-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu s inay gacanta ku dhigeen rag hubeysnaa islamarkaana qeyb ka ahaa dadkii shalay magaalada Muqdisho ka dhigayay dibadbaxyada. Taliska booliska ayaa waxa ay intaas ku dareen in ragga ay qabteen oo shan ka koobnaa ay laba ka mid ah hubeysnaayeen, islamarkaana ay soo qabashada raggaan kala kaashadeen ciidanka nabad sugidda caasimadda. “Ciidamada booliska oo kaashanaya sirdoonka caasimadda ayaa maanta gacanta ku dhigay shan nin oo laba ka mid ah ay hubeysnaayeen kuwaas oo ku dhex dhuumanayay shacabkii ku mudaharaadayay dhinaca daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho damacooduna ahaa maleegidda dhagar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed. Booliska ma aysan soo bandhigin dadkan, mana yaboohin wax caddeymo ah oo muujinaya in rag hubeysan ay qeyb ka ahaayeen dibad-baxyadii shalay. Dadka qaar ayaa tallaabadan ku macneeyey mid lagu beegsanayo dadkii dibad-baxyada hoggaaminayey, islamarkaana lagu cabsi gelinayo in shacabka ay mar kale sameeyaan dibad-baxyo. Shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo ay dhigayeen dad careysan ka dib markii habeen hore degmada Boondheere lagu dilay labo qof oo midi ahayd haweeneey dilkaas oo uu geystay askari ka tirsan booliska Soomaaliya. Halkaan ka akhriso qoraalka
-
(SLT-Hargeysa)-Guud ahaan waxaa maanta Somaliland ka dhaqangalay arrintii la xidhiidhay qaad joojinta. Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay laga bilaabo maalinta Axada (26-ka bishan April) inaanan deegaanada Somaliland la keeni karin wax qaad ah, muddo 25 maalmood ah. Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay maanta gacanta ku dhigtay Lana Wareegtey Gaadhi si sharci-darro ah u soo galinayay qaad, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Cabdinuur Daahir oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ka tirsan machadka talefeshinka qaranka Turkiga ee loo yaqaan TRT oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul khadka Skyp-ka ugu warramay Goobjoog ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sababo jira aawadood aysan dalka ka qabsoomi Karin doorasho qof iyo cod ah. Falanqeeye Cabdinuur ayaa sababaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah waxa uu soo qaatay in haatan aysan muuqan hididiilo ku aaddan in dowladdu u diyaar garowdo doorashadaasi, in amniga guud ee dalka aysan gacanta ku hayn iyo in Soomaaliland ay meesha ka maqantahay sababahaasi oo diidaya inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Waxaana sidoo kale Cabdinuur uu ku daray sababihiisa in xilligaan uu jiro cudurka COVID-19 oo doorashooyin badan dartii dib loogu dhigay waxa uuna yiri “Uma muuqato inay hididiilo jirto dadaal in la bixiyay dowladdu waxay ku dhawaaqday sharciga hal qof iyo hal cod hase ahaayee sababaha amni oo jira dartii oo waddanki oon gacanta ugu jirin dowladdii Soomaaliland oo kale oo aan doorasho ka dhici Karin intaas oo dhan hadda waxaa ka sii daran cudur COVID-19 oo dadkii fara ba’an ku haya, cudurkaas inay la tacaasho oo ay hadda dowladii ku mashquulsantahay mana ka dhici karto doorashadaas”. Dhanka kale Cabdinuur ayaa shegay in dastuurka dalka uu qabo in doorashooyinka qaranka dib loo dhigi karo haddii ay dhacaan musiibooyin. “Dastuurka xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxa uu dhigayaa in haddii musiibooyin qaran ay imaadeen in doorashooyinka ama shaqooyinka mudnaanta u leh in dib loo dhigi karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdinuur Daahir. Ugu dambeyn Cabdinuur ayaa madaxda dalka iyo dhamaan saamileyda siyaadda Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay inay dhexda u xirtaan sidii looga hortagi lahaa xanuunka COVID-19 oo dunida fara ba’an ku haya. Dadka sida aadka ah u falanqeeya arrimaha doorashooyinka ayaa qaba in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah xilli dowladdu ay ku adkaysanayso in doorashadaasi ay dalka ka qabsoomi karto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baaq Nabadeed oo Ku Socda Colaada Gobolka Sanaag Ujeedo: Baaq Nabadeed. Beelweynta Cali Bare Gobolada Sool, Saraar iyo Sanaag waxay marka ugu horeysa tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dhammaan dadkii ku geeriyoodey dagaalka ka socda deegaanada hoos yimaada gobolka Sanaag. Kuwa dhaawaca ahna Allaha caafiyo Aamiin. Waxaan ugu baqaynaa walaalaha ku dagaalamaya gobolka Sanaag in ay joojiyaan colaada si shuruud la’aan ah. Waxaan codsaneynaa in khilaafka jira lagu xaliyo wadahadal. Waxaan sidoo kale ka codsananaynaa in hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, wax-garadka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee dadka walaalaha ah. Waxaanu ugu baaqayna mar kale waxgaradka iyo odoyaasha labada dhinac in ay waxkastaba u huraan joojinta dagaalka. Waxaan ku dhiiri-galinaynaa labada dhinacba inay dhexda u xirtaan sidii lagu gaari lahaa nabad waarta oo u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolka Sanaag. Waxaan dhinacyada dagaalamaya xasuusinaynaa in dagaal uusan faa’ido lahayn isla markaana dagaalku yahay mid dad ehel ah ay ku waxyeeloobeen. (Dagaal Wiil baa ku dhintee Wiil kuma Dhasho). Ugu danbeyntii waxaan qof waliba oo nabadda jecel aan ugu baaqeynaa inay qeyb ka qaataan joojinta dagaalka si aysan ku xirneyn shuruud. Waana in ay jirto dib u heshiisiin dhab ah oo laga gaaro dagaalka iyo khilaafka jira Insha’Allah. Mahadsanidiin. Baaqan waxaa soo diray wax garadka iyo aqoonyahanka Beesha cali bare degmada caynaba. Qaran News
-
The Somali health ministry on Saturday confirmed 62 more cases of COVID-19, raising the national tally to 390. Fawziya Abikar, the health minister, said two patients succumbed to the deadly virus, bringing the total number of fatalities to 18. The minister also said two more people have recovered, bringing the total number of recoveries to ten, in a statement issued in Mogadishu. The latest cases come amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to the limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system. As part of measures to contain the spread of the deadly virus, the government has also extended curfew hours in Mogadishu that begins from 7.00 p.m. to 5.00 a.m. The Horn of African nation early this month closed schools, banned large gatherings, and suspended international and domestic passenger flights to help combat COVID-19. View the full article
-
Five new cases of coronavirus were found in Garowe after Puntland has obtained the COVID-19 lab test that started working yesterday, officials said. The confirmation of the new cases came after the Puntland Ministry of Health received a machine to test Covid19 cases. The total number of Coronavirus cases in the country rose to 390 on Saturday with the death toll hit 18 after two people died of the virus in Mogadishu, per health officials. Several people were reported to have recovered from the pandemic that risks the global economy as the countries suspended all flights after the outbreak of the Covid-19. View the full article
-
Minneapolis (HOL) - Abdirahman Kahin, the owner of Afro Deli want's frontline healthcare workers to know that his organization supports the work they do by handing out free meals. Source: Hiiraan Online
-
Plans are underway to form a government of national unity that will bring on board opposition leaders like Orange Democratic Movement leader Raila Odinga, a senior Jubilee Party official confided in the Sunday Nation on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay dil iyo dhac ka geysatay gobolkaasi. Maleeshiyaadka hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa wadada u dhexeysa tuulooyinka Midigale iyo Cawsane u galay qof oo shacab ah oo watay gaari Land Cruiser oo ka yimid dhinaca deegaanka Ceeldaahir, sida ay inno sheegeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in kooxda fulisay weerarkaasi ay toogteen wadaha gaariga oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiwahaab Cawil, iyagoona goobta isaga baxsaday. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in raggaasi hubeysan ay la baxsadeen gaariga marxuumka, islamarkaana ay la aadeen dhanka Miyiga ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka, basle ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa haatan howlgallo ka wada halkaasi. Inta badan waxaa Sool iyo Sanaag ku soo laa laabta dilal la xiriira aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelo walaalo ah oo wada daga gobolladaasi.
-
Xirmooyin Jaad ah oo mar kale lagu gubay caasimadda Garoowe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliska Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa xalay caasimadda Garoowe ku soo bandhigay xirmooyin Jaad ah, oo laga soo qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada, kadib markii si qarsoodiya loo soo geliyay. Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, ayaa xirmooyinkaas Jaadka ah ku soo bandhigay saldhiga dhexe ee caasimadda Garoowe, halkaas oo dab lagu qabad siiyay. Gen. Muxiyadiin oo goobta hadal ka jeediyay, ayaa u mahadceliyay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku soo dhigay xirmooyinkaas Jaadka ah ee qarsoodiga lagu soo geliyay gudaha magaalada Garoowe. Sidoo kale, Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in la soo qabtay, dhammaan dadka lagu yaqaan in ay ka shaqeeyaan soo gelinta iyo ka ganancsiga Qaadka iyo Khamriga, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Xirmooyin Jaad ah oo mar kale lagu gubay caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post. -
Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa qoraal ay soo saartay ku difaacday xuriyadda hadalka ee Soomaaliya iyada oo diiday cabsi-gelinta dowladda federaalka ah ku heyso weriye Haaruun Macruuf iyo xarriga ay u geysatay weriye Cabdi Casis Azmed Gurbiye. Qoraalka waxaa ku jiray ” Waxaa uu qoraalkan daba socdaa kadib markii dowladda federaalka ah ay wariyaha VOA Haruun Macruf ku sheegtay inuu khatar ku yahay amniga qaranka” . “Shaqadayda guddiga arrimaha dibadda ee aan xubinta ka ahay waxaa laf dhabar u ah siyaasadda difaacidda xorriyatul qowlka, hadii ay tahay dalbshada isla xisaabtanka dilkii Jamaal Khashoggi, u doodida in la sii daayo weriyeyaasha la xiray, xaqa saxafiyiinta u leeyihiin iney ka hadlaan qadiyadaha ka dhacaya gudaha dalkooda cabsi la’aan, kama reebayo in saxaafadda xorta ah ay aasaas u tahay dimoqoraadiyad furfuran. Marwo Ilaan Cumar oo sii hadleysa waxaa ay tiri “Olaha cabsi gelinta ee NISA ku heyso Haaruun Macruuf waa mid wewel leh, marka lagu daro xarigii wariye Abdiaziz Axmed Gurbiye ee 14-kii April ee loo xiray shaqo uu ka hayey covid-19 ee Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay ku tumashada xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah”. Ugu dambeyntii, Xildhibaan Ilhan Cumar waxaa ay dowladda federaalka ah ugu baaqday iney joojiso waxa ay waddo ” Waxaa ay dowladda wax badan ka qabatay xuquuqaha iyo furfurnaanta, waxaan garab istaagay deynta laga fududeeyey iyo arrimo kale, dhibka, cabsi gelinta iyo xariga loo geysanayo saxafiyiin ay ku jiraan Haaruun iyo Cabdi Caziz waxaa ay burburineysaa horumarkaas. Waxaan ugu baaqayaa dowladda iney si degdeg ah u joojiso weerrrada ka dhanka ah xuriyadda hadalka iyo midda saxaafadda” Hadalkan Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa imaanaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan sanadkan saartay weriyeyaasha Soomaaliyeed iyada oo dagaal cad la gashay xuriyadda hadalka iyo helista macluumaadka isla markaana cagajugleyn iyo xarig xal uga dhigtay weriyeyaashii ugu firfircoonaa dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Puntland: Dableey hubaysan oo dil ka gaystay gobolka Sanaag
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Marxuumka la dilay Wararka ka imaanaya jidka u dhexeeya tuulooyinka Midigale iyo Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay saaka dil ka gaysteen dableey hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan. Kooxda hubaysan oo jid-gal sameeyay ayaa dilay qof shacab ah oo watay gaari Laylo ah (Land Cruiser) kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir waxaana ay goobta ka wateen gaarigiisi. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiwahaab cawil. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaystay ay gaariga ula baxsadeen dhinaca Miyiga ah ee xigta degaanka Buraan islamarkaana aan weli gacanta lagu soo dhigin. Laamaha Amniga Puntland ee gobolka Sanaag ayaa haatan halkaasi ka wada hawlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii dilka gaystay oo la baxsaday gaarigii marxuumka la dilay. PUNTLAND POST The post Puntland: Dableey hubaysan oo dil ka gaystay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post. -
Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku sheegeen inay gacanta ku dhigeen rag hubeysnaa islamarkaana qeyb ka ahaa dadkii shalay magaalada Muqdisho ka dhigayay dibadbaxyada. Taliska booliska ayaa waxa ay intaas ku dareen in ragga ay qabteen oo shan ka koobnaa ay laba ka mid ah hubeysnaayeen islamarkaana ay soo qabashada raggaan kala kaashadeen ciidanka nabad sugidda caasimadda. “Ciidamada booliska oo kaashanaya sirdoonka caasimadda ayaa maanta gacanta ku dhigay shan nin oo laba ka mid ah ay hubeysnaayeen kuwaas oo ku dhex dhuumanayay shacabkii ku mudaharaadayay dhinaca daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho damacooduna ahaa maleegidda dhagar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed. Shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo ay dhigayeen dad careysan ka dib markii habeen hore degmada Boondheere lagu dilay labo qof oo midi ahayd haweeneey dilkaas oo uu geystay askari ka tirsan booliska Soomaaliya. Halkaan ka akhriso qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 oo looga hadlay dardargelinta wacyi-gelinta Coronavirus. Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka cudurka. Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga Corona, islamarkaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo. Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka Coronavirus, xilli gudaha Soomaaliya laga diiwaan-geliyey in ka badan 390 kiis oo xanuunkaas ah. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ku hawlan magacaabista guddi Somaliland ku metesha wada hadalka Soomaaliya. Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Biixi ka shaqaynayo magacaabista guddi ay ka mid yihiin aqoonyahanno reer Somaliland ah oo ay weheliyaan siyaasiyiin. Warka ayaa intaasi raacinaya in wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya uu culays dardar gelin ah saarayo ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo horraantii sanadkan kulansiiyay madaxweyne Biixi iyo Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa hore u magacaabay guddida wada hadalka oo ay qaarkood dhalliilsan yihiin bulshada Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sannadihii 2006 ilaa 2010 ayaa la aaminsanyahay inuu ahaa wakhtigii uu ugu wanaagsanaa xidhiidhka Somaliland iyo dawladda dunida ugu awooda badan ee Maraykanka. Madaxweyne Rayaale ayaa socdaal uu ku tagay dalka Maraykanka, wuxuu kula kulmay masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, waxaana wakhtigaas socdaalkii Rayaale cambaareeyay madaxweynihii Soomaaliya ee wakhtigaas Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Waxa weli la xasuusanyahay socdaalkii taariikhda reebay ee ay kaaliyihii Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Jendayi Frazer sannadkii 2008 ku timid Hargeysa. Socdaalkaas oo saxaafadda caalamka ku soo jeediyay Somaliland, ayaa la aaminsanyahay inuu xudun u ahaa xidhiidhkaas Maraykanka iyo Somaliland. Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sida ay wakhti sii horaysay faafisay shabakadda siraha faafisa ee Wikileaks wuxuu wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa Maraykanka ka dalbaday inay taageeraan hawlgal aqoonsi raadis oo uu Midowga Afrika ka dhex waday. Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigaas la kulmay masuuliyiinta Maraykan ah, wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland ka gudbeen khilaafkii colaadaha ee wadamada jaarka ah ee ay dhaxalsiisay dawladii Maxamed Siyaad Barre, “Dadka reer Somaliland iyagoo aqoonsan in qaranimadu aanay ahayn isirnimo keliya balse lagu dhiso mabaadii iyo caaqiido waxay garwaaqsadeen inay ka gudbaan khilaafkii iyo colaadihii ku ladhnaa raadintii Somaliweyn.” Ayuu ku yidhi Daahir Rayaale Kaahin saraakiil Maraykan ah oo uu la kulmay oo uu horkacaayay safiirkii Maraykanka u fadhiyay Addis Ababa Donald Yamamoto oo maanta dawladda Maraykanka u fadhiya Muqdisho. Danjire Yamamoto oo maanta jooga Muqdisho ayaa waxa dhawr goor lagu eedeeyay inuu indhaha ka lalinayo Somaliland, islamarkaana uu culayska saaray dawladda Muqdisho. Xataa waxa lagu eedeeyay inuu mucaawinada Maraykanka ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya badankeeda u leexiyo Muqdisho. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu masuuliyiinta Maraykanka ee uu la kulmay wakhtigaas u sheegay inuu Midowga Afrika ka dhex waddo olole aqoonsi raadis, isagoo kulamo la yeeshay hoggaamiyayaasha Ethiopia, Rwanda, Uganda, Tansaaniya iyo Zambiya, kuwaas oo uu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay in wasiirkiisii khaarajiga Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu wakhtigaas u safrayay wadamada Gaana iyo Toogo si uu ugu dhiirigeliyo aqoonsiga Somaliland. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu masuuliyiinta Maraykanka ah u sheegay inuu la kulmay xoghayaha Ingiriiska wakhtigaas u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo wadamada barwaaqo sooranka Lord Sipdis Triesman, kaas oo uu sheegay inay isla garteen inuu wadamada Afrika culays ku saaro aqoonsiga Somaliland, “Waxaan markaas Maraykan ahaan idinka dalbanayaa inaad sidaas Ingiriiska yeeshaan.” Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Diyaaradda Turkish Airlines ayaa xalay Muqdisho keentay ku dhowaad 58 qof Soomaali ah oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanibnaa dalka Turkiga. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa gacan ka geysatay soo daabulida dadkan Soomaalida ah ee ku xanibnaa dalka Turkiga, isla markaana uu saameeyay xayiraadii ka dhalatay Cudurka COVID-19. Ku dhowaad boqol Soomaali ah ayaa ku xanibnaa dalka Turkiga, tan iyo markii dalkaas lagu soo rogay xaalad bandow ah, si looga hortago cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan saamaeeyay. Dhinaca kale Diyaaradda Turkish Airlines ayaa xalay ka qaaday Muqdisho illaa 101 Muwaadiniin Turkey ah, sidoo kale dadka ay diyaaradda qaaday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cavdillaahi Goodax Barre oo la sheegay in howlo caafimaad ah uu isna u baxay. Source
-
(SLT-London)-Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu Isniinta soo socota shaqada kusoo laaban doono. Muddo laba toddobaad laga joogo ayay ahayd markii uu Ra’iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaalla London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda deg-dega ah. Waxaa uu saameynta xanuunka kaga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump. Mr Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu waajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19. Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka. Xoghayaha arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka. Source
-
Waxaa maanta la filayaa in la dhaqan galiyo amar horey uga soo baxay xukuumadda Muuse Biixi oo ku aaddanaa in laga bilabaao 26-4-2020 aan wax qaad ah la keeni Karin deegaanada maamulka Soomaaliland. Amarkaan ayaa waxaa horey warbaahinta ula wadaagay madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici kaas oo sheegay in si looga hortago cudurka COVID-19 ay go’aansadeen in muddo hakad la galiyo qaadkii imaan jiray deegaannadooda. Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland ayaa bulshada la wadaagay in inta laga gaarayo 21-ka bisha 5-aad ay mamnuuceen keenista qaadka, waxaana maanta la filayaa in amarkaasi uu dhaqan galo. Soomaaliland ayaa waxa ay xaqiijisay kiisas la xiriira COVI-19 waxaana haatan ay muujinaysaa walaac ku aaddan xanuunkaan safmarka ah ee dunida halakeeyay. Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkaan laga diiwaan galiyay 390-kiis halka tirada guud ee xanuunkaan u geeriyootay lagu sheegay 18-ruux sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Finish ayaa guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen laba marxuum oo habeen hore askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya uu ku dilay magaalada Muqdisho. Labada marxuum oo magacyadooda lagu sheegay Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe ayaa askarigaas ku dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir waxaana markiiba xabsiga la dhigay askariga. Duqa magaalada Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka faala qaaday nolosha Qoysaska islamarkaana dhowaan sharciga la horgayn doono askarigii dilka gaystay oo haatan xabsiga ku jira. Dilka labada qof ee Rayidka ah ayaa sababay bannaan-baxyo ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho kuwaas oo looga horjeeday dilka shacabka. Sidoo kale waxaa dhacdadaas xilka looga qaaday Taliyihii Saldhiga Booliiska degmada Boondheere ee gobolka Banaadir oo maamulayay askariga wax dilay. PUNTLAND POST The post Cumar Finish oo ka faala qaaday Nolosha Qoyskii ay ka baxeen laba marxuum oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Xafiiska ra’iisal wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu Isniinta soo socota shaqada kusoo laaban doono. Muddo laba todobaad laga joogo ayay ahayd markii uu ra’iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaal London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda degdega ah. Waxa uu saameynta xanuunka uga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump. Mr Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu wajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19. Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka. Xoghayaha arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka. Ra’iisal wasaare Boris Johnson ayaa noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee dalalka awoodda leh ee uu soo rito fayraska Corona. In ka badan labaatan kun oo qof ayaa Britain oo keliya cudurka ugu dhimatay, waxaana dalkaasi uu kamid yahay shanta dal ee ugu dhimashada badan caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saaka lagu qaaday xerada Xalane ee Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen gudaha xaruntaan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafado ka agdhow xeradaasi oo ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo sidoo kale xero lagu xareeyo Geella oo ku taal halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah. Dhinaca kale Al-Shababaab oo sheegatay mas’uuliyidda weerarkan ayaa faah faahin ka bixisay hoobiyeyaashaasi. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane. Ma shaacin Al-Shabaab, haddii uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi oo ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. Xarunta Xalane oo uu ku yaalla taliska guud ee ciidanka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, sidoo kalena ay dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa marar badan hoobiyeyaal ku weeraray dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.
-
Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaacisay in boqolaal ka mid ah muwaadiniinta Turkiga ee Soomaaliya ku sugan dib loogu celiyey dalkaasi, sababo la xiriira faafista cudurka halista badan ee Coronavirus oo saameyn xoogan ku yeeshay Soomaaliya. Sidoo kale safaarada ayaa sheegtay in arintaan ay qeyb ka tahay qorshe ay xukuumada Ankara muwaadiniinteeda uga soo saareyso dalalka uu saameyey Covid-19. Diyaaradda Turkish Airlines oo xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa keentay Soomaali laga soo qaaday dalka Turkiga, iyadoona sidoo kale qaaday in ka badan 100 muwaadin oo Turkish ah, kuwaas ku xayirnaa Muqdisho. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, Yavuz Selim Kiran ayaa sheegay in ay dalka dib ugu soo celin doonaan 1411 muwaadiiniin Turkish ah, kuwaas laga soo saari doono wadamada Mareykanka, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Mauritania, Nigeria, Senegal iyo Somalia oo dhammaantood uu ka jiro cudurka Coronavirus. Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda shaacisay kiisas gaaraya ku dhowaad 400 oo qof oo badi ku sugan M/Muqdisho. View the full article
