-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa xaqiijisay in ay geeriyoodeen seddax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku haleelay cudurka COVID-19, waxayna gaartay tirada guud ee dhimashada shan qof. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale maanta la diiwaan geliyay 20 xaaladood oo cusub. Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyay dalka oo dhan ayaa hadda gaartay 80 xaaladood oo Coronavirus ah, ayada oo ay muuqato in cudurka uu sii fidayo. Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa mar kale ka dalbatay bulshada in ay si saxan u qaataan talooyinka caafimaadka, kuwaas oo ay sheegtay in qofka ay ka kaalmeyn karaan in uu ka badbaado cudurkan. Ugu dambeyntii waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo in dadaal xoog leh ay ugu jiraan sidii loo xakameyn lahaa cudurka COVID-19 uu haatan u muuqda mid si xowli ah bulshada ugu sii dhex faafaya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu shacabka iyo ciidamada usoo jeediyey talooyin ku aadan bandowga caawa 8-dii habeenimo ka billaabanaya magaalada Muqdisho. Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ayuu Thaabit ku yiri “Madaama uu caawa Bandoow u bilaabanayo dadka ku nool magaalada Muqdisho, waxaa muhiim ah inuu jiro taxadar ballaaran oo dhinac walba ah. Waa iney shacabkeenu xusuusnaadaan in Bandoowgu ay keentay xaalad duruuri aha” ayuu yiri. Thaabit ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan horay u aqoon bandow, si lamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyaguna aysan horay weli u dhaqan gelin bandow, taas oo uu tilmaamay in dhibaato ka imaan karto hadii aan laga taxadarin. “Waxaan fahmi karnaa waxa ka imaan kara shacab aan horey bandoow u arag iyo ciidan aan iyaguna horey u fulin howl bandoow ah, sidaa darteed waxaan ciidanka fulinaya Bandoowga ugu baaqayaa iney shacabka si wanaagsan ula macaamilaan oo ay ogaadaan ujeeddada loo soo rogay bandoowga iney tahay NAF-BADBAADIN,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. Thaabit Cabdi ayaa sidoo kale askarta kula dardaarmay in aan shacabka loo adeegsan rasaas iyo wax kale oo hor seedi kara dhibaato hor leh. “Waa inaan shacabka loo adeegsan rasaas si loo xareeyo, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta khasaaro ka badan midkii loo socday in la yareeyo. Waan wada ognahay in dhowr jeer ay dhimasho ka dhalatay muran dhex maray askar iyo shacab, sidaa awgeed inta lagu jiro bandoowgan askartu ha foojignaato, ha dhimriso, oo yaaney khasaaro cusub horseedin, maadama ay jiri karto duruuf lagama maarmaan ah oo muwaadinka ku qasbeysa in uu soo baxo” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Ugu dambeyntii duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa codsi uu shacabka reer Muqdisho u soo jeediyey waxa uu ku yiri, “Shacabka waxaan ka codsanayaa iney awaamiirta ciidanka u hoggaansamaan oo aaney abuurin jawi isfaham-darro ah oo ay guryahooda gaaraan ka hor saacadda u bilaabanayo Bandoowga. Mar walba oo si wadajir ah loo shaqeeyo waxey suuragelisaa in ujeedka la gaaro”.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-15042020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta gebi ahaanba ka laabatay go’aankii ay hore ugu joojisay in lagu tukado Masaajida deegaanadeeda, kaasi oo dhaqan galayey maanta, kadib markii ay si adag uga hadleen Culimada ugu caansan Somaliland. Culimada Somaliland ayaa si adag uga hor-yimid xidhida Masaajidyada, xili ay furan-yihiin dhamaan goobihii Dadweynaha, isla markaana uu deegaanadeeda si maalinle ah u yimaado Qaadku, kaasi oo uga yimaada dalka Itoobiya oo cudurka Coronuhu uu faro ba’an ku hayo. Sheekh Khaliil, Wasiir Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uusan jirin Go’aan ay ku xidhayaan Masaajidyada, iyada oo hore ay Guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka COVID-19 ee Somaliland uu soo saaray go’aan lagu joojinayo in lagu tukado Masaajidda. Wasiirka ayaa sheegay in sidii caadiga ahaa loogu tukan doono Masaajidyada, midaasi oo ka dhigan in Xukuumada Muuse Biixi ay ka laabatay go’aankii hore ee ay ku xidhaysay Masaajidyada, kaasi oo dhaliyay cadho dadweyne. Somaliland ayaa inta badan lagu dhaliila inaysan qaadin talaabooyin si dhab ah looga hortagayo cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, xili deegaanadeedana laga helay 5-kiis oo la xidhiidha cudurkaasi, midaasi oo sarre u sii qaadeysa cabsida laga qabo in gudaha Somaliland uu si weyn ugu faafo cudurkaasi.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhowaan cafis Madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo tiradoodu dhameyd 574-maxbuus oo ku xidhnaa jeelasha Somaliland, si looga hortago faafida cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus ama Covid-19. Xukuumada Somaliland ayaa la soo waraniyaa in tiro leeg maxaabiista uu Madaxweyne Muuse Biixi xabsiyada kasii daayey ay usoo wareejisay xabsiyadooda muddo labo todobaad gudahooda, iyada oo boqolaal kalena la soo xidhay, midaasi oo meesha ka saareysa dhimista maxaabiista ku xidhan jeelasha Somaliland, maadama uu si fudud ugu dhex faafi karo cudurka Coronavirus. Ciidamada Somaliland ayaa muddo labo todobaad ku siman waxa ay xabsiyadii ay kasii daayeen Maxaabiistii cafiska loo fidiyay kusoo wareejiyeen maxaabiis badan, midaasi oo meesha ka saareysa ujeedkii laga lahaa cafiska Madaxweynaha oo aheyd in jeelasha laga dhimo maxaabiista ku xidhan si uu saameyn xun ugu yeelan cudurkaasi sida fudud ku faafaya. Hay’adda Horizon ee ka shaqeysa arrimaha sharciga iyo xuquuqul insaanka ayaa tirakoob ku sameeysay Maxaabiista ay Xukuumada Somaliland kusoo wareejisay xabsiyadii laga sii daayey kuwii ku xidhnaa, ayaa waxay sheegtay inaysan weli suurta-galin in la dhimo Maxaabiista badan ee hal meel kuwada xidhan, midaasi oo natiijo la’aan ka dhigeysa cafiskii uu fidiyay Madaxweyne Biixi. “Haddii ujeedada ka danbaysa cafiska 574 maxaabiista ah uu ahaa in la dhimo tirade maxaabiista, weli may suurtoobin arrintaasi. Dadka xukuman ee ku jira saldhigyada booliska, sababta loo geeyayna ahayd in meel looga waayey xabsiyadu, lagumana darin cafiskan. Hadda waxa loo wareejiyey xabsiyada, iyaga oo lagu buuxinayo qolalkii kuwii hore laga sii daayey. Illaa 1-dii April 2020, waxay xabsiyadu qaabileen Maxaabiis badan” ayaa lagu yiri Warbixinta Hay’adda Horizon. “Xabsiga Hargeysi waxa uu qaabiley ku dhawaad 250 maxaabiis oo cusub oo laga keenay saldhigyada booliska. Xabsiga Mandheera oo 250 ka mid ah lagu siidaayey cafisku, waxa uu qaabilay ku dhawaad 200 maxaabiis cusub ah, oo ay ku jiraan 129 laga soo wareejiyey Xabsiga Hargeysa, saldhigyada booliska Hargeysa iyo degmooyinka Gobolka Saaxil. Intooda badan waa carruur. Xabsiga Boorama 15 kaliya ayaa la cafiyey halka ay ka qaabileen ku dhawaad 50 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan ku wadaad 20 garsugeyaal ahi. Xabsiga Gabiley waxa uu qaabiley 15 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan 3 haween ah oo laga soo wareejiyey saldhigga Daloodho ee Hargeysa” ayey intaasi kusii dartay warbixintaasi. Sidoo kale waxa ay Hay’addu sheegtay in cafiska Madaxweynaha kadib xabsiyada lagu xidhay Maxaabiis cusub oo loo haysto dambiyo fudud oo aan mudneyn, iyada oo ay diiwaan gelisay Hay’addu tiro kiisas cusub oo u baahan kaalmo sharci oo ku xidhan saldhigyada booliska Hargeysa, sida ay ku sheegtay Warbixinta ay soo saartay. Horizon ayaa ugu dambeyntiina Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu soo saaro wareegto uu ku cafinayo Maxaabiis kale oo ku xidhan jeelasha Somaliland, si loo dhimo Maxaabiista kuwada xidhan halka meel, midaasi oo meesha ka saareysa in cudurka Coronavirus uu si fudud ugu dhex faafo gudaha Xabsiyada oo aan laheyn nidaam nadaafadeed oo hagaagsan.
-
Tan iyo Markii Bandowga lagusoo rogay Puntland waxaa adkaadey in la xakameeyo Shacabka si ay ugu hogaansamaan Sharcigaan cusub ee Magaalooyinka lagu xakamaynayay si looga [...] Source
-
Waxaa maalinkii labaad Magaalada Muqdisho ku xiran tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo shalay looga yeeray saldhigga Degmada Hodan Isla markana weli u xiran amar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Xarigga Suxufiga ayaa waxa cambaareyay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, Xildhbaanno ka kala tirsan Labada aqal, wasiirro, weriyaal iyo siyaasiyin xilal kala duwan hore uga so qabtay dalka. Dowladda Soomaaliya weli si toos ah ugama hadlin xarigga weriyaha ka tirsan Goobjoog oo maanta loo sii gudbiyay Xabsiga dhexe, iyadoo aysan dhicin garmaqalka dacwaddiisa. Maaaamulka Goobjoog Media Group oo kal hore war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa si kulul u cambaareeyay kuna tilmaamay xarigga wariyaha mid baal markan sharciga isla markana oo aan loo soo marin sifo sharci ah. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamud, oo ka ka hadlay xariggga Suxufiga aya shegay in aan la joogin waqti lo hanjabo lana xiro saxaafadda madaxanaan. “In loo hanjabo oo la xiro saxafiyiinta si loo aamusiyo, ma caawineyso Dimuqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaaliya. Xariga weriyaha weyn Mr. Gurbiye, kana tirsan Goobjoog waa calaamad muujineysa dhaqan kelitalisnimo oo socda.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dhanka kale Senator Iliyaas Ali Hasan oo ka tirsan aqalka sare aya codkiisa ku biiray dadaallada lagu dalbanayo in la sii daayo Weriye Gurbiye. Siyaasiyiin hore oo Dalka xilla ka soo qabtay, Weriyaal iyo Hey’adaha caalamiga aya si Wadajir ah u cambaareeyay sababta xorriyadda looga qaaday Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo Dowladda Somaliya weli u xiran haddana aan la faah-faahin sababta ka damabysa xariggiisa. Guddomiyaha Xisibiga Wadanjir. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsane oo ka hadlay xariggga Weriyaha aya yiri “Hey’adda RSF oo u doodda xorriyatul qowlka ayaa sheegtay in la heli karay qaabab kale oo loola macaamiilo iyada oo an la xiirn, balse Dowladda Somaliya ay ku deg-degtay xariggiisa. Cabdicasiis Gurbiye oo ah Tifatiraha Goobjoog aya shalay la xiray, Habeenkii 2aad ayu ku xiranyahay Muqdisho, maanta ayaa loo sii gudbiyay Xabisga dhexe iyada oo an la xukumin balse Maxkmadda la geeyay. Jacfar Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allah unaxariistee Fanaankii Caanka ahaa Cumar Cabulle Shooli ayaa maanta lagu aasay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo habeenimadii xalay uu ku geeriyooay, aska loo sameeyey ayaa waxaa ka soo qeyb galay Abwaanno Wariyaal Masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada. Allah u naxariistee Cumar Cabulle Shooli ayaa ka tirsanaa hobaladii qaranka Waaberi waxaana lagu magaabijiray madaalihii hobolada Waaberi fanaanka xalay ayuu ku geeriyooday Isbitaalka Aadan Cadde oo muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa maanta ayuuna la geeyey gurigiisii rasmiga ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare cilmiga siyaassadda ka dhiga jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo GoobjoogTV la hadlay ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in la xiro qof aan cadeyn lagu heynin waxaana uu intaas ku daray in muwaadinka la xiro karo markii dambigiisa cadeyn lagu helo sida uu qabo dastuurka dalka u yaallo. Source: goobjoog.com
-
Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Qolyaha askarta dilka u geystay ayaa ahaa dhalinyaro ku hubeysanaa Bastoolad kuwaas oo toogtay laba askari xili ay ku sugnaayeen Ceelasha biyaha, qolyihii dilka geystay ayaagoobta isaga baxsaday ka dib toogashada askarta. Ciidamado ka tirsan dowladda oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday meydka askartii la dilay iyagoo sidoo kale halka wax ka dhaceen ka sameeyey baaritaanno lagu ogaanayey qolyihii dilka geystay lakiin lama sheegin cid loo qabtay. Duleedka Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaco dilal qorsheysan oo loo geysto ciidamada iyo weerarro lagu dilo inta badan ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay Odayaasha dhaqanka iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ee salka ku haysa midnimada umadda Soomaaliyeed. Suldaan Cumar ayaa si weyn u maagay Madaxweyne Biixi, isagoona sheegay in Madaxweynaha aysan islaheyn hadalada uu ku hadlo iyo waxyaabaha uu fuliyo, maadama uu si hoose ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, xili uu bulshada reer Somaliland u sheego inay ku garnaqsanayaan fagaaro caalami ah oo loo dhan yahay. Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in qaar kamid ah Odayaasha dhaqanku ay dhaafan xayndaabkooda, iyaga oo ka gudbay sida uu sheegay xuduudka Somaliland, xili ay ku baaqeen Midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in laga qeyb geliyo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa kale oo uu sheegay Suldaanku in xiligan loo baahneyn in Somaliland ay wada-hadal la furto dowladda federaalka, maadama ay dhinaca Soomaaliya ka socdaan dad uu ku sheegay inay u qalmin in la horfadhiisto oo lagala hadlo qadiyada Somaliland oo ay kamid yihiin Dr Baadiyoow iyo Guul-wade, waa sida uu hadalka u dhigaye. Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “In badan baan ka aamusnaa Somaliland-tii is haysatay iyo Siyaasiyiintii isku khilaafsanaa siyaasaddaba, waxa i soo kiciyey ee aan ka hadlayaa waxa weeyaan Masiirkii Ummadda ayaa la taataabtay, taasaa igu keliftay inaan hadalkan u soo ban-baxo”. “Dalka waxa ugu sarreeya Madaxweynaha, Muuse Biixi, oo Madaxweyne ka ah dalka, hadalladiisa iyo Ficilkiisuna isma laha, markuu Bulshada la hadlayo wuxuu leeyahay Madal loo dhan yahay oo Adduunku wada fadhiyo ayaanu ku gar-naqsanaynaa, haddana Maqsin madow buu la gelayaa Nimankii (Reer Soomaaliya), laba Arrimood oo is leh Maaha, ta Dadka shaki gelinaysaana waa taa, dhuumasho dhabarku muuqdana looma baahna”. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Dadkana waxa shaki gelinaya labadaa dhacdo ee is-barbar yaalla, Madaxweynaha waxaan leeyahay labada Arrin kala reeb, ama meesha Madow ku adkayso ama ballankaa aad dadka u qaadayso ku adkayso, weliba waxaan anigu door-bidayaa inaad ku adkaysato ballankaa aad Dadka u qaadayso”. “Somaliland sideedaba waxay ku caano maashay dhaqan, dhaqan bay halkaa ku soo gaadhay, dhaqan baa dhismaheeda lahaa, Dadka imika ku fadhiya Kuraasta leexaysanaysa waxa u fududeeyay inay Kuraastaa ku fadhiistaan dhaqan (Madaxda Dhaqanka), dhaqankaasi wax badana wuu soo qabtay, haddii Allaah yidhaahdana wax badan oo kalena wuu qaban doonaa”. “Waa wax aad loogu murugoodo ah in odayaasha qaarkood ay galeen Xuduud aan loo baahnayn, xuduudkaa aan loo baahnayn waxa weeyaan, ilaalinta Somaliland baanu isku ogayn ee iskumaanu ogayn inay Xuduudka Somaliland ka tallaabaan”. “Anigu waxaan qabaa inaan xilligan loo baahnayn Wada-hadal, Waayo? Dadka la diyaariyey inay Somaliland la hadlaan maaha Dad u qalma in la hor fadhiisto, Dr. Baadiye iyo kii Guul-wade in la hor-fadhiistaa waa Mabnuuc oo Qadiyadda Somaliland lagala hadlaa” ayuu yiri ugu dambeyntii Suldaan Cumar. Odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa u muuqda kuwo u kala jabay labo garab oo midkood uu rabo in dib loo soo nooleeyo midnimadii Soomaaliya, halka kuwa kalena ay weli ku dhagan-yihiin gooni isku taaga Somaliland, oo muddo 30-sanno ah loo baadi-goobayey aqoonsi caalami ah oo weli laga gaarin natiijo wax ku ool ah.
-
Agaasime ku-xigeenkii Goobjoog Media Group Cabdicasiis Gurbiye ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe, ee magaalada Muqdisho iyada aysan dhicin garmaqalka dacwaddiisa markii qareenadiisa ay gudbiyeen gal dacwadeedkiisa. Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaana ayaana dacwadiisa dib loo dhigay waxaana Maalintii Labaad ku xiran yahay amarka xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya lamana shaacin sababta uu u xiran yahay Cabdicasiis Gurbiye. Maaaamulka Goobjoog Media Group oo war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen xarigga wariyaha oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo soo marin sifo sharci ah. Dhanka kale ururrada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ayaa siyaabooyin isku mid ah u cambaareeyey xarigga wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalinkii labaad u xiran dowladda Soomaaliya. Dowladda haatan jirta ayaa lagu dhaliilaa inay inta badan cabburiso saxaafadda xorta ah iyo xorriyatul qowlka. Wariye Cabdi Casiis ayaa maalinimadii shalay laga wacay degmada Hodan iyadoo ka dib la xiray oo laga qaaday xoriyadiisa waxaana uu caawa habeenkii labaad uu ku hoyanayaa xabsi aan sharci aheyn marka laga reebo inuu u xiran yahay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The body of a popular Somali singer and guitarist Omar Abdulle Sholi who died in Mogadishu on Tuesday night has been laid to rest on Wednesday. Sholi died in a hospital in the capital Mogadishu on Tuesday night where he has been ill for the last two months. The late singer was a notable member of the famous Waberi national band. Somali Education Minister Abdullahi Godah Barre was among many who sent their condolences to the family and friends of Omar Sholi. He said Sholi was a great singer who played a huge role in promoting Somalia’s art. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Khabiir Michael Rubin oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute ee dalka Maraykanka, ayaa warbixin uu ku daabacay Warbaahinta Maraykanka kaga hadlay sida Dawladaha Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan la aqoonsani ay ula tacaalayaan Xannuunka COVID 19. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Michael Rubin oo sheegay in danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto uu kaalmooyinkii iyo deeqihii oo dhan u duway dawladda itaalka daran ee Soomaaliya, taasi oo uga gol leeyahay inay ku qabsato deegaanno badan, hase ahaatee, wuxuu Khabiirku hindisahaasi uu ku sifeeyey mid gebi ahaanba khaldan, iyadoo ay masaafo aad u yar ka taliso dawladda Farmaajo. Michael Rubin wuxuu tilmaamay in Soomaaliya 16kii sannadood ee u dambeeyey ay kaalinta koowaad kaga jirtay dalalka guul-daraystay ee caalamka, taasina ay nusqaan ku tahay in la siiyo kaalmo xad dhaaf ah. Waxa kaloo uu intaas ku daray in markii Soomaaliya laga helay Coronavirus ay caalamka ka yaboohsatay dhaqaale gaadhaya $240 Milyan oo doolar oo dheeraad ah, xilli uu Maayarka Muqdisho ku eedeeyey dawladaas inay buunbuuninayso xannuunkan. Michael Rubin wuxuu ku eedeeyey dawladda Muqdisho iyo danjiraha Maraykanka inay deeqaha caalamku siiyo Soomaalida ay u diidaan inay Somaliland qaadato qaybteeda. Waxaanu Somaliland ku tilmaamay dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo dimuqraadiyadi ka jirtay tan iyo sannadkii 1991kii. Michael Rubin waxa uu Somaliland ku ammaanay inay $15 Milyan oo doolar ay cashuuraheeda uga jartay inay kaga hawlgasho xakameynta Xannuunka Coronavirus. Waxaanu ku dooday inay Somaliland si wax ku ool ah kaga horreyso Soomaaliya dhinaca daahfurnaanta iyo Hantidhawrka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta lagu dilay toogasho, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hooose ee duleedka Muqdisho. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa labo askari oo ka tirsanaa milatariga Soomaaliya ku dilay halkaasi, Ragga dilka geystay oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay rasaas xoogan ooda kaga qaadeen labada askari, iyagoo ka toogtay qeybaha sare ee jirka, waxaana wararku ay sheegayaan inay ku geeriyoodeen isla goobta. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi, iyadoona sidoo kale ay meesha gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo baaritaano kooban ka sameeyey deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku dila askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gudaha caasimada iyo deegaanada ku dhow-dhow, kuwaas oo marka leego, si aad ah u soo badaneyey muddooyinkii dambe.
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Tifaftiraha Goobjoog Cabdicasiis Gurbiye Oo Maalintii 2-aad U Xiran Dowladda Soomaaliya.. Maamulka Warbaahinta Goobjoog ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xarigga tifatiriha Goobjoog. Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka ka jira ayaa cambaareeyay Xarigga Tifatiraha Goobjoog oo maalintii Muqdisho ku xiran. Ururada u dooda Saxaafadda Somaliya ayaa cambaareyya xarigga Weriye Cabdicasiis Gurbiye loogu gaystay Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa canshuur dhimis ku sameysay raashinka qutul daruuriga ah ee lagama maarmanka u ah bulshada. Hooyo Soomaaliyeed Oo Ka Tirsan Ciidanka “Danab” ayaa sheegtay waxa ku dhaliyay in ay ka mid noqoto Ciidanka, iyo mustaqbalka waxa ay ka filanayso. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-waredka-galabnimo15-04-2020.mp3 Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa amar ku siisay ha’yaddaha iyo shirka gaarka loo leeyahay in fasaxaan dhammaan shaqaalaha raydka ah marka laga reebo inta looga maarmi waayo shaqada maalinlaha. ayaa lagu sheegay in sheegay in ay muhiim tahay in shirkaddaha iyo ha’yaddaha gaarka loo leeyahay ay fasaxaan shaqaalaha raydka ah ee da’doodu ka weyn tahay lixdan jirka. “In ay fasax galiyaan shaqaalaha dheeriga ah ee looga maarmi karo goobta shaqada, shaqaalaha xaalado caafimaad ku sugan iyo shaqaalaha ka weyn da’da 60 jirka iyagoo aysan waxba iska bedelayn xuquuqdoodii. Shaqaalaha kuwooda aan qaadan fasax sanadeedkoodii waxa ay qaadan karaan wakhti xaadirkan fasaxyadooda.” Ayaa lagu yidhi War-murtiyeed kasoo baxay Xafiiksa Wasiirka Wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo Qoyska , Marow Hinada Jaamac Xiris Gaani Dhinaca kale waxa shaqaalaha ajaanibka ah lagu amaray in ay u hoggaansamaan awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortaga caabuqa COVID-19 iyagoo galaya 14 Maalmood oo karantimeyn ah. “Dhammaan Shaqaalaha ajaanibka ah & kuwa haysta ruqsada shaqo ee dalka, ee ka soo laabanaya dalka dibadiisu waa in ay u hoggaansamaan awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortaga caabuqa COVID-19 iyagoo galaya 14 Maalmood oo karantimeyn ah” Source
-
Nin sameeyay balaayiin doolar xilli Dunida la daladhacayso dhibaatada Xanuunka Coronavirus Jeff Bezos aasasaha ahna madaxa shirkadda Amazom Madaxa iyo aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa faa’ido gaareysa 24 bilyan doolar sameeyay xilliga lagu gudo jiro dhibaatooyinka ka dhashay cudurka coronavirus kaddib markii ay sare u kaceen dukaameysiga iyo dalabka Online-ka ay bixiso shirkaddiisa. Jeff Bezos wuxuu leeyahay hanti gaareysa 138 bilyan oo doolar, sida laga soo xigtay wargeyska Bloomberg, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay ninka ugu taajirsan dunida. Shirkadda Amazon waxay ka faa’ideysatay dalabyada Internetka iyo dadka qaabka online-ka ah ku adeegto xilli dadka lagu qasbay inay guryahooda joogaan si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19. Shirkadda Amazom waxay shaqaaleysiinaysaa kumanaan qof si ay u maareyso dalabyada macaamiisha. Shirkadda waxaa lagu dhaleeceeyay arrinta ah inay ka gaabisay dadaallada ah in shaqaalaheeda ay ka fekerto marka ay timaaddo ka hortaggo coronavirus. Jeff Bezos wuxuu bilaabay shirkadda Amazon sannadkii 1995-tii, wuxuu ku bilaabay 100,000 oo doolar oo ay isku darsadeen isaga iyo qoyskiisa. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka magaaladaasi, taas oo u dhexeyso maleeshiyaad hubeysan. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa timid, kadib markii saacadihii la soo dhaafay labo qof oo Xoolo dhaqato ahaa lagu dilay deegaanka Yaaq Jiidii ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in dilka labadaasi qof uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbalamd. View the full article
-
Popular Contributors
