-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa maanta oo Axad ah magacaabay labo wasiir oo ka dhinnaa xukumadiisa cusub. Cabdinaasir Geelle Cilmi oo ahaa gudoomiyihii guddiga doorashooyinka Galmudug ee lagu soo doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Galmudug. Xilka Wasiirka qorsheynta ayaa ahaa mid lagu muransanaa maalmihii la soo dhaafay, waxaana isku hayay dhinacyo kala duwan oo daneynayay xilkan oo isugu jiray Xildhibaano, Ganacsato iyo rag kale oo ku dhowaa Madaxda dowladda. Sidoo kale Maxamed Cabdi Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulkaasi, waxayna labadaan xil ahaayeen kuwa uu muran ka taagnaa balse markii dambe xal laga gaaray. 24 -tii bishaan April ayaa Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu magacaabay Xukumad ka kooban 23 wasaaradood oo ay ka soo muuqdeen Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya. Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ku jiray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Saabir oo kamid ahaa xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan Dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo ku dhawaaqo wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha Maamulka Galmudug oo hadda shaqo laga wado. Halkaan hoose ka akhriso magacaabista uu sameeyey madaxweyne Qoor Qoor
-
(SLT-Jigjiga)-Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay qof Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus oo sameeyn ballaadhan ku yeeshay Caalamka. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in qofka laga helay Cudurka uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga, isla markaana si deg deg ah loo geeyay Xarunta loogu talagalay Karantiilka. Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in qofka laga helay Coronavirus uu ka yimid dhanka dowlad Goboleedka Puntland uuna xaaladiisa Caafimaad la tacaalayaan dhaqaatiirta. Tirada guud ee xanuunka COVID-19 laga helay ayaa gudaha dalka Itoobiya ayaa gaadhay 123 qof, halka ay bogsatay 41 qof, waxaana Cudurka gudaha ugu geeriyooday saddex qof. Source
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta magacaabay labo Wasiir oo ka dhimanaa golihiisa wasiiradda. Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Qoorqoor ayaa Cabdinaasir Geelle Cilmi loogu magacaabay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, halka Maxamed Cabdi Maxamed, loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha. Madaxweynaha Galmudug ayaa 24 bishan magacaabay 23 Wasiir oo ay ku jiraan labo Xildhaan oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo labo xubnood oo haween ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay labo wasiir oo cusub appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa magacaabay wasiiro ka dhimanaa Golahiisa Xukuumadda, sidda lagu sheegay wareegto. Digreetada hoos ka akhriso Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Mud: Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” Markuu arkay: qodobka 50aad, farqadiisa 4aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug; Markuu tixgeliyay: baahida looqabo magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug; Markuu Garowsaday: Hawlaha baaxadda leh ee shacabka Galmudug ka sugayaan xukuumadda cusub; Markuu la tashaday : Madaxweyne ku- xigeenka Galmudug. Wuxuu xeeriyay magacaabidda laba wasaaradood oo ka dhinaa Golaha wasiirrada Galmudug oo kala ah:- 1) Cabdinaasir Geelle Elmi, wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 2) Maxamed Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. View the full article
-
Kulan wcn oo wanagasan dhageystayaal ku soo dhowaada Barnaamij wareedka galabnimo ee Goobjoog qodobada ugu waa weyna waxaa ka mid noqon doona. Tira Hoobiyayaal ah oo maanta barqadii ku dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir . Aqoon yahan Soomaaliyeed oo sheegay in dalka aysan ka dhici karin doorasho iyadoo lagu jiro xaalad adag oo ka dhalatay COVID-19. Dowladda Turkiga oo soo daabushay Soomaali ku go’doonsaneed muddo dalka Turkiga Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo sheegtay in la helay kiisas cusub oo Coronavirus ah. Qodabadaas iyo qodobo kale ayaa ku maqdli doontaan barnaamij wareedka galabnimo ee Goobjoog axaana galabta inoo waramayso wariyaheena Maariyo Hearline https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-26-04-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay waxa ay ugu yeedhay hanjabaada iyo xadgudubka ay ku heyso Suxufiyiinta, iyadoo soo hadal qaaday xadhigii Wariye Cabdicasiis Gurbiye iyo dacwadii NISA ka gudbisay Wariye Harun Macruuf oo ka tirsan Idaacada VOA. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku sheegtay in ololaha cabsi gelinta iyo hanjabaada ay NISA ku heyso Wariye Harun Macruuf uu yahay mid aad looga naxo oo aan la aqbali karin. “Weeraradan, oo ay weheliso xadhigii 14-kii Apriil ee Cabdicasiis Axmed Gurbiye isagoo ka hadlaya saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, ayaa ah xadgudub aan la aqbali karo oo ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha”ayay tidhi Ilhan Cumar. Ilhaan ayaa sheegtay in dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay sannadihii u dambeeyay ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, iyadoo xustay inay u ololeysay deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyin kale oo gacan ka geysanaya sii wadidda horumarka, balse waxa ay tilmaamtay dhibaatada sii kordheysa ee cabsi gelinta iyo xadhigga suxufiyiinta ay ka mid yihiin Harun Macruf iyo Cabdicasiis Gurbiye ay khatar ku yihiin horumarkaas. Waxaa ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiso weerarada ka dhanka ah xoriyadda hadalka iyo xoriyadda saxaafadda. Dowladda Soomaaliya ayaa eedeymo kala duwan kala kulantay dowladdo iyo ururo caalami ah, oo ku aadan ololaheeda ka dhanka ah Wariyeyaasha Source
-
Degdeg:Dabley hubaysan oo fal Dila ka fulisay Gobolka Sanaag+Gaadhi ay dhaceen& Halkay la tageen Marxuumka la dilay Wararka ka imaanaya jidka u dhexeeya tuulooyinka Midigale iyo Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay saaka dil ka gaysteen dableey hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan. Kooxda hubaysan oo jid-gal sameeyay ayaa dilay qof shacab ah oo watay gaari Laylo calawi ah (Land Cruiser) kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir waxaana ay goobta ka wateen gaadhigii. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiwahaab cawil. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaystay ay gaadhiga ula baxsadeen dhinaca Miyiga ah ee xigta degaanka Buraan islamarkaana aan weli gacanta lagu soo dhigin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Soomaaliya uu aad ugu yar yahay qalabka neefta siiyo Bukaanada naqaska ku dhagoee loo yaqaan Ventilator , ayaa waxaa qalabka neefta sameeyey wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxamed Caddaawe ayaa sheegay inuu qalabkaan ugu talagalay dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus ee dhibaatada ku qabo inay helaan qalabka neefta siiyo dadka. Wiilkan ayaa sheegay inuu arrintan ku howlanaa muddo 20 maalmood markii uu maqlay wiil aabihiis Oxygen la’aan ugu geeriyooday Muqdisho. Qalabka uu wiilkaan sameeyey ayaa ah qalab Manual ah oo aan u baahneyn inay dadku riixaan, taasoo si weyn loo soo dhoweeyay. Qaar ka tirsan dhaqaatiirta Muqdisho ka howlgalo ayaa sheegay inuu qalabkaan yahay mid si weyn u anfacayo dadka Soomaaliyeed, waxayna isbitaalada qaar ku dhawaaqeen inay isticmaali doonaan qalabkaan. Haddaba halkaan hoose ka daawo qalabka uu wiilkaan sameeyey
-
Dr Gaboose: Coronavirus wuxuu ka tagi doonaa dunidii hore mid ka duwan Dr Gaboose(Midig) waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta ku takhasustay xannuunada faafa. Waxa uu ka howlgalaa magaalada Hargeysa Dr’ Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu ka mid yahay dhakhatiirta caanka ah ee ku howlan la dagaalanka coronvirus. Waxaa uu hadda ka howlgalaa magaalada Hargeisa. Waxa uu ku takhasusay xanuunada faafa. Warbixinta waxan idin kugu soo gudbineynaa waayihiisii shaqo iyo dadaalka uu hadda ugu jira la dagaalanka coronavirus. Dr Gaboose waxaa uu ku dhashay miyiga xadka dalka Itoobiya uu la wadaago Soomaaliland. Wuxuuna ku soo barbaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaas oo uu sidoo kale wax ku bartay. Markii uu jaamacadda caafimaadka kaga baxay magaalada Muqdisho kadib waxaa uu fursad waxbarasho ka helay wadamo dibadda ah halkaas uu ka sameyay sedax taqasusu oo kala ah xanuunada ku dhaca Neerfaha, tropical medicine,Xanuunnada faafa iyo habka loo maamulo caafimaadka ama loo xakameeyo. Dr’ Gabose tan iyo sanadkii 1987-kii waxaa uu ka shaqeynayay arrimaha caafimaadka,isaga oo dowladii dhexe ee Soomaaliya ee madaxweynaha uu ka ahaa Maxamed Siyaad Barre,ka soo noqday wasiir ku xigeenkii caafimaadka waxaana intaa u sii dheeraa in xanuunada faafa uu u qaabilsanaa dowladda. Soomaalida iyo Coronavirus Guud ahaan dunida waxa la soo rogay tallaabooyin lagu xakameynaya faafitaanka fayriska corona. Soomaaliya ayaa soo rogtay bandow habeenkii ah, waxaana dadka loogu baaqay inay qaataan talooyinka bahda cafimaadka sida kala fogaanshaha iyo dhaqashada gacmaha. Balse Dr Gaboose waxa uu walaac ka qabaa in wacyiga Soomaalida oo weli hooseye. Waddooyinka caasimadda Muqdisho oo maran ka dib markii dowladda ay soo rogtay tallaabooyin lagu xakameynayo faafidda fayriska. “Maamullada xukuma Soomaalida meel walba ha joogaane waa in ay sameeyaan wacyi-galin xad-dhaaf ah waa in ay dhaqaajiyaan dhaqaatiirta,waa in ay dhaqaajiyaan Culimada,waa in dhaqaajiyaan bulshada rayadka ah waa in ay dhaqaajiyaan cuqaasha ayuu yiri Dr Gaboose ” Caqabadaha kale ee jira waxaa ka mid ah in bulshada qaar badan oo ka mid ah aaneyba aaminsaneyn halista xanuunka Covid’19, waxaana uu Dr Maxamed Cabdi(Gaboose) ku baaqayaa in aan lagu ekaan wacyi galinta warbaahinta oo kaliya balse loo baahnyahay in la xoojiyo olalaha dadka lagu gaarsiinayo khatarta cudurkaan. Sidoo kale Dr Gaboose ayaa aaminsan in wacyi-galinta la daadajiyo isla markaana loo adeegsado wax walba oo muhiim ah oo dadka lagu gaarsiin karo sida dhaqaale iyo habka bulshada Soomaalidu ku dhisantahay ee qabaa’ilada. Shaqaalaha Caafimaadka iyo Khatarta ay wajahayaan. Khubrada caafimadka sida hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa ka digay in shaqaalaha caafimadka ee ku howlan la dagaalanka fayriska ay khatar ugu jiran inuu ka dhaco haddii aanay qaadin tallaabooyin ay isaga ilaalinayaan xannuunka. Gaboose Shaqaalaha caafimaadka ayaa wajahaya halista ugu badan ee xanuunkan sababtoo ah ma haystaan qalabka la isaga difaaco xanuunka oo ku filan Dr Maxamed Cabdi Gaboose “Shaqaalaha caafimaadka ayaa wajahaya halista ugu badan ee xanuunkaan sababtoo ah ma haystaan qalabka la isaga difaaco xanuunka oo ku filan ayuu yiri Dr Gaboose “. Dhamaan madaxda Soomaalida ayuu ugu baaqay in ay ka taxadaraan shaaqalaha caafimaadka ee u taagan badbaadinta bulshada kale isla markaana ay siiyaan qalabka muhiimka ah u marka ay timaado iska difaacidda coronavirus. Filashada mustaqbalka ee Coronavirus. Iyadoo dad badan is waydiinayaan isbadelka guud ee dunida laga filan karo iyo saameynta mudada dheer taagnaan karta ee xanuunkaan uu reebi karo, ayaa madaxa Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO, Dr. Tedhros Ghebreyesus waxaa uu sheegay in xanuunkaan uu muddo dheer sii jiri karo samaeyntiisuna si weyn loo dareemi doono. Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa dhankiisa isna taas sii adkeyay waxaana uu sheegay in xanuunkaan coronavirus iyo xanuuno kale oo faafa ay caan ku yihiin in ay sameeyaan isbadel dhanka hiddo-sidaha ah uuna imaan karo cudur aanba horey loo arkin kana dhibaato badan. Waxaa uu sheegay in qarnigii la soo dhaafay ay dunida ka dilaaceen ilaa afar cudur oo ah kuwa faafa. Wuxuu inbtaasi ku daray in “coronavirus la saadaalinaya in uu ka tagi doono saameyn keeni karta in dunida aad loo qiimeeyo caafimaadka korna loo qaado bahada caafimaadka si ka duwan sida uu manata xaalku yahay” ” Waxaan aaminsanahay in Coronavirus uu ka tagi doono duni dunidii hore ka wanaagsan wuxuu doono ha dilo dhaqaalaha ha burburiyo, balse bini’aadamkiibaa dib u fariisan doono oo su’aalo badan iska waydiin doona xooggu waa maxay ? dhaqaaluhu waa maxay ?waxaana soo bixi doono in bulshadii caafimaadka laga jeclaan doono kii kubada kii heesaaga ahaa marka duni cusub ayaa soo bixi doonta” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Dr Gaboose: ‘Goob caafimaad oo kaliya lagu kala wareejin karaa kelyaha iyo xubnaha kale ee Qaran News
-
MOGADISHU (HOL) - Several mortar shells landed at the UN and African Union compounds in Mogadishu Sunday morning. The militant group Al-Shabaab has claimed responsibility. Source: Hiiraan Online
-
Rep. Ilhan Omar (D-MN) released the following statement after Somalia labeled Voice of America journalist Harun Maruf a “threat” to security. “In my work as a member of the House Foreign Affairs Committee and as a Member of Congress, protecting the right to press freedom has been absolutely central to my policies and beliefs. Whether it is demanding accountability for the murder of Jamal Khashoggi, advocating for the release of imprisoned journalists, or insisting on the right of the press to cover domestic issues without intimidation here at home, I make no exceptions in my view that a free press is fundamental to an open, democratic society. “The ongoing intimidation campaign by Somalia’s National Intelligence and Security Agency against Harun Maruf is deeply disturbing. These attacks, along with the April 14 arrest of Abdiaziz Ahmed Gurbiye for his work covering the impacts of COVID-19 in Somalia, are an unacceptable violation of basic human rights. “The Somali central government has made crucial strides towards openness and the genuine protection of rights in the last several years, and I have been a staunch advocate for debt relief and other measures to help continue this progress. The increasing harassment, intimidation, and arrest of journalists including Harun and Abdiaziz threaten that progress, and I call on the Somali government to immediately cease these attacks on freedom of speech and freedom of the press.” View the full article
-
Dad ka soo barakacay qaar ka mid ah gobalada dalka islamarkaana soo gaaray kaamamka ku yaal deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa xaaladdooda caafimaad aad looga deyrinayaa ka dib markii saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen tiro dad ah. Sida ay Goobjoog News u sheegtay Xabiibo Xaashi oo ah guddoomiyaha dalladda Kullan, waxaa todobaadkaan gudihiisa kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaleey cudurka shuban biyoodka oo halkaasi ka dilaacay ugu geeriooytay 13 qof oo isugu jira carruur iyo haween. Sidoo kale guuddomiye xabiibo Xaashi ayaa madaxda dalka ugu baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dadkaasi wax ula soo gaaraan iyada oo ay xusid mudan tahay in la guda galay bisha barakeysan ee ramadaan. Dhanka kale dadka soo barakacay ayaa sheegay inay qaarkood ka soo barakaceen colaadaha ka taagan gobalka Shabeellaha hoose wax ayna cod dheer ku sheegeen inaysan haysan hooy ay ka galaan qabowga dhaxanta maadaama roobab xooggan maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka da’ayeen. Ugu dambeyn dadkaan barakacayaasha ah ayaa madaxda ugu sareysa dalka ka dalbaday inay wax la soo gaaraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka ku dhacay xaafadda Xalane oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado iyo hay’ado kale. Ugu yaraan hal qof oo haweeney aheyd ayaa ku dhimatay hoobiyeyaashaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 5 kale oo shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaafiicdaan ay waxyeelo ka soo gaartay Geel lagu hayey xero ku taalla halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir iyo taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda hoobiyeyaashan, waxaana ay baahisay in illaa todobo mad-fac ay ku hoobteen xerada Xalane ee M/Muqdisho. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab laguma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid degan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay dilkii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Degmada Boondheere ugu geystay laba ruux oo shacab ahaa oo mid kamid ah ay aheyd Haweeney Umul ah. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa wuxuu ku sheegay in wax ayaan-darro ah ay tahay in Askartii wax badbaadin laheyd ay iyagu sababaan dhimasho, isla markaana waxaa uu rajeeyay in cadaalada la waafajiyo Askarigii fuliyay falkaas. Thaabit ayaa madaxda ugu sareeyo dalka iyo Hey’adaha Amniga ugu baaqay inay cashir ka bartaan dhacdadii ka dhacday Boondheere. Mar uu ka hadlayey Bandowga saaran Muqdisho ayuu sheegay in arrinta Bandowga ay u baahaan tahay wacyigelin ballaaran. Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi. Allaha u naxariisto Madiino Cabdullahi iyo Xassan Cali oo ay ciidanku ku dileen Boondheere. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoysaska marxuumiinta, samir iyo iimaanna Allaha ka wada siiyo. Waa ayaan-darro iyo qalbi jab in askartii wax badbaadin lahayd iyagii dhimasho sababeen. Madaama lasoo xiray gacan-ku-dhiiglihii, waxaan rajeynayaa in cadaaladda la waafajiyo. Arrinta Bandoowga waxay u baahan tahay wacyigelin ballaaran iyo inaan la sahashan halista ka dhalan karta bulsho iyo ciidan aan Bandoow horey u arag. Dhacdooyinkii shalay iyo habeen hore wax la aqbali karo ma ahan, waana in Madaxda iyo Hay’addaha amnigu wax ka bartaan, kana foggaadaan waxwalba oo dadkeena dulqaadka badan wax u dhimi kara. Shacabkeena waxaan leeyahay madaama Bandoowgii lagu soo celiyay 8:00 fiidnimo, fadlan u hoggaansama, hadii aad aragtaan wax aydan qaadan karin, si nabdoon u bannaanbaxa oo yaanan la isku qaldin askari qalad galay iyo astaamaha Qaranka. Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa in dadka la dhiso ayaa ka horeysa in dalka la dhisaa, si dadku wax u xeeriyaan waqtiyada adag iyo waqtiyada baraarahaba.
-
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Cabdi Sheekh Ciise (Cabdi Kumi) u magacaabay taliyaha saldhigga Boondheere. Cabdi Kumi ayaa bedalay Najiib Carab oo ahaa taliyihii Booliska degmadaasi oo shalay xilka laga qaaday, kadib markii askari ilaalo u ahaa uu toogtay labo qof oo rayid ahaa. Falkaasi oo habeen hore ka dhacay isgoyska Jubba ayaa waxaa aad uga xumaaday bulshada ku dhaqan Muqdisho, waxaana sidoo kale arrintaasi ka hadlay taliyaha Booliska Soomaaliya oo sheegay in sharciga lala tiigsan doono askariga geystay dilkaasi. View the full article
-
Degmooyinka Dayniile iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Dhexe ayaa caawa ku ballansan tartan aqooneedka TV-ga iyo Idaacadda Shabelle. Labada degmo oo ku wada jira Group-ka B is aragiisa koowaad ayaa kala matali doono gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe. Tartamayaasha Dayniile iyo Balcad oo uu mid kasta rajeynayo guusha ayaa dadaal iyo diyaar garow ugu jira barnaamijka tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddoomiyaha guddiga tartanka Xasan-Weli Sheekh Abuubakar oo ka warbixiyey kulanka caawa ayaa tartamayaasha labada degmo ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan. Barnaamijka tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa afaraad ayaa illaa hadda waxaa ka qeyb galay degmooyinka kala ah, Wadajir iyo Dharkenley, Kaaraan iyo Howlwagaag, Xamarweyne iyo Heliwaa, waxaana lixdaasi degmo oo labo labo isugu soo aaday ay kala galeen bar-bar dhac. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya. Dilka oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa loo geystay qof shacab ahaa ah oo watay gaari Land Cruiser, xilli uu marayey inta u dhexeysa Midigale iyo Cawsane. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyey Cabdiwahaab Cawil, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dableyda dilka fulisay ay horay u sii kaxeysteen gaariga marxuumka, iyaga oo la sheegay inay la’aadeen dhinac Miyiga ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ammanka Puntland ee ka howlgala deegaanada uu dilku ka dhacay. Inta badan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ka dhaca dilal la xariira aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isu geystaan maleeshiyaad beeleed ku sugan gobolladaasi. View the full article
-
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dacwadda hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay sheegtay inay ka gudbisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee VOA. 23-kii bishan, Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay dhigtay barta twitter-ka ku sheegtay “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista gal-dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.” Wixii ka dambeeyay gudbinta dacwadaasi waxaa ka hadlay dad badan oo isugu jiray wariyaal masuuliyiin xilal soo qabtay iyo kuwa hada haya intaba , Waxaana ay sheegeen dhamaantood oo ay ka sinaayeen in nisa ay ku xad gudubtay madax banaanida xuriyada hadalka , Qoraal ay Ilhaan soo saartay aye ku sheegtay in arintan ay tahay olole cabsi gelin ah, oo aad looga walaaco, islamarkaana aan la aqbali karin.” “Ololaha cabsiga gelinta ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf waa kuwa si qoto-dheer looga wel-welo. Weeraradan, iyo sidoo kale xarigii 14-kii April loogu gaystay muqdisho weriye Cabdicasii Axmed Gurbiye ka warramidiisa saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka,” ayey tiri Ilhaan Cumar. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:- Shaqadayda kamid ahaanshaha aqalka arrimaha dibadda ee xubnaha Xildhibaanadda, Ilaalinta xaquuqda iyo xorriyaddaa saxaafaddu waxay ka mid yihiin arrimaha aan siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba u aaminsanahay. Haddii ay noqon lahayd in caddaalad loo helo dilkii Jamal Khashoggi, uqareemidda in xabsiyada laga sii daayo suxufiyiinta xabsiyadda ku jira amaba dhawrista xaquuqda jiritaanka saxaafadda madaxa banaan inay ka hadlaan arrimaha gudaha wadankan si aan cabsi lahayn, Kamana reebana aragtidayda ku aadan in saxaafadda xorta ahi ay aasaas u tahay umad leh qaab demoqoraadi ah. “Hanjabaadaha joogtada ah ee hayada Nabadsugidda Soomaaliya ay kula kacday wariye Harun Macruf waa wax aan aad uga calool xumaaday. Ladagaalankaan oo ay kamid ahayd tii lagu xiray Iyana 14kii bisha afaraad Abdiaziz Ahmed Gudbiye asagoo kasoo waramaya cudurka caabuqa ee COVID-19 ee Soomaaliya maahan arrin la aqbali karo, waana xadgudub xaqqda bini’aadanka ah. “Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxay qayb ka ahayd is hortaaga xaquuqahaas iyo xadgudyadda lagula kaco saxaafadda sanaddihii lasoo dhaafay. Waxaan si joogtay isu garab istaagay sidii daymaha looga cafin lahaa Soomaaliya si loogu tilaabsado horumar waara. Waxaase sii kordhayay caga juglaynta, cabsigalinta, iyo xariga saxufiyiinta ay ka midyihiin Harun iyo Abdiaziz ayaa wuxuu kamid yahay dib u dhaca saxaafadda.” View the full article
-
Local Al-Shabaab terrorists are leading a vicious extortion ring for the Somali-based terror organisation within Kenyan borders, a security report seen by the Sunday Nation indicates. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-26042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya uu shalay galab xilkii ka qaaday Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Boondheere ayaa waxaa durba la magacaabay taliye cusub oo xilka kala wareegi doono taliyahii hore. Taliyaha cusub ee loo magacaabay Boondheere ayaa waxaa lagu magacaabaa Dhamme Cabdi Shiikh Ciise, wuxuuna durba la wareegay shaqadii degmada oo usii socoto sidii caadiga aheyd. Sababta xilka looga qaaday Taliyihii hore ayaa lagu sheegay dilkii uu Askari ka tirsan Booliska degmada uu u geystay laba qof oo Shacab ah, oo midi ay aheyd Haweeney umul aheyd. Kadib dilkaas, waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo rabshado wato oo keenay in la gubo sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabashada ka timid shacabkaas careysan ayaa keentay in xilkii laga qaado Taliyihii Booliska ee Degmada Boondheere halka xabsiga loo taxaabay askarigii dilka geystay iyadoo la filayo in maalmaha soo socdo uu kasoo muuqdo maxkamad. Sidoo kale banaanbaxyadaas ayaa keenay in bandowgii saarnaa Magaalada Muqdisho loo celiyo waqtigiisii hore ee 8:00 fiidnimo.
-
Daawo:Mudaharaad ka istaadhmey Muqdisho & Wuxu daaran yahay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
(SLT-Sanaag)-Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay dil iyo dhac ka geysateen gobolkaasi. Maleeshiyaadka hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa wadada u dhexeysa tuulooyinka Midigale iyo Cawsane u galay qof oo shacab ah oo watay gaadhi Land Cruiser oo ka yimid dhinaca deegaanka Ceeldaahir, sida ay noo sheegeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in kooxda fulisay weerarkaasi ay toogteen wadaha gaadhiga oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiwahaab Cawil, iyagoona goobta iskaga baxsaday. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in raggaasi hubeysan ay la baxsadeen gaadhiga marxuumka, islamarkaana ay la tageen dhanka Miyiga ah. Inta badan waxaa Sool iyo Sanaag ku soo laa laabta dilal la xidhiidha aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelo walaalo ah oo wada daga gobolladaasi. Source
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saaka lagu qaaday xerada Xalane ee Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen gudaha xaruntaan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafado ka agdhow xeradaasi oo ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo sidoo kale xero lagu xareeyo Geella oo ku taal halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah. Dhinaca kale Al-Shababaab oo sheegatay mas’uuliyidda weerarkan ayaa faah faahin ka bixisay hoobiyeyaashaasi. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane. Xarunta Xalane oo uu ku taalla taliska guud ee ciidanka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, sidoo kalena ay dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa marar badan hoobiyeyaal ku weeraray dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Qaran News
