Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,224
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Manchester City needed just four minutes to wake Ipswich Town up from a dream start and bring them crashing back to reality at the Ethiad Stadium on Saturday afternoon. Source: Hiiraan Online
  2. Hargeisa (HOL) — As Somaliland's November elections approach, the political landscape is growing increasingly tense, with the opposition Waddani party facing allegations of secret ties with Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay laga maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waa wayn ee deegaankaasi. Qaraxyo is xig-xigay ayaa mar qura ka dhacay Ceelasha, waxaana xigtay gubashada goobaha ganacsiga oo intooda badan gubtay. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu amray inay xiraan Caamirooyinka qarsoon ee CC TV. Xaalad kacsan ayaa weli ka jirta Ceelasha Biyaha, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo iyaguna baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi. Weerarka ka dhacay Ceelasha waxaa ka horreeyay qaraxyo kale oo todobaadkii hore ka dhacay halkaasi, kuwaas oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Si kastaba, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xilli Ceelasha Biyaha iyo deegaanasa u dhow ay maalmahan howlgallo culus ka wadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya. The post Suuqyada waa wayn ee Ceelasha Biyaha oo qaraxyo lagu gubay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  4. Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno degaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho waxaa xalay gubtay suuqa Marwo oo ka mid ahaa Suuqyada ugu muhiimsan deegaanka. Waxaa basbeelay ama gubtay inta badan suuqa ka dib saacado uu ka socday dabka. Wararka ayaa sheegaya in gudaha Suuqa lagu xiray Miinooyin ka dibna sidaasi lagu qarxiyay. Suuqa Marwo ayaa shalay lagu xiray Kaamirooyinka Amniga. wararka qaar waxa ay sheegayaan in digniino joogta ah ay kaga imaanaayeen ganacsatada kooxda Shabaab. Suuqa ma helin dadaalo lagu daminaayo taasoo keentay in ganacsato badan ay ku hanti beelaan. Hadda Ganacsatadii ayaa hor dhooban Suuqa ka dib markii lagu guuleystay in la Damiyo. Wali si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay dabka. kala soco Goobjoognews.com wixii kusoo kordha. Source: goobjoog.com
  5. Hargeisa (HOL) — Somaliland has issued a stern warning to money transfer companies, urging them not to comply with a Somali government directive that demands the removal of all references to "Somaliland" from their services by September 1. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay Munaasabadda sannadlaha ah ee bandhigga waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay. Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha waxa uu bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay xaqiijiso himmilooyinka dadka Soomaaliyeed ee xoreynta deegaannada ku jiray gacanta argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta maalgashiga iyo dib u habaynta dowladnimada. ”Xukuumadda DanQaran wixii ay qabatay labadii sano ee la soo dhaafay, waa sadar muuqda su’aal ka dhan, indhaheenna ayaan ku aragnay, guulaha la gaaray wadajir, wada-shaqeyn iyo midnimaa ayaa lagu gaaray”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dalka uu ku tallaabsanayo isbeddello horumarineed oo muddo dhow la dareemayo, kuwaas oo ay saldhig u tahay dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda iyo wadashaqaynta Hay’adaha dowladda. “Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan labadii la soo dhaafay, Mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa waana ballan qaadeynaa taas”. Inta ay socotay Munaasabaddu, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhagaystay Wasiirrada Golaha Xukuumadda, kuwaas oo soo bandhigay horumarrada la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen muddadii ay xilka hayeen. Wasiirradu waxay si faahfaahsan uga hadleen guulaha la gaaray iyo qorsheyaasha hortabinta leh. Source: goobjoog.com
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay iyo maanta ay Al-Shabaab soo buux dhaafiyeen deegaano u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland. Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen agagaarka deegaanada Buulo-xaaji iyo Cabdalle Biroole oo dhaca galbeedka gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu yahay inay weeraraan deegaanadii ugu dambeeyay ee laga qabsaday oo ay kamid ah magaalada Buulo-xaaji. Sidoo kale waxaa dhaq-dhaqaaqan ka war helay ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland oo iyagana isku fidiyay aagga Kismaayo, si ay uga hortagaan Al-Shabaab. Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo ay wadaan labada dhinac. Indhowaanahan waxaa Jubbooyinka ka socday howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada huwanta, waxaana jiray weeraro ay soo qaadeen Al-Shabaab oo isla iyaga lagu jabiyay. Si kastaba, waxaa mar kasta la filan karaa inuu dagaal ka dhex-qarxo labada dhinac, iyada oo cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. The post Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyay duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  8. Janusz Racz ayaa sheegay inuu mar walba diyaar u yahay inuu isku dayo wax cusub Janusz Racz, oo 67 jir ah, ayaa noqday bukaankii ugu horreeyay ee kansarka sanbabada ee UK ee lagu tijaabiyo daawo cusub oo aad loogu rejo wayn yahay inay wax ka beddeli karto habka loo daaweeyo cudurkan. Tallaalkani waa mid shakhsi ahaaneed oo bara habka difaaca ee bukaan si uu ula dagaallamo cudurka isagoo baabi’inaya unugyada kansarka. Janusz wuxuu si iskiis ah u aqbalay in loo isticmaalo tijaabinta tallaalka cusub. Tallaalku wuxuu ku saleysan yahay tignoolajiyada RNA oo markii ugu horreysay lagu tijaabiyay Mareykanka xilligii uu caalamka faraha ba’an ku hayay cudurkii Covid-19. Marxaladda koowaad ee tijaabooyinka caafimaad ee dawo kasta waxay had iyo jeer hubisaa bad-qabka daawada bukaanka. 130 mutadawiciin ah oo isaga oo kale ah ayaa loo isticmaali doonaa tijaabinta tallaalkan, waxaana baaritaanka lagu sameyn doonaa barbar socda in ka badan 30 xarumood oo cilmi baaris ah oo ku kala firirsan toddobo waddan. Xarumahan waxa ka mid ah University College London (UCL). Bbcsomali Qaran News
  9. Mogadishu (HOL) — Somaliland's government has levelled serious accusations against the opposition Waddani party, alleging ties with Somalia undermining the self-declared republic's push for independence. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Somaliland's government has levelled serious accusations against the opposition Waddani party, alleging ties with Somalia undermining the self-declared republic's push for independence. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — Somalia has issued a strict order requiring all remittance companies and businesses operating in the country to eliminate any references to "Somaliland" from their websites and financial services. The directive, aimed at reinforcing Somalia's territorial integrity, will take effect on September 1, with violators facing legal consequences. Source: Hiiraan Online
  12. Somalis trade deficit has significantly widened over the past six years. In 2018, Somalia faced a trade deficit of USD 2.749 billion, which expanded to USD 5.7 billion by 2023. The total import value increased from USD 3.3 billion in 2018 to USD 6.955 billion in 2023, while the total export value grew from USD 571 million to USD 1.223 billion. Source: Hiiraan Online
  13. Waa guddii ugu horeysey ee 2012kii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wada hadaladda Somaliland iyo Soomaliya. Faysal ba ka mid ahaa, Se Shirkii jaraaid ee maanta Faysal Cali Waraabe Guddidan ayuu eedeeyey !! Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa qabatay bandhig weyn oo ku saabsan waxqabadkeedii labadii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo ka socda magaalada Muqdisho. Dhamaan Golaha Wasiirrada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa uu hogaaminayo ayaa isugu tegay Hotel Royal Palace oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo bandhigayo waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb gelaya bandhiggaan, waxaana wasiir kasta laga dhageysanayaa warbixintq waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa, labadii sano ee xafiiska uu joogay. Wasaaradaha Xukuumadda ayaa soo diyaarsaday guulihii ay gaareen iyo waxqabadka u hirgalay labadii sano ee xafiiska ay joogeen. Wasaaradda kasta waxay hoolka uu bandhiggaan ka socdo geysatay waxyaabaha ay caanka ku tahay ama ka shaqeyso, waxaana kormeeraya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lasoo bandhigayo waxaa ka mid ah guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, dib u dhiska iyo arrimo kale oo badan oo wasaarad kasta ay qeyb u xil-saaran tahay. Markii uu soo idlaado kulankaan Bandhigga ah oo ka soo bilowday kulankii dadweynaha ee habeenkii Khamiista su’aalaha lagu weydiinayey Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa khudbado ka jeedi doona Xamsa Cabdi Barre iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiya xukuumadaan. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo caawa qabatay bandhigii ugu weynaa – Maxaa ka socda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa soo saartay amar ay ciwaan uga dhigtay “ilaalinta qaranimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.” Amarkaan ayaa ku socda shirkadaha<span;> 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥, 𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚 𝐄𝐱𝐩𝐫𝐞𝐬𝐬, 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐲𝐒𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐞𝐥𝐢 𝐛𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐥𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡. Shirkadahaan ayaa adeegooda ku bixiya magaca Somaliland, iyagoo muujinaya inay u aqoonsan yihiin dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi oo ka careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya. “Xawaaladaha iyo shirkadaha ay wargelintaani ku socoto waxaa la farayaa inay joojiyaan xadgudubka lidiga ku ah gobanimada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka saaraan mareegaha iyo hababka kale oo ay isticmaalaan magaca Somaliland, kuna koobaan kaliya magaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya. Wasaarada ayaa shirkadahaas u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September. “Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan. Wasaaradda Ganacsiga ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya. Hoos ka akhriso qoraalka The post DF oo amar culus duldhigtay shirkado iyo xawaalado ka shaqeeya Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaan Xawaadaha iyo Shirkadaha kale ee lacag dirista ku wargelisay in ay joojiyaan adeegsiga magaca Somaliland. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu amray dhammaan Xawaadaha iyo Shirkadaha kale ee lacag dirista in ay website-yadooda ka saaraan magaca Somaliland. Go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkadahaasi ku amray in ay isticmaalaan magaca Soomaaliya halkii ay ka adeegsan lahaayeen magaca Somaliland si loo ilaaliyo wadajirka iyo midnimada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay ku hanjabtay in xawaalad kasta iyo shirkaddii aan u hoggaansamin go’aankaasi loo tixgelin doono mid ku xad-gudubtay madax-bannaanida dalka islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. Halkan ka akhriso go’aanka dowladda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Shirkadaha Lacag dirista ku amartay in ay joojiyaan adeegsiga magaca Somaliland appeared first on Puntland Post.
  17. Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in ugu yaraan labo caruur ah ay ku dhinteen 16 kalena ay ku dhaawacmeen weerar bambaano oo ka dhacay meel ku dhow xafiis boolis oo ku yaala koofur galbeed ee dalkaas. 7 askari oo boolis ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay bamka meelaha fog laga hago ee ku xiranayd mooto lagu qarxiyay degmada Pishin Sabtidii, sida uu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. Afhayeen u hadlay dowlad goboleedka Shahid Rind ayaa sheegay in wax uu ku tilmaamay argagixiso ay beegsanayaan dadka aan waxba galabsan iyo kuwa aan dembi lahayn si ay u gaaraan ujeedooyinkooda guracan oo ay leeyihiin. Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Waaxda La-dagaalanka Argagaxisada ee Pakistan (CTD) iyo Kooxda Ka-hortagga Bambaanooyinka ayaa la geeyay gobolka uu weerarku ka dhacay, sida ay sheegtay Dawn News. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka maamulka Puntand. Muuse Suudi ayaa si weyn u dhaliilay Puntland, wuxuuna sheegay in dhankeeda ay ka jirto caqabadda, ayna diidan tahay inay la shaqeyso dowladda dhexe. “Waxa diidan inay dowladda la shaqeeyaan waa Puntland shirarka la wada qabto iyagaa inay kasoo qaybgalaan diiday, cid wax ka qaban kartana ma jirto” ayuu yiri Senator Muuse. Senatorka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in uusan jirin dhaqaale laga goostay Puntland, ayna ka lacag badan tahay maamullada kale, sida uu hadalka u dhigay. “Qolo dhaqaale laga gooyay ma jirto Puntland 750 ay shaqaale ahaan lacag ku qaadataa, aniga dowlad goboleedkayga wuxuu wax ku qaataa 150, waxaa ku xiga Galmudug 250 ayay ku qaadataa, waxaa kusii xiga Koonfur Galbeed 500 ayay wax ku qaadataa” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qoftii sad-boob qabtay, haddii ay haddana xaqiraad qabto iyo imaan darro meel la gaynaayo ma naqaano, annaga gobolkan 5 miyan ayaa dagan xaquuq ay leeyihiin malaha dadka waa nabad galashaan, waana soo dhaqeeyaan”. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, maadaama uu jiro khilaaf u dhexeeyo mucaaradka iyo dowladda, isaga oo sheegay inuu soo dhaweynayo in laga gudbo doorashada dadban, lana aado mid ay dadweynaha soo dooranayan hoggaanka. “Horta doorasho qof iyo cod ayay u socotaa khilaaf dadka madaxda ka ah dowlad goboleedyada dhexdooda inay ka heshiyaan ayaa laga rabaa” ayuu sii raaciyay. The post Daawo: Senator Muuse Suudi oo runta u sheegay PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta usgu yeertay dhammaan safiirada magacaaban ee ku sugan magaalada Muqdisho, si loogu diyaariyo inay si toos ah ugu guda galaan shaqooyinka dhowaan loo igmaday. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadd, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta safiirada cusu tababar uga furay Machadka Diblomaasiyadda, waxayna gaarayaal illaa 12 safiir iyo 2 qunsul oo ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya. Cali Balcad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in safiirada laga doonayo inay ka soo dhalaalaan ammaanada iyo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday. Sidoo kale agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, ayaa ka hadlay tababbarkan oo la xiriira Diblomaasiyadda in safiirrada cusub, Qunsulada iyo diblomaasiyiinta looga baahanyahay in ay aqoontooda ku lifaaqaan waddaniyadda oo ay muujiyaan karaamada shaqo iyo matalaad, Waxaa kale oo uu kula dardaarmay in waxwalba ay ka hormarinayaan danta qaranka, wuxuu intaa ku daray in tababarkani uu wax badan ka tari doono ilaalinta danta qaranka. Ugu dambeyn kusimaha xoghayaha joogtada ahna agaasimaha waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Shaafici Nuur Calas ayaa sheegay safiirrada iyo qunsulada guud looga baahan yahay sare u qaadidda maqaamka dalka iyo sumcaddiisa. Magacaabista safiiradan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, ayada oo ujeedka lagu sheegay si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay dalalka caalamka. The post Wasaaradda arrimaha dibadda oo u yeertay safiirada magacaaban + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  20. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 66-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka shabeellaha hoose. Ciidanka oo la sheegay inay ka war heleen inay kooxda Al-Shabaab isku diyaarinayeen weerar ay ku soo qaadaan guutada 14-ka October iyo Atmis ee Janaale ka howlgala ayaa weerar dhowr jiho ah kaga hortagay is abaabulkii kooxda sida ay sheegeen saaraakiisha Ciidanku, waxaana wararku sheegayaan in khasaarre xoog lihi uu gaaray xubnihii Al-Shabaabka ahaa ee ciidamadu weerareen. Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo kala duwan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxa ay ka wadaan gobollada dalka, waxaana soo badanaya dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ka tirsan ee ciidamada isku soo dhiibaya. Source: goobjoog.com
  21. Janaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay maanta howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda. Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada 14 October ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Kaaytooy, Mushaani, Majabta iyo Waagaade oo dhamaantood hoostaga Janaale. Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi, iyada oo lagu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 66-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal ay Khawaarijta ku gaarsiiyeen jab xooggan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka shabeellaha hoose” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa warsaxafaadeedka lagu sheegay in ciidamada ay heleen xogta Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi, si ay u soo wareeraan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, balse lagu qaaday weerar dhowr jiho ah oo lagu jabiyay. Geesiyaasha Qarankeenna oo helay xogta Khawaarij isku Abaabuleysay inay soo weeraraan fadhiyada guutada 14-ka October iyo Atmis ee Janaale ayaa weerar dhowr jiho ah kaga hortagay damicii Argagixisada, khasaarre xoog leh ayaana ku gaaray goobihii lagu weeraray Maleeshiyaadkii ay Khawaarijtu diyaarineysay” ayaa mar kale lagu yiri qoraaka. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Shabeelaha Hoose, gaar ahaan aagga Janaale. Inta badan waxaa gobolka isku fara saara ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaano kamid ah gobolkaas oo ay kasoo abaabulaan weeraro iyo qaraxyo. The post Al-Shabaab is urursanayay oo jab culus la gaarsiiyay appeared first on Caasimada Online.
  22. Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta dhiira-galin u sameeyay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo qaatay tababar iyo dib u habeyn xoogan. Ciidamadaan ayaa muddo dhowr bil ah qaatay tababar muhiim ah maadaama ay furimaha dagaalka ku qaateen waqti badan, waxaana lagu dhiira-galiyay inay sii laba jibaaraan waajibaadka ka saaran difaaca Qaranka. Waxay ka mid noqonayaan Ciidamo si heer sare ah loo tababaray loona diyaariyay Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si ay uga saaraan goobaha uu wili uga suganyihiin gobolalada dalka. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kooxda Al-Shabaab ka saaray magaalooyin badan oo isugu jira degmooyin iyo tuulooyin intii lagu jiray wajigii koobaad ee dagaalkii madaxweynuhu horay ugu dhawaaqay, haddana waxay isku diyaarinayaan guluf cusub oo kooxda ka dhan ah. Source: goobjoog.com