-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano ku saabsan dhinaca Waxbarashada,dugsiyada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay ka hortagga Cudurka Dilaaga ee Coronavirus. War-Saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu shaaciyey qodobo ay kamid yihiin in la joojiyey bixinta Cashirada Dugsiyada Sare ee Sanad dugsiyeedka 2019/2020. Warsaxaafadeedkaan waxa uu u qornaa sidatan Ayadoo la tixgelinayo xaaladda caafimaad ee dalka iyo dunidaba ka taagan ee la xiriira cudur saf-marka ah ee Covid_19, lana qiimeynaayo xaaladda waxbarasho ee dalka iyo daruufaha ardayda kala duwan ay ku helaan adeegyada waxbarasho, isla markaana lala tashanaayo bahda waxbarashada oo ay ku jiraan Dalladaha, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulayaasha dugsiyada ayaa; 1) Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeysaa in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc; 2) Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqay xeritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19ka bisha Maarso, 2020; 3) Wasaaradda waxay la socod siineysaa ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta Soomaaliyeed in la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Sare ee sannad dugsiyeedka 2019/2020. Waqtiga la qaadi doono, sida loo qaadayo iyo xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaankaba dib ayaan ula soo wadaagi doonnaa bulshada. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-08042020.mp3 View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha Soomaaliya u dhintay cudurka Coronavirus, sida uu sheega Af-hayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar. Marxuumka ayaa la sheegay inuu yahay qof nin ah oo 58 sanno jir ah oo aan safrin. Soomaaliya waxaa ilaa haatan laga helay 8 kiis, waana qofkii ugu horreeyey ee cudurkan u dhintay. Source
-
Garowe ( PPM) —Transitional Puntland Electoral Commission unveiled in March the names of 17 political associations after careful screening of applications. It is the second time Puntland State introduced local political associations after the failure of the first attempt in 2013 when the stakeholders described the initiative as non-consultative and opted out of the “democratisation process” spearheaded by the former Puntland President Abdirahman Farole. UDAD and Horseed, two of 2013 political associations are not in the new cohort of political associations registered with TPEC. In December 2019 the electoral commission published guidelines for registering a political association. The registration of political parties lasted three months. Each political association submitted a constitution, details about founders and deposit of US$ 3,500. A key requirement is that a political association must have at least 300 supporters in each of the six Puntland regions and that it should be civilian and not in possession of a paramilitary or militias. Some articles in the guidelines have left obligations of the central committee of a political association open to different interpretations. In translation Article 6 of guidelines reads: ” The central committee is required (sic) the first congress of the political association.” Guled Salah: “Registered political associations must meet the rest of the criteria.” Guled Salah, TPEC Chairman, said the registered “political associations met preliminary requirements. They are required to meet the rest of the criteria by 20 April 2020.” © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post TPEC UNVEILS NAMES OF 17 POLITICAL ASSOCIATIONS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu cudurka Coronavirus ugu dhintay gudaha dalka Soomaaliya. Dr. Cabdirisaq Axmed Yuusuf (Jalaludiin), oo xubin ka ah guddiga sare ee xakameynta cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey geerida qofkan, oo ku dhintay isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Marxuumka geeriyooday, oo aan magaciisa la shaacin, ayaa la sheegay in da’diisu ahayd 58 jir, wuxuuna cudurka ku qaaday gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo aan dibedda u safrin. Dawladda Soomaaliya ma shaacin sida ninkan cudurka uu ku qaaday isaga oo aan dalka ka bixin, iyo in suurta-galnimada ah in ninkaasi uu fayraska sii qaadsiiyey dad kale. Hase yeeshee, tani waxay abuureysaa walaac xooggan oo ku saabsan in dad dhowr ah oo laga yaabo inay qabaan cudurka ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Muqdisho. Markii dowladda Soomaaliya ay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah ee laga diiwaan-geliyo Soomaaliya ay ku dhowaaqday 16-kii March, waxay sheegtay inuu ahaa qof dibedda ka yimid oo lagu celiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa su’aalo ay ka dhasheen halka ay ku dambeeyeen dadkii ninkaas diyaaradda la saarnaa oo ay suurta-gal tahay inuu qaadsiiyey kadibna ay gudaha u galeen magaalada. Ninka 58 jirka ah ee geeridiisa maanta la xaqiijiyey, ayaa waxaa suurta-gal ah inuu ka mid yahay dad sidaas ku qaaday xanuunka, inkasta oo aysan weli caddeyn. Soomaaliya ayaa waxaa laga xaqiijiyey 8 kiis oo cudurka Coronavirus ah, waxaana ka bogsooday qof ka mid ah, halka qofkii ugu horreeyey uu u geeriyooday maanta.
-
Dr. Cabdirisaq Axmed Yuusuf u oo ah u qaabilsanaha tayada Daawada wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ahna sarkaal uga waasaaraddaas uga hadlo arrimaha Coronavirus ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in qofkii ugu horeeyey oo Coronavirus ugu geeriyoodey gudaha Soomaaliya. Muwaadinkan oo ku geeriyoodey Isbitaalka Martiini ayaa shalay laga soo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho halkaas uu ku xanuunsaday. Waa qofki ugu horeeyey ee cudurkan ugu geeriyoodey Soomaaliya, waxaa intaas dheer in aanu dibadda ka iman ee uu ahaa muwaadin dalka deggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in aanay Somaliland xilligan u baahnayn inay Wada-hadal la yeelato Soomaaliya. Dirawal oo Shir-jaraa’id ku qabtay Gurigiisa Hargeysa, ayaa sheegay inuu la yaaban yahay in Xilligan Somaliland ay Wada-hadallo la gasho Soomaaliya, maaddaama buu yidhi Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo lala hadli lahaa aanay Maamulladoodiiba aanay Gacanta ku haynin, Raysal-wasaaraha Itoobiya oo hawlahaa ku jiraana qorshihiisu yahay inuu isku daro dalalka Geeska. Mr. Dirawal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Anigu waxaan fikir ahaan la yaabanahay arrinkan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Waayo? Arrinta Wada-hadalladu Maanta uma taallo Somaliland, markaa eego xaaladaha innagu cakiran iyo Siyaasadaha innagu wareegsan, ama Itoobiya siyaasadahan ay waddo ha ahaato, ma qabo in Farmaajo iyo Khayre oo aan Maamul-gobolleedyadoodiiba aan gacanta ku hayn inay odhanayaan Somaliland sii daaya, markaa in wakhti la isaga khasaariyo maaha, ninka reer Somaliland ee Maanta taa ka sugayaana ma jiro.” Cabdillaahi-dirawal waxa kale oo uu sheegay “Abyi Axmed, siyaasaddiisa muu qarin ee Geeska oo dhan buu isku darayaa.” ayuu yidhi. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka degmada Wadajir iyo taliska Booliska degmadaas ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo lagu soo qabqabtey kooxo la sheegay inay khalqal amni ku haayeen degmadaas. Guddoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Saldhigga oo hoggaaminayey howlgalkaas ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 7 dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa Mindiyo iyo Baangado. Guddoomiyaha Degmada Wadajir Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa sheegay in raggaan ku hubeysnaa Mindiyaha iyo baangadaha ay degmada ku hayeen khalqal amni, isla markaana laga soo dacwoodey. Raggaan lagu eedeeyey inay amniga liddi ku yihiin ayaa waxaa lagu wareejiyey xeer ilaaliyaha Qaranka, iyadoo la filayo in dhawaan lasoo taago Maxkamad. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa fariin digniin ah u diray dhalinyarada ku hubeysan Mindiyaha iyo Baangadaha Ee Amniga Rabshadaha ku wada In la marsiin doono Sharciga.
-
Fayrasloogu magac daray “COVID-19” wuxuu December sanadkii tagay ka soo bilawday dalka Shiinaha gaar ahaan magaalada Wuhan oo dhacda bartamaha dalkaas. Fayraska oo bilawgii hore dawlada Shiinuhu qarisay illaauu faraheeda kabaxay ayaa muddo kooban gudaheed wuxuu ku faafay dalalka caalamka badankood. Waxayna kow iyo tabankii bishii tagtay ee Maarso (11/03/2020) Hayadda Caafimaadka Adduunka (WHO) u aqoonsatay in uu yahay Safmar (Pandemic). Haddaba doodda ku aadan xanuunka laftiisa mid aan ka yarayn oo ku saabsan Karoona kabdib (Post-COVID-19) sida isud-qaab-dhismeedka hogaanka iyo awoodaha caalamku noqon doonaan, ayaa waxaa ku mashquulsan aqoonyahankakufaraha dhuuban adaroosidda siyaasadaha caalamiga ah iyo istiraatiijiyadaha. Waxaa la, isku raacsan yahay in Isbaddal laxaadle dhici doono marka loo kuuurgalo sida caalamku ukala qoqobmay, saamaynta dhaqaale ee xun, cabsida iyo argagax fayrsaku keenay. Marka dib loo milicsado tagtada musiibooyinka waawayn ee dunida soo maray, waxaa soo baxaysa inay hordhac u ahaayeen isbaddalku yimaada qaab dhismeedka caalamka iyo cidda hogaanka u haysa, isbaddalladaas oo mararka qaar si dhakhso ah u dhamaystirmayay, xilliyada qaarna si gaabis ah oo tartiib ah. Si kaduwan dagaalada oo horseeda badanaa isbaddalo wakhti kooban ku dhaca, musiibooyinka dabiiciga ah waxay horseedaan isbaddal wakhti qaatta lkn saamayn aan ku yeelan oo kaliya qaab dhismeedka dhaqaale iyo millatarin lkn sidoo kale saamayn xoogle ku yeesha hab fakkarka bulshada, waxay rumaysan yihiin, sida ay naftooda iyo caalamkaba u arkaan. Dhanka kale aafooyinku waxay soo saaraan aragtiyo ama awoodo markii hore aan muuqan ama lagarab-bidixayn jiray, waxayna qiime tiraan aragtiyadii iyo walxihii hore ee soo jiray wakhtiga dheer. Hoos-udhaca Kaalintii Maraykanka Haddaba doodahaatan taagan waxay ku biyo shubanaysaa, Fayraska COVID-19kagadaal sidee noqon doonaa caalamku? Cidde ka samata bixi doontadhaqaale ahaan iyo sumcad ahaanba?. Waxaa Is-barbardhig lagu samaynayaa Reergalbeed ama Caalamka Xorta ah (Free World) oo Maraykanku todobaatankii sano ee udambeeyay hogaaminayayiyo Shiinaha oo ah dalka tartanka dhaqaale maraykan kula jira ahna dalka labaad ee caalamka ugu dhaqaale kuusan. Kadib sanadihii sagaashadaamka oo ahaa sanadaha maraykanku uu caalamka sifiican uga taliyay wuxuu rabana ka sameeyay, weeraradii lagu qaaday 2001 ee Alqaaida ay sheegatay waxay Maraykanka u horseedeen in uu galo dagaal loogu magac daray ladagaalanka Argagixisada (War on Terror) oo marmarsiiyo looga dhigtay duulaankii lagu qaaday Afgaanitan iyo Ciraaq, waxaa intaas u sii dheeraa hawlo qarsoodi ah oo caalamka meelo kala duwan kafuliyeen sirdoonka Maraykanku. Dagaaadaas iyo Hawlaha qarsoodiga ee Maraykanku waday waxaa ku baxday lacag aad u fara badan oo culays ku keentay dhaqaalaha Maraykanka. Sidaas si ka duwan dalka Shiinuhu wuxuu mudadaas dhisay dhaqaale xoog badan oo tartan lagali kara Marayka. Wadanka Ruushka ayaa isna xilligaas uu Maraykanku mashquulsanaa kor usoo kacay isaga oo ka faaiidaysanaya sii jeedka Maraykanka iyo sicirka shidaalka oo fiicnaa. Ruushka waxaa u hirgashay in weerar qaawan ku qaado dalal xulufo la,ahaa Maraykanka iyo Reer galbeedka sida Joorjiya iyo Ukrayn. Barak Obama markii loo doortay madaxnimada Maraykanka wuxuu kusoo aaday hoos udhicii dhaqaale ee caalamka qabsaday 2008 Maraykankuna barbilawga u ahaa. Si looga soo kabto dabaca dhaqaale, wuxuu ku khasbanaa in Marayknku dib-ugurasho ka sameeyo meelo badan oo caalamka ah, taasoo keentay in dalal kale ay buuxiyaan kaalinti Maraykanku banneeyay. Arintaan waxay keentay in meelo badan oo caalamka ah dagaalo ka huraan cid damisana la waayo, taa baddalkeeda waxaa ka faaiidaystay awoodo kale oo u hammuunaa in ay isa soo saaraan, waxayna uga sii dareen khalkhalkii jiray maadaama aysan awood u yeelan in ay soo afmeeraan qulqulatooyinka. Dib-ugurashada Maraykanku waxay meel sare gaadhay kadib markii Donuld Trump loo doortay madaxwaynaha Maraykanka. Trump wuxuu dagaal lagalay caalamkii ka dhashay heshiiskii “Bretton Woods” ee salka loogu dhigay nidaamka dhaqaale-lacageed ee caalamka, isagoo ku timaamay mid aan sii shaqayn karin.Wuxuu saxiixay canshuur aad ubadan oo lagu soo rogay badeecada katimaada Shiinaha iyo dalal kale oo daris la ah Maraykanka, wuxuuna dib usoo celiyay shirkadihii markaynka ee ka hawl gali jiray Shiinaha isagoo ku doodaya in ay jirto Isu dheelitirnaan la,aan ee ganacsiga labada dal (Trade Imbalance). Wuxuu dagaal adag lagalay shirkadaha Tiknoolajiyada ee Shiinaha isagoo ku eedeeyay xatooyo tiknoolajiyaeed iyo bassaasnimo, lkn waxaa la ruamaysan yahay in Maraykanku dareemay Khatarta ah, in Shiinuhu ku dhawyahay in uu kula tartamo Maraykanka Tiknoolajiyada Jiilka Shanaad(G5) oo Shiinaha u suurtagalin doonta in ay tartan khattar galiyaan kaalinta Maraykanka. Dagaalka Maraykanka ee kadhanka ah Carro-Edegaynta “Globalization” waxay hoos udhac ku yimaada kobaca dhaqaalaha caalamka. Karonay Fayras Kadib iyo Hogaaminta Caalamka Karona FayrasooCarro-Edegayn caalamka isu furan “globalization”ku dhalay wuxuu dharbaaxo wayn ku dhuftay isla nidaamkii dhalay. Waxaa is-taagay isu socodkii dadka, rasalmaalka iyo badeecadihii wakhtiga kooban ukala gooshi jiray dunida daafaheeda, tiknoolajiyadda casriga iyo internetka xawaarihiisu sareeyana udub-dhexaad u ahaayeen. Waxaan shakki ku jirin in dhaqaalaha caalamka marxalad fadhiid ah waajihi doono, malaayiin qof hantidoodii waayi doonaan, shaqo la,aan tuna cirka isku shareeri doonto.Waxaa laa saadaalinayaa in hoos udhaca dhaqaale uu keeno qulqulatooyin bulsho, amni darro iyo in dawladuhu ka gaabiyaan daboolidda baahiyaha muwaadiniintooda. Waxaa mufakkiriin badan rumaysan yihiin inİsir-nacaybka(Racism), soo galooti nacaybka (xenophobia) iyo xagjirka qawmiyadeed (Nationalism)aad kor ugu kici doonaan gaar ahaan dalalka reer galbeedka. Waxaana suuq ballaaran heli doonta taageerada nidaamka kaligii taliska ah (Authoreterian Regime).Yuval Harari maqaal uu ku qoray Financial Times wuxuu cabsi wayn ka muujiyay in kaligii-talisnimada iyo ku xadgudubka arimaha gaarka ah eed dadka (Violation of privacy) ay aad u xoogaysan doonto, isagoo ka digaya in tiknoolajiyada lagula soconayo dadka (Biometric Surveilance) ee usuurtagalinaysa dawladuhu in ay qofka qandhada jirkiisa la socdaan iyo waliba dadka uu la xiriiray ama usoo dhawaaday loo adeegsan doono dano-siyaasadeed oo lagu xakamaynayo ama lagu saamaynayo rabitaanka iyo aragtiyada dadka dadka. Waxa indheer-garad badan ku qanacsanhyihiin in Fayraska(COVID-19) kadib, hogaanka caalamka isbaddal ku dhici doono. İs baddalkaas waxaa udub dhexaad u noqon doona barattan u dhaxeeya Maraykan iyo Shiinaha. Waxaa la rumaysan yahay in Maraykanku ahaan doono laacib kamid ah kuwa dajiya siyaasadda caalamka oo kaliya lkn ay ku soo biiri doonaan laacbiin kale oo Shiinuhu ugu horeeyo. Maadaama ay adagtahay in dalkale buuxiyo kaalintii Maraykanka ee ku-kilinimada talada caalamka (Unipolar World Order) waxaa la filayaaa samaysanka caalam madaxyo badan (Bipolar World Order)oo Maraykanka iyo Shiinuhu hogaaminayaan, dalal kale oo kuwa hormaray iyo kuwa soo koraya kamid ahna ay saamayn lixaadle ku leeyihiin. Dhib iyo Dheef Haddaba nidaamka caalamiga ah ee lafilayo in uu samaysmo ee madaxda-badan (Bipolar World Order) dhib iyo dheef ba waa uleeyahay xassiloodina caalamka. Waxaan shakki ku jirin in dalal badan ay ku dhibbanaayeen caalamka halka madax leh (Unipolar World Order) ee Maraykanku hor kacayay. waxaa dusha laga saaray laguna khasbay siyaasado dhaqaale iyo bulsho aysan dani ugu jirin iyada oo la adeegsanayo Bankiga Aduunka (WB) iyo Hayadda lacagta adduunka (IMF) oo labaduba nidaamka Maraykanku hogaamiyo u adeega. Dalalku waxay u qaybsami doonaan labo; Dalal soo koo koraya “Developing Coutries” dhaqaale ahaan, nolol dabaqada dhexe ah samaystay, dalaka noocaan waxaa laga yaabaa in uu ka dago culays nidaamkii hore uga imaanayay, wayna ka faa iidi karaan nidaamka cusub ee madaxyada badan. Nooca ladaad ee dalalku waa Dalal awalba faqri iyo xassilooni darro ragaadisay oo jiritaankoodu ku tiirsanaa nidaamkii halka madax lahaa ee jiray, dalalkaas waxay u badan tahay in ay awoodaha hardamaya lakala saftaan dhibaatana kasoo gaarto. Waxaa meesha ka bixi doonta tabartii aydaloojiyada “Ideology”, haddii aan si kale u dhigo waxaa la sugayaa in ay soo jiidashadeedii lumiso aydaloojiyada reer galbeed ee ku qotanta Dimuqraadiyada iyo Suuqa-Xorta ah ee caalamka kali ku ahayd illaa dagaalkii qaboobaa kadib.Maadaama Shiinuhu la-iman doonin ayadaloojiyad gaar ah oo aan ka ahayn Isballaarin-dhaqaale, waxaa dhici doonta in dunidu ka nasato loolanka afkaaraha loogu tala galay in loogu soo gabbado qabsashada umadaha tabarta yar. Lkn dhanka kale loolanka labada dal ka dhaxayn doona wuu ka duwanaan doonaa muuqaal iyo macno ahaanba wuuna uga dhib badnaan doonaa dalalka tabarta yar kii horay usoo dhex Maray Maraykan iyo Midawgii Soofiyeet, maxaa yeelay loolankaas 1991 dhamaaday inkasta oo labada quwadood danahooda gaarka ah oo kaliya daba socdeen, haddana wuxuu ahaa loollan huwisan labo aydaloojiyadood oo mid walba sheeganayso in iyadu tahay tan basharku ku badbaadayaan, barwaaqana lagu gaarayo. Lkn hadda wixii ka dambeeya maadaama aysan jiri doonin aydaloojiyad suuq fiican haysata wakhtiga dhaw, waxay ubadan tahay in loo tartami doono muquuninta iyo cunaqabashada dalalka tabartayar si dano dhaqaale iyo kuwa Juqraafi-Siyaasadeed looga gaaro. W/Q: Qoraa & Saxafi Abdiwali Sayid Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Trump oo ugu hanjabay Hay`adda WHO inuu ka jaraayo dhaqaalaha Dalkiisu siiyo+Jawaabta Gudoomiyaha Midwga Afrika Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu ka jarayo dhaqaalaha uu siiyo hay`adda caafimaadka adduunka ee WHO sababo la xiriira wax-ka-qabasho la`aanka cudurka coronavirus. Trump ayaa ku eedeeyay WHO gaabis dhanka cudurka coronavirus islamarkaana ay xilli dambe ku dhawaaqday in cudurkani yahay halis dunida soo food-daartay. Mareykanka ayaa ah waddanka dhaqaalaha ugu badan siiyay hay`adda WHO oo Qaramada mudoobay u qaabilsan dhanka caafimaadka. ” – Waxa ay galeen khalad, waxaana aaminsanahay in ay ogaayeen laakiin ay ka gaabiyeen. Waana baareynaa arintaasi”, sidaa waxaa shir jaraa`id ku yidhi madaxweyne Trump. Madaxweyne Trump ayaa qudhiisa lagu eedeeyay in uusan si dhab ah u qaadan khatarta cudurka coronavirus xilli hore Jawaabta uu Gudoomiyaha Midowga Afrika ka bixiyeye Eedaha Trump:- Surprised to learn of a campaign by the US govt against @WHO’s global leadership. The @_AfricanUnion fully supports @WHO and @DrTedros. The focus should remain on collectively fighting #Covid19 as a united global community. The time for accountability will come. — Moussa Faki Mahamat (@AUC_MoussaFaki) April 8, 2020 Qaran News
-
Eraybixin waxaa ula jeedaa marka fikir, tab ama walax af ama dad aan Soomaali ahayni ay sidaan la isku dayo in loo helo af Soomaali. Eraybixin waxay noqon kartaa eray af Soomaaliga ku jira oo u dhigma midka ajnebiga ah ee lala kulmay. Waxay noqon kartaa eray Soomaaliga ku jiray oo aan awal macnahan loo adeegsan jirin, hadda ka dibse loo asteeyay. Waxay noqon kartaa eray la curiyay sida laba eray oo la isku daray si ay macna hor leh u sameeyaan. Waxayna noqon kartaa in la isla gartay in erayga laga soo ergado af qalaad. Eraybixin oo dhami waxay rabtaa in la hirgeliyo. Waa dulmar ku sameynayo Taariikha Eraybixinta af Soomaaliga. Dood Baraha Bulshada ka socotay ayaan nuxurka qormadan ku biiriyay. Akhris wacan. Dadaal kasta oo ku wajahan horumarinta earybixinta Soomaaliga waa muhiim, waana loo baahan yahay. Waase in aan ka digtoonaanno in qof waliba uu iskiis u fekero sidiiyoon hortii waxba aanay billowneyn. Soomaalidu qarniyaal ayay falgal kula jirtay sidii ay eraybixinta ugu habboon ee Soomaaliga ah ugu heli lahayd aragtiyada, ficillada iyo qalabka dibadda uga yimaada. Waxaa jirta Eraybixin Soomaali ah oo hirgashay iyo mid mid ay khubaro ka doodday ee dejisay oo boor-ka-jafid uun nooga baahan. Diinta Earybixinta af aan Soomaali ahayn dalka ku timid ka dibna Soomaali loo rogay, sida aan is iri, waxaa ugu fac weyn midda diinta. Ka hor inta aanuu gaarin Medina, markii Islaamku soo gaaray Soomaalida, waxaa billowday curinta eraybixin af Soomaali ah oo diinta lagu Soomaaliyeeynayo. Waxay aqoonyahannadii dejiyay ugu talo galeen in dadka aan Carabiga aqoon ay diinta ku bartaan af Soomaali. Dadaalka culimmada waxaad arkeysaa marka aad dhegeysato Tafsiirka Qur’aanka iyo siirada Nebiga NNK ha ahaatee. Shiyuukhda ka shaqeeyay cilmigaani waxay isugu jiraan qaar badan oo Radio, Video iyo cajalad iyo ka dib hab digital ah lagu dhegeysto ama lagu daawado. Iyo kuwa aan soo gaarin farsamada casriga ah laakiin wax baray kuwa aan dhegeysanno. Iyo Shiyuukh buugaag qoray iyo qaar kaleba. Kuwooda ugu faca weyn, eraybixintooduna ay hirgashay waxaa ka mid ah Shiikh Yusuf al Kowneyn oo dejiyay Alif wax ma leh, ba’ hoos ka leh, ta’ kor ku laba leh iyo Alif la kor dhebey, alif la hoos dhebey, alif la goday. Saxaafadda siiba Radio Waxaa jirta iyaduna eraybixin aan weli boqol jir gaarin oo ay saxaafaddu sameysay welina hore u socota. Waxaa billaabay weriyayaashii af Idaacadaha Soomaaliga ku hadla billaabay iyo kuwii ka hadli jiray kontomaadkii iyo lixdanaadkii oo ay ka mid yihiin Xaaji Cabdi Ayuub, Faqi Buraale, Sheegow, Cabdullaahi Xaaji, Cismaan Xasan, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Maxamed Abshir Walde, Cabdi Xaaji Goobdoon iyo Axmed Cali Askar. Intii ka dambeysay oo dhanna eraybixin hor leh ayaa la sameeynayay, qaar dadweynuhu aqbalay oo hirgalay iyo qaar kaleba. Qaar badan iyada oo la unkayo ayaan joogay ama aan qeyb ka ahaa. Badanaa waa laga doodaa, qof ayaa soo dhoweeya, mid ayaa sii toosiya, ka dibna waa la isla qaataa. Mararka qaarkoodna qof ayaa hela mid ku habboon, markiibana waa lagu wada qancaa oo la adeegsadaa. Tusaale ahaan 20 sano oo aan joogay BBC, ragga Eraybixinta ugu badan ee hirgashay sameeyay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Xaaji oo erayada uu bixiyay uu ka mid yahay ‘geeddi-socodka nabadda’ iyo Maxmuud Shiikh Axmed Dalmar oo erayadiisa ay ka mid yihiin ‘gacan-ka-hadal’ iyo “is-miidaamin”. Markii la curinayay intaba dood ayaan ka qabay, laakiin waa la iga batay, aad ayay u hirgaleen haddana waxay ka mid noqdeen erayada ay saxaafadda Soomaaligu adeegsato. Inta aan xusuusnahay kulankii ugu weynaa uguna dambeeyay ee dejibta iyo horumarinta Eraybixinta Saxaafaddu wuxuu ka dhacay Djibouti, sannadkii 2002. Rag ay ka mid ahaayeen Hadraawi, Gaarriye, Cabdiqays, Yamyam, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Keena Diid, Aw Jaamac Cumar Ciise, Idaajaa, Mustafa Sh. Cilmi, Axmed – Shiraac, Cali Seenyo, Riiraash, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Cabdalla Xaaji, Antoine, Gobdoon, Axmed Cali Askar, Siciid Faarax Yare, Maxamed Daahir, Cawke, aniga iyo qaar kale oo badan ayaa saddex usbuuc, subax iyo galab fadhiyay. Shiikh Cumar Faaruuq oo aan shirka joogta uga qeyb galin ayaa maalmo badan ka soo qeyb galay doodda. Cilmi afeed-yaqaanka, suugaanleyda, qorayaasha ka qeyb galay waxaa ay ka socdeen shanta Gobol Soomaaliyeed. Doodda oo aan subax kasta ku qaban jirnay Xarunta Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti, habeenkii ayaa laga sii deyn jiray Telefishinka RTD, si subaxa xiga uu doodda uga soo qeyb galo dadweynaha qofkii talo ku daraya soo jeedinteennii shalay oo uu xalay ka daawaday Telefishinka. Shiikh Cumar – Faaruuq ayaa dhowr jeer qaabkaas uga soo qeyb galay, waxna nagu kordhiyay. Maalintii shirka la soo geba gebeeyay waxaan soo Bandhigay Qaamuus aan dejinnay, daabacnayna oo ka kooban 3000 oo eray. Allah ka sokow, Mahaddeeda waxaa leh, dadweynaha iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo fikirkiisa ay ahayd isaguna marti geliyay shirka. Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxaa jirta eraybixinta Ciidanka oo aad u sarreysa. Bal eeg dhismaha ciidanka sida Qayb, Gaas, Guuto, Urur, Horin, Koox iyo Unug. Erayga Taliye ka hormari mid kasta oo erayadaas ka mid ah wuxuuna sameynayaa macna hor leh. U fiirso derejada sida Taliye, Sarreeye Guuto, Gaashaanle, Dhamme, Xiddigle, Xarigle, Alifle, Dable iyo Layli. Arag cayaarsiiska gaardiga: Dig, digtoonow, nasta, darandoorri, hore soco, dib jeeso, bidix leexo, midig jeeso, joogso iyo kala taga. Arag hubka iyo rasaasta sida Boobe culus, boobe fudud, boobe, Jebiye, dhuun, riddo, Gawaarida Gaashaaman, Madaafiicda Goobta, Haraatida madfaca, jalfis, qarxiso, dalooliso, ifiso, lid Taangi iyo lidka Dayaaradaha. Ama tabta weerarka sida yool-baar, doc-ka-weerar, dib-ka-weerar, iska-hor-imaad, dhabrjebin, go’doomin, ku dhufo oo ka dhaqaaq, dib-u-gurasho, raacdo-reeb, miriq-shaalle iyo qaar kale. Waxaad arkeysaa in maskax badan ay gashay ayna hirgaleen erayadaasi. Manaahijta iyo Maamulka Erabixinta kale oo si cilmiyeysan aad looga shaqeeyay waa Eraybixinta la dejiyay marka far Soomaaliga la qoray 1972 ka dib. Waa eraybixinta Manaahijta ee Juqraafiga iyo Sayniska – siiba Biyooloji, Kimistari iyo Fiiskis iyo Xisaabta, gaar ahaan Joomateri, Trignomatari iyo Aljebra. Birlab, weyneyso, noole, dulin, il-ma-qabato, qalfoof, walax, curiye, falgal, xagal, xagal qumman, saddex xagal, saddex xagal siman, goobo, afargees, saami, xawaare, karaar dululaati iyo dhululubo. Afafka siiba Naxwaha loo adeegsado sida fal, falkaab, xiriiriye iyo tilmaame Dugsiyada ayaan ku soo dhigannay jiilka aan kuwa ugu horreeyay ka mid ahay. Eraybixinta maamulka ee laamaha Dowladda oo ay Akademiyadu lahayd ururinta iyo horumarinteeda. Dhismaha hey’adaha Dowladda ayaa ka mid ah; Agaasime, Agaasime Waax, Agaasime Guud, Maareeye, Maareeye Guud, Guddoomiye, Gobol, Degmo, Xoghayn, Wareegto, Hubaal-celin, KA, KU, OG, farid, Isu-duwe, Qaan-sheegad, curaar, xisaab-celin iyo howlgab. Xeer Ilaaliye, Garyaqaan, Garsoore. Qaybtan waxaan soo hoos gelaya dhammaan eraybixinta loo adeegsado howlaha hey’adaha Dowladda sida gaadiidka, kalluumeysiga, beeraha, warshadaha, cayaaraha ee meel ka helay Qaamuuska af Soomaaliga ugu weyn oo erayada uu fasirayo tiradoodu ay tahay boqol kun. Eraybixintani waxay koobeysaa dhammaan Hey’adaha Dowladda iyo kuwa Dadweynuhu erayada ay u adeegsadaan shaqo maalmeedokooda. Intaas oo dhan waxaa dejintooda ka qeyb galay khubaro afka ah iyo khubaro hadba maaddada laga hadlayo aqoon durugsan u leh. Qaarkood qaamuusyo ayaa laga soo saaray, waana lagu shaqeeyay. Gunaanad Soomaaliga eraybixin cusub isku dayaya waxaa habboon in uu marka hore hubiyo in eraygaas hore loo sameeyay iyo in kale. Haddii la xaqiijiyo in aanuu jirin, waxaa habboon in curinta hubinteeda lala kaashado Cilmi baareyaasha Soomaaliga sida aqoonyahannada Soomaali yaqaanka ah in bandanna ka shaqeynayay oo ay ka midka yihiin Idaajaa oo ku can baxay, Riiraash, Axmed Shiraac iyo qaar kale oo badan. Cilmi-Afeed yaqaanno gaammuray ayaa jira sida Prof. Cabdalla Mansuur iyo Prof. Ciise Maxamed Siyaad oo labaduba buugaag ka qoray, Af Soomaaligana kana dhigay Jaamacadda Ummadda. Maaddooyinka ay Jaamacadda ka dhigeen isu-geyntooda waxaa ka mid ah maaddooyina Af Soomaaliga ee Syntax, Morphology iyo Phonolgy iyo Taariikhda af Soomaaliga iyo Afafka Kushitigga ee ay bahwadaagta yihiin sida Rendiille iyo Oromo. Sidaa oo kale waa in lala kaashadaa khabiir yaqaan maaddada laga hadlayo ee la doonayo in eraybixin loo helo. Marka aan isku dayno in aan 2020 erayo hor leh aan si shakhsi ah u hirgelinno waxtar waa ay yeelan kartaa, waxaase dhalan karta khatar marin habaabin ah oo ka daran in aan eray loo hayn. Eraybixin aan sugnayn waxay horseedi kartaa garasho khaldan. Waa khatar eraybixin uu dadweynuhu barto oo uu la qabsado hase yeeshee, macnaha ay soo gudbineyso aanuu si sugan uga tarjumeyn ujeeddada. Khaladdaadka ay eraybixintu yeelan karto oo xataa dad aqoon leh ka dhaca laba ayaa ugu halis badan uguna soo noqnoqosho badan. Nusqaan – waa in macnaha ay fasirayo aanay soo wada gudbineyn ee ay wax ka dhimman yihiin. Dheeri – waa in ay soo wada gudbinayso macnaha laakiin ay u wehliyaan macna kale oo aan ahayn midka la tarjumayo. Waa halis ay tahay in laga digtoonaado. Qormadeyda waxaan ku gunaanadayaa Tix sagaal sadar ah oo uu tiriyay Cabdulle Raage 1972 markii la qoray Soomaaliga. Eraybixinta naxwaha ayuu adeegsanayaa. Labaatan iyo labo aammustiyo, Shaqal Irmaaneeya Amraniyo Tilmaamiyo Gudbe, Aade iyo Jooge Isku-dare xiriiriye falkaab, ku arkay joornaalka Mar haddii afkeygii la qoray, aabbe iyo hooyo Mar haddaan amaahsigi ka baxay, lagu agoontoobey Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye Amiirnimo sin iyo garab jirtey, nagu abuureene Afafka Qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibey, Anaa Macallimoo raba dad loo, furo oskuulaade Cabdulle Raage 1972 F.G. Allah ha u Naxariisto akhyaarta aan magacyadooda halkan ku xusay inta dhimatay iyo inta noolba. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa maanta oo Arbaco ah maamulka Puntland gaadhsiisay agab caafimaad, oo loogu tala-galay xakamaynta cudurka Coronavirus. Agabkaasi caafimaad oo uu kamid yahay shaybaarka lagu ogaado cudurka COVID-19, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso, laguna wareejiyey wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xassan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka agab caafimaad ee ay ugu deeqday Puntland, kaasi oo loo adeegsan doono ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus. Dhinaca kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa agab caafimaad oo kan ay Puntladn ka dejisay la mida ka dejisay Caasimada Somaliland Hargeysa Halkaas oo ay kala wareegeen Wasiirada Caafimaadka,Maaliyada & Awqaafta ee Somaliland. Qaran News
-
TACSI MADAXWEYNE: 08/04/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 08/04/2020, dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay fanka iyo suuganta oo uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay fankii hore iyo kan casriga ahba, isagoo ku soo galay da’da 18 sanno jir, kana bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen, maantana uu da’a 92 sanno jir ku hoyday, waxaanu ka mid ahaa dad fara-ku-tiris ahaa oo ay ka mid ahaayeen, abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed) abwaan Cabdilaahi Qarshe, iyo macalinkiisi Cabdi Xandule Shanle oo wax ka bedelay kagana tegay taariikh suugaanta, gaar ahaan dhinaca cuudka. Waaxaanu ku dhashay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, 1928-kii, waxaanu door weyn kulahaa halgankii xornimo doonka ee 1960 ay Somaliland maxmiyadii boqortooyada ingiriiska kaga qaadatay xornimadeeda, isagoo ku suntan taariikho badan oo ma guuraan ah marxuumku. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Haweenay u dhalatay dalka Itoobiya oo ka tagtay Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco ayey shalay xuduudka Wajaale ee dhanka Itoobiya Ambalaas kaga qaadeen Hay’adaha caafimaadka ee dowlad deegaanka Soomaalida, xili ay si cad uga muuqdeen astaamaha lagu garto cudurka Covid-19 ama Coronavirus. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Haweenaydaasi oo ka soo jeeda qomiyada Oromada ayaa lagu magacaaba Sahra Maxamed, da’deeda lagu sheegayna 45-jir, iyadoona shalayba loo qaday magaalada Jig-jiga si loo xaqiijiyo inay cudurkaasi qabto. Haweenaydan ayaa isla shalayba ka hor inta aan looga shakin cudurka ee la qaban isku soo martay magaalooyin dhowr ah oo u dhaxeeya Burco ilaa Wajaale oo ay uga gudbeysay dhanka Itoobiya. Calaamadaha lagu arkay Haweenaydan ayaa ahaa gebi ahaanba kuwa lagu aqoonsan karo cudurka Coronavirus, sida qufac, xumad joogto ah iyo naqaska oo mararka qaar qabanaya, midaasi oo sababtay in lagu xiro Oxygen. Haweenaydan ayaa xaaladeeda caafimaad lagu dabiibaya Isbitaal ku yaala magaalada Jigjiga, kaasi oo qeyb ka ah goobaha loogu talo galay in lagu karantiilo dadka looga shakisan yahay cudurkaasi ee caalamaduhuna ka muuqdan sida naqaska oo aad u qabanaya. Waxaana la filayaa in isla maanataba lagu sameeyo baadhis buuxda, iyadoo laga qaadayo dhiigaga iyo dhiicaanadeeda, isla markaana lagu baadhi doono shaybaadhka cudurka Coronavirus ee magaalada Jigjiga. Haweenaydan ka soo jeeda qomiyada Oromada ee Itoobiya, ee ay ka muuqdaan caalamadaha ugu daran ee lagu aqoonsado Coronaha, ayaa sarre u sii qaadeysa halista ay reer Somaliland ugu jiraan faafista cudurkaasi, maadama ay ka timid magaalada Burco, ayna soo martay magaalooyin kale oo ka tirsan Somaliland.
-
Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa maanta oo Arbaco ah Puntland soo gaarsiisay agab caafimaad, oo loogu tala-galay xakamaynta cudurka Coronavirus. Agabkaasi caafimaad oo uu kamid yahay shaybaarka lagu ogaado cudurka COVID-19, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana la wareegay wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xassan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka agab caafimaad ee ay ugu deeqday Puntland, kaasi oo loo adeegsan doono ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus. “Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.” Ayuu yiri madaxweyne Deni. “Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay“ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa agab caafimaad oo kan lamid ah saaka ka dejisay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. PUNTLAND POST The post Dowladda Imaaraadka Carabta oo Puntland ugu deeqday Shaybaarka lagu ogaado Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19. Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwaangelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraada Horumarinta caafimaadka, waxana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida ka hortagga iyo u diyaar-garowga xanuunka COVID-19, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, mudane Cumar Cali Cabdilaahi, wasiir-ku-xigeenkiisa, agaasimaha guud, xubno kale oo kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, waxana madasha lagu faah-faahiyey muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay guud ahaanba qaranka iyo badqabka bulshada reer Somaliland ka hadlay masuuliyiinta Shirkada waddaniga ah ee GTS oo si muwaadinimo ah, dareen leh isugu xilqaantay inay agabkan ugu deeqdo una sameeyso wasaaraddu inay kaga hawlgasho arrinta xanuunka coronavirus ee khatarta ku ah bulshada caalamkana saameeyey, oo ay sheegeen inay u arkeen inay tahay meesha kaga haboon dedaalka loogu jiro in qarankani helo muwaadiniin isxilqaantay oo barbar istaagta qaranka . Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane, Cumar Cabdilaahi Cali oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu nimaadkani leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadanayo yaraynta isu imaanshiyaha bulshada, isaga oo intaas ku daray mihnadle kasta oo isa soo diiwaangeliya ay wasaaraddu si fudud u arkayso macluumaadkiisa iyo heerka aqoontiisa, islamarkaana uu noqon doono adeego bulsho waqti kasta loo baahdo inta xanuunkani jiro. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa isaguna bogaadiyey nidaamkan casriga ah ee sida fudud loogu diiwaangelinayo xirfadleyaasha caafimaadka, waxanu ugu baaqay cid kasta oo aqoon caafimaad leh inay is diiwaangeliso, si ka hortagga Aafada COVID-19 loogu helo xirfadleyaal aqoon buuxda u leh arrimaha caafimaadka. Wa Bilaahi Tawfiiq — Qaran News
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Hoobalka Axmed Ismaciil Xudeydi ayaa Cudurka CORONA ugu geeriyoday Magalada London ee Dalka Ingariiska. Guddomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaallada ka socda qaybo ka mid ah Gobollada Dalkeena. Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax lala eegtay AMISOM oo ka dhacay Shabeellaha dhexe. Ciidamada Dowladda aya la waregay deeganno iyo degmoyin ay maalmahan ka dhacayeenn dagal beeldyo sababay dhimasho iyo dhaawac. Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax xalay ka dhacay Magaalada Bosaso ee xaruntagobolka Bari. Dowladda Mareykanka ayaa shaaciyay in duqeyn lagu dilay Hoggaamiye sare oo ka tirsana Xarakada Al-Shabaab. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Hanad Cali Guuleed iyo Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/warka-galab-08-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taariikhda Boqorkii kabanka Xudeydi oo ku geeriyooday London Xudeydii wuxuu ahaa 92 sano jir Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku geeriyooday, fannaan, laxamiiste, Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa. Xudeydi ayaa muddooyiinkii u dambeeyay la xanuunsanaa fayraska corona oo fara ba’an ku haya guud ahaa caalamka. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, waxaa uuna aad can ugu ahaa tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay magaalada Cadan ee dalka Yemen, ka hor intii uusan u soo laaban Somaaliya. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. Sida uu ku soo bilaabay fanka Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi ayaa fanka soo bilaabay isaga oo ay da’diisu tahay 18 sano,balse uu aad u soo shaac baxay markii ay da’diisu ahayd 20 jir. Wareysi uu BBC siiyay sanadkii 2018 ayuu Xudaydi ku sheegay in fanka uu ka soo bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen oo uu tartan uga qayb galay. Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi ayaa sidoo kale sheegay in maclimiin badan uu lahaa oo markii uu fanka ku soo biiray ka gacan qabtay. “Maclinkeyda waxaa la oran jiray Cabdi Xandule Shanle reer Burco ayuu ahaa, maclinkeygii labaad waxaa uu ahaa Xasan Nahaari”, ayuu yiro Xudaydi. Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi ayaa sheegay in Kontameeyadii uu magaalada Cadan kaga qeyb galay tartan dhanka fanka ah oo ay ka qeybgalayeen fanaaniin ka soo kala jeeda dalal kala duwan, taasi oo uu sheegay in uu guul ka soo hoyi’yay. Xudaydi ayaa Yeman ka oso laabtay sanadii 1960 halkasi oo uu fanka ka sii waday. Alle ha u naxariistee Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) waxaa uu sheegay in tumidda Kaban uu ku dhiirigaliyay abwaankii waynaa ee Cabdulahi Qarshe. “Cabdulahi Qarshe bilowguu Durbaanka ayaan u tumi jiray marka isaga ayaa igu dhiirigaliyay oo waxaa uu igu yiri aabahaa muxuu kuu iibiyay markii uu iskuulka ku geynayay,markaas ayaan ku iri Buuq iyo Qalin,markas ayuu igu yiri Kaban soo iibso”, ayuu yiri Xudaydi mar u BBC u waramay 2018. Maxaa ka mid ah Heesaha uu sameyay Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, Alle ha u naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) kuma ekeyn oo kali ah tumidda kaban, balse waxaa uu sameeyay heeso badan oo wadani iyo Jaceyl isugu jira. Heesaha waddaniga ee uu sameeyay waxaa ka mid ah hees la yiraahdo Dhalad oo ah hees uu calanka u qaaday markii xorriyadda ay qaateen gobolada waqooyi ee imika Soomaliland loo yaqaano. “Heestii calanka lagu saaray aniga ayaa sameeyay, heestaas waxaa loo bixiyay Dhalad, imika sanadkii ayaa mar la saaraa”, ayuu yiri. Waxa ka mid ah miraha heestaasi, Calanyahow dhayal ma aha dhidibkaaguye, dhaaxaan aawadaa dhib soo maraye. Dhanka heesaha Jaceylka (Xudaydi) waxaa uu sameeyay heeso badan waxaana sida u sheegay ugu caansa heesta Raaxeeye. “Tan ugu qaalisan waa heesta Raaxeeye anaa sameeyay marka heesta Raaxeeye badda dhaantada weeye”, ayuu yiri. Ma jiraan dad uu Kaban baray Xudaydi? Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) maadaama uu aad caan ugu ahaan tumidda Kaban ama Cuudka waxa loo yaqaano waxaa jira dad badan oo caan ah oo isaga uu baray Kaban. Abwaanka oo BBC ay weydiisay dadka ka aflaxay ee uu baray Kaban ayaa yiri: waxaa ka mid ah Cumura Dhuule, ninkii la oran jiray Goobe iyo dad aanan koobi kareyn Abwaanka ayaa sidoo kale sheegay in waligii uu jeclaa in dadka dhalinyarada ah uu sii baro tumidda Kaban. “Caruur yaryar ayaan kabanka baraaiyo dad waawayn iyo dumarkii oo la yiri ragga is dhexgali mayn ayaan gabdho iyaga u tuma baray”, ayuu yiri. Fanaaniinta yeysan qaadin heesaha Siyaasadda. Alle ha u naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) ayaa waxaa ahaa nin fanaaniinta ku booriya in aysan siyaasadda dhexgalin. Waxaa uu sheegay in fanaaniinta imika jira uu mar walba ka waaniyo in aysan qaadin heesaha siyasadda marka laga reeb kuwa waddaniga ee dalka lagu ammaanayo. “Af-Soomaaiga aad ku heeseysaan ereyga siyaasiga ah ha qaadina, eryada jaceylka oo kali ah gala, erayada jaceylka qudhooda xulka ka qaata, siyaasadana iskaba dhaaf haddii aadan dalka ammaanayn, ” ayuu yiri. Maxay ka yiraahdeen fanaaniinta geeridiisa? Fanaanta Soomaaliyeed ayaa geerida Alle ha u naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) si wayn uga hadlay. Waxa ay BBC la hadashay qaar ka mid ah fanaantii ay isla so shaqeeyeen. Fanaanadda Hibo maxamed (Hibo nuura) ayaa ku tilmaamtay Xudeyda in uu ka mid ahaa dadkii ” Fanka dhiddibada u tagay ,”. “Addoon qalbi wanaagsan ayuu ahaa , aabe Soomaaliyeed oo fiican ayuu ahaa, dadkii fankan dhiddibada u taagay ayuu ka mid ahaa, ayay tiri Hibo Nuura. ” Heesta (Laaleys) ayuu ii tumay oo ka mid ah heesihii aan ku soo baxay, ayay intaa ku dartay. Abwaan Saciid Saalax oo ka mid ah dadka ay sida weyn isu garanayeen abwaan Xudeydi ayaa isna sheegay in qof walba oo macagiisa maqlo uu soo xusuusto shanqarta cuudka. “La iskuma hayo magaca Xudeydi marka la xusaba qofka Kaban ama Cuudka ama shanqadhiisa qeybtaasi Miyuusiga ayaa kuu so baxaysa, hal abuur wuu ahaa oo heesaha kaban kuwa badan buu isaga curintoodu lahaa, ” ayuu yiri Saciid saalax. Qaran News
-
Popular Contributors
