Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online)-Khilaafkii maalmahaan ka dhex taagnaa madaxda maamulka Hir-Shabeelle ayaa gaaray in caawa magaalada Jowhar lagu qabto mooshino iska soo horjeeda. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in 54-xildhibaan uu ka qabtay mooshin la rabo in xilka looga qaado Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare, oo khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Xuseen ayaa isla caawa Jowhar ka sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 63-xildhibaan, kaas oo la doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre. Waxaa maalmihii dambe cirka isku sii shareerayey khilaafka siyaasadeed oo soo kala dhex galay madaxda maamulka Hir-Shabeelle. Khilaafka ayaa xoogiisu waxa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo isku dhinac ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre, waxayna ku wada sugan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta maamulka.
  2. Agaasimaha Cusub Maxamed Xuseen La-xabaal Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreeto uu maanta oo Axad ah soo saaray xilkii kaga qaaday Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland Maxamuud Axmed Saalax Caato. Dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka lagu magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (La-xabaal). Maxamuud Axmed Saalax Caato ayaa xilkaasi hayay mudda sannad iyo sagaal bilood ah kadib markii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu 28-dii June 2018 u magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa wakhtigaas xilka ka qaaday Xassan Shire Abgaal oo mudda dheer ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Puntland balse 28-dii June 2018 loo wareejiyay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  3. Garowe (Caasimada Online)-Guddiga ka hor tagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee deegaanada maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyay kiisas cusub oo gudaha Puntland laga diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Warbixinta guddiga oo goor dhaw soo baxday ayaa lagu sheegay in cudurka Coronavirus maanta laga helay afar qof, oo ka mid ahaa 10-qof oo baaritaan la marsiiyey. Seddax kamid ah afartaas qof ee cudurka laga helay waa rag, halka qofka kalena uu yahay dumar, mana jiraan wax dhimasho ama bogsasho ah oo guddigan uu maanta diiwaan geliyey. Sidoo kale warbixinta guddiga waxaa lagu sheegay in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Puntland ay gaartay 10 xaaladood, isla markaana aysan jirin cid u geeriyootay xanuunka iyo cid ka bogsatay toona. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa galabta shaacisay in 46-kiis la diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sidoo kale shan qof ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda inay u geeriyootay cudurkaas. Tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunka Corona ayaa gaartay 436-kiis, halka ay dhimashaduna gaartay 23 qof, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Lama oga in kiisaska cusub ee Puntland ay caawa shaacisay ay qeyb ka yihiin kuwii ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federal, maadaama aan warbixinta lagu xusin halka ay kala joogaan dadkaas.
  4. Garowe (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay afar kiis cusub oo ah fayruska safmareenka ah ee Corona. Bukaanada cusub ayaa kamid ahaa tobban qof oo maanta laga baarey caabuqa dilaaga ah, sidda lagu sheegay warbixinta guddiga. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in illaa iyo haatan aysan jirin cid u dhimatay caabuqa ama kasoo caafimaadey fayruska. Sikastaba ha ahaatee, shaacinta kiisaska cusub ayaa ka dhigan wadarta xaalada xanuunka ee Puntland ay tahay tobban. Warbixinta oo kooban View the full article
  5. Guddiga Xukuumadda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ayaa caawa shaaciyay in maanta oo keliya gudaha Puntland laga helay 4 bukaan oo qaba cudurka Coronavirus. Guddiga ayaa sheegay in maanta oo Axad ah xanuunka laga baaray 10 bukaan oo looga shakiyay COVID-19 balse laga helay 4 qof oo keliya inkastoo aysan xusin magaalooyinka ay ku kala sugan yihiin. Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in 10 bukaan ee cudurka laga baaray 7 ay rag ahaayeen halka 3-da kalena ay dumar ahaayeen. Sidoo kale guddigu waxay sheegeen in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Puntland ay gaartay 10 ruux islamarkaana aysan jirin cid u geeriyootay xanuunka iyo cid ka bogsatay midna. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha dowlada goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa maanta magacaabay labo wasiir oo cusub kuwaas oo ku biirayo wasiiradii dhowaan uu madaxweynaha magacaabay, madaxweynaha ayaana magacaabay wasiirrada Qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha Galmudug iyo wasiirka xanaanada Xoolaha Qoraal kooban ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri. “Markuu arkay: qodobka 50aad, farqadiisa 4aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug; Markuu tixgeliyay: baahida looqabo magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug; Markuu Garowsaday: Hawlaha baaxadda leh ee shacabka Galmudug ka sugayaan xukuumadda cusub; Markuu la tashaday : Madaxweyne ku- xigeenka Galmudug. Wuxuu xeeriyay magacaabidda laba wasaaradood oo ka dhinaa Golaha wasiirrada Galmudug oo kala ah:- 1) Cabdinaasir Geelle Elmi, wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 2) Maxamed Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-Shabelle-260420.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan caawa ka heleyno xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in lagu qaaday weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal. Dad ka ag dhow Xalane ayaa sheegay inay maqleen jugta dhowr gantaal oo qoriga hoobiyaha ah, kuwaas oo lagu tuuray xerada UN-ka ee Xalane oo ku taalla degmada Wadajir. Al-Shabaab oo weerarrada nuucaan ah marar badan ku qaaday xaruntaas weli wax war ah oo ku aadan weerarkan kama soo bixin. Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood lagu qaaday xarunta Xalane, barqanimadii saakay ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal lagu garaacay xaruntan oo si aad ah loo ilaaliyo ammaankeeda. Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay gudaha xaruntaas saakay, sida ilo deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxayna qaar ka mid ah hoobiyeyaashaas ku dhaceen xaafado ka agdhow xerada Xalane oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo xero lagu xareeyo Geella oo ku taalla xaafadaha ku teedsan Xalane ayey haleeleen qaar kamid ah madaafiicdii saakay lagu garaacay xaruntaas. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ururka Al-Shababaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii saakay, waxayna qoraal ay soo saareen ku sheegeen in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane. Al-Shabaab ayaa dhaw mar weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday xarunta Xalane oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howgala dalka, isla markaana ay ammaankeeda sugaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo si weyn u ilaaliya xaruntaas.
  9. Muqdisho (SMN) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saartay war-Saxaafadeed ay uga hadleyso xaaladda dalka gaar ahaan falalkii ugu dambeeyey ee ka dhashay bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa maqribnimadii hore ee caawa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ku toogtay laba nin oo hubeysnaa, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Inta aysan ciidamadu toogan labadaas nin, ayaa waxaa la sheegay inay dileen nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Gaab. Sidoo kale kooxdan ayaa la aaminsanyahay inay fuliyeen dilal isla degmadaas Dharkenley loogu geystay ganacsade kale oo lagu bagacaabi jiray Axmad Dheere iyo sidoo kale wiil Dhakhtar ahaa oo caan ka ahaa degmada Dharkenley. Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin dhacdadaas. Shaqaaqadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo bandow habeenkii ah uu saaranyahay magaalada Muqdisho. Toddobaadyadii dhowaa, kooxaha dilalka ka gaysta magaalada Muqdisho ee Al-Shabaab ayaa sii yaraanayey, waxaana kuwooda ku guuleysta inay dilal fuliyaan dhacday marar badan in ayagana la dilo ama la qabto
  11. Ciidamada ammanka dowlad goboleedka Puntland oo howlgal ay ka sameeyey gobolka Nugaal ayaa gacanta ku soo dhigay xirmooyin Qaad ah kaas oo si sharci darro ah Lagu soo galiyey deegaannada Puntland ka dib joojintii lagu sameeyey keenistiisa iyo in dadku ka ganacsadaan , ciidamada ayaa Qaadka keenay kuna gubay saldhigga magaalada caasimadda ah ee Garowe. Taliyaha Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo uu weheliyo taliyaha qaybta booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, oo ku sugnaa goobta xirmooyinkaas Qaadka ah lagu soo bandhigayey ayaa la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in dagaal adag lagula jiro Qaadka lana soo qabayo. Taliye Muxiyadiin ayaa sidoo kale waxaa uu digniin u diray dadka ku howlan keentaanka kuna bixinaayo lacagaha waxaana uu xusay in la garanayo ciidamaduna ay ku raad joogaan waxaana marka kale uu ugu digay in ay fara kala baxaan arrintaan ay ku howlan yihiin, isaga oo intaas ka dib amar ku bixiyey in ciidamada amniga dadkaas ay soo qabtaan “Dagaal adag ayaa lala galayaa meel weliba waa laga joojiyey jirro ayuu wataa waa la joojiyey kuwa tuulooyinka taga kuwa degmooyinka taga iyo kuwa xeebaha taga kuli waa la qabanayaa, dadka Qaadka ka shaqeeya qof qof ayaa loo yaqaan waxaan amrayaa caawa meel kasta ay joogaan in la soo qabto haddii uu tuulo ama magaalo geeyo, haddii uu magaaladaan keeno iyo kuwa maago madaxyada geeya waa la yaqaan dhammaan iyaga in lasoo qabto” ayuu yiri. Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa u mahadceliyay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku soo dhigay xirmooyinkaas Qaadka ah waxaana taliyaha dhanka kale uu fariin adag u diiray dadka keena Khamriga kana ganacsada waxaana uu yiri isaga oo arrintaas ka hadlayo. “Waxaa kale oo dambiilayaal ah oo la soo qabanayaa dhammaan cidda Khamriga ka shaqeysa waan uga digeynaa cid kasta oo Khamriga ka shaqeysa oo la yaqaan waa la soo qabanayaa ma loo raadinaayo mahayaa mise maya waa la yaqaan inuu ka shaqeeyo waxaa uu ka shaqeeyo qof weliba waa la yaqaan waa la soo qabanayaa lagana yeeli maayo” Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa dhanka kale fariin adag waxaa uu u diray ciidamada iyaga oo shaqada ku jirin hubka ku dhex wata magaalada iyo askarta aan labiska aan wadan ee iyaguna hubka maqaayadaha lafadhiyo waxaana uu amar ku bixiyey in dhammaan la soo xiro dadkaasi. ” Waxaan kale ee uga digayaa halkaan dadka dharka cad iyo Hubka isku wata iyo dadka aan shaqada ku jirin oo tuutaha iyo qoryaha isku wata oo marfishyada fadhiya oo qayilaya Qaadku waa mamnuuc waa la qabanayaa cidii aan ku aragno ciidamada ciddii la dagaalanto waan la dagaalamaynaa ma la ogolaanayo Qaad xaaraan ah inta banaanka aad la fariisatid marfish oo qori aad ku difaacdid cidna kaama yeelayso cad kasta ciidamada istaafyada cid kasta ha ahaatee waan uga digeynaa” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliiska Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse. Ugu dambeyn hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo ciidamada ammaanka Puntland dhopwr jeer sidaan oo kale ay qabteen Qaad oo la gubay ka dib markii amar ka soo baxay madaxweyne Deni lagu joojeyey keenista iyo ka ganacsigiisa deegaannada dowlad gobaleedka Puntland sababo la xariira cabsi laga qabo faafitaan xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Labada mas’uul ee la magacaabay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo, ayaa dikreeto uu soo saaray xilka ka qaaday Guddoomiyihii ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alla iyo Guddoomiye kuxigeenkii Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow. Madaxweyne Farmaajo ayaa Axmed Xasan Iimaan u magacaabay Guddoomiye ku Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud. “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.” Ayaa lagu yiri dikreetada. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen in uu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan hawlaha horyaalla. Dikteerada ayaa lagu xusay in la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020 PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xilka laba kamid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  13. Guddiga ka hortagga COVID-19 ee dowladda Federaalka Soomaaliya , ayaa xaqiijiyay in 5 oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 46 xaalada cusub oo 33 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 13 qof oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay inay soo kordheen xaaladaha Cusub ee Cudurka, isla markaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay Wasaaradda diiwaan-gelisay 46 Ruux oo qaba Cudurka. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 436 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 23 ruux. Dowladda oo qaatay tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19. PUNTLAND POST The post Kiisaska Xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya oo gaartay 436 bukaan appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-26042020.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaaday guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa Mahad-Alle ku beddelay oo inuu xilkan qabto u magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye Madaxweynaha ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Aadan Sheekh Cali Fiidoow oo ahaa ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud, waxaana xilka loo dhiibay Mudane Cumar Cali Cabdi. “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir ku-xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada. Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye ku-xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud. “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.” Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla, “Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya. View the full article
  17. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay korarka kiisas cusub oo ku aadan xanuunka Coronavirus ka dib markii bukaano hor leh baaritaanno lagu sameeyey waxaana la helay 46 ruux waxaana ku jira 5 ruux laga diiwaan gelayey Puntland halka 41 tahay gobolka Banaadir. Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lag sheegay baaritaankii maanta wasaaradda Caafimaadka ay samaysay la helay 46 ruux oo oo la ogaaday in jirkooda uu jiro Varuska, waxaana ay tirada guud ka dhigeysaa 436 , waxaa sidoo kale jiray dhimashada 5 kiis waxaana ay buuxinaysaa tirada ugu dhimatay xanuunka dalka in ay tahay 23 qof Natiijada ayaana u qorneyd sidaan. Xaalada cusub 24-kii saacadood ee u dambeeyey ayaa ah 46:  Gobolka Banadir: 41  Puntland: 5 > Lab: 33 > Dhedig: 13 > Bogsasho: 0 > Dhimasho: 5 > Tirada Guud: 436 > Dhimashada Guud: 23 Bogsashada Guud: 10 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoonsan ayaa nin ka ganacsada Sigaarka ku dishay xaafada Kaawa Godey ee degmada Dharkenley gaar ahaan nawaaxiga maqaayada Walaalaha. Illo wareedyo degaanka ah oo u waramay Raadiyaha Shabelle ayaa marxuumka magaciisa kusoo koobay Aboorey. Dableyda oo tiradooda saddex ayaa laba kamid ah waxaa toogtay ciidamadda ammaanka, halka midka kale uu ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen, sidda ay ku warameen goobjoogeyaal. Saraakiisha nabad-gelyadda degmada ayaa nan wali fahfaahin buuxda ka bixin dilka oo dhacay abaare Maqribkii. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas oo qeyb ka ah kuwa liddiga ku ah xasiloonida. Tan iyo markii uu bilowday Soonka, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal noocaan ah oo qeybtooda ay sheegatay xarakada Al-Shabaab, sidda ay baahiyeen baraha internet-ka ee wararkooda faafiya. View the full article
  19. Tira Hoobiyaal ah ayaa maanta ku dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir oo daris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cade iyo xerada ciidamada Amisom ee Xalane. Madaafiicda ayaa ku dhacday guryo ay daganaayeen dad rayid ah iyo mee lagu xanaaneyey Geel oo ka tirsan degmada wadajir gaar ahaan xaafada Tarabuush, oo kaa biga ku hayso xarunta tabarka ciidamada General Dhagabadan, waxaana jira khasaare dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyadeed isugu jiro. Inta la aqiijiyey hal qof ayaa geeriyooday halka shan kale uu soo gaaray dhaawacyo kuwaas oo madaafiicda habowga ah ay ugu tagtay guryahoda sida uu Goobjoog News u sheegeen dad goobjoog ah iyo ehelada dadkii ay wax soo gaareen” Hoobiyaha meel uu ka imaaday ma naqaano gabadha guriga ayey jiiftay ilmahana barsada ayey jiifeen kii guriga galay ayaa gabadha ku dhacay labada kale gadaal ayey uga dhaceen dhaawaceeda culeys waaye kuwo barsada ku jireen gabdho yar yar ahaayeen 14 jir ,13 17 jir iyo 18 jir gabadha guriga ugu dhacay wiilkayga ayaa qabay kuwa jiifayna gadaal ayey ka soo kaceen oo walashayda ayaa dhashay” Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa sheegay inuu jiro khaasare hantiyadeed kuwaas oo ka dhashay nadaafiicda habowga ahaa”Waxaa ahay dhalinta xaafada Tarabuush saakar abaaro 7:30 subaxnimo ayaa xaafada Hoobiyaal ku soo dhaceen dadka ay saamaayeen qofkaan dariskeenaa ayaa ku dhimatay meel dugsiyana wuu ku soo dhacay lakiin ma qarxinn oo ciidamada amniga ayaa ka qaaday, waxaa jro ku dhowaad 8 neef oo Geel ah oo dhaawac ah haddana waxaan ku sugan nahay xaafad dariska ah oo naloo sheegay in shan ruux ay wax ku noqdeen ” ayuu yiri Dhanka lae Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas iyaga oo qoraal ay ku soo dhigeen barhooda bulshada waxaa ay ku sheegay in tiro madaafiic ah ay ku weerareen xarunta ciimada Amisom Xalane, waxaana ay intaas ku dareen in khasaare kala duwan ay geesteen madaafiicda ay ku weerareen xirada Xalane waa sida ay hadalka u dhigeen. Majiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Amiso Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah oo ku aadan madaafiicda maanta ku dhacday agaaraha xerada Xalane kuwaas oo geystay khasaare soo gaaray dad shacab oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta maalinlaha leh ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay kordheen dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo kiisaska cusub ee dalka laga diiwaan geliyey, xiili ay u muuqato in faafitaanka cudurka ee dalka uu kasii darayo. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay 5 qof cudurka ugu geeriyoodeen gudaha dalka Soomaaliya, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 23. Fowzia ayaa sidoo kale shaacisay in 46 xaaladood oo cusub oo cudurka ah ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Shan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland, 41-ka kale waxay ku suganyihiin gobalka Banaadir. Dadkan cusub ee cudurka laga helay ayaa 33 kamid ah lab yihiin, halka 13 qofood oo ka mid ah bukaannada cusub ay yihiin haween ah. Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa hadda ah 436 qof. Warbixinta maanta laguma sheegin cid kasoo bogsatay cudurka, 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaana tirada bogsashada ay ilaa hadda taagan 10-kii qof ee horey loo shaaciyey. Soomaaliya ayaa hadda dalka labaad ee ugu kiisaska badan cudurka ee dalalka Bariga Afrika, marka laga yimaado dalka Jabuuti. Dhanka kale, Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale, ayaa sidoo kale xaqiijisay in lala soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo xalay dalka dib loogu soo celiyay.
  21. Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey 46 kiis cusub oo ah Coronavirus. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay bukaanada cusub ay 41 kamid ah laga helay gobolka Banaadir. Sidoo kale, waxay xustay in shan kamid ahna kiisaska cusub laga helay degaanadda maamul goboleedka Puntland. Intii ay shirka jaraa’id ku guda jirtay, Fowziya ayaa xustay in shan qof oo horleh u geeriyootay caabuqa safmareenka ah. “Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 46 qof. Lab: 33 Dhedig: 13 Bogsasho: 0 Dhimasho: 5 > Tirada Guud: 436 Dhimashada Guud: 23 Bogsashada Guud: 10,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda. Ugu dambeyntii, waxay daboolka ka qaadey in xaalada guud ee Covid-19 ee gudaha dalka ay gaareyso 436, iyo 10 ka caafimaadey. View the full article