-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle Dawladda Soomaaliya Federaalka ayaa canshuur dhaaf u sameysay cunnada quutul daruuriga, si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, oo aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid-19. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caawa shaaciyey in Raashinka canshuur dhaafka loo sameeyay uu kamid yahay Bariiska iyo Timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, (canshuur la’aan) halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%. Canshuur dhaafka ayaa billaabanaya sida uu sheegay Wasiir Beyle 15-ka Abriil, 2020, oo ku beegan berri oo Arbaco ah, wuxuuna socon doonaa muddo saddex billood ah, kadibna hadba xaalku sida uu noqdo waxaa lagu sameyn doonaa dib u eegid. Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaacisay in ay dhiirri gelineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beereysiga si uu qayb uga noqdo dadaallada lagu baadi goobayo isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysanayso dhaqaalaha wadanka maadaamada uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xeroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga. Wasiir Beyle ayaa bogaadiyay dadaallada madaxda sare ee lagu raadinayo dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xoogga leh ee ku soo fool leh dhaqaalaha waddanka ee uu sababi karo xanuunka Covid-19. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday canshuur dhaaf appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in canshuur dhaaf loo sameeyay qaar ka mid ah cunnada quutul daruuriga ee dalka soo gasha, taas oo lagu sheegay qoraalka in looga hor tegayo koror ku yimaada qiimaha maciishada. Talaabadan ayey sheegay dowladdu in loo golleeyahay in saameyn aysan ku yeelan maciishada dalka tallaabooyinka looga hor tegayo faafidda cudurka Coronvirus. Raashika canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo Timirta oo ay sheegtay xukuumaddu in loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 50%. Canshuur dhaafka waxaa lagu sheegay qoraalka in uu dhaqan gelayo 15-ka bishan Abriil, oo ku beegan Arbacada berrito. Sidoo kale wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirra galineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha dalka, si dalku u gaaro isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysaneyso dhaqaalaha wadanka maadaama uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga. Ugu dambeyntii Wasiir Beyle ayaa bogaadiyay dadaallo uu sheegay in madaxda sare ee dalka ay ku raadineyso dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xooga leh ee ku soo fool leh Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu sababi karo xanuunka caalamka wada saameeyay ee COVID-19. Halkan ka Daawo wasiirka maaliyadda oo sharaxaya
-
DJabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Jabuuti ayaa maanta shacisay 65 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyay gudaha dalka. Warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in baaritaan la mariyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay 407 ruux, isla markaana cudurkaas laga helay 65 qof oo ka mid ah dadkii la baaray. Tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan ayaa mareysa dalka Jabuuti 363 xaaladood, sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in 53 ruux ay ka bogsatay cudurkaas, labana ay u dhimatay. Dowladda ayaa xanuunkaas ka baartay 5,356 oo ruux, waxaana laga helay 363, kuwaas oo labo u geeriyootay. Warbixintii shalay kasoo baxday wasaaradda caafimaadka dalka Jabuuti waxaa lagu sheegay in shalay kaliya dalkaas laga diiwaan geliyay 83 xaaladood oo noqday kiisaskii ugu badnaa ooh al maalin laga diiwaan geliyo Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas ka dilaacay Coronavirus. Bandowga ku eg 28-ka bishan ayaa lagu soo rogay dalka, waxaana dhamaaday waqtiga bandow dhowr cisho ah oo horay loogu soo rogay dalkaas, balse lagu kor dhiyey mudo laba toddobaad ah, kadib markii ay sii badatay khatarta cudurka uu ku hayo dalka.
-
Madaxweyne ku xigeenka DGGM, Cali Daahir Ciid ayaa maanta kulan la qaatay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq, waxaa kulanka ku wehliyay Ugaaska Ugaas Maxamed Ugaas keyse, waxaa sido kale, qayb ka ahaa Xildhibanada Galmudug ee ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud Kulanka waxaa looga hadlay sidii xabad joojin rasmi ah uga dhaaqan gali la,heyd deeganka furinta Fooro oo dagaal beeledyo ku soo lab laabteen, waxaa kale kulanka qodabadii looga hadlay ka mid ahaa hormarinta Dagmada Cabudwaaq iyo soo dhisida Golaha deeganka Dagmada cabudwaaq. Intii uu kulankaasi socday ayaa Ugaaska Ugaas Maxamed Ugaas keyse iyo golaha guurtida ay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ka codsadeen in dagmada Cabudwaaq si dag dag ah loogu dhiso gole deegan oo ay Dagmadu yeelato. Sidoo kale, Golaha guurtida Dagmada cabudwaaq ayaa madaxweyne ku xigeenka Ka codsaday in la kordhiyo tirada iyo tayada, Ciidamada booliska Dagmada Cabudwaaq. Ugu danbeyn Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walalaha ah ee ku dagaalamay deeganka Furinta Foore ee gobolka Galgaduud oo dhowr jeer ay ku dagaalameen beelo ka soo kala jeeda Cabudwaaq iyo Cadado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xilli ay taagan tahay doodda ka dhalatay sadbursiga lagu sameeyay Beelaha Mogadishu Clan ee degga Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa hadana isa soo taraya xilalka ay Beesha Madaxweyne Farmaajo ka qabanayso Maamulka Koonfur Galbeed, taasoo loo sababeeyay, iyadoo ay yihiin reer abtiyaasha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu maamulka ku soo kordhiyay in ay xilal ka qabtaan dad deegaan ahaan ka soo kala jeeda Gobolada Gedo & Galgaduud. Beeshan ayaa markii ugu horeysay xubin baarlamaan ka heshay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoona uu ku metelo Xildhibaan Abshir Diiriye Nuur. Madaxweynaha ayaa Cabdirashiid Doolow u magacaabay inuu noqdo La taliyaha Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag. Saciid Maxamed Xuseen ayuu Madaxweynuhu u magacaabay La taliyihiisa dhinaca Ciidanka Xoogga Dalka. Cabdirisaaq Kaahiye Xuseen waxaa loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha Koonfur Galbeed. Xubnahan ayaa dhammaantood ku heyb ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana markii ugu horeysay oo ay si muuqato uga soo dhex muuqdaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, tan iyo markii maamulkaasi la aasaasay lix sano horteed. Dhanka kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa daba-yaaqadii bishii hore ee March ashtako ahaan ugu tagay wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan, iyagoo ka ergaynayay beelahaasi oo lagu duudsiiyay saamigoodii Baarlamaanka, markii la soo koobay. Madaxweynaha ayaana ugu carab laalaadiyay in uu wax ka qaban doono, tiiyoo ay hadaba muuqato inaanu wadadeedii ku taagneyn. Waxa dadka badankii ay hadda fillayaan ayaa ah inaanan waxba laga bedelin qaabka lagu soo dhisay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, hase ahaatee ay macquul tahay in Madaxweynuhu uu isu shaandhayn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, markaasoo ay markii ugu horeysay xilal ka qaban doonaan reer abtiyaashii.
-
The County Government of Mandera has revealed that 32 people who travelled from Nairobi last week have managed to disappear from a quarantine facility in Elwak town under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Riyadh)-Wasaaradda arrimaha diinta ee Sacuudiga, Dawah iyo Hanuuninta ayaa shaaca ka qaaday in salaadda Taraweeh inta lagu jiro bisha Ramadaan kaliya lagu tukandoono guryaha. Sacuudigu wuxuu sheegay xayiraadaha saaran masaajidda in aan laga qaadi doonin illaa dhamaadka coronavirus. Wargeyska Al Riyadh wuxuu soo xigtay Dr. Abdul Latif Al Sheikh, Wasiirka Arimaha Islaamka ee Sacuudiga, isagoo leh: “Joojinta gudashada shanta salaadood ee masaajidda ayaa ka muhiimsan xayiraadda salaadaha Taraawiixda. Waxaan ka baryaynaa Ilaaha Qaadirka ah inuu aqbalo salaadda Taraweeh haddii lagu tukado masaajidda, ama guryaha, taas oo aan u maleyneyno inay u wanaagsan tahay caafimaadka dadka. Waxaan ka baryaynaa Ilaaha Qaadirka ah inuu aqbalo ducooyinka oo aan ka badbaadino bini-aadamka masiibada ku habsatay adduunka oo dhan, ”ayuu yidhi Al Sheikh. Iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo taxaddarrada ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka iyo mas’uuliyiinta ay khusayso, shan illaa lix qof oo ka tirsan qoyska qofka dhintay ayaa ah inay ka qeyb galaan salaadaha janaasada iyo aaska kuwa dhinta, ayuu yidhi Al Sheekh. Al Sheikh wuxuu caddeeyay in salaadda janaasada ayna ka weyneyn salaadaha waajibka ah, sidaa darteed ay suurta gal tahay in si gooni gooni ah loo tukado, maadaama ay ka muhiimsan tahay in ayna jirin dad tiro badan oo isku meel isugu imaanaya, halkaasoo ay suurta gal tahay in lagu faafiyo cudurka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Kulan maanta dhex maray guddida ka hortaga Covid-19 ee gobolka Maroodijeex iyo iskaashatada basaska caasimada Hargeysa, ayaa layskula meel dhigay in aan la kordhin qiimaha lagu raaco basaska iyada oo la dhimayo tirada rakaabka raaca. “Sida lagu taliyey oo ah shan iyo tobanka qof ee gaadiidka loo qorsheeyay in aanu qaadano, inaga oo dadkeeni u daneynayna maanta waxaa aanu go’aansaney anaga iyo guddidi fulintu in aanan bisha waxba lagu kordhinin maada wakhtigu adag yahay, waxaanu go’aansanay in gaadiidka aan waxba lagu kordhin ee rakaabka sidaasi lagu qaado”Ayuu yidhi mid ka mida guddida iskaashatada basasku. Dhankiisa duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa sheegay in aan wax kharasha lagu kordhin karin rakaabka raaca basaska, cidii u hogaansimi weydana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan “In go’aankii guddidu soo saartay aanu fulino oo noqoneysa basaska waa weyn iyo kuwa yar yar oo noqoneysa in aan lacagna lagu darin sidiina lagu shaqeeyo, iskaashatadu waxaa ay ka masuul tahay, inay iyaguna soo sheegaan dawlada hoose bileyska gobolka dhammaan hay’add kasta oo nabad geliyana waxaa ay ka shaqeyn doonta in la ganaaxo cidii go’aanka ag marta” Source
-
Haddii uu mar joogay Wuhan-ta Shiinaha oo aad u haysatay Xannuun dadyowga aan muslimka aheyn oo kaliya ku dhaca. Haddii uu Talyaaniga yimid oo innagoo daaweynaya ay dadkii tartab-tarab u soo dhaceen. Haddii aynu u soo joognay Maraykankii awooda is-bidayey xal iyo maarre u waayey xannuunka ku laxaadsaday. Maanta gurigaagii ayuu dalkaagii ayuu soo gaadhay Fayraska Corona (COVID-19) innagoo ka hooseysa dalalkaas adeegyada caafimaadka iyo dhaqaalahaba. Xannuunkani shan Bilood ayuu ku asiibay 1,926,235 qof oo daafaha caalamka ku kala nool, waxa u dhintay illaa imika 119.724 ruux. Waxase EEBE ka kiciyey 452,367 oo qof. Fayraska Corona wuxuu koobsaday dhammaan hababka ay ku fidaan xanuunnadii hore ee caalamka soo maray. Cudurkan dilaaga ah Ayaan loo helin dawo iyo tallaal lagula tacaalo midna, waxase dawadiisa kaliyi noqotay ka hortag iyo inaad ALLE la kaashato tilmaamaha iyo farriimaha mucayinka ah ee Hay’adda WHO ay dejisay in la adeegsado, taasi oo ay ugu horreyso ilaalinta nafaafadda guud, faro-xalka iyo in la isku jirsado masaafo laba mitir ah, in la mamnuuco salaanta gacan qaadka ah iyo goobaha dadka badani iskugu yimaado oo noqday marinka xannuunkani ku faafo. Qaaradda Afrika wuu soo galay Coronavirus, iyadoo cabsi weyn laga qabo inuu xiddeysto oo uu uga faa’iidaysto wacyiga bulshada ee hooseeya iyo dhaqaalahooda oo liita.waxa la caddeeyey 15,300 oo kiis in laga helay Afrika. Waxaa u dhintay xannuunkaas 835 qof. Dalalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Itoobiya ayuu iyagana hagardaamaynayaa xannuunkani. Waxa lagama maarmaan ah in Dhacdooyinkaasi aynu feejignaan iyo taxadar inoo kordhiyaan oo aynu qof iyo qoysba wax ka beddelno dhaqankeenii nololeed ee ku dhisnaa ‘Gacal isma Cidhiidhyo’ ee beri samaadkii xannuunkan ka hor. Waxa innala gudboon in qof kastaaba maanka ku hayo in cidda uu sadhaynayaa ay tahay ubadkiisa, walaaladii, xaaskiisa iyo inta uu jecel yahay oo dhan isla markaana uu bulshada sidaas ku sii gaadho fayraskan dilaaga ahi. Nasiib wanaag, waxa Somaliland heshay laabka lagu shaybaadho xannuunkan oo laga baaqsan doono in dheecaannadii dadka laga qaado ee loo diri jiray dalka dibadiisa, waxaanu laabkani maalintii baadhi karaa afartan qof. Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga helay fayraska Corona shan qof. Sidaas darteed, waxa Guddida heer qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID-19 ay soo saareen awaamiir kala duwan oo qayb ka ah qorshaha la doonayo in lagu xakameeyo fiditaanka xannuunkan, taasi oo u baahan in loo hoggaansamo tallaabooyinka ka fursan waagga ah. Waxaanay guddidu sheegtay in ciddii dhaqangelin wayda go’aamadaas ay mutaysan doonaan ganaax iyo xadhig. Ugu dambeyn, muwaadin waxa la gaadhay xiligii aad dhab u waajihi laheyd inaad naftaada iyo qoyskaaga ka badbaadiso xannuunkan adigoo ALLE tallo saaranaya, Xukuumaddana waxa la gudboon inay meelmariso go’aamadan ay soo saartay si ilaaliyo badqabka bulshada. W/Q Cumar Maxamed Faarax cumarmfaarax@hotmail.com Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa isku-shaandheyn iyo dib u habeyn ku sameeyey Agaasime Waaxeedyada wasaaradaasi, si loo dardar geliyo howlaha shaqo ee wasaaradaasi. Isku shaan-dheynta View the full article
-
Jowhar (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Caawa Salaada Cisho wixi ka dambeeya degaannada Hirshabeelle uu ka dhaqan gali doono Bandow socon doona illaa Salaadda Subax, kaas oo looga golleeyahay ka hortaga Cudurka Covid19. Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu ugu baaqay inay dhaqan galiyaan amarrada lagu soo rogay degaannada Hirshabeelle Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta 2 da Gobal ugu baaqay inay ka qey qaataan la dagaallanka qaadka oo si qarsoodi ah loosoo galiyo qeybo ka mid ah Hirshabeelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-140420.mp3 View the full article
-
Maamulka warbaahinta Goobjoog ayaa waxasaxaafadeed waxa uu ka soo saaray xariggii maanta magaalada Muqdisho loogu geystay wariye Cabdicasiis Gurbiye oo lagu xiray saldhigga degmada Hodan ee gobalka Banaadir iyaga oo xarigga wariyaha cambaareeyay. Ciidamo booliiska gobolka Banaadir ayaa subaxnimadii saaka xabsiga dhigay Tafatiraha Goobjoog News Cabdi casiis Axmed Gurbiye. Ma jirto war ka soo baxay ilaa iyo hada Dowladda Federaalka ee la xiriirta xariga Wariyaha , lama oga sababaha xarigiisa. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeed Ku Saabsan Xariggii Sharcidarrada Ah Ee Weriye Cabdicasiis Axmad Gurbiye Maamulka Warbaahinta Goobjoog wuxuu la wadaagayaa dadweynaha Soomaaliyeed xariga sharcidarrada ah ee lagula kacay Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Weriye Cabdicasiis Axmad Gurbiye una dhacay sida soo socota: Hoggaanka Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa la soo xiriiray Maamulka Warbaahinta Goobjoog xilli habeennimo si loo soo gaarsiiyo dacwad ka dhan ah weriyaha xorriyadda laga qaaday Mudane Cabdicasiis Gurbiye isla markaasna ku amray in xilligaas habbeennimo aynu tagno Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. 2 Iyadoo hannaanka sharci ee u yaalla Dalka uusan ogolaaneyn in wixii ka dambeeya 06:00 fiidnimo – sida ku cad Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed – aanan qof la gaarsiin karin AMAR la xiriira xorriyad ka qaadis; haddana Maamulka Warbaahinta Goobjoog, iyaga oo kalsooni ku qaba in hawlaheeda warbaahin ay u fuliso si aan ka soo horjeedin shuruucda Dalka, ayey u hoggaansantay farriintii la soo gaarsiiyey, waxaana durbadiiba Maamulka Warbaahinta Goobjoog iyo Tafaftire Cabdicasiis Gurbiye u dhaqaaqeen xilligaas iney ka soo garnaqsadaan cidda dacwadda u heysata. Waqti yar kaddib, Taliskii Booliska ayaa mar kale ina soo gaarsiiyey farriin kale oo nuxurkeedu ahaa inaan subaxa hore ee taariikhdu tahay 14ka Abriil aan tagno Saldhigga Booliska Hodan. Subaxdii 14ka bisha Abriil, Maamulka Goobjoog iyo Tifaftire Cabdicasiis Gurbiye waxa ay tageen Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. Mudo saacado ahna waxa ay ku xayirnaayeen xafiiska Saldhiga Booliska Hodan, iyaga oo aan la kulmin ciddii dacwada ka soo gudbisay. Markaas mudo yar kadib, waxaa Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Mudane Cabdicasiis Gurbiye lagu wargeliyey in uu u xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isla markiiba waxaa si sharci daro ah xorriyadiisii looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye. HADABA, Warbaahinta Goobjoog waxa ay si adag u cambaareyneysaa dhagarta loo dhigay weriye Cabdicasiis Gurbiye si looga qaado xorriyadiisa iyadoo aanan loo soo marin hannaankii sharci ee u degsanaa xorriyad ka qaadista iyo dacwad oogista ka soo horjeeda qofka insaanka ah, gaar ahaan muwaadinka Soomaaliyeed. 6. Warbaahinta Goobjoog waxa ay sidoo kale u cambaareyneysaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud oo soo maleegay dhagarta xorriyadda looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye, xafiiskaas oo awoodiisii u adeegsaday si ku takrifal ah oo hareermarsan Sharciga Dalka, isaga oo ugu adeegaya dano gaar ah. Warbaahinta Goobjoog waxa ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay tahay sharci daro hareermarsan dhammaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka uu leeyahay. Warbaahinta Goobjoog wax ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay qayb ka tahay olole qorsheysan oo lagu caburinayo warbaahinta dalka iyo guud ahaan xorriyada hadalka iyo afkaarta. Sidaa daraaddeed, waxa ay Goobjoog ugu baaqeysaa Taliska Booliska Soomaaliyeed in Weriye Cabdicasiis uu dib u helo xorriyadiisa, si degdeg ahna looga sii daayo xabsiga. = Gunaanad = Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Saacadihii u dambeeyay waxa baraha bulshadu aad u wareegayay warar sheegaya in Dad qaba cudurka Coronavirus oo ku nool magaalada Hargeysa ay ka baxsadeen Wasaaradii gacanta ku haysay. Arrintaasi oo ah mid halisteeda leh oo saameyn weyn ku yeelan karta Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa ayaa wax ka weydiinay inay jirto Wasaarada Caafimaadka Somaliland. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa noo xaqiijiyey inaysan jirin Dad baxsad ka ah gacantooda, kadib markii laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus. Dr Xergeeye ayaa sheegay inay jiraan Dad xaaladooda caafimaad ay soo reysatay oo ay usoo jeediyeen inay isku daryeelaan Guryahooda, isla markaana ay xaaladooda caafimaad la socoto wasaaradoodu. “Dadkani waa Dad uu hore ugu dhacay oo uu ka sii baxayo, Wax Calaamad ahna malaha. Waanu la soconaa oo waanu la xidhiidhnaa, waxaanuna u sheegnay inay Guryahooda isku daryeelaan, markaa ma baxsan karaan” ayuu yiri Agaasime Xergeeye. Wuxuuna intaas sii raaciyey Agaasimuhu “Dad baxsan karaya maaha, waxna kama jiraan Inay baxsadeen”. Xukuumada Somaliland ayaa laga deyrinaya qaabka ay uga hortageyso cudurkan halista ah inuu ku faafo deegaanadeeda, maadama ay weli wax go’aan ka soo saarin qaad badan oo si maalin leh ah usoo gala deegaanadeeda, iyada oo ay furan-tahayna xuduuda ay la wadaagto Itoobiya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qalab la sheegay inuu madaxweyne Farmaajo qaatay iyo xariga weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan warbahainta Goobjoog. Weriye Gurbiye ayaa la xiray maanta, mana cadda ilaa iyo hada sababta xarigiisa ka dambeysa, hase yeeshee shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini! Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo arrintan ka hadlay ayaa yiri: “Madaxtooyada kuma ogayn In ay tahay meel bukaanada la seexiyo, haddii aan umadda xog-jirta oo kale laga qarinayn!. Fal-ciqaabeed kama ratibmayo haddii la sheego qalabka neef siinta oo madaxweyne Farmaajo nafjecleysi uga qaatay isbitaal Martiini oo dadku ay u la’anayaan qalabkaas la’aantiis.” Fiqi oo u muuqda inuu si gaar ah usii xaqiijinayo eedeymaha ka dhanka ah madaxweynaha ayaa yiri “Cid kasta oo Martiini joogta ayaa kuu sheegaysa In qalabkaas xafiiska madaxweynuhu uu halkaas ka qaatay loona heystay in la soo celin doono laakin ay cadaatay inaan la soo celinayn ka dib markii nin Mas’uul ahi uu ugu dhintay halkaas ventilator la’aan!” “Waxaa nasiibdarro weyn ah In aan madaxweynuhu ka damqayn muwaadiniinta u dhimanaysa baahi ay u qabaan qalabka agtiisa yaalla laakin uu ka damqayo war xaqiiq ah oo uu wariye qoray! Fadlan xoriyadiisa dib ugu soo celi wariyaha waad ka gardaran tihiine! Ventilatorkana isna hala soo fasaxo baahi uma qabtiine?!!” Dhinaca kale, xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri “Wariye Cabdicasiis Xorriyadiisa si degdeg ah ha loogu soo celiyo, Madaxweyne Farmaajona mashiinka ha soo celiyo!” Mahad Salaad ayaa intaas ku daray in amarka lagu xiray wariyaha “ay bixisay Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii shalay wariye Cabdicasiis qoray in Madaxweyne Farmaajo qaatay mashiin loogu deeqay dadka qaba cudurka Covid-19 ee ku karantiilan Isbitaal Martiini.” Mahad Salaad ayaa intaas ku daray “Shalay ayaa waxaa tagay Isbitaal Martiini mas’uuliyiin ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna gaba-gabeeyeen shaqaalaha Isbitaal Martiini, waxaana la waydiiyay su’aalo la xiriira cida sheegtay mashiinkaan in Isbitaalka laga qaaday Madaxtooyadana la geeyay.” “Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya in Cabdicasiis xorriyadiisa si degdeg ah loogu soo celiyo. Aanan lagu xadgudbin xorriyada hadalka iyo xuquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku shaqeeya daruufo aad u adag. Sidoo kale waxaan kula talinaynaa Madaxweynaha hadii uusan rabin in wax laga sheego in uu si degdeg ah ku soo celiyo mashiinka laga qaaday Isbitaal Martiini ee Madaxtooyada la geeyay. Sababtoo ah baahida cabsi ee Madaxtooyada kajirta mid ka daran oo waliba dhab ah ayaa kajirta Isbitaalada Mogadishu. Waana sababta dad mas’uuliyiin ah ugu geeriyoodeen Isbitaal Martiini baahi loo qabo mashiinkaan daraadeed,” ayuu yiri Mahad Salaad.
-
Hargeisa (PP News Desk) — In a press conference to brief media representatives in Hargeysa, the Somaliland Minister for Information Suleyman Yusuf Ali (Koore) explained why importation of Khat from Ethiopia continues. “Our police force can only focus on Covid-19 preventive measures. They cannot patrol the long border between Somaliland and Ethiopia” the Minister said. Suleyman Y. A.Koore: Somaliland Police Force cannot patrol the long border Somaliland shares with Ethiopia Mr Ali said that the Somaliland Government had taken into consideration past policies to ban Khat during 1950s before the former Somaliland Protectorate gained independence from Britain, and in 1983, when the former military regime banned Khat throughout Somalia. The Minister’s historical references subtly implied lack of resources to combat people who would venture into Khat smuggling had Somaliland Government temporarily or permanently banned Khat imported from Ethiopia. The Minister said that Somaliland Government had diverted resources to the fight against Covid-19 in Somaliland. Puntland Post, 2020 The post Somaliland Government admits “inability” to stop Khat imported from Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
KISMAYO (HOL) - Two COVID-19 cases have been confirmed in Jubbaland bringing the nationally tally to 62, the state COVID19 Response Committee has said. Source: Hiiraan Online
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns the arrest and continued detention of journalist Abdiasis Ahmed Gurbiye, who is the Deputy Director of Goobjoog Media Group. According to fellow journalists, Gurbiye has been arrested today, 14 April 2020, after receiving a call from a police officer who wanted the journalist to go to Hodan district police station for interrogation. After arriving at the police station, the journalist was informed that he is under arrest and was thrown to the detention cell. NUSOJ was able to speak to the Attorney General’s Office (AGO) which corroborated that they instigated and lodged a criminal complaint against Gurbiye and in this morning obtained from Benadir Regional Court a warrant of arrest for the journalist to be investigated over accusations of “defamation” and “false” information on his Facebook account. Prosecutors at the AGO are accusing the journalist under Somalia’s Penal Code. “We are very concerned by the arrest of journalist Abdiasis Ahmed Gurbiye. Detaining and prosecuting a journalist or a dissident for exercising his right to free expression under the old and outdated criminal law is very deplorable act. Criminalisation of freedom of expression is totally unacceptable, remains incompatible with the constitution of Somalia and needs to stop it forward with.” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. A key factor constraining freedom of expression in Somalia has been the routine criminal trials brought against those exercising their right to freedom of expression as several provisions in Somalia’s penal code criminalise speech/expression and go beyond the restrictions that are permitted under international law have been used against journalists or those voicing critical opinions. “Several sections of the Penal Code criminalise legitimate forms of expression and are in urgent need of reform. This is the very reason that we are totally against the media bill to be signed into law as it will further legalise the criminal prosecution of journalists” added Osman. Given the criminal nature of this case and the fact that archaic legal provisions used are incompatible with the constitution of Somalia, NUSOJ urges the Attorney General’s Office to drop the criminal; case against Abdiasis Ahmed Gurbiye and appeals to the regional court to order his immediate and unconditional release. “Such incidents that concern journalists and free expression can only be civilian cases in line with the constitution of the country” asserted Osman. The union strongly believes that defamation is not a criminal case but civil matter, and the draconian and archaic laws which criminalise defamation and dissenting views need to be amended swiftly if Somalia is to meaningfully protect the right to freedom of expression. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markale ka hadashay sababta aysan Qaadka/Jaadka uga joojineyn deegaanadeeda, xili uu cudurka Coronavirus ku faafayo gudaha deegaanadeeda, iyada oo uu ka imanayo dalka Itoobiya oo uu ku faafay cudurkaasi. Somaliland ayaa sheegtay inaysan gebi ahaanba awoodin joojinta Qaadka uga yimaada dalka Itoobiya, oo aysan waqtigan haynin xukuumada Muuse Biixi awoodii lagu hor istaagi lahaa inuu Qaadkaasi soo galo Somaliland. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa si cad u sheegay arrinkaasi, isagoona bulshada ka dalbaday inay sameeyaan Ciidamo si mutadawacnimo ah ku shaqeynaya oo joojiya Qaadkaasi. “Qaadku wuxuu u baahan yahay Ciidan voluntary ah oo joojiya, oo umadda reer Somaliland iska hesho gobol iyo tuulaba. Ciidanka bileyska ee aan haysano iyo gaadiidka aan haysanaba ma gudaha ayuu ka ilaaliya xanuunka mise Qaadka ayaanu kula dagaalna” ayuu yiri Wasiir Koore Somaliland ayaa hore u sheegtay inaysan Qaadka u joojineyn, maadama oo ay dad badan ku tiirsan-yihiin ka ganacsiga qaadka, isla markaana aysan u hayn dhaqaalo ay dadkaasi ku maareyso xukuumada Muuse Biixi. Xukuumada Biixi ayaa u muuqata mid aan weli si dhab ah u dareensaneyn in cudurkan dunida ku faafay uu la dagaalankiisu uu yahay ka hortaga kaliya iyo in la xakameeyo inuu bulshada ku dhex faafo, maadama ay kamid tahay Soomaaliya dalalka ugu liita adeega caafimaad.
-
The United Arab Emirates (UAE) has sent a cargo plane carrying medical equipment to the Somali federal government. The plane, which was carrying medical equipment to combat the COVID-19 disease arrived at the Aden Adde International Airport in Mogadishu. Officials from Somalia’s Ministry of Health and Social Services received the aid. The medical aid includes 7 tonnes of medicines and kits from the UAE and 20 tonnes from the World Health Organisation for Somalia’s federal government. The UAE recently sent medical equipment to combat Coronavirus to the Somalia regions of Puntland and Somaliland. The UAE and Somalia have had strained bilateral relations since the beginning of 2018 when Mogadishu seized a plane carrying $10m in cash. The UAE said the money was meant to pay the salaries of Somali security forces it was training and stopped all its operations in Mogadishu. View the full article
-
A roadside bomb explosion has injured several people in the Somali capital this morning. The blast reportedly targeted a Somali National Army vehicle passing at Jamhuriya road in Kaaraan district but exploded after the vehicle passed. Several people who were on board rickshaws on the road were reportedly injured and some rickshaws destroyed by the blast. No group has claimed responsibility for the explosion but the Al-Qaeda-linked group, Al-Shabaab, regularly targets Somali security forces in Mogadishu and other areas in the country. View the full article
-
Madaxweyne dadkiisa u sheegay inaan qofna ugu dhiman doonin cudurka coronavirus dalkiisa Madaxweynaha dalka Belarus oo jaar la ah dalka Ruushka Alexander Lukasjenko ayaa u xaqiijiyay shacabkiisa inaan qofna ugu dhiman doonin cudurka coronavirus dalkiisa, balse shacabka ayaa ballanqaadkiisaas ku tilmaamay mid “la iska yidhi”. Cudurka corona oo in ka badan 119.000 oo ruux ilaa iyo iminka ku dilay caalmka ayaa dalka Belarusna gaadhay, laakiin wali lama soo sheegin ruux u dhintay. Madaxweyne Alexader ayaa sheegay in ay hayaan dawo looga hortagayo cudurkaasi ka hor inta uusanba dhimasho keenin. ” – Qof u dhimaneysa coronavirus dalkeena ma jirto. Taas waan xaqiijinayaa. Waxaan haynaa dawooyin la isku darayo oo looga hortagyo cudurkaasi inta uusan dhimasho keenin”, ayuu yidhi madaxweyne Alexander. Wasaaradda caafimaadka dalkaasi ayaa horay u sheegtay in 2919-ruux laga helay cudurka coronavirus, ayna u dhinteen 29 ruux. Madaxweynaha ayaa dhimashadaasi beeniyay, waxaana uu sheegay in dadkaasi ay u dhinteen xanuunno kale oo haayay, sida wadno-xanuun iyo macaan. Qaran News
-
Popular Contributors
