Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The honourable Mohamed Abdi Yusuf, a former Prime Minister of Somalia, is a man distinguished by his probity and patriotism -rare qualities among Somalia’s contemporary corrupt political class. When political expediency dictates others to remain silent on the secession, Mohamed Abdi Yusuf by Source: Hiiraan Online
  2. Video messages in Somali to ensure those who do not speak English understand how to stay safe during the pandemic have been released in Bristol. Source: Hiiraan Online
  3. A 6-year-old boy died after he was hit by a van in April 2019. Source: Hiiraan Online
  4. Cramped living conditions, adverse socio-economic backgrounds, and poor language skills have been suggested as the reason for immigrants' over-representation. Source: Hiiraan Online
  5. Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay bukaanno Kale u geeriyoodeen Xanuunka Coronavirus Dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin dadka halista ugu jira in ay qaadaan fayraska corona. Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen saddex qof oo ka mid ah dadkii uu gudaha dalka ku haleelay cudurka COVID-19. Tirada guud ee dadka Soomaaliya ugu dhintay fayraska corona ayaa noqoneysa 5 ruux.Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay 20 kiis oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaaray 80.Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka. Waxay intaa ku dartay in uu “si xawaare leh dalka uu ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda”. Soomaaliya waxay diyaarisay xarumo lagu karantiilo dadka qaba Covid-19 Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay laba-laabantay tirada dadka uu cudurka Covid-19 ku haleelay gudaha dalka oo ay haatan gaartay 60 qof. Tiradaas ayaa aad sare ugu kacday ka dib markii 24-tii saacadood ee la soo dhaafay la xaqiijiyay in 35 qof oo hor leh oo ku nool gudaha dalka laga helay xanuunka, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay ku jiraan saddex kiis oo laga helay Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland. Waa tiradii ugu badneyd ee maalin keli ah ay shaaciso dowladda Soomaaliya tan iyo markii la soo tabiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus. Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga gaarka ah ee la dagaallanka Coronavirus ayaa sheegay in uu “faray wasiirrada Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay u gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19”. “Ganacsatada Soomaalida ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Khayre. Tallaabooyinka lagu xakameynayo Coronavirus Waxaa la hakiyay duulimaadyada Tababar la siinayo shaqaalaha caafimaadka Waxaa la xiray Iskuulada iyo dusgiyada Qur’aanka Muqdisho waxaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hogaaminayo guddiga ka hortagga Covid-19 wuxuu shaaciyay $5 Malyan oo doollar oo xaaladda wax looga qabanayo. Qaran News
  6. Gaza (Caasimada Online) – Muran xooggan ayaa kala qeybiyey bulshada reer Falastiin, kadib markii kooxda Xamas oo maamusha magaalada Gaza ay xirtay lix qof oo lagu eedeeyey inay aaladda Zoom ee muuqaalka ah ay wadasheekeysi kula yeesheen dad ku sugan Israel. Xamas ayaa horey u mamnuucday in wax xiriir ah lala yeesho Israel, waxaana ay toddobaadkii tegay xirtay lix qof oo ka tirsan Guddiga Dhallinyarada Gaza, kuwaas oo lagu soo oogay dacwad “qiyaameyn qaran” ah iyo “caadiyeynta” xiriirka Israel. Xariga ayaa dhaliyey dood xooggan oo ku saabsan xoriyadda hadalka. Rami Aman oo 36 jir ah, islamarkaana aas-aasay Guddiga Dhallinyrada Gaza iyo 5 qof oo kale oo ka mid ah ururkaas ayaa wada-shaakeysi Zoom oo qaatay 2 saac la yeeshay dad ku sugan Israel, ayaga oo ka wada hadlay rajada ay ka qabaan hoggaan u wanaagsan labada dhinac mustaqbalka. Murankan ayaa waxaa xudun u ah gabar horey ula shaqeyn jirtay hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty oo lagu magacaabo Hind Khoudary, taasi oo barteeda facebook ku cambaareysay Aman, kuna eedeysay inuu xiriir la yeeshay Israel. Khoudary ayaa qoraalkeeda facebook ku tag gareysay saraakiisha Xamas, si ay dareenkooda ugu soo jeediso wada-sheekeysiga Aman uu la yeeshay Israa’iiliyiinta. Si kastaba wasaaradda arrimaha gudaha Gaza ayaa beenisay in qoraalka Khoudary uu kusoo jeediyey Aman, waxayna sheegtay inay horey isha ugu haysay ururka Aman uu hoggaamiyo. Baraha bulshada reer Falastiin ayaa waxaa aad u qabsaday dhacdadan, ayada oo dadka qaar ay dhalleeceeyeen xariga lixda qof, halka qaarna ay ugu hambalyeeyeen Khoudary inay kasoo horjeesatay in la caadiyeeyo xiriirka Israel. Khoudary ayaa dhanka kale dhalleeceyn xooggan kala kulantay saraakiil sare oo ay ku jiraan kuwa la shaqeeya kooxaha xuquuqda aadanaha QM, ayada oo lagu eedeeyey inay “ceebeysay” nafteeda. AFP + VOA
  7. Muqdisho (Caasimada nline) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhawaan ay suurta-gal tahay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ku dhawaaqaan dib u dhaca doorashada Soomaaliya. Xubno ka tirsan guddiga ayaa sheegay in guddiga ay doonayaan in dib loo dhigo doorashada ilaa xal looga helayo cudurka Coronavirus, balse aysan wali soo dhameystirmin talooyinka arrintaan ku saabsan ee lala yeelanayo mas’uuiliyiin kale oo ka tirsan xafiisyada sare ee dalka iyo xisbiyada mucaaradka. “Shaqada guddiga waa istaagtay gobal ilaa magaalo, waxaa sidoo kale xirmay dhaq dhaqaaqii iyo howlihii guud ee doorashooyinka waxaana dalka ka jira qatarta Coronavirus mana la joogo xili laga hadlo doorasho,” ayuu yiri qof xubin sare ka ka ah guddiga oo la hadlay Caasimada Online. Ma cadda muddada dib loo dhigay doorashada, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay noqon karto ilaa lix bilood. Guddiga ayaa ka hor inta aysan ku dhowaaqin go’aankooda sugaya inay eegaan xaaladda Coronavirus ee dalka, ayaga oo rumeysan in maalmaha ama asbuucyada soo socda ay kasii dari doonto, si go’aankoodu ugu muuqdo mid gar ah. Lama oga sida ay suurta-gal ku noqon karto arrintaan balse waxay xubnaha guddiga sheegeen in ay aaminsan yihiin in qataro badan ka dhalan karto dib u dhaca laakiin waxaa ka sii daran bey yiraahdeen qatarta COVID-19. Cudurka Covid 19, ayaa u muuqda mid ku sii faafaya Soomaaliya, waxaana isa soo taraya walaaca ay qabaan bulshada Soomaaliyeed maadaama aysan dowladu laheyn awood ay arrintaan wax uga qabato. Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan muddo ka yar 8 bil halka tan baarlamankana ay ka harsan muddo 5 bil oo kaliya, lamana oga hadii dib loo dhigo ilaa inta ay noqon karto. Sidoo kale waxaa la ogeyn sida ay ku yeelayaan xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa ka hor-yimid “been” ay warbaahinta Al-Shabaab ka faafiyeen dilka sarkaal 10-kii April lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose. Mareykanka ma aysan shaacin magaca ninkaas, hase yeeshee dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa labadaba magaciisa ku sheegay Cabaas Maxamed Xaaji, waxaana warbaahinta Al-Shabaab ay sheegeen inuu ahaa Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka. “Eedeymahan waa kuwa saldhig u ah dacaayadda Al-Shabaab, waana been,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxa AFRICOM. “Argagixiyaha lagu dilay duqeyntii 10-ka April, wuxuu ahaa xubin Al-Shabaab oo ku lug lahaa dilka lix qof oo ahaa Soomaali aan waxba galabsan.” AFRICOM ayaa sheegtay in ninkan uu waxyar ka hor inta aan duqeynta lagu dilin uu xaafad ku taalla Jubadada Hoose kusoo bandhigay meydadka askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. “Kadib markii uu gaystay ficilan xaasidnimada iyo cabsi gelinta ah, argagixiyahan Al-Shabaab wuxuu ka tegay xaafadda. Kadib markii uu cidlo ku noqday deegaan gaar ah, waxaa lala beegsaday oo lagu khaarijiyey duqeyn ay fulisay AFRICOM, ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Ma jirin shacab aan waxba galabsan. Wuxuu gaystay ficil dambi-dagaal ah isaga oo dhulka ku jiiday meydad si uu u cabsi geliyo shacab Soomaali ah oo aan waxba galabsan si ay isku dhiibaan,” waxaa sidaas yiri agaasimada howl-gallada AFRICOM Maj. Gen. William Gayler. AFRICOM ayaa sheegtay in ayada oo ay wiiqeeyn howl-gallada Ciidanka Xoogga iyo kuwa AMISOM, ay Al-Shabaab iminka si sii kordheysa “isugu halleeneyso beenta iyo dacaayadda, oo ay ku jiraan sii deynta sawirro aan la xaqiijin oo ah khasaare shacab, si ay u hesho dareenka warbaahinta, una qiyaameyso shacabka Soomaaliyeed.”Africom oo beenisay warar ay Al-Shabaab ka faafiyeen dilka Cabaas Maxamed, soona bandhigtay xog qarsaneyd
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka bilowday, kana dhaqangalay bandowga xilliyada habeenkii soconaya, ee ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Somaliya. Dowladda Federaalka ayaa tallaabadan u qaaday, ka hortagga faafitaanka xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus. Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo daadiyay ciidamo fara-badan, si ay u dhaqangaliyaan xaaladda bandowga, waxaana war wanaagsan noqday, sida ay dadku ugala shaqeeyeen laamaha ammaanka dhaqangalintiisa. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa dadka reer Muqdisho ka codsaday inay u hoggaansamaan awaamiirta qaranka. Bandowga oo bilaabanaya 8:00 fiidnimo habeen kasta ayaa ku eg xilliga waabariga ee 5:00am. Bandowga wax saamayn ahi kuma yeelan doono goobaha lagu iibiyo raashiinka, gaadiidka gurmadka deg-degga iyo xarumaha caafimaadka. Muuqaalo laga soo qaaday wadooyinka ayaa muujinaya sida ay wadooyinka u haawanayan, marka laga soo taggo in ay ku sugan yihiin ciidamada amniga, ee dhaqangalinta bandowga xaqiijinaya. Magaalada Muqdisho ayuu xalay xaalkeeda ka duwanaa habeenadii la soo dhaafay, waxayna tani dadka soo xusuusisay xilligii Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo magaalada bandow ku soo kala rogay sanadihii 2006 iyo 2007. Tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Militariga ayuu bandowgan noqonaya kiisii saddexaad, ee ka dhaqangala Magaalada Muqdisho.
  10. Garowe (PP News Desk) — A new book of opinion pieces by the blogger Ismail Haji Warsame is causing a stir in Somalia particularly in Puntland. Ismail wrote most of the columns in Talking Truth to Power in Undemocratic and Tribal Contextwhile living in Garowe. The book contains columns that Ismail has published in his blog, which has the distinction of being the only blog on Somali politics that one can access for a fee-based annual subscription. Ismail is not only a political writer. He enjoyed what one can describe as a ringside seat to witness events that led to the formation of Puntland State in 1998 and the adoption of federalism in 2014. Ismail associates Abdirahman Farole and Abdiweli Gaas with a declinist school of thought As befits the title of the book,, Ismail does not pull punches when he associates Abdirahman Sh. M. Farole and Dr Abdiweli M. Ali, two former Puntland Presidents, with a declinist school of thought. The other school of thought — foundational — is associated with the founding President of Puntland, Abdullahi Yusuf Ahmed. In one column published in October last year Ismail lauds former Somali Presidents Hassan Sheikh Mohamud and Sharif Sheikh Ahmed for political maturity. He commends former Prime Minister Ali Mohamed Gedi for playing a constructive role in politics compared to former Prime Ministers who feign non-involvement in politics. By virtue of his consistency and productivity Ismail could be crowned as the Doyen of Somali commentators. © Puntland Post, 2020 The post A NEW BOOK BY AN INFLUENTIAL SOMALI BLOGGER MAKES A SPLASH appeared first on Puntland Post.
  11. Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo gaartay dacwad eedeyn ah, oo la xiriirta labo dhabdhood oo dhawaan kufsi loogu geystay degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay baaris ku wado kiiskaas, ciddii ay ku cadaato eedeyntaasina la marsiin doono ciqaabta ay mudantahay. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa cambaaraysay falkaas, waxayna xustay in aan cidna loogu dulqaadan doonin ficilada foosha xun ee noocaas oo kale ah, islamarkaana la horkeeni doono caddaaladda kuwa geysta falalka arxan darrada ah. Askar ka tirsan ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya, oo ku sugan degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa maalmo ka hor lagu eedeeyey in ay halkaas ku kufsadeen gabar yar iyo haweeney xaamilo ahayd. Waxaa la sheegay in gabadh 13-jir ah ay ciidan xoog kaga wateen gudaha degaanka Janaale, kadibna ay kufsi u gaysteen. Sidoo kale, waxaa la soo wariyey in haweeney xaamilka ah ay saddex askari oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay gaari kala dageen, kadibna kufsi u gaysteen. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka jawaabtay eedeymo kufsi oo loo jeediyey Askar appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaad moodaa in Shacabka Muqdisho aysan u hogaansamin Talooyinkii loosoo jeediyey tasoo khatar ku ah Magaalada. Dowlada Federaalku waxay laga bilaabo Caawa ay Bandow kusoo [...] Source
  13. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-15042020.mp3 View the full article
  14. Jamaame (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ku toogatay lix qof oo lagu eedeeyey inay basaasiin u yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee dowlad goboleedyada dalka ka jira. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “maxkamad islaami ah” ay fulisay xukun dil ah oo lagu soo oogay lixdan qof, oo sida la sheegay “basaasiin u ahaa” sirdoonnada dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. Nin qaadi u ah Al-Shabaab, oo warbaahintooda ay soo xigteen, ayaa sheegay in lixdan qof ay uu xukunkoodu uu yahay “xaddu-riddah” oo ah in la dilo, sida uu hadalka u dhigay. Ragga maanta la dilay ayaa magacyadooda iyo dhinacyada ay “u shaqeynayeen” lagu sheegay: 1 – Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dolwadda federaalka ee Soomaaliya. 2 – Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka. 3 – Cusmaan Cabdulle Afrax, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka. 4 – Xassan Hafow Saney, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland. 5 – Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley), oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed. 6 – Hilowle Bashiir Aadan, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed. Toogashadan ayaa timid wax ka badan laba toddobaad un markii Al-Shabaab ay sidoo kale fagaare weyn oo ku yaal magaalada Bu’aale ee Xarunta gobolka Jubbada dhexe ay ku toogatay illaa 6 qof oo ay ku sheegtay inay basaasin u yihiin dowlado shisheeyeye iyo Dowladda Soomaaliya. Inta badan dadka Al-Shabaab ay toogato ee lasoo eedeeyo ayaan helin nidaam caddaaladeed iyo qareeno u dooda inta badan, waxaana xukunkooda mar kasta lagu gooyaa qirasho la sheego inay sameeyaan.
  15. Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa si rasmi ah uga dhaqan-galay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho bandowgii ay soo rogtay dowladda. Goobaha ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa joogsaday, waxaana hubiyey in uu fulay bandowga mas’uuliyiin kala duwan. Bandowga oo bilowday labada fiidnimo ayaa wuxuu ku eg-yahay lixda aroornimadda, sidda uu sheegay Taliska Booliska Soomaaliyeed. Talaabadan ayaa qeyb ka ah ololaha looga hortagayo in fayruska Corona uu ku faafo magaaladda xili kiisaska la xaqiijiyey ay sii marayaan 80 xaaladood. Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadweynaha ka codsatay in ay u hogaan-samaan talooyinka loo jeediyey ee ku saabsan xakameynta cudurka dilaaga ah. View the full article
  16. Wasaaradda caafimaadka iyo dayeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa goordhow shaacisay kiisas ku soo kordhay xanuunka Coronavirus kuwaas oo dhowaan dalka laga diiwaa geliyey 60 kiis War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay dalka ku soo kordheen 20 kiis oo xanuunka COVID-19 ah taas oo tirada guud ee kiisas xanuunka ka dhigeyso 80. Wasaaradda ayaan cadeynin 20 kiis ee cusub goobaha laga kala diiwaan geliyey. Warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu yiri wasaaradda waxaa ay shacabka ugu baaqeysaa in qodkii isku arko xaalada xanuunka ah uu meel gaar isku karaantiilo. Tirada guud ee kiisas ka xanuunka Coronavirus ee dalka waa 80 kiisa. Wasaaradda ayaa sheegtay 20 kiis in ay yihiin kuwo cusub. Waxaa bogsooday 2 kiis. Dhimashada ayaa gaartay ilaa 5 kiis oo COVID19 ah. Kiisaska cusub ee xanuunka Coronavirus ee wasaaradda ay shaacisay ayaa ku soo aadaya iyadoo maalinba maalinta ka dambeyso bulshada dhexdeeda laga dareemayo cabsida la xiriirta xanuunka Coeronavisus magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaana ah goobta ugu badan ee laga diiwaan geliyey kiisaska. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradda lasoo gaarsiiyey kiiska eedeymo la xariira kufsi laba gabdhood loogu geystay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose. “Wasaaraddu waxay cambaareynaysaa falkaas foosha xun oo xad gudubka ku ah diinta Islaamka, xeerarka ciqaabta ciidanka xoogga dalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana baaris ku wada falkaas, maxkamadda ciidamada qalabka sida,” ayaa lagu yiri qoraalka, Sidoo kale warkan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cidii ay ku cadaato eedeymahaas kufsiga ah la marsiin doono ciqaabta ay mudantahay. Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu yiri, “Wasaaraddu waxay cadeyneysaa in cidna aan loogu dul qaadan doonin ficillada foosha xun ee nuucaan oo kale ah, isla markaana la hor keeni doono cadaaladda, kuwa geysta falalka arxan darrada ah”. Bilaawgii bishan ayey aheyd markii ay soo baxday eedeyn ah, in askar ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya ay ee dhawaan Al-Shabaab kala wareegay Jannaale ay laba gabdhood oo midi aad u da’yartahay ay ku kufsadeen halkaas, kuwaas oo maalmo kadib la keenay magaalada Muqdisho, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.
  18. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen sedax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaaray 80 xaaladood. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda. Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada uu u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka. View the full article
  19. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay 20 xaalad iyo 3 geeri oo Covid-19. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee damabaysay ay soo kordheen 20 xaaladood oo cusub, balse lama sheegin dadkaasi meesha ay kaga sugan yihiin dalka. “Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24-kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19, 80 xaaladood” ayaa lagu qoraalka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay geeriyoodeen 3 qof oo ka mid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay Cocid-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa bulsahda kula dardaarmaysa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu ku dhacay Covid-19 oo korortay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbixin cusub waxay kasoo saartay xaalada Coronavirus ee dalka. Hoos ka akhriso bayaanka Warbixin Cusub: Xaaladda Corona ee Dalka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan: > Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood. > Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan. > Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad. Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80 Kiisaska cusub maanta: 20 Tirada Bogsootay: 2 Tirada Dhimashada: 5 View the full article
  21. Puntland ayaa kordhisay bandowgii saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland, sidoo kale soo rogtay awaamiir cusub. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar garowga iyo ka hortagga Covid-19 oo Guddoomiye u yahay ku shir guddoomiyey hab maqal iyo muuqaal ah. “Waxaan galabta qaab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Waan bogaadinayaa illaa iyo hadda shaqada socota, oo runtii aan ku ammaanayo guddi hoosaadka sida joogtada ah ee ay shaqada u wadaan tan iyo markii aanu howshan bilownay. Halista Cudurkan waa mid ka muuqata adduunka iyo sida uu u saameeyay, sidaasi darteed ka Dowladd ahaan si aan dadkayaga u badbaadino waxaan goor horeba bilownay oo xoogga saarnay wacygelinta iyo ka hortagga cudurkan” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa siiwata ayaa yriri “Dadweynaha Puntland anoo ku amaanaya siday ugu hoggaansameen awaamiirta Dowliga ah, waxaan hadana ugu baaqaya in ay qaataan talooyinka Hay’addaha Caafimaadka”. Kulanka waxaa kasoo baxay in muddo kordhin bandow la sameeyay, waxaana lagu kordhiyey muddo 14 cisho in uu sii socon doono bandowga saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland. Waxaa sidoo kale la joojiyey Jimcaha iyo Jaamacada in Masaajidda lagu tukado si loo illaaliyo badqabka caafimaad ee dadka. PUNTLAND POST The post Puntland oo joojisay Jimcaha iyo Jaamacada Masaajidda appeared first on Puntland Post.
  22. Somali Journalists Syndicate (SJS) expresses its extreme concern by the arrest of Goobjoog Media deputy director, Abdiaziz Ahmed Gurbiye by the Somali police in Mogadishu on Tuesday 14 April 2020 and calls for his immediate release. According to Goobjoog Media director, Hassan Mohamed Mohamud, Police summoned and arrested Mr Gurbiye on Tuesday at 9.a.m at the Hodan Police Station. Meanwhile SJS has reviewed a Banadir Regional Court letter dated 14 April and had the reference of arrest and charge order from the Attorney General’s Office, which had ordered the arrest of Mr Gurbiye under Article 220 of the Somali Penal Code which states “offending the honour or prestige of the head of the state”. Mr Hassan Mohamed Mohamud, the Goobjoog director has told SJS that they were not informed about specific reason of their colleague’s arrest. SJS notes that the arrest of Goobjoog Media deputy director is not only a threat against constitutionally granted freedoms but will be a stumbling block in ensuring that citizens are informed of all important emerging issues including to the current emergency of Covid-19. “We are concerned about the arrest of Goobjoog Media deputy director, Abdiaziz Ahmed Gurbiye amid the journalists are on the frontline on the fight against COVID-19,” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) said “We call for the Somali government for his unconditional release.” SJS also calls Somali authorities to end the ongoing ban on Goobjoog Media Group from covering all sports facilities by the Ministry of Youth and Sports, which was enforced by the Somali Football Federation (SFF) on 9 April. Goobjoob News Source: goobjoog.com