Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Senetor Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan doonayn in ay xil weyn iska saarto sidii shacabka ay u heli lahaayeen shaqo abuur “Aniga sababta ugu weyn waxa aan dhihi karaa in aan xil weyn la iska saarin ayaa ugu weyn xukuumaddana aysan ka dhigan mudnaan aniga dhowr jeer ayaan soo jeediyay in waddankaan ay ahmiyaddiisa 1-aad tahay amniga, amigana uu keenayo waxyaabo badan oo ay ka mid tahay shaqo abuur ahmiyadda 2-aadna ay tahay shaqo abuur” ayuu yiri Senetor Xuseen Sheekh. Sidoo kale Senetarka oo sii hadlaya ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in haddii dhalinyarada Soomaaliyeed ay heleen shaqooyin iyo fursado shaqo abuur taasi ay keenayso in dalku uu noqdo mid amni ah. Senetarka oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Maxaa yeelay haddii shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada oo ay helaan fursado shaqo waxaa yaraanaya amni xumada” Dhinaca kale Senetor Xuseen Sheekh ayaa xukuumadda ku dhaliiyay in shacabka aan la siin fursaddii ay shaqo abuur ku sameysan lahaayeen taa badalkeedana waxa uu sheegay in laga xirtay waddooyinii, waxa uuna sidoo kale soo hadal qaaday dhalinyarada bilaabay shaqo abuurka ku aaddan sarifka lacagaha oo ay dowladdu qaarkood xanibtay, isaga oo arrinkaasina ku micneeyay in ay ka dambeeyaan shirkado kale oo dano gaara leh. “Fursaddii ay shaqada ku abuuran lahaayeen lama siin maxaa yeelay jidadkii baa ka xiran ganacsi ma abuuran karaan, hadda waxaad la socotaa dhalinyaro hal abuur dunida ka jira Soomaaliya keenay oo dhanka sarifka lacagaha qalaad ah naftooda borobogaando badan lagu furay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senetor Xuseen. Ugu dambeyn Senetor Xuseen Sheekh ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uu ku booriyay in aysan niyad jabin islamarkaana dadkooda ay uga faa’iideeyaan waxyaabihii ay soo barteen, islamarkaana ay la yimaadaan hal abuur. “Waxaa dhalinyarada Soomaaliyeed la gudboon koow in aysan iyagu is dhiibin oo ay halbuur la yimaadaan oo wixii ay barteen dadkooda uga faa’iideynayaan” ayuu yiri Xuseen Sheekh oo ah mudane ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in markii ay timid ilaa iyo haatan aysan qaadan shaqaale rayid ah, taasi oo ay sii dheertahay in aysan la imaan fursado shaqo abuur loogu sameynayo dhalinyarada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee loo yaqaanno PSF, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen, shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska ciidanka PSF, ayay ku sheegeen in ay xalay gudaha magaalada Boosaaso ku qabteen, shakhsiyaad lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraleyda Calmadow iyo Cal-miskaad ee gobolka Bari. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay, in ciidanku ay gacanta ku dhigeen agab la doonayay in loo gudbiyo malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, inkastoo aysan faahfaahin dheeriya ka bixin shakhsiyaadka iyo agabka la qabtay midkoodna. Taliska PSF, waxay sidoo kale sheegeen in ay gudaha Boosaaso ka wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, kuwaasi oo weli ka socda xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso. Hoos ka eeg sawirada ©PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay shakhsiyaad lagu tuhmayo Al-shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
  3. Guunaanad Waxa aynu ka soo sheekaynay bilowgii ugu horreeyey ee aadanaha iyo maraaxishii siyaasadeed ee uu soo maray. Waxa aynu soo xusnay marxalad walba sida uu uga soo gudbay. Waxa aynu soo sheegnay unuggii ugu horreeyey ee dawladnimada iyo hanaqaadkeedii ba. Waxa aynu si waafiya u ifinay taxanaha taariikheed ee ay lahaayeen kuwa dawladaha wanaagsan dhidbay. Sidaas oo kale waxa aynu soo aragnay sababaha ay u hareen kuwii haray ee dawladnimada dhidbi waayey. Waxaa kale oo aynu soo aragnay kuwii dib u dhacay laakiin gadaal iska saxay. Haddaba nuxurka qoraalkaani ma ahayn in aynu ka sheekayno taariikhada dawladnimada ee waxa uu ahaa in aynu wax ka barano, maadaama aynu kow ka nahay meelaha wali aan ka gudbin nidaamkii raacatada. Si aynu u ogaano halka aynu ka taagnay taariikhda dawladnimada intii uusan burburkii inagu dhicin iyo kobta aynu imminka taaganahay ba, waxaa lagama maarmaana in aynu taxanaha taariikhdeenna dib u jalleecno. Si la mida qoomamka kale ee raacatada ah ayay Soomaalidu ahayd dad aysan xaddaaradda dawladnimadu marna si qumman gayigooda uga hirgalin. Marna dhulka Soomaalida guudkiisa kama hirgalin nidaam iyo awood dhexe oo wax maamushaayi ka hor xoriyad qaadkii. Xataa xilli ganacsiga xoog badani uu ka jirey xeebaha Soomaalida labo kun oo sano ka hor,dadkii ku noolaa marsooyinkii ganacsigaasi ka jirey waxay ahaayeen kuwo siyaasad ahaan u kala madax banaan. Xilli ku began bartamihii qarnigii koobaad ee dhalashadii Nabi Ciise ganacsade ahaa Romankii Masaarida oo safar ku maray xeebahaas waxa uu buuggiisa Peripluse of the erythereaen sea ku sheegay in ganacsigii xoogga lahaa ee marsooyinkaas ka jiray uusan kulansan nidaam dhexe oo siyaasiya oo marsooyinkaas ka dhexeeyay. Waxa uu yiri: “Marsooyinkaan boqor ma wada xukumo laakiin marso walba waxay leedahay Jiifkeeda goonida ah”, Kun sano ka bacdi xilligii la qoray kitaabkaas aan kor ku xusnay, xaalku sidii hore waxba kama gaddisnay. Taariikhyahankii bad-mareenka ahaa ee Carbeed Mascuudi, markii uu tilmaamayey dhulka Soomaalida waxa uu ku tilmaamay “ dhulka u dhaxeeya Xabshida iyo Zinjiga, waxa uuna xusay in ay ahaayeen dad madow aan xaddaarad lahayn” Taariikhyahan Yaaquut Al-Xamawi oo noolaa qarnigii 12aad, waxa uu kitaabkiisa Mucjam Al-buldaan isna ku sheegay in Muqdisho ay ahay magaalo ay dagganaayeen “dad qalaad oo aan madoobayn”aanna lahayn nidaam dhexe oo dawladeed. Waxaa jiray ayuu yiri guddi odayaala oo iyagu xaalka gacanta ku hayay. Al-qaswiini oo isna noolaa qarnii 13aad waxa uu ayiday hadalka Yaaquut Al-Xamawi. In kasta oo xilli dambe oo ku beegnaa qarnigii 14aad kolkii uu Ibn Batuuta Xamar booqday ay magaaladu lahayd nidaam dawladeed oo leh hoggaan, wasiiro iyo garsoor ba, haddana nidaamkaasi ma hayn mid sal-ballaaran ee waxa uu ahaa mid aan dhaafsiisnayn Magaalo-Dawladeed (City State). Waxaa jira dad ku xiriiriya suldaan Abu-Bakarkii uu ibn Batuuta Xamar kula kulmay dawladdii Ajuuraanka oo ahayd middii ugu waynayd wixii dawlad gayiga Soomaalida ka hirgalay. Ibnu Batuuta waxa uu kitaabkiisa Rixlada ku sheegay in Suldaanku uu ahaa “Barbar” oo ah magac ay Carabtu u taqaanay dadkii dagganaa Zaylac ilaa Xamar. Saldanaddii Ajuuraanka ayaa ahayd midda awood ahaan iyo dhul ahaanba ugu itaalka badnayd nidaamyadii dalka ka hirgalay, iyada laftigeeduna sida uu qabo Lee Cassanelli, waxa ay ahayd mid ku koobnayd agagaarka shabeelooyinka iyo Xamar oo markii dambe ay wakiil uga ahaayeen qoyskii Mudafariyiinta. Si kastaba ha ahaatee marna nidaam dhexe oo siyaasadeed dalka kama hirgalin. Saldanadihii ka dambeeyey Ajuuraanka sida saldanaddii Baargaal, tii Galadiga iyo middii Hobyood ba intu ba waxa ay ahaayeen nidaamyo goobo gaara ku xaddidan oo aan ku fidsanayn dhulka intiisa kale. Waxa ay ahaayeen kuwo awood ahaan iyo muuqaal ahaanba aan ka gadisnayn kuwii qadiimka ahaa ee ay Aadanuhu yagleelay ka guurkii marxaladdii labaad ee qabaliga ee aynu soo xusnay. Isku soo wada duuboo Soomaalidu inta aanu gumaystihii reer Yurub u imaan waxa ay u badnaayeen raacato aysan dawladi noloshooda meelna ka saamayn. Waxa aynu xorriyadda qaadanay inaga oo ah dhaqato reer guuraa ah oo dhaxalay wax-xoogaa nidaama oo gumaystihii laga inooga tagay. Dawladdeenii ugu horraysay ee dimuquraadiga ahayd iyo xeerkeenii raacatada ee soo jiraanka ahaa ayaa kolkaas si wanaagsan isu la falgalay. Waxa ugu wanaagsan ee ka soo baxayna waxa ay ahayd in xorriyadda muwaadinku ay lama taabtaan tahay.Taas oo salka ku haysey qaab dhaqanka labada nidaam (waa kan raacatada iyo midka dimuquraadiyadda) oo isku mid ka ah xagga xoriyaadka. Intaas wixii ka baxsanaa, wax inagu cusub oo barasho u baahan ayay ahaayeen, loomana kaadin ee waa la ina dhaafshay. Kolkii uu kacaanku dalka qabsaday, waxa uu la yimid dardar dawalad-dhisid ah iyo nidaam dhexe oo adag. Laakiin mabaadidii hantiwadaagga iyo dhaqankii kali-talisnimada oo aan sina ula jaanqaadi karin xeerkii guunka ahaa ee raacatada ayaa aakhirkii dawladnimadii iyo karaamadii Soomaalida meesha ka saaray. Si kastaba ha ahaatee soddon sano kabacdi, inaga oo aan wali dawladnimo taama salka u dhigin ayaa wixii aynu helnay inaga dumeen. Hadda waxa aynu taaganahay “yagleel ban ka abuura” oo ah marxaladdii rasmiga ahayd ee qabaliga. Waa marxaladdii aynu soo tilmaannay ee Aadanuhu shan kun oo sano ka hor ka gudbay. In kasta oo xilliga aynu noolnahay iyo qalfoofka dawladnimo ee inoo dhisanba ay casri yihiin, haddana waxa rasmigaa ee ay wax inoogu dul dhisanyihihiin waa nidaamkii qabaliga ahaa. Tiirarka aynu dawladda ku dul dhisnay waa tiirar qabiil oo ah 4.5. Qaabka aynu wax u doorannaana waa hab qabiil. Maadaama aynu wali marxaladdii qabaliga ahayd ku sugannahay waa lama huraan in aynu ku dhaqano dhaqan siyaasadeedkoodii, oo aynaan ka santaagin xeerkooda. Waa lagama maarmaan in hoggaankeenu ahaado guddoomiye guddoonka u rida beelaha Soomaaliyeed, xeerkeenu na ahaado mid is-oggol iyo is-ixtiraam ku fula. Nasiibdarro in badan oo taladeena qabataayi maahan dad garaadkooda iyo garashadoodu midkoodna uu fahmay xaaladda aynu ku sugan nahay. Waa dad aaminsan in ay madax ka yihiin dawlad sal-ballaaran oo casriya oo leh awooddii baas-abuur ee aynu horay u soo qeexnay. Akhristow waxaan aaminsanahay in taariikhada aan soo baranay iyo waxa ay raggaani aaminsanyihiini farqi wayn u dhaxeeyo. Dhanka kalana waxaa jira dad ka sugaya nidaamyada inoo dhisan ha ahaadeen mid dhexe amaba mid dawlad goboleede awood aysan lahay. Waxa ay ka sugayaan in ay fuliyaan himilooyinkii aasaasiga ahaa ee ay dawladi u jirtay, innaga oo aan waliba dhisin dawlad. Ha halmaamin, in aynu horay u niri markii aynu dawladda qeexaynay sidaan: “dawladi waa cidda leh awoodda baas-abuur ee kaligeed ka fusha buqcad mucayana” qeexistii Max Weber. Haddii awooddaan aanay dawladdu lahayn amaba cid kale ay dawladda la fuliso, meeshaas dawladi kama jirto, qeexista Max weber. Haddii aanay dawladi jirin amaba ay daciif tahayna himilooyinkii aasaasiga ahaa marna ma fuli karaan ama sidii la rabay uma fuli karaan. Intaas markii aynu isla fahanno ka bacdi, daw maahan in aynu ku eedayno nidaamyada inoo dhisan awood aysan lahay iyaga oo aan waliba dhismin. Mohamed Ahmed Elmi Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 1aad Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 2aad Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 3aad Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 4aad Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 5aad Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 6aad Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 7aad The post Taariikhda dowladnimada – Qaybtii 8aad (Qaybtii ugu dambaysay) appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed kheyr ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Mr Qin Jian. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal iyo dagaalka lagula jiro ka hortaga cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyay laga helay dalka. Ugu horreyn wasiiru dowlaha ayaa ka mahadceliyay taageerada kala duwan ee Shiinaha u fidiyo Soomaaliya, isagoona sidoo kale boggaadiyay tabarucaadda bani’aadannnimo ee agabka caafimaad ee ay hay’adaha Ma Yun iyo Alibaba ugu deeqeen wadamada Afrika. Labad hay’adood ee kala ah Ma Yun iyo Alibaba ayaa dhowaan ku deeqay 100,000 maaskaro, 1,000 dharka ka hortagga iyo walxo kale oo la gaarsiinayo dowlad kasta oo ka mid ah 54 dowladood ee Afrika, si la mid ah waxaa wadamadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee caabuqani lagu sameeyo. Agabka oo sidoo kale ka kooban 6 milyan oo maaskaro ah, 1.1 milyan oo xirmo baarid-caafimaad, 60,000 isku-joog dharka ka hortagga ah 60,000 oo maaskaro ka hortag leh iyo walxo kale ayaa waxaa la gaarsiiyay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo isla beri oo ah Isniin loo kala daabuli doono qaaradda Afrika. Shiinaha ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada uu sida ba’an uu sameeyey cudurka Corona, inkastoo dowladda dalkaasi ay si weyn ula daagalanatay la tacaalidiisa.
  5. Maamulka degmada Warsheekh ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen rag la sheegay in fal kufsi ah ay xalay gudaha degmadaasi ugu geysteen haweeneey. Cabdulaahi Raage Colow xoghayaha degmada Warsheekh oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in 2 nin oo falkaasi lagu soo eedeeyay ay haatan gacantooda ku jiraan islamarkaana ay ku wadaan baaritaano isaga oo xusay in ay marsiin doonan ciqaabta ay muteysteen. Sidoo kale xoghayaha oo sii hadlay ayaa sheegay in ragga kufsiga geystay uu mid ka mid ah hubeysnaa, waxa uuna hoosta ka xariiqay in raggani ay yihiin maleeshiyaad hubeysan oo uu tilmaamay in maalmahaan ay dadka dhibaato ku hayeen ka maamul ahaana ay ka hortag wadeen. Dhanka kala xoghaya Warsheekh ayaa ka dhawaajiyay in shacabka degmada ay ka gacan siiyeen sidii ay raggaan gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, waxa uuna intaas ku daray in raggan kiiskooda loo wareejin doono heer maxkamadeed. Bil ka hor ayey ahayd markii sidan oo kale rag hubeysan ay duleedka degmada Warsheekh ka geysteen dhac iyo kufsi, waxaana haatan dhaliil loo jeedinayaa laamahana amaanka ee degmadaasi. Halkan ka dhageyso wareysiga https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Wareysi-Warsheikh-Abdullahii-Raage-Colow.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Waxa kulan aan caadi ahayn la isku yeedhay Xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland maalinta sabtida. Kulankan ayaa codka kalsoonida loogu qaadaya labadii xubnood ee komishanka Doorashooyinka u matalayay xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI. Source
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo weli ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa markii horreysay ka hadlay xiisada webiga Nile ee u dhexeysa dalalka Itoobiya iyo Masar. Cawad ayaa cadeeyey mowqifka dowladda federaaalka, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya dhex-dhexaad ka tahay khilaafka xoogan ee dhexeeya labadaasi dal. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in fursada kaliya ee u furay dowladda Soomaaliyeed ay tahay inay isku soo dhaweyso labada dhinac. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka oo sii hadlayey ayaa daboolka ka qaaday in marnaba Soomaaliya loo yeerin doonnin go’aankeeda, siduu hadalka u dhigay. “Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile Soomaaliya waxay ka taagan tahay dhex dhexaad, haddii loo baahdo Soomaaliya waxay ka gacan geysaneysaa xalka khilaafkaas loo heli lahaa, iyo isu soo dhowaanshaha, kaalinteeda waxa weeye dhex dhexaadnimo iyo suurta gelin in khilaafkaas soo afjarmo.” wasiir Axmed Ciise Cawad. Dhinaca kale wuxuu beeniyey wararka sheegaya in Soomaaliya ay saxiixday qaraarkii ka soo baxay shirka Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray dowladda Masar, balse markii dambe ay ka laabatay, kadib cadaadis uga yimid Itoobiya, isagoona wasiirku dhamaan wararkaasi gaashaanka u daruuray, kuna tilmaamay kuwa waxba kama jiraan ah. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay shaacisay in dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay soo gaar siiyeen dhambaallo ay uga xun-yihiin qaraarkii Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray Masar.
  8. Addis Ababa ( Puntland Post ) — Caabuqa Covid-19 oo hadda dunida silsilaya ayaa si ba’an u saameeyay ubaxa beeralayda Itoobiya u dhoofiyaan qaaradda Yurub. Beeralayda ayaa hakiyay ubaxa ay u dhoofiyaan Netherlands sababtoo ah in caabuqa Covid-19 oo saameeyay dalabyadii iman jiray. Samuel Gatechew, oo ah wariye u shaqeeya toddobaadlaha The Reporter Ethiopia, baa sheegay in hakinta dhoofinta ubaxu saamayn doonto shaqada 50,000 oo qof. Jawar Maxamed, oo ka tirsan Oromo Federalist Congress, ayaa dowladda Itoobiya ku boorriyay unkidda siyaasad wax lagaga qabanayo xaaladda dhaqaale ee ubax dhoofiyeyaasha. Shirkadaha ubaxa ee Netherlands oo gubaya ubax la iibsan waayay Dalka Itoobiya wuxuu lacag adag ka helaa ubaxa beeralaydu u dhoofiyaan qaaradda Yurub. Ubax tiro-badan oo la iibsan waayay bay shirkadaha Netherlands gubeen. Beeralayda ubaxa Keenya baa sidoo kale la kufaakacaya hoos u dhac baahsan oo saameeyay dhoofinta ubaxa. © Puntland Post, 2020 The post Ubaxa Itoobiya u dhoofiso Yurub oo istaagay appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-GarooweSoomaaliya ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku aaddan xiisadda u dhexeysa dawladaha Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyaha Webiga Niilka. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya dhexdhexaad ka tahay loolanka labada dal ee ku muransan saamiga biyaha Niilka. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Telesom ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub oo loogu magac darey TABSERA, kaasi oo ay goobaha waxbarashadu si toos ah uga gudbin karaan casharadda qaab online ah. Nidaamkan waxbarasho ee Tabsera ayaa lagu soo bandhigey xarunta shirkadda Telesom ee Shacabka, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, wasiirka Waxbarashada, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, boodhka iyo guddoomiyaha shirkadda Telesom, masuuliyiin ka socday Jaamacadaha: Hargeysa iyo Camuud, Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda, daladaha iyo maamulayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay. Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in adeegan cusub ee TABSERA uu dabooli doono baahida waxbarasho ee uu hakadka galiyey ka feejignaanta xanuunka Coronavirus. Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa sidoo sheegay inay tahay maalin taariikhiya oo adeegani saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka waxbarashada dalka. “Wargeyska the Guardian ayaa qortay in 850 milyan oo arday ay hadda iskuulada dibadda ka joogaan. Waxaynu halkan u joognaa siday bay ardeydeenu waxbarashada u sii wadan karaan”, ayuu yidhi Md. Cabdirkariin Maxamed Iid. Md. Cabdikariin ayaa yidhi, “Waxaanu balan-qaadeynaa in wixii loo baahdo ee tiknoolaji ah ama kaabo dhaqaale ah ee anaga dhinacayaga nagu xidhan, intaanu gacan ka geysan karno ka geysano, insha Allaah”. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Md. Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay nidaamka Waxbarashada Online ah ee Tabsera, isagoo ka hadlay faa’iidada uu leeyahay. Waxaanu yidhi, “Waxaan ku hambalyeynayaa shirkadda Telesom inay inoo soo bandhigtay system-kam. E-learning-ku wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid tahay in ardeygu wixii loo duubay inuu dib u akhriyo ama u dheysto”. Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa si weyn u soo dhaweeyey nidaamka Waxbarashada TABSERA waxanu sheegay inuu wax weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada Somaliland, “Arintan aynu maanta iskugu nimid aniga dhawr meelood ayey farxad iiga tahay, ta koowaad, barnaamijkani waa mid waxbarashadda wax ka tarayaa, mar labaad waxaan ka tirsanahay guddidii madaxweynuhu magacaabay ee u toog-heynta xanuunka hadda yimid, oo markaa sii wadista warbarashada wax ka tarayaa”, ayuu yidhi wasiirku. Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Machadka Tababaradda Shaqaalah Dawladda ee CSI ayaa sheegay inay ka faa’iidan doonaan hanaankan waxbarashada Online ah ee TABSERA. Guddoomiyaha dugsiyadda Al-daareyn Sheekh Maxamed Sheekh Dalmar oo door weyn ka soo qaatay, fikraddo bandanna ku soo kordhiyey hanaankan warbarashada online-ka ah ee TABSERA oo ka hadlay xafladda ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey hirgalinta adeegan waxbarasho, isaga oo sheegay inay ka wadda shaqeyn doonaan dugsiyada waxbarasho iyo shirkaddu sidii loo sii horumarin lahaa. Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay munaasibadda daah-furka ayaa waxa uu yidhi, “Barnaamijkan waxaa la yidhaahdaa TABSERA. Tabsera waa kalmad Quraan ah. Magacaa aad baan u bogaadinayaa ciddii bixisay, khayr Allaha ha siiyo. Waa magac aad u qiimo badan Tabsera. Aduunyadda hal-abuurka iyo ibdaaca iyo in mashaakilaadka xal loo helaa waa waxa ummaduhu isku dhaafaan”. TABSERA waa tiknoolajiyad ay isticmaali doonaan dhammaan goobaha waxbarashada iyagoo adeegsana macalimiintooda iyo manaahijtooda, TABSERA waxaa si wadda jira ah u isticmaalaya macalinka, ardeyga iyo waalidka. Sidoo kale waxaa uu leeyahay sabuurad digital ah oo leh dhamaan agabta wax lagu qoro iyo kuwa wax lagu sawiro. Sdioo kale waxaa si toosa u wadda xidhiidhi kara ardeyga iyo macalinka. Source
  11. (SLT-Washington)-Wargeyska Newsweek ee dalka Mareykanka ayaa warbixin uu qoray ku iftiimiyey in dhakhaatiirta adduunka ay bilaabeen inay ku baaqaan talladii uu Rasuulka SCW uu sheegay 1400 sano ka hor, taasoo looga hortagayo cudurada faafa. Arrintaan ayuu wargeyska ku sheegay maqaal uu sameeyey cilmi-baadhe Mareykan ah oo lagu magacaabo Dr. Craig Considine, kaasoo sheegay in cudurka ka dilaacay adduunyada ee Coronavirus uu ku qasbayo dowladaha iyo aaladaha warbaahinta kala duwan inay bixiyaan talo sax ah oo ka caawineyso bulshada adduunka inay wax ka qabtaan cudurkaan faafayo ee khatarta gelinayo aadanaha oo dhan. Cilmi-baadhahaas ayaa intaas ku daray, in Coronavirus dartiis ay sare u kacday baahida loo qabo tallada khubarada daryeelka caafimaadka iyo sidoo kale seynisyahanada ku lugta leh daraasadaha cudurada faafa iyo saameyntooda. Cilmi-baadhahaan Mareykanka u dhashay oo soo xiganayo Dr. Anthony Fossey oo ku takhasusay cilmiga difaaca Jidhka iyo Dr. Sanjay Gupta, oo ah wariye dhanka caafimaadka ayaa yiri “Joogteynta Nadaafadda, karantiilnimada, ama ku-dhaqanka kala fogeynta bulshada, iyadoo la rajeynayo ka-hortagga faafidda cudurrada faafa, waa tallaabada ugu waxtarka badan gaar ahaan waqtigaan hadda la joogo oo adduunyada la tacaaleyso Virus-ka cusub ee Corona”. Considine, oo hore u qoray laba buug oo uu kaga hadlayey Islaamka ayaa la waydiiyey su’aal uu isku dayey inuu ka jawaabo oo aheyd “Ma taqaanaa cidda ku talisay nadaafad iyo karantiil marka uu dillaaco cudur faafa? wuxuu ku jawaabay isagoo leh ” Nabiga Islaamka Muxumed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ahaatee 1400 sano ka hor”. Qoraaga ayaa hadalkiisa kusii daray “Inkastoo Nabiga Islaamka uusan aheyn khabiir dhanka arrimaha la xidhiidha cudurada dilaaga ah, haddana wuxuu bixiyey talo fiican oo looga hortagi karo faafitaanka cudurada faafa sida Virus-ka cusub ee Corona”. Qoraaga ayaa sheegay in Nebi Muxammad SCW uu ku taliyay in laga fogaado kuwa cudurada faafa qabo si looga ilaaliyo kuwa caafimaadka qaba, sidoo kalo wuxuu sheegay in Nabiga SCW uu ku booriyay aadanaha inay raacaan caadooyinka nadaafadeed ee maalin walba, taasoo awood u siineyso inay iska difaacaan cudurka isagoo soo daliishanayo dhawr xadiis oo la xidhiidha Nadaafadda. Wuxuu intaas ku daray: “Nabi Muxamed SCW wuxuu yiri: Haddii aad maqasho dhul gaar ah oo uu ku faafay cudurka Daacuunka ha gelina, balse haddii uu cudurka ku faafo meel aad joogto haka soo bixin, Wuxuu kaloo yidhi: Kuwa cudurrada faafa qabo waa in laga ilaaliyaa dadka kale ee caafimaadka qaba.” Qoraaga oo sii wado su’aal is waydiinta ayaa yidhi “Haddiiba uu qof xanuunsado, waa maxay talada uu Nabi Muxammad SCW ku taliyey in la siiyo dadka xanuusan? Qoraaga wuxuu ku jawaabay: Runtii wuxuu ku dhiirigaliyey inay raadsadaan dhakhaatiir iyo dawo” wuxuuna qoraaga soo daliishaday Xadiiska uu Nabiga ka wariyey Usaama Bin Sharik ee uu ku yiri ” Acraabi ayaa saruulka ku dhahay “Rasuulkii Allow miyaan is daaweynaa? Rasuulka ayaa yidhi: Addoomihii Allow is daaweeya, Ilaahey ma keenin cudur illaa wuxuu u dajiyey daawo hal cudur maahane, waxay Rasuulka ku dhaheyn waa kee cudurkaas, wuxuu ku yidhi ” duqnimada” Qoraaga ayaa sheegay in Nabiga Islaamku uu ahaa mid ay ka buuxdo Xikmad isku dheeli tireyso Iimaanka iyo Caqliga, wuxuuna sheegay in asbuucyadii lasoo dhaafay ay qaarkood arkeen in Salaadda kaligeed ay awood u leedahay inay dadka ka ilaaliso Coronavirus, iyadoo aan loo hoggaansamin xeerarka aasaasiga ah ee go’doominta bulshada iyo karantiilka. Dhammaadka maqaalkiisa ayuu qoraaga ku sheegay inay mudan tahay in lagu daydo qisadii uu soo wariyey Tarmadi ee uu ku sheegay in Maalin uu Nabiga u yimid nin reer baadiye ah oo Nabiga kala tashanayey arrin ku saabsan hashiisa: “Nin baa yidhi, Rasuulkii Ilaahayow, hasheeda ma xiraa kadibna alle maku kalsoonaadaa, mise waa sii daayaa oo Alle ayaa ku kalsoonaadaa, wuxuu yidhi: Xidh kadibna Alle ku kalsoonow”. Qoraaga ayaa sheegay inkasta oo uu Nabiga Maxamed SCW ku taliyay in diinta ay tahay dastuur dhameystiran oo dhanka nolosha aadanaha, wuxuu sidoo kale ku booriyay in taxadarka lagama maarmaanka ah la qaado si loo hubiyo xasilloonida, nabadgeliyada iyo wanaagga dhammaan Source
  12. Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaatay, khilaafka u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar, ee ku salaysan muranka biyaha Webiga Niil-ka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo saaka wareysi siinayey idaacadda Daljir, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay muranka labadaasi dal, islamarkaana aysan la qabin mowqifka dalalka jaamacadda Carabta oo taageersan waddanka Masar. Wasiir Cawad, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaadnimo u codaysay kulankii waddamada ku midaysan Jaamacadda Carabtu ay kula safteen waddanka Masar oo muranka biyaha Niil-ku kala dhexeeyo dalka Ethiopia. Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in, haddii loo baahdo Soomaaliya ay door dhex-dhexaadin ah ka ciyaari doonto muranka labada dal ee Ethiopia iyo Masar, balse aysan marnaba si gaar ah ula safan doonin midkoodna. Danjire Cawad, wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay labada dal ee Masar iyo Ethiopia u gudbisay soo-jeedin ku aaddan in ay miiska wada-hadalka isu’gu keento, si ay u dhex-dhexaadiso murankooda, laakiin aysan weli ka soo jawaabin. Halkaan ka daawo wareysiga PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dhex-dhexaadin u fidisay dalalka Masar iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  13. Faah faahinno dheeraad ah aya ka soo baxaya dil xalay gudaha Gaalkacyo loogu gyetsay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka ee waqooyiga magaaladaasi. Xildhibaanka la toogtay oo dhaawac ahaan isbitaalka ugu geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Muqtaar Axmed Cumar (Tinle), iyadoona ay baxsadeen raggii dilay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka geysatay ay sidoo kale dhaawaceen askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland. Saraakiisha Booliska ee waqooyiga Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeri ah, islamarkaana ay ku raad-joogaan dad la tuhmayo. Ammaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maalmihaan faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal amni darro oo u badan dilal qorsheysan. View the full article
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo duqeymo is barbar socday oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobolka Jubbada ee koonfurta dalka Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Mareykanka, iyadoo lala beegsaday saldhigyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab, Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey weeraradaasi, wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen illaa saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Xasan Ciraaqi oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in saldhigga koowaad ee cagta la mariyey uu ku yaallay tuulada Buulo Xaaji, halka labada kale ay Al-Shabaab ku lahayeen tuulada lagta Caanoole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray inay gabi ahaan la wareegeen saldhigyadaasi, islamarkaana ay haatan ka wadaan baaritaano dheeraad ah. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howlgalkaan iyo duqeynta barbar socotay lagu burburiyey labo gaari oo kala ahaa Toyotoa Succeed iyo Suzuki oo uu tilmaamay in ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay ku jireen kuwa ajaaniib ah. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka dagaalyahannada Al-Shabaab oo la xariira howlgalladaasi. Ciidamada huwanta ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/cod-1-Jubbaland-1-1.mp3
  15. (SLT-Tehran)-Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayaa diiday dalab ay Mareykanka u soo bandhigeen oo ahaa in Iran la siiyo kaalmo dhaqaale si gacan looga siiyo dagaalka ka dhanka ah caabuqa coronavirus. Khudbad uu telefishinka dalkaasi ka jeediyay, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Mareykanku yahay “cadowga ugu xun ee Iiraan”. Waxaa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in laga yaabo in Mareykanka ay wadaan shirqoolo taasi oo ay hore uga shanqadhiyeen saraakiisha Shiinaha oo sheegay in Maeykanka ay masuul ka yihiin cudurkan coronavirus . “Ma ogin inay jirto eedeeyntan, balse ma jirto qofka maskaxdiisa ay caadi tahay oo aaminaya in ay daawo noo keenaan?” ayuu yidhi. “Waxaa suuragal ah in daawadiina ay tahay qaab lagu fidinayo caabuqa coronavirus” ayuu intaa ku daray. Saraakiisha kale ee reer Iiraan ayaa waxay dhankooda ku eedeeyeen Mareykanka in uu wado munaafuqnnimo marka uu kaalmo u ballanqaadayo Iiraan, iyada oo uu diidayo in uu cunaqabataynta ka qaado Iiraan. Dalka Iiraan ayaa ka mid ah dalalka uu faraha ba’an ku hayo cudurka tan iyo intii uu cudurka caalamka ka dilaacay. In ka badan 21,600 ayuu cudurkan soo ritay guud ahaan dalkaasi Iiraan. Tirada cudurka coronavirus ugu dhintay dalka Iiraan ayaa imika gaadhay 1,685. Balse waxaa laga walaacsan yahay in tirada cudurka u dhintay iyo inta uu soo ritay ay intaasi ka badan tahay. Waxaa dowldda Iiraan saaran cunaqabatayn taasi oo xaaladda si murjisay islamarkana daawooyiinka muhimka ma gaadhi karaan dalkasi. Source
  16. Waxaa xalay magaalada Muqdisho kullan ku yeeshay guddoonka golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddiga dhowaan la magacaabay ee diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka qaranka. Kullankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xgeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mahad Cabdalla Cawad, waxaana ay sheegeen in labada dhinac ay is dhaafsadeen xog wareysi ku aaddan shaqooyinka laga doonayo maadaama dalka uu doorasho galayo 2020-2021. Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka oo ka kooban 17 xubnood ayaa waxaa si wada jir ah 1-dii bishan u magacaabay labada guddoon ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana looga fadhiyaa in ay soo saaraan xeerarka sharciga doorashooyinka qaranka. Qoraal shalay ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa guddigan isku dhafka ah looga dalbaday in ay dedejiyaan xeerarka sharciga doorashooyinka maadaama guddiga doorashooyinka bartamaha sanadkan laga sugayo in ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan nuuca doorasho ee uu dalka gali doono. Wali Guddiga doorashooyinka waxa ay ku adkaysanayaan in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, inkastoo aan la ogeyn sida ay u suura gali karto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Malayshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, ayaa sheegtay dilkii xalay magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) oo ka tirsanaa Golaha Degaanka Gaalkacyo. Qoraal lagu faafiyay warbaahinta Al-shabaab, ayay ku sheegteen dilka marxuumkaas oo xalay dableey hubaysan ku toogatay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadibma ay goobta isaga carareen. Marxuum Tinle oo dhaawac culus qaba, ayaa markiiba loola cararay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Kooxda dilka u gaystay marxuumka, ayaa sidoo kale dhaawacay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo kaga soo baxay meel luuq ah xilli ay sii cararayeen, waxaana haatan dhaawaca askariga lagu dabiibayaa isbitaalka Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Malayshiyaadka Al-shabaab oo sheegtay dilkii marxuumka Mukhtaar Tinle appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Gaalkacyo)-Wararka aanu ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Gaalkacyo. Rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xildhibaanka ku toogtay xili uu ku sugnaa agagaarka Xarunta Shirka Somnet ee ku taalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo, isagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jidhkiisa. Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) oo ka tirsanaa Golaha deegaanka Gaalkacyo, waxaana la sheegay in marka hore dhaawac Culus uu soo gaadhay, hayeeshee uu ku dhintay Cisbitaal la geeyay. Sidoo kale raggii ka dambeeyay dilka Mukhtaar Axmed ayaa goob luuq ah kaga hortegay Askari ka tirsan Ciidanka Puntland, iyagoona rasaas furay, sidaasina Askariga uu dhaawac Culus uu kusoo gaadhay, waxaana durbo looga cararay goob Caafimaad. Intaas kadib raggii falalkaas geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halka lagu dilay Xildhibaanka tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ee Magaalada Gaalkacyo, iyagoona sameeyay baadhitaano aan wax natiijio kasoo bixin. Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag dhalinyaro ah ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-shabaab Source
  19. Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah culimada caanka ah ee Soomaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadanka Kenya ayaa sheegay in dhammaan albaabada la’isugu dhuftay masaajidyada lagu cibaadeysto ee ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi. Sheekh Umal ayaa sabata ku sheegay cabsi laga qabo cudurka Corona oo kiisas la xariira laga helay dalkaasi Kenya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in culimada go’aankooda markii hore uu ahaa in aan la xirin masaajidyada, balse uu soo baxay amar kale oo ka soo baxay dowladda kenya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Sh-Umul-.mp3 View the full article
  20. Qoraal kooban oo uu saaray safiirka dowladda Inigiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ben Fender ayuu ku sheegay in loo baahan yahay wadahadallo mira dhal ah oo haatan dhex-mara madaxda dowladda federaalka Soomaalaya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Ambassador Ben Fender ayaa xusay in wadahadallada labada dhinac ay muhiim u yihiin in tallaabo hor leh loo qaado barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xalinta khilaafka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ay horseedi karaan in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xilligeeda la qabto iyo in si weyn la isaga kaashado cudurka khatarta badan ee Coronavirus. Ugu dambeyn safiirka dowladda Inigiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo tallaabooyinka horay loo qaaday oo uu sheegay in haddii xilligeedo ay ku soo beegmaan ay wax badan oo hormar ah horseedi doonaan. View the full article
  21. Waxaa faahfaahinno dheeri ah laga helayaa dil xalay kooxo hubeysan ay u geysteen xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Puntland. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar Tiinle, waxaana kooxo hubeysan ay ku rasaaseeyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo taasi oo keentay in markii dambe uu ku geeriyooday isbitaal dhaawac ahaan loogu qaaday markii hore. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qof shacab ah uu ku dhaawacmay rasaastaasi, wallow warar kalane ay tilmaamayaan in shaqsiga dhaawacmay uu ahaa sakari ka tirsan ciidanka amaanka Puntland. Saakay waxaa howlgallo lagu baadi goobayo raggii falkaasi geystay uu ka soconayaa qeybo ka mid ah magaaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada lagu dilay xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar oo ka tirsanaa golaha deegaanka magaalada gaalkacyo. Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxaana inta badan laamaha amaanka maamulkaasi ay sheegaan in ay si buuxda wax uga qabanayaan amni darrada ka jirta maagaalooyinkaasi oo ka mid ah ugu waa weyn ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay dil qorsheysnaa ay ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ka dhacay agagaarka daarta Xaaji Gaabow ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa dowladda, gaar ahaan kuwa Haramcad, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka la dilay ayaaa waxaa lagu magacaabi jiray, Muraad Cabdulaahi Jibriil, kaas oo 23 jir ahaa, waxaana la sheegay inuu fadhiyey maqaayad ku taalla halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxdii ka dambeysay falkaasi toogashada ah ay goobta isaga baxsatay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dhacdada kadib goobta gaaray, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. View the full article
  23. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin Ciidamada Ammaanka Magalada Galkacyo ayaa saaka halkaasi ka wada howlgallo ka socnaya Xaafadaha qaar ee Magaalada, kaddib dil xalay halkaasi ka dhacay. Gabadh Somaliyed oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa laga ahelay Caabuqa CORONA. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Dhuusamareeb ka daah furay shir looga hadlayo ka faa’iideysiga mashaariic hormarineed oo laga hergalinayo Magaalooyinka Galmudug. Maamulka KGS ayaa ka hadlay Qarax miino oo shalay lagu dilay Taliyihii booliska Degmada AFgooye ee Gobolka Shabelaha hoose. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdikariin Cali Aadan Raxmo Xasan Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-23-03-2020-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-230320.mp3 View the full article
  25. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay dil xalay waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka ee magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muqtaar Axmed Cumar (Tinle), iyadoona dilkiisa ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado oo goobta isaga baxsaday. Axmed Muuse Nuur oo wareysi siiyey Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in marxuumka uu sidoo kale ahaa ganacsade, islamarkaana ay dishay gacan ka xaq-daran. Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay haatan ku raad-joogaan raggii ka dambeeyey toogashada, islamarkaanawadaan baaritaano dheeri ah. “Muqtaar waxa uu ahaa Xildhibaan, sidoo kale waa Ganacsade, waxaa dishay Gacan ka xaq daran, waxaana dilkiisa ka dambeeyo dad caadeystay beegsiga dadka Bulshada wax u qabta, balse Ciidamada ammaanka ayaa ku daba-joogo oo aan ka quusan doonin soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ee hadda la raadinayo ay dhaawaceen askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka ee maamulka Puntland. Ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid liitay, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan.