Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United States of America and the United Kingdom have called on Somalia to exercise restraint and reduce the presence of security forces in Gedo. Source: Hiiraan Online
  2. Internet speed and connectivity in the country is set for a major boost following the arrival of a 36-Terabyte undersea internet cable from Djibouti. Source: Hiiraan Online
  3. A delegation led by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo is expected at the port city of Barawe on Monday. The head of the state is scheduled to lead a ceremony that will unveil the new airport in the administrative capital of the southwest state of Somalia. President Farmajo together with the leader of Southwest state, Abdiasis Hassan Mohamed alias Lafta Gareen will also launch several development projects in the area. The first lady, her excellency Sainab Moalim toured Barawe last week to lay the foundation stone for a new health center in her campaign to improve maternal and child health in the country. The security of the city and its environs were heightened by Somali security agencies backed by African Union peacekeepers to ensure the smooth process of the event and to keep away the threats of armed group al-Shabaab. View the full article
  4. International partners have called on federal and regional authorities to hold dialogue to end their differences. In a statement, the partners said cooperation between the federal government and its member states could accelerate the fight against al-Shabaab fighters. “We underscore that full cooperation and dialogue between the FGS and all Federal Member States’ authorities are urgent and essential in order to combat al-Shabaab, resolve contentious issues, and achieve other national priorities such as securing the benefits from debt relief and holding timely national elections,” the statement reads in part. They also urged the stakeholders in the Gedo region in southern Somalia to exercise restraint. “We urgently call upon all actors to exercise restraint, to reduce the presence of security forces in Gedo, and to avoid any actions that could spark violence,” the statement said. “We note the importance of stability and good cooperation among Ethiopia, Kenya, and Somalia in their common border area where they have shared security interests.” The statement lauded the talks between leaders of Somalia and Kenya to deescalate tensions at the border. “We welcome the communication between President Mohamed Abdullahi Mohamed ‘Farmajo’ and President Uhuru Kenyatta on 5 March and encourage the leaders to continue to deescalate tensions, to cooperate on border security, and to form a joint committee to address issues of diplomacy and trade as they agreed,” the partners said. The partners regarded the engagement between the leaders as a necessary step and underscored the importance of continued direct communication between Somalia and Kenya. The international community called for any individuals accused of crimes or human rights violations to be arrested and subject to due process in accordance with the rule of law. View the full article
  5. Magaalada Caluula ee gobolka Guardafui, waxaa maanta lagu aasay laba gadbhood oo da’yar ah, kuwaasi oo shalay ku geeriyooday ceel ay ku dhaceen. Weriye ku sugan degmada Caluula, oo Puntland Post u xaqiijiyay geerida labadaasi gabdhood, ayaa sheegay in ay gelinkii dambe ee shalay ku dhaceen ceel dad-liq ah oo ku yaalla nawaaxiga degmadaas. Labada gabdhood oo da’dooda lagu qiyaasay inta u dhexaysa 10-12 sano, ayaa la sheegay in waalidkood xoola u dirsadeen, kadibna la waayay mudda saacado ah, balse markii dambe maydadkooda laga helay ceel halkaas ku yaalla. PUNTLAND POST The post Guardafui: Laba gabdhood oo ku geeriyooday ceel appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo qoraal soo dhigay Facebook-giisa ayaa ka hadlay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Galmudug, garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo isaga guddoomiye looga dhigay qaban qaabadeeda. Yuusuf Garaad ayaa sheegay inuu aqbalay howsha uu u xil-saaray madaxweyne Qoor-Qoor, isagoo tilmaamay inuu u arko howl Qaran oo uu dalkiisa u qabanayo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Galmudug oo mar ay ka wada tirsanaayeen xukuumadda Khayre uu ka taageeray musharrax kale, sidaas oo ay tahayna uu uga mahadcelinayo adeegga uu u gartay inuu reer Galmudug u qabto. Ugu dambeyn wuxuu Yuusuf Garaad Cumar ku wargaliyey saaxibadii la soo xiriiray iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in uusan xil ka qaban Galmudug. Halkaan hoose ka aqriso:- Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqblay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka taas oo aan u arko howl Qaran oo aan u qabanayo dalkeyga. Madaxweynaha Galmudug waan uga mahadcelinayaa in uu iskii u gartay in aan adeeggaas muhiimka ah u qabto GalMudug. Waxaan u arkaa qaddarin gaar ah in aan Guddoomiye ku Xigeenka iyo xubnaha kale ee sharafta badan kala shaqeeyo Caleemo saar dadweynaha Soomaaliyeed ee Galmudug rajo geliya, hadba inta ay taagtu tahay, billow rasmi ahna u noqdo dib u heshiin uu ifafaalaheedu muuqdo. Talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug. Ma ihi mana rabo in aan noqdo nin iskala weyn in uu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego.
  7. Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu soo dhoweeyay magaacaabista madaxweyne Qoorqoor ee ah in uu noqdo guddoomiyaha guddiga qabanqaabada xafladda Caleemasaarka ee madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sheegay in uu aqbalay xilkaasi, wallow uu sheegay in isaga iyo madaxweyne Qoorqoor aysan isku ra’yi ahayn hadane uu ka aqbalay howshaasi loo xilsaartay. “Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqblay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka taas oo aan u arko howl Qaran oo aan u qabanayo dalkeyga, madaxweynaha Galmudug waan uga mahadcelinayaa in uu iskii u gartay in aan adeeggaas muhiimka ah u qabto GalMudug” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Dhinaca kale Yuusuf Garaad waxa uu sheegay in magacaabistan uu u arko mid qadarrin ah, waxa uuna tilmaamay in uu sharaf u arko in isaga iyo saaxiibada kale eel ala magacaabay ay ka shaqeeyaan caleema saarka madaxweynaha Galmudug. “Waxaan u arkaa qaddarin gaar ah in aan Guddoomiye ku Xigeenka iyo xubnaha kale ee sharafta badan kala shaqeeyo Caleemo saar dadweynaha Soomaaliyeed ee Galmudug rajo geliya, hadba inta ay taagtu tahay, billow rasmi ahna u noqdo dib u heshiin uu ifafaalaheedu muuqdo, talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. Guudiga uu magacaabay madaxweyne Qoorqoor ayaa shaacin doona waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ee Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa shaaciyey in wasaaradiisu ay joojisay bixinta ruqsadda ay siin jirtay maraakiibta ka kallumeysato xeebaha maamulkaasi. Wasiir Sulub ayaa sababta ku sheegay inay haatan ku howlan yihiin soo saarista sharci wax looga qabanayo xaalufinta kheyraadka Badda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dib u eegis ku sameyn doonaan heshiisyo uu wasiirkii isaga ka horreeyey la galay afar markab oo haatan ka jilaabta xeebahooda. Siciid Sulub Maxamed Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ee Somaliland ayaa intaasi ku daray inay ka go’an tahay la socodka kheyraadka ku jira Badda. Waxaa aanu go’aansaney marka aanu ogaano waxaa Badda inoogu jira ee inoo iibgalaya iyo sida aynu u ilaashaneyno kalluunkeena ka yar ama dabar go’aya wakhtiga la xidhiyo iyo wakhtiga la qaadayo waxaa aanu go’aan ka soo saarney in aanan cid danbe heshiis la gelin, shuruucdii lagu xakameynayay Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waanu wadnnaa, ilaa aanu dhammeystirno heshiiskii lala galayey, anaga oo u eegeyna gobolka sida Kenya, Eritrea, Jabuuti in aanu sicirkii ogaano oo aan aheyn mid aynu kaga sareyno suuqa”. ayuu yiri wasiir Siciid Sulub Maxamed Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Somaliland ay u shaacisay inay ka hortagi doonto maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wada xeebaha maamulkaasi
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ee Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa shaaciyey in wasaaradiisu ay joojisay bixinta ruqsadda dadka ka ganacsada Kalluunka ee ku sugan deegaanada maamulkaasi. Wasiir Sulub ayaa sababta ku sheegay inay haatan ku howlan yihiin soo saarista sharci wax looga qabanayo xaalufinta kheyraadka Badda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dib u eegis ku sameyn doonaan heshiisyo uu wasiirkii isaga ka horreeyey la galay dalalka Kenya, Eritrea iyo Jabuuti. Siciid Sulub Maxamed Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ee Somaliland ayaa intaasi ku daray inay ka go’an tahay la socodka kheyraadka ku jira Badda. “Waxaa aan go’aansaney Kheyraadka ku jira Badda kuwa iibka galaya iyo sida loo ilaashan karo in aanan cid dambe heshiis la gelin, Shuruucda lagu xakameynayo Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waa qabyo, dib ayaan u egeynaa heshiisyada lala galay Kenya, Eritrea, Jabuuti.” ayuu yiri wasiirku. Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Somaliland ay u shaacisay inay ka hortagi doonto maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wada xeebaha maamulkaasi
  10. Warsaxaafadeed ay soo saartay beesha caalamka ayaa waxa ay walaac xooggan uga muujisay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada gobalkaasi isku aruursanaya ee kuwa dowladda iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland, waxaana dhinacyadaasi ay u dirtay baaq degdeg ah. Halkan ka akhriso warka ka soo baxay beesha caalamka eek u aadan xaaladda gobalka Gedo Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin. Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado. Waxaan ogsoonnahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ku dhexmara deegaan xuduudeed ay wadaagaan halkaas oo ay ka wada dhexeeyaan dano amni. Waxaan soo dhoweynaynaa xiriirkii 5tii Maarso dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaana ku dhiirigelineynaa madaxda inay sii wadaan daminta xiisadaha, iskaashiga amniga xuduudaha, iyo in la sameeyo guddi wadajir ah oo wax ka qabta arrimaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga sida ay madaxduba iskugu af-garteen. Saaxiibadu waxay u arkaan wada-hadalka dhexmaray madaxda in uu yahay tallaabo lagama maarmaan ah, waxayna hoosta ka xarriiqayaan muhiimadda uu leeyahay in uu sii socdo xiriir toos ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Kenya. Saaxiibadu waxay Urur-Goboleedka IGAD uga mahad-celinayaan xiriirka iyo dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee uu sameeyay; waxaana ku boorinaynaa in wada-hadalkan uu sii socdo ilaa iyo inta xal waara laga gaarayo. Si muddada dheer loo helo xasillooni loona xaqiijiyo amniga gobollada xuduudaha ku yaalla iyo kan Jubaland, saaxiibadu waxay ku boorrinayaan iskaashi iyo wada-hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxay ku baaqayaan in shakhsi kasta ee lagu eedeeyay dembiyo ama xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka la soo xiro oo lala tiigsado sharciga iyadoo la raacayo sarreynta sharciga. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in iskaashi buuxa iyo wadahadal dhexmara DFS iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin lagama maarmaan loona baahanyahay inay ku dhacaan si dhakhso leh, si loola dagaallamo al-Shabaab, loo xalliyo arrimaha la isku hayo, loogana guul gaaro arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka sida ka-gun-gaarista faa’iidooyinka laga helayo cafinta deynmaha iyo qabashada doorashooyin qaran oo waqtigooda ku qabsooma. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqqor ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona qabanqaabda xafladda caleema saarkiisa, waxaana guddigaasi ka soo muuqday masuuliyiin hore. Guddigan ayaa ka kooban 12 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Yuusuf Garaad Cumar oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya. Dhinaca kale guddigan ayaa la sheegay in iyagu ay soo saari donaan waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono xafladda caleema saarka madaxweynaha Galmudug. Halkan ka akhriso guddiga la soo magacaabay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xubnaha dalalka beesha caalamka ayaa si wadajir ah war-saxaafadeed uga soo saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xiisada dagaal ee ka taagan gobolka Gedo. Qoraalka oo ah mid dheer ayaa waxa ay beesha caalamka walaac uga muujisay dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka wadaan gobolkaasi. Halkaan hoose ka akhriso: Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin. Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado. Waxaan ogsoonnahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ku dhexmara deegaan xuduudeed ay wadaagaan halkaas oo ay ka wada dhexeeyaan dano amni. Waxaan soo dhoweynaynaa xiriirkii 5tii Maarso dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaana ku dhiirigelineynaa madaxda inay sii wadaan daminta xiisadaha, iskaashiga amniga xuduudaha, iyo in la sameeyo guddi wadajir ah oo wax ka qabta arrimaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga sida ay madaxduba iskugu af-garteen. Saaxiibadu waxay u arkaan wada-hadalka dhexmaray madaxda in uu yahay tallaabo lagama maarmaan ah, waxayna hoosta ka xarriiqayaan muhiimadda uu leeyahay in uu sii socdo xiriir toos ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Kenya. Saaxiibadu waxay Urur-Goboleedka IGAD uga mahad-celinayaan xiriirka iyo dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee uu sameeyay; waxaana ku boorinaynaa in wada-hadalkan uu sii socdo ilaa iyo inta xal waara laga gaarayo. Si muddada dheer loo helo xasillooni loona xaqiijiyo amniga gobollada xuduudaha ku yaalla iyo kan Jubaland, saaxiibadu waxay ku boorrinayaan iskaashi iyo wada-hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxay ku baaqayaan in shakhsi kasta ee lagu eedeeyay dembiyo ama xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka la soo xiro oo lala tiigsado sharciga iyadoo la raacayo sarreynta sharciga. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in iskaashi buuxa iyo wadahadal dhexmara DFS iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin lagama maarmaan loona baahanyahay inay ku dhacaan si dhakhso leh, si loola dagaallamo al-Shabaab, loo xalliyo arrimaha la isku hayo, loogana guul gaaro arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka sida ka-gun-gaarista faa’iidooyinka laga helayo cafinta deynmaha iyo qabashada doorashooyin qaran oo waqtigooda ku qabsooma. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in ay joojiyeen ruqsadii ganacsi ee ay siinjirtay kalluumeysatada ganacsatadda ah. Waxaa kale oo uu xusay in ay imika gacanta ku hayaan, dhawaanna ay soo saari doonaan siyaasad lagu xakameynayo Kalluumeysatadda kala duwan ee xaalufiya kheyraadka kala duwan ee ku jira Badda, iyo heshiisyaddii suuqgeynta ahaa ee lala galayey dalka geeska Afrika ku yaalla. Sidoo kale waxaa uu sheegay in wakhtigan ay jiraan afar Markab oo ka kalluumeysta xeebaha Somaliland oo uu ruqsadda siiyey wasiirkii isaga ka horeeyay. “Waxaa aanu go’aansaney marka aanu ogaano waxaa Badda inoogu jira ee inoo iibgalaya iyo sida aynu u ilaashaneyno kalluunkeena ka yar ama dabar go’aya wakhtiga la xidhiyo iyo wakhtiga la qaadayo waxaa aanu go’aan ka soo saarney in aanan cid danbe heshiis la gelin, shuruucdii lagu xakameynayay Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waanu wadnnaa, ilaa aanu dhammeystirno heshiiskii lala galayey, anaga oo u eegeyna gobolka sida Kenya, Eritrea, Jabuuti in aanu sicirkii ogaano oo aan aheyn mid aynu kaga sareyno suuqa” Source
  14. (SLT-Dubai)-Hoggaamiyeyaasha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa gaadhay Magaalada Dubai ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta. Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo ahaa Madaxdii Xukuumadda Galmudug ayaa safarka ay ku tageen Magaalada Dubai waxaa ku wehelinayay xubno ka tirsan Ahlusunna, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Ahlusunna ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu sarreysa Boqortooyada Imaaraadka Carabta, iyagoona kala hadli doono Arrimo kala duwan oo aan weli xog dheeraad ah laga helin. Ilo ku dhow dhow hoggaanka sare ee Ahlusunna ayaa sheegaya in xidhiidh hoose uu dhex-maray Madaxda Ahlusunna Waljamaaca ee fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb iyo Imaaraadka Carabta. Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan iskaga baxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kadib markii halkaas dagaal xooggan uu dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna ee isku dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Source
  15. Dubai (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljaamaca ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay gaareen dalka Imaaraadka Carabta. Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa hoggaaminaya wafdiga Ahlu Sunna, waxaana Dubai ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxda Ahlu Sunna inta ay joogaan Isu Taga Imaaraadka Carabta kulamo xasaasi ay la qaadan doonaan madaxda dalkaasi, iyagoona kala hadli doono arrimo kala duwan, inkastoo aan weli laga helin xog dheeraad ah. Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunna ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, tan iyo markii ay isaga baxeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Ahlu Sunna ayaa haatan u muuqata inay soo rogaal celineyso, kadib markii ay ka adkaatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Shalay ayey sidoo kale aheyd markii Ahlu Sunna ay soo saartay qoraal xasaasi ah oo kaga hadashay dagaalkii ka dhacay xarunta INJI ee magaalada Dhuusamareeb.
  16. Golaha wasiirada maamulka HirShabelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ku dhawaaqay howlgallo cusub oo ka bilaaban doono deegaanada maamulkaasi. Afhayeenka HirShabelle Daa’uud Xaaji (Cirro) oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu qaban doono deegaanada ka maqan maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ka go’an tahay, sidii looga adkaan lahaa dagaalyahannada Al-Shababa oo weli ku xoogan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shardi-1-1.mp3 View the full article
  17. Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay howlgallo ka wadaan duleedka degmada Jamaame ee gobolkaasi. Howlgallada ayaa xoogoodu waxa ay ka socdaan tuulooyin iyo deegaano kaabiga ku haya magaaladaasi oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Saraaakiisha horkaceysa dhaq dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay, sidii ay u qabsan lahaayeen degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran. Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. View the full article
  18. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ku wajahan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa Shabelle u xaqiijiyey in madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo saacadaha soo socda ay gaari doonaan gudaha magaaladaasi. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu la xariiro xarig jar uu ku sameynayo garoonka diyaaraha degmadaas oo dhawaan dib udhis lagu sameeyay, lana casriyeeyay qaybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan (Run Way). Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu dhagax dhigi doono mashaariic kale muhiim u ah dadka deegaanka. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka Baraawe oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-09032020.mp3 View the full article
  20. Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay degaanada Qudus, Kaamjaroon, Beer-Xaani iyo Janaay Cabdalle, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaas laga sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana aysan la kulmi wax iska caabin ah oo uga yimid dhanka Al-shabaab inta uu socday howlgalka. Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Jubbaland waxay tilmaameen in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo ay sheegeen inay ku doonayaan in ay Al-shabaab ay kaga saaraan Gobolada Jubbooyinka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo hawlgallo ka fuliyay Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
  21. Somali President Mohamed Farmaajo last evening agreed to Kenya’s invitation to visit Nairobi, signalling the calming of tensions that rose last week on Monday. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee dowlad goboleedka K/ Galbeed Soomaaliya. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta madaxweynaha oo uu qeyb ka yahay madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa haatan laga dareemayaa magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xubno hordhac u ah madaxweynaha oo ay saraakiil ku jiraan saacadihii la soo dhaafay ay gaareen degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu la xariiro xarig jar uu ku sameynayo garoonka diyaaraha degmadaas oo dhawaan dib udhis lagu sameeyay, lana casriyeeyay qaybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan (Run Way). Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu booqan doono xarumaha muhiimka ah ee Baraawe, isagaoona dhagax dhigi doono mashaariic horumarineed. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana guud ahaan magaalada isku geedaamay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Dhowaan ayey aheyd markii marwada madaxweynaha ay booqatay magaalada qadiimiga ah ee Baraawe, iyadoona ka soo dhagax dhigtay xarun caafimaad oo muhiim ah.
  23. Hundreds gathered Sunday at the site where Ethiopian Airlines Flight 302 crashed last March, killing all 157 on board, for a ceremony symbolising the country’s emergence from a year-long period of mourning. Source: Hiiraan Online
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu diiday dalabkii Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe. Madaxweyne Biixi ayaa diiday dalabkii Faysal ee ahaa ‘in uu is-casilaada ka diido xubintooda ka tirsaneyd Komishanka cusub ee doorashooyinka, kaasi oo hore u shaaciyey is-casilaadiisa’. Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii Sabtidii Madaxweynaha u gudbiyay Warqad uu ku sheegay in uu ka diiday is-casilaadii Xasan Yuusuf Ducaale, oo ahaa xubintii uu xisbiga Ucid u xulay kamid noqoshada Komishanka cusub ee doorashooyinka oo bishii labaad ee sanadkan ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinimadii komishanka si xal looga gaaro khilaafka doorashooyinka. Faysal ayaa waraaqdaasi Muuse Biixi kaga dalbanayey in uu isaguna ka diido is-casilaadaasi, maadama uusan u soo gudbin war qoraal ah oo uu si rasmiya ugu cadeynayo is-casilaadiisa, sida uu sheegay Guddoomiyuhu. Waxa kale oo waraaqdaasi uu hore ugu yiri Faysal “Mudane Madaxweyne waxa si sharaf leh kaga codsanaynaa in aad adna ka aqbalin is-casilaadaas si uu shaqadii qaranka uu u hayayna uu u bilaabo”. Diidmada Biixi ayaa imaneysa xili ay xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadu ay heshiis ka gaadheen khilaafkii muddada badan ka taagnaa arrimaha doorashooyinka Somaliland. Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Xisbiga Ucid, oo ku saabsan diidmada Madaxweynaha ee xubintoodii Komishanka ee hore isku casishay.
  25. An air strike in Somalia has killed a senior commander of militant Islamist group al-Shabab, state radio reports. Source: Hiiraan Online