Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maanta ayaa la filayaa in magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland uu ka furmo shirka wadatashiga aayaha Puntland oo uu horey u cilaamiyay madaxweyne Deni, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaaladaasi. Shirkan oo ay ka qeyb geli doonaan dhamaan saamileyda Puntland ayaa waxaa la sheegay in looga hadli doono arrimo xasaasi ah, waxaana masuuliyiinta shirkan ka qeybgaleysa qeyb ka ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ah. Magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u fara badan uu si weyn u sugaya amaanka, waxaana dhamaan la fasaxay ardeyda wax ka barata magaalada Garowe sababa la xiriira shirkan. Lama oga warmurtiyeedka ka soo bixi doona shirkan, iyada oo ay xusid mudan tahay in khilaaf xooggan uu u dhaxeeyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Ankara)-Maxkamadda ku taala magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ayaa saddex Nin oo dadka tahriibiya ku xukuntay xabsi 125 sanno ah. Saddex nin oo ciidammada Xeebaha ee Turkigu ay qabteen ayaa loo haystaa dilka wiil yar oo Suuriya u dhashay oo lagu magacabo Alan Kurdi, kaasi oo ku qarqoomay Badda u dhexeeysa Turkiga iyo Giriira Sanadkii 2015. Wiilka yar oo saddex jir ahaa ayaa maydkiisa oo xeebta yaalla ayaa sawiro laga soo qaaday waxay qabsadeen warbaahinta caalamka, iyagoo soo jiitay indhaha Caalamka dhibaatada haysata qaxootiga Suuriyaan ee dalkooda uga soo cararay colaadda iyo dhibaatada. Doonidaas oo ay qarqoomeen illaa 12 qof waxaa kaloo dadka dhintay Alan walaalkiisa oo 5 Jir ahaa iyo Hooyadiisa, Waxaa ka badbaaday wiilka aabbihii oo lagu magacaabo Cabdullaahi. Source
  3. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa saaka oo Axad ah xukun dil ah ku ridday askari ka tirsanaa ciidanka Militariga oo lagu helay dilka qof shacab ah iyo dhaawaca mid kale. Dable Cabdiraxmaan Cabdulle hilowle oo ka tirsanaa ciidanka Militariga, ayaa lagu helay in uu dilay marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo in uu dhaawacay yaasiin Geedow Xuseen. Xukmanaha ayaa dilka iyo dhaawacaas geystay 31 October 2019, kadib markii marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo yaasiin Geedow Xuseen ay ka diideen, in uu ku fasho beertiisa oo ku taalla degaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellada hoose. Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku ridday eedaysane Cabdiraxmaan Cabdulle hilowle, waxaana fursad loo siiyay 30 cisho oo Rafcan ah. Halkaan ka akhriso warbixinta oo faahfaahsan PUNTLAND POST The post Muqdisho: Askari addoonsi iyo dil gaystay oo xukun dil ah lagu riday appeared first on Puntland Post.
  4. Dable xoogga dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay. Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019 Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle ita kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah oo ah qisaaasta Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Tehran)-General Nasser Shabani, oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa u geeriyooday cudurka coronavirus, ama COVID-19, sida ay soo warisay wakaalada wararka ee Fars. Shabani wuxuu shaqadiisa ciiddamada bilaabay sanadkii 1982 xilligii Dagaalkii Iran iyo Ciraaq. Ka sokow Shiinaha, Talyaaniga iyo Koonfurta Kuuriya, Iiraan waxay ka mid tahay waddammada ay dhibaatadu sida daran u saameysay tan iyo markii uu cudurku dillaacay bishii Diseembar ee la soo dhaafay. Tirada dhimashada virus ka Iiraan ayaa gaadhay 514, telefishanka dowladda ayaa sheegay. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 85 qof ay dhinteen 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, halka 1,289 xaaladood oo cusub la soo saaray, taasoo tirada guud ee la xaqiijiyay ay gaadheyso 11,364. Geerida guud ee cudurkaan ayaa ku badan 5,000, iyada oo in kabadan 132,500 kiisas ah la xaqiijiyey, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka. Source
  6. Qodabada saakay ugu waa weynee warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin Shirkii Wada ashiga Puntland ayaa maanta ka furmaya Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland. Meydka Gabar yar oo daáhaan lagu qiyaasay 12 sano jir ayaa laga helay duleedka Magaalada Dhuusamareb ee Caasimadda Galmudug. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa muqdisho ku qabatay kulan deg deg ah oo looga hadlayey ka hortagga faafitaanka Cudurka halista ah ee Corona Virus. Midowga Yurub iyo ayaa bayaan ka soo saaray, Xaaladda Amni ee hadda taagan Maamul goboledyada Galmudug iyo Jubbaland. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Weriyahayaga Jacfar Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-15-03-2020-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Iyadoo baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug uu laalay qodob ka mid ahaa Dastuurka maamulkaasi oo dhigayey in xildhibaanadu aysan qeyb ka noqon karin wasiirada ayaa waxaa arrintaasi si dhaliilay siyaasiyiin hore oo xilal ka soo qabtay Galmudug Cismaan Maxamed Nuur (Dheere) oo ah wasiirkii hore ee Dastuurka maamulkaasi oo la hadlay Shabelle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in meesha laga saaro qodobkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo in la kala qaado golaha wasiirada iyo xildhibaanada si loo helo isla xisaabtan dhab ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Zaki-1.mp3 View the full article
  8. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya meydka gabar yar oo lagu arkay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Meydka gabadhaasi oo 12 jir aheyd ayaa laga helay deegaanka Bohol oo hoos yimaada magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug ay gaareen deegaankaasi, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen gabdha hooyadeed iyo sayigeeda, kuwaas oo looga shakiyey inay ku lug lahaayeen dilka marxuumadda. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shardi-1-2.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-150320.mp3 View the full article
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in meydka gabar yar oo 12 jir aheyd lagu arkay deegaanka Bohol oo dhaca duleedka waqooyi, magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada Booliska Galmudug ayaa la sheegay in meydka gabadhaasi yar oo jirkoodu uu ka muuqday jirdil xoogan oo sababay geerideeda ay geeyeen Dhuusamareeb. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen marxuumadda hooyadeed iyo sayigeeda oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falkaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana wax lag weydiinayo falkaasi. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka gabadhaasi yar oo si arxan darro ah loo dilay. Sidoo kale ma jiro wax faar faahin dheeri ah oo saraakiisha saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen dilkaasi. Dhacdadaan oo ay si aad ah ula yaabeen dadka deegaanka ayaa saaka laga hadal hayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.
  11. Burco (Caasimada Online) ― Maanta waxa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka furmay Shir beeleed Miisaan leh oo u dhaxeeya labo beelood oo dega Galbeedka iyo Bariga Burco. Shirkan oo lagu sheegay mid lagaga wada-tashanayo Mustaqbalka labada Beel ee dhanka Siyaasada iyo Horumarinta deegaanada ay wada degaan labadooduba, iyagoona isku laab xaadhan doona. Shirkan oo muddo laga soo shaqeynayay ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada Burco, waxaana la filayaa in war-murtiyeed is-faham laga soo saaro shirkaasi ay wada leeyihiin Beesha Habar-jeclo iyo West Burco Clan. Inkasta oo uu Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali uu dhawaan u sheegay Warbaahinta in shirkani ka madax-banaan yahay gebi ahaanba Siyaasada, ayaa haddana waxa naloo xaqiijiyey in ay qeyb ka tahay wada-tashiga labada beel. Waxaana todobadkii u dambeeyay magaalada Burco ku sii qul-qulayey Madax-dhaqameed iyo dad badan oo haldoorka Bulshada kamid ah oo kasoo jeeda labadaasi Beel, si ay uga qeyb galaan shirkan maanta furmay.
  12. A day after Louisiana pushed back its primaries because of fears over the new coronavirus, Georgia announced it's postponing the primaries until May. The candidates, meanwhile, have taken their election campaigns online. Source: Hiiraan Online
  13. Dhammaan xubnaha maamulka Puntland ugu jira dowladda federaalka, sida xildhibaanada iyo wasiirada ayaa Jimcihii gaaray magaalada Garoowe oo uu ka furmayo shirka wada-tashiga Puntland ee uu ku baaqay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Waxaa xusid mudan in ujeedka shirkan Deni ugu baaqay ay tahay sidii ay Puntland uga tashan lahayd aayaheeda, kadib markii uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah “inay carqaladeyn iyo dagaal kula jirto maamul goboleedyada dalka oo Puntland ay ka mid tahay.” Ka-qeyb galka xubnaha dowladda ee shir ujeedkiisaba yahay sidii Puntland uga tashan lahayd dowladda ay xubnaha ka yihiin, waxay muujisay sida xubnaha Puntland ugu jira dowladda ay u gudanayaan shaqadooda ah mataaladda danta Puntalnd. Ogow, haddii dowladda dhexe ay dhibaato ku hayso deegaankooda oo sharciga ay ku xadgudbeyso waa ku saxan yihiin inay ka dhiidhiyaan. Hase yeeshee tegitaankooda Garoowe, waxay sidoo kale farriin u dirtay oo ay cashar siyaasadeed u dhigtay xubnaha dowladda ugu jira beesha Mudulood ama guud ahaan Mogadishu Clan, oo ay tahay inay fahmaan qodobadan. 1 – Ma ahan ceeb, dambi ama dowlad dumin inaad adiga oo xubin ka ah dowladda dhexe aad sidoo kale ka shaqeyso danta qabiilka aad matasho. Xusuuso, dowladda federaalka waxay ku dhisan tahay nidaam qabali ah, oo qof kasta oo xubin ka ah wuxuu matalaa qabiil, sidaas darteed inaad raadiso danta kuwa aad matasho, adiga oo aan dowladda dumin, waa waajib. Xildhibana Mahad Salaad oo arrintan ka hadlaya wuxuu yiri “waxaan waydiin lahaa wasiirada Mogadishu Clan ee Nabad iyo Nolol caqiido in ay tahay aaminsan, suurtogal ma tahay in aad dadkiina soo dhex gashaan, shirarka qaraabadana ka soo qayb gashaan, aragtidiinana ka dhiibataan, kana waantoowdaan kala furfurka iyo baajinta shirarka beesha ee maalin walba la idiin adeegsanayo, una dhaqantaan sida dhiggiina reer Puntland?! 2 – Casharka labaad ee arrintan laga baran karo ayaa ah “muhiimadda isku duubnida”. Haddii aysan wakiilada Puntland ee dowladda dhexe isku duubneyn, waxay madaxda dowladda awood u yeelan lahaayeen inay qaarna lacag ku furfuran qaarna xil-ka-qaadis ugu hanjabaan. Hase yeeshee maadaama hadda ayaga dhan hal mowqif ay ku wada taagan yihiin kaasi ah “Hormarinta danta Puntland”, waxaan jirin wax ay habayaraatee dowladda dhexe ka qaban karto. 3 – Shirka Garoowe wuxuu sidoo kale muujinaya in madaxda dowladda dhexe, ee ka xadgudbaya dastuurka iyo sharciga dalka, looga adkaan karo oo kaliya isku duubni. Halka dowladda ay isku dayday inay baajiso shirkii Mudulood ee Muqdisho, ayada oo adeegsaneysa awood iyo laaluushka siyaasiyiin caado qaatayaal ah, waxaa taa bedelkeeda warbaahinta qaranka laga baahiyey tegitaanka Garoowe ee wafdiga dowladda ee uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibedda. Haddii Mudulood, aysan ku jirin odayaal iyo siyaasiyiin laga masruufo Villa Somalia, iyo wasiiro iyo xildhibaano cabsi darteed aan xitaa hadli karin, waxaan shaki ku jirin in dowladdu sidaas oo kale u ixtiraami lahayd. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Maalmihii u dambeeyay waxa aad u soo baxayey warar sheegaya in Xisbiga Kulmiye guddoomiye-nimadiisa si kumeel-gaadh ah loogu wareejinayo Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore). Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Guddoomiye-nimada xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya lagu wareejinayo Wasiir Koore. Xaglo-toosiye ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo dad gaar ah ay faafinayaan, oo isla markaana aan sal iyo raad toona laheyn, maadama uu weli socdo shirarkii xisbiga Kulmiye. “Arrintaasi wax jira maaha, Xisbigu Shirar ayuu leeyahay, Shirarkaasi way soo socdaan” ayuu yiri Wasiirkii hore e Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye. Wuxuuna intaas sii raaciyey Xaglo-toosiye “Waxaasi waa wax aad idinku (Warbaahinta) aad meelahaa ka tidhaahdeen, laakiin rasmi maaha”. Waxa muddooyinkii dambe aad u soo shaac-baxayey loolan adag oo Siyaasiyiinta Kulmiye ay ugu jiraan sidii ay ku hanan lahaayeen guddoomiye-nimada Xisbigaasi, oo hadda haya talada Somaliland.
  15. Hyenas, coffee, and qat — the city of Harar in Ethiopia offers much to intrigue visitors with its robust history and a unique culture. Source: Hiiraan Online
  16. To say Suheib Mohamed has come a long way is putting it mildly. And in many ways his journey is just beginning. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday dadka ka imanaya afar dal oo ka mid ah kuwa uu sida ba’an ugu faafayo cudurka Coronavirus inay soo galaan dalka. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu mamnuucay inay dalka soo galaan dadka dalalka kale kasoo jeeda balse soo mara afartaas dal 14-kii maalmood ee ugu dambeeyey. Afartan dal ayaa kuwa ugu xun ee cudurka Coronavirus uu saameeyey, waxaana hadda ugu darran Talyaaniga, Iran iyo Korea-da Koonfureed, halka Shiinaha uu u muuqdo inuu inta badan la tacaalay xanuunkan. Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in looga hortago in cudurka Coronavirus uu ku faafo Soomaaliya. Dhammaan shirkadaha diyaaradaha ayaa loogu baaqay inay u hoggaansamaan amarkan.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa min boqol dollar ka jartay mushaarka ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Qaranka, kuwaas oo sidoo kale isbadal weyn lagu sameeyay. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ciidankaan oo markii hore ka lacag badnaa ciidanka kale ee Qaranka maadaama yihiin ciidanka ilaalada madaxda Qaranka ayaa laga goostay min 100$, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan. Jarista lacagta ciidanka ayaa ka bilaabatay bishaan waxaana dhamaantood loo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la siinin doonin. Sidoo kale Villa Somalia ayaa badashay ciidankii Koofiya Casta waxaana lagu badalay ciidamo u badan reer Gedo iyo Koonfur Galbeed. Lama oga sababta ka dambeysa, hase yeeshee waxay noqotay hadal heynta ugu weyn ee ciidanka dhaxdiisa waxaana qalbiyada ciidanka laga dareemayaa niyad jab iyo dhibaato soo foodsaartay. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay halis gelisay ciidanka ka soo jeeda gobolada Banaadir iyo Shabeelada Dhexe islamarkaana ay u dirtay goobo dagaal oo ay ka jirto dayacaad weyn. Ciidamada cusub ee ilaalada Villa Somalia ayaa badankood kasoo jeeda beesha madaxweynaha, halka kuwa la beddelay ay ku beel yihiin madaxweynayaashii hore, waxaana mid ka mid ah sababaha lagu sheegay in baqdin ay soo foodsaartay madaxweyne Farmaajo, maadaama uu dalku ka galayo marxalad doorasho, oo haddii la qaban waayo uu iman karaan kadcoon isaga ka dhan ah. Wali ma jirto wax war ah oo ka baxay mas’uuliyiinta ciidanka oo ku saabsan isbadalka ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo sababta loo jartay lacagtii ciidanka ee Koofiya casta ee Villa Somalia.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dunidu waxay si mideysan ula tacaaleysa xanuunka Coronavirus, kaas oo galaaftay nolasha kumanaan qof halka uu soo ritay kumanaan kale. Wadamo badan ayuu gaaray waxaana xanuunkaas uu saameeyay muwaadiniinta dalal waa weyn oo leh awood dhaqaale iyo mid kalaba, hase yeeshee hadda waxa uu soo gaaray dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya. Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa ka warqabin halis kusoo wajahan dalka, taas oo looga baaqsan karo oo kaliya midnimo iyo wadatashi. Arrinta aysan ku baraarugsaneen dowladda iyo maamul goboleedyada waa in aan waxba laga qaban karin Coronavirus, islamarkaana aan laga hortagi karin cudurkaan haddii aan loo helin siyaasad mid ah iyo wadashaqeyn dhaxmarya dowladda federaalka iyo maamulada. “Iyadoo aan la helin siyaasad mid ah oo looga hortago arintaan dalka waxa uu ku jiraa xaalad halis ah” ayuu yiri Dr Liibaan Mohamed oo aqoon yahaan bartay culuumta siyaasadda. “Inta siyaasad iyo khilaafka meel la iska dhigo waxaa ku talinayaa in guddi qaran la sameeyo kana qeyb qaataan dhamaan maamulada iyo wasaaradaha caafimaadka hadii ay dhici weyso waxaa muuqata halis weyn oo dhib badan sababi karta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Liibaan. Khilaaf culus ayaa u dhaxeeya dowladda Soomaaliya maamulada qaar, mana jirto wax wadashqeyn ah oo dhaxmarta dhinacyada iyadoo ay jirto xaalad walaac oo ay qabaan adduunka oo dhan.
  20. By: John Black Ever since the 9/11 attacks, the U.S. military and intelligence agencies have been battering al-Qaeda terrorists wherever they have found them. Afghanistan, Iraq, Pakistan, everywhere. What used to be safe havens have now become graveyards. But other bastions have emerged in the meanwhile. Somalia and Yemen are two of them. Al-Qaeda’s Yemen affiliate was bolstered by its merger in 2009 with the Saudi Arabian al-Qaeda affiliate forming al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP). This merger poses a significant destabilization threat throughout the Arabian Peninsula. Though Yemen still maintains vestiges of its tribal history, they are less pronounced than in Somalia. This allows al-Qaeda to utilize Yemen as an ideological base. Al-Qaeda’s Saudi Arabian affiliate has significant media outlets from which it spreads ideological propaganda. The merger allowed the two affiliates to pool resources and reach a broader audience of potential recruits. The recent elimination of Qasim al-Rimi, the leader of AQAP, may end up slowing the growth of the group. Al-Rimi had committed unconscionable violent acts against civilians in Yemen and sought to conduct and inspire numerous attacks against the United States and its forces. President Trump believes that the elimination of al-Rimi will bring us closer to removing the threats this group poses to our national security. AQAP’s media output shows how al-Qaeda tries to make different ideas, beliefs, myths, and traditions work to radicalize and mobilize the population. These media outlets not only identify grievances and assign blame; they also outline actions necessary to correct the problems. By doing so, AQAP has managed to rise above many of the previous tribal and economic divisions and unite a growing number of Yemenis to its cause. A shared grievance narrative has led to claims by Yemeni analysts that while al-Qaeda may number in the hundreds, there are tens of thousands of Yemenis who share its grievances. With potentially thousands of recruits, AQAP poses a severe threat to international security despite the death of al-Rimi. Furthermore, Yemen’s weakened state is more useful to the group’s purposes than a completely collapsed state, such as in Somalia, would be. AQAP walks a tight wire in inciting grievances and mobilizing citizens, yet not being the catalyst behind total civil collapse. Within this balancing act lie the success and failure of AQAP’s objectives. The weakened Yemeni government is an invitation for al-Qaeda, whereas the growth of the government’s strength and authority among the population would prove inhospitable. Yemen is struggling to make strides in state-building. As recently as 50 years ago, the Yemeni imam presided over a country with no local currency, no sewage system, and only three hospitals. The country has experienced growth. However, corruption within the government, a lack of particular political direction, and old tribal divisions still threaten to unravel any progress. The Yemeni government is not the only one at stake; AQAP has spoken openly about its desire to depose the Saudi Arabian regime. AQAP maintains al-Qaeda’s original vision of ridding the Arabian Peninsula of all non-Muslims, establishing a local emirate, and liberating Palestine en route to the creation of a global caliphate. The potential fundraising capabilities within the Somali piracy network and Yemen’s ideological base and operating space provide al-Qaeda with useful resources to wage war against the U.S. and western interests. However, U.S. government intervention often plays into al-Qaeda’s narrative against the occupation. One of the rallying cries and most potent radicalizing ideals is the ousting of foreign powers from Muslim lands. Al-Qaeda has become adept at inflaming passions and perceived injustices at the hands of western occupiers. Thus, Western support to local government inconspicuously requires finesse and the judicious application of aid and government funding. Indiscriminate financial aid only adds to the problem of corruption and creates a cycle whereby violence and warfare pay off for a small percentage of the population. Military support, such as counter-terrorism training by U.S. SOF, is useful but should be contingent on demonstrable efforts by the government to battle corruption and homegrown terrorism. Otherwise, we risk arming and training our future adversaries. The threat posed by al-Qaeda will be an ongoing struggle to identify and respond in countries where conditions encourage exploitation. The organization is adept at gaining footholds where weakened governments are unable to support lawful order. Explosive population growth will intensify the competition for scarce resources, and globalization provides al-Qaeda with ample population grievances that it can exploit to ensure the regeneration of its numbers. Though it may be impossible to stamp out, altogether, the threat that al-Qaeda poses, the global community can greatly hinder al-Qaeda’s effectiveness. Currently, state decline in the Arabian Peninsula and the Horn of Africa, specifically in Somalia and Yemen, offer the most significant opportunity for al-Qaeda’s continued operation. As such counter-terrorism efforts should be a top security priority in these countries. Credit: Sofrep.com
  21. Garowe (PP News Desk) — Puntland Goverment media liason officers held a meeting today with representatives from the local media organisations in Garowe. At the very outset the liason officer appointed to brief journalists at the meeting made it clear that only Puntland State Government media staff will be allowed to cover the consultative conference and will have the responsibility to share with the local media images from the conference. President Said Deni: Has he appointed censors at the Puntland Consultative Conference? The consultative conference to start tomorrow in Garowe comprises discussion sessions to which local private media correspondents will not have access. The decision to deny local private media organisations the privilege to cover the conference sends the wrong message. Puntland Government will censor reports on discussions. Puntland Government media staff will release reports cleared by the media liaison officers. “Puntland Government sets the conference agenda and moderates discussions. This gives it the power to enforce rules about what to discuss and how” says a journalist working for a news website in Garowe. “We have to quote participants of discussions. If we report what they tell us we might face arrest”. Last week Puntland State Police Commissioner Brigadier General Muhiyaddin Ahmed Musse vowed to be tough with media organisations whose reports expose government misdemeanours. “The aim to grant participation privileges only to Puntland Government media staff smacks of a desire to mislead the public about the conference agenda, which President Said Deni described in February as consultative and transparent” Issa Ali, a media commentator told Puntland Post. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND GOVERNMENT BARS LOCAL MEDIA FROM COVERING THE CONSULTATIVE CONFERENCE appeared first on Puntland Post.
  22. Wararka ka imaanaya Waqooyi magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay Meydka Gabar 12-jir ah oo si arxan-darro ah loo dilay. Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa Meydka gabadhaasi yar ka soo qaaday degaan lagu magacaabo bohol oo dhanka waqooyi uga beegan Dhuusamareeb sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska. Sidoo kale Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo isugu jira Gabadha dhimatey hooyadeed iyo nin qaba kuwaasi oo ku eedaysan in ay ka dambeeyeen falka loo geystay gabadhaas yar. Labada eedaysane ayaa iyaguna waxaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb waxaana la sheegay in hooyada iyo nin saygeeda ah lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falka lagu dilay gabadha yar oo 12-sanno jir aheyd. PUNTLAND POST The post Maydka gabar yar oo laga helay degaan ka tirsan Galgaduud appeared first on Puntland Post.