Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Daawo:agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha OO Burco Ka Furay Shirka Maayirada Dalka Source
  2. Daawo: Maayirka Degmada Burco Oo Ka Hadlay Shirka Maayirada Gobolada Somaliland Oo Burco Marti Galisay Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Gedo ee u dhexeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jubbalanad. Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay in inta badan dagaallada ka socda gobollada dalka ay yihiin kuwa sokeeye, islamarkaana dadka diriraya ay yihiin walaalo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Alle ka rajeynayo inuu istaago dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Gedo, isagoo dhaqanka ugu baaqay inay ku baxaan xiisadaasi. “Dagaalka ka socdo goballadu inta badan waa sokeeye wax kale maahan dad walaala ah oo aan kala fogeyn ayaa isdilahaya, hadane Gedo waxaan Alle uga rajeynayaa in dagaalkaasi uu ka joogsado odoyaashana in ay ka qaataan talada oo dagaalka la joojiyo oo aan dadka lagu layn.” ayuu yiri madaxweyne hore, Cabdiqaasim Salaad Xasan. Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowladda federaalka, isaga oo sheegay in laga doonayo in meelaha ay ka aloolsanyihiin dagaalada in ay ku dhameyso heshiis nabadeed. “Dowladda waxaa looga baahan yahay in wixii dagaalamaya ay dhexdhexaadiso wixii khilaafaad ah oo jirana nabad lagu dhameeyo ayaa looga baahanyahay in ay ka shaqeyso waana hubaa in ay ka shaqeynayso”ayuu markale yiri Cabdiqaasim Salaad. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada milatariga dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah degmada Beled-Xaawo, kaas oo weli xiisadiisa laga dareemayo xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
  4. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay xukun xabsi ah ku ridday Muuse Axmed Maxamed oo lagu soo eedeeyay in Al shabaab uu qaabilsanaa farsamada waxyaabaha qarxa sida bombada gacanta laga tuuro ee loo yaqaan F1-ta. Sida lagu qoray warbaahinta dowladda ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed Axmed magaalada Marka bilowgii November 2019 isaga oo uga soo safray Janaale, waxa uu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha kamid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag. 15-kii February sanadkan ayuu codsaday xafiiska xeer ilaalinta mudeynta kiiska ka dhanka eedeysane Muuse Maxamed Axmed waxa ayna Maxkamadda muddeysay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Muuse Maxamed Axmed 24 February sanadkan. Abukaataha u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto maadama uusan aqoon ulaheyn wax yaabaha lagu soo qabtay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan, waxa uu sheegay in qof kale uu usoo qariyay Muuse Maxamed Axmed. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha waxa uu haystaa fursad u ku qaadan karo facfaan muddo 30 cisho ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Cali Xasan Axmed (Sabarey) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey qodobadii ka soo baxay shir looga hadlayey xaaladaha guud ee maamulkaasi, kaas oo ay golaha wasiirada saacadihii la soo dhaafay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimadda gobolka Nugaal. Kulanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arimaha amniga, waxbarashada iyo sida looga hortagi karo caabuqa Coronavirus. Wasiir Sabarey ayaa sheegay in la hakiyay muddo bil ah Doomaha Kaluumaysiga ee ka yimaada qaar ka mid ah wadamada caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-1-cabdiqani.mp3 View the full article
  6. Dubai’s sheikh was allegedly lining up his 11-year-old daughter to marry Saudi Crown Prince Mohammed Bin Salman, who is 22 years her senior, a UK court heard yesterday. Sheikh Mohammed Al Maktoum reportedly discussed the agreement in February 2019 which would have seen his daughter Princess Jalila – aged 11 – married to Bin Salman. The case was brought to light by the girl’s mother, Princess Haya Bint Al Hussein, in a British court yesterday, as part of the marital feud between her and Al Maktoum. Princess Haya fled the UAE last year and filed for a divorce in the UK; she said the planned nuptials were a key reason why she ran away. The billionaire ruler of Dubai has previously been accused of kidnapping his daughters; in 2000, Sheikha Shamsa Al-Maktoum tried to escape from her father’s $130 million estate in Surrey, UK, when she was 18-years-old. Shamsa was found in nearby Cambridge and forcibly returned to Dubai where no news has since been heard about her and where she is said to have been imprisoned and beaten. Years later, in 2018, her sister Latifa tried to escape, crossing the border into Oman and then travelling 40 kilometres on a rubber boat, before meeting a former French Navy officer named Jean-Pierre Herve Jaubert who was waiting for her on his yacht. They sailed to Goa in India, where an Indian-UAE commando unit intercepted the yacht, abducted Latifa and imprisoned the crew. The court also heard of Princess Haya’s alleged extra-marital affair with her personal bodyguard – a former British soldier named Russell Flowers – with whom she fled. Throughout their two-year affair she allegedly showered him with gifts and even a home in the English county of Suffolk where he stayed after their affair was revealed. He is now said to be in hiding, however, fearing for his life. Last week the court ruled against Al-Maktoum’s bid to keep proceedings private. He has, however, strongly denied Haya’s claims, particularly regarding the alleged forced marriage. According to his QC Alex Verdan: “None of his children have forced marriages or were betrothed at this age. There has never been such a plan, a person to whom Jalila is betrothed.” “There have been no forced marriages. That is not what this father does with his daughters – there are about 13 of them – at this age.” If Haya’s claim of the planned arranged marriage is true and if it went ahead, Princess Jalila would have been the second wife of the 34-year-old Saudi crown prince, who has been known for being behind the assassination, imprisonment and brutal crackdown on his critics both at home and abroad. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka oo Axad ah xukun adag ku riday eedeysane Muuse Maxamed Axmed oo loo heysto ka mid ahaanshiyaha dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Ninkaan oo maxkamadeyntiisa ay soo martey heerar kala duwan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inuu Al-Shabaab u farsameyn jiray qaraxyada nooca Bom F1, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka maxkamadda ayaa lagu sheegay in Muuse Maxamed Axmed oo wata Bom lagu dhex qariyay raashin nuuc dareeraha ka mid ah sanadkii hore ee 2019-kii laga qabtay gudaha magaalada Marka, isagoo xilligaas u soo safrayey deegaanka Janaale. Baaritaan dheer kadib hay’adda dambi baarista Booliska ee CID ayaan ninkaan ku wareejisay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida dabayaaqadii November sanadkii ina dhaafay, waxa ayna isku howleyn baarista kiiskiisa iyo eedeymaha loo soo jeediyey. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sidoo kale 15-kii February ee sanadkan dalbaday mudeynta kiiska ka dhanka ah eedeysane Muuse Maxamed Axmed, kaas oo markale dib loo dhageystay 24-kii February sanadkaan aynu ku guda jirno ee 2020-ka. Inta ay socotay dooda Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay garsoorayaasha in eedeysanaha uu isticmaalay dhagar aan laga maleysan karin isaga oo isku dhex milay raashin dareera ah iyo walxaha qarxa. Dhankiisa qareenka u doodayey eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariisto, maadama uusan aqoon u laheyn waxyaabaha lagu soo qabtay. Ugu dambeyn maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda Soomaalya, wuxuuna tilmaamay in xukunsanaha uu haysto fursad kale oo uu xukunka uga qaadan karo rafcaan, kadib muddo 30-cisha ah.
  8. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda JSL ayaa cambaareysay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay James Swan oo sheegay inuu ka shaqeynayo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa galabta soo saaray war-murtiyeed uu kaga jawaab celiyey hadallo ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, war-saxaafadeedkaas oo soo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuu u qornaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba. Dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud waxa uu ka hor imanayaa Qarammada Middoobay oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda. Xukuumadda JSL waxay cambaaraynaysaa war-saxaafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay u aragto daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisu xushmad darro ku yahay hannaanka dimuqraadiyadda JSL iyo horusocodkii ay sameynaysay tan iyo xiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii. Somaliland waxay guulo waaweyn ka gaadhay oo u qabsoomay doorashooyin lagu guulaystay oo ku saleysan hal qof iyo hal cod iyo hab nabadgelyo ah oo hoggaamiyeyaasha Somaliland ay xilka iskugu wareejiyeen.” War-saxaafadeedka Xukuumadda Somaliland waxa lagu sheegay in afti qaran loo qaaday dastuurka JSL sannadkii 2001dii, isla markaana shacbiga Somaliland si sharciya u soo doorteen Wakiilladooda iyo dawladooda, iyadoo Qarammada midoobay oo Somaliland xidhiidh la laheyd soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay si wanaagsan uga war-qabto arrimahaas. Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Qarammada midoobay ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada. War-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland waxa kaloo lagu bayaamiyey in siyaasadeynta iyo farogelinta Wakiilka Xoghayaha Qarammada midoobay ay waxyeeli doonto himiladii laga qabay dib u bilaabista wadahadalada beesha caalamku doonaysay inay u qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan laba waddan cilaaqaadkooda mustaqbalka. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta oo ihaanno iyo liddi ku ah nidaamka dimuqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland oo ay taabogeliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay Xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqada.” Source
  9. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada muddooyinkii dambe ka dhacayay qeybo ka mid ah gobalada dalka, waxa uuna si gaara uga ahdlay dagaalka gobalka Gedo isaga oo dagaalkaasi ku tilmaamay mid sokeeye. Madaxweyne cabdiqaasim ayaa sheegay in dadka gobalka Gedo isku dilaya ay yihiin dad walaala ah waxa uuna cuqaasha deegaanadaasi ugu baaqay in ay colaadaasi soo afjaraan. “Dagaalka ka socdo gobaladu inta badan waa sokeeye wax kale maahan dad walaala ah oo aan kala fogeyn ayaa isdilahaya, hadane Gedo waxaan Alle uga rajeynayaa in dagaalkaasi uu ka joogsado odoyaashana in ay ka qaataan talada oo dagaalka la joojiyo oo aan dadka lagu layn” ayuu yiri madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. Dhanka kale madaxweynihii hore ayaa tilmaamay in dowladda looga baahanyahay in ay khilaafaadka jira iyo meelaha ay ka aloolsanyihiin dagaalada in ay ku dhameyso heshiis iyo nabad. Madaxweyne Cabdiqaasim mar uu arrintaasi ka hadlayay ayaa waxa uu yiri “Dowladda waxaa looga baahanyahay in wixii dagaalamaya ay dhexdhexaadiso wixii khilaafaad ah oo jirana nabad lagu dhameeyo ayaa looga baahanyahay in ay ka shaqeyso waana hubaa in ay ka shaqeynayso” Hadalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli gobalka Gedo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland oo ka dhalatay markii dowladdu gobalkaasi ciidamo ku daabushay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu magacaabay Maareeye ku-xigeenka Dekaddaha Somaliland. Cumar Abuukar Jaamac ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay inuu nqodo Maareeye ku-xigeenka Cusub ee Dekadaha Somaliland, waxaana Wareegtada lagu magacaabay ay ku taariikheysneyd 7-da Bishaan march ee sannadkan 2020. Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista: Source
  11. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa saaka 8-sannadood oo xabsi ciidan ah ku ridday, eedaysane Muuse Maxamed Axmed, oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al-shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay, in eedaysane Muuse Maxamed Axmed uu Al-shabaab u qaabilsanaa farsameynta agabka qarxa, gaar ahaanna bumbooyinka loo yaqaanno F1. Qareenka u doodayay eedaysane Muuse, ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto, maadama uusan aqoon u lahayn wax yaabaha lagu soo qabtay, balse ay dad kale u soo dhiibeen. Garsooraha Maxkamadda, ayaa sheegay in xukmane Muuse Maxamed Axmed uu haysto fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah. Hoos ka akhriso qoraalka Maxkamadda oo dhan PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay nin lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
  12. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay maalinta haweenka ee sideeda Maarso oo maanta ku beegan Qoraal ka soo baxay xafiiska James Swan ayaa ugu horreyn lagu bogaadiyey doorka ay haweenka Soomaaliyeed ku dhex leeyihiin bulshada. Wakiilka ayaa sheeegay in haweenka Soomaaliyeed ay waxqabad muuqda soo bandhigeen, si ay gacan uga geystaan dib u dhiska dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay muujiyeen geesinimo, karti, adkeysi iyo dadaal, iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ka mid yihiin colaado daba-dheeraaday, amni darro iyo xasilooni la’aan siyaasadeed oo weli ka jirta Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in haweenka Soomaaliyed ay si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka qeyb galka siyaasadda oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay astaan muhiim ah u noqon karto xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya. View the full article
  13. (SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa xabsiga dhigay 17 amiir oo kale, maalin kadib markii ay soo shaac baxday inuu xidhay saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya dalkaasi. Amiirada cusub ee la xidhay ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka ahaayeen afgambi la doonayey in awoodda lagagala wareego Maxamed bin Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Sacauudiga. Sabtidii ayaa waxaa soo shaac baxay in Maxamed uu xidhay Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, iyo walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef. 17-ka amiir ee kale ee la xidhay ayaa waxaa ugu caansan Amiir Nayef Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah wiilka Axmed bin Cabdulcaziiz oo la dhashay boqor Salmaan. Nayef ayaa ahaa madaxa sirdoonka ciidamada lugta ee dalka. Dhinaca kale, Maxamed bin Salmaan ayaa soo rogay amar yaab leh oo loogu sheegay dhammaan amiirada dalka Sacuudiga inay barta twitter-ka si shaacsan ugu soo qoraan inay isaga daacad u yihiin, waxaan qaar ka mid ah durba ay u hoggaansameen amarkaas, sida Amiir Cabdullahi bin Sultan Ala Sacuud. Tweets by ASNA_20 Sida ay werisay Reuters, Xubnaha la xidhay ayaa eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah, “inay xidhiidho la sameeyeen dalal shisheeye, oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwa kale, ayna weydiisteen in laga caawiyo afgambiga.” Reuters ayaa dhinaca kale werisay in Boqor Salmaan uu saxeexay waaranka lagu soo xidhay amiiradan. Waxaa sidoo kale la sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay, xilli ay jiraan warar sheegaya in xusuustiisa ayna wanaagsaneyn. Dhinaca kale, waxaa aad looga walaacsan yahay xaaladda Amiir Miteb bin Cabdullah, oo mar loo arkay inuu kurisga ka beddeli karo boqor Salmaan. Miteb ayaa ka mid ahaa amiiradii 2017-kii lagu xabisay hotelka Ritz Carlton ee Riyadh, balse waxaa lasii daayey kadib markii uu bixiyey hal bilyan oo dollar. Mite oo 65 jir ah ayaa waxaa dhalay boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah bin Cabdulaziz. Source
  14. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyada oo kaa shanaysa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn dhinaca cirka ah ku dhishay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab. Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM loo yaqaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn si gaara uga dhacday deegaanka Gardenshe ee gobalka Shbeelaha lagu bartilmaameedsaday dagaalamyaal ka tirsan Al shabaab islamarkaana waxa Mareykanku uu sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 4 xubin oo ka tirsan Al shabaab. Dhinaca kale Mareykanka waxa uu sheegay in duqeynta ka dhacday tuulada Gardenshe aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah, inkastoo aysan jirin ilo ka maxbananaan Mareykanka oo xaqiijin kara in dad shacab ah ay waxyeelo soo gaartay. Bishan Maarso Mareykanka ayaa ilaa iyo 4 duqeyn waxa uu ka fuliyay Gobalka Shabeelaha hoose oo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalkaasi ay ku xoogganyihiin dagaalamayaasha Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, waxaa uu bogaadiyay dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalka. “Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida. “Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri James Swan. Wakiilka Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in mar kasta Haweenka dhibbanayaal lagu sheegay, halkii lagu tilmaami lahaa kuwa firfircoon oo muhiima, isagoo xusay in kalmadda dhibbane ay Haweenka Niyad-jab u keenayso, islamarkaana ay tahay in arrintaasi la joojiyo. “Nasiib darro, doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan ku tilmaama inay yihiin dhibanayaal waana yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba. Waa in arrinkaas is-bedelo,” ayuu raaciyay. Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhan PUNTLAND POST The post James Swan oo ka diga isticmaalka Kalmad uu sheegay in lagu liido Haweenka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  16. War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn Mareykanka uu ka fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka duqeyntaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Mareykanka ayaa xusay in duqeyntaasi ay la beegsadeen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose. AFRICOM ayaa sidoo kale xaqiijisay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu dilay illaa afar xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay diyaaradahooda ay ka fuliyeen Gandarashe aysan khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaankaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliy. View the full article
  17. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Xukuumadda Puntland ayaa go’aamisay in laga bilaabo maanta oo ku beegan 8-da Maarso 2020 si ku meel gaar ah loo hakiyay dhammaan doomaha Kalluumeysiga Shisheeyay ee ka jillaabta xeebaha Puntland. Go’aankaas oo laga shaaciyay Shir ay xalay Garoowe ku yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay mid looga hortago faafidda caabuqa Coronavirus ee waayadan dambe dunida ku sii fidaya. Mudada la hakiyay doomaha Kalluumeysiga Caalamiga ah ee Xeebaha Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay 30 cisho (Bil). Sidoo kale mudadaasi waxaa la joojiyay in aysan doomaha Kalluumeysiga Shisheeye ku soo xiran Karin marsooyinka Puntland marka laga reebo dekedda magaalada Boosaaaso. PUNTLAND POST The post Puntland oo doomaha Kalluumeysiga Shisheeye hakisay marka laga reebo Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  18. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya uu shalay ka geystay deegaanka Gubadley ee duleedka M/Muqdisho. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay wiil yar oo 14 jir ahaa, kaas oo xilliga la dilayey ka soo laabtay iskuul. Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka marxuumka lama oga, balse askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay ilaalada Saney Cabdulle Gaab oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo ciidamadiisa ay joogaan deegaankaasi. Maxamuud Maxamed Jaandhaay oo adeer u ah wiilka la dilay ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen, isaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-turki-gubadleey.mp3 View the full article
  19. Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay hadal ka soo baxay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee James Swan kaasi oo ahaa in uu la socon doono geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya islamarkaana ay qeyb ka tahay xukuumadda Muuse Biixi. Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimha dibada ee Soomaaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa waxaa lagu cadeeyay sida maamulkaasi uu uga xun yahay in xilligaan qaramada midoobay ay tilmaamaan in ay la socon doonaan dhaqdhaqaaqa doorashooyinkooda. Wasiirka ayaana yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba” Dhanka kale xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxa ay beesha caalamka ugu baaqday in ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara madaxbanaanida iyo jiritaanka Soomaaliland sida lagu sheegay warsaxaafadeedka soo baxay wasaarada warfaafinta ee maamulkaasi. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta oo ihaanno iyo liddi ku ah nidaamka dimuqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland oo ay taabogeliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay Xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliland. Halkan ka akhriso warqada ka soo baxday Soomaaliland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-08032020.mp3 View the full article
  21. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe. Dagaalkan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Raaxoy oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad halkaas oo Al-shabaab ay weerartay fariisimo ayku leeyihiin Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab ay iska difaaceen isla markaana ay war hayeen weerarkaas inkastoo aysan faahfaahin ka bixin Khasaaraha ka dhashay. Dadka degaanka Raaxoy ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, in kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha labada dhinac PUNTLAND POST The post Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ku dagaallamay Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.
  22. Balcad (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro iyo dagaallo xigay oo xalay ka dhacay gobolka Sh/Dhexe. Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay weerareen saldhiyo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Balcad ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weeraradaasi uu xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqlayeen guuxa diyaarado dagaal oo ku dul meereysanaya hawada deegaankaasi. Illaa iyo hadda si dhab ah looga oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalladaasi iyo weerarada ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howlgallo baaritaano ah ka bilaabay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliya jidkaan oo muhiim u ah isku socodka magaalada Muqdisho iyo deegaanada HirShabelle.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, James Swan ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlayo maalinta caalamiga ah haweenka ee sideeda Maarso. James ayaa qoraalkiisa ugu horreyn ugu hambalyeeyey haweenka adduunka iyo kuwa Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in aan la xaqiri karin doorka ay ku leeyihiin bulshada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo u nugul dhibaatooyinka ka jira dalka, islamarkaana ay la kulmaan caqabado aad u badan. Halkaan hoose ka aqriso: Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Waxay muujiyeen geesinimo aad u weyn, adkeysi iyo dadaal iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ku jiraan colaado daba-dheeraaday, amni darro, musiibooyin dabiici ah iyo xasillooni darro siyaasadeed. Nasiib darro, doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan ku tilmaama inay yihiin dhibanayaal waana yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba. Waa in arrinkaas is-bedelo, Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Waxaan ahay Jiilka Sinaanta: Xaqiijinta Xuquuqda Haweenka.’ Ka-hor doorashada Soomaaliya ee soo socota ee qof-iyo-codka’ ah, Bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay ku boorineysaa dhammaan saamailayda Soomaaliyeed ee hawshu khusayso, gaar ahaan hoggaanka siyaasadeed, inay taageeraan matalaadda haweenku ku leeyihiin siyaasadda iyo go’aan gaarista, iyo inay dammaanad qaadaan in sinnaantu noqoto xaqiiqo dhab ah oo kamid ah nolosha dhamaan dadka Soomaaliyeed, iyadoon loo eegin jinsigooda. Sidaas darteed, Qaramada Midoobay waxay si xooggan u taageereysaa qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee matalaadda baarlamaanka. Qaramada Midoobay waxay sidoo kale dhiirrigelinaysa dadaalka dardadrgelinta leh ee madaxda qaranka ku bixinayaan Hindise-Sahrciyeedka Xadgudubka Jinsiga ee qabyada ah iyo Hindise-Sharciyeedka Gudniinka Gabdhaha, oo asaas u ah ilaalinta xuquuqda haweenka ku nool Soomaaliya. In haweenku si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka-qaybgalka waa astaan muhiim u ah xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya,” ayuu yiri Md. Swan. Taas waxay ku imaan kartaa oo kaliya tallaab wadareed ay qaadaan dhamaan dadka, oo ay ku jiraan dadka talada haya.