Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jilib (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegaya in shalay ay halkaasi ku dagaalameen maleeshiyaad ka wada tirsan ururka Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaxmaray ciidamada Xisbada iyo kuwa Jabhadaha ee Malitariga, waxa uuna dagaalkooda salka ku hayaa khilaaf ku saabsan ajaaniib ku eedeysan basaasnimo. Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaas dhaxmaray Al-Shabaab uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah, islamarkaana ay weli taagan tahay xiisadda arrintaasi ka dhalatay. Ajaaniibta ku eedeysan basaasnimada ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 2 qof ayna u dhasheen laba dal oo kala duwan. Xubnaha qaar ayaa doonaya in la toogto halka qaarkood ay qabaan in aan la dilin sababo badan aawgeed. Al-Shabaab ayaa hore u dilay dad badan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaaniib kuwaas oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Dadka basaasnimada loo dilay waxaa ku jira caruur iyo dumar. Dagaalkan ayaa imanaya ayada oo horey sirdoonka Soomaaliya ay u sheegeen inuu jiray khilaaf u dhaxeeyey hoggaanka sare ee kooxda. 10-kii March ayay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye). Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey xiligaas ku sheegtay “in Muuse Macallin lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay odayaal dhaqameed muddooyinkii dambe ka hadlayey arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana dalbanayey inay ka qeyb noqdaan wada-hadaladaasi. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay shaqadooda aheyn arrimaha siyaasada oo ay kamid yihiin arrimaha ay ka hadleen ee wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland. Muuse Biixi ayaa ka dhawaajiyey in Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay gutaan kaalintoodi dhaqan, isla markaana ay ka sugayaan ka xukuumad ahaan dhaqankii wanaagsanaa ee looga bartay Salaadiinta dhaqanka. Madaxweynaha ayaa si adag ugu hanjabay Salaadiinta ku eekaan waaya waajibaadkooda dhaqan ee faraha la gala arrimaha siyaasada, iyagoona qaadi doona mas’uuliyada wixii uga yimaada arrintaasi. “Waxaanu ka sugaynaa Suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xil-saartay oo haddii uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Somaliland ayaa dhowaan hanjabaad adag u dirtay Odayaashaasi oo uu kamid ahaa Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, maadama ay faraha la galeen sida ay sheegeen arrimo uusan sharcigu u ogoleyn, isla markaana sharciga la tiigsan doonaan. Suldaan Maxamed Cabdiqadir, Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland oo kamid ahaa Odayaashaasi loo hanjabay ayaa hore u sheegay in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahan yahay in dib loo furo wada-hadalada labada dhinac.
  3. MOGADISHU (HOL) - Banaadir Governor Omar Filish has warned the spread of COVID-19 could be higher in Mogadishu than the official reports by the government noting ‘many people have died’. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (PP News Desk) — The Mayor of Mogadishu Omar Mohamud Mohamed spoke to the media today in Mogadishu about the spread of Covid-19 in the capital city. “People I know have become infected with Covid-19. There are fatalities. People who have fallen ill with Covid-19 did not travel to Somalia” Omar told the media. The Mayor urged people to follow instructions to prevent the spread of the disease. “People will receive phone calls to their mobile handsets. Please follow instructions .” The Mayor breafing the media on Covid-19 infections in the capital city The Mayor urged people to wash their hands and practise social distancing. “We must take the threat of Covid-19 seriously” Omar said. The Federal Ministry of Health has confirmed the death of a person who contracted Covid-19 in Mogadishu. https://youtu.be/jtf6m9uxryk © Puntland Post, 2020 The post Mogadishu Mayor sounds alarm over Covid-19 infections appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus ay Muqdisho ugu dhinteen dad uu garanayo. Cumar Filish oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkaas ay ahaayeen kuwa aan ka imaan dibadda oo ay ku ku sugnaayeen gudaha dalka. Waxa uu intaas ku daray in dadkaas u geeriyooday COVID-19 qaarkood la aasay, halka qaarka kalane aan wali la aasin, sida uu hadalka u dhigay. “Cudurkaas waa uu soo gaaray dalka, dad badan ayaa la ila daran qaarna wey u dhinteen, oo aan anigu garanayo, oo aan dibad ka imaan oo dalkooda joogay, qaar hadda ayaa la aasay, qaarna aan wali lama aasin,” ayuu yiri. Hadalka Cumar Filish ayaa abuuraya jahwareer ku saabsan waxa ay yihiin dadka cudurka u dhintay ee uu ogyahay. Wasaaradda caafimaadka waxay shalay shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha dalka ugu dhintay cudurka, hase yeeshee Cumar Filish ayaa ka hadlay shaqsiyaad dhowr ah. Waxaa is-weydiin mudan shakhsiyaadka Cumar Filish ogyahay ee wasaaradda caafimaadka aysan shaacin weli, taasi oo abuuri karta su’aal ah; in xog la qarinayo ay jirto, iyo inay jiraan shakhsiyaad aan wasaaradda la socodsiin oo cudurka laga helay, haddiiba warka Cumar Filish uu sax yahay. Dhanka kale, Cumar Filish, oo ka dhawaajiyay halista uu leeyahay cudurkaan ee ah in si fudud loo kala qaadi karo, ayaa bulshada ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee loo jeedinayo. “Arrintaas waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo sidaa darted talloyinka la idin siinayo waa in sida uu yahay loo qaato,” ayuu yiri duqa Muqdisho.
  6. Dhacdo shalay ka dhacdey Muqdisho ayaa walaac badan laga muujiyey kadib markii la ogaadey in Isbitaalka Martine oo Xukuumadu u diyaarisay in la geeyo Dadka [...] Source
  7. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Wednesday declared a state of emergency in the country to help curb the spread of the new coronavirus, his office said on Twitter. “Considering the gravity of the #COVID19, the government of Ethiopia has enacted a State of Emergency,” Abiy’s office said. Africa’s second most populous nation at more than 110 million, Ethiopia has recorded 52 cases of COVID-19, the disease caused by the novel coronavirus, and two deaths. Authorities have already taken a series of measures to stem the spread including closing schools, banning public gatherings and requiring most employees to work from home. The prime minister did not mention what additional steps would be taken under the state of emergency. Source Reuters Qaran News
  8. Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa mudda laba bilood ah ku kordhiyay wakhtiga loo asteeyay soo dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad ee ururada siyaasadda Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga, ayaa lagu sheegay in kadib baaris iyo qiimayn Guddigu ku sameeyay khatarta faafidda cudurka Coronavirus, ay go’aansadeen in mudda laba bilood ah lagu kordhiyo wakhtiga loo asteeyay soo dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad ee ururada siyaasadda. Guddiga ayaa uga mahadceliyay dhammaan Ururada Siyaasadda dadaallada dheeriga ah ee ay wadaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha wajiga 2aad, waxaana war-saxaafadeedka lagu faray ururada in ay joojiyaan dhamaan kulamada dadweynaha ilaa inta laga xaqiijinayo in khatarta xanuunkaas in laga gudbay. Sidoo kale, guddiga ayaa ururada siyaasadda ugu baaqay in ay si dhow ula socdaan warbixinada iyo talooyinka guddiga ka hortagga xanuunka Corona iyo bahda caafimaadka, si looga gaashaanto faafidda COVID-19. PUNTLAND POST The post Wakhtiga dhamaystirka Shuruudaha Ururada Siyaasadeed ee Puntland oo la kordhiyay appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la shaaciyay in uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee muddada badan hakadka ku jira. Madaxweyne Biixi ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ay bar-bar joogeen Guddoomiyeyaasha labada gole iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka Somaliland, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in dib loo furo wada-hadaladaasi. Ayada oo wararka ay sheegayaan in Abiy Ahmed uu doonayo inuu kulansiiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Muuseo Biixi, maadaama reer Somaliland “ay xasaasiyada ka qabaan” madaxweyne Farmaajo, ayaa Muuse Biixi wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka, midaasi oo u muuqata inuu si dad-ban u aqbalay uguna diyaar yahay qorshihii Abiy Ahmed. Biixi ayaa sheegay in cudurka dunida ku habsaday ee Coronavirus uu xiligan waxkasta ka muhiimsan yahay ka hortagidiisu, balse xiligeeda ay diyaar u yihiin wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la iskugu imanayo fagaaro caalamiya. Caasimada Online ayaa shalay baahisay xog ku saabsan qorshahaasi cusub ee Abiy Ahmed ku wajahayo wada-hadaladaasi iyo kulamo uu qorsheeyay inay ka dhacaan caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, inkasta oo aan sheegnay suurta-galnimada ay ku baaqan karaan kulamadaasi, maadama cudurka Covid-19 uu si xawliya u faafayo, Kiisas hor lehna laga helay Soomaaliya iyo Itoobiya.
  10. Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan afar qof oo saddex kamid ah ay dumar yihiin ayaa ku dhintay qarax Miino oo ka dhacay Shabeellaha Hoose. Illo degaanka ah ayaa u sheegay Shabelle in qaraxa uu dadkaan ku haleelay agagaarka Awdheegle xili ay lugeynayeen. Wararka ayaa intaas ku daraya in dadkaan oo dhamaantooda shacab ah ay kasoo baxeen degaanka Lamber 60 ee gobolkaas. Hooyo iyo gabadheeda ayaa lasoo wariyey in ay ku jiraan dadka ku nafwaayey dhacdadaas aysan wali ka hadlin mas’uuliyiinta. Lama ogga cidda halkaas ku aastay Miinada. Balse, waxaa aagaas inta badan adeegsada ciidamadda dowladda Soomaaliya. Inta badan falalka noocaan ah ee laga soo wariyo koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya waxaa khasaaro ay kasoo gaaraan dad shacab ah. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa waxa ay maanta Qalabka Baaritaanka Cudurka Corona ku wareejisay Wasaardda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada. Lacagta lagu soo iibiyey qalabka waxaa ku deeqday Safaaradda Talyaaniga ee fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho. Waxaana gacan ka gaystay keenista qalabkan Hay’adda Cunnada Aduunka oo shalay diyaarad qaas ah soo saartay. Sawirrada wareejinta View the full article
  12. Wanlaweyn (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa sheeegay in lagu tallaabsaday guullo hor dhac ah ka dib markii la kala qaaday kooxihii ku dagaalamaayey halkaasi. Guddoomie Najax oo la hadlay qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Wanlaweyn ayaa digniin u diray shakhsiyadka hubeysan ee ka dambeeyay dagaal beeledyadii ka dhacay degmadaasi. Gudoomiyaha ayaa xusay in aan la aqbali doonin in dadkii dhibaatada ka geystay Wanlaweyn in ay sii joogaan,sidaa daraadeedna gacanta lagu soo dhigi doono cid kasta oo ka qeybgashay dagaaladii dhexmaray labadaasi beelood eek u dgaalamay halkaai. Ibraahim Aadan Cali Najax waxa uu sheegay in uu dhow yahay xalka dagaaladii ka dhacay Wanla Weynm sidaa daraadeedna loo baahan yahay in ciidamada ay u howlgalaan gudasha waajibaadka xagga amniga ah ee ay u xilsaaran yihiin,isagoo dhinaca kalena qirau in caddaaladda la horkeeni doono cid kasta oo geysatay dhibaatooyin bini’aadanimo. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay wajigii 3-xaad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada, gaar ahaan wadada isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay oo ah waddo aad u burbursan oo isticmaalkeeda ay bulshada dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen. Wadadan ayaa ka mid ah wadooyinka aadka loo isticmaalo, waxayna martaa suuqa Siinaay oo kulmiya degmooyinka Boondheere, Warta Nabada iyo Yaaqshiid. Waxaa dhagaxdhigga Duqa Magalaada ka sokow goobjoog ka ahaa Qaar ka mid ah ku xigeenaddiisa, Agaasimayaasha, Gudoomiyaha Degmada Boondheere iyo Gudoomiyaasha Haweenka iyo Dhallinyarada Gobolka Banaadir. Dhanka kale, Cumar Filish ayaa ka dhawaajiyey in dad badan ay Muqdisho ugu dhinteen Coronavirus. Shaqsiyaadkaas ayuu caddeeyay in qaarkood uu isagu garanayo. Balse ma uusan carabaabin tiradda guud. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili wasaaradda caafimaadka ay soo bandhigtay kiisas cuusb oo wadar ahaan gaaraya 4, taas oo tiradda guud ka dhigtay 12. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-090420.mp3 View the full article
  15. US Africa Command (Africom) has announced that it killed a senior commander of the Al-Qaeda-linked group Al-Shabaab in an airstrike on 2 April. The slain militant commander, Yussuf Jiis, was reportedly a founding member of the group who has held senior positions in the group over the last decade. Yussuf Jiis and two other Al-Shabaab members were killed in an airstrike in Bush Madina, Bay region, some 217 kilometers west of the capital, Mogadishu. “This individual was a key leader in the al-Shabaab organization. He was violent, ruthless, and responsible for the loss of many innocent lives. His removal makes Somalia and neighboring countries safer,” Gen Stephen Townsend, Aafricom commander said in a statement. The US has increased its airstrikes against the group over the last few days, hitting Al-Shabaab-controlled areas in Bay, Lower Shabelle, and Middle Jubba regions. In a separate statement, the US said it killed five Al-Shabaab members near Jilib on 6 April. Jilib is a militant stronghold in the Middle Jubba region, southern Somalia. “While we might like to pause our operations in Somalia because of the Coronavirus, the leaders of Al-Qaeda, Al-Shabaab, and ISIS have announced that they see this crisis as an opportunity to further their terrorist agenda so we will continue to stand with and support our African partners,” Gen Townsend said. Some rights groups have however accused the US of killing civilians in airstrikes in Somalia. View the full article
  16. The US-trained Danab forces have conducted an operation on the outskirts of Wanlaweyn town following deadly inter-clan clashes, residents and military sources said. The troops managed to intervene in the tribal combat and removed several roadblocks manned by local militia fighters during the operation that came after dozens killed in battle. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has called on both warring sides to cease the hostilities and end their differences through dialogue instead of gunpoint. The SNA and AMISOM are currently waging anti-Shabaab operations in Lower Shabelle region in the latest attempt to flush out the militants from the remaining areas. View the full article