-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A special sitting to discuss the banning of miraa by a number of counties is being planned by the county assembly. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose oo ku yaalla koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda dhaq dhaqaaq xoogan ay ka wadaan duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidanku ay ku gaareen tuulooyin hoostaga deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay inay la wareegeen illaa shan tuulo oo ay ka mid yihiin Buulo-Urunji, Malable, Siigaale, iyo Busley Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalladan u jeedkooda uu ahaa sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi. Ugu dambeyn saraakiisha hadashay ayaa shaaciyey in howlgalkaan uu yimid, kadib markii ay ka war-heleen weeraro ay deegaanadaasi ka soo abaabulayeen Al-Shabaab Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo milatari laga dareemayo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Janaale oo dhowaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weerar gaadma ah ku qaada dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
-
Cabdinuur Ibraahim Xuseen afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan maamulkaasi ay kala dhex-dhigeen beelo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayey deegaano hoos-yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadaasu ay isugu jiraan boolis iyo milatari, islamarkaana ay dhaqaaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi, si loo qaboojiyo colaadahaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay haatan meel wanaagsan marayaan dadaallada lagu dhameynayo xiisada u dhexeya beelahaasi walaalaha ah. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaal beeleedyo khasaare geystay ay ka dhacayeen duleedka magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland. View the full article
-
Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo gelinkii dambe ee shalay shir jaraa’id ku qabatay magaalaada Muqdisho ayaa sheegtay in aysan ogeyn sababta ka dambeysa xariga loo geystay agaasimaha maaliyadda iyo maamulka wasaaradda caafimaadka Maxamuud Maxamed Buulle. Waxaana wasiir Fowsiya ay ka dhawaajisay in agaasimaha la xiray 4-tii bishan xilli habeen ah islamarkaana waxa ay intaas ku dartay in aan lala soo wadaagin xariga agaasimaha iyada oo dhinaca kale tilmaamtay in arrinkaasi ay kala shaqeyn doonaan xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, hanta dhowrka iyo cidkasta oo sharci ahaan ay arrinkaasi quseysa. “Maxamuud Maxamed Buulle oo ahaa agaasimaga maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka waxaa la xiray 4-tii April habeenkii fiidnimo marey saacaddu ku beegnayd sagaalka, ilaa iyo hadda wasaaradda lalama soo wadaagin sababta loo xiray, waxaana socda baaritaanno badan, waxaana wasaaradda ay arrinkaasi kala shaqeynaysaa xeer ilaaliyaha guud ee qaranka hanta dhowrka iyo ciddii kale ee sharci ahaan ay quseyso, waxaan diyaar uwada nahay baaritaan waafi ah” ayey tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in xarigga agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka uu yimid ka dib markii lagu helay kiis la xiriira musuqmaasuq inkasto warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin. Hey’adaha qaabilsan sharciyada dalka wali wax wara kama aysan soo saarin xarigga Maxamuud Maxamed buulle oo hadda ku jira gacanta dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in ciidamo ay kala dhex-dhigeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose. Cabdinuur oo la hadlayey warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadaasi oo isugu jira Boolis iyo Milatari ay geeyeen deegaanada Fuuma Dalsan iyo Kooyaame, si ay u kala qaadaan maleeshiyaadka beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu xalinayo xiisadahaasi, si looga baaqsado dagaallo kale. Afhayeenka oo sii hadlayey ayaa ka dalbaday maleeshiyaadka labada dhinac inay soo dhoweeyaan dadaalladaan oo muhiim ah in nabad laga gaaro colaadahaasi. Dhowaan ayey aheyd markii madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ku baaqay in su deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka soo cusboonaaday duleedka Kismaayo. Dagaalladdii ugu dambeeyey ee dhex-maray labada beel ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen ku dhowaad 30 ruux oo u badan dhinacyada ay dirirtu u dhexeyso.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa waxa uu baaq nabadeed u diray dadka ku dagaalamaya maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed, isaga oo ugu baaqay in si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan colaadda waxkastana wadahadal lagu dhameeyo. “Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qeybaha bulshada maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaalladaas ahliga ah, waxa uuna intaas ku daray in iyaguna ay ka qeyb qaadaan doonaan. “Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha maasha xisbiyada qaran. Ugu dambeyn waxa uu dowladda federaalka ugu baaqay in ay qeyb ka noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha dalka ku soo noqnoqday. “Ugu dambeyntiina Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay qayb ka noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noqnoqdey ee aafeeyey dalkeenna” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Shariif Sheekh Axmed. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaallo kala duwan oo ku salaysay qabiil ay ka socanayeen gobalada Jubbada hoose iyo Shabeellaha hoose, waxaana degmada wanlaweyn laga soo sheegayaa xaaladihii ugu darnaa ee dagaalka u dhaxeeya beelaha degmadaasi wada dega. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xanuunka Corona Virus, iyadoo uu dunida si saa’id ah ugu faafayo ayaa hadda wuxuu marayaa inuu soo gaadhay Somaliland. Inkastoo kiisas laga helay Somaliland, haddana weli lama hayo cid xanuunkan u dhimatay. Alle mahadii weeye. Dalalka Jaarka ayuu xanuunku si xowli ah ugu fidayaa. Itoobiya axadii oo keliya waxa xanuunka u geeriyooday laba ruux, halka ay Djibouti aad u korodhay tirada uu xanuunku soo ritay. Addis Ababa iyo Djibouti waxa labadaba laga dareemayaa inay kordhayso tirada dadka uu xanuunku soo ritay. Sidaas marka ay tahay waxa muuqda walaac badan oo muujinaya inay si fudud u kordhi karto tirada dadka Somaliland ku sugan ee xanuunkan qaba, iyadoo ay Somaliland dhaqaale ahaan iyo tayo caafimaad ahaanba aad u liidato marka loo eego dalalka jaarka iyo kuwa dunida oo la baaxaa degaya culayska uu xanuunkani ku keenay. Inkastoo ay guddiga loo magacaabay ka hortagga faafitaanka xanuukani maalin kasta qaybo kala duwan oo bulshada ah u qabtaan kulamo kala duwan, haddana waxa muuqato inay tayadoodu aad hoosayso, wax qabadkooduna liito. Waxa ay hawshoodii loo xilsaaray u muuqdaan inay u leexiyaan la tashi iyo tallo urursi, halkii ay ka ahayd hawlgalo rasmi ah oo ay kaga hortagayaan in xanuunku dalka si fudud ugu faafo. Laakiin waxa iyaguna farriimo wacyigelin ah bulshada u diraya dhakhaatiirta maxaliga ah ee Hargeysa ku sugan oo umadda ugu baaqaya inay feejignaan muujiyaan. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa wuxuu umadda u soo jeediyay taxadir dheeraad ah, isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo in xanuunku si fudud ugu faafi karo Somaliland, waxaanu u soo jeediyay shacabka inay u baxaan dhulka baadiyaha ah oo ka baxaan magaalooyinka. Dad badan ayaa taladan u arka inay tahay mid muhiim ah, waxaanay qaarkood maalmahan ku mashquulsanaayeen inay dadka waayeelka ah u saaraan dhulka miyiga ah. Waxase dad badan ka yaabisay Madaxweyne Biixi oo ay ugu dambaysay inuu shacabkiisa la hadlo 14 March. Mudane Madaxweyne, xaaladahan oo kale waa marka loo baahanyahay hoggaamin dhab ah, waxa ay umaddu u baahantahay inaad ugu yaran toddobaadkii hal ama laba jeer warbaahinta kala hadasho oo aad farriimo wacyigelin ah hawada u mariso, haddii aanay Somaliland itaal kale haynin. Waxa aad ogtahay Madaxweyne inaanay si rasmi ah u fulin amaro ay guddigu soo saartay oo ay ka mdi tahay in la yareeyo dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka si xanuunkan looga hortago inuu faafo. Mudane Madaxweyne, waxaad xogogaal u tahay xaaladda tayada caafimaad ee dalka aad Madaxweynaha ka tahay, waxaanad ogtahay inaanay Somaliland xamil u lahayn dhaqaale ahaan iyo awood caafimaad ahaanba in xanuunku ku faafo. Sidaas daraadeed waxa Madaxweyne waajib kugu ah inaanad aamusan oo aanad albaabada xidhan ee aad umadaada la hadasho oo u waranto, una gudbiso farriimo wacyigelin ah. Uma wanaagsana hoggaamintaada inay soo baxaan warka uu Boqor Buurmadoow sheegay ee ah inaad magaalada Hargeysa ka baxday oo aad beertaada oo ku taala waqooyiga magaalada u guurtay. Madaxweyne Ka sokow umadaada dalka ka sugan ,waxaad ogtahay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay dunida ugu geeriyoodeen xanuunkan. Alle haw naxariisto dhammaantood. Si kastaba ha ahaate, Madaxweynoow, umaddu kaama aqbalayso iyadoo xaaladan warwarka leh lagu jiro inaad afar toddobaad aamusnaato. Source
-
Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta Puntland oo aad u hubaysan, ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay in uu amray in ciidamadaas la geeyo Gaalkacyo, si ay u xaqiijiyaan Sugidda Amniga magaalada oo todobaadyadii u dambeeyay laga soo weriyay dhacdooyin amni-darro oo baahsan. Ciidamadaas ayaa loo qorsheeyay, in ay hawlgal xasilin ah ka bilaabaan xaafadaha Gaalkacyo, kaasi oo lagu beegsan doono kooxaha kala duwan ee xasilooni-darrada ka wada Gaalkacyo, si loo soo celiyo Amniga magaalada. Gaalkacyo, waxaa haatan ku sugan wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo halkaasi kulamo kula leh Maamulka Gobolka Mudug, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Saraakiisha Ciidamada iyo ururada Bulshada, isagoo kala hadlaya Arrimaha Nabad-gelyada. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu dhowaan socdaal aan la sii shaacin ku tego magaalada Gaalkacyo, kaasi oo la xiriira hirgelinta Qorshaha Amniga iyo Hormarinta magaalada. PUNTLAND POST The post Ciidamo loo diray Gaalkacyo iyo madaxweyne Deni oo ku wajahan appeared first on Puntland Post.
-
Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud. Xiisadaan oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay haatan dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay barakac bilaabeen, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalladaasi. Dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyey illaa 20 ruux oo u badan dhinacyadii diriray. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano hoostaga maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Ugu horreyn Sheekh ayaa baaq u diray beelaha diriraya, isaga oo ka dalbaday inay dagaalka ku joojiyaan si shuruud la’aan ah. “Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo”ayuu yiri madaxweyhne hore Sheekh Shariif Seekh Axmed. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay u istaagaan joojinta colaadahaasi. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dhankooda gacan ka geysan doonaan, sidii loo xalin lahaa xiisadahaasi. “Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran, Mudane Sheekh Shariif. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil waxa ay ka soo cusboonaadeen degmada Wanlaweyn iyo duleedka Kismaayo.
-
Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa habeenimadii xalay magaalada Garowe ku gubay Qaad si qarsoodi ah loo soo geliyey magaalada ka dib xanibaad horay uu maamulku u saaray kuna joojiyey keenista iyo kaganacsigiisa, waxaana tasliska booliska Puntland uu digniin u diray dadka ka ganacsada qaadka. Qaadkan oo ahaa 5-jawaan ayaa ciidamadu ka qabteen magaalada kaas oo laga keenay dhanka dalka Itoobiya, ciidamada ayaana goob fagaaraha ah ku gubay Qaadka, iyaga oo sheegay in la fulinaayo amarkii ka soo baxay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni. Taliyaha Booliska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay la dagaalamaan qaadka sida sharci darrada ah lagu soo geliyo Puntland oo horay looga mamnuucay sababo la xariiro xanuunka COVID-19. Sidoo kale taliye Muxiyadiin ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabtaan haweenka ka ganacsado qaadka lagana xareeyo kabarada, waxaana uu intaas ku daray in gawaarida keenta Qaadka deegaannada Puntlan taliska uu war ka soo saari doono lana ganaaxidoono sida uu hadalka u dhigay Taliyaha. “ Ciidamada waxaan amarayaa in dagaal ay la galaan qofka soo qaada waa la yaqaanaa laga bilaabo barri in ay doonaan dadka keeno, dumarka kabarada fariisto in la soo qabto, kabarada in la soo xareeyo oo la jajabiyo dagaal in lagu qaado, gawaarida soo qaadana waan wada hadlaynaa go,aan ayaan ka soo saari doonnaa gaariga qiimahiisa qiima ku dhow in la ganaaxo cid kasta oo lug leh waa dambiile waana la qabanayaa” Qaadka ciidamada Booliska Puntland ay ku gubeen magaalada Garowe ee caasimadda u ah maamulkaas aya waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan digreeto madaxweyne lagu mamnuucay in Qaad la soo geliyo Puntland laguna amray in ciidamadu ay la dagaalamaan qaadka sababo la xariira faafitaanka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beryahan danbe waxaad moodaa in dadkii lagu mashquuliyey wadahadaladda Somalia iyo Somaliland. Waxaaba runtii lays weydiin karaa maxaaba laysu lurayaa kolay meel laga gaadhi maayo xilligane maadaama Shan jeer Oo hore wixii lagu heshiiyey maanta faro madhan laga joogo. Madaxda dawladda Soomaaliya kuma dhacaan in ay yidhaahdaan “waxaanu u ogolaanay inay Somaliland noqoto dal naga madax banaan.” Madaxda dawladda Somaliland iyaguna sidoo kale kuma dhacaan in ay yidhaahdan ” mar kale ayeeynu la midoobaynaa Somalia”. Haddaba iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana aniga iyo dad kaleba aanu dareensan nahay in xataa labadda dhinac xagga madaxda sare aanu midna ka hawl gelin Oo daacad ka ahayn Wuxuu shicibkoodu doonayo. Madaxda Soomaaliya midnimadda ay doonayaan Ma laha ficilkeedii oo inay dhab ka tahay shaki badan baa ku duugan sidii ay soo jiidasho u sameyn lahaayeen kama muuqato iyo tanaasul toona. Sidoo kale madaxda Somaliland ictiraafku maaha mid dhaafsiisan qudbadaha iyo heesaha waddaniga ah. Ficilkii iyo doonistii in ay noqdaan dawlad la ictiraafsan yahay Ma yaalo meesha waxaadna moodaa in dib loo sii socdo oo wanaagii la sameeyaba hadaba dib laga masaxayo. Laakiin mid uun baan ogsoonahay labadda shiciba way ku dheganaanayaan Waxay haystaan oo shicibka Somalia arrinkoodu waa midnimo, shicibka Somaliland arrinkoodu waa in ay noqdaan dal ictiraaf hela oo gooni u madax banaan. Hadda waa kolka aan ka hadlo dadka inta badan ama majorityga shicibka maadama dadka qaar ay aaminsanaan karaan fikirkan mid ka soo horjeeda. Haddaba shicibka nasiib u yeesha mustaqbalka dhow in ay helaan madax nolol u sameysa oo caafimaad, waxbarasho, shaqo, nabadgelyo iyo horumar u horseeda ayuunbaa aakhirka u dhow in ay gaadhaan yoolkooda. Waxaadna moodaa in wadahadalka dadka lagu mashquulinayo ay tahay wax kale Oo loo hayo Oo horumar ah ayaan jirin. Labadda dhinacba hawlo waaweyn Oo gudahooda ah ayaa horyaala. Ilaahay dadka ha ka badbaadiyo cudurkan imika socda” Ayuu Ku Yidhi Jamaal Cali Xuseen Qoraal Uu Ku Baahiyay Degelka Uu ku Leeyahay Facebookga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo cidda awoodda u leh ee uu sharcigu siiyey, waxaanu tilmaamay in Madax-dhaqameedka looga baahan yahay in aanay faraha la soo galin arrimaha siyaasadda, waxaanu ugu baaqay inay hawlahooda ku eekadan. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Bulshada baaq u diray, waxaanu ugu horeyn ugu hadalkiisi ku bilaabay “Salaadiinta waxaa loo doortay oo loo caleemo-saaray arrimaha reeraha iyo inay xal ka gaadhaan dhib kasta, colaad kasta iyo khilaaf kasta oo reeraha ka dhex dhaca, nabadda ayey ka taliyaan, laakiin Salaadiintu maaha siyaasiyiin, ee siyaasadda faraha ha kala baxaan oo xilkooda reernimo ha ku eekaadaan, arrinta wada-hadallada Soomaaliya Xukuumad baa loo igmaday oo ogolaasho loo siiyey, ee Salaadiin ogolaasho looma siin, Salaadiin u igman inay Somaliland wada-hadallada Soomaaliya uga qayb galaa ma jiraan, ogolaanshana uma haystaan, Salaadiintana waxaa looga baahan yahay inay sharciga ilaaliyaan oo kala dambaynta ilaaliyaan, cid walba oo sharciga ka hor timaadana waa in sharciga la hor keena, cidda ay doontaba ha ahaatee, maxaa yeelay sharciga waa loo siman yahay”. Siyaasi Jaamac-shabeel mar uu ka hadlayey xanuunka coronavirus ayaa wuxuu yidhi “Coronavirus waa xanuun meel walba taabtay, oo meel walba raad ku yeeshay, oo albaabadii xidhay, isku socodkii waddamada xidhay, dhaqaalihii raad ku yeeshay, laakiin inagu aynu ogaano in wixii qorani ay inagu dhacayaan, oo ALLE aynu barino, dadkuna aad ha isku ilaaliyaan, nadaafaddana aad ha ugu dedaalan”. Source
-
(SLT-Washington)-Guud ahaan caalamka wuxuu cudurka coronavirus ku dilay 70 Kun oo qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacada Maraykanka ee Johns Hopkins University. Tan iyo Markii uu Cudurka ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December ee sannadkii hore, wuxuu ku faafay ilaa 183 waddan oo caalamka, tirada kiisaska cudurka ee caalamkan waxay ay gaadhay hal milyan iyo saddex Boqol oo kun oo qof. Cudurka Coronavirus oo aan weli loo helin daawo iyo talaal lagaga hortego wuxuu aad u saameeyay wadamada Talyaaniga, Spian, Ingiriiska iyo Maraykanka. Talyaaniga waxaa cudurka u dhintay dad ka Badan 15 kun oo qof, halka wadanka Spain uu dilay 13 kun oo qof, Wadanka Maraykana waxaa u dhintay Cudurka dad ku dhow 10 kun oo qof. Sidoo kale wadanka Faransiiks waxaa cudurka u dhintay 8 kun oo qof. Tirada dadka Laga daaweeyay Cudurka ayaa hadda ah 270,000 kun oo qof. Source
-
Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa boggaadiyay dadaalada Mideynta iyo dib u heshiisiinta ka socota Galmudug. Puntland ayaa muddo Kaddib Aqoonsatay doorashada Madaxweyne Qoor Qoor ee Galmudug. Culimada Somaliyed ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaallada ka soconaya Jubboyinka iyo Shabeellaha hoose. Wiil Somaliyed ayaa Cudurka CORONA ugu geeriyoday Magaalada London ee Dalka Ingariiiska. Odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadaha ka soo cubsoonaaday Shabeellaha hoose iyo Jubboyinka. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War-saxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeymo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa qoraalkaan ku sheegay in howlgalka duqeymahaasi ay fuliyeen, iyaga oo garab ka helaya ciidamada, sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegtay in saddex duqeyn uu ka fuliyay deegaanka Mubaarak uu ku dilay 8 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,sida uu hadalka u dhigay. AFRICOM ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobaha la duqeeyey. Maalmihii u dambeeyey Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya, gaar ahaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article
-
Ciidamada ammaanka ee dowladda Saomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga dhigay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Cabdullaahi Cali Xasan. Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha xafiiskiisa ay ka wateen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Ma cada illaa hadda sababta ka dambeysa xariga loo geystay agaasimaha guud ee wasaaaradaha caafimaadka xukuumadad Soomaaliya, balse warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in loo heysto arrimo la xariira musuq-maasuq iyo wax is-daba marin. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan xariga mas’uulkaasi. Maalmo ka hor ayey aheyd markii xasbiga la dhigay agaasimaha maamulka iyo maaliyada wasaarada Caafimaadka, kaas oo sina loo heysto eedeymo musuq-maasuq ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-070420.mp3 View the full article
-
“ Shirkadaha FlyDubai iyo Alrabiya hadii ay duulimaadyo toos ah ka bilaabaan Muqdisho iyo Garoowe waxay ka go’antahay Somaliland waayo rakaabka ugu badnaa ee Hargeysa ay keeni jireen waxay ahaan jireen Transit ku socda gobolada Somalia. Ethiopian Airline lafteeduna hore ayay duulimaadyo toos ah uga bilawday Muqdisho. Kuwaa laftooda ayaa markii hore ay keeni jirtay Hargeysa oo transit ku mari jiray. Hadda Hargeysa waxa u hadhay inta Somaliland u socota oo keliya. Weliba kuwa ku socda bariga sida Laascaanood oo kale waxaba u fudud inay ka degaan Garoowe. Rakaabka Somaliland ku socda marka la joojiyay kuwii carabta waxa u furan oo keliya inay Ethiopian Airline oo keliya soo raacaan qiimuhuna cirka tago ilayn ma jirto diyaarad kale oo la tartamaysaaye. Xataa rakaabka Somaliland u socda ee Imaaraadka ka imanaya ayaa ku qasban inay ka soo wareegaan Addis Ababa ilayn dayuuraddii DAALLO ee xiliyadii ugu adkaa aynu kaga soo gudubnay ee inagala soo dabaalatay waxaynu u burburinay shirkado kale oo ka awood badan oo aynu u ogolaanay mid kastaba duulimaadyo maalinle ah. Hadii kuwa shisheeyaha aynu laba sadex maalmood u ogolaan lahayn ugu badnaan khadka kamay saareen DAALLO eh. Markaa tollow maxay damacsan tahay xukuumadda Somaliland marka ay arkayso xaaladdan khasaaruhu dal ahaan iyo dad ahaanba inoo taaban karo. Dee mooyi dheh!” W/Q Mujaahid Cali Guray Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn xoogan ay diyaarado dagaal ka fuliyeen duleedka degmada Jilib oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Duqeyntaan oo ka dhacday deegaanka kalaguur oo 20 illaa 15 KMG u jira degmadaasi auaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo gaartay dadka rayid ah. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in illaa labo qof oo shacab ahaa lagu dilay weerarkaasi dhanka cirka ah, kuwaas oo ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xubno ka tirsana Al-Shabaab lagu dilay duqeynta, walow aan la shaacin tiradooda. Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn cida fulisay weerarkaan ayaa haddana Mareykanka maalimihii la soo dhaafay wuxuu kordhiyey howlgallada uu ka fuliyo K/ Soomaaliya Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Mareykanka lagu eedeeyey in duqeymaha uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya ay khasaarooyin ka soo gaaraan dadka rayidka ah, islamarkaana aysan jirin cid kala xisaabtanta, walow taliska AFRIOCM uu iska fogeeyey arrintaas.
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Somali and U.S. security forces on Sunday evening killed eight al-Shabab militants in the latest onslaught on the extremist group in the southern region, officials confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-London)-Raysal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa waxaa la dhigay qeybta xaalada deg deg ah ee cisbitaal ku yaalla magaalada London. Mr Johnson oo la tacalayay caabuqa Corona ayaa xaaladiisa caafimaad la soo tabinayaa in ay ka sii dartay saacadihii la soo dhaafay. Hoggaamiyaha UK ayaa tijaabo caafimaad lagu sameeyay 10 maalmood ka hor laga helay cudurka Corona. Mr Johnson ayaa ayaa wakhtigaasi sheegay in uu wanaagsan yahay howshiisana ku qaban doono gurigiisa Boqorada UK Queen Elizabeth ayaa u mahad celisay shaqaalaha caafimaadka, waxaana ay sheegtay in ay ka guuleysan doonaan caabuqa Corona. Cudurkaan ayaa intii uu ka dilaacay dalka UK waxaa ku dhintay 4,934 oo qof. Source
-
Taliska Booliiska Puntland, ayaa xalay duleedka magaalada Garoowe ku gubay ilaa 14 Jawaan oo Qaad ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah lagu soo geliyay magaalada, balse ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Booliiska. Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, oo hadal kooban ka jeediyay goobta Jaadkaas lagu gubay, ayaa Ciidanka ku amray in ay dagaal toos ah ku qaadaan dadka caadaystay soo gelinta Qaadka laga mamnuucay Puntland. Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale amray in wixii maanta ka bilowda dhammaan la qa-qabto Haweenka Jaadka gada, islamarkaana laga ja-jebiyo Kabarada Qaadka, si loo dhaqan-geliyo Amarkii dowladdu ku mamnuucday Jaadka ee la xiriiray ka hortaga cudurka Coronavirus. Sidoo kale, Taliye Muxiyadiin ayaa sheegay in dhammaan gaadiidka soo geliya Qaadka iyo guryaha la geeyo labadaba ay dowladdu la wareegi doonto, haddii mar dambe lagu qabto, isagoo uga digay dadka gaadiidka iyo guryahaas leh in ay ka waantoobaan soo gelinta Qaadka. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo xalay Garoowe ku gubay ilaa 14 Jawaan oo Qaad ah appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
