-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya dhibaato ka geysata degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo salka ku haya aanooyin qabiil. Guddoomiye Shuute oo saraakiisha ciidanka DANAB siiyay amar maxkamadeed ayaa faray in ay nolol iyo geeri ku keenaan cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo hantidiisa dhibaato u geysata isaga oo intaas ku daray in dadkaasina uu dhiigoodu noqonayo mid bannaan sida uu hadalka u dhigay. “Saraakiisha ciidamada DANAB waxa ay amar maxkamadeed u haystaan qofkii muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo hantidiisa dhibaateeya wixii maanta ka dambeeya inay isaga iyo cidda difaacaysa nolol iyo geeri toona ku keenaan, waxaan balanqaadaynaa xitaa hadaad geeri ku keentaan in aan ku dul aqrino in dhiigiisu hadur ahaa oo isagu dhibaatada waday” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dadkii dhibaatada u geystay dad aan waxba galabsan oo aan ku jirin dagaaladii ka dhacayay Wanlaweyn ay marsiin doonaan ciqaabta ay mudan yihiin. Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaal beeleedyo aad u qaraar waxa uu degmada wanlaweyn ku dhexmarayay labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega waxaana dagaalkasi uu sababay in dad masaakiin ah la gubo, hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan gali doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mr President, after warm Greetings from the suburbs in Nairobi, where you have spent most of your time in your struggle to fight against the ugly regime in the Region, I would like to bring to your Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xassan Cali Nuur Shuute, oo warbaahinta kula hadlay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa halkaasi ka shaaciyay go’aanno ay Maxkamaddu soo rogtay, si loo xakameeyo colaad beeleedda wanlaweyn ka aloosan. Guddoomiye Shuute, ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha DANAB ay amar Maxkamadeed u qabaan, in ay Nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta kaddib dhibaateeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo maalkiisa, isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdana ay la mid tahay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed islamarkaana dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay mudanyihiin. Hadalkaas ayuu jeediyay, kadib kulan degmada Wanlaweyn ku dhexmaray Odayaasha Degaanka iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada oo looga arrinsaday Mashaqadii Degmada ka dhacday. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Caddaaladda Koofur galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur galbeed. PUNTLAND POST The post Shuute oo amray in Nolol iyo Geeri mid lagu keeno Dadkii ka dambeeyay wixii ka dhacay Wanlaweyn appeared first on Puntland Post.
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maamulka degmada Beled-xaawo uu joojiyey isku socdka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha xadka wadamada Soomaaliya & Kenya. Guddoomiyaha degmadaasi, Mudane Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aankaan uu yahay mid ay uga hortagayaan cudurka Coronavirus oo laba Kiis oo ka mid ah laga helay magaalada Mandera oo ku taal xadka. Axmed Barre ayaa tilmaamay inay walaac xoogan ka qabaan kiisaskaasi, maadaama labada magaallo ay xiriir wada leeyihiin. Sidoo kale wuxuu shacabka ku dhaqan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ugu baaqay inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah. Kenya oo daris la’ah Soomaaliya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Fayruska Corona, iyadoona magaalooyinka dalkaasi la xadiiday dhaq dhaqaaq guud ee dadka. Soomaaliya ayuu sidoo kale cudurkaan soo gaaray, waxaana dowladda federaalka ay saacadihii la soo dhaafay xaqiijisay kiiskii 8-aad oo laga helay qof ku sugan Muqdisho. Dowladda dhexe ayaa horay u qaaday tallaabo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka, iyadoo joojisay dhammaan duulimaadyada, sidoo kalena xirtay goobaha waxbarshada
-
Waxaa faahfaahinno laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir ku dishay Allaha u naxariistee dhaqtar Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan xaayoow. Dilka dhaqtarka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Suuq bacaad, waxaana kooxda dilka fulisay ay ku hubeysnaayeen Qoryo kuwaa oo markii ay falka geysteen ka dib goobta isaga baxsaday sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Marxuumka ayaa waxa uu ahaa dhaqtar si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in dilka dhaqtar Xasan Xaayoow uu salka ku hayo aano qabiil. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, ganacsato, odayaal iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana ciidamada amaanka ay kaliya sameeyaan falalka ka dib baaritaano aysan ka soo bixin natiijo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal ka sameeyey Boosaaso, kadib markii gudaha magaaladaasi uu ka dhacay qarax miino oo khasaare geystay. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadan lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo lagu tuhamayo qaraxaasi oo uu khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray dad rayid ah. Ma jiro weli wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha ammaanka Boosaaso ay ka bixiyeen howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada maamul goboleedka Puntland ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan. View the full article
-
Ganacsade Dareen Muwaadinimo leh: Gudoomiyaha Shirkada Faraska Ganacsade Faysal Cismaan Faras. Waxaan halkan hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa, Gudoomiyaha Shirkada Faraska Ganacsade Faysal Cismaan Faras, oo dareenka qalbiga iyo dhagaha bulshada ku kasbaday hadalkii qiimaha badnaa ee uu kasoojeediyey kulankii dhawaan ay ku yeesheen qasriga madaxtooyada gudida ka hortaga Covid19 ee JSL iyo ganacsatada qaadka keenta dalka. Ganacsade Faysal Faras, oo ku hadlaayey afka ganacsatada qaadka ayaa mar qudha dareenkiii iyo jawigii kulanka bedelay kadib markii uu madasha kasoojeediyey khudbad mugle oo qambaarsan qodobo dhawra, kuwaas aanay meeshaba ma filahayn xubnihii gudida Covid19 iyo guud ahaan bulshada Somaliland, qodobadan oo aan hore looga baran guud ahaan ganacsatada dalka oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay kusii yaraanaysay damqadashada bulshada iyo dareenka muwaadinimoba. Aan u gundo dago qodobadii Ganacsade Faysal Cismaan Faras, madasha kasoojeediyeye, markii uu hadalka qaatay salaan kadib ayaa waxa uu yidhi “Gudida waxaan leeyey markasta waxaan maqlaa iyadoo la leeyahay, dheecaan baa la qaadayaa oo dibadaa lagu soo baadhayaa, waxaan odhan lahaa tijaarta Somaliland waa bad, markaa waxaan soojeedinayaa in kharashka lagu soo iibinaayo qalabkaas lagu baadhayo loo qaybiyo, taasi oo aan anigu kow ka noqonaayo bixintiisa, si aynu uga bad-baadno kolba dheecaankan la qaadayo.” Ganacsade Faysal Faras, kuma uu joojin intaase hadana waa uu sii waday hadalkiisa oo hadana waxa uu raaciyey “Anigu rayi ahaan waxaan odhan lahaa qaadka hala joojiyo, taana anigu ka koobaad baan ka noqonayaa, waayo waxa la badbaadinayaa waa bulshadii, hadii la is yidhaa yareeya waa fayraskii uun, laakiin hadii la joojiyo waxan aaminsanay in wax badani yaraanayaan, oo ururkii bulshadu baaba’aayo oo fadhiisigii bulshadu baaba’aayo oo wax badan baaba’ayaan ayaan aaminsanay anigu.” Markii ay Ganacsade Faysal Faras afkiisa kasoo dhamaatay intaasi, waxaa wajiyada Gudida Covid19 oo uu hogaaminaayey Madaxweyne kuxigeenka JSL laga dareemaayey khajilaad mugle, waayo dareenka muwaadinimo ee Ganacsade Faysal iyo dhiiranaantiisa uu qaranka naf iyo maalba ugu huraayo ayaa aad fajiciso ugu noqotay, waxaanay ku noqotay u qaadan-waa. Ganacsade Faysal Faras oo sida hadalkiisa ka muuqata ku sifoobay ganacsade kalfuran oo dadkiisa iyo dalkiisa u diirnaxaaya, dantiisa ganacsina ka horeysiinaaya danta guud ee bulshada ayaa markii ay bulshadu ka daawatay warbaahinta waxa ay u qireen inuu yahay muwaadin qalbigiisa ay ku wayn tahay badbaadinta qaranku isla markaana waxa ay bulshada tustay in wali ay sii jiraan ganacsato wadaniyiin ah oo u damqanaaya bulshada. Guntii iyo gunaanadkii qormadaydan kooban, mar labaad waxaan halkan hambalyo, bogaadin iyo dhiirigalin uga dirayaa Ganacsade Faysal Faras iyi guud ahaanba ganacsatada qaadka ee Somaliland, sidoo kale waxaan halkan baaq uga dirayaa ganacsatada kala duwan ee dalku inay ku daydaan sidaa Ganacsade Faysal Faras, iyo guud ahaan ganacsatada qaadku muujisay inay qarankooda u damqadaan oo kaalintooda kaga aadan ka qaataan daryeelka bulshada iyo badbaadinta qarankaba. Cabdixakiin C Xasan cabdixakiinrays@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
-
Sannadkii 1928 ayuu Axmed Ismaaciil Xudeydi ku dhashay magaalada Berbara. Xudeydi wuxuu hana-qaadkiisii nolosha ku qaatay magaalada Cadan ee dalka Yemen ka hor intii uusan kusoo laaban Soomaliya isagoo aad u yar halkaas oo uu isbeddel weyn ku sameeyey muusigga. Sannadihii kontomeeyadii iyo lixdameeyadii ayuu si aad ah uga soo dhex-muuqday fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed isagoo noqday nin miraha curiya muusiggana garaaca waana xilli dalku ku jiray halgan la isaga dulqaadayey gumeysi. Muddo gaaban kaddib codkii iyo muusiggii Xudeydi waxay xoog u noqdeen halgankii xornimo doonka ahaa ee lagu raadinayey madax-bannaanida. Sannadihii todobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii markii muusigga Soomaaliya uu gaaray heerka ugu sarreeysa magaca Xudeyda wuxuu ka tallaabay dalka uu u dhashay ee Soomaaliya isagoo safarro caalami ah galay wuxuuna hantay oo lagu sharfay magaca “King of uod” ama boqorka cuudka ama kabanka. Xudeydi wuxuu ahaa mid ka mid ah aabbeyaashii muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed. Axmed Ismaaciil Xudeydi wuxuu u guuray magaalada London horraantii sagaashameeyadii markii ay dagaallada sokeeye qarxeen waxaana gurigiisa magaalada London uu noqday goob lagu dhiso dhaqanka iyo muusigga Soomaalida iyadoo ay isugu imaan jireen fannaaniin iyo dad muusigga jecel si ay wax uga bartaan Xudeydi. Xudeydi wuxuu siin jiray jiilka ku cusub fanka cashirro ku saabsan cuudka waxaana sidoo kale gurigiisu ahaa meel ay ku kulmaan jiilkiisii iyo asxaabtii uu ku lahaa fanka si ay dib ugu xusuustaan maalmihii dahabiga ahaa ee soo maray dibna u soo celiyaan xiriirkooda. Dhaxal faneed oo xooggan oo mideeyey ummadda Soomaaliyeed ayuu lahaa Axmed isagoo soo galay halgan dheer oo xornimo doon ah. Hubka uu Axmed adeegsanayey wuxuu ahaa cuudkiisa iyo codka kabanka. Qaab faneedkiisii loo yaqiin ‘Qaraamka” ayaa qeyb ka noqday heesaha Soomaalida. Axmed Ismaaciil Xudeydi oo xalay ku dhintay Isbitaal ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa xusuus weyn uga tagey ummadda Soomaaliyeed wuxuuna noqon doonaa shaqsi baaqi ku sii ahaada xusuusaha aan la hilmaamin oo dadka Soomaaliyeed ay taariikhda u leeyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay geerida naxdinta leh marxuun Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada London. Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yidhi : “Geerida Boqorkii Cuud-ka ayay sheegayaan gacal ha waayaane! Ilaahay ha u naxariisto Axmed Ismaaciil Xuseen [Xudeydi] 1928-2020 oo xalay xaqii ugu yimid London, Xudeydi waxa uu ahaa shakhsiyad Qowmiyadda Soomaalida dhexdeeda karaamo iyo sharaf ku dhex lahaa, dhaxalna uga tegay isla markaana Fanka Soomaalida abaal weyn gashaday, Ilaahay ha ku casumo Jannatul Firdowsa, qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo umadda Soomaalidana Samir iyo iimaan haka siiyo.” Source
-
Waxaa warar dheeraada laga helayaa qarax sababay khasaare kala duwan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, iyada oo wararka qaraxaas la xiriirana ay yihiin kuwa isi soo taraya. Qaraxa oo ahaa miino islamarkaana ka dhacay bosteejo gaadiidka laga raaco ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay lahaayeen booliska puntland, waxaana la sheegay in marka marka qaraxa lala bartilmaameedsanayay gaariga booliska ay ciidanku wadeen howlgallo ay ku xaqiijinayeen bandowgii dhowaan ay soo rogeen madaxda Puntland. Sida laga soo xigtay dadka deegaanka qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacantay ugu yaraan 10 qof oo sagaal ka mid ah ay yihiin dad shacab ah halka hal askari uu ku dhaawacmay qaraxaasi kaas oo ka mid ahaa ciidanka booliska maamulka Puntland. Xalay ilaa saakay waxaa magaalada Boosaaso ka socoda baaritaano kala duwan oo ay wadaan ciidanka amaanka Puntland kuwaas oo ku raad jooga dadkii ka dambeeyay falkii qaraxa ahaa ee ka dhacay magaaladaasi. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi, waxaana maalmihii la soo dhaafay Boosaaso ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geysanayay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha guutada 7-aad qeybta 60 -aad ee ciidanka Dhulka G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka ku diriraya halkaasi. Socdaalkaan waxaa taliyaha ku wehlinayey taliye xigeenka Booliska gobolka Shabeelaha Hoose, G/dhexe Cali Maxamed Salal iyo guddoomiyaha arrimaha bulshada ee ghobolkaasi. U jeedka saraakiishaa ayaa ah sidii looga hortagi lahaa dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday gudaha degmadaasi. Wanlaweyn ayaa waxaa maalmihii dambe ka taagnaa xiisad u dhexeyso labo beelood oo walaalo ah, kuwaas oo dagaallo dhex-maray ay isaga dilay dad badan. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya Airlines, Tewelde Gebremariam, ayaa sheegay in saddex kamid ah shaqaalaha shirkaddooda laga helay cudurka Coronavirus. Tewelde Gebremariam, wuxuu sheegay in shaqaalaha cudurka laga helay ay ku jiraan daryeel caafimaad laguna karantiimeeyay goob u gaar ah shaqaalahooda oo ay sharciyeysay wasaaradda caafimaadka Ethiopia. Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli shirkadda Ethiopia Airline ay tahay shirkadda kaliya ee xilligaan duulimaadyada ka sameysa Somaliland. Dhinaca kale, shirkadda Ethiopian Airline ayaa shaacisay inay khasaartay lacag dhan 550 milyan oo dollar oo ah saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus. Tewelde Gebremariam, ayaa sheegay xilligan, shirkaddu inay hakisay duullimaadyadii ganacsiga ilaa boqolkiiba 90, taas oo macnaheedu yahay inay duuleyso 10 boqolkiiba oo keliya goobaheedii caalamiga ahaa. Source
-
Source
-
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu horkacayey ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in ku laabashada Xaaf ee Gaalkacyo ay ka dambeysay, kadib markii la’isku fahmi waayey kulamo maalmihii u dambeeyey uga socda magaalada Dhuusamareeb isaga iyo madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Qoor-Qoor. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Xaaf ay cuntami waayeen qaar ka mid ah qodobada loo soo bandhigay, taas oo keentay inuu isaga tago magaaladaasi. Dhowaan ayey aheyd markii shaaciyey inuu u tanaasulay danaha guud ee dadka reer Galmdug, si loo soo afjaro khilaafaadka hareeeyey maamulkaasi. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada Puntland, gaar ahaan kuwa nabad-sugida maamulkaasi ee loo yaqaano PSF-ta ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii qarax miino oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah iyo askar uu ka dhacay magaaladaasi. Saraakiisha horkaceysay howlgaladaan ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qab-qabteen tiro dad ah oo lala xiriiinayo inay ku lug lahaayeen qaraxaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in haatan su’aallo ay weydiinayaan shaqsiyaadka lagu qabtay howlgalladaasi oo gacanta ugu jira ciidamada amniga. Qaraxaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe Puntland ay bandow ku soo rogtay magaalooyinka maamulkaasi, si loola socda dhaq dhaqaaqa guud. Falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ayaa ku soo badanayey todobaadyadii la soo dhaafay deegaanada Puntland, kadib qarixii xoogana ee dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Garoowe, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal ee maamulkaasi.
-
Allaha u naxariistee waxaa magaalada Londo ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Abwaan, fannaan, mulaxamiiste Axmed Ismaaciil Xudeydi kaas oo u geeriyooday xanuunka Coronavirus. Fannaankan, ayaa la sheegay in maalmihii dambe uu la xanuunsanayay cudurkaan taas oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday sida ay xaqiijiyeen dad si aada ugu dhawaa marxuumkaasi Axmed Xudeydi. Allaha u naxariistee Axmed ayaa caanka ku ahaa laxamada iyo tumista kabanka taasi oo keentay in dadka ay ugu yeeraan boqorka cuudka, waxaana fannaanka geeriyooday heesaha aadka loogu yaqaano ka mid ah heesta “Uuryo hooyo” oo ka hadlaysa walaaltinimada. Axmed Xudeydi waxa la sheegaa in uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sawirkani maaha Xudun ee waa mid hore Xiisad colaadeed ayaa saaka oo Arbaco ah ka aloosan degmada Xuddun ee gobolka Sool taasi oo ka dhalatay nin lagu dilay nawaaxiga degmadaas. Dilka ninkaas ayaa xiisad ka dhex abuuray dadka degaanka kadib markii ehelada marxuumku ay dalbadeen in loo soo gacan-geliyo dadkii ka dambeeyay dilkiisa balse ay arrintaas lagu guulaysan waayay. Malayshiyaad hubaysan oo ka soo kala jeeda dhinacyada xiisaddu u dhexayso ayaa lagu soo warramayaan in ku wada sugan yihiin degmada Xuddun waxaana laga cabsi qabaal dagaal halkaasi ka qarxa. Waxgaradka iyo odayaasha degmada Xuddun ayaa dhankooda ku hawllan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda colaadeed ee degaanka ka aloosan si looga baaqsado isku dhacyo qabiil PUNTLAND POST The post Xiisad colaadeed oo ka aloosan degmada Xuddun ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Raysal saaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa dib usoo nooleeyey dadaaladii uu dib ugu furayey wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo muddooyinkii dambe fadhiid noqday. Abiy Ahmed ayaa qorshihiisan cusub si gaar ah ugu beegsaday Madaxda ugu sarreysa Somaliland iyo Soomaaliya, si uu ugu guulleysto soo nooleynta wada-hadalada labada dhinac ee gabalku u damay. Sida ay Ilo-wareedyo lagu kalsoon ay sheegayaan, Abiy ayaa qorshahaasi ugu horreyntii usoo bandhigay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, xili uu dhowaan safar ku tagay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa. Raysal wasaare Kheyre ayuu Abiy usoo bandhigay in uu kaalinta ugu weyn ka qaato wada-hadaladaasi, isagoona soo diyaarinaya ajandaha ay xukuumada Soomaaliya ku wajaheyso wada-hadalada Somaliland, Sida ay Ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u sheegeen Somalilandtoday. Abiy ayaa arrinkaasi ku sababeeyay fikir uu qabo oo ah in reer Somaliland ay waxyaabo badan ka tirsanayaan Madaxweyne Farmaajo oo xasaasiyad gaar ah ka qabaan, maadama ay Somaliland ganafka ku dhufatay safarkii Hargeysa ee uu qorsheeynayey in Farmaajo uu ku geeyo. Kheyre ayaa lagu soo warramaya inuu aqbalay qorshaha cusub ee Abiy, isla markaana uu usii bandhigay Madaxda reer Somaliland ee xukuumadiisa ku jira, si ay gacan uga siiyaan hirgelinta qorshahaasi cusub. Xubnaha xukuumada Kheyre kujira ee kasoo jeeda Somaliland, ayaa iyagu aaminsan fikirka midnimada Soomaaliya, lamana oga kaalinta ay ka qaadan karaan wada-hadalada labada dhinac, maadama ay Somaliland ka soo horjeedo inay xubnahaasi kamid noqdaan wada-hadaladaasi. Abiy ayaa sidoo kale qorsheynayay inuu dabayaaqada bishan April magaalada Addis Ababa ku kulansiiyo Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya, si loogu gogol xaadho bilowga wada-hadalada labada dhinac ee mudada badan hakadka ku jiray. Kulanka Abiy Ahmed uu iskugu keenayey Biixi iyo Kheyre, ayaa la filayaa in uu isbadal ku yimaado waqtigiisii, sababo la xidhiidha cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus. Sidoo kale Abiy ayaa lagu soo waramayaa in uu fudeydiyay wada-hadal dhanka telefoonka oo dhexmaray Xasan Kheyre iyo Muuse Biixi, si uu qorshihiisu u noqdo mid midho dhala oo horseeda wada-hadalo rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan qorshaha Abiy iyo wada-hadalka dhexmaray Kheyre si kooban ugu soo bandhigay Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland iyo qaar kamida madaxda mucaaridka, isagoona la socodsiiyay inuu jiro qorshe cusub oo uu dabada ka riixayo Raysal Abiy Ahmed. Inkasta oo uu Biixi si faah-faahsan uga warbixin Madaxda Somaliland qorshahaasi Abiy, haddana wuxuu qabsaday in muddo 10-cisho ah kadib uu warbixin buuxda ka siin doono qorshahaasi cusub ee wada-hadalada. Qorshaha cusub ee Abiy ayaa ku soo aadaya xili ay Salaadiinta Somaliland ay dalbanayeen in dib loo bilaabo wada-hadala Somaliland, isla markaana ay ka qeyb noqdaan wada-hadaladaasi si looga gaadho natiijo wax ku ool ah, lamana oga inay daaha dabadeeda ka wado dowladda Soomaaliya, maadama ay dhowaan Madaxda Somaliland baaqyadaasi la xidhiidhiyeen inay hageyso oo dan ka leedahay dowladda Soomaaliya. Source
-
Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku dhintay, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa. Maalmihii u dambeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isaga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Magaalada Berbera ayuu ku dhashay, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-080420.mp3 View the full article
-
Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Fannaan Somliyed ayaa ku goor dhow ku geeriyoday Magalada London ee Dalka Ingariiska…. Wasaaradda Caafimadka Somaliya ayaa shegtay in Qof cusub oo aan dalka ka bixin oo laga helay cudurka Coronavirus. Wasaaradda Caafimadka ayaa shegtay in qalabkii lagu baari laha Caabuqa CORONA la so damaystiray, hadda kaddibna kiisaska cusub lagu baari doono gudaha dalka. Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax xalay ka dhacay Magaalada Bosaso ee xaruntagobolka Bari. Dowladda Mareykanka ayaa shaaciyay in duqeyn lagu dilay Hoggaamiye sare oo ka tirsana Xarakada Al-Shabaab. Nabaddoon ku sugan Jubboyinka ayaa sheegay in Dowladda Mareykana duqyn waliba o ay ka fuliso deegannadasi ay shacabka kaliya la bartilmaamedsadaan. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdikariin Cali Aadan iyo Xamdi Baraale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saaakay-iyo-goobjoog-08-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Bosaaso)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in qarax xalay ka dhacay istaan laga raaco gaadiidka isaga kala goosha magaalada ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof. Qaraxa oo ka dhashay miino jidka la dhigay ayay wararku sheegayaan in bartilmaameedkiisu ahaa baabuur ay la socdeen ciidamo ku gaaf-wareegayay magaalada, si ay u hubiyaan dhaqan-galka bandowga xilliga habeenkii ah ee lagu soo rogay Boosaaso. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhaawacyadu ay iskugu jiraan sagaal qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidanka amniga ee Boosaaso. Qaraxaan ayaa kusoo beegmay xilli ay guud ahaan magaalooyinka Puntland ka dhaqan-galeen bandoow habeenkii ah. Todobaadki hore ayay aheyd marki qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal. Source
-
(SLT-London)-Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku geeriyooday, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeel-dheera tumiddiisa. Sida ay uu xaqiijisay Ayaan Maxamuud oo ah asaasaha ururka Kayd, oo soo qabanqaabiya Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee London ka qabsooma sannad walba ayaan waa saaxiib ay aad isugu dhawaayeen Xudaydi, sidoo kale dhawr jeer ayuu kala qayb qaatay barnaamijkaasi. Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaalla London, isaga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii aanu soo noqon Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. Source
-
Maxay shacabka Mareykanka hub u wada iibsanayaan xilli uu Faro baas ku hayo Xanuunka Coronavirus? Shacabka Mareykanka ee khatarta weyn ka wajahaya cudurka sida ba’an ugu sii fidaya dalkaas ee coronavirus ayaa haddana bishii lasoo dhaafay iibsaday hubkii ugu badnaa ee la diiwaan galiyo tan iyo markii ay laanta dambi baarista ee FBI-da billowday xog uruurinta ku saabsan ganacsiga hubka muddo 20 sano ka hor ah. Haddaba maxay tahay sababtu? Iyadoo tirada dhimashadu ay maalin walba kor usii kaceyso, inta badan waddankana uu ku jiro nooc xayiraadda dhaqdhaqaaqa ah, dad badan oo Mareykan waxay u muuqdaan inay u jeesteen dhinaca hubka iyagoo ka falcelinaya waxa socda. Arrintan ma aha kaliya cabsi lagaqabo inuu isku dhex yaac ka dhaco shacabka dhexdiisa, oo markaas sharciga la jabiyo, sida ay khubarada sheegeen. Maxay muujinayaan tirooyinku? Hay’adda dambi baarista federaalka Mareykanka ee FBI-da waxay baaritaanno tixraac ah ku sameysay 3.7 malyan oo qof oo damacsanaa inay hub iibsadaan bishii March ee sanadkan 2020-ka, waana tiradii ugu badneyd ee la diiwaan galiyo tan iyo sanadkii 1998-kii. Tiradan waxay muujineysaa koror 1.1 malyan ah markii la barbar dhigo bishii March ee sanadkii 2019-kii. Maalintii ay taariikhdu ahayd 21-kii bishii March oo kaliya waxaa tixraac lagu sameeyay 210,000 oo ruux, waana tiradii ugu badneyd ee abid hal maalin gudaheed lagu sameeyo. Sida ay shaaciyeen warbaahinta Mareykanka, FBI-da waxay sheegtay in hub ka badan labo malyan oo qori la iibsaday bishii March gudaheeda oo kaliya. Gobolka Illinois oo ugu sarreeyay ayaa laga iibsaday ku dhawaad nus malyan qori, waxaana kusoo xigay gobollada Texas, Kentucky, Florida iyo California. Dukaamada hubka lagu iibiyo ee guud ahaan waddanka ayaa soo tabiyay inaysan awood u heli karin inay hub cusub soo dhigaan si ay u daboolaan baahida weyn ee ay dadka qabaan. Tirooyinkan ugu dambeeyay waxay xitaa ka sarreeyaan heerkii ugu sarreeyay ee hub iibsashada Mareykanka ay gaartay ee ahaa 3.3 malyan sanadkii 2015-kii, xilligaasoo maamulkii Obama laga cabsi qabay inuu xakameyn adag kusoo rogo gadashada hubka kaddib markii lagu baraarugay toogashadii ka dhacday magaalada San Bernardino ee gobolka California. Maxay gadashada hubka aad ugu badaneysaa? Sida uu aaminsan yahay Timothy Lytton, oo ah macallinka cilmiga sharciga ka dhiga Jaamacadda gobolka Georgia, khabiirna ku ah ganacsiga hubka ee Mareykanka, labo sababood ayaa ugu waaweyn kororka hub iibsashada, kuwaasoo salka ku haya xiisadaha ka dhashay coronavirus. “Tan koowaad oo ah in laamaha dowladda ee u adeega shacabka – sida; dab damiska, booliska iyo howl wadeennada caafimaadka – ay aad u “mashquuli karaan” haddii ay dhibaatadu sii weynaato, taasina ay horseeddo in ay meesha ka baxdo kala dambeynta sharciga. Haddii ay xaaladdu heerkaas gaartana qofkii hub heysta “wuxuu isku difaaci karaa” isagoo naftiisa ku badbaadsanaya”, ayuu yiri If you thought the lines at the grocery store are long… good morning from Los Angeles pic.twitter.com/NudGqwW4I2 — CJ Johnson (@cjjohnsonjr) March 14, 2020 Tan labaadna wuxuu ku sheegay cabsi ay dadku ka qabaan in dowladda ay soo rogto xayiraado dhinaca iibsashada hubka ah ama lahaanshaha hubka, taasoo hadda qeyb ka ah dastuurka Mareykanka. “Dadka qaarkood waxay xitaa walwal ka qabaan in dowladdu ay burburi karto sidaas darteedna aysan awood u heli doonin inay dadka amnigooda sugto, dad kalena waxayba ka cabsi qabaan inay dowladdu aad u xoogeysato oo ay ka xaddiddo xorriyaddooda,” ayuu yiri. Sababta aan usoo iibsaday hubkeygi ugu horreeyay Nin ka mid ah dadka hadda cusub ee hubka yeeshay ayaa BBC-da uga warramay sababaha ku kallifay, wuxuuna codsaday in magaciisa la qariyo. Wuxuu sheegay in uu labo qori soo iibsaday 12-kii bishii March kaddib markii ay hay’adda NBA sheegtay inay hakad galisay dhammaan ciyaarihii ay qaban jirtay. Waxaa kale oo uu sheegay in sababaha kale ay ka mid tahay markii ay mas’uuliyiinta waaxda arrimaha degdegga ah dadka u sheegtay inay raashin guryaha soo dhigtaan si aysan dhibaato usoo gaarin haddii uu hakad ku yimaado adeegyada daruuriga ah. “Waxay ila tahay inay adagtahay in meesha laga saaro waxyeello ka dhaln karta xasilooni darro ka dhex billaabata shacabka, markaasoo aanan isku halleyn karin booliska oo kaliya”, ayuu yiri. Sidee looga fal celiyay iibsashada hubka ee badatay? Qaar ka mid ah maamul goboleedyada Mareykanka waxay oggolaadeen in uu sii socdo ganacsiga hubka, iyagoo ku daray ganacsiyada aasaasiga ah ee aan la xayiri karin marka la hirgalinayo xayiraadda guud ee waajibka laga dhigay. Gobollada New York, Massachusetts iyo New Mexico waxay dukaamada noocaas ah ku khasbeen in albaabbada la isugu dhufto laakiin waxay u fasaxeen inay wax ku iibiyaan dhinaca online-ka. Gobolka Washington waxaa looga dhawaaqay amar lagu xirayo dhammaan dukaamada hubka lagu iibiyo, laakiin kuwo badan ayaa iska furnaa iyagoo ka dhaga adeygaya amarka lagu soo rogay. Dhinaca kalena, ururrada u dooda in la xakameeyo hubka shacabka gacantooda gala waxay soo dhaweeyeen xiritaanka dukaamada hubka lagu iibiyo. Maxaa kale oo saameyn ku leh iibsashada hubka badan? Siyaasadda gudaha Mareykanka ayaa saameyn weyn ku leh kororka iibsashada hubka ee laga soo tabiyay waddankaas, xilli ay dabayaaqada sannadkan dhici doonto doorashada madaxweynaha. Musharraxiinta xisbiga Dimuqraaddiga ayey aad ugu badan tahay inay adkeeyaan shuruucda oggolaaneysa in shacabka ay hub iibsadaan, marka la barbardhigo Donald Trump. Gadashada hubka ayaa sare u kacday labadii jeer ee uu xilka ku guuleystay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama. Waxay sidoo kale sare u kaceen markii ay Hillary Clinton usoo baxday tartanka madaxweynaha, sanadkii 2016-kii. Qaran News
-
Popular Contributors
