Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-27042020-ww.mp3 View the full article
  2. Ninka Hantida & Juhdiga ugu badan geliyey la dagaalanka & Joojinta Xanuunka Coronavirus Asaasaha Alibaba Group Jack Ma . Ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha ayaa bartiisa Twitter-ka furtay bishii aanu soo dhaafnay , xilli uu caalamka fara ba’an ku hayay cudurka Covid-19. Ilaa iyo imika fariin walba oo uu soo dhigo waxa ay noqotay mid loo riyaaqo taasi oo ku aadan ololihiisa aadka u sareeya ee ku aadan in ugu yaraan dal kasta uu gaarsiiyo qalab caafimaad. “Hal caalam iyo dagaal!” ayaa ka mid ahaa fariimihiisa dhiirigalinta “Anaga oo wada jirna arrintan waan sameyn karnaa!” ayaa sidoo kale fariimihiisa ka mid ah. Ninkan Bilyan-neerka ah ayaa ah awoodda ka dambeysay howlagalka baahsan ee shixnadaha qalabka caafimaad lagu gaarsiiyay ilaa iyo imika in ka badan 150 dal. Waxaa qalabkaas ka mid ah kuwa imika loogu baahida badan yahay oo ah qalabka sanka lagu xirto iyo qalabka qofka ka caawiyo neefsashada. Balse dadka dhaliila Mr Ma iyo xitaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaan wali hubin u jeedada uu arrintan ka leeyahay. Mashruuciisani geesinnimada leh ee muujinaya caawintiisa heer caalami, ma waxay shaaca ka qaadaysaa wajiga saaxibtinnimo ee xisbiga Shuuciga ee xukuma Shiinaha? Mise waa nin madax-banaan oo uu xisbiga Shuuciga ay u isticmaalayaan u jeedo brogaando? Waxay u muuqataa in uu raacayo shuruucda dublamaasiyadeed ee Shiinaha gar ahaan marka uu xulanayo dalka ka faaidaysanaya deeqdiisa, balse deeqsinimadiisa ayaa laga yaabaa in ay dul dhigto hogaamiyayaal siyaasadeed oo ka maseyrsan ficilkiisa. Bilyan-neerada kale ee dhanka tiknoolajiyada ayaa waxay ku yabooheen lacago badan oo lagula dagaalamayo cudurka Corona. Waxaa ka mid ah milkiilaha Twitter Jack Dorsey oo bixinaya $1bilyan oo doolar oo lagula dagaalamayo Covid-19. Shirkadda Candid, oo fadhigeedu yahay Mareykanka islamarkana la socota deeqaha ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa shirakdda Alibaba galisay kaalinta 12 ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku deeqay lacagaha lagula dagaalamayo Covid-19. Balse liiskaasi laguma qiimayn xamuulka muhimka oo dalalka qaar ay u rakaan kuwa ka muhimsan lacagta marxaladan lagu jiro Corona. Ma jiro cid kale oo an ka ahayn Ma oo awoodda in ay shixnadaha toos u gaarsiiyaan kuwa u baahan. Laga soo bilaabo bishii March, hay’adda Jack Ma ayaa waxay bilaawday in diyaarado ku gaarsiiso Afrika, Eeshiya, Yurub, Latin Amerika iyo xitaa goobo siyaasad ahaan xasaasi ah sida Iran, Israa’iil, Ruushka iyo Mareykanka. Mr Ma ayaa waxaa uu sidoo kale ku deeqay malaayiin doolar oo uu siiyay xarun cilmi-baarid loogu sameynayo talaalka Covid-19 iyo buug ay qoreen khabiiro dhanka caafimaadka ah oo afka Shiinaha ku qornaa gobolka uu ka soo jeedo ee Zhejiang islamarkana waxaa buugaasi loo turjumay 16 luuqadood. “Waxa uu awood iyo lacag ba u leeyahay in diyaarad uu shixnadda uga soo qaado Hangzhou uuna ka dajiyo Addis Ababa, ama meel kasta oo kale ee la doonayo,” waxaa sidaasi sheegay Duncan Clark oo wax ka qoray taariikhda Jack Ma. “Tani waa tasiilaad waa waxa shirkadiisa, dadkiisa iyo gobolkiisa ay ka dhigan yihiin.”ayuu intaa ku daray Waji saaxibtinnimo Jack Ma waa nin caan ah islamarkana ah maclin luuqadda Ingiriiska kaasi oo dhisay shirkadda tiknoolaji ee ugu wayn caalamka. Alibaba ayaa waxaa loogu yeeraa “Amazon-ka bariga “. Mr Ma ayaa shirkadda ka bilaabay gudaha gurigiisa oo ku yaalla Shiinaha gaara ahaan magaalada Hangzhou, sanadkii 1999. Tan iyo xilligaasi shirkadda Alibaba ayaa noqotay mid ka mid ah shirkadaha doorka wayn ka ciyaara dalka labaad ee ugu wayn dhaqaalaha caalamka. Ma qudhiisa ayaa waxaa la sheegaa in hantidiisa ay dhan tahay $40 bilyan oo doolar. Waxaa uu si rasmi ah uga dagay jagada gudoomiyaha shirkadda Alibaba 2018. Waxaa uu xilligaas sheegay in uu doonayo in uu diiradda saaro dhanka samafalka. Balse Ma ayaa wali kursi joogto ah ku leh golaha shirkadda Alibaba ee uu asaasay 20 sano ka hor. Iyada oo ay isu raaceen hantidiisa iyo caannimada ayaa waxaa uu wali yahay mid ka mid ah ragga ugu awoodda badan dalka Shiinaha. Waxay u muuqataa in deeqaha Mr Ma ay yihiin kuwa la bixinayo iyada oo la raacayo xeerka xisbiga Shuuciga. Ma jirto caddeyn muujinaysa in qaar ka mid ah deeqaha Jack Ma iyo Alibaba Foundation ay gaareen wadamada xiriirka rasmiga ah la leh Taiwan, oo ay daris yihiin Shiinaha islamarkana xurguf wayn ay ka dhaxeyso. Mr Ma ayaa ku shaaciyay barta tweeter-ka in uu deeq gaarsiin doono 22 dal oo ku yaalla Latin Amerika. Waxaa ka mid ah dalalka aan ku jirin liiska dalka Honduras , Haiti iyo dalal kale oo dhowr ah. Hay’adda ayaa diiday in ay bixiso faahfaahin ku aadan liiska dalalka deeqahani la gaarsiinayo. Si kastaba ha ahaateen deeqaha ilaa iyo imika uu bixiyay Mr Ma ayaa noqday kuwa laga mahadceliyay. Guulahaasi ayaa siisay Mr Ma inuu soo jiito dareenka dad badan. Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa xusaysay magaca Mr Ma in ka badan intii ay xuseen madaxwaynaha Shiinaha, Xi Jinping. Halista soo waji karta Jack Ma Balse Ma aya halis ugu jira in ficil celin uu kala kulmo xukuumadda Beijing? Xi Jinping ayaan lagu aqoon in uu aqbalo dadka kale ee soo jiita dareenka caalamka islamarkana dowladiisa waxay horey u bartilmaameedsatay dad caan ah . Sanooyiinkii ugu dambeeyay jilaayaal, wariyayaal caan ah iyo dhowr qof oo bilyan-neer ah ayaa “la waayayay ” muddo dheer. Qaar ka mid ah oo uu ka mid ahaa wareye wararka aqrin jiray ayaa ku dambeeyay in xabsiyo lagu xukumo. Qaar kale ayaa xabsiyada ka soo baxay iyaga oo la bah-dilay islamarkana shaaciyay in ay daacad u yihiin xisbiga. “Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in [Jack Ma] uu ka dagay 2018 xilkii gudoomiyaha shirkadda Alibaba sababtoo ah waxaa loo arkay ganacsada caannimadiisa ay qarisay tan xisbiga Shuuciga,” waxa sidaasi sheegtay Ashley Feng, cilmibaare ka tirsan xarunta ammaanka Mareykanka ee Washington. Mr Ma ayaa dad badan ka yaabiyay markii uu 2018 ku dhawaaqay in uu ka dagay xilka. Waxaa uu beeniyay warar sheegayay in xukuumadda Beijing ay ku qasabtay in uu xilka ka dago. Ma iyo madaxwayne Trump oo ku kulmay Trump Tower, 9 January 2017 Duncan Clark, oo wax ka qoray taariikhda Mr Ma ayaa sidoo kale ka warqaba wararka sheegayay in Ma lagu qasbay inuu xilka ka dago ka dib dhacdo dhacday bishii January 2017. Bilyan-neerkan u dhashay Shiinaha ayaa xilligaas la kulmay madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo markaas la doortay, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka. Madaxwaynaha Shiinaha ayaa bilooyiin ka dib la kulmay madaxwayne Trump. “Waxaa jiray warar badan oo la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in Jack Ma uu degdegay,” ayuu yiri Clark. “Waxaan u maleynayaa in ay jiraan casharo laga bartay labada dhinac taasi oo ah baahida loo qabo in ay wada shaqeeyaan, ” ayuu intaa ku daray .” Farsamo ahaa , Mr Ma ma ahayn nin ka baxsan xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ka taliya. Waxaa uu xubin ka ahaa xisbiga tan iyo 1980s, xilligaasi oo uu arday jaamacadeed ahaa. Balse xiriirka uu la lahaa Mr Ma xisbiga ayaa mar walba ahaa mid murugsan . Jack Ma oo la fadhiya rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed 25 November 2019 Shaki kama taagna in guud ahaan sumcadda howsha mucaawinada bilyan-neerka Jack Ma iyo bilyan-neerada klae ee Shiinaha, sida ay sheegtay hay’ad fadhigeedu yahay mareykanka oo qiimeysa deeqaha ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay. Qaran News
  3. Turkey brought back a total of 1,286 of its nationals from four African nations and Arab countries Sunday as part of its ongoing repatriation efforts for Ramadan amid the coronavirus pandemic. Some 207 Turkish nationals returning from Somalia and Djibouti on a special Turkish Airlines flight arrived at Turkey’s Nevsehir-Kapadokya Airport. After health checks, they were sent to Nevsehir and Nigde provinces for quarantine. A total of 133 citizens and 10 North Macedonians returned from Nigeria and Ghana on another Turkish Airlines flight which arrived in Izmir province. Following mandatory health checks, they were transported to Aydin province to be quarantined for two weeks at a dormitory. Meanwhile, 166 Turkish citizens landed in Istanbul from Senegal and Mauritania and were sent to Duzce province for quarantine. “We have brought back 618 citizens who were waiting to return home in Saudi Arabia and Qatar,” Turkey’s Deputy Foreign Minister Yavuz Selim Kiran said late Sunday on Twitter. In addition, 162 Turkish citizens who were brought back from Qatar on different flights landed in Ankara. Turkey has so far repatriated more than 60,000 citizens, Foreign Minister Mevlut Cavusoglu said in a tweet. Deputy Foreign Minister Kiran said late Thursday that Turkey is bringing back 1,411 citizens from the US, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Mauritania, Nigeria, Senegal and Somalia. After originating in Wuhan, China last December, the novel coronavirus, officially known as COVID-19, has spread to at least 185 countries and regions, with Europe and the US currently the worst-hit. The pandemic has killed nearly 206,000 people worldwide, with the number of cases totaling over 2.9 million and more than 861,000 recoveries, according to figures compiled by US-based Johns Hopkins University. *Writing by Havva Kara Aydin, Seda Sevencan and Fridevs Bulut. View the full article
  4. Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni today fired the Commander of Puntland Police Force Major General Muhiyadin Ahmed Muuse. Brigadier General Abdi Hassan Hussein has been appointed as the new Commander of the Police Force. The First Deputy Commander Brigadier General Bile Farah Ali and the Third Deputy Commander of the Police Force Colonel Ahmed Mohamud Ali have been fired as well. In a statement for the media, Puntland State Government described the decision as a steppingstone to restructuring Puntland State Force Police. The newly appointed Puntland Police Force Commander Abdi Hussein Hassan posing for the camera as a mutineer in 2015 The security situation in Puntland has been deteriorating. Last month Al-shabaab assassinated in Garowe the former Governor of Nugaal Abdisalam Hassan Hersi. Targetted assassinations against Puntland police officers have been on the rise in Mudug and Bari. The new Commander of Puntland Police Force served as the Commander of Puntland Intelligence Agency. In 2015 President Abdiweli Mohamed Ali fired Hussein, who along with Major General Mohuyaddin had organised a short-lived mutiny aimed at foiling security reforms proposed by President Abdiweli. © Puntland Post, 2020 The post President Deni fires Puntland Police Force Commanders appeared first on Puntland Post.
  5. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo goor dhow qoraal soo saartay ayaa sheegtay in xalay isbitaalka Martiini ay ku geeriyoodeen 9 qof oo la xanuunsanayay cudurka COVID-19 waxa ayna wasaaraddu tacsi u dirtay ehalada marxuumiintaas. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Dhanka kale wasaaradda ayaa isbitaallada gaarka loo leeyahay u dirtay digniin ah inay soo gudbiyaan bukaannada ay ku arkaan astaamaha Coronavirus. Tirada guud ee dadka xanuunkaan Soomaaliya ugu geeriyooday ayaa iminka mareysa 32 ruux halka guud ahaan dalka laga xaqiijiyay kiisas kor u dhaafaya 400. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay oo kaliya ay sagaal qof ku geeriyoodeen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah halka lagu hayo dadka qaba cudurka COVID-19. Qoraal ay wasaaradda soo dhigtay barteeda facebook ayey ku tiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.” Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in dadkan ay isugu jiraan kuwa hore isbitalka loo jiifiyey oo la xaqiijiyey inay qabaan COVID-19, iyo kuwa ayaga oo garaab ah laga keenay isbitaallada gaarka ah ee Muqdisho, kuwaas oo dhintay ayaga oo aan weli la baarin, balse qabay astaamaha cudurka. Ugu yaraan saddex ka mid ah dadkan ayaa xalay la keenay isbitalka, isla xalayna geeriyooday. Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saartay ku tiri “DIGNIIN: Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo ritay caabuqa ee isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan marka xaaladdoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taas oo sababta in Ia badbaadi waayo bukkaano badan oo ay dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in Ia bad baadin karay haddii xilli hore Ia soo gudbin lahaa.” “Sidaas darteed dhammaan lsbitaallada waxaa looga digayaa in bukaannada leh istaamaha safmarka COVID-19 ay ku hayaan waa waajib saaran maamulka isbitaallada inay soo gudbiyaan bukaannada Isla marka ay ku arkaan astaamaha COVID-19.” Tiradan ayaa ah tii ugu badneydn ee dad 24 saac gudahood cudurka Coronavirus ugu geeriyooda isbitaalka Martiini.
  7. (SLT-Sanaag)-Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad hubeysan oo shalay dil iyo dhac ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag. Ragga lagu soo qabtay howlgalka ay sameeyeen ciidamada ayaa tiro ahaan gaadhaya illaa laba qof, kuwaas oo shalay toogasho ku dilay marxuum Cabdiwahaab Cawil, xilli ay kala dageen gaadhi uu watay oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Cawsane iyo Midigale ee gobolkaasi. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen gaadhiga marxuumka oo ay hore u kaxeysteen raggaasi iyo laba qoray oo ay wateen. Saraakiishaan ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay ku raad joogaan saddex qof oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la soo qabtay. Inta badan dilalka ka dhaca Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay salka ku hayaan dilal la xidhiidha aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelaha wada daga gobolladaasi. Source
  8. Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cusmaan Barre kaasi oo sababay in la iska gudbiyo mooshinno iska soo horjeeda. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa tilmaamay inuu qabtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre islamarkaana ay saxiixeen 63 xildhibaan. Dhankiisa Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in mooshin kal sooni kala noqosho ah xildhibaano gaaraya 54 mudane ay ka gudbiyeen Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Hirshabeelle ay fashilantay islamarkaana fashilkaasi uu ka dambeeyay madaxweyne Waare waxa uuna madaxda Hirshabeelle ku eedeeyay inay sameeyeen ku takrifal awoodeed. Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Hirshabeelle ayaa ahaa mid waqti dheer soo jiitamayay iyada oo uu khilaafku sii xoogeystay 21-kii bishaan ka dib markii madaxweyne Waare uu sheegay inuu shaqadii ka joojiyay guddoomiyaha racfaanka maxkamadda gobalka Shabeellaha dhexe Cali Cabdulle Nuur. Isla maalinkaas warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa lagu qaadacay shaqa joojinta madaxweyne waare uu ku sameeyay guddoomiye Cali Cabdulle Nuur waxaana warqadaasi lagu sheegay in hey’adaha garsoorka ay ka madax bannaan yihiin kuwa fulinta islamarkaasina ay dikareetadaasi tahay mid sharci darro ah. Hirshabeelle ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay maamullada aan hiigsan wax hormar ah maadaama mar waliba ay isku dhaganyihiin madaxda sare ee maamulkaasi waxaana siyaasiyiinta halkaasi ka soo jeedda ay sheegayaan in Hirshabelle ay si toos ah u fashilantay. Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka qasan ee Hirshabeelle xilli wasiir ka tirsan maamulkaasi uu u geeriyooday xanuunka COVID-19 magaalada Jowharna cabsi xanuunkaasi ku aaddan laga dareemayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xeer madaxweyne waxa uu xilalkii uga qaaday taliye ku xigeennada booliska maamulkiisa isaga oo magacaabay taliyaha booliska Puntland. Masuuliyiina xilalka laga qaaday ayaa kala ah Sareeyo guuto Bile Faarax Cali oo ahaa yaliye ku xigeenkii 1-aad ee ciidanka booliska Puntland iyo gaashaanle sare Axmed Maxamuud oo ahaa taliye ku xigeenka 3-aad ee booliska Puntland. Haddaba halkaan ka akhriso dikareetada ka soo baxday madaxweyne Deni Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Deni ayaa taliyaha booliska Puntland u magacaabay Sareeyo guuto Cabdi Xasan Xuseen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee maamulkaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay soo farageliyaan xiisada kala dhexeysa Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Maxamed Cabdi Waare, si xal looga gaaro. Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ku eedeeyey Waare iyo ku xigeekiisa Guudlaawe inay lunsadeen, islamarkaana ay musuq-maasuqeen hantida shacabka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in 54 Mudane uu ka qabtay mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha maamulkaasi, kuwaas oo ku eedeeyey arrimo ay ka mid tahay ku takrifal awoodeed. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah iyo kala jiidasho xildhibaanada ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi. Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan mooshinada is barbar yaacaya ee ka socda HirShabelle, kuwaas oo markale banaanka soo dhigay heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya madaxda maamulkaasi. Si kastaba ha’ahaatee xiisada siyasaadeed ee ka soo cusboonaatay Jowhar ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan gabagaba uu yahay muddo xileedka hoggaanka sare ee maamulkaasi. HirShabelle oo marar badan ay hareeyeen khilaafaadyo siyaasadeed ayaa waxaa ay saameyn xoogan ku yeesheen horumarka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
  11. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid Qoysaskii Danyarta ahaa ee deganaa buurta Kala-Jeexan ee Galbeedka Magaaladda Hargeysa ayaa baaq culus iyo hanjabaad u diray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qoyskiisa oo ay ku eedeeyeen in ay si badheedh ah uga qaadayaan dhul ay iyagu lahaayeen, Waxaanay ku hanjabeen inay hadda diyaar u yihiin inay iska caabinayaan wax ay ugu yeedheen dulmi ay ku hayaan Qoyska Reer Biixi sida ay hadalka u dhigeen. Dumarkan oo goob cidlo ah fadhiyay, islamarkaana dharyo ku karsanayay Shalay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyaga iyo raggoodiiba diyaar u yihiin inay difaacdaan dhul ay sheegeen inay ku haystaan qoyska Reer Biixi, waxa kale oo ay sheegeen inay iskaga soo gurmadeen dadkoodi degenaa Dalka Itoobiya oo raggii halkan ku diyaar yihiin iyagga iyo qoryahoodii islamarkaana ay hadda isku diyaariyeen inay ku dhintaan dhulkaasi. Hadalka Dumarka waxaa ka mid ahaa “Madaxweyne Caadil ah ayaanu moodaynaye, Alle hanaga qabto, Ilaahay xaqa hagaransiiyo, Dhulka Muxuu ku fali, Illaa Tukaraq illaa lawyacado ayuu xukumaaye, Muxu ku falayaa Buurtan, ma dahabbaa kaga lumay, Agoomaa degan, Masaakiin ayaa degan, waydinkaas arkaya dadka banaanka wadhan ee danyarta ah“ Waxa kale oo ay yidhaadeen“Waanu diyaar garawnay oo Hubkiina waanu soo guraney, Rag iyo Dumarba Heegan ayaanu nahay, Waxaanu isku raacnay inaanu iska celino Dawladda Muuse, illaa Jiingaddii ayaa laga yimid, Itoobiya kii deganaa Halkan ayuu yimid Qorigiisii wuu haystaa, Dhimasho kama naxayno, Alaahu akbar ayaanu ku dhimanaynaa” Waxa kale oo hadalkooda ka mid ahaa “Maalintii dhawayd ee ay Cagaftu nagashay Siyaad Barre ayaanu xasuusanay, inay wadada noo samaynayaan ayaanu moodaynay, cadaw nagu soo socda oo nagalaybay ahaayeen, dhulka anaga ayaa leh Muusaw, naga qabo Reerkiinna”. Dhinca kale, maalmihii udambeeyay waxa kulamo gooni gooni ah Hargeysa ku yeelanayay Jufadda ay kasoo jeedaan dadkan danyarta ahi iyo jufada Madaxweyne Biixi kuwaasi oo ka arrinsanayay arrintani, waxaanay u muuqataa inaan wax natiijo ah laga gaadhin kulamadaasi. Source
  12. Taliyaha Xilka laga qaaday Gen Muxiyadiin Axmed Muuse Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse. Dikteeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii looga qaaday Taliyaha Booliiska Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, waxaana xilkaasi loo magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare). Sidoo kale, waxaa xilkii laga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska sarreeye Guuto Bile Faarax Cali iyo Taliye ku xigeenkii saddexaad Gaashaanle sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag). Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli loo magacaabay Taliye ku xigeenka kowaad iyo saddexaad ee Booliiska. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliiska Gen Muxiyadiin appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Sanaag)-Kadib markii ciidamada Qaranka Somaliland hawlgallo culus oo hub ururin ah ka bilaabeen deegaamo ka mid ah Gobolka Sanaag ee muddoba shaqaaqadu ku dhex maraysay labada beelood ee walaalaha ah, waxa deegaamadaasi qaar ka mid ah shalay ka dhacay mudaharaadyo kooban oo dadka qaar kaga soo horjeedo tallaabada ay xukuumaddu qaadday ee la xidhiidha in dadka hubaysan ee deegaamadaasi lagu arko hubka lagala wareego oo hubka laga ururiyo. Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Sanaag waxa ay sheegayaan in Mudaharaadyo ka dhaceen deegaammada huluul, kalbooc, Ceellahelay, Bohol Iyo Siiga-Dheer, Laasadabare, iyada oo ay ciidamada qaranku deegaamadaasi ku qabqabteen hub ay ka mid yihiin 16 qori iyo laba qabaal oo Tikniko ah halkaasina kula wareegaan. Kooxo u badan dhallinyaro iyo dad da’ dhexe ah ayaa taayiro ku gubay, isla markaana jidadka maray deegaamada qaar iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo ay kaga soo hor jeeddaan tallaabooyinka ay ciidamada qaranku deegaamadaasi ka qaadeen ee nabad islaaxinta iyo hub ka ururinta ah. Sida dad waxgarad ah oo deegaanka Huluul ka tirsan warbaahinta u xaqiijiyeen, waxa saacadihii la soo dhaafay ciidamada qaranka Somaliland ay hawlgallo ka fuliyeen deegaamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin huluul, kalbooc, Ceellahelay, Bohol Iyo Siiga-Dheer, Laasadabare, kuwaasi oo ay xataa guryaha ku baadheen halkaana ka soo gureen hub iyo saanad kaleba kadib markii ay masuuliyiinta dawladda ee deegaamadaasi iclaamiyeen in cid kasta oo hub sidata oo deegaamadan shaqaaqadu ka dhacdo lagu arko hubka lagala wareegi doono taasi oo keentay in ciidamadu hub badan goobo kala duwan ka soo ururiyaan. Tuulooyin ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag ayay wararka na soo gaadhayaa sheegayaan in ay ciidamada qaranku tallaabooyin ka qaadeen oo ay ku soo qabqabteen hub fudud oo dad maleeshiyaad ahi haysteen halka ay sidoo kale guryo baadheen taasi oo keentay in kooxo isa soo abaabulay ay mudaharaad arrintan ka dhan ah ka sameeyaan tuulooyin deegaanka ka tirsan iyaga oo ka cabanaya arrintaasi. Dhinaca kale waxa Gobolka Sanaag ku sugan wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo halkaasi u tagay xaaladda nabad kusoo dabbaalista kadib shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Tuulada Fadhigaab ee ay mar kale isku fara saareen labada beelood ee walaalaha ah ee muddoba colaaddu halkaasi ku dhex maraysay. Source
  14. The health ministry of Somalia’s Federal government announced Sunday it has recorded five new COVID 19 deaths in the past 24 hours. The health officials have also confirmed 46 new Coronavirus cases, mainly in Mogadishu with whom 33 of them are male while the remaining 13 are female. The country has now 436 positive cases amid fears that the situation could get worse if the Federal government fails to convince the public to adhere to the prevention guidelines. The government has closed the learning institutions and suspended all international and domestic flights to curb the spread of the deadly disease engulfed the world. View the full article
  15. Taliye ku xigeenka Booliiska S/guuto Bile Faarax Cali Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeennadii kowaad iyo saddexaad ee Ciidanka Booliiska Puntland. Dikteeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka looga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska Puntland sarreeye Guuto Bile Faarax Cali. Sidoo kale, waxaa dikreetadaas xilkii looga qaaday Taliye ku xigeenkii saddexaad ee Ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag). Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli xilalkaasi loo magacaabay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Taliye xigeennadii Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Roobab mahiiggaana oo saacadihii u dambeeyay si xawliya uga da’ayay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa daadad xooggan ku celiyay xaafadaha kala duwan ee Qardho. Daadadka oo xooggoodu ka dhashay Roobkii galabta iyo caawa ka da’ay gobolka Karkaar ayaa buux dhaafiyay xaafadaha magaalada Qardho waxaana la soo sheegaya in gurya badan dumeen halka qaar kalena laga cabsi qabo in ay dumaan haddii daadadku sii socdaan. Sidoo kale biyaha Roobka ayaa qoysas badan guryaha ku buuxiyay halkaas oo laga daad-gureeyay carruurta iyo dadka tabarta yar islamarkaana ay agabyo kala duwan qaateen. Ilaa iyo haatan si rasmiya looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay daadadkaas ku rogmaday Qardho balse waxaa la hubaa in ay saameeyeen dhammaan xaafadaha magaalada. Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa dhankooda wada dadaal xooggan oo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen daadadka si loo badbaadiyo xaafadaha buuxsamay ee khatarta ku sugan. PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo daadad xooggan ku fatahay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday HirShabelle, kaas oo u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaasi. Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay burburin ku hayaan maamulka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu tilmaamay in dhaqaale ay bixiyeen oo loogu talo-galay la-dagaalanka Coronavirus loo isticmaalayo mooshinada iska soo horjeeda ee haatan ka socda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Jeesow ayaa dhanka kale qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Nasiib daro ka weyn malaha $500,000 oo coronavirus looga tala galay in loo isticmaalay xalay laaluushid xildhibaan. Lacatiis shalay ayay Jowhar gaartay, xalayna waa baxday. Dowladda federaalka ah maalin dhaw ayaan u sheegay in ay lacag kaash ah aaysan dirin.” Xildhibaanka ayaa xusay in mudanayaasha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxda maamulkaasi looga baahan yahay inay fiiriyaan danaha shacabka, kana tanaasulaan waxyaabaha gaarka ah ee ay isku hayaan, si looga gudbo khilaafaadka haatan jira. Ugu dambeyn Daahir Amiin Jeesow ayaa carabka ku dhuftay in HirShabelle ay u baahan tahay bad-baadin iyo in hore loo dhaqaajiyo, si ay ula tartanto maamullada kale. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan meel saare uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre oo labaduba laga gudbiyey mooshino iska soo horjeeda oo uu mid kasta doonayo inuu kan kale xilka uga qaado.
  18. Cabbane Muuse Caynab Xildhibaannada Golaha Degaanka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu, oo shalay liiskooda la shaaciyay kadib markii la soo dhammaystiray xulistooda, ayaa Maanta oo Isniin ah Doortay Guddoomiye Cusub. Xildhibaannada oo ka kooban 18 xubnood, ayaa Guddoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Degmada Baargaal u doortay, nin lagu magacaabo Cabbane Muuse Caynab, kaas oo 13-cod ka helay Doorashada, halka Guddoomiyihii hore ee Baargaal Abukar Indhacadde oo mar kale tartmay uu helay 5-cod oo keliya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo Goobta kaga dhawaaqay Natiijada Doorashadaaas, ayaa si rasmiya u shaaciyay in xilka Guddoomiyaha Golaha Degaanka Baargaal uu ku guulaystay Cabbane Muuse Caynab. Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaannada Golaha Degaanka Baargaal oo ka kooban 18 xubnood ay codeeyeen, kuwaas oo Cabbane ka helay 13-cod, halka 5-cod ee kale uu helay Guddoomiyihii hore ee Baargaal Abukar Indhacadde. PUNTLAND POST The post Puntland oo Maamul cusub u dhistay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
  19. Ciidamada booliska Somaliland ayaa soo qabtay shixnado qaad ah oo si aan sharci ahayn loosoo galiyay gudaha waddanka, xili ay mamnuucday xukuumadda madaxweyne Biixi. Xarunta guud ee ciidanka booliska ayaa saaka goor dhawayd lagu gubay qaadkan oo ciidamadu ay soo qabteen, waxaana goob joog ka ahaa fagaaraha lagu gubayay xubno ka socday wasaaradda arimaha gudaha, madaxtooyada iyo saraakiisha booliska. Inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, waxa ay Somaliland dhammaan deegaanadeeda ka mamnuucday qaadka. Source
  20. Tillaabo nooceeda ah tii ugu horeysay ah tan iyo markii la bilaabay hannaanka yegleelidda jahhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya burburkii kadib ayey sabtidii dadweyne careysan ku gubeen gudaha caasimadda Muqdisho sawirada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Farmaajo halla gubo” “Halla gubo ajar ayaa laga helayaa”, iyo erayo kale oo caro iyo ciil ka muuqatey ayey ku celcelinayeen shacabka iyaga oo dhagxaan u qeybinayey bidix iyo midig, waxaa ay isku dayeen iney galaan xarumo dowladeed waxaa kale oo ay burburiyeen meherado ganacsi ay shacab leeyihiin halka ciidamada dowladda federaalka ah ay mararka qaar kor u ridayeen rasaasta nool. Dibad-baxa oo ka dhaca qeybo ka mid ah bariga Muqdisho gaar ahaan Boondheere iyo Shingaani ayaa ka dhashay dil uu dable booliis ah u geystay afurka kadib Madiinno Cabdullahi Cabdi oo 17 jir aheyd iyo Xasan Cali Cadaawe oo 24 ahaa, labaduba waa 25-kii bishan lagu dilay Boondheere. Cadhada ayey qaar ka mid ah dadweynaha Muqdisho kula dul dhaceen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oo saaray mas’uuliyadda bandowga iyo wax kasta oo dhacaya. Dibad-baxayaal ku sugnaa isgoyska Shingaani ayaa soo riday baalle uu surnaa sawirkiisa, qaar sawirrada waa gubeen halka kuwii ku adkaadana ay jeexjeexeen. Si shacabka loo dejiyo, taliska ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan 24 jir, kaasi oo hadda ku jira gacanta hay’addaha garsoorka, waxaa sidoo kale xilka laga qaaday taliyaha booliiska degmada Boondheere Najiib Carab iyada oo dib loo dhigay saacadda bandowga, lana qafiifiyey isu socodka. Dilka loo geystay Madiinno Cabdullahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe waxaa cambaareeyey sidoo kale odeyaasha dhaqanka, madasha xisbiyada qaran iyo waxgaradka Soomaaliyeed iyaga oo dalbaday in lala xisaabtamo cid walbo oo arrinkaas ku lug lahaa. Waa Sawiirada Dibad-baxa: Source: goobjoog.com
  21. Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka ku soo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale. Sidoo kale Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay la soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo dalka dib loogu soo celiyay. Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo COVID-19. View the full article
  22. Somalia has launched a portal to publicise information how donor money is utilised in a bid to raise the transparency in the eyes the public and the international community. Source: Hiiraan Online
  23. Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran oo uu hoggaamiyo ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in bandowga saaran magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo rogtay dowladda federaalka uu yahay mid sharci darro ah soona marin habraaca saxda ah ee ku qeexan dastuurka ku meel gaarka ah. “Madashu waxay caddeynaysaa bandowgaan la soo rogay uusan soo marin habraacii saxda ahaa ee ku qeexan datuurka JFS qodobka 131-aad sidaa darted uu yahay sharci darro” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya madasha xisbiyada qaran. Dhanka kale madasha ayaa ka tacsiyadeysay dadkii lagu dilay degmada Boondheere, waxa ayna ku baaqday in ciddii falkaasi ka dambeysay oo isugu jirta saraakiil iyo askar sharciga la hor keeno. Ugu damebeyn madasha ayaa dowladda Farmaajo ugu baaqday inay ilaaliso mabaadii’da caalamiga ah ee ku xusan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka u yaalla. Dowladda Soomaaliya ayaa bandow dhowr jeer wax laga badalay ku soo rogtay caasimadda Muqdisho iyada oo haatan lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan dadka ayaana bandowgaan walaac ka muujinaya. Halkaan ka akriso warka ay soo saartay madasha Goobjoog News Source: goobjoog.com