Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus uu ku dhacay laba sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda. Caasimada Online ayaa ogaatay in mid ka mid ah labadaas qof uu ku jiray xubno ka socday wasaaradda oo toddobaayo ka hor xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka xubnahan iyo ra’iisul wasaare Kheyre uu dhacay bartamihii bishii March, mana cadda in xilligaas uu qabay cudurka qofka laga helay. Si kastaba, xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inuusan xilligaas qabin cudurka, maadaama hadda laga joogo in ka badan saddex toddobaad, islamarkaana wasaaradda ay shalay un shaacisay in laga helay cudurka. Wasaaradda ma shaacin goorta la baaray labadan qof ee ka mid ah shaqaalaheeda iyo goorta laga helay cudurka, taasi oo wax badan ka caawin lahayd in la ogaado in la-kulankooda Kheyre uu khatar gelin karo ra’iisul wasaaraha. Cudurkan ayaa badanaa dadka haya hal illaa saddex toddoobaad, taasi oo ka dhigeysa inay u badan tayay in xilligaas aysan qabin.
  2. Markab Shixnad Daruuriya & Agab Caafimaad sida oo ku xaniban Dekeda Berbera & Sababta Berbera-(Qaran-news)-Sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa maalmahanba magaalada Berbera ku xaniban Markab Nooca kunteenarada qaada oo sida shixnad dhan 890 Kunteenar oo isagu jira Raashin kala jaad-jaad sida Caano,Timir & Badeecado kale oo loogu talo galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan,Sidoo kale waxaa markabka saaran Agab caafimaad iyo Daawooyin oo aad loogu baahan yahay xilligan. Markabkan oo ka soo shiraaqday Dekeda Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa soo gaadhay Dekeda Berbera Arbacadii hore oo ku beegnayd 1-dii April 2020-ka. Sidoo kale waxay xogguhu intaas ku darayaan in Ganacsatada leh Shixnada & Badeecadaha kala duwan ee Markabkan saaran markiiba Shirkada Oomar oo Wakiilka u ah Markabka u jartay warqada DO-ga (Delivery Order) oo ay kula bixi karaan Alaabtooda,Ku darsoo waxay Waaxda Kastamaduna ka shubtay Ganacsade Walba Canshuurta ku waajibtay ee u saran Markabka,Halka Shirkada DP World-na ka qaadatay Khidmadii Adeega “Handling Services”-kii,Haddaba maxaa dhacay?. Sida xogguhu tibaxayaan waxaa markabku u xaniban yahay oo diiday in la soo xidho Shirkada DP world oo sheeganaysa Lacag badan (Handling Charges) oo kaga maqan Ganacsade Oomar oo ah Wakiilka Markabka & Shirkada Kunteenarada PIL.Lacagtan DP World ku sheeganayso Shirkada Oomar ayaa la sheegayaa inay la xidhiidho Adeegyo hore oo loo qabtay oo aan khuseyn Markabkan Balse Shirkada Oomar ka gaws adaygtay inay bixiso taas oo sababtay in DP World-na xanibto markabkan & shixnadii uu sidayba Isku soo wada duuboo Ganacsatada Shixnadu u saaran tahay Markabkan ayaa ku jahawareesan waxaa badeecadooda loo xanibay,cida xanibtay & Waxa laysku haysto.Ganacsatada Shixnada u saaran tahay Markabkan ayaa noo xaqiijiyey inay garan la yihiin ciday qadiyadan kala xidhiidhaan maadaba laysku tuurtuurayo oo qoloba qolo xanibaada ku eedaynayso. Qaran News
  3. Ali Abdi Iman, a severely disabled 60-year-old father of seven children, does not have the luxury of heeding the advice to stay at home to avoid the spread of Corona virus. Source: Hiiraan Online
  4. (ERGO) – Falis Abdi Hashi and two of her children are studying together in a free school set up by a group of volunteer teachers in Daryeel IDP camp, Source: Hiiraan Online
  5. Kenya Navy soldiers patrolling Lamu's Indian Ocean waters have intercepted two boats ferrying a consignment of miraa estimated to be worth about Sh25 million. Source: Hiiraan Online
  6. One in every hundred Norwegian Somalis has tested positive for covid-19, while more than one in five of all coronavirus cases in the country were seen in people born outside Norway, Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada dhuusamareeb kadib kadib socdaal deg deg ah oo uu habeen ka hor ku tegay Gaalkacyo. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ex. Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in uu xalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib socdaalkiisi Gaalkacyo oo siyaabo kala duwan looga hadlay. Qoraalka waxaa lagu xusay in socdaalka Xaaf ay jiraan dad siyaabo kala duwan u dhigay balse uu halkaas u tegay arrimo isaga u gaar ah inkastoo aan faahfaahin laga bixin arrimahaas. Mudane Xaaf ayaa sida la filayo magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb geli doona caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor PUNTLAND POST The post Xaaf oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib socdaalkiisi gaalkacyo ee muranka dhaliyay appeared first on Puntland Post.
  8. Riyadh (Caasimada Online) – Qiyaastii 150 xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la rumeysan yahay inuu saameeyey cudurka Coronavirus, lix toddobaad kadib markii boqortooyada ay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyey, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times. Ayada oo heerka faafitaanka cudurka ee boqortooyada uu kasii darayo, ayaa 500 oo sariir waxaa lagu diyaariyey isbitaallada ugu wanaagsan dalka, kuwaas oo loogu talo-galay xubnaha boqortooyada. Sida uu qoray New York Times, Amiir Faisal bin Bandar bin Abdulaziz Al Saud, oo ah barasaabka gobolka Riyadh, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salmaan, ayaa ka mid ah xubnaha uu cudurka ku dhacay, wuxuuna ku sugan yahay xaalad deg deg ah. Boqor Salman, oo 84 jir ah, ayaa isku go’dmooiyey jasiirad ku taalla meel u dhow magaalada Jeddah. Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohmaed Bin Salman, oo ah 34 jirka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga, ayaa joojiyey la-kulankii wasiirada, wuxuuna ku nool yahay guri ku yaalla xeebta Jeddah, meel u dhow halka laga dhisayo magaalada mustaqbalka ee Neom. Ilaa iyo hadda ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay iyo sida uu cudurka ugu dhex-faafay boqortooyada. Sacuudi Carabiya ayaa billowgii horey awoodday kaliya inay sameyso tijaabooyin xaddidan oo cudurka ah, taasi oo ay suurta-gal tahay inay sahashay in ayada oo aan la ogeyn uu cudrka ku dhex-faafo boqortooyada. 2,900 oo kiis oo cudurka ah ayaa laga xaqiijiyey guud ahaan Sacuudiga, ayada oo 41 qof ay u dhinteen.
  9. Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, ayaa ka jawaabay su’aal ay dad badani is weydiinayeen, ka hor iyo ka dib-ba markii uu qabtay xilkaasi. Midda dadka u cuntami weyday, aadna ay wax isaga weydiinayeen ayaa ahayd, isagoo ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ka dibna loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, xilli uu horey u ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub. Inta uu xilkaasi iska celisay ayuuna wax ka dayay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taasoo hadalhayn badan ka dhex dhalisay bulshada. Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay BBC, waxna laga weydiiyay sababta uu xilkan u qabtay, xilli uu ahaa diblomaasi sare ayaa sheegay in diblomaasiyadda ka horba uu ahaa nin saynisyahan ah. “Horta intaan diblomaasiyadda aan qaban, waxaa ka horeysay inaan ahaa qof saynisyahan ah, cilmi baare ah, taa nafteeda waan ka soo tagay. Wadankii Soomaaliyeed oo aan aniga ka dhashay in intaan taakulayn karo, taakuleeyo, hadana waxaan gartay inay muhiim tahay in wadanka gudahiisa wax laga qabto,” ayuu yiri Gudoomiyaha. Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray “Waxaad ogaataa wadankan waa federaal, Maamul Goboleedyada haddaan la dhisin dowlad federaal oo adag ma jireyso.” Mar Cali Saciid Fiqi ay BBC wax ka weydiisay in Dowladda Federaalka ay muruq iyo maalba ku bixisay, sidii uu xilkan ku qaban lahaa ayaa waxa uu ku jawaabay “Horta meeshaan qarash ku baxay maleh, doorashadan waa doorashada keliya ee buuq ka dhicin, doorashooyinkii ugu dambeeyay, waxa la sheegaayana aysan jirin,” Dhanka kale waxaa uu qiray in uu ka tirsan yahay Xisbiga Nabad & Nolol ee talada dalka haya, balse in uu xilkan qabto ayuu sababteeda dusha u saariyay inuu lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). “Nabad & Nolol run waaye waan ka tirsanahay, oo dowladdii baan ahay, laakiin meeshaan aan imid sababteeda waxaa iska lahaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.” Ayuu yiri Fiqi.
  10. Qofkii u horreeyey ee gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday Xanuunka Coronavirus+Tiro Hawl-wadeeno Caafimaada oo laga helay Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus ay ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Wasiiradda caafimaadka dawdlada federalka soomaliya Fowziya Abiikar Aaadan ayaa xaqiijisay in qof la xanuunsanaa coronavirus uu ku geeriyoodey gudaha Soomaaliya. Qofka geeriyooday waxuu ahaa Muwaadin soomaaliyeed oo 58 jir ah, ku geeriyoodey Isbitaalka Martiini. Ilaahay ha u naxariistee waxaan xaqiijineynaa geerida qofkii u dhintay cudurka COVID 19. Waxaa kaloo isla galabta la xaqiijiyay 4 xaaladood ee cudurka. Waa faafida bulshada dhexdeeda. Fadlan raaca talooyinka caafimaad si cudurka loo xakameeyo. — Dr Fawziya Abikar (@AbikarDr) April 8, 2020 Shalay ayaa laga soo qaaday mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho halkaas oo uu ku xanuunsaday. Waxaa intaas dheer in aanu dibadda ka iman ee uu ahaa qof magaalkada Muqdisho deggan. Waxay sidoo kale Wasiiradda sheegtay in 4 kiis oo cusub oo coronavisus ah la diiwaan galiyay Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka labo sarkaal oo shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka ah taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaanka. — Dr Fawziya Abikar (@AbikarDr) April 8, 2020 Isku darka tirada guud ee cudurkan ee Soomaaliya ayaa hadda noqotay 12. Qaran News
  11. Hordhac Aan ku billaabo’e Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanlintii Isniinta taariikhduna ku beegneyd 6-da bisha Abriil 2020-ka, aya deegaanka Godinlabe ku soo dhoweeyey, madaxweeynihii hore Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo kasoo amba baxay magaaladaGaalkacyo. Dadaal mudooyinkii la soo dhaafay eey wadeen, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, kana soojeedaa deegaanka, oo lagu qancinayey Xaaf, si uu xilka u wareejiyo, ayaa miro dhalay, keeneyna in Xaaf iyo wafdi lasocda, kasoo ambabaxaan magaalada Gaalkacyo, iyagoo loo soo galbiyey dhinac magaalada Dhuusamareeb, oo wadahadallo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug, ay labada dhinac ku yeesheen gudaha magaaladaasi. Xalaal caleyk! Sideedaba qofka awooda inuu xanaaqiisa, ciilkiisa, iyo xumaanta uu tabanayo dib u liqo, yiraahdana “Xalaal Caleyk”, oo heshiis gaaro, waa qof gob ah, maxaayeelay waa arin aad u qaraar laqideeda, qofkastana ma sameyn karo arintaa. In Xaaf la heshiiyo Qoorqoor, waxeey aheyd arin aad u adag, hadii booska Xaaf dad badan joogi lahaayeena, aad beey ugu adkaan laheyd laheshiintiisa, sababteedana Qoorqoor ayaa leh, balse Xaaf waxaan u qirayaa, inuu yahay nin gob ah. Intii Xaaf Madaxweeynaha ka ahaa Galmudug, Qoorqoor wuxuu Xaaf ku qaaday, dagaal nuuckastaba leh. Xitaa Qoorqoor dhaqaalihiisa shaqsiga ah ayuu ku bixiyey, siduu madaxtinimada Xaaf uga takhalusi lahaa, iyo siduu Xaaf meesha uga saari lahaa, waliba isagoo isticmaalaya, xiriirka dhow, ee uu Qoorqoor la laleeyahay, qeeybaha kala duwane dowlada,. Xaaf isagoo arintaa si buuxda ula socda, oo taariikhdaa ka dharagsan, ayuu hadana laheshiiyey Qoorqoor.Waloow dadku wada dhashay, Lana kala adkaado, ballaan-qaad dhaqaale iyo jagooyin dad loosiiyo, kaalin ku yeelan karaan, hadana ma aha arin cidkasta sameyn karto. Qoorqoor wuxuu ahaa ninkii Baasto Cadaado geeyey, Hotelkiisa dajiyey, dhaqaale kumanaan kun ah ku bixiyey, abaabulka shirar ka dhan ah Xaaf, illaa khilaafkii uu basiinka kusii shubayay, wax xal ah laga gaari waayey, baarlamaankii labo u kala jabiyey, Baastana ka dhigay madaxweynaha Gal-Mudug ee qeybta Cadaado, waliba intaa kuma aanu hakane, ugu dambeyna ka ahaa caawiye(Catalyst) in Xaaf daaqada ka baxo. Waxaase arintaa Xaaf ugasii xanuun badan, isla ninkii dagaalkaa ku hayey, ayaa isla kursigiisii ku fariistay. Dagaallada siyaasadeed ee nuucaa ah, badanaa lagama heshiiyo, waa lakala aarsadaa oo kaliya, mudo aad u dheer ayeyna socdaan, gaar ahaan kuwa mabda’a siyaasadeed ku qotoma. Waxaan garanayaa dagaalo midkan oo kale ah, oo dhex maray siyaasiyiin dhowr ah, wax heshiis ahna aan laga gaarin, illaa midkood god galayoo Aakhiro aaday, sida dagaalkii ka dhexeeyey Ex MD Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ex RW Prof. Cali Khaliif Galeyr, waloow kaasi kursi siyaasadeedoo shaqsi ah, eeysan isku heeysane, mabda’a siyaasadeed la isku heystay. Waxaa ka mid ahaa dagaalkii dhex maray Ex RW Farmaajo iyo Ex gudoomiye Baarlamaan Shariif Xasan, kan si aan caadi aheyn ayaa lookala aarsaday….. iyo kuwo kaloo fara badan. Gabagabo Xaaf oo la heshiiya Qoorqoor, Waxaa ku jirta danta dadka iyo deegaanka Gal-Mudug, waxaana u rajeeynayaa heshiis waara, midnmo xoog leh, wada-tashi iyo wax wada qabsasho daacad laga wada yahay, iyo waliba bashbash iyo barwaaqo. Mahadsanidiin C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) – Waa dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com Minnesota-USA. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. The senior Saudi prince who is governor of Riyadh is in intensive care with the coronavirus. Several dozen other members of the royal family have been sickened as well. And doctors at the elite hospital that treats Al-Saud clan members are preparing as many as 500 beds for an expected influx of other royals and those closest to them, according to an internal “high alert” sent out by hospital officials. “Directives are to be ready for V.I.P.s from around the country,” the operators of the elite facility, the King Faisal Specialist Hospital, wrote in the alert, sent electronically Tuesday night to senior doctors. A copy was obtained by The New York Times. “We don’t know how many cases we will get but high alert,” the message stated, instructing that “all chronic patients to be moved out ASAP,” and that only “top urgent cases” will be accepted. It said any sick staff members would now be treated at a less elite hospital to make room for the royals. More than six weeks after Saudi Arabia reported its first case, the coronavirus is striking terror into the heart of the kingdom’s royal family. As many as 150 royals in the kingdom are now believed to have contracted the virus, including members of its lesser branches, according to a person close to the family. King Salman, 84, has secluded himself for his safety in an island palace near the city of Jeddah on the Red Sea, while Crown Prince Mohammed bin Salman, his son and the 34-year-old de facto ruler, has retreated with many of his ministers to the remote site on the same coast where he has promised to build a futuristic city known as Neom. Like the hospitalization this week of the British prime minister or the deaths last month of several top Iranian officials, the affliction of the al-Saud royal clan is the latest evidence of the pandemic’s egalitarianism. The virus afflicts the richest princes and the poorest migrant workers with no discrimination — at least, until the moment they begin to seek testing or treatment. The sickness in the royal family, though, may also shed new light on the motivation behind the speed and scale of the kingdom’s response to the pandemic. Its rulers began restricting travel to Saudi Arabia and shut down pilgrimages to the Muslim holy sites of Mecca and Medina even before the kingdom had reported its first case, on March 2. The authorities have now cut off all air and land travel into or out of its borders and between internal provinces. They have placed all of its biggest cities under a strict 24-hour lockdown, allowing only short trips to the closest grocery or drugstores, and they have indicated that they are likely to cancel the annual hajj pilgrimage scheduled for this summer. A pillar of the Islamic faith that draws 2.5 million Muslims to Mecca, the hajj has taken place every year without interruption since 1798, when Napoleon invaded Egypt. “If it is reaching into the family, then it becomes an urgent issue,” said Kristian Coates Ulrichsen, a professor at Rice University who studies the kingdom. Saudi Arabia, the world’s largest oil exporter, so far has reported 41 deaths from the coronavirus and 2,795 confirmed cases. But while imploring residents to stay home, Saudi health officials warned Tuesday that the epidemic was just getting started. The number of infections over the next few weeks “will range from a minimum of 10,000 to a maximum of 200,000,” the health minister, Tawfiq al-Rabiah, said, according to the official Saudi Press Agency. Exactly how far the virus may already have spread inside the kingdom, though, is impossible to determine. As in many jurisdictions, Saudi Arabia has been able to conduct only limited testing, with its principal medical laboratory working around the clock to try to keep up with the demand. “This has been a challenge for everyone, and Saudi Arabia is not an exception,” Joanna Gaines, a senior epidemiologist with the United States Centers for Disease Control and Prevention, who works with the Saudi government as part of a longstanding training program, said in an interview from Riyadh. A spokesman for the Saudi Embassy in Washington did not respond to a request for comment. The infection and treatment of the governor of Riyadh, Prince Faisal bin Bandar bin Abdulaziz Al Saud, was confirmed by two doctors with ties to the elite hospital and two others close to the royal family. A former military officer believed to be in his late 70s, he is a nephew of King Salman and a grandson of the founder of the modern kingdom. As governor of Riyadh, the capital, Prince Faisal holds a post previously occupied by a favorite son of the former King Abdullah and before that by King Salman himself. The royal family includes thousands of princes, many of whom travel routinely to Europe. Some are believed to have brought back the virus, according to doctors and people close to the family. The first case the kingdom acknowledged was a Saudi who had returned home after visiting Iran, a regional epicenter of the virus. After a handful of similar cases were detected, the Saudi authorities responded by locking down areas of the kingdom’s eastern province that are home to many members of the Shiite Muslim minority, deemed more likely to have visited Shiite holy sites or seminaries in Iran. Three doctors with ties to hospitals in the kingdom said the biggest outbreaks of the virus were taking place among non-Saudis. Migrant workers from Southeast Asia or poorer Arab countries make up about a third of the kingdom’s population of roughly 33 million. Most live crowded together in large camps outside the major cities, sleeping several to a room and riding to work crammed into buses — ideal conditions for the transmission of a virus. Those workers are also unable to go home now that air travel has been cut off, and many have limited access to health care. Employers are ostensibly required to provide private health coverage to their foreign workers, but the rules are seldom enforced and the coverage “is pretty bare bones if it even exists,” said Steffen Hertog, a professor at the London School of Economics who studies Saudi Arabia. Several doctors in Saudi Arabia or with ties to its hospitals said the kingdom’s biggest current outbreaks were in vast slums around Mecca and Medina. They are home to hundreds of thousands of ethnically African or Southeast Asian Muslims whose parents or grandparents overstayed pilgrimage visas decades ago. Most of the Saudi-born descendants of those migrants now form a permanent underclass with no legal status and limited access to health care or other government services. The largest number are believed to be descendants of refugees from Burma, now known as Myanmar, who arrived more than 70 years ago. What’s more, any permanent resident or migrant worker without a current visa risks deportation, potentially discouraging them from coming forward to seek care. In an apparent recognition of the problem, King Salman decreed last week that the government would now provide treatment to any foreigner with the coronavirus, regardless of visa or residency status. “It was a very smart move essentially to say, ‘If you are sick or you think you may have been sick, please come forward,’” said Dr. Gaines of the Centers for Disease Control. “You are going to drive down some of the behavior where people may be tempted to hide cases or not get diagnosed, and then you would have a problem simmering underground.” Source: New York Times
  13. Sanders has promised to work with Biden, the former vice president, to oust Donald Trump Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-08042020.mp3 View the full article
  15. Authorities in Lamu County on Sunday torched at least 70 sacks of miraa worth an approximate value of Ksh.25 million as part of efforts to combat the spread of COVID-19. This came after the entry and sale of miraa in the county was on April 1, 2020, banned by County Commissioner Irungu Macharia in the war against the coronavirus pandemic. The consignment, which was being transported in two boats, was nabbed by Kenya Navy officers patrolling the Indian Ocean early Sunday morning. Authorities told Citizen Digital that the miraa was reportedly being smuggled to Somalia before it was intercepted. The navy officers handed the consignment over to the Kenya Coast Guard Service who then set it ablaze at Kitau beach on the Manda Island. The locals commended the action saying it would help in containing the novel coronavirus. View the full article
  16. Somalia’s Minister of Health Fowzia Abikar has confirmed for more coronavirus cases in Somalia, after announcing the first death caused by the disease. “This evening we confirmed four more cases of COVID-19… Please adhere to guidelines by the ministry,” the health minister told the public. The person who died of coronavirus was a Somali citizen who has never left the country according to the ministry. The total number of COVID-19 cases in Somalia has now risen to 12 people. View the full article
  17. Garowe ( PPM ) – Puntland State is entering a new stage in its history. In March the Transitional Puntland Electoral Commission unveiled seventeen political associations. How this large number of associations can contest in the limited political space of Puntland remains a mystery. The origins of Puntland State lies in the initiative to form an autonomous administration consisting of several regions . Unlike Somaliland, which formed political parties that have a veneer of diversity but turned out to be tradition-bound and nepotistic, leaders of Puntland political associations realise that vagueness in their political programmes and clan-based nature of of politics make operating as a political association a hard sell. Of the seventeen political associations, three parties will emerge after the end of local government elections “on the basis of one person, one vote”. Aware of the political completion ahead Mideeye (Unifier) has begun to campaign in Nugaal. In their Facebook accounts some political associations such as Kaah (Light) are already identifying themselves as political parties. Puntland Minister for Aviation Hassan Gabiley has registered Kaah with TPEC. The incumbent political association plans to field Hassan Shire, the Finance Minister, as a prospective candidate for Puntland Presidential elections in 2024. Key senior leadership members of Mideeye include Ali Haji Warsame, who served as Puntland Education Minister, and Abdi Farah Saeed, a former Federal Interior Minister. Puntland Aviation Minister (second from left) registering Kaah with TPEC President Deni reportedly distanced himself from “possible failure” of the democratisation process, making the TPEC the sole organisation charged with the task to bring the programme into fruition. In the absence of clear rules that bar Kaah from using public resources for political purposes, remarks of President Deni forebode pitfalls into which the democratisation process can fall. Puntland State Government controls resources of the heavily centralised Federal Member State. TPEC is an organisation with a limited mandate. “President Deni is shirking his responsibility to form a consensus with stakeholders if he thinks only TPEC can no the job. TPEC plays the role of a facilitator. A repeat of 2013 fiasco must be prevented” Mursal Hassan, a member of Bosaso civil society told Puntland Post. TPEC is mandated to organise local government elections through which three parties will come out on top. A new body, Puntland Electoral Commission, will take over from TPEC to conduct 2024 presidential elections in Puntland. What remains to be hammered out are solutions to a possible constitutional crisis from the outcome of the planned local government elections. It is not clear how Puntland stakeholders will respond if Kaah is eliminated as a political association in local elections. Less clearer is the solution to the political problem that might crop up if a non-incumbent political association wins the largest number of constituencies in Puntland. President Deni might give in to calls for a coalition government that might be called for in such an eventuality. Successful implementation of the democratisation in Puntland will emphasise decentralisation in a state that identifies itself as the progenitor of federalism in Somalia. © Puntland Post Monthly, 2020 The post PUNTLAND POLITICAL ASSOCIATIONS AND THE ROAD AHEAD appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa goordhow soo saartay natiijada dacwadii xisbiga Himilo Qaran ay ka gudbiyeen hay’adda duulista rayidka Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysaa in Maxkamadda ay galabta Documents-ka natiijada go’aanka ku wareejisay Qareenada Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh, madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Natiijada ayaa ka koobneed laba qodob oo kala ah:- 1 – In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista. 2 – Iyo in hay’adda ay bixiso qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka u socday, kaas oo ka yimid hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado. Lacagta loo xukmiyey xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay ku dhowaad 35,000 oo dollar. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xisbiga Himilo Qaran ay maalinta berri ah soo saari doonaan bayaan ku saabsan go’aanka Maxkamadda kadib markii ay kulan isugu yimaadaan. Kulankaan ayaa la qorsheynayaa in uu u dhaco qaab wicitaan Video ah, maadaama ay Xubnaha Xisbiga ku kala xayiran yihiin, Turkiga, Kenya, Soomaaliya iyo meelo kale. Dhinaca kale, qareenka xisbiga Himilo Qaran, Axmed Maxamed Sheekh (Koofi) oo caawa wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa faah-faahiyey go’aanka maxkamadda sare ee dhankooda loo xukmiyey. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Qareenka-Xisbiga-Himilo-Qaran.mp3
  19. AHU Boqorkii Cuudka Axmed Ismaaciil Xuseen [Xudeydi] 1928-2020 oo xalay xaqii ugu yimid London, Xudeydi waxa uu ahaa shakhsi Soomaalida dhexdeeda karaamo ku lahaa, dhaxalna uga tegay Fanka Soomaalida, Ilaahayna Jannatul Firdowsa ha geeyo, qoyskii, iyo ummaddana samir & iimaan. pic.twitter.com/uNvWQKLiql — Abdirahman Cirro (@CirroSL) April 8, 2020 Waxa aan tacsi u dirayaa eheladii, qarabaadii, qoyskii, asxaabtii uu ka baxay AHU X Yaasiin X Xasan [Deyr] oo ku geeriyooday London, si gaar ahna qoyska reer X Yaasiin, ugu horreeyo Wasiir-hore Maxamed Xaaji Yaasiin, Marxuumka Ilaahay Jannatul Firdowsa ha geeyo, Samir iyo Iimaan. pic.twitter.com/Rp7MuWmjGS — Abdirahman Cirro (@CirroSL) April 7, 2020 Qaran News
  20. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan: 1. Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission) 2. Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12 3. 4ta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda 4. Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa 5. Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda 6. Wasaaraddu ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub 7. Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda 8. Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. “Beryahan danbe waxaad moodaa in dadkii lagu mashquuliyey wadahadaladda Somalia iyo Somaliland. Waxaaba runtii lays weydiin karaa maxaaba laysu lurayaa kolay meel laga gaadhi maayo xilligane maadaama Shan jeer Oo hore wixii lagu heshiiyey maanta faro madhan laga hayo. Madaxda dawladda Soomaaliya kuma dhacaan in ay yidhaahdaan “waxaanu u ogolaanay inay Somaliland noqoto dal naga madax banaan.” Madaxda dawladda Somaliland iyaguna sidoo kale kuma dhacaan in ay yidhaahdan ” mar kale ayeeynu la midoobaynaa Somalia”. Haddaba iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana aniga iyo dad kaleba aanu dareensan nahay in xataa labadda dhinac xagga madaxda sare aanu midna ka hawl gelin Oo daacad ka ahayn Wuxuu shicibkoodu doonayo. Madaxda Soomaaliya midnimadda ay doonayaan Ma laha ficilkeedii oo inay dhab ka tahay shaki badan baa ku duugan sidii ay soo jiidasho u sameyn lahaayeen kama muuqato iyo tanaasul toona. Sidoo kale madaxda Somaliland ictiraafku maaha mid dhaafsiisan qudbadaha iyo heesaha waddaniga ah. Ficilkii iyo doonistii in ay noqdaan dawlad la ictiraafsan yahay ma yaalo meesha waxaadna moodaa in dib loo sii socdo oo wanaagii la sameeyaba hadaba dib laga masaxayo. Laakiin mid uun baan ogsoonahay labadda shiciba way ku dheganaanayaan Waxay haystaan oo shicibka Somalia arrinkoodu waa midnimo, shicibka Somaliland arrinkoodu waa in ay noqdaan dal ictiraaf hela oo gooni u madax banaan. Hadda waa kolka aan ka hadlo dadka inta badan ama majorityga shicibka maadama dadka qaar ay aaminsanaan karaan fikirkan mid ka soo horjeeda. Haddaba shicibka nasiib u yeesha mustaqbalka dhow in ay helaan madax nolol u sameysa oo caafimaad, waxbarasho, shaqo, nabadgelyo iyo horumar u horseeda ayuunbaa aakhirka u dhow in ay gaadhaan yoolka uu shicibkoodu higsanayo. Waxaadna moodaa in wadahadalka dadka lagu mashquulinayo ay tahay wax kale Oo loo hayo Oo horumar ah ayaan jirin. Labadda dhinacba hawlo waaweyn Oo gudahooda ah ayaa horyaala. Somaliland dhexdeeda ayeey u baahan tahay inay iska habayso Oo ka midowdo intaanay cid kale la hadlin oo dadkeedu isku tashado oo is qanciso. Soomaaliya iyo dawladda Federaalku inay nabad Muqdisho ka dhaliso Oo maamul goboleedyadda iyo nidaamkeedda dawladeed isku dubaridato ayaa loo baahan yahay Oo inay ka soo kabato burburkii 30 ka sanadood soo gaadhay ayeey u baahan tahay. Haddii kale xaalku Wuxuu noqonayaa qabyo la hadlaysa qabyo Oo ay labadoodda shicib badankoodu uu aad u kala fogyahay xilligani. Ilaahay dadka ha ka badbaadiyo cudurkan imika socda. Ducadana ha la badsado.” Waxa Qoray Jamaal Cali Xuseen Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-War-Saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in cudurka Coronavirus uu ku faafayo gudaha dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ilaa afar kiis oo cusub ayey shaacisay wasaaraddu “Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19, taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12 kiis” ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw kasoo baxay wasaaradda caafimaadka. Qoraalka wasaaradda waxaa lagu sheegay bulshadu aysan ka digtooneyn cudurka, taas oo ka liftay in si fudud ay isku qaadsiiyaan. “ Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)” Afarta ruux ee maanta laga helay cudurka Coronavirus ee wasaaraddu shaacisay dhamaantood waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in aysan dalka meelna uga bixin. Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda ay ka mid yihiin dadka laga helay xanuunkan. “Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda”ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka waxa ay qoraalkan ku xaqiijisay in qofkii ugu horeeyey uu galabta cudurka Coronavirus ugu geeriyooday gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaas oo aan dalka meel uga bixin. “Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay in ay ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen dadkan cusub ee laga helay cudurka, iyaga oo ku sugan gudaha dalka oo aan sameyn wax safarro dibadda ah. “ Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda. Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
  23. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay afar kiis cusub oo Coronavirus ah, kuwaas oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Wasaaradda. Sidoo kale, waxay xaqiijisay dhimashada bukaan. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan: 1. Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission) 2. Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12 3. 4ta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda 4. Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa 5. Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda 6. Wasaaraddu ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub 7. Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda 8. Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka View the full article
  24. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha dalka ugu dhintay caabuqa Covid-19. Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa xaqiijiyey dhimashada qofkaas oo ahaa lab 58 sano jir ah oo ku noolaa magaalada Muqdisho. Qofka dhintay ayaa shalay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya xaqiijisay in uu ku dhacay caabuqa Covid-19, kaas oo tirada cudurkan uu ku dhacay gudaha Soomaaliya ka dhigayey 8 qof. Balse Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abikar ayaa goordhaweyd qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Afar (4) qof oo horleh laga helay caabuqa Covid-19. Waxaa tirada dadka uu gudaha Soomaaliya ku dhacay caabuqan haatan ay tahay 12 qof oo mid kamid ah uu u geeriyooday maanta, halka hal (1) qof uu horey uga boqsaday. PUNTLAND POST The post Qofkii u horreeyey oo Soomaaliya u geeriyooday Covid-19 iyo tiro horleh oo laga helay appeared first on Puntland Post.