-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa maanta baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay muddo kordhin u sameeyeen madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo wax ka yar saddex sanno ay uga harsan tahay muddo xil heyntiisa. Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyay in madaxweyna Cabdicasiis Laftagareen loogu daro muddo hal sanno ah, si la isku waafajiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. 87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka hal mar wakhtigooda ku egyahay oo ay isla dhacayaan. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyey madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen. 87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka madaxweynaha iyo barlamaanka hal-mar wakhtigooda ku egyahay. Madaxweynaha K/Galbeed ayaa muddadii la doortay waxaa haatan ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood, balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-200420-ok.mp3 View the full article
-
Qoraal si wada jir ah uga soo baxay guddoonka labada baarlamaan ee federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu go’aamiyay in dib loo dhigo kal fadhiga 7-aad ee baarlamaanka labada aqal ee golaha shacabka iyo kan aqalka sare. Go’aankaan ay qaateen labada guddoon ayaa waxa ay ku sheegeen inay uga gon leeyihiin sidii loo ilaalin lahaa badqabka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, xilli gudaha Soomaaliya ay sii kordhayso tirade daka laga helayo caabuqa Coronavirus. Kal fadhiga 7-aad ee laba gole ayaa lagu waday in uu furmo maanta oo ay taariikhdu tahay 20-04-2020, waxaana labada guddoon ay isku raaceen in inta xaaladdu cudurka COVID-19 ay dhinac u dhaceyso xildhibaanadu ay fasaxyihiin. Halkaan ka akhriso warqadda ka soo baxday labada guddoon Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boorama (Caasimada Online) – Faah faahino dheeriya ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe abaaro 1:30-AM lagu qaaday hoyga uu degan-yahay Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo rasaas huwiyey guriga uu Boorama ka deganaa Mas’uulkaasi, xilli ay ku sugnaayeen qoyskiisa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray askar ilaalo ka aheyd hoyga iyo kooxda weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac, sidoo kale xubnaha qoyskiisa ayey waxba ka soo gaarin weerarkaasi oo bad-qaba, sida ay Caasimada Online u sheegen dad deegaanka ah. Weerarkaasi ayaa waxyeelo u geystay guriga Mas’uulka oo rasaas daran-doori ah ay ku fureen Raggii soo weeraray, midaasi oo si cad u muujinayaan Sawirro laga soo qaaday Guriga duqa ee xalay la weeraray. Iyada oo isla saakaba ay tageen goobtaasi Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan weerarka lagu soo qaaday guriga Maayirka. Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in xiliga xalay saqdii dhexe lagu soo qaadayey weerarka guriga Duqa Boorama, uusan joogin Maayir Saleebaan, midaasi oo gebi ahaanba ka bad-baadisay shirqool lagu rabay in lagu khaarajiyo. Dableyda weerarka soo qaaday ayaa Caasimada Online loo sheegay inay ahaayeen Beel kamida ah kuwo dhowaan ku dagaalamay bariga magaalada Boorama, kuwaasi oo Maayirka Boorama ka tirsanayey in uu eex qabiil garab ugu muujiyey beesha kale ee ay is-hayaan. Caasimada Online oo isku deyday inay xiriir la sameyso Maayirka magaalada Boorama, Saleebaan Xasan Xaddi ayeysan u suurta-galin kadib markii aanu ku weynay khadka telefoonka. Ilaa iyo haddana majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Somaliland, oo la xiriira Weerarkaaasi oo u muuqday shirqool fashilmay oo lagu dili rabay Maayirka Boorama. Deegaanada Somaliland ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta Jabhado hubeysan oo qaab beeleysan u dhisan, inkasta oo aysan weli jirin cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga Duqa Boorama ayaa haddana sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu salka ku hayaa muran dhuleed maalmihii dambe ka taagnaa magaalada Boorama.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa ka dooday mooshin muddo kordhin loogu sameynayey madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), si la’isku waafajiyo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen illaa 87 Mudane ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen mooshinkaasi, iyaga ogolaaday in muddo 1-sano ah loogu daro madaxweynaha. Arrintaan ayaa ka dhigeysa in xilheynta madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamanka la’isla ekeysiiyey, islamarkaana ay ku eg-tahay sanakda 2024-ka. Tallaabada ay qaadeen xildhibaanada labaad ee Koonfur Galbeed ayaa fursad cusub siineysa Madaxweyne Lafta Gareen oo haatan xafiiska jooga sanad iyo dhowr bilood.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdixaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay Kal-fadhiga 7-aad ee labadaasi gole. Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay inay qaateen go’aankaasi, si loo ilaaliyo bad-qabka xildhibaanada iyo senatorada. Sidoo kale labada guddoomiye oo haatan ku xayiran dalka Turkiga ayaa qoraalkooda waxay ku shaaciyeen in markii ay xaalada caadi ku soo noqoto la furi doono kulamada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kal-fadhiga 7-aad ee labada gole ayaa waxaa lagu waday in la furo 20-ka bishaan April ee sanadkaan 2020-ka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla. Dib u dhac ku yimid furitaanka fadhiyada labada aqal ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo xileedka baarlamaanka uu gabagabo yahay, si loo aado doorashada 2020/201-ka Halkaan hoose ka aqriso:-
-
(SLT-Hargeysa)-Khabiirro Caafimaad oo ka socda ha’yadda Caafimaadka ee WHO ayaa soo gaadhay magaalada hargeysa kuwaasi oo tababar siin doona shaqaalaha ku shaqaynay mashiinka lagu baadho fayraska COVID-19. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in khabiirradan ay muddo laba bilooda dalka joogayaan iyaga oo tababar siin doona da’ yarta lagu talo galay in ay ku shaqeeya mashiinka lagu baadhayo dadka qaba fayraska dunida kusii fidaaya ee COVID-19. “Waxa nasoo gaadhay khubarro ka socota ha’yadda WHO , kuwaasi oo rakibaad ka shaqaysiin ku samayna mashiinkii la odhan jiray PCR ee hore inosoo gaadhay waxanay bilaabeen in ay ka rakibaan oo ka shaqaysiiyaan mashiinka iyaga oo inala joogi doona muddo laba bilood ah, tobabarna siin doona shaqalaheena shaybaadhka ilaa inta ay ka hanannayaan mashiinka sida loogu shaqeeyo “ ayuu yidhi Source
-
(SLTSuldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo ah Suldaanka Beelaha Maroodi-jeex, Saaxil, Hawd iyo Gabiley, ayaa baaq nabaddeed u diray laba beelood oo dagaal ku dhex maray deegaanka Fadhi-gaab oo ka tirsan Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Suldaanka ayaa ugu baaqay Isimada dhaqanka, Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Gobolka Sanaag in daminta dagaalkaasi laga wada qayb-qaato, isla markaana loo istaago sidii loo baajin lahaa dhiig dambe oo qubta. Suldaan Maxamed oo goor-dhaweyd Warbaahinta soo gaadhsiiyey beyaan baaq-nabadeed ah, ayaa kula taliyey labada beelood ee dirirtu dhex martay in ay xabbada joojiyaan, isla markaana geedka wada-hadalka ee dhaqanka ku xalistaan wixii utun ah ee ka dhaxaysa, Suldaanku waxa uu fool-xumo iyo waxaan la aqbali karin ku tilmaamay colaada labada beelood ee soo noqnoqotay iyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay isu geysanayaan, waxaanu tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada dadka ku dhintay dagaalkaasi. Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan runtii uga tiiraanyeysanahay iska-hor-imaadka maanta ka dhacay deegaanka Fadhi-gaab ee sababay dhimashada iyo dhaawaca. runtii Dagaalkaasi waa arrin aad iyo aad fool-xumo u leh oo ceeb ku ah degmada Ceel-afweyn, gobolka Sanaag iyo guud ahaan qaranka Somaliland oo dhan, waxaan leeyahay waar xabbada hala joojiyo, geedka wada-hadalka hala isugu yimaado. waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, Gobolada Togdheer, Saraar, Sanaag, Sool iyo dhamaan gobolada bariga ee si’ fudud u gaadhi kara goobta lagu dagaalamay in ay arrinta gacanta ku dhigaan, xabbad joojin ku dhawaaqaan. Madaxda dhaqanka ee gobolka sanaag waxaan baaq gaar ah ugu jeedinayaa in ay si deg deg ah uga howl-galaan sidii colaada loo joojin lahaa. waxa kale oo aan aad ugu mahad-celinayaa Ciidamada qalabka sida ee maalin iyo habeen heeganka ugu jira sidii loo joojin lahaa colaadaas oo aan leeyahay alle ha idinka abaal-mariyo.” Suldaanku waxa uu farriin gaar ah u diray Labada beelood ee dirirtu dhex martay “labada beelood anigoo si gaar ah ula hadlaya waxaan leeyahay xabbada hala joojiyo. nimanyahow dhulku idiin kala go’i maayo illaahaybaa halkaa idinku wada beeray, ee in lala yimaado caqli caafimaad qaba oo colaadan aynu xididdada u saarnaa loo baahan yahaye xabbada hala joojiyo oo miiska wada hadallada cid waliba wixii ay sheeganayso hala timaado”. Xabbada dambe yey dhicin intii inaga dhimatay ayaa fool-xumo inoogu filan, waa dad qaranka Somaliland ka baxay labada dhanba, marka waxaan ugu baaqayaa labada beelood, waxgaradkooda, aqoonyahankooda, dhalinyaradooda, qurba-joogga iyo dhamaan qaybaha bulshada ee labadaas beelood in ay colaadaas joojinteeda ka qayb-qaataan, in buunbuuninta iyo in la sii shido colaadaasi laga waantoobo”ayuu yidhi. Gebgebadii Suldaan Maxamed Suldaan Axmed, waxa uu tilmaamay in qofka kasta oo colaadaasi hurinteeda ka qayb-qaataa uu ku cadaab mudan doono, kii daminteeda ka qayb-noqdaana uu xasannaad ka helayo, “waxaan ku celinayaa waar xabbada hala joojiyo, wadahadal ha la isugu yimaado, anaguna wixii nabaddeyn ah waa ka qayb-qaadanynaa”. Beelaha ay dirirtu dhex martay ayaa ka soo jeeda ardaayo hore ugu dagaalamay isla degmada Ceel-afweyn iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo muddo dheer kaddib colaadooda lagu soo afjaray madal-nabadeed oo lagu soo gunnaanaday Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa sidoo kale beelahan ugu baaqay beelahan in ay joojiyaan colaada oo ay heshiiskii nabaddeed ee hore loo galay adkeeyaan. Source
-
Renewed hostilities in Sanaag test President Bihi’s resolve
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Erigavo ( PP News Desk ) — Reports from Erigavo indicate militias from two subclans clashed yesterday at Fadhigaab area in Sanaag region. Two people have died in the clashes. Three men sustained serious wounds. Somaliland President Muse Bihi Abdi called on the two sides to cease hostilities and solve differences peacefully. The cause of clashes has yet to established. A committee made up of traditional leaders, educators and religious leaders reconciled the two subclans several months ago. A common principle to which two sides agreed was to refer any incident to the regional authorities to prevent the area from plunging into a vicious circe of feuding. Sanaag has seen a spate of feuding over the last three weeks. “It is unfortunate that citizens have lost their lives to senseless violence at a time we are grappling with Covid-19” said Ahmed Hersi, a traditional leader in Erigavo. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Renewed hostilities in Sanaag test President Bihi’s resolve appeared first on Puntland Post. -
Several mortar shells landed at the heavily fortified Halane base camp which houses AU forces headquarters in Mogadishu on Sunday evening. A source within the facility told Radio Shabelle the shelling hit the facility and that there were a number of casualties. The militant group Al-Shabaab claimed responsibility noting it fired 9 mortar shells. The attack comes barely two weeks after a similar one in March. A foreign national was reportedly injured in the shelling. View the full article
-
Somalia has confirmed 29 more COVID-19 cases, bringing the total Coronavirus infections in the country to 164. Somalia’s Ministry of Health and Social Services has so far announced seven Coronavirus deaths in the country. The ministry reiterated its call to the public to follow the directives of the health authorities in a bid to curb the spread of the deadly virus. Meanwhile, the semi-autonomous region of Puntland has confirmed its first COVID-19 case. Authorities there said the patient is a resident who had no travel history and that several other suspected cases were in quarantine. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 16-aad Ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa in howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo qayaastii 50 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab oo horay ugu sugnaaa deegaanadaasi ay isaga baxeen, ka hor inta ay gaarin ciidamada dowladda. Saraakiisha horkaceysa howlgalladaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka gudaha u galeen Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ay soo dhoweeyn dadka shacabka ah. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay fariisimo cusub ay ka sameysteen halkaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana gobolka Jubbada Hoose laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac. Jubbooyinka oo ay aad ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday ciidamada huwanta ee jooga gobolladaasi.
-
Hargeysa ( PP News Desk ) — The President of Somaliland Government Muse Bihi Abdi launched today a Fund to combat Covid-19 in Somaliland. President Bihi publicised the Fund in a tweet. Somaliland Government will commit 3 million Dollars to the Fund. The Government of Somaliland expects international donors and businesess to pitch in. President Bihi has come under fire for not taking the threat of Covid-19 seriously. The former Somaliland Minister for Interior Mohammed Abdi Gabose faulted Somaliland Government for not banning importation of Khat from Ethiopia. Khat is viewed as a main source of of transmission for Covud-19. Khat chewing is a form of socialising for Somali men. Unless antibacterial soap is used to wash a bundle of Khat there is a fear that the leaves of the plant can host deadly microorganisms. Through Covid-19 Fund the Somaliland Government will support poorly equipped hospitals in Somaliland to cope with possible increase of the number of people affected by Covid-19. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Somaliland Government launches a fund to fight Covid-19 appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa Bandow lagu soo rogay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug oo ay isla maamulaan Puntland iyo Galmudug, waxaana lagu soo waramayaa in bandowga lagu rogay magaaladaasi la filayo in uu dhaqan galo. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah magaalada Gaalkacyo ugu qabteen guddoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay ayaa sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo maadaama laga cabsi qabo aafitaanka COVID-19. Amarkan la xiriira xaalada deg-dega ee ku soo korortay Galmudug iyo Puntland ayaa timid kadib markii deegaannada Puntland laga helay Kiis cusub oo cudurka Covid 19 ah, bandawgaan ayaa saameynaya goobaha la isugu yimaado inkastoo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo ujeedadana ay tahay si looga fagaado cudurka COVID 19. Shirkooda ayay ku sheegeen in magaalada Gaalkacyo bandow lagu soo rogayo shacabkuna u hogaansamaan amarada ka soo baxay madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayna fulinayaan maamulada gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Guutada 16-aad ururka 5-naad ee kumaandooska Danab ayaa howlgal ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhore iyo Beerxaani oo qayaasti 50 (KM)dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose. Ciidanka xoogga ayaa khasaaro u geystay dagaalamayaasha Al-shabab oo iyagu muddo maamulayay qeybo ka mid ah gobalka Jubbada hoose, waxaana la sheegay in howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ay sii wadi doonaan inta Al shabaab ay ku suganyihiin deegaanadaasi sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee SONNA. Dhanka kale bulshada deegaanadaasi ayaa si weyn u soo dhoweeyay ciidanka DANAB oo la wareegay gacan kuhaynta Cabdi Dhoore iyo beerxaani oo dhamaantood hoos yimaada maamulka Jubbaland. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa siyaabooyin kala duwan waxa ay muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo uga sameynayeen deegaanno hoos yimaada gobalada Jubbooyinka oo deegaanno muhiim ah ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ku sugnaaa labo maqaaxi ku taalla gudaha degmadaasi. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay qaraxyadaasi oo saddex ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, halka ruuxa kale uu ahaa askari. Sidoo kale waxaa wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada dowladda. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxyadaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada iyo qaraxyada ka dhaca gobolkaasi, walow aysan weli ka hadlin miinooyinka ka dhacay degmada Awdheegle ee Sh/Hoose. View the full article
