Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowlada Puntland ayaa guul weyn ka gaartay ka hortaga Cudurka Corona Virus, Iyadoo Gudiga Wacyigalinta uu Habeyn iyo maalin ku howlan yahay qaabkii Dadka loo [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow garoonka Aadan Cadde soo caga-dhigatay diyaaradda Itoobiyaan Airline, taas oo sidda gaar caafimaad oo deg deg ah. Diyaaradda oo haatan taagan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sidda agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo uu Soomaaliya ugu deeqay maal-qabeen u dhashay wadanka Shiinaha. Sidoo kale waxaa garoonka ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka oo la wareegi doono qalabkaasi caafimaad. Shalay ayey aheyd markii Imaaraadka Carabta uu qalab caafimaad ku wareejiyey dowladda federaalka oo dagaal kula jirta cudurka COVID-19. Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiisas gaaraya illaa 60 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalada karantiil ah
  3. Waxaa maalinkii labaad magaalada Muqdisho ku xiran tifaftiraha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo shalay looga yeeray saldhigga Degmada Hodan kaddibna xarig aan sharci ahayn halkaasi loogu geystay. Dowladda Soomaaliya ayaan wali si toos ah uga hadlin xarigga wariyaha Goobjoog ka tirsan. Maaaamulka Goobjoog Media Group oo war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen xarigga wariyaha oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo soo marin sifo sharci ah. Dhanka kale ururrada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ayaa siyaabooyin isku mid ah u cambaareeyey xarigga wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalinkii labaad u xiran dowladda Soomaaliya. Dowladda haatan jirta ayaa lagu dhaliilaa inay inta badan cabburiso saxaafadda xorta ah iyo xorriyatul qowlka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino ka soo baxaya shaqaaqo sababtay dil oo xalay ka dhacday guriga lagu hayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli u xiran dowladda, kadib markii 2018-kii laga soo qabtay magaalada Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in dil loo geystay mid ka mid ah askartii ilaalada ka heysay gurigaasi, kaas oo uu dilkiisu fuliyey askari kake oo waardiyeyaasha ka tirsan. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdullaahi Xaashi, kaas oo ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida ee illaalada ka heysay xabsiga guriga la geliyay Roobow. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex-galay askariga la dilay iyo midka wax dilay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse wararka ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay askariga geystay dilkaasi. Arrintaan ayaa sidoo kale la sheegay inay sababtay qal-qal ku yimid ammaanka guriga Sheekh Mukhtaar Roobow oo horay uga soo goostay kooxda Al-Shabaab. Tan iyo sanadkii 2018-kii markii la soo xiray wadaadkaan ayaa waxaa lagu wareejiyey hay’adda NISA oo weli gacanta ku heysa, isagoo xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho.
  5. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waxa uu sheegay in WHO ay ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus. Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey in ay si xun u maaraysay isla markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo. Trump ayaa horay hay’addaasi caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay in ay u xaglinayso Shiinaha. Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo hay’addani WHO, waxa uuna sanadkii la soo dhaafay siiyay 400 oo milyan oo doolar – oo u dhiganta in ka yar 15% miisaaniyadda guud ee hay’addani. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guutada Ciidamada Itoobiya re loo yaqaan Eastern Air Force ayaa weerar Cirka ah waxay ku burburiyeen Saldhig lagusameeyo Waxyaabaha Qarax oo Al-Shabaab leeyihiin oo ku [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Cisbitaalka guud ee Cudurka Qaaxada ee Magaalada Hargeysa ayaa loo diyaariyey Dadka uu soo rito Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19. Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo arrintan la xidhiidha, balse ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Cisbitaalka laga saaray Dadkii lagaga dawaynayey Cudurka Qaaxada, si loo soo dhigo Dadka uu soo rito Covid_19. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Cisbitaalka laga saaray Bukaano qabay Cudurka Qaaxada oo tiradoodu dhamayd 81 Qof isla-markaana loo diray Guryahooda, inkasta oo taasi lafteedu halis tahay. Ka sakow 81-ka ee Cisbitaalka laga saaray, waxa Bukaan socod ah oo Daawada si Maalin leh ah uga qaadan jiray Cisbitaalka Dad Tiradooda lagu sheegay dhowr boqol oo Qof, kuwaasi oo aan illaa hadda la ogayn waxa loo qorsheeyay. Cisbitaalka Qaaxada ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka kooban 6 Waadh, kuwaasi oo dhammaantood hadda loo qorsheeyay in la soo dhigo Dadka uu rito Cudurka Covid_19 oo illaa hadda Somaliland la shaaciyey inuu ku soo ritay 5 Qof. Xukuumadda ayaa sidan oo kale, Waadhadh ka mid ah Cisbitaalka guud ee Hargeysa ugu diyaarisay Dadka uu ku dhaco Covid_19. Tallaabooyinka noocan ah ayaa qayb ka ah dedaallada Xukuumaddu doonayso inay kaga hor tago Cudurka aadka u fidaya ee Covid_19. Source
  8. Somalia’s Ministry of Finance has announced tax exemptions on basic commodities in order to ease the cost of living for the vulnerable sectors of the society amid increasing economic hardships exacerbated by the COVID-19 pandemic. The ministry announced 100 percent tax exemptions for rice and dates and 50 percent tax exemptions for wheat flour and cooking oil. The tax exemptions will take effect on 15 April and is meant to cushion citizens against an increase in prices of consumer goods ahead of the holy month of Ramadan. Somalia has announced measures to contain the spread of the deadly COVID-19 disease which has had a negative impact on the country’s already struggling economy. Somalia has so far recorded 60 cases of the COVID-19 pandemic, including two deaths. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, Mehmet Yilmaz oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Danjire Yilmaz ayaa wareysigaan ku soo qaaday arrimo ku aadan doorashada soo socota 2020-2021-ka, xiisada siyaasadeed ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah. Ugu horreyn safiirka ayaa ka hadlay xiisada u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda federaalka oo weli isku fahami la’a arrimaha doorashooyinka iyo sida loo wajahayo. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in mucaaraadka Soomaaliya ay u arkaan inay sharci yihiin sida Xukuumadda oo kale, islamarkaana labada dhinac uu Turkigu u istaagi doono masaafo isla eg, markastana ay u furi doonaan albaabadooda. “Waxa aynu isku dayeenaa in aan masaafo isla eg u istaagno Dowladda iyo Mucaaradka, waxaana aan u aragnaa Mucaaradka Soomaaliya in ay sharci yihiin sida Xukuumadda oo kale, albaabadeena waa ay u furan yihiin waana is aragnaa waan booqanaa waana ay ina soo booqdaan, waxaana kala hadalnaa Xaaladda Soomaaliya” ayuu yiri Mr Yilmaz. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doorashooyinka soo socda ay aad muhiim u yihiin, islamarkaana dowladda federaalka iyo dhinacyada kale ee ay quseyso looga baahan yahay inay iskaashaadaan, si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee haatan jira. “Dabcan Doorashooyinka soo socda waa kuwo aad u muhiim ah, gaar ahaan waxa aan rabaa in aan irhaahdo, Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaalo sokeeyay oo muddo dheer socday, illaa hadda xanuun badan reebay, si taas looga baxo waxaa jira qodobo cad, kuwa ugu muhiimsan waa doorashada oo dowlad waliba ay ku wareejiso dowladda kale ee ka dambeysa” ayuu yir Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo inta badan xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah mamul goboleedyada ay walaac ka muujinayaan doorashada 2020- illaa 2021 iyaga oo sidoo kale ka digay in muddo kororsi ay sameystaan madaxda Qaranka, iyaga oo mar-marsiiyo uga dhiganayo Coronavirus oo kiisas ka mid ah dhowaan laga helay gudaha dalka.
  10. (SLT-Hargeysa)-Ciidamadda Booliska ee Soomaaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay siyaasiga Maxamed Abiib oo ka tirsanaan jiray xisbiga KULMIYE, waxaanu si weyn ugu ololeeyay Madaxweynaha tallada haya Muuse Biixi Cabdi, Xilna ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Maxamed Abiib ayaa hore hore u ahaa agaasimaha xarunta Komishanka Xakamaynta Aidska, waxaanu in dhaweyd ahaa siyaasi si madax-bannaan uga faallooda arrimaha siyaasadda. Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxaya xadhiga Maxamed Abiib, waxaase xadhigiisa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah saaxiibadiisa ugu dhaw. Lama garanayo waxa xilligan keenay xadhiga siyaasi Maxamed Abiib. Halkan hoose ka DAAWO muuqaal dib ku xasuusinaya sannadkii 2017-kii qaabkii uu Maxamed ugu soo ololeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Source
  11. Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Fannaankii weynaa Cumar Cabdulle shooli oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa tacsi u diray qoyskii,eheladii,asxbtii,Hobalada waaberi iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi,isagoo Alle uga baryay in uu Jannadiisa ka waraabiyo. Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la xanuunsanayay xanuunka Macaanka(Sokorta), isagoo ugu dambeyna xalay ugu geeriyooday isbitaalka Yardameeli ee magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Axmed Cumar Shooli oo ah wiil uu dhalay Marxuumka. Horay marxuumku waxa uu u sheegay in madaxda dowladda Soomaalia aysan ka warqabin islamarkaana aysan jirin cid ka socota dowladda oo soo booqatay, waxaana ehelka Cumar Shooli ay sheegeen in dowladda Farmaajo ay dayacday Cumar Shooli oo ahaa fannaan qaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadii la soo dhaafay dilal ay qorsheysan ay ka dhaceen duleedka magaalada ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Dilalkaan oo loo geystay laba ruux oo ka mid ah dadka deegaanka Yaaq Jiidii oo ku yaal dhanka xeebta ee magaaladaasi ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ee la dilay ay heeb-ahaan kasoo jeedaan mid ka mid ah beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano hoostaga magaaladaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dilalkaasi, wuxuuna sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen halkaasi. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaal beeleedyo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil waxay ka taagnaayeen gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/kismayo-.mp3
  13. (SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inay hakinayaan maal-gelinta Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo uu ku eedeeyey qarinta heerka haliska cudurka COVID-19 ee dalka Shiinaha, ka hor inta aanu ku faafin caalamka. Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ku sheegay inuu amrayo maamulkiisa in la joojiyo lacagta Mareykanka siiyo WHO “inta laga sameynayo dib u eegis ku saabsan kaalintii WHO ay ku lahayd si xun u maamuliadda iyo daboolidda faafitaanka Coronavirus.” Mareykanka waa dalka lacagta ugu badan ugu deeqa WHO, waxaana sanadkii tegay uu bixiyey 400 oo milyan oo dollar, halka China uu ka bixiyay 44 milyan. Trump ayaa sheegay inay eegi doonaan waxa lacagtaas ay ku bixin jireen WHO lagu sameynayo iminka. “Iyada oo COVID-19 uu si caalami ah u faafayo, waxaan aad uga walaacsan nahay in deeqsinimada Mareykanka loo adeegsanayo sida ugu wanaagsan,” ayuu yidhi Trump. Trump ayaa toddobaadkii tegay weerar ku qaaday agaasimaha WHO Tedros Adhanom, isaga oo sheegay in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa “ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,” Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas, isagoo ku eedeeyey WHO inay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan. Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo iska difaacay eedeynta Trump, ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”. Tedros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ah in WHO ay tahay hay’ad ay “China saldhig u tahay”, wuxuuna sheegay “inay ku dhow yihiin dal kasta.” Source
  14. Madaxweyne Deni Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in ay bilowday qorshe lagu diyaarinayo Haamaha keydiya Oxygen-ta si loo helo Oxygen ku filan Puntland oo dhan oo lagula tacaalo xanuunka COVID-19. Qoraal xalay ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ayaa lagu sheegay in guddigu uu ku hawllan yahay diyaarinta Haamaha keydiya Oxygen-ta si loogu adeegsado la tacaalidda xanuunka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddigu ay shalay Gaalkacyo kulan kula yeesheen shirkadda samaysa Oxygen-ta magaalada islamarkaana ay kala hadleen muhiimadda ay leedahay in la diyaariyo Haamo Oxygen oo ku filan Puntland oo dhan. Dowladda Puntland ayaa wadda dadaallo la xiriira ka hortagga iyo xakamaynta COVID-19 iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay go’aanno kala duwan soo saartay si looga gaashaanto xanuunka inkastoo go’aanadaas qaarkood aysan weli dhaqan-gelin. Cudurka Coronavirus ayaa kamid ah xanuunnada loo yaqaan respiratory diseases oo waxyeelleeya Hab-dhiska Neefsiga waxaana dadka uu haleelo lagula tacaalaa mashiinka Respirator ( ventilator) si uu Oxygen kaafiya u helo. PUNTLAND POST The post Puntland oo diyaarinaysa Haamaha Oxygen-ta keydiya si loola tacaalo COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  15. Laba ruux ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo la tilmaamay in dilkooda ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ee ladilay ay heeb-ahaan ka soo jeedaan mid ka mid ah beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano hoostaga magaaladadaasi. Mid kamid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen Halkaan hoose ka dhageyso codka. 120107_010 View the full article
  16. (SLT-Muqdisho)-Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Cumar Cabdulle Shooli. Fannaanka ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, iyadoona uu xalay ku geeriyooday Cisbitaalka Yardimeri. Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Fannaaniintii Waaberi, laguna naaneysi jiray (Madaalihii Hobolada Waaberi) ayaa toddobaadkii la soo dhaafay Dowladda Federaalka ku eedeeyay inaanay waxba u qaban, isagoo hobol qaran ahaa. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka ayaa maanta ka tacsiyadeeyay geerida hobolka. Source
  17. Wasiirka gaadiidka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay) ayaa sheegay in amarkii ka soo baxay maamulkaasi ee lagu hakiyay gaadiidka isaga kala gooshayey magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo in uusan sameyn doonin gaadiidka xamuulka ah ee badeecooyinka geeya deegaanada Koonfur Galbeed. Xasan Eelaay ayaa tilmaamay in amarkaasi kaliya uu saameyn doono gaadiidka BL-ka ah ama dadweynaha ee isaga kala goosha magaalooyinkaasi. Koonfur Galbeed ayaa wada dadaallo guud oo ay uga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo kiisas ka mid ah laga helay magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Wasiir-koonfur-galbeed-.mp3 View the full article
  18. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Feedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caawa guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka, ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan. Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-150420.mp3 View the full article
  20. ISTANBUL, April 14 (Reuters) - The Turkish lira weakened 0.4% against the dollar on Tuesday to beyond 6.8, its weakest level since end-August 2018, Source: Hiiraan Online
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xalay guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Heer Federaal ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay khadka Internet-ka, ayaa wasaaradda Maaaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Khayre ayaa laga soo xigtay Ra’iisul wasaaraha in uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka Cudurka Coronavirus. Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee degaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah. PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo lacago u fasaxday dowlad goboleedyada dalka si loogu adeegsado ka hortaga COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  22. An Egyptian policeman and seven suspected militants were killed on Tuesday in an exchange of gunfire, the ministry of interior said in a statement late on Tuesday Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la-tacaalidda cudurka COVID-19. Go’aankan ayaa lagu gaaray kulankii joogtadaa ah ee ay xalay mareegta internet-ka ku yeesheen Guddiga Qaran ee ka Hortagga COVID-19 oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu guddoominayey. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta lacag min hal Miyan oo dollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka oo maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan. Dhinaca kale, Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin. Dhinacyadii ka qeyb-galay kulankan ayaa waxay soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.
  24. The Minneapolis Civil Rights Department is investigating allegations of discrimination and retaliation against one of the metro area’s biggest landlords, according to public records obtained by the Reformer. Source: Hiiraan Online
  25. CORONAVIRUS INFECTIONS have begun to increase sharply among Somali-speakers in Helsinki. Source: Hiiraan Online