-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saudi Arabia oo shaacisay go’aan ku saabsan labada Xaram iyo bisha Ramadaan Dowladda Sacuudiga ayaa Isniintii dheereysay mamnuucidda dadweynaha ee ay kusoo rogtay Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga NNKH, taasi oo la sheegay inay sii socon doonto ilaa dhammaadka bisha Ramadan, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Go’aanka ayaa waxaa lagu sheegay qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Waaxda Arrimaha Labada Masjidka u qaabilsan qasriga boqortooyada. Labada Masjid ayaa la sheegay in salaadda lagu tukan doono bisha Ramadan, hase yeeshee aan loo ogolaan doonin dadweynaha, taasi oo macnaheedu yahay in imaamyada un ay tagi doonaan. Labada Masjid ayaa waxay leeyihiin Taleefishino oo si toos ah saaladda looga daawado caalamka, taasi oo sii socon doonta, balse aan loo ogolaan doonin shacabka. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ay ugu baaqeen muslimiinta caalamka inay saaladaha ku tukadaan guryahooda inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan, haddii dalalka ay joogaan lagu soo rogo amar ah in bulshada kala fogaato, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus. Bisha Ramadan ayaa billaabaneysaa dabayaaqada toddobaadka soo socda, waxaana muslimiin badan ay isku diyaarinayaan Taraawiixda. “Marka hore, Muslimiinta waa inay adeecaan go’aanada mas’uuliyiinta dalalkooda ama kuwa ay ku nool yihiin, ee looga gol leeyahay in lagu joogteeyo caafimaadka dadka, laguna xadido faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA. “Marka xigta, Dhammaan Muslimiinta waa inay soo ka fogaadaan isu-imaatinka, sababtoo ah waa waxa ugu weyn ee horseeda faafitaanka fayruska…waana in Muslimiinta xusuusnaadaan in bad-baadinta nolosha qofka ay tahay cibaado Allah loogu dhowaado.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka gobalka Banaadir oo dhan waxaa ka dhaxeeya hal machiin oo ah nooca laga qatao oksajiinta (Ventilator) oo ay dowladda heyso, kadib markii laga joojiyay Isbitaalada gaarka loo leeyahay qaabilaadda dadka u baahan Oksajiin. Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaa waxaa ku ogaanay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay maamullada Isbitaalada gaarka loo leeyahay ku amartay in aysan qaabili karin bukaan neeftu ku dhegtay oo u baahan Oksajiin, hadii ay qaabilaan-na lagala noqon doono ruqsada shaqada. Dhamaan Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa fuliyay amarkaan waxaana durba laga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo ay dadku ku dhiban yihiin halka Oksajiin ee yaala Martiini kaas oo dadka kaafin karin. Sababta looga joojiyay ayaa lagu sheegay in dadka ay neeftu qabato ama u baahan Oksajiin ay soo maaraan hubin ku saabsan in ay qabaan Covid-19, maadaama neef qabatintu ay qeyb weyn ka tahay calaamadaha Covid-19 sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda. Arrintan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in qof qaba COVID-19 uu ayada oo aan laga war-hayn cudurka ku faafiyo isbitaallada gaarka loo leeyahay. Haddii ay go’aankaas u hogaasameen Isbitaaladii Muqdisho waxaa durba si weyn banaanka u timid in aysan dowladda Soomaaliya awoodin in ay baahidaasi qeyb yar oo kamid ah daboosho. Boqolaal shacab ah oo u baahan Oksajiin ayaa saacadihii la soo dhaafay wajahay xaalado adag halka qaarkoodna ay u dhinteen Oksajiin la’aan sida ay noo sheegeen dhaqaatiir iyo xubno qoysaska kamid ah. Maadaama aysan dowladda Soomaaliya awoodin in ay kaafiso baahida caafimaad ee dalka ka jirta maxaa diidaya in Isbitaalada loo fasaxo ama la kordhiyo qalabka Oksajiinka si loo badbaadiyo nolasha dad badan? waa su’aal ay is weydiinayaan dadka Muqdisho. Hadda, hadii aad habeen u baahato Oksajiin haba-yaraatee rajo kama qabtid inaa hesho, haddii aad u baahato maalin-na waxay u baadan tahay 60% in aadan helin maadaama dowladda kaliya ay heysato hal Oksajiin oo yaala Martiina kaas oo kaafin karin dadka u baahan caawinta neefta.
-
Iiraan oo u hanjabtay ciidamada badda ee Mareykanka Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibta Iiraan “ay aad ugu soo dhawaadeen iyagoo xawaare dheer ku socda” Milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa Mareykanka ku eedeeyay inay “Ficilladii shirkadda filimada ee Hollywoodka ku wo u eg” ka dhigeyso arrin isbuucii hore ka dhacday biyaha Khaliigka. Mareykanka ayaa markii hore sheegay in maraakiib dagaal oo ay Iiraan leedahay ay fuliyeen tallaabo “dhibaateyn ah” kaddib markii ay Arbacadii aad ugu dhawaadeen 6 markab oo ay leeyihiin iyagu. Laakiin ciidanka Iiraan ayaa sheegay in ay kordhiyeen roondada ay ka sameeyaan biyaha Khaliijka kaddib markii ay maraakiibta dagaalka ee Mareykanka hotaantii bishan wadadda ka hor istaageen markab ay Iiraan leedahay. Xiisadda u dhaxeysa labada waddan ayaa sare u kacday kaddib markii uu Mareykanka bishii January dalka Ciraaq ku dilay janaraal u dhashay Iiraan. Iiraan ayaa si weyn uga carootay dilka Qaasim Suleymaani Bayaan kasoo baxay taliska milatariga Iiraan ayaa lagu faahfaahiyay labo dhacdo oo la sheegay in Mareykanka ay ku xannibeen markabka Iiraan, “iyagoo tallaabooyin halis ah qaadayay iskana dhaga tirayay digniinaha”. Wuxuu bayaanka intaas ku daray in Iiraan ay “jawaab adag” ka bixin doonto fal kasta oo daandaansi ah. Arrinta dhacday Arbacadii ayaa timid hal maalin kaddib markii rag hubeysan – oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin ciidamada Iiraan – ay gacanta ku dhigeen marka uu ka babbanayay calanka Hong Kong oo marayay biyaha gacanka Cumaan, islamarkaasna ay ula dhaqaaqeen dhinaca biyaha Iiraan ka hor inta aysan sii deynin. Sidii Mareykanka u sheegay waxa dhacay? Taliska ciidamada badda ee Mareykanka ayaa Milatariga Iiraan ku eedeeyay inay fuliyeen “ficillo khatar abuurayay” oo ka dhan ah maraakiibtooda. 11 markab oo ay Iiraan leedahay ayaa marar badan u dhawaaday 6 markab oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka iyo kuwa ilaalada xeebaha “Waxayna arbacadii maraakiibta reer Iiraan masaafe aad u dhow u jirsadeen kuwa Mareykanka iyagoo xawaare dheerna ku socda”, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Mareykanka. Mareykanka ayaa intaas ku daray inay digniino dhowr ah bixiyeen, laakiin aysan maraakiibta Iiraan dhag jalaq u siinin waxaasoo dhan. BREAKING: 11 Iranian #IRGCN vessels repeatedly conducted dangerous & harassing approaches against U.S. naval ships operating in international waters of North Arabian Gulf. U.S. crews took actions deemed appropriate to avoid collision. Details: https://t.co/ZVKPKv738o pic.twitter.com/lKJgDz0l2N — U.S. Navy (@USNavy) April 15, 2020 Saraakiisha Ciidanka Badda ee Mareykanka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada noocaas ah ay halis u yihiin inay sababaan iskudhac dhex mara labada dhinac, ayna yihiin kuwo kasoo horjeda shuruucda biyaha caalamiga ah. Maxaa ka dhacay Khaliijka? Xiriirka u dhaxeeya labada waddan ayaa xumaa muddo tobannaan sano ah. Laakiin xiisadaha ayaa cirka isku shareeray kaddib markii uu Mareykanka ka baxay heshiiskii laga gaaray xakameynta barnaamijka bacriminta nuclear-ka ee Iiraan islamarkaana uu dib u giijiyay cunaqabateynnadii saarnaa xukuumadda Tehran. Sanadkii lasoo dhaafay ciidanka Iiraan ayaa qabsaday barkab uu ka babbanayay calamka Britain, iyagoo ka aargoosanayay markab ay Iiraan leedahay oo gacanta lagu dhigay isagoo maraya biyaha ay Britain leedahay ee Gibraltar. Labada markab ayaa ugu dambeyntii lasii daayay. Mareykanka ayaa horay Iiraan ugu eedeeyay inay weerartay lix markab oo ku sugnaa gacanka Cumaan iyo inay fulisay weerarro lagu bartilmaameedsaday warshadaha saliidda sifeeya ee Sacuudiga. Hase ahaatee Iiraan ayaa beenisay inay ku lug lahayd falalkaas. Cadwaadda u dhaxeysa Washington iyo Tehran ayaa sii xoogeysatay bishii January, markaasoo Mareykanku ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa madaxda milatariga Iiraan. Janaraal Qaasim Suleymaani ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyd ee Mareykanka ka fuliyeen dalka Ciraaq. Iiraan oo tallaabadaas ka carootay ayaa gantaallo la dhacday saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq. Qaran News
-
Makkah (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa Isniintii dheereysay mamnuucidda dadweynaha ee ay kusoo rogtay Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga NNKH, taasi oo la sheegay inay sii socon doonto ilaa dhammaadka bisha Ramadan, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Go’aanka ayaa waxaa lagu sheegay qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Waaxda Arrimaha Labada Masjidka u qaabilsan qasriga boqortooyada. Labada Masjid ayaa la sheegay in salaadda lagu tukan doono bisha Ramadan, hase yeeshee aan loo ogolaan doonin dadweynaha, taasi oo macnaheedu yahay in imaamyada un ay tagi doonaan. Labada Masjid ayaa waxay leeyihiin Taleefishino oo si toos ah saaladda looga daawado caalamka, taasi oo sii socon doonta, balse aan loo ogolaan doonin shacabka. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ay ugu baaqeen muslimiinta caalamka inay saaladaha ku tukadaan guryahooda inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan, haddii dalalka ay joogaan lagu soo rogo amar ah in bulshada kala fogaato, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus. Bisha Ramadan ayaa billaabaneysaa dabayaaqada toddobaadka soo socda, waxaana muslimiin badan ay isku diyaarinayaan Taraawiixda. “Marka hore, Muslimiinta waa inay adeecaan go’aanada mas’uuliyiinta dalalkooda ama kuwa ay ku nool yihiin, ee looga gol leeyahay in lagu joogteeyo caafimaadka dadka, laguna xadido faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA. “Marka xigta, Dhammaan Muslimiinta waa inay soo ka fogaadaan isu-imaatinka, sababtoo ah waa waxa ugu weyn ee horseeda faafitaanka fayruska…waana in Muslimiinta xusuusnaadaan in bad-baadinta nolosha qofka ay tahay cibaado Allah loogu dhowaado.”
-
Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay olole degmooyinka gobolka looga buufinayo xanuunka COVID-19 oo kiisas badan laga helay magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19. Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir. Barnaamijkaas ayaa la doonayaa in laga sameeyo degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir si loogu xakameeyo faafidda cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay olole lagu buufinayo COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa dabaal-deg weyn ka sameysay deegaanada Xarar-dheere iyo kuwa kale oo gacanta ku hayso kooxdaasi, midaasi oo ku aadaneyd guusha dagaalkii ay dowladda federaaka kaga saartay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug. Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo kamid ahaa Madaxda Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa arrinkaasi shaaciyey, xili uu dhowaan wareysi gaar ah siinayey idaacada VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga. Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dabaal-dagaasi u qasheen Xoolo, iyagoona durtaba bilaabay cabsi gelinta dadka ku nool magaalada Dhuusamareeb, oo ay si rasmiya ula wareegtay dowladdu. Shaakir ayaa dagaalkii ay dowladda federaalku uga saartay Dhuusamareeb ku tilmaamay mid wadada loogu xaarayey kooxaha xagjirka ah, kuwaasi oo ay hadda u fududaatay fulinta qaraxyada iyo falalka lidiga ku ah amniga, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ku caddeyneynaa Fantisiyihii ay dhowaan ka dhigeen Xarar-dheere iyo deegaanada ay xukumaan, kadib markii ay dowladda federaalka ay caasimada Dhuusamareeb kula dagaalantay Ahlu-Sunna Waljameeca oo ay kusoo duuleen” ayuu yiri Sheekh Shaakir. Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa hore dagaal adag ula galay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyaga oo gebi ahaanba xiligaasi ka nadiifiyey deegaanada ay maamulkooda gacanta ku hayeen.
-
Waxaa sii kordhaya kiisaska coronavirus ee Soomaaliya, iyadoo dad badanna ay ka cabanayaan xanuun ay hargab ku tilmaamayaan oo lagu soo warramayo in dadka qaar ay ka cabanayaan. Walaaca la xiriira faafitaanka Fayraska corona ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysa. 24-kii saac la soo dhaafay waxaa la diiwan galiyay 29 qof oo uu cudurku ku dhacay taasoo tirada guud ee coronavirus laga helay ka dhigaysa 164 kiis. Sidoo kale waxaa jira walwal ku aadan in dad badan oo aan la baarin ay cudurka ugu xanuunsanayaan guryahooda iyagoo sheeganaya inuu hargab hayo. Shaki badan ayaa laga muujinayaa in xanuunka hargabka lagu qeexayo laftiisa uu yahay coronavirus, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijinin. Haddaba si aan xog dheeraada uga helno xaaladda cudurka iyo qaababka loo baaro dadka looga shakisanyahay waxan la hadalnay Dr Maxamad Cali Fuje oo dhawaan loo magacaabay inuu hogaamiyo dadaallada lagula tacaalayo iyo kuwa looga hortagayo cudurka. Wuxuu marka hore ka warramayaa walaaca ku aaddan tirada laga baaro cudurka iyo tirada laga helo ee aad isugu dhow. “In tirada la baaray iyo tirada laga helay ay isu dhawaadaan micnaheedu ma aha in cudurku uu ku badan yahay bulshada. Dadkan la leeyahay intaasoo qof oo meesha tagtay ayaa la baaray, intooda badanna waa laga helay micnaheedu waa in ay yihiin dad markii horeba lasoo xulay oo dhakhaatiirtu ay kasoo shakiyeen in 80% ilaa 90% ay cudurka qabaan, kuwii aan lagu tuhmin cudurkana waa la iska soo reebay”, ayuu yiri Dr Fuje. Dhinaca kale Dr Fuje wuxuu sheegay in awoodda Soomaaliya ee baaritaanka cudurkan ay aad u hooseyso. “Annagu ma aannaan gaarin heer bulshada la dhex galo oo xanuunka laga baaro. Dalalka kale ee adduunka waxaad arkeysaa in xitaa dadkii gawaarida watay la istaajinayo oo laga baarayo cudurka. Hadda waxa aan sameyneyno waa in dad xanuunsan oo calaamadihii leh, isbitaalladii soo maray, lasoo xulay ayaa la baaraa”. Ilaa horaantii sanadkan waxaa soo baxayay warar ku saabsan in xanuun hargab lagu tilmaamay uu kusoo batay magaalada Muqdisho, kaasoo dad badan ay la il daran yihiin. Laakiin Dr Fuje oo hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah coronavirus ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan awoodi karin inay xaaladdaas u kuur galaan. “Runtii in dabagal la sameeyo ma sahlana. Marka aad cudur noocaas ah dabagaleysid waa inaad heysatid qalabkii loogu talagalay baaritaanka wadsatid, waa inaad adiga laftaada qafilan tahay oo aad xirantahay dharkii cudurka la isaga ilaalinayay, waana in dadku ay ku oggol yihiin oo ay raalli ka noqdaan in guryaha loogu imaado oo la baaro”, ayuu yiri. ‘Calaamadaha aad ii sheegtay ma aha hargab ee waa coronavirus’ Howlaha ugu waaweyn ee ay kooxda la dagaallanka coronavirus ka wadaan Soomaaliya waxaa ka mid ah in “dadka laga saaro cabsiga ay ka qabaan in la karantiilo haddii ay sheegaan inuu cudurka hayo”, sida uu sheegay Dr Maxamed Cali Fuje. Wariyaha BBC-da ayaa dhakhtarka weydiiyay sida lagu kala saari karo coronavirus iyo hargabka ay dadka intooda badan ka cabanayaan ee ay sheegayaan “inuu mararka qaar wato qandho, qufac iyo naqaska oo qofka ku dhaga”. “Dhammaan calaamadaha aad ii sheegtay waa kuwa uu coronavirus leeyahay ma aha kuwa hargabka. Hargabku wuxuu leeyahay diif badan kanina ma laha wax diif ah, corona wuxuu leeyahay madax xanuun badan, qufac qallalan, dareenkii urka iyo dhadhanka ayaa ka tagaya qofka, calaamadaha kalena wuu la qeybsadaa hargabka caadiga ah”, ayuu yiri Dr Maxamed Cali Fuje. Tan iyo markii uu xanuunkan soo ifbaxay dowladda Soomaaliya waxay qaadday tallaabooyin lagu xakameynayo. Kuwaas waxaa ka mid ah in bandow xilliga habeenkii ah lagu soo rogay magaalada Muqdisho. Hase ahaatee dadka intooba badan ayaan la qabsanin bandowga, iyagoo si caadi ah u kala socda daqiiqado ka hor waqtiga loogu talagalay inuu bandhowga billowdo, sida ay kusoo warrameen qaar ka mid ah wariyayaasha BBC-da ee magaalada Muqdisho. Kiisaska coronavirus ee hadda ka jira Soomaaliya ayaa maraya 237 qof. Dadka Soomaaliya ugu dhintay cudurkan ee ilaa hadda la xaqiijiyay ayaa gaaraya 8 qof. Isha: BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixinteedii maalin laha aheyd ee cudurka Coronavirus, waxayna ku shaacisay in tiradii ugu badneyd oo loo diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood inay qabaan xanuunka COVID-19. Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka. 51 kamid ah 73-da qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 22-ka kalena ay dumar yihiin, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyey in uu ku dhacay COVID-19 gaartay 237 kiis oo qaar ka bogsaday qaarna u dhintay. Warbixinta caawa soo baxday waxaa sidoo kale lagu sheegay in hal qof maanta loo diiwaan geliyey in uu u dhintay Coeonavirus, waxayna tirada guud ee dhimashada cudurkaas gaartay sideed ruux. Sidoo kale qof kale ayaa kasoo bogsaday xanuunkaas, sida lagu shaaciyey warbixinta, waxayna tirada dadka ka bogsaday COVID-19 gudaha Soomaaliya gaartay 4 qof. Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kan u dhintay iyo kan ka bogsadayba.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in caawa degmadaas lagu dilay laba qof oo shacab ah, sida dadka deegaanku u sheegeen Caasimada Online. Askari ka tirsan ciidamada Booliska ee ka howlgala degmadaas ayaa geystay dilkaas, kadib markii uu rasaas ku furay dad shacab ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay rasaastaas laba qof oo kale. Dadka deegaanka ayaa sheegay in askariga iyo dadka uu rasaasta ku furay oo hal goob ku sugnaa uu muran soo kala dhex galay taas oo keentay in uu dhowr xababadood ku rido. Isagoo intaas kadibna goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howlgala degmada Kaxda ayaa goobta gaaray welina kuma guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan askarigii falkaas geystay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dhanka kale ugu yaraan seddax dhalinyaro ah ayaa dhimasho iyo dhawacyo ku noqday qarax ay ku aasayeen Jidka Warshadaha oo ku qarxay, sida ay noo sheegeen saraakiil ciidan. Ragaas ayaa qaraxa ku aasyey agagaarka isgoyska Soos ee degmaad Hiliwaa, waxaana halkaas ku geeriyooday mid kamid ah ragii qaraxa wadada ku aasayey, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Sawirro laga soo qaaday dhalinyaradaas ayaa muujinaya in mid kamid ah uu qaraxu kala gooyey, halka labada kalena ay ka muuqdaan dhaawacyo daran oo kasoo gaaray qaraxaas. Durbadiiba ciidamada dowladda oo aan sidaas uga fogeyn halka ay gelinayeen qaraxaas ayaa gaaray goobta, waxayna kasoo qaadeen meydka midkii dhintay iyo dhaawaca labadii kale. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama bixin dhacdooyinkaas ka kala dhacay degmooyinka Kaxda iyo Hiliwaa oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxyo la geliyo jidka Warshadaha, waxaana lala beegsadaa gaadiidka ay wataan ciidamada AMISOM, kuwaas oo iyaguna jiha kasta rasaas u fura qaraxa kadib, waxayna mararka qaar xasuuq wadareed u geystaan dadka ka agdhow aaga qaraxa lagula eegto.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-20042020.mp3 View the full article
-
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku sugan qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Ahlusunna Waljamaca kuwaas ku sugnaa magaalada mudooyinkii dambe , waxaana ka mid ah madaxii hore xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan, waxaana uu faahfaahin uu ka bixiyey u jeedkooda magaalada Nairobi ay ugu sugan yihiin. Sheekha oo wareysi siinayey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyey sababta ay u joogaan magaalada Nairobi, waxaana uu intaas ku daray in u jeedkii ay u yimaadeen dalka Kenya uu u suurto galay ayna la kulmeen bulshada Soomaalida ah, beesha caalamka iyo saaxiibada daneeyo arriaha Soomaaliya sida uu yiri sheekh Shaakir. ” Waxaan u nimid inaan la kulanno bulshada qeybaheeda kala duwan maadaama Jaaliyad aad u balaaran ay degan tahay oo Soomaali ah iyo inaan la kulanno beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaliya intaba waa inoo qabsoomeen ” Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo hadal qaaday halkii uu ku dambeeyey heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka Soomaaliya kaas oo qismi looga siiyey Galmudug oo markii dambe gaaray gacan dagaal labada dhinac ah. “Dowladda heshiis waa ay ku timid deegannada Galmudug in la dhiso maamul lawada leeyahay oo Galmudug ka dhaxeeyo imaanshiyihii ay ku timid iyo heshiiskii lawada sixiixay dowladda ayaa ka baxday oo Burburisay sida dhabta ah ee marqaatiga leh dowladda iyada ayaa ka baxday waxaana ka dambeeyey u jeedooyin gaar ah ayuu yiri ” Mas’uuliyiinta ururka Ahlusunna ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya halkaas oo ay ka wadeen kulamo ay la lahaayeen beesha caalamka iyo saaxiibada daneeyo arrimaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Qiimaha Saliidda cayriin ee Mareykanka ayaa markii ugu horreysay taariikhda waxa uu maanta ka hoos maray $0 barmiilkii, kadib markii keydadka shidaalka ay buuxsameen. Halkii barmiil ee saaliida cayriin ah ayaa qiimihuus noqday -40.23 dollar, taasi oo ah heerkii ugu hooseeyey tan iyo sanaddii 1983-kii, markaasi oo suuqa saamiyadda saliidda ee NYMEX uu billaabay ganacsiga. Qiimaha ayaa saaka ku furmay 20.3 oo dollar barmiilkiiba, wuxuuna hoos u dhacay illaa heer uu ka hoos maro $0 barmiilkii. In qiimaha halkii barmiil ee saliidda cayriin uu ka hoos maray $0, oo uu yahay -40.23 dollar, ayaa macnaheedu waxa uu yahay in shirkadaha ay lacag ku bixinayaan in laga qaado saliida cayriin, maadaama aysan hayn meel ay ku keediyaan. Qiimo dhaca shidaalka ayaa sidoo kale saameyn xooggan ku yeeshay suuqa saamiyadda New York, ayada oo suuqa Dow Jones ee 30-ka shirkad ee ugu weyn Mareykanka uu hoos u dhacay 3% marka aan warkan qoreyno. Dalabka saliida cayriin ayaa gebi ahaanba la waayey, taasi oo abuurtay balaayiin dollar oo saliid cayriin ah oo cid iibsata la waayey, ayada oo aysan jirin gawaaridii la kaxeen jiray maadaama dadka ay guryahooda ugu jiraan sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Ka sokow dhibaatada Coronavirus, suuqa saliidda ayaa waxaa si xooggan u saameeyey dagaalka shidaalka ee ka dhex oogan Sacuudiga iyo Ruushka, kuwaas oo ayaga oo isku xumeynaya suuqa saliidda kusoo qufay saliid badan, si ay u qiimo tiraan, taasi oo dhaawac gaarsiisay shirkadaha Mareykanka. Sacuudiga oo ka mid ah ururka OPEC iyo Ruushka ayaa heshiis gaaray 12-kii April, si arrintan wax looga qabto, hase yeeshee waxaa la sheegay in dhimista wax soo saar oo ay gaareen aysan ku filneyneyn inay ka hortagto burburka ku yimida suuqa saliida Mareykanka.
-
Garowe (SMN) – Guddiga Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo ka hortaga Coronavirus ayaa xaqiijiyey in ay karantiileen laba qof oo looga shakiyey cudurkaas. Puntland ayaa shalay ku dhawaaqdey kiiskii ugu horeeyay oo xanuunkaas ah. Muwaadin aan safar gelin ayaa la xaqiijiyey in uu soo ritay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka falceliyey dib u dhicii maanta uu ku dhawaaqay guddoonka labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ku yimid furitaanka kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka Soomaaliya mudo aan la cayimin. Cabdiraxmaan waxa uu tusaale u soo qaatay hanaankii dowladihii dalka soo maray ay xilka iskugu wareejiyeen iyo caqabadihii xukuumad kasta soo wajahay markii la gaaray gaba-gabada mudo xileedkeeda. Kasoo bilaaw xukuumadii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdullahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, intaas oo xukuumadood ayuu qormadiisa ku xusay caqabadihii ay ku dambeeyeen markii uu gabagabo gaaray mudadoodii xil heynta, waxuuna xukuumadii Madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay in dalka ay doorasho gelisay, iyada oo aan gacan shisheeye kala wareegin. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweyne Farmaayo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Halkan hoose ka aqriso qoraalkan oo bartiisa Facebook-ga uu soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Saaxiibbo badan ayaa i soo waydiiyey kulammada Baarlamaanka oo dib loo dhigay ilaa muddo aan la cayimin. Muddo kororsi billawgeed so maaha ayaan igu yiraahdeed. Waxaan ku iri xilligii uu dhammaan rabay muddo xileedkii dowladdii Carta lagu soo dhisay, madaxweyne C/Qaasim na uu maareyn waayey kala guurkii awood wareejintii, Raysal-Wasaarihiisii Xasan Abshir ayaa qeyb ka noqday shirkii Eldoret, waxaana shirka hagayey IGAD. Xiligii madaxweyne C/laahi Yuusuf (AUN) uu kari waayey maareeynta kala guurkii awood wareejinta, Raysal-Wasaare Nuur Cadde ayaa oggolaaday shirkii Jabuuti, Qarmada Midoobe ayaana shirka gacanta ku haysay. Markii uu madaxweyne Shariif maareyn kari waayey kala guurkii awood wareejinta Kampala ayaa la isla tegey, madaxa Raysal-Wasaare Farmaajo ayaa lagu heshiiyey, hawshii kala guurkana UN-ka ayaa la wareegay. Madaxa Farmaajo wuxuu keenay in muddo sanad la helo. Madaxweyne Xasan Shiikh tanaasul badan ayuu sameeyey, si kala guurka uu u maareeyo. Wuuna ku mahadsan yahay. Tanaasulkaas wuxuu ka badbaadiyey in dalka dibaddiisa la isla aado. Haddaba madaxweyne Farmaajo labo waddo midkood ayaa u furan; 1- In uu tanaasul la yimaado, kartina u yeesho muddada yar ee harsan maareynta kala guurka awood wareejinta. 2- Ama faragelin iyo in dalka dibaddiisa la tago u diyaar garoobo. Madaxweyne Yuusuf markii uu arkay in ay talo gacantiisa ka baxday, wuu xishooday oo si xarrago leh ayuu xilka uga degey, isagoo ay sanad u harsan tahay, laakiin madaxweyne C/qaasim hawl uu billawgeedii diiday ayuu dhammaadkeedii isagoo marti ah ka tartamay wixii ku dhacayna waa la ogaa. Raysal-Wasaare Khayre waxaa u furan in uu qayb ka noqdo kala guurka awood wereejinta, sidii Xasan Abshir iyo Nuur Cade, haddii uu isku dayo in uu muddo kordhinta qeyb ka noqdo sidii Farmaajo ha isku diyaariyo in madaxiisa lagu heshiinayo. Yaan waqti la iska lumin ee waayihii inna soo maray wax halaga barto. Ma jiraan Baarlamaan iyo Xukuumad kaligood muddo kororsi samayn kara.
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad goboleedka HirShabeelle Ali Gudlaawe Hussein oo ay wehliyaan Wasiiro Xildhibaano Gudoomiyaha Gobolka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay Tuulada beyxaaw oo ay ka socotay howlo lagu caro tuurayo Hareeraha Wabiga si looga hortago fatahaad uu geysto Wabiga. Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sidoo kale booqday tuulooyin jiinka wabiga ku yaal isagoo amar ku bixiyay in caro tuur xoog leh lagu sameeyo meelaha uu ka jilicsan yahay si looga baaqsado fatahaad ka dhacda deegaanadan. Ugu dambeyn Madaxweyne Ku Xigeenka Md Cali Guudlaawe ayaa bulshada degan jiinka Wabiga ugu baaqay in maamulka ay garab istaagaan kalana shaqeeyaan cara tuurka Wabiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis C/raxmaan Sayid Cali sabab la xiriirta eedeeyn musuq-maasul. Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo ku xiran xarunta Dambi Baarista CID, ayaa warku intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaanno la xirira wax,isdaba-marin ka dhalatay amar degmadaasi ay ku soo rogtay guryaha oo ku aadan warqad diiwaangelin ah oo guri kasta la sheegay in lagaga qaadaayey lacag sharci darro ah, Tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen maamulka degmada Shibis ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis maadaama aysan ka warqabin ama la socon Maamulka Gobolka Banaadir oo xaq u lahaa in la ogeeysiiyo haddii lacag laga qaadaayo dadka dagan degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa maanta ka war bixisay xaaladdii ugu dambeeyay ee COVID-19. Fowziya Abiikar Nuur oo shir jaraa’id ku qabagtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegtay in dadaallada is-daba joogga ah ee dowlddu sameysay aawadeed lagu guuleestay qorshayaal badan oo qayb ka ahaa dadaallada lagu xakameynayo COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo la taliyaha nidaamka caafimaadka, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, ayaa shirka jaraa’id kadib waxay ka jawaabeen su’aalo laga weydiiyay arrimo la xiriira COVID-19. View the full article
-
Garowe ( PPM ) — SOMALI PIRATE in an unprecedented move to put his past as a pirate behind him Mr Abdirahman Ahmed Abdirahman ( aka Bakayle ) today handed over title deeds to a hotel he owned. In a press conference held in Garowe, Abdirahman explained his decision to disclaim the hotel he had acquired illegally during his days as a pirate. ” I have decided to hand over title deeds to the property to the committee. This is the letter from the notary. I must make it clear that none of my relatives can lay claim to this property. I urge Puntland State Government to auction the house and use the proceeds in the interest of the public”. Abdirahman made it clear that the house should not be used for religious purposes (waqf ) while his name is still being associated with it. A successful sale of the property will eliminate the possibility of the house being put into use by the government. Abdirham left a life of piracy more than a decade ago. “After careful introspection I have decided to hand over the property. I thank the committee for helping me in this task. Life is short” Abdirahman said.” Abdirahman handing over the title deeds to “an ill-gotten property” to a member of the committee Many people in Garowe have congratulated Abdirahman for his bravery and the example he has set to disclaim ill-gotten gains. “Abdirahman has restored my hope in our people becoming more aware of the difference between a wealth gained illegally and wealth gained legally” one elder who prefers to remain anonymous told Puntland Post. More than 12 years ago, Eyl, a coastal district in Nugaal region, became a pirates’ stronghold before Puntland Government formed an anti-piracy force. Pirates would hijack ships and demand ransom from ship owners and families of the crew. © Puntland Post Monthly, 2020 The post A former Somali pirate hands over title deeds to his property appeared first on Puntland Post.
-
Kaantaroolka Yar ee jeekinka ah ee kuyaala Tuulada Abdaal ee u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay gaadhi siday shixnad Moobiiladda gacanta ah oo Kastamka Dekedda Lagu Soo dhaafiyay, laguna soo cashuuray sida juwanka loogu jaray Sonkor ahaan. Sida warkan Wargeyska Foore ku helay, Masuuliyiinta Kaantaroolka Abdaal ayaa islamarkiiba shaaciyay dhacdadan islamarkiibana gaadhsiiyay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire, waxaana islamarkiiba lagu saaray Ciidan xoogleh oo gaadhigii dib ugu celiyay Dekedde Berbera si loo hubiyo islamarkaana baadhis loogu sameeyo gaadhiga iyo shixnadda Saarnayd iyo sababta ay ugu suurtagashay in loogu soo cashuuray Sonkor ahaan. Dhacdadan oo noqotay mid aan hore u soo marin Wasaaradda maaaliyaddu intii ay jirtay, ayaa waxay jabhawareer ku riday cid kasta oo maqashay iyo guud ahaan Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta kaladuwan ee Kastamyada Wasaaradda Maaliyadda. Koontiinarkan ayaa lagu soo cabeeyay 113000-Kun Oo Mobile waxaana dusha laga soo saaray 60-kiish oo sonkor ah, waxaanna la aaminsan yahay in qaab musuq maasuq loo soo farsameeyay islamarkaana saraakiil Wasaaradda ka tirsani ay lug weyn ku leeyihiin arintan oo ay soo dhaafiyeen Kastamka yo Xafiisyadda baadhista ee xoogga badan ee Dekedda kuyaalla. Lacagta laga musuq maasuqay Dekedda ee Mobile-dan lasoo dhaafiyay ayaa lagu sheegay 1356000-kun oo Dollars, waxaana qaab musuq maasuq lasoo cashuuray oo qudha 60-ka Kiish ee Sonkorta ah. Warar qaar ayaa sheegaya in Xiitaa Xafiiska Madaxweynaha la gaadhsiisay islamarkaana uu si dhaw ula socdo talaabooyinka ay qaadayso Wasaaraddu si ay gacanta ugu dhigto masuuliyiinta hawlgalkaasi qaybta ka ahaa iyo inta jeer ee hore ee ay dhacdadan ugu fushay cidda ama ganacsadaha hawsha watay. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyaddu gudi baadhiseed u saaray Dhacdadan Musuq Maasuq ee cajiibka ah, islarmarkaana waxay noo sheegeen masuuliyiin sare in 113000-kun oo Mobile iyo lixdankii Kiish ee Sonkor-ta ahaa oo shixnadaasi ka koobnayd ay la wareegtay Wasaaradda Maaliyaddu, iyadoo sidoo kalena Maamulka Kastamka Berbera baadhis ku hayo hanaankii kiiskani udhacay. Warar kale ayaa sheegaya in baadhis gaar ah lagu hayo 8-koontiinar oo hore Ganacsadaha shixnaddan lahaa oo lagu magacaabo Xuseen Geesh ugu martay. Ganacsadaha Shixnaddan lagu qabtay Xuseen Geesh ayaa sida lanoo xaqiijiyay waxay hayb hoose isku yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi gurxan, waxaana si gaar ah Ganacsadahan loogu cashuuri jiray Mobile-kiiba oo si gaar ah loogu Naasnuujin jiray tacriifad ka hoosaysa ta u dejisan cashuurta mobileska oo ah 12-dollars. Waxa mobile-kiiba loogu casuuri jiray 4-Dollars, taasi oo ay awood u leeyihiin oo ay sameeyaan oo qudha Wasiirka iyo Agaasimaha Guud oo keli ahi. Wixii warar kasoo kordha dhacdadan kala soco cadaddadayada dambe Insha Allah. Source
-
Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur oo maanta shir jaraaid qabatay ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey dalka ee xanuunka Coronavirus iyadoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay tagaan goobaha lagu baaro xanuunka sida Isbitaalka Martiini. Halkaan ka Daawo Hadalaka Wasuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed, ayaa eryay gudoomiyihii degmada Shibis. Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa sidoo kale xabsi loo taxaabay kadib markii xilka ka qaadista lagu sameeyay, sidda ay xaqiijiyeen xubno kala duwan. Qoraal kasoo baxay xafiiska Cumar Filish ayaa la xiriiriyey Cabdiraxmaan falal musuqmaasuq, sidda hadalka loo dhigay. “Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali waxaana lagu xiray xarunta C.I.D si baaris loogu sameeyo falal la xariira musuq-maasuq,” ayuu u qornaa qoraalka duqa magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo ku xiran xarunta Dambi Baarista CID, ayaa warku intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaanno la xirira wax,isdaba-marin ka dhalatay amar degmadaasi ay ku soo rogtay guryaha oo ku aadan warqad diiwaangelin ah oo guri kasta la sheegay in lagaga qaadaayey lacag sharci darro ah, Tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen maamulka degmada Shibis ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis maadaama aysan ka warqabin ama la socon Maamulka Gobolka Banaadir oo xaq u lahaa in la ogeeysiiyo haddii lacag laga qaadaayo dadka dagan degmada. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa go’aan iska hor iyo daba imanaya oo diidmo iyo ogolaansho ah waxa ay marna ku mamnuucday in ay dalka soo gasho lagana ganacsado nooca Buuriga ah ee loo yaqaano Tobacco Oral Use (LTFT) oo ah nooc buuri ah oo afka laga qaato oo halis badan, in ay haddana mar kale soo saartay amar ogolaanaya in dadku ka ganacsado oo suuqyada lagu kala iibsado taasi oo walaac ku abuurtay dadka inta badan ka hadla dhibaatada daroogada iyo caafimaad darrada ka dhalata tukaabada ama buuriga. Gaar ahaan noocan buuriga ah oo la sheegay in laga qaado noocyada ugu khatarta badan Cudurka Kansarka. Tins with tobacco for oral use. From left the Swedish product General Snus. This product is not allowed within EU, except for Sweden. On the right Makla Ifrikia sold as a chewing tobacco, which is allowed in EU. There is no viewable difference between these two products. PHOTO: ERIK LUNTANG / INSPIRIT Photo 13-kii Bishan April, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku waxa ay mamnuucday in gabi ahaanba dalka la keeno lagana ganacsado noocan Buuriga ah ee laga qaato xididka am ala isku duro, iyada oo warqad mamnuucis ah oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha guud ee Wasaaraddan Md. Cabdiraxmaan Maxamed Muuxmed (Abdeeq) laguna socodsiiyay dhammaanba isu duwayaasha wasaaraddan, kastamada maaliyadda ee dalka iyo ciidanka ilaalada cashuuraha lagu sheegay in aan dalka lasoo galin Karin tukaabadaasi. “Annaga oo tixraacayna dhammaan caddaymaha iyo waraaqaha caafimaadka ee ka soo baxay waddamada hoos ku qoran: Kenya – Tobacco Control Board of Kenya Austria – Directive 2001.37/EC Chapter 111 article 17 Finland – Directive 2014/40/EU of the EPC 3 April 2014 Sweden – Article 151 of the act Accession of Sweden Dhammaan Caddaymahani waxay qeexayeen in tubaakada (Oral Use) ay tahay furaha Kansarka ku dhaca sambabada bani aadamka illaa xadna sababi karto heer dhimasho. Sidaa darteed wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku waxa ay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13/042020 mamnuucday in aan tubaakada kor ku xusan soo gali Karin dalka JSL lagana ganacsan Karin sidoo kale waxaanu faraynaa hay’adaha arrintaasi khusayso in ay ka hawlgalaan joojinta tubaakadaas dalkana soo galin” sidaa waxa lagu yidhi qoraalka wasaaraddu hore ugu mamnuucday buurigaasi khatarta badan. Balse Waxa haddaba arrin aad loola yaabo noqotay markii ay haddana wasaaraddu dorraad Sabtidii soo saartay qoraal kale oo ay ku fasaxayso ka ganacsiga iyo keenista buurigaasi halista badan ee ay hore u mamnuuceen waxaana qoraal uu isla agaasimaha guud ee wasaaraddani ku saxeexan yahay lagu yidhi: “Kadib markii aannu eegnay shahaadada ay sitaan mulkiilayaasha Tubaakada kor ku xusan oo hore Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku u xayirtay taasoo ay xaqiijisay caddayn baadhiseed oo ka soo baxday (Bat Tobacco Com Limited Product Nicotine of Kenya) shahaadadaas oo caddaysay in la is ticmaali karo tubaakada kor ku xusan. Sidaa darteed waxay wasaaraddu laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18/04/2020 fasaxday isticmaalka Tubaakada kor ku xusan”. Isku soo duuboo buurigan ayay khubarada caafimaadku ka digaan waxaanu ka mid yahay noocyada ugu halis badan isticmaalka buuriga kaasoo la sheego in laga qaado noocyada ugu khatar badan kansarka gaar ahaan Kansarka haleela neef mareenka sida sanbabada. Halkan Ka Eeg Labada Warqadood Ee Wasaaraddu Soo Saartay: Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-20042020.mp3 View the full article
