakacayaasha ah. Johann Siffointe wakiilka hay’adda u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in warbixinadii ugu dambeeyay ay muujiyeen in dowladda Soomaaliya ay xal u heshay dib u dajinta dadka barakacayaasha ee ku dhaqan gudaha dalka. UNHCR ayaa sheegtay in dad gaaraya 2 .6 Milyan ay gudaha Soomaaliya ku barakiciyeen colaado iyo xiisado ka jira qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Dhanka kale hay’ada UNHCR ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay ka caawiso dib u dajinta loo sameynayo dadka barakacayaasha ah, islamarkaana shaqo abuur loogu sameyn lahaa dadkaasi. Warka ka soo baxay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ku soo beegmaya xilli bishii November ee sanadkii la soo dhaafay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu saxiixay axdiga Kampala oo ah mid madaxda caalamka ay wax ugu qabanayaan dadka gudaha dalalkooda ku barakaca. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa weeraray dowladda federaalka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda dowladdu ay meesha ka saareen hanaanka sharciga ahaa ee lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay lacag u ballan qaaday si uu uga tanaasulo xilkiisa. “Waxaa maanta sharaf ii ah aniga inaanan reer Jubbaland dhaafsiisan 20 milyan oo afka la iigu shubo, mana jiro macno aan ka gorgortami karay,” ayuu yiri xili uu furay fadhiga baarlamaanka Jubaland. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda u soo adeegsatay shaqsiyaad isaga ugu goodiyey in ay dili doonan hadii uusan ogolaan dalabka lacageed. “Jubbaland, culayska ugu badan aniga ayuu igu dhacayay, waxay gaartay in la idhaho lacag qaado oo meesha isag tag. Wiilasha isiinayay amarkaas waxay ahaayeen wiilal yaryar oo aan dowladnimada waxnba ka aqoonin. Waxaa intaas ii dheer hanjabaado iyo in la yiraahdo waan ku dilaynaa iyadoo la kaashanayo dowladda hoos,” ayuu raaciyey. Isagoo daaha ka rogay jawaabta uu ka bixiyey lacagta, madaxweynaha ayaa tibaaxay in uu miiska saarey wadahadal iyo in lagu qeybsado awooda sidda uu xeerinayo dastuurka qabyadda ah ee dalka. “Waxaan ku iri dowladda federaalka iyo cidda ay sii direysay ‘war aan isku imaano oo aynu wada fariisano dastuurka inaga dhaxeeya iyo buugaa yar aynu ku heshiino, qof kasta xuquuqda uu dastuurka siinayo ha qaato’ hadii qofka uu intaa diido xagey la geynayaa? Hadii dastuurkii la karaameyn waayo, hadii dowladnimadii la waxeyn waayo, war habeen lagu wadahadlay ma soconaayo, kaasoo cad baan taaganahay,” ayuu caddeeyay. Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu baaqay dalalka Turkiga iyo Qadar inay joojiyaan dhaqaalaha iyo tababarada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya. “Dowladda Turkiga waxaan oran lahaa jooji ciidanka aad tababaraysaan majirto Dowlad wax lagu aamini karo, Qadar waxa aan leeyahay jooji sanuuda aad bixinayso, Itoobiya waxa aan leeyahay joojiya saraakiishiina faragalinaysa arrimaha Jubbaland,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka waxa uu sheegay in aysan ka dhici karin dalka doorasho. Maamulka Jubbaland ayaa khilaaf xoog leh waxa uu kala dhexeeya dowlada Federalka Soomaaliya iyadoo khilaafkaasina sababay in ay ku dagaalamaan ciidamadooda xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.
-
(SLT-Adiis Ababa)-Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in dowladda Itoobiya ay uyeeratay qaar badan kamid ah safiiradeeda u fadhiyay wadamada caalamka sabab aan illaa iyo hadda la shaacin. Telefeshinka Al Jazeera ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay labaxday safiiraddii ka fadhiyay illaa 8 dowladood oo isugu jira Yurub iyo Afrikaan. Dowladaha ay Itoobiya safiiraddii kala soo baxday waxaa kamid ah Suudaan, Maqrib (Marocco), Biljamka iyo Ingiriiska, wargeys maxalli ah oo Itoobiya kasoo baxa ayaa sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay ka cadhootay mawaaqifta ay dowladahaas ka qaateen khilaafka ka dhashay biya xidheenka Al Nahda. Wararka ayaa intaas ku daraya iyo maalintii Arbacada ay Itoobiya lasoo baxday safiirradii ka fadhiyay wadamada Koonfurta Suudaan iyo Australia, diblumaasiyiin ayaa sheegay in Itoobiya ay si aad ah uga cadhootay dowladaha Ingiriiska iyo Biljamka oo lasaftay dowladda Masar kuna baaqay in Itoobiya caddeyso waxa ay ka damacsantahay biya xidheenka ay ka dhisayso Wabiga Al Niilka. Go’aankan cadhada leh ee Itoobiya qaadatay ayaa yimid maalin kadib markii ay wasiirrada arrimaha dibadda dowladaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ay taageereen dadaallada ay wadaan Suudaan iyo Masar ee ka dhanka ah biya xidheenka Al Nahda. Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay iska diiday inay ka qeyb gasho shirar ka dhici lahaa magaalada Washington oo Mareykanku uu ku dhax dhaxaadin lahaa sedaxda dowladood ee isku khilaafsan qeybsiga biyaha wabiga Niil. Source
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya nin da’ahaa oo saaka isku gowracay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ninkaasi isku gowracay Mindi, lamana oga illaa iyo sababta uu isku dilay marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa gaaray falka kadib goobta. Tododaakii hore ayey aheyd markii uu is dal-dalay nin ku jiray xero dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taalla xaafada Black Sea ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), oo mudda 13-bilood ah ka maqnaa Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe. Garoonka Diyaaradah Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir waxaa ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland. Sidoo kale , Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Ex. Madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana kulanka ku weheliyay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Guddoomiye ku xigeenka kowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Mudane Gaas, ayaa marti-qaad rasmiya ka helay Madaxweynaha haatan talada haya ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku casumay Shirka Wada-tashiga Puntland ee qorshaysan in la qabto 15-ka bishaan Maarso 2020. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ex. Madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland. Munaasabada furitaanka Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa kasoo qaybagalay Madaxweyne ku xigeenka labaad Xubno katirsan labada gole ee Dowlada Xildhibaano iyo masuuliyiin kasocda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay xooga saartay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn yihiin amaanka iyo Hormarka. Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhaqaalaha la kobciyay iyadoo Wasaarada iyo hay’adaha kala duwan ee dakhligu ay xooga saareen sidii loo midayn lahaa dakhliga guud taas oo guulo la taaban karo laga gaaray isagoo xusay in ay qayb ka tahay hanaanka lagu hufayo nidaamka maaliyada Jubbaland. sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Arimaha amaanka hormar badan laga sameeyay iyadoo Ciidamada iyo Hay’adaha amaanku ay wadaan dadaal adag oo lagu xorayno deegaanada maqan taasna shacabku ay door muuqda ku leeyahiin. Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in daadajinta maamulka oo marar badan uu hakad ku yimid hada si dhab ah loo guda galayo gaar ahaan golayaasha deegaanka si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya. Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in hay’ad gaar ah loo sameeyay taas oo xal ka gaarta muranada dhulka sidoo kalana bixisa ruqsadaha lahaanshaha dhulka oo nidaamka iyo xeerarka caalamiga ah waafaqsan. Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka iyo Dowlada Jubbaland ay ka guulaysan doonan kooxaha Argagixisada ah loona diyaar garoobayo howlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo dhamaan deegaanada ay wali ku harsan yihiin iyadoo sidoo kale la isku farayo dhamaan deegaanada xorta ah Ciidamada Jubbaland ee howlagaladaas fulin lahaana ay diyaar yihiin. Arimaha Gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in duulaan cad ay kusoo qaaday Dowlada Federaalka ah deegaano nabdoon oo Al-Shabaab laga saaray 10 sano kahor isagoo xusay in boqolaal shacab ah ay halkaas ku barakaceen sidoo kalana ay Dowlada Federaalka ah burburisay maamulkii halkaas ka jiray. Madaxweynahu wuxuu u sheegay Dowlada Federaalka ah inay Ciidamadeeda si shuruud la’aan ah ugala baxdo Gobolka isagoo intaas raaciyay in Ciidamada halkaas la geeyay ay joojiyaan dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan. Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay kaalmo deg deg ah lasoo gaaran dadka shacabka ah ee deegaanada daawo ee Gobolka Gedo ku barakacay. Arimaha Doorashooyinka iyo dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynahu sheegay in aanay waxba ka soconaynin hadii aanay go’aan ku lahaanin Dowlada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada ku lugta leh isagoo sidoo kale sheegay in Barnaamijka Deyn cafinta oo mudo soo socday ay diyaar u tahay Jubbaland sidii guul looga gaari lahaa lakiin loo baahan yahay in Dowladaha deeqda ku bixiya Soomaaliya ay ka fiirsadaan waxyaabaha loo adeegsado lacagaha ay Soomaalida siiyaan oo dib loogu burburiyo hanaankii Federaalka ahaa ee dalka dib u dhiskiisa waxbadan ka taray. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowladaha shisheeye inay faraha kala baxaan Arimaha gudaha Soomaaliya si gaar ahna Dowlada Qadar ayuu sheegay inay joojiso lacagaha ay ku bixinayso burburinta Dowladnimada Soomaaliya isagoo sidoo kale Dowlada Turkiga ugu baaqay inay dib u eegto dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Ciidamadii ay soo tababareen oo si khaldan loo adeegsanayo. Waxaa Madaxweynahu uu sidoo kale Dowlada Itoobiya uu ugu baaqay inay xakamayso Sarakiisheeda ku lugta leh dhibaatada gudaha ee Soomaaliya isago sheegay in Dowladaha AMISOM ay ku koobnaadan masuuliyada ay dalka u joogaan oo kaliyah. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale o uu ka hadlay heshiisyada dibadaha ay kusoo galaan Madaxda Dowlada iyadoo aan lagala tashan dhinacyada ay saamaynayso waxaa uu xusay Madaxweynahu in heshiisyadaas aan waxba ka jirin oo la burin doono. Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dimuqraadiyadii dalku ay dhaafi ladahay rajiimka Eretariya waxaana uu is weydiiyay nooca dimuqraadiyad ee aan ka baran karo Eretariya. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland. Munaasabada furitaanka Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland, waxaa kasoo qaybagalay madaxweyne ku xigeenka labaad Xubno ka tirsan labada gole ee Jubaland Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socday labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay xooga saartay dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn yihiin amaanka iyo Hormarka. Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka iyo dowlada Jubbaland ay ka guulaysan doonan kooxaha Argagixisada ah loona diyaar garoobayo howlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo dhammaan degaanada ay wali ku harsan yihiin iyadoo sidoo kale la isku farayo dhamaan degaanada xorta ah Ciidamada Jubbaland ee howlagaladaas fulin lahaana ay diyaar yihiin. Arimaha gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in duulaan cad ay kusoo qaaday dowlada Federaalka ah degaano nabdoon oo Al-Shabaab laga saaray 10 sano kahor, isagoo xusay in boqolaal shacab ah ay halkaas ku barakaceen sidoo kalana ay Dowlada Federaalka ah burburisay maamulkii halkaas ka jiray. Madaxweynahu wuxuu u sheegay dowlada Federaalka ah in ay Ciidamadeeda si shuruud la’aan ah ugala baxdo Gobolka isagoo intaas raaciyay in Ciidamada halkaas la geeyay ay joojiyaan dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan. Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay kaalmo deg deg ah lasoo gaaran dadka shacabka ah ee deegaanada daawo ee Gobolka Gedo ku barakacay. Arimaha Doorashooyinka iyo dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynahu sheegay in aanay waxba ka soconaynin hadii aanay go’aan ku lahaanin dowlada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada ku lugta leh. Sidoo kale wuxuu sheegay in Barnaamijka Deyn cafinta oo mudo soo socday ay diyaar u tahay Jubbaland sidii guul looga gaari lahaa lakiin loo baahan yahay in dowladaha deeqda ku bixiya Soomaaliya ay ka fiirsadaan waxyaabaha loo adeegsado lacagaha ay Soomaalida siiyaan oo dib loogu burburiyo hanaankii Federaalka ahaa ee dalka dib u dhiskiisa waxbadan ka taray. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowladaha shisheeye in ay faraha kala baxaan Arimaha gudaha Soomaaliya si gaar ahna Dowlada Qadar ayuu sheegay inay joojiso lacagaha ay ku bixinayso burburinta Dowladnimada Soomaaliya isagoo sidoo kale Dowlada Turkiga ugu baaqay inay dib u eegto dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Ciidamadii ay soo tababareen oo si khaldan loo adeegsanayo. Waxaa Madaxweynahu uu sidoo kale dowlada Itoobiya uu ugu baaqay inay xakamayso Sarakiisheeda ku lugta leh dhibaatada gudaha ee Soomaaliya isago sheegay in Dowladaha AMISOM ay ku koobnaadan masuuliyada ay dalka u joogaan oo kaliyah. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale o uu ka hadlay heshiisyada dibadaha ay kusoo galaan Madaxda dowlada iyadoo aan lagala tashan dhinacyada ay saamaynayso waxaa uu xusay Madaxweynahu in heshiisyadaas aan waxba ka jirin oo la burin doono. Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dimuqraadiyadii dalku ay dhaafi ladahay rajiimka Eretariya waxaana uu is weydiiyay nooca dimuqraadiyad ee aan ka baran karo Eretariya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo afar dowladood ku eedeeyay in ay burburin ku wadaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-07032020.mp3 View the full article
-
Dhaxal-sugaha Sacuudiga MBS oo ismuujiyey,awoodiisana tijaabiyey+Tallaabo Xasaasiya oo uu qaaday Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa loo arkaa hoggaamiyaha ay ka go`do talada Sacuudiga Saddex xubno sarsare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga, oo uu ku jiro nin la dhashay boqorka, ayaa loo xiray sababo aan la shaacin, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka. Labo ka tirsan ragga la xiray ayaa ku jiray saraakiisha ugu saameynta badan boqortooyada. Xiritaanka loo geystay xubnahan ayaa lala xiriirinayaa dhaxal-suge Mohammed bin Salman. Sanadkii 2017, xubno ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga, wasiirro iyo ganacsato ayaa lagu xiray hoteelka Ritz-Carlton oo ku yaalla Riyadh kaddib markii uu dhaxal-suguhu amray soo xiritaankooda. Mohammed bin Salman ayaa loo arkayay hoggaamiyaha ay ka go`do talada boqortooyada, kaddib markii u aabbihiis u magacaabay dhaxal-suge sanadkii 2016. Mohammed bin Nayef (M) iyo Mohammed bin Salman (B) sanadkii 2015 Raggan ayaa la soo xiray aroortii hore ee shalay, sida ay tebiyeen wargeysyada New York Times iyo Wall Street Journal. Saddexda nin ee la xiray ayaa la sheegay inay kala yihiin boqorka walaalkii ka yar amiir Ahmed bin Abdulaziz, dhaxal-sugihii hore Mohammed bin Nayef, iyo wiil ay dhaxal-sugaha ilmo adeer yihiin, amiir Nawaf bin Nayef. Mohammed bin Nayef wuxuu ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha kahor inta aan xilka laga qaadin oo xabsi guri uusan gelin Mohammed Bin Salman sanadkii 2017. Ilaalo xiran dhar madow iyo maaskrada wejiga ayaa galay guryaha ragga la xiray, iyagoo baaray guryahooda. Falanqeynta weriyaha BBC-da Haddii la xaqiijiyo, waxay tani noqon doontaa tallaabo muhiim ah oo uu dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudiga Mohammed bin Salman uu ku muujiyo awooddiisa. Amiir Ahmed bin Abdelaziz wuxuu ka mid yahay wiilasha fara ku tiriska ah ee ka haray aabbihii dalkaas Boqor Abdelaziz, waxaana aad u xushmeeya xubnaha qoyska boqortooyada ee talada haya. Amiirka kale ee sare, Mohammed bin Nayef, wuxuu ahaa dhaxal-suge safka hore ku jira kahor inta aan si kedis ah loo beddelin saddex sano kahor. Kahor intaas, markii uu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda, waxaa lagu xusuustaa inuu wiiqay kacdoonkii al-Qaeda ee Sacuudiga hareeyay sanadihii 2000. Ma jiro wax xaqiijin amaba beenin ah oo ku saabsan warkan ay qoreen warbaahinta Mareykanka, balse aalaaba arrimaha la xiriira boqortooyada Sacuudiga waa la qariyaa. Mohammed bin Salman ayaa ammaan dunida ka muteystay sanadkii 2016 markii uu ballan qaaday isbeddello xiriir ah oo isugu jira kuwo dhaqaale iyo bulsho. Waxaase sidoo kale lala xiriiriyay eedeymo dhowr ah oo ay ku jirtay dilkii loo geystay weriyihii Sacuudiga Jamaal Khashoggi oo sanadkii 2018 lagu dhex dilay gudaha safaaradda Sacuudiga ee Istanbul. Maalmihii la soo dhaafay Sacuudiga ayaa qaadayay tallaabooyin uu uga hortagayo caabuqa dilaaga ah ee coronavirus. Ajaanibta ayaa loo diiday inay dalkaasi u tagaan gudashada Cumrada, waxaana jira su`aalo la xiriira in gudashada Xajkana la joojin doono iyo in kale. Khamiistii la soo dhaafay magaalada barakeysan ee Maka ayaa la firaaqeeyay si loo nadiifiyo. Qaran News
